-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shilgaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxa uu ka dhacay duleed Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka kar kaar meel waxyar ujirta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Qardho. Shilkan Gaari ayaa sababay dhimashada labo qof oo kamid ahaa shacabkii saarnaa Gaarigan iyo dhaawaca 1 qof oo kale, waxaana labadii qof ee geeriyootay mid kamid ah uu aha Darawalkii Gaariga waday . Gaarigan ayaa ka yimid Magaalada Garoowe wuxuuna ku soo jeeday Magaalada Bosaaso. Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaariga ay ku soo baxeen Xoolo Wadada hareeraheeda daaqayay . Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere ayaa faah faahinaya sida uu shirkan ku dhacay . Halkan ka dhagayso. Duqa qardho
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka maamul-goboleedka Galmudug ayaa qaadi doona howlgallo ka dhan Maleeshiyada Al-Shabaab ee haatan ku sugan degaanno ka tirsan Galmudug. Madaxwaynaha dawlad-goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay inuu xoogeystay qorshaha ay Galmudug kula dagaalameyso Al-Shabaab xilli uu ka hadlayey munaasabad lagu mideynayey Ciidamada Galmudug oo horay u kala ahaa Ahlu Sunna iyo Galmudug. Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa daaha ka qaaday in howgalka ay Galmudug dhulkeeda uga tirtireyso Al-Shabaab ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Ciidanka shalay oo Jimco aheyd la mideeyey. Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug inay ciidamada ku garab siiyaan hawlgalka, si maleeshiyada Al-Shabaab looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan dadka degan Bariga gobolka Galgaduud iyo deegaano aan badnayn oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Horay waxaa loo mideeyey Baarlamaanka Galmudug, hadana waxaa lagu guuleystay midnimada Ciidankeeda oo horay u kala joogay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, taasoo sahli karta inay qaadaan howgallada ka dhanka ah Al-shabaab, sida uu aaminsan yahay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
The deadlock over the motion against the Speaker of the Federal Parliament of Somalia has prompted Somalia's partners to voice their concern about fragility of the federal institutions. This parliamentary deadlock is the second Somalis have experienced since 2010 when the current Southwest State President, Sharif Hassan, then Finance Minister, replaced Adan Madoble, who had replaced Sharif Hassan when the latter expressed support for the Union of Islamic Courts. Attempts to sack Sharif Hassan as Speaker failed in 2012. Source: Hiiraan Online
-
Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay,mid kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay duleedka bari degmada Qardho,sida ay xaqiijiyeen ciidanka ilaalaada Waddooyinka ee gobolka Karkaar Gaariga shilka galay oo lagu sheegay nooca Mark2, ayaa ka tegay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,wuxuuna ku sii jeeday xarunta gobolka Bari ee Boosaaso,isagoo halkaas u siday jawaanno qaad ah,sida ay sheegeen ganacsatadii soo rartay. Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in shilkaan uu yimid,kadib markii gaariga oo si xawli ah ku socda uu dhex galay adhi laamiga bartankiisa go’ynaya,islamarkaana uu dareewalku si deg deg ah bareega u qabtay. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost The post Khasaare dhimasho oo ka dhashay shil ka dhacay duleedka Qardho. appeared first on Puntland Post.
-
The "suspicious" death of a man killed by a fire involving a motorbike on the stairwell of a block of flats is to be reviewed by police 10 years on. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdilweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee,Abshir Muuse Siciid oo kamid ahaa halgamayaashii Jabhadda SSDF oo xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka UK. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada dowladda Puntland,ayaa madaxweyne Gaas tacsi ugu diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaanna dadweynaha reer Puntland iyo qoyskii uu ka baxay marxuum,Abshir Muuse Siciid. Marxuun Abshir Muuse Siciid ayaa maareeye ka soo noqday,wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya ee(ENEE),sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa hoggaamiyaashii sare ee Jabhaddii(SSDF). Dhinaca kale wuxuu kamid ahaa dadkii as’aaska u dhigay dowladda Puntland sannadkii 1998,isagoo guddoomiye ka soo noqday hay’adda biyaha Puntland ee (PASAWEN). PUNTLAND POST The post Mid kamid ah hal-doorkii as’aasay Puntland oo geeriyooday. appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI (HOL)- The government of Kenya on Friday officially announced that it halted the Construction of the controversial Security Wall along its border with Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee Maanta uu u baaqday fariin ka timid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dareemay khatarta dalka ku socday,isla markaana khilaafka jira uu yahay mid wixii ka yimaada aan la mahdin doonin. “Waxaa muuqata in madaxweynuhu dareemay muhiimada baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono meel aan caaqibadeeda la mahdin doonin ayuur yiri Xildhibaan” Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay si mas’uuliyad leh ay ugu soo baxeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan, ayna ka turjumeen dareenkooda sida uu hadalka u dhigay. “Xaaladda dalka ka taagan ma ahayn mid la daawan karo, mana ahan waxa socda wax laga raali noqon karo ciddii damiir leh, balse waxaa muhiim ah in la kala garto cidda dalkaan u naxaysa iyo kuwa manaxayaasha ah ee aan wax dan ah ka lahayn burbur ku yimaada hey’adaha dawladda”ayuu yiri Xildhibaanka. Xildhibaan Fiqi ayaa ka mid ah xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga gudbiyey Gudoomiye Jawaari,isla markaana waxa uu sweyn u dhaliilaa hab dhaqanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare Faarax Warsame Cabdiraxmaan, ayaa shaaciyay in lasoo qabtay gaarigii todobaadkii laga dhacay Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo katirsan culimada Puntland ahna guddoomiyaha jaamacadda bariga Afrika faraceeda Garowe. Taliyaha ayaa sheegay dableyda dhacay gaariga inay isku hayb ahaayeen Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, kuwaas oo uu sheegay inay u dhaceen sababo dhaqaale awgeed, balse markii dambe lagu guulaystay in laga dabo oo lasoo qabto Gaarigii iyo maleyshiyadi falkaas ka dambeeyay. Waxaa uu taliyuhu sheegay inaanu jirin wax dhibaato ah oo Sheikha iyo ilaaladiisa soo gaaray, isagoo intaas ku daray in isla subixii gaarigiisa loosoo celiyay, isagoo bad qaba. Halkaan ka dhegayso codka taliyaha. Taliye Faarax Puntlandi.com
-
Allaah ha u naxariistee Halgamaa Abshir Muse INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICIIN. GEERIDU WAA XAQ. GEESI NAGA BAXAY BUU AHAA. Allaah ha u naxariistee waxaa xalay oo Jimce aheyd taariikhduna 30.03 2018 ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska Korneyl / Eng Abshir Muse Siciid. Allaah ha u naxariistee Korneyl Abshir Muse Saciid ayaa ahaa geesi iyo halgamaa weyn oo taariikhdu xusi doonto oo ka baxay guud ahaan ummada Somaaliyeed iyo gaar ahaan Shacbiga iyo Dawlada Puntland. Allaah ha u naxariistee Korneyl Abshir Muse Siciid ayaa soyaal,raad aan duugoobin iyo saameyn weyn oo togan ku lahaa xayaatada ama noloshii iyo geedigii siyaasadeed, midkii halgan, midkii ciidan iyo midkii maamul wanaag iyo wax qabad ee ummada Somaaliyeed soo martay 50 sano ee ugu dambeysay. Korneyl Halgamaa Abshir Muse Siciid ayaa lagu xusuusan doonaa doorkiisii muhiimaka ahaa ee uu kaga midka mu’asasiintii iyo hogaamiyaayashii halgankii wax iska caabinta ahaa ee Jabhadii Badbaadinta Ummada Somaaliyeed ee SSDF kala hortageen taliskii Milataryiga ahaa ee Kacaanka. Sidoo kale Halgamaa Abshir Muse siciid ayaa lagu xusuusan donaa doorkii hurmuudnimo ee uu ku lahaa, hal abuurkii, asaaskii iyo dhisamaha maamulka siyaasadeed ee Dawlada Puntland,kaas oo shacbiga iyo deegaanada Puntland looga badbaadiyey aafooyinkii iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay sannadihii sagaashameedyadii kadib markii ay burburyay ee meesha ay ka baxday Dawladii dhexe ee Somaaliyeed. Allaah ha u naxariistee Eng.Abshir Muse Siciid ayaa lagu xusuusan donaa waxqabadkii iyo horumarkii uu ku soo kordhiyey Wakaladii Xooga Koronta Ummada ee ENEE, oo uu ka soo noqday Maareeye guud, iyadoo dhaxalkii iyo hantidii qaranka ee uu gacanta ku hayey kadib burburkii dawlada dhaxe ay Allaah mahdii maanta weli si fiican oo habsami ah ugu adeegaan shacabiga somaaliyeed deegaan badan oo dalka ka mid ah. Allaah ha u naxariistee Halgamaa Abshir Muse Siciid ayaa dadka aadka u yaqaaney ku sifeeyeen in lagu xusuusan donaa inuu ahaa Shakhsi Cibaado badan, Somaalinimada iyo wadaninimadu ay aad ugu weyneyd, bulshaawi ah oo dad isku wadida aad ugu fiican. Sidoo kale Abshir Muse ayaa ahaa Siyaasi hal adeyg u dhashay, oo ku dhac siyaasadeed lahaa, cod kar ah, isla markaan ahaa geesi aan goroda u laa-laadin, dariiqana uga beyrin wax isaga ka liita. Fiiro gaar : waxaanu gadaal kasoo gudbin donaa Taariikh nololeedkii Marxuumka oo dhameystiran. Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabkada Puntlandi waxay iyagoo aad uga tiiraaneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Allaah ha u naxariistee Halgamaa Abshir Muse Siciid Tacsi u diraynaa qoyskii, ehelkii iyo guud ahaan Ummada Somaaliyeed iyo gaar ahaan Shacbiga iyo Dawlada Puntland in Allaah samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaani sidaa si la mid ahna Marxuumka Allaah uga baryeynaa dembi dhaaf iyo naxariis.
-
Garowe (Puntandi) Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa aqbalay iscasilaada taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland, Sareeyo Guuto Dayr Xaaji Aadan, kaasoo bartamihii bishaan March gudbiyay istaqaaladiisa. Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Gaas oo ku taariikhaysnayd 25-kii bishaan, taasoo soo gaartay xafiiska wararka ee warsidaha Puntlandi, ayaa ku cad in madaxweynuhu aqbalay soo jeedinta taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta. Puntlandi.com
-
Mashruucii Dismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa meel Gabo gabo ah maraya waxayna wadada ay fooda lagashay Magaalada Baran ee xarunta Gobolka Sanaag. Daamurkii Wadada lagu goglay ayaa waxa uu sidookale isan uu marayaa meeshii udambaysay iyadoo jidcadihii wadadana uu fooda saaray meel waxyar ujirta Magaalada Baran. Wadadan ayaa waxaa baahi wayn uqabay bushada ku dhaqan Gobolka Sanaag , waxaana muuqata in Mashruucan oo ahaa mid isku tashi ah uu guulaystay. Mukhtaar C/salaan oo kamid ah Xoghaynta Madaxweyne Gaas oo booqasho