-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warar ay Puntlandi maanta ka helayso degmada Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in maamulka Hargeysa uu ciidamo hor leh kusoo daabulayo degmada Tukaraq ee gobolka Sool. Warsidaha Puntlandi oo la hadlay goobjooge, ayaa u sheegay in labadii habeen ee u dambeysay maamulka Hargeysa uu ciidamo kusoo daabulayay Tukaraq, iyagoo farriisimo ka sameystay meel 10km ka jirta dhinaca magaalada Garowe, halkaas oo sidoo kale aysan ka fogayn ciidanka Puntland. Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay jawaab xoogan ka bixindoonto duulaanka lagusoo qaaday Tukaraq sida uu xalay warbaahinta ka sheegay madaxweyne Gaas. Wixii faahfaahin oo dambe kala socda Puntlandi.
-
Bosaso[Puntland Post]-War-saxafadeed ay si wada jir ah u soo saareen sayaasiyiiinta ku midayasan Madasha Toosinta Puntland oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray xafiiska Puntland Post ee Bosaso ayaa waxa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee Puntland iyagoona sida oo kale soo dhaweyey imanshaha Madaxweynaha soomaliya ee deegaanada Puntland. Madasha Toosinta Puntaland waa madalsiyaasadeed oo isbedeldoona, islamarkaana xanbaarsana ragti Siyaasadeed oo Qaangara ah kuna dhisan mabda&fikir dib u curasha Dowladnimo, taaso ay sal u tahey a ragtiwadaag,wadalahaansho, midnimo&wadanjaceyl. Madashu waa mid kamarandeegameysi&ninjecleysi, Madashatoosinta Puntland waxey fursadsiineysa jiilka cusub ay qeyb uga noqdaan Madasha toosinta Puntland oo sadexdii cisho ee ugudanbeysey shir uga socdey magaalo madaxda gobalka bari ee Boosaso, kaaso diirada lagu saarayey xaalada siyaasadeed ee Puntland, waxey madashu shirkaas ka soosaartey warurtiyeedkan. AKhriso Qodobada Warmurtiyedka Madasha Toosinta Puntland MadashaToosinta Puntland waxey sidiiran u soodhaweyney Safarka taarikhiga ah ee uu kuyimi MaxweynahaJamuuriyada Federaalka Soomalia Mudane Mohamed Abdulahi Farmaajo ee deeganada Puntland, Mudane madaxweyne kusoodhawoow dhulka uduga. MadashaToosinta Puntland waxey baaq Nabadeed u direysa Guud Beelahawadadaga ee xurguftu kadhaxeyso waxeyna leedahey ‘’Walaalayaalaynu kudedaalno nabada kudhisan cadaalada, iyadoo loo marayo xalinta khilaafadka jidka wadahadalada ee nabada, nabadbaanaas la nuugoleh. Madasha Toosinta Puntland waxey shacabka Puntland ku dhiirigalineysaa ineyilaashadaan amniga&kaladanbeynta, islamarkaana meel uga soowada jeedsadaan cidsta oo wax yeeleneysa wadajirkooda&wadanoolashahooda MadashaToosinta Puntland waxey saluug santahey qaabkIi loogaley heshiiskii dekada looguna wareejiyey DP World, kaas oo dhaawacaya ganacsiga xorta ah ee Puntland, mana aha mid waafaqsan heshiisyada caalamiga ah. MadashaToosintaPuntlandwaxeydhaliilsantaheyqaabsiyaasadeedkakuxumadahaadanjirtaeeuuhogaamiyoMudaneMadaxweyneAbdiwaliGaas, Taasolehdhaliiloaad u badan. MadashaToosinta Puntland waxey masiboqaran u aragta kaluumeysiga sharcidarada ah ee lagu hayo xeebaha Puntland, taaso ay sharciyeysey xukumada haatanjirta. MadashaToosinta Puntland waxey fursad siineysaa dhalinyarada Puntland oo ay u aragto iney yihiin mulkiiyaasha dalka, waxeyna ku dhiirigalineysa iney qeyb ka noqdaan hogaanka dalka. Madasha Toosinta Puntland waxa ay Maamulka Soomaliland ugu Baaqaday in ay joojiyaan Colaada ay ka abuurayaan Gobalka. Madasha Toosinta Puntland waa mid u furan shacabka reer Puntland, weyna Soo dhaweyneysa cidkasta oo daneyneysa kamid ahaanshaheeda. The