Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United Nations Children’s Fund UNICEF said Saturday that investigation is underway after the fatal shooting of its contractor inside the UN agency’s compound in Mogadishu on Friday. Source: Hiiraan Online
  2. Hargeysa (Caasimada Online)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aano iyo amaro dul dhigtay shirkadda Imaaraadka Carabta DP ee maamusha dekadda Berbera. Amarkaan oo faraya shirkadda DP World in sanduuq xisaabeed ka furato bankiga dhexe ee Somaliland, loogana baahan yahay in ay dhigato lacagta kasoo baxda dekadda Berbera ee aysan dalka ka saarin dhaqaalaha. Arrintaan ayaa ka danbeysay kadib markii loo caal waayay sicir barbar baahsan ee ka jira guud ahaan Somaliland, isla markaana loo aaneynaayo shirkaddo kala duwan inay ku lug leeyihiin dhibaatada sicir barar. Sidoo kale shirkada DP World ayaa lagu amray inay ka soo wareegto sanduuq xisaabeedyada uga furan bankiyada gaarka loo leeyahay isla markaana lacagta uga soo xaroota dekeda ay si rasmi ah ugu shubto baanka dhexe ee Somaliland. Wakiilada shirkada Dp World u qaabilsan dekeda magaalada Berbera ayaa ilaa hada ka hadal sida ay u arkaan amarka ay xukuumadda Somaliland dul dhigtay. Dhinaca kale, wasaarada maaliyada Somaliland ayaa la faray inay bankiga dhexe ku wareejiso lacagta doolarka ah ee u taala sanduuq xisaabeedka uga furan bankiyada kale. Mudooyinkii u danbeeyay dadka shacabka iyo xisbiyada mucaaradka ayaa waxay ku eedeynayeen xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi inay iyadu mas’uul ka tahay sicir bararka iyo inay maareyn weysay oo xal u heli weysay in sicirka suuqa noqdo mid degan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com The post Somaliland oo amar aan laga fileyn dul dhigtay shirkadda DP World ee maamusha dekadda Berbera appeared first on Caasimada Online.
  3. Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa qorsheynayasa in muddo labo todobaad gudahdeed ah si rasmi ah loogusoo guuro garoonka caaalmiga ah ee diyaaradaha Garowe, kaasoo dhawaan ay xariga ka jareen madaxweyne Gaas iyo madaxweyne Farmaajo. Garoonka diyaaradaha Garowe oo loogu magac daray, Gen, Maxamed Abshir Muuse, ayaan weli si toos ah uga bilaaban duulimaadyada dalka gudihiisa iyo dibadiisa, sababo la xiriira shaqadii dhismaha garoonka oo weli maraysa heer gabagabo. Wasaaradda duulista ayaa masuuliyiin katirsan oo la hadlay warsidaha Puntlandi waxay u sheegeen in garoonka ay u dhameystiran yihiin dhammaan qeybihii ugu muhiimsanaa, balse ay haatan howshoodu dhameystir ku dhow dahay qeybta calaamadadaha Runway-ka ee lagu kala hago diyaaradaha iyo qeybta dadka garoonka ka duulaya ay ku sugaan. Wasaaradda duulisya waxa kale oo ay sheegtay inuu meel fiican marayo mashruuca Nalaynta garoonka, iyadoo tilmaamtay in la diyaariyay dhamaman meelihii laga sameyn lahaa iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa oo gabagabo ku dhow, inkastoo ay cadeeyeen inay howshaas guddi gaar ah gacanta ku hayaan, wasaaradduna aysan ku faro galin. Dhinaca kale, Shirkadaha dulimaadyada Soomaaliya ayaa xafiisyadooda ka furtay magaalada Garowe. Waxaa kale oo la filayaa in duulimaadyo caalami ah ay ka bilowdaan Garowe. Puntlandi.com
  4. Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in Baarlamaanka Soomaaliya 3 kursi ay ka banaanyihiin Islamarkaasina dhowaan ay dhaceeyso Doorashadooda. Xaliimo yareey ayaa sheegtay in la xaliyay cabasho balaaran oo ka taagneeyd qabsoomida doorashada Sadaxdaasi kursi dhowaana la qaban doono. Waxa ay sheegtay in ay ka dhacayaan Doorashada 3-daasi kursi magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho. Ma sheegin xiliga rasmiga ah ee la qabanayo hayeeshee waxa ay carabka ku dhufatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaban doono. Shalay waxaa magaalada Jowhar lagu qabtay doorashada Kursi kamid ah kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xaliimo Yarey” 3 Kursi ayaa ka dhiman Baarlamaanka Dalka” appeared first on Puntland Post.
