Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,987
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa qarxiyey weerarkii lagu qaaday Gurigiisa ee ay ka dambeeyeen ciidamada uu tababarray Imaaraadka ee Muqdisho, wuxuuna dalbaday in baaritaanka kiiskaasi loo soo bandhigo shacabka. Isagoo ka hadlayay goor dhoweyd fadhiga aqalka sare ee Baarlamaanka oo iminka ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gurigiisa loo weerarray tuhun ah inuu ku jiray ninkii ka danbeeyay weerarkii 14-ka Oktoobar ee Isgoyska Soope. “Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka gurigeyga waa in lala wadaagaa baarlamaanka iyo shacabka..” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid oo dhinaca kale sheegay in 60 maalmood kadib weerarkii lagu qaaday gurigiisa aan wax tallaabo ah laga qaadin dadkii ka damnbeeyay weerarkaasi. Cabdi Qeybdiid oo warbixinta weerarkii lagu qaaday Gurigiisa 30-kii Disembar 2017 ka jeediyay Aqalka sare ayaa Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isla markaana lasoo bandhigo baaritaankii lagu sameeyay weerarka. Kulanka koowaad ee kalfadhiga 3aad ee Aqalka sare ayaa maanta ka furmay magaalada Muqidsho iyadoo looga hadlo weerarkii lagu qaaday guriga Senator Qeybdiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Cabdi Qeybdiid oo Kashifay sababtii Ciidamada Imaaraadku tababarray u weeraray Gurigiisa appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasmadda Online) – Golaha Fulinta Madatasha Talo-wadaag oo shir isugu yimid kuna falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalka ayaa ka soo saaray warmurtiyeedkan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay Talo Wadaag Tr.(02/MTW/2018) Warmurtiyeed Xaaladda dalku jiro (Muqdisho: 13/03/2018) Golaha Fulinta Madatasha Talo-wadaag oo shir isugu yimid kuna falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalka ayaa ka soo saaray warmurtiyeedkan. Madasha Talo-wadaag oo u taagan sareynta sharciga, ilaalinta dastuurka qaranka iyo hanashada umadda soomaaliyeed ee horumar la taaban karo waxay u aragtaa in faragalinta dalalka shisheeye ku hayaan umadda soomaaliyeed aan la aqbali karın taasoo ay ka mid tahay heshiisyada sharci darrada ah ee la saxiixay iyadoon loo marin dariiqii saxda ahaa. Madashu waxay bogaadinaysaa soona dhawaynaysaa goaankii taariikhiga ahaa ee uu gaadhay baarlamaanka federaalka soomaaliyeed ee cinwaankiisu ahaa gobanimada iyo geyiga soomaaliyed. Madashu waxay soo dhawaynaysaa waxkasta oo ku saabsan horumarka dalka iyo dadka soomaaliyeed. Madashu waxay ugu baaqaysaa Madaxda qaranka oo ugu horreeyo madaxwaynuhu in la hirgaliyo goaankii ay qaateen barlamaanku, xukuumadana lagula xisaabtamo meelmeerinta goaankaasi. Madashu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan in ay u istaagaan ilaalinta Qaranimada Soomaaliya, si taas loo xaqiijiyana waa in laga shaqeeyo dib heshiisiinta iyo isku duubnaanta shacabkaa soomaaliyeed. Madashu waxay ku boorinaysaa dhamaan dadka soomaaliyeed in wixii khilaafaad ah ee jira dhexdooda lagu xalliyo wada-hadal iyo isfaham. Dhamaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madasha Talo-Wadaag oo soo saartay Warmurtiyeed ku saabsan Xaaladda dalku jiro appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markasta caddeeya Mowqifkiisa ku aadan sidii looga taqalusi lahaa Kooxda Shabaab ayaa ciddii lasocotay khudbaddii uu 10-kii Maarso 2018 ka jeediiyey Furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka waxa uu dhowr jeer ku celiyey sida ay muhiimka u tahay in dowladdu ay ka guuleysato Argagixisada. Maalin kadib Madaxweyne Farmaajo waxa uu qaaday talaabo muhiim u ah arrintaas oo ah in uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Seexda Wasaaradda Wasaaradda Gaashaandhiga 27 kadib, isaga oo xiran Tuutaha Ciidanka arrintaas oo timid kadib markii uu shaaciyey in hawlmaalmeedkiisa uu u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhiga. Waxaan