post Madasha Toosinta Puntland oo soo dhaweeyey Imanshaha Madaxweynaha Soomaliya ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Aadan Yabaal (Caasimadda Online) – Shir Ballaaran oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan Xarakada Shabaab iyo waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beesha Abgaal ayaa lagusoo gaba gabeeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe. Kulanka oo ay soo agaasintay Al Shabaab ayaa diiradda lagu saarayay kaalinta Beesha Abgaal Cusmaan ay ku leedahay dagaalka ay wadaan Ururka Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inuu yahay Jihaad. Mas’uuliyiin Katirsan Shabaab oo gaba gabada kulanka warbaahinta lahadlay ayaa tilmaamay inay Shabaab bogaadiyaan go’aanka ay ku tilmaameen inuu yahay gobanimo oo ay beesha Abgaal qaadatay, Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo katirsan Mas’uuliyiinta Uruka AL-Shabaab ayaa sheegay in Beesha Abgaal ay kula ballameen sii xoojinta kaalinta ay uga jirto waxa ay ugu yeereen Jihaadka dalka ka socda. Sheekh Xasan Yacquub oo ah Guddoomiyaha Galguduud oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa beesha Abgaal ku bogaadiyay go’aanka ay qaadatay, sidoo kale mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Shabaab ee Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan iyo Sheekkh Cali Katiin oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa khudbad ka jeediyey goobta. Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade oo ah Guddoomiyaha Shabaab ee Sh/dhexe ayaa ka taariikheeyay Beesha Abgaal iyo kaalintii ay ku laheyd dagaalladii gumeystaha lagula galay dalka Soomaaliya illaa iyo dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato. Imaamka Beesha Abgaal Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo kamid ah waxgaradkii beesha ee kulanka ka qeyb galay ayaa hadal uu ka jeediyay madasha wuxuu ku sheegay in Abgaal ay Shabaab la galeen Ballan adag oo ah ka qeyb galay dagaalka isagoo ugu baaqay dhalinyarada beesha in ay sare uqaadaan tababarrada iyo barashada cilmiga sharciga ah. Abwaan Cabdulle Geeda Naar oo kamid ahaa dadkii caanka ahaa ee shirka ka qeyb galay ayaa goobta ka jeediyay Gabay ka hadlayay waaqica dalka Soomaaliya ka taagan wuxuuna ballan qaaday in Abgaal kasoo dhalaali doono ballantii uu ku galay Shabaab The post Sawiro: Muxuu ku saabsanaa kulankii dhexmaray odayaal kasoo jeedo Abgaal iyo ururka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Al Xakiimi,waxaa uu ahaa qofka ugu da’da weyn dalka Sucuudiga,waxaana uu todobaadkan ku geeriyooday da’da 147 Sano. Sheekh Cali ayaa u geeriyooday dhiig maskaxda kafa furmay,waxaana uu taariikh dheer ku leeyahay gudaha Dalka Sucuudiga. Al xakiimi waxaa ay dhaqaatiirta iyo xubno qoyskiisa ka mid ah sheegeen in uu aad u jeclaa socodka lugta ah,halka ay dadka gaadiidka ka raacaanna isaga uu lugeyn jiray,waxaan aay taas ku sheegeen in ay tahay sababta uu caafimaadkiisa u hagaagsanaa mudada dheer. Waxaa uu degganaa Magaalada la yiraahdo Abxaa oo Magaalada Makah u jirta 600KM waligiina gaari uma raacin Makkah iyo Magaalooyinka la midka ah,waxaana uu beddelkeeda u lugeyn jiray magaalooyinkaas. Yaxya Al-Xakiimi oo qoyska Sheekh Cali ka mid ah ayaa u sheegay Al Carabiya in Sheekh Cali uu jeclaa cuntada Beeraha ka soo go’da sida Khudaarta cagaaran,Khamadiga,Galleyda,Digirta iyo Malabka. Waxaa uu ka fogaan jiray cuntooyinka warshadeysan,waxaana uu sidoo kale cuni jiray Hilibka Xoolaha markaas la qalay. Marka uu xajinayo waxaa uu Xajka ku tagi jiray Lugta,isaga oo 600km aan gaari u raaci jirin halkaas oo ay ku taallo Magaalada Makah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sawir: Qofka ugu da’da weynaa Sucuudiga oo ku geeriyooday da’da 147 jir!. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa walaac loogu muujiyay dagaalada dib uga soo cusboonaaday meelo ka mid ah gobalka Sool ee Soomaaliya, war-saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa u qornaa-: Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka. Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah. Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto. Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin. DHAMAAD Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dawladda Federaalka oo war cad kasoo saartay dagaalka Puntland iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay socdaalka la filayo inuu degaanada maamulkaasi ku tago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo iminka socdaal ku maraya Puntland. Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono ayaa waxaa ka mida: Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaan inuu sidoo kale tegi doono degmada Caabudwaaq iyo Guriceel, inkastoo maamulka Galmudug aanay xaqiijin. Diyaargarowga booqashada Madxweyne Farmaajo ee degaanada Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalad Dhuusareeb, halkaasoo lagu wado in si rasmi ah loogu soo afjaro heshiiska maamullad Ahlu suna iyo Galmudug iyo midowga labada dhinac. Safarka madaxweynaha ee Galmudug ayaa ka bilaalan doona magaalada Gaalkacyo oo uu haatan ku sugan yahay taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Magaalooyinka Galmudug ee uu booqan doono Madaxweyne Farmaajo oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo uuna kamid yahay madaxweyne Gaas ayaa saakay u safray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo si weyn loogu diyaar garoobayo soo dhowayntooda. Socdaalkaan oo lug ah ayaa ah midkii ugu horeeyay oo uu madaxweyne Farmaajo ku tagidoono magaalada Qardho, waxaana la filayaa inuu halkaas ku sugnaado maalin iyo habeen, kadibna isagoo usii gudbidoona magaalada Bosaso. Ammaanka magaalada Qardho ayaa lasii xoojiyay, iyadoo halkaas ay xalay gaareen wafuud horudhac usii ahayd madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowladda Puntland. Safarka xiga madaxdu waxay ku tagidoonaan magaalada Gaalkacyo, iyo gobolada dhexe. Puntlandi.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Boqosho rasmi ah ku joogo Puntland ayaa ku Wajahan magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Puntland. Madaxweyne Farmaajo waxaa socdaalkaasi ku wehlinaya Madaxda Puntland uu ugu horeeyo Madaxweyne Gaas iyo xubno kale oo ka tirsan Golayaasha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya. Magaalada Qardho ayaa waxaa ka jirta diyaargaroow balaaran oo lagu soo dhoweeynayo wafdiga Madaxweyne Farmaajo. Boorar lagu xardhay sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada Qardho. Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doono Waxgaradka iyo qeeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho. Markii uu dhamaado Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Qardho Madaxweynaha ayaa tagi doono Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo Qardho ku Wajahan iyo soo dhoweeyn balaaran oo ka socota appeared first on Puntland Post.