  5. Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa aas aasaysa ciidanka ilaalada xuduudaha Puntland, kuwaas oo noqonaya ciidankii ugu horeeyay ee u gaar ah inay sugaan ammaanka xuduudaha Puntland ay leedahay. Qorshahaan sameynta ciidanka xuduudaha dowladda Puntland, ayaa lagu meel mariyay shirkii golaha wasiirada Puntland, iyagoo goluhu ay si buuxda isugu raaceen mudnaanta ay leedahay in ciidan gaar ah loo sameeyo ilaalinta xuduudaha Puntland. Tilaabadaan ayaa lagu dhaqaaqidoonaa marka ay dowladda Puntland si buuxda u xorayso dhulka gacanteeda ka maqan, oo uu gobolka Sool ugu horeeyo, waxaana dowladdu ay diyaarinaysaa dhammaan qorshihii ciidankaan loogu talo galay. Dowladda Puntland waxay sheegtay ciidankaan mar la dhiso inay meesha ka bixidoonto in mar dambe dhulkeeda iyo xuduudaheeda lagusoo xad gudbo, sida hadda ka taagan gobolka Sool oo uu maamulka Hargeysa duullaan kusoo qaaday, xoongna ku haysto gobolka Sool magaalooyinkiisa ugu muhiimsan. Warsidaha Puntlandi waxaa uu xogtaan kasoo xigtay illo dowladda katirsan. Puntlandi.com Garowe
  6. Kenya’s opposition leader Raila Odinga has said he is ‘not afraid of sanctions’ ahead of his ‘swearing in ceremony’ scheduled for Tuesday 30th January 2018. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Doorashada dhacday ayaa laheyd xiisa gaara waxaana ku tartamaayay Musharaxiinta kala ah Nuur Iidow Beyle, C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Cali C/laahi Cosoble, Daahir Cabdulle Cawaale, Xuseen Axmed Geelle iyo Dahabo Xasan Axmed, waxaana wax dooraneysay 51 ergo. Doorashada oo laba wareeg ahayd, ayaa waxay wareegii hore ku soo idlaatay sidataan:- C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 24 cod, Nuur Iidow Beyle oo helay 23 cod, 3 cod oo xumaaday iyo 1 cod oo uu helay Cali C/laahi Cosoble. Wareegii labaad, ayaa waxaa u gudbay labadii xubnood ee codadka ugu badan helay, kuwaa oo kala ah Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle, waxayna natiijada ku soo idlaatay Nuur Iidow Beyle oo 27 cod helay iyo Sanbaloolshe oo 24 cod helay. HALKEE LAGA SOO ABAABULAY QORSHAHA SANBALOOLSHE LOOGA ILAALIYAY XUBINIMADA? Xukuumada Somalia, ayaa kaalin mug leh ka qaadatay sida Taliyihii hore ee NISA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uusan ugu soo laaban laheyn xubinimadiisa baarlamaanka ee uu horay u hayay. Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre oo garabsanaaya Xubno Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda HirShabelle ayaa juhdi ku bixiyay in Sanbaloolshe uusan kusoo laaban saaxada Siyaasada Somalia mudada ay jirto dowlada halka sano dhameysatay. Kheyre ayaa la sheegay in dhaqaale xoogan uu ku bixiyay guuldarada C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyadoo ujeedka lagu sheegay in muddo dhowr jeer uu ka hiiliyay dowlada hadda jirta. SABABTA LOOGA ILAALIYAY XILKA C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa wixii ka danbeeyay xil ka qaadistiisa Hay’adda NISA ku biiray garabka Mucaaradka dowlada waxaana la sheegay inuu kaalin weyn ka qaadanaayay sida caqabado dhanka Siyaasada ah loogu sameyn lahaa dowlada uu Hogaamiyo Madxaweyne Farmaajo. C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa la sheegay inuu sababsaday isgarabtaagiisa Mucaaradka, waxaana xusid mudan in xiligii uu dhacaayay weerarka lagu qaaday Hooyga C/raxmaan Cabdi shakuur uu halkaa ku sugnaa, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan dowlada. C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxa uu tan iyo markii laga qaaday xilka ahaa mid aad uga soo horjeeday Siyaasada dowlada Somalia, kadib markii uu waayay xilka NISA iyo Xildhibaanimadiisii hore. DAREENKA LAGA QABAY SOO LAABASHADA SANBALOOLSHE Dowlada Somalia, gaar ahaan xukuumada uu Hogaamiyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dareen lixaad leh ka qabtay C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. Xukuumadu waxa ay aad uga cabsi qabtay soo laabashada C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe inay soo dadajiso caqabado Siyaasadeed, waxaana muuqday in Sanbaloolshe uu abuuri lahaa Mooshino ka dhan ah Xukuumada hadda jirta. Ujeedka soo laabashada C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa la sheegay inuu ahaa ka aargoosiga Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo iyagu uga baxay ballanqaadkii ahaa inuu iska casilo xubinimada baarlamaanka si uu muddo dheer usii hayo xilka