rabaa in aan ku xasuusiyo wax aad ogtahay oo ku saabsan taariikhda aan wada aragnay ee Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha hadda talada haya waxaa ka mid ah taariikhda ay Shacabka Soomaaliyeed ku xasuustaan in isaga oo ra’iisul wasaare ka ah dalka uu hoggaan ka noqday in Alshabaab laga saaro Magaaladda Muqdisho, iyaga oo xilligaas heystay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, marka aan tusaalahaas ku qalin qabsado dad badan oo aan ka mid ahay ayaa rumeysan in Madaxweyne Farmaajo uu ku guuleysan karo nabadeynta guud ahaan dalka. Sawir noocee ah ayey bixineysaa in Madaxweynuhu uu ku hoydo Wasaaradda Gaashaandhiga? Dadka dowladnimada jecel ee laga yaabo in ay qabeen aragti ah in Madaxda dalku aysan daacad ka ahayn dagaalka lagula jiro argagixisada waxa ay u tahay jawaab cad oo ay ku qanci karaa haddiiba Madaxweynihii dalku waqtigiisa iyo shaqadiisaba usoo wareejiyey meesha ugu sarreysa ee Ciidanka Xooga laga maamulo, dhinaca kale waxa ay muujineysaa in ay adag tahay in ay sii jiraan Alshabaab oo waxa ay u egtahay in dowladdu ay isticmaaleyso awoodeedii ugu dambeysay oo ay u taqaluseyso. Madaxweyne Farmaajo in uu ku hoydo Wasaaradda Gaashaandhiga waxa uu dheer dadaal badan oo ku bixinayo dib u hagaajinta Ciidanka Xooga dalka iyada oo Dowladda dhexe arrintaas la kaashaneyso Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, marka la fiiriyo dadaaladaan oo dhan waxa ay muujinayaan in Soomaaliya ay gashay soo kabasho fiican oo dhinaca ammaanka ah. Madaxweyne Farmaajo oo si Alshabaab loo soo afjaro sameeyey talaabo uu uga duwan yahay Madaxweynayaashii ka horreeyey oo ah in uu 27 sano kadib ku hoyday, hawlmaalmeedkiisana u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweyne Farmaajo oo si Alshabaab loo soo afjaro sameeyey talaabo uu uga duwan yahay Madaxweynayaashii ka horreeyey!!! appeared first on Caasimada Online.
  4. The authorities of Balad-Hawo have closed the town’s borderline with Kenya’s Mandera town following encroachment allegations against the government of Kenya. Source: Hiiraan Online
  5. The authorities of Balad-Hawo have closed the town’s borderline with Kenya’s Mandera town following encroachment allegations against the government of Kenya. Source: Hiiraan Online
  6. The authorities of Balad-Hawo have closed the town’s borderline with Kenya’s Mandera town following encroachment allegations against the government of Kenya. Source: Hiiraan Online
  7. Research by a physician at Children’s Hospital in Minneapolis is offering a new solution to a common problem in pediatric care: sorting out the many patients with bad stomachaches from the few who need surgery for appendicitis. Source: Hiiraan Online
  8. Maamulka Gobolka Nugaal ayaa Maanta Soo Saaray wareegto lagu mrayo in dhamaan Ururadda dhalinyaradda iyo kuwa NGOs ee Ka jira Gobolka Nugaal, kuwaas oo aan haysan warqadda Ruqsada Diiwaan galinta ay yimaadaan Gobolka Sidoo Kalana Qaataan Ruqsada. Maamulka gobolka Nugaal ayaa sidoo kale sheegay inay hubinayaan shaqada ay qabtaan ururada dhalinyarada, kuwaas oo horey qaarkood loogu eedeeyay inay ku shaqeynayaan fikrado kasoo horjeeda siyaasada dowladda Puntland iyo in dano siyaasadeed looga faa’idaysanayo. Halkaan hoose ka akhriso go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka. Puntlandi.com
  9. Kenyan authorities are receiving Ethiopians fleeing violence back home after security forces killed nine people and wounded a dozen others in a mistaken anti-terrorism fight. Source: Hiiraan Online
  10. Egyptian Foreign Minister Sameh Shukry has met South Sudanese President Salva Kiir to discuss Juba's request to join the Cairo-based Arab League, according to a foreign ministry statement. Source: Hiiraan Online