-
Dowlada Soomaaliya oo War ka soo Saartay Xiisadaha Tuka-Raq
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka. Qorshaha Dawladda Federaalka ayaa ah in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, waxeyna baaq u diraysaa Somaliland iyo Puntland, mas’uuliyiinta deegaankaas, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaallada iyo colaadaha oo ay dawladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah. Guud ahaan dalka intiisa badani waxuu ka soo kabanayaa colaadihii iyo amni-daradii ragaadisay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan degaanadan ay hadda mashaqadu ka dhacday waxey muddooyinkii dambe ahaayeen deegaanno nabad oo xasillooni ka jirto. Dawladda Federaalka ayaa wadda dadaallo lagu xoojinayo dib-u-heshiisiin waarta oo dhammaan deegaannada la dhex dhigo, waana nasiib darro in xilligan ay dagaallo aan loo baahneyn dhacaan, tanoo fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Dawladda Federaalka waxey ugu baaqeysaa dhammaan qeybaha ay khuseyso inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeeyno oo aan khilaafkeenna ku xallinnaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin. DHAMAAD PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo War ka soo Saartay Xiisadaha Tuka-Raq appeared first on Puntland Post. -
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa Waxaa ka dhacay Qarax lagu xiray gaari. Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Hodan Gaar ahaan Xaafada Taleex ee Muqdisho. Gaariga Qarxay oo ahaa nooca raaxada ayaa waxaa saarnaa labo ruux oo dhalinyaro ahaa. Waxaana labadaasi wiil gaaray dhaawac halis ah iyagoo loo qaaday isbitaalada Muqdisho. ilaa iyo hadda ma cada faah faahin rasmi ahna kama soo bixin ragaasi qaraxa la la eegtay halka ay u shaqeeynayaan. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Gaari lagu Xiray oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax gaari uu ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex. Qaraxa ayaa la sheegay in lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen laba ruux, oo mid kamid ah uu wade ahaa, halka ruuxa kale uu wehlinaayay ruuxa wadaha ka ahaa Gaariga. Qaraxa oo jugtiisa inta badan laga wada maqlay ayaa waxaa ku dhaawacmay labada ruux ee wada saarnaa Gaariga waxaana la xaqiijiyay in dhaawac culus uu soo gaaray Wadaha Gaariga oo la sheegay in dhankiisa lagu xiray Qaraxa. Wadaha Gaariga ee uu dhaawaca culus soo gaaray ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Catoosh, kaa oo watay Gaari nooca yaryar ee raaxada ah oo ku burburay Qaraxa. Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo farabadan oo ka kala tirsan Hay’adaha Booliska iyo Nabadsugida, kuwaa oo baaraya Qaraxa iyo halka loogu soo xiray Gaariga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho kusii kordhaaya Qaraxyada lagu xiro gaadiidka raaxada iyo miinooyinka lagu aaso hareeraha Waddooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
As international travel to the African continent blossoms—visitation was up 6.5 percent in 2017—getting to Africa is becoming easier than ever. A number of carriers are increasing or expanding international service to their African hubs. While getting to the continent may be easier than ever, moving around Africaoften times remains a challenge. Ethiopian Airlines, however, is seeking to alleviate some of that pain. The airline has announced it is looking to establish new hub airports in southern Africa, Central Africa and the Horn, in order to better connect neighboring countries, and further develop trade and tourism within the continent. “We are working with Malawi and Zambia as southern Africa hubs,” said Tewelde Gebremariam, the CEO of Ethiopian Airlines Group, as reported by The East African. “Another hub would be in central Africa, covering the Democratic Republic of Congo, Congo Brazzaville and Chad. We are also in talks with neighboring Djibouti.” “We have a successful hub in Togo—Asky Airline—in which we hold a 40 percent share,” said Tewelde. “Before we established Asky, the only way to travel to travel from Cote d’Ivoire to Benin was first to go to Paris and then from Paris to Benin.” The remarks were made at a press event for the launch of a new Ethiopian Airlines app. “We are not entering a joint venture with these African countries just for the sake of making money,” said Twelde. “Addis Ababa is a very successful hub. Out of the around 11 million passengers