NISA. Ballanqaadka ayaa la sheegay inuu ahaa inaan laga qaadi doonin xilka NISA, waxa uuna qorshaha fog ahaa in laga qaado xubinimada baarlamaanka. Villa Somalia ayaa rumeysan in C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, uu ka halis badan yahay Siyaasiyiinta kale, sidaa aawgeed waxaa guuldarada Sanbaloolshe ee doorashada Jowhar loo arkay inay tahay mid ay kusii wakhti dheereysan karto dowlada hadda jirto. GO’AAN QAADASHADA SANBALOOLSHE C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, waxa uu ku ad adag yahay dhanka go’anka waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay shaqsi jecel in mar waliba uu ka aargoosto dhinacyada ku laqdabeeya Siyaasada. Waxa uu Sanbaloolshe kaga duwan yahay Siyaasiyiinta kale adeegsiga shaqsiyaad isaga ku garab ah, waxaana xusid mudan in talaabo waliba uu qaadayo ay tahay mid uu isaga hormariyo dhinacyo kale. GABAGABO C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa xiligaan aad uga soo horjeeda dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo aad uga shaqeysay inaanu mar kale kusoo bixin doorashada ka dhacday magaalada Jowhar. Sanbaloolshe waxa uu sidoo kale dajiyay haddii uu soo laabto inuu ka shaqeeyo sida loo kala diri lahaa Xukuumada hadda jirta, hase ahaatee waxaa lala dheelay qorsho u muuqday mid ka halis badan kan uu damacsanaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Yaa ka danbeeyay in Sanbaloolshe uusan dib u helin xubinimada BF? (Halista Sanbaloolshe ee DF) appeared first on Caasimada Online.
  8. Cairo – solely dependent on the Nile for its water – is at odds with Ethiopia over the construction of the Grand Renaissance Dam, which it fears could reduce waters cascading down from Ethiopian highlands and through the deserts of Sudan to its fields and reservoirs. Ethiopia says the $4 billion-dam will have no such impact. “The aim is to agree on the resumption of the consultations,” said a diplomat attending an African Union summit in the Ethiopian capital Addis Ababa, where the three leaders are gathered. The diplomat was speaking on condition of anonymity. An Egyptian government source confirmed that Egypt’s President Abdel Fattah al-Sisi would participate, saying he extended his stay to do so. Sisi will meet Sudanese President Omar Hassan al-Bashir and Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn, according to the diplomat. Discussions have been deadlocked for months over the wording of a study on the dam’s environmental impact. In December, Egypt proposed that the World Bank be allowed to help settle the dispute, a call dismissed by Ethiopia. Countries that share the Nile river have argued over the use of its waters for decades – and analysts have repeatedly warned that the disputes could eventually boil over into conflict. A bone of contention for both Ethiopia and Egypt is the speed at which the dam’s reservoir would be filled. The Grand Ethiopian Renaissance Dam – now over 60 percent complete and which will churn out 6,000 MW upon completion – is centerpiece to the country’s ambitious power exporting plans. Source: Reuters The post Egypt, Ethiopia and Sudan to meet on Monday for Nile dam talks appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday inay qaban doonaan doorashada dhammaan Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘’Xaliimo Yareey’’ oo u warameysay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay inay dhameynayaan doorashooyinka harsan. Xaliimo Yareey, ayaa sheegtay inay u harsan tahay doorashada 3 Kursi oo ay ka taagan tahay cabaso, kuwaa oo ay sheegtay in mar kale lagu kala bixi doono. Waxa ay sheegtay in doorashada 3-da Kursi ay ka kala dhici doonaan Magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho waxa ayna carab dhawday in si dhaqsi ah ay ku qaban doonaan. ‘’Wakhti badan masiin doono doorashooyinka harsan waxaanu si dhaqsi ah ku qaban doonaa doorashada Seddexda kursi ee noo harsan’’ Sidoo kale, beelaha leh kuraasta lagu tartami doono ayey sheegtay inay sii wargalinayaan wakhti hore, si loogu sii diyaar garoowe ka hor inta aan la gaarin. Haddalka Xaliimo Yareey, ayaa kusoo beegmaaya xili maalinimadii shalay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ay Magaalada Jowhar ku qabteen doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Doorashada 3 Kursi ka tirsan baarlamaanka Somalia oo dhaceysa (Halkee ayaa lagu qaban doonaa?) appeared first on Caasimada Online.