  11. UK Prime Minister Theresa May is braced to take "extensive measures" against Russia should it not offer a credible explanation of how an ex-spy and his daughter were poisoned on British soil with a military-grade nerve agent. Source: Hiiraan Online
  12. Women leaders and activists in Garissa county yesterday discussed strategies to fight FGM. Ninety-eight per cent of women in Garissa undergo the illegal mutilation, despite the ban. Source: Hiiraan Online
  13. Dowladda Federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah ayaa markii ugu horreeysay la filaya si wadajir ah inay uga faa’ideystan dakhliga ka soo xaroodda bixinta rukhsadaha Kalluumaysiga, bangiga dhexe ayay lacagta ku soo dhacaysa iyadoo kaddibna ay dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada si afgarad ah ku qeybsan doonan, sida u xaqiijiyay wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya, Cabdiraxman Maxamed Cali Xaashi oo VOA-da la hadlay. 10 February ayaa shir ka dhacay Muqdisho waxaa ku heshiiyay qeybsiga dakhliga ka soo xaroodda bixinta rukhsadaha Kalluumaysiga dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana go’aan lugu gaaray dhaqaalaha halka ka soo xoroonnaya in wax looga qabto amniga iyo in dhaqaalaha waddanka lugu kabo. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa haysata kheyraadka ugu badan xagga badda, maadaama ay leedahay dhul xeebeedka ugu balaaran Soomaaliya, taasoo haddii si wanaagsan looga faa’idaysto wax badan ka tari karta horumarka Puntland. Puntlandi.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerar ku qaaden Saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Gobolka. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerarka kasoo qaaday dhowr jiho, waxaana la sheegay in weerarka uu isugu jiray Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah. Maleeshiyada ayaa weerarka ku qaaday Saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan deegaanka Golweyn. Weerarka ayaa dhacay saqdii dhexe ee Xalay xili ay ciidamada AMISOM ku guda jireen tamashleyn, waxaana lasoo sheegayaa in weerarka uu ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac ah. Maleeshiyada ayaa weerar kaa lamid ah ku qaaday Saldhiga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ambareeso ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana sidoo kale la sheegayaa in weerarkaas uu ka dhashay khasaaro xoogan. Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa Qarax miino ka geysatay Degmada Qoryooley, gaar ahaan goob ay isugu yimaadaan ciidamada, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare ugu yaraan, hal askari ayaa halkaasi ku dhintay. Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi oo soo gaaray ciidamada AMISOM ee Saldhigaasi lagu weeraray. Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan ka hadal khasaaraha ka dhashay weerarka waxaana lasoo warinayaa in saaka Saldhiga la weeraray diyaarado looga guraayo dhaawacyo iyo Meydad dhowr ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerar isugu jira Qaraxyo & mid toosa oo lagu qaaday Saldhig ay AMISOM ku leeyihiin G/Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
  15. Millennials of color are going to be a major force in shaping Columbus and other American cities over the next few decades. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU (Xinhua) -- Two United Nations agencies and Somalia's Health Ministry on Monday launched a campaign to immunize over 4.7 million children aged from six months to 10 years against measles in the drought-hit Horn of African nation. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaabo ah uu magaalada Muqdisho ka furmo Kalfadhiga 3aad kulankiisa koobaad ee Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamanka Somalia. Kulanka maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr ajande waxaana ugu weyn Xeerka dhowridda Gobonimada iyo Madaxbanaanida Geyiga Soomaaliya. Xildhibaanada baarlamaanka Aqalka sare ee Somalia ayaa doodooda xooga ku saari doona qodobka Gobonimada iyo Madaxbanaanida Somalia, waxa ayna go’aan ka gaari doonaan xeerkii dalka looga mamnuucayay DP World . Kaa oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka meel mariyeen islamarkana dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Dood badan ka dib ayaa mudanayaasha Aqalka sare laga sugaya in ay ansixiyaan si markaasi uu u saxixo Madxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo. Si kastaba ha ahaatee, Xubnaha Aqalka sare ayaa daba gal ku sameyndoona weerarkii bishii December ee sanadkii 2017-kii lagu qaaday guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada Aqalka Sare oo go’aan cad ka qaadan doona Shirkada DP Worlad & Farmaajo oo laga sugaayo inuu saxiixo appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiilada maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Somalia uusan waxba u dhimi doonin Somaliland. Xildhibaan Axmed, waxa uu sheegay in baarlamaanka Somalia uu qaatay go’aan iyaga u gaar ah, waxa uuna tilmaamay inaanu waxba ka khuseyn go’aan waliba oo kasoo baxa dowlada Somalia. ‘’Go’aanka kasoo baxay baarlamaanka Somalia waxa uu lamid yahay go’aan uu gaaray shaqsi aan waxba kala socon adduunka, waxaan u sheegeynaa dowlada Somalia inay iska ilowdo waxa ay ku riyooneyso ee weli ku jira maankeeda’’ Xildhibaan Axmed, waxa uu sheegay in Somalia ay la yihiin dal dersi ah iyaguna ay yihiin kuwo ismaamula oo deris al ah Somalia isla markaana aan uga sokeyn Ethiopia iyo Uganda. ‘’Waxaan dowlada Somalia ugu baaqi lahaa inay go’aankeeda uusan ka beerdaroobin oo ay qaado talaabada ay is leedahay waxbaad kusoo celinkartaan waayo waxaan ogahay inuu wakhti ka qasaari doono oo aanu waxba ka khuseyn go’aan waliba’’ Sidoo kale, waxa uu sheegay in shirkada DP World ay ku saxan tahay go’aanka ay ku laashay amarka dowlada Somalia, hase ahaatee waxa uu tilmaamay inay u harsan tahay kaalintooda. Haddalka Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, ayaa kusoo beegmaaya xili baarlamaanka Somalia uu shirkada DP World ka mamnuucay guud ahaan Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Somaliland oo ka hadashay go’aanka kasoo baxay baarlamaanka DF Somalia appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa beeniyay wararka sheegaya in gudaha Degmada lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay been abuur tahay in gudaha degmada lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab. Waxa uu tilmaamay in wararkaasi been abuurka ah ay baahiyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta, hase ahaatee ka maamul ahaan aysan kawarqabin halka lagu dilay maleeshiyaadka al-Shabaab. ‘’Waa been abuur ma arag goob lagu dilay xubno ka tirsan al-Shabaab, Saraakiisha amaanka iyaga ayaa iska sheegtay dilka xubnahaasi, waxaanse cadeynayaa inaanu jirin xubno ka tirsan Shabaab oo lagu dhex dilay degmada’’ Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada waxa uu sheegay in liiska ay Saraakiisha ciidanka xoogga usoo gudbiyeen uu ka koobnaa Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur) oo ay Saraakiishu dileen, hase ahaatee uu beeniyay Guddoomiyaha. Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada xoogga ee ka howlgala Degmada ayaa sheegay in Guddoomiyaha Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose, uu difaacayo maleeshiyaadka al-Shabaab. Saraakiishu waxa ay sheegen in Guddoomiyaha Degmada ay wada shaqeyn kala dhexeyso al-Shabaab, hase ahaatee maamulka laga doonaayo inay wax ka qabtaan xadgudubyada uu wado Guddoomiyaha. Dhankale Gudoomiyaha degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/Hoose Muxudiin Khaliif Caliyow oo dibad joog ka ah degmada uu ku magacaaban yahay ayaa tilmaamay in uu wado qorshe uu ku gaaraayo degmada Kuntuwaarey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Guddoomiye Degmo oo si aan caadi aheyn u difaacay maleeshiyaadka al-Shabaab (Sidee ayuu u difaacay) appeared first on Caasimada Online.
  20. Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Aqalka sare ee Muqdisho. kulankaan oo ah mid xasaasi ayaa waxa ay ka hadli doonaan arinta la xariirta go aankii shalay ee Baarlamaanka. Xubnaha aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay ku raacaan islamarkaasina ay taageeraan go aankii shalay Baarlamaanka. Xubno katirsan Aqalka sare ee dalka ayaa u sheegay Warbaahinta Puntland Post xafiiskeeda warqabadka Muqdisho in ay Golaha uu taageersanyahay go’aankii shalay ee Xildhibaanada aqalka hoose. Markii iyana ay meel mariyaan Xildhibaanada aqalka sare qaraarka dalka lagaga mamnoocayo shirkada DP World ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo Madaxweyne Farmaajo si uu u saxiixo. Waxaa sii xoogeeystay qilaafka u dhaxeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya kaasi oo ku aadan heshiiskii shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka ay Soomaaliland la saxiixatay heshiis Dowlada Soomaaliyana ku tilmaamtay mid sharci daro ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Aqalka sare oo ka doodaya Arinta Shirkada DP World appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa Xisbiyada mucaaradka dalkaas ugu baaqday inay tixgaliyaan kulanka uu Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga todobaadkii la soo dhaafay la qaatay Madaxweynaha Kenya. Dowlada ayaa mas’uuliyiinta qeybta ka ah Xisbiyada ugu baaqday inay tashkiilinta iyo war xumada ka dhaafan Raila Odinga oo xor u ah la kulankiisa Madaxweyne Uhurro Kenyatta. Francis Atwoli oo ah Madaxa Shaqaalaha Dalka Kenya ayaa sheegay in Hoggaamiyayaasha iyo Xubnaha Xisbiyada ay durba faquuq iyo war xumo ku bilaabeen Hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga. Waxa uu Francis Atwoli tilmaamay in Raila Odinga uu xor u yahay la kulanka Madaxweynaha dalka, sidaa aawgeedna mucaaradka kale laga doonaayo inay muujiyaan dulqaad. Waxa uu Mr Francis Atwoli cod dheer ku sheegay in kulanka Madxaweyne Kenyatta iyo Raila Odinga uusan aheyn mid lagu amaanaayo xaalada dalka, balse uu kulankooda uu yahay mid kala warqaadasho ah. Maalin un ka hor ayey aheyd markii Hogaamiyaha labaad ee Mucaaradka Kenya Mr Kilonzo Musyoka uu sheegay in Raila Odinga uusan Sharaaxaad uga bixin Hogaamiye yaasha kale kulanka uu la qaatay Madaxeynaha Kenya Mr Uhuru Kenyatta. Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Mr William Ruto ayaa dhankiisa ugu baaqay Hogaamiye yaasha Mucaaradka Kenya in ay Ka shaqeyaan Sidii La isugu Keeni Lahaa Muwadiiniinta Kenyanka ah ee ku Kala Qeybsamay Doorashadii Guud ee Sanadii La soo Dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mucaaradka Kenya oo war xumo u rogay kulanka Madaxweyne Kenyatta & Raila Odinga (Maxay yiraahdeen) appeared first on Caasimada Online.