we transport every year, 70 percent are not entering Addis. They are transit passengers to other African countries and the rest of the world.” “We are connecting Europe with Africa, the Middle East with Africa and Asia with Africa,” he said. “We want to expand this and be close to the customers. With a very large landmass and around one billion population, Africa has a high growth opportunity. By expanding the hubs, we will be contributing significantly to intra-Africa connectivity.” The remarks come on the heels of a Nigerian Tribune interview with Esayas WoldeMariam, Managing Director, International Services of Ethiopian Airlines, who also echoed the airline’s vision for the future as it plans an expansion into Nigeria. “One of Ethiopian Airlines’ strategies is to have multiple hubs in Africa connecting it with our main hub, Addis Ababa, as well as a hub to hub connections,” he said. “Next, to the main hub, Ethiopian Airlines has established its second and third hubs in Lomé (Togo) in partnership with ASKY Airlines. The third at Lilongwe, Malawi with Malawian Airlines.” He also noted that creating a “more efficient intra-Africa network” was in line with the airline’s strategic roadmap, known as Vision 2025. WoldeMariam also spoke of the challenges in expanding the airline’s network within Africa, including high fuel costs, high taxes and navigation fees, and poor infrastructure. “Despite the challenges,” he said, “[Ethiopian Airlines] managed to remain successful, being the fastest growing airline in Africa.” He also noted that the airline, in tandem with the African Union, AFCAC, AFRAA and other African carriers, is pushing for a comprehensive adoption of an African Civil Aviation Policy known as the Yamoussoukro Declaration (YD), which would reform industry in Africa and help nations and carriers uniformly develop a continental open skies agreement. Discussions of a universal adoption of the YD come just as some African nations also contemplate creating a borderless Africa, lessening the need for visas for intercontinental travel. For Ethiopian Airlines, it’s all about establishing a “missing link.” “As a Pan-African Airline, serving our beloved continent Africa has always been a source of pride for Ethiopian Airlines,” said WoldeMariam. “With this commitment, Ethiopian has been able to create a missing link, availing easy movement of Africans from one corner to the other.” In 2017, Ethiopian Airlines added 12 new destinations with another 10 new destinations planned by June 2018. In North America, the airline serves Washington D.C., Toronto and Los Angeles. Source: – TravelPluse The post Ethiopian Airlines Seeks to Ease Inter-Africa Travel appeared first on Caasimada Online.
-
Mas’uuliyiin uu horkacayo maamulka gobolka shabeellada dhexe ayaa furay biyihii in muddo ah ku xayirnaa halkaasi mashruuca biyo keydinta Xawaadley. Qaar ka mida beeraleyda ku dhaqan deegaannada gobolka shabeellada dhexe ayaa ka hadlay faa’idooyinka uu leeyahy in mashruuca dib loo furo Qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay arritani tahay ajiibid ku aadan sidii beerihii gobolka shabeellada dhexe keydkii anfici lahaa wax looga qaban lahaa, guushiina la gaaray. Beeraleyda dhammaanteed waxa ay ka qeyb qaateen mashruuca dhameystirkiisa, biyihii ku xirnaa muddo 28 sano waxaa u soo gurmaday iskaashitooyinka ka tirsan gobollada shabeellada hoose iyo kan dhexe. Mashruucaan biyo keydinta ah ayaa biyihiisu waxaa uu kaafin karaa sida la sheegay beeraleyda ku dhaqan gobollada shabeelada hoose iyo dhexe mudo labo bilood ah. Goobjoog News Source
-
Immigration lawyers have filed a complaint against a Florida detention center, alleging guards pepper-sprayed, shackled and used excessive force on Somali detainees and called them racial slurs, including the N-word. In the early morning of Dec. 9, immigration enforcement agents transported 92 Somalis — including some Minnesota residents — to two centers in Florida. At least 42 of them were taken to Glades Detention Center in south-central Florida. The detainees were sent out of the country on Dec. 7, bound for their native Somalia but never made it. Logistical problems forced the flight to return to the United States after a brief stop in the West African country of Senegal, according to immigration law enforcement agents. Lawyers, who filed a class-action lawsuit on behalf of the Somali detainees, allege that federal immigration agents physically and verbally abused detainees during that time. On Monday, a federal judge in Miami extended a temporary hold on the deportation of these 92 men and women who were arrested by U.S. Immigration and Customs Enforcement agents across the country in recent months. Lawyers from the Legal Aid Service of Broward County, Immigration Clinic at the University of Miami School of Law and Americans for Immigrant Justice Monday evening filed a complaint against Glades to the federal Department of Homeland Security’s acting inspector general saying facility staff have “failed to treat our clients with humanity and even the most basic respect for the dignity of another human being.”Workers at Glades, which has a contract with the federal immigration agency, “have subjected our clients to abuse, both verbal and physical, have denied them medical and mental health care, and have employed harsh and punitive measures inappropriate to civil detention, disproportionate to any alleged offense, and in retaliation for complaints,” the lawyers said in the complaint as they pressed for an investigation. “ICE is firmly committed to the safety and welfare of all those in its custody,” U.S. Immigration and Customs Enforcement spokesperson Nestor Yglesias said in a statement to MPR News. “ICE has a strict zero-tolerance policy for any kind of abusive or inappropriate behavior in its facilities and takes any allegation seriously. ICE ensures facilities operate in compliance with its rigorous national detention standards through an aggressive inspection program.” John Bruning, an attorney with the Kim Hunter Law firm in St. Paul that has two clients on the returned flight, traveled to Miami last week to help with the ongoing litigation since his firm has experience with Somali immigration cases. He interviewed eight Somali detainees at Glades. On Jan. 2, Bruning spoke with 32-year-old Mohamud Hassan from Minnesota. When guards brought him in the interviewing room, Hassan was in a five-point restraint. His handcuffs were attached to a waist chain and his feet were chained. In a sworn statement included in the complaint, Hassan said he had failed back surgery in the summer and still has a wound from the surgery. During the botched Dec. 7 flight, Hassan said he explained to a guard that he stood up because his back hurt. “The guard body-slammed me and put his knee in my back right where my surgery wound is,” he wrote in the affidavit. “He did it on purpose, after I told him about my back.” At Glades, Hassan said he was given a pain medicine and muscle relaxer but later got into an argument with an officer about his pain treatment. “The officer wouldn’t listen and made moves to body-slam and tackle me to the ground,” Hassan wrote. “I tried to warn the officers about my back and went down on the ground voluntarily, but then the officer stomped on my back, right on my surgery wound.” “He also punched me in the face and beat me while other officers and a Lieutenant watched,” added Hassan, who was later placed in a segregated unit for 30 days. He added, “I am in a lot of pain.” Source: – MPR The post ‘A lot of pain’: Somalis allege abuse by immigration detention guards appeared first on Caasimada Online.
-
Somali Community in Zambia has donated 35 trucks to the government which will be used for garbage collection. Community Chairperson Mohamud Mohamed says of the 35 trucks donated 10 have been allocated to Ndola while 25 have been allocated to Lusaka. Mr. Mohamed says the Somali community is concerned with the increase in cholera cases hence the donation of trucks to supplement government efforts in fighting the disease. And Some of the donated trucks are already being used collecting garbage in Lusaka’s Garden and Chaisa compounds where residents have conducted a cleanup exercise. Ngwerere Ward 19 Councilor Adrian Banda has expressed happiness over the full participation of the residents in the ward. Mr. Banda has also hailed the Somali community for the donated trucks. And Chaisa ward 20 councilor Ruth Phiri says the cleanup exercise is not once off as it will continue in the area. This is the first time the Somali community in zambia is making such a huge donation to the Zambian government, this is because the newly elected Somali community in zambia chairperson Mr Mohamud Mahamud Grew up in zambia and understands a lot about the Zambian culture which has prompted him to help the Zambian government in the fight against cholera. Source: LT The post Somali Community in Zambia donate 35 trucks for garbage collection appeared first on Caasimada Online.
-
Xafiiska amniga ee maamul goboleedka Galmudug oo kaashana saraakiisha ciidamada booliska ayaa bilaabay tiro koobka ciidamada Booliska ee ku sugan deegaannada Galmudug. Guddoomiyaha amniga Galmudug Maslax Cali Xuseen oo la Hadley Goobjoog News ayaa sheegay in ay tiro koobeen dhammaan ciidamada Booliska ee ku sugan gobolka Galgaduud hadana ay bilaabeen Tiro koobka ciidamada ku sugan Mudug. “Saraakiisha waxaa ay bilaabeen kormeer lagu ogaanayo tiro koobka iyo tayada ciidamada Galmudug sidoo kale waxaa lagu kala ogaanayaa baahiyaha ay qabaan ciidamada iyo sida ay ukala daranyihiin waxaa la kormeerayaa saldhigyada iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan”. Ciidamada Booliska ee ku sugan deegaannada Galmudug ayaa qaba baahiyo isku mid ah oo la xiriira dhanka abaabul la’aanta iyada oo ciidamada mararka qaar ay ku howlgalaan gawaarida shacabka. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa mar kale si faahfaahsan uga hadlay dagaal ay ciidamada maamulka Somaliland kusoo qaaden deegaanka Tukaraq. C/weli Gaas, ayaa sheegay in dagaalka Somaliland ay ku qabsadeen Tukaraq uu yahay mid lagu sii hurinaayo colaado ka dhex dhasha labada dhinac waxa uuna tilmaamay inaanu dani ku jirin dagaal xiligaan la huriyo. Waxa uu Gaas tilmaamay in ciidamada dagaalka soo qaaday 8-dii bishan laga soo abaabulay magaalada Hargeysa, waxa uuna cadeeyay inay adkaan doonto inay isha ka fiirsadaan tacadiyada ay ciidamada Somaliland kawadaan Tukaraq. Gaas, waxa uu intaa ku daray in ciidamada laga soo abaabulay magaalada Hargeysa uu u jeedkooda ahaa qalqal galin socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyada balse ay ku rajo weyn yihiin in Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, ay si rasmi ah ugu soo laaban doonto gacanta Puntland. ‘’Duulaanka Tukaraq waxaan ka aaminsanahay gardaro iyo daandaansi qaawan oo Somaliland ay ku heyso Puntland, jawaab ayaana ka bixin doonaa’’ Wuxuu sheegay Gaas in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda. Sidoo kale C/weli Gaas ayaa sheegay duulaanka Somaliland inuu garab iyo gaashaan u yahay Argagixisada, isaga oo sheegay in Puntland ay culeyska saartay hormarka iyo dib u dhiska dalka. Si kastaba ha ahaatee, Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay difaacdan dhulkooda, isla markaana ay ka dulqaadan waxa uu ugu yeeray maleeshiyaadka Hubeysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Gaas oo cadeeyay waxa uu ka aaminsan yahay duulaanka Somaliland ee Tukaraq appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay weli socdaan dadaalo lagu soo celinaayo maqaamka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed. Thaabit Cabdi, ayaa sheegay inay ka go’an tahay raadinta maqaamka Gobolka Banaadir, waxa uuna ka codsaday Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka in ay dadajiyaan dhismaha maqaamka siyaasadeed ee caasimada. Thaabit waxa uu sheegay inaysan dayici doonin rajada ay shacabka caasimada ka leeyihiin helida maqaamkooda, waxa uuna arrin muhiim ah ku sheegay in Gobolka uu gaaro maqaamkiisa. Thaabit Cabdi, waxa uu sheegay shacabka Muqdisho oo ka badan 3 Milyan in weli ay DFS, gaar ahaan baarlamaanka ay ka sugayaan in Muqdisho ay hesho xaqii ay laheyd, taasi oo ay ku leedahay nidaamka Federaalka. ‘’Dowladu wey la soctaa in Gobolka Banaadir uu ka maqan yahay xaq gaara, waxaan juhdi galin doonaa sida lagu heli lahaa maqaamka Gobolka oo soo celintiisa aan u arko mid muhiim ah’’ Waxa uu sidoo kale, Thaabit sheegay in baarlamaanka uu horyaallo maqaamka ay leedahay magaalada Muqdisho, maadaama dastuurka dalka uu dhigayo in labada Gole ee Dowladda ay sharci ka soo saarayaan maqaamka caasimadda. Guddoomiye Thaabit , ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu soo xerayay Kalfadhiga Labaad ee Golaha baarlamaanka Aqalka Sare oo xalay ka dhacday Muqdisho, waxa uuna ku baaqay inaan la yareysan qeyla dhaanka shacabka muqdisho. Ugu danbeyntii, Thaabit ayaa baarlamaanka Somalia ugu baaqay inay hir galiyaan baahida Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, maadaama uu dastuurku yahay mid qaba maqaamka caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Thaabit oo ka xog waramay halka uu maraayo baadi-goobka loogu jiro maqaamka Caasimada appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa weli ku guda jira booqashooyinkiisa deegaanada maamulka Puntland. Madaxweynaha oo maalintii Seddexaad ku sugan magaalada Garoowe, ayaa lagu wadaa in manta uu booqdo magaalada Qordho oo ka tirsan Puntland. Madaxweynaha ayaa halkaa ku qaabili doona Salaadiinta ugu sarsareysa deegaanada maamulka oo badankood halkaa ku ah deegaan, waxa uuna sidoo kale la kulmi doonaa mas’uuliyiinta iyo Odayaasha magaalada. Ujeedka ugu weyn ee socdaalka Qardho ayaa ah in Madaxweynaha uu Salaadiinta kala hadlo xalinta dhammaan colaadaha deegaanka iyo ka shaqeynta xal u helida iyo wada noolaanshiyaha maamulada deriska la ah Puntland. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in safarka Madaxweynaha uu yahay mid dhulka ah, oo qaadanaya laba saacadood, waxaana wafdiga Madaxweynaha qeyb ka ah Madaxda sare ee Puntland iyo qaar ka tirsan xubnaha labada Gole ee Dowladda Federaalka. Madaxweynaha ayaa magaalada Qardha ku nagaan doona muddo Saacado ah, waxa uuna manta halkaa kula qadeyn doonaa Salaadiinta iyo Madaxda maamulka. Waddooyinka loo maro magaalada Qardho ayaa waxaa saaka la tubay ciidamo farabadan oo aad u gaashaaman, halka sidoo kale lagu xardhay Calanka buluuga ah ee Soomaaliya iyo kan maamulka Puntland. Safarka Farmaajo iyo Wafdigiisa ee magaalada Qardho ayaa noqonaaya mid taariikhi ah, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha uu dib ugu soo laaban doono magaalada Garoowe. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa gudaha asbuucaani ku laaban doona magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale la qorsheynayaa inuu isku diyaarin doono booqashooyin kale oo gudaha ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post Muxuu yahay ujeedka socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Qardha appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaalkii Labo maalin kahor ay ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Waxa uu sheegay Gaas in Puntland shacab iyo ciidanba ku filan yihiin difaaca dhulkooda, isaga oo weerarkii Somaliland kusoo qaadday Tukaraq ku tilmaamay mid garab lagu siinayo waxa loogu yeero argagaxisada. C/weli Gaas ayaa u sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan beesha caalamka in wax walbo oo dhaca ay mas’uul ka tahay Somaliland. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa ku celiceliyey in dhulkooda ka difaacan doonaan Somaliland. 8-dii bishan, ciidamada Somaliland ayaa weerar ku qaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland. Goobjoog News Source
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta booqan doona degmada Qardho ee gobolka Bari. Waxa uu madaxweynaha kula kulmi doonaa magaalada Qardho Waxgaradka degmadaasi iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii ugu dambeeyay wuxuu booqasho ku jooday Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiinta maamulka Puntland, waxgarad iyo shacab farabadan. Ammaanka magaalada Qardho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo shacabka magaaladaasi isku diyaarinayaan sidii ay kusoo dhoweyn lahayeen madaxweynaha iyo wafdiga la socda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale Goobjoog News Source
-
As international travel to the African continent blossoms—visitation was up 6.5 percent in 2017—getting to Africa is becoming easier than ever. A number of carriers are increasing or expanding international service to their African hubs. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa la weysanyahay tobannaan muhaajiriin ah kuwaasi oo marayey badda dhexe (The Mediterranean Sea) kadib markii ay ku mashoodeen doon caag ahedy oo ay saarnaayeen. Doontaan ay saarnaayeen dadkaan muhaajiriinta ah ayaa waxay ku socotay dhanka xeebaha Libya, waxaana jirta cabsi ah inay dadkaan ay ku dhinteen badda. Ciidamada ilaalada xeebaha Libya ayaa sheegay in 90-100 oo muhaajiriin ah la weysanyahay xilli 300 oo qof laga soo saaray saddex doomood oo ay saarnaayeen dadkaan ayaa waxay dhibaatooyin ay kala kulmeen badda gudaheeda. Dadka qaar oo badbaaday ayaa sheegay in saacado ay ku qaateen biyaha dhexdooda ka hor inta aan la soo badbaadin. Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta ka sameysneyd cinjirka ay waday in ka badan 100 qof ka hor inta aysan biyaha ku maashoon, afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha Libya oo lagu magacaabo Ayuub Qaasim ayaa sheegay inay badbaadiyeen 17 qof oo kaliya ayna ku jiraan haween. Goobjoog News Source