  10. President Uhuru Kenyatta joined fellow leaders at a summit of the African Union (AU) Assembly, dominated by reforms and moves towards a free trade area. Source: Hiiraan Online
  11. Emergency Relief Coordinator and Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs Mark Lowcock today released US$10 million from the Central Emergency Response Fund (CERF) to urgently help the most vulnerable people displaced in Ethiopia due to the conflict along the borders of the Oromia and Somali regions. Source: Hiiraan Online
  12. A military academy in the Afghan capital, Kabul, has come under attack leaving at least two soldiers dead, days after more than 100 people were killed in an explosion near the interior ministry building. Source: Hiiraan Online
  13. President Uhuru Kenyatta says the best way to stabilise Somalia would be through more support for the African Union Mission in Somalia (Amisom). Source: Hiiraan Online
  14. Ifrah Mansour was barely eight years old when her family fled war-torn Somalia in 1998 and arrived in the United States. Source: Hiiraan Online
  15. In October 2017, 16-year-old Faiza Mohamed Abdi was shot in the “pelvic area” for declining the sexual advances of her attacker in the port town of Bosaso, Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. An interactive online map that shows locations of wearable fitness-tracker users inadvertently reveals the locations of secret U.S. military bases overseas, according to reports Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. (Nairobi) – Somali security forces using bulldozers have demolished dozens of informal settlements in Mogadishu since late December 2017, leaving thousands homeless. Source: Hiiraan Online
  18. Addis Ababa, 28 Jan 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo Madaxda Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah ee ka qeyb galaya Shirka Madaxda dalalka Midowga Afrika, ayaa la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub. Madaxweynaha oo uga warbixiyey madaxda wafdiga xaaladda guud ee dalka, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarinta iyo gargaarka bini-aadantinimada. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay Midowga Yurub in ay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taas oo madaxdii ka socotay Midowga Yurub ee uu la kulmay Madaxweynuhu ay bogaadiyeen dib-uqaabeynta dhismaha amniga Qaranka ee ay waddo Dowladda Soomaaliya. Madaxda wafdiga Midowyga Yurub ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin Socdaalka Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu Madaxweynuhu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug, iyagoona sheegay in xiriirka wanaagsan ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah, uu horseeday guulo wada-shaqeyneed oo muhiim u ah hor u socodka Soomaaliya. Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Mudane Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Koen Vervaeke. _DHAMMAAD_ The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  19. As Quebecers prepare to mark the first anniversary of the attack that killed six men, some Muslim community leaders and experts say an initial outpouring of sympathy and support from the broader community was short-lived. Source: Hiiraan Online
  20. According to the United Nations, 56 U.N. Peacekeepers died through violence in 2017. That's the highest number of fatalities since 1994 — when the U.N. sent peacekeepers to Rwanda, Somalia, Cambodia and the Balkans. Source: Hiiraan Online
  21. The year 2017 was momentous for Somalia, with the inauguration of a new president and parliament following a historic electoral process, and also the launch of a National Development Plan (2017–19). Source: Hiiraan Online
  22. Cairo - solely dependent on the Nile for its water - is at odds with Ethiopia over the construction of the Grand Renaissance Dam, which it fears could reduce waters cascading down from Ethiopian highlands and through the deserts of Sudan to its fields and reservoirs. Source: Hiiraan Online
  23. African governments still face pressing need to enact counter-terrorism and counter-insurgency measures to protect their homelands. Source: Hiiraan Online
  24. Somaliland schooling standards have undergone unpredictable situations since it reclaimed its independence from the rest of what was formerly known as a Somali Democratic Republic in 1991, it seems that a cross section of younger adults are growing up without access to high quality standards of the basic education. A higher standard of educational quality is indispensably necessary for the “future posterity” of any nation in the world; schools are the industries that could produce tomorrow’s future leaders. Nations in the world whose governments have made swift economic miracles are those who had modified the systematic approaches to their educational standards. In recent years, the number of educational establishments has increased to a great extent that is beyond the limit. Much to our sorrow, the majority of these schools could not provide with the type of the educational norms essentially required to offer our children mainly due to a lack of solid trainings of an educational enhancement on the part of our teachers, coupled with a scarcity of educational infrastructure. In addition, two parallel contrasting systems came into existence, a public educational system formally controlled by the government, and a relatively stronger private educational system run by privately owned individuals, each system