  22. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo ku taala Degmada Deyniile Nawaaxiga Washaradaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa si KMG ah uga soo guuray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo uu madaxweynaha ku shaqeeynayay. Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa dhiiragalin u sameeynaya Ciidamada xooga dalka si ay u qaadaan weeraro cuslus iyo hoowlgalo dalka Al-Shabaab looga saarayo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahna Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hoogaamin doono howlgal culus oo lagu qaado Al-Shabaab. Dalka Soomaaliya waxaa laga dareemayaa abaabul xoogan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Xalay ku hoyday Wasaarada Gaashaandhiga appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan degdeg ah Xafiiskiisa kula qaatay dhammaan Hoggaamiyayaasha Xisbiyada mucaaradka maamulka Somaliland. Hoggaamiye Muuse Biixi, ayaa Mucaaradka usoo bandhigay latashiyo ku aadan heshiiska dekadda Berbera ee u dhexeeyay maamulka, Shirkada DP World iyo dowlada Ethiopia. Hoggaamiyayaasha uu la kulmay Muuse Biixi ayaa waxaa kamid ahaa Feysal Cali waraabe iyo C/raxmaan Maxamed Cirro waxaana uu kala hadlay sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen go’aan mideysana uga qaadan lahaayeen diidmada dowladda Soomaaliya ee heshiiska dekadda Berbera. Biixi, ayaa Hoggaamiyayaasha u sheegay inay muhiim tahay inay qaatan mowqif Mideysan oo lid ku ah dowlada Somalia, waxa uuna soo jeediyay in go’aanka la qaadanaayo uu yahay kan maamulka uu gaaray. Biixi, waxa uu Hoggaamiyayaasha u sheegay in Somaliland ay ka madaxbanaan tahay Somalia inteeda kale, sidaa aawgeed la doonaayo in la kala qaado Mucaaradnimada iyo qadiyada Qaranka. Biixi, waxa uu sidoo kale sheegay in xiisadaha ka soo cusboonaaday heshiiska dekadda Berbera ay tahay mid ay dowlada Somalia ku dooneyso inay kuwiiqdo awooda Somaliland. Sidoo kale, kulanka uu Muuse Biixi la qaatay madaxda xisbiyada ayaa imaanaya kadib markii 5-tii bishan aan ku jirno gudoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cirro uu dhaliilay heshiiska Seddex geesoodka ah ee dekadda Berbara . Si kastaba ha ahaatee, Golaha shacabka baarlamaanka Somalia ayaa shalay xaarantimeeyay heshiiskasta oo gudaha dalka quseeya ee lala galay shirkadda DP world ee Imaaraadka laga leeyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muuse Biixi oo go’aanka BF kadib shir degdeg ah la qaatay hogaamiyayasha xisbiyada mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  24. Kathmandu (Caasimadda Online)– Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay diyaarad ku dhacday agagaarka garoonka diyaaraddaha caasimada Nepal ee Kathmandu, diyaarayadaasi oo ay saarnaayeen 67 qof. Burburka diyaaradda ayaa ka danbeeyay kadib markii sarkaalka duuliyaha diyaaradda uu warbixin qaldan ka helay kooxda kontoroolka oo warbixin qaldan siiyay duuliyaha diyaaradda sida uu eedeyntaan shaaciyay madaxa fulinta ee US-Bangla Airlines, Imran Asif oo ah diyaaradda burburtay. Wakaaladda wararka Reuters ayaa baahisay in agaasimaha guud ee garoonka diyaaradaha ee Raj Kumar Chettri oo sheegay in duuliyuhu uu diidday farriintiisa ugu timid jihada khaldan. Dadka diyaaradda saarnaa ayaa ahaa 33 rakaab ah oo u dhashay Nepali, 32 ka yimid Bangladesh, mid ka mid ah Shiinaha iyo mid u dhashay Maldives. Mas’uuliyiinta Napel ayaa aaminsan in shilka diyaaraddda shirkadda Us-Bangla Airlines ay tahay mid iyada ka dhalatay, iyadoo ay bilowdeen baaritaano arrintaasi la xiriira. The post Sawirro: Diyaarad shacab oo ku burburtay Nepal oo mas’uuliyadeeda lagu eedeeyay duuliyaha appeared first on Caasimada Online.