belongs to its own curriculum and cultural behaviors, too, as there are no other means of educational guidelines to be followed. As usual, the government of Somaliland tacitly approved that each student has to pass the secondary examination as part of student motivation; as a result this has contributed to the dramatic decline in the quality performance of our national educational strategy. Primary education is the benchmark where student’s base of knowledge acquisition starts in the formative years of childhood, that means if the student gains a better quality of classroom performances under this grade of education, he will be able to get a chance to easily adjust with all the pre-requisite core courses at any level of secondary step in education and beyond, without further ado. In the context of Somaliland, the primary education has become a neglected issue, where a large proportion of our students frequently secure unsatisfactory records in the examination marks, and the Ministry of Education has not yet found a solution to the peculiarity of this situation due to the fact that the teachers under this category are not well equipped in terms of qualifications, trainings, experience, and teaching methodology as well. Today, there are two channels of education namely: the private schools and public schools. The private institutions have poached the highly qualified teachers from the public because they could afford to offer an attractive payroll, whereas the public teachers frequently face two harsh scenarios of being “underpaid” and “under qualified”. As a matter of fact, the private schools are relatively more advanced than the public from the perspective of educational standards; even though, they charge higher tuition fees which are too costly to the local ordinary citizens in our country. The outcome of this scenario will involve generational gaps in our homogenous society, in near the future – a tiny “meritocratic elite” with academic excellence, and majority groups who will be virtually “semi-illiterates.” In the light of current circumstances, it is the ultimate responsibility of the government to set up coherent educational policies to overcome these dreadful gaps before the situation has gone into paroxysm of despair. The number of higher education institutions has increased in the bygone years. Currently, there are around 19 university colleges in Hargeisa with similar academic programs, most of these universities are profit oriented whose main goals are only just how to secure brisk financial gains over our youngsters without offering any tangible educational compensation as a result. How it is logically possible to give the accreditation of such bogus colleges whereby only two or three higher educational institutions could accommodate the overall requirements of such educational facilities. A “political expedient” of having a mass production of college graduates with a poor quality is better than having a few numbers of college graduates but with a top notch educational quality. Our College graduates of today could hardly write an application letter of one paragraph in correct English, let alone read a story in any version of English book. How to upgrade our educational system? The government has to take the overall responsibility of the quality management in education both the public and private institutions To place a special emphasis on the primary education by recruiting highly professional teachers and have to be motivated by offering a wide package of incentives and other remunerative benefits. Under this process, gender based potential teachers should be encouraged. Government should allocate a wide package of funds in its budget for the promotion of educational performances to compete with the private institutions. Languages, Math’s and Science should be given a top priority consideration; students should be encouraged to study this field of knowledge. Teachers’ Training Colleges should be established all across regions in order to produce a number of qualified teachers who could be served as fully-fledged instructors for both the Primary and Secondary Schools. Constant refreshment trainings should be offered to teachers during school leaves as part of updating their level of knowledge. Qualified Inspectors for the Primary and Secondary schools should be put into operational to evaluate and assess the teaching methods of the teachers To establish the Vocational Training Centers (VTC) to cover the increasing demand for professional skills in the labor market. To rate and then limit the number of universities from at least three to four universities with the faculties applicable to our current priorities. The undergraduate university teachers should have a minimum Master’s degree from a recognized higher institution with a proven track record in the field of teaching. Abdulqadir Omer Jama Janaale59@gmail.com
  25. HARGEISA– The Vice Minister received the Kenyan Ambassador to Somalia and Somaliland Lucas K Tumbo to enhance the cooperation between the two countries. The Vice Minister was very pleased to see the Kenyan Ambassador in Somaliland for the first time. Their visit will not be the last, and the Ambassador is looking forward to formalise a diplomatic relations with Somaliland. The Kenyan government is looking forward to cooperate in terms of security and trade. The government of Somaliland’s first priority is security which is reflected on the sustainable peace Somaliland has achieved for the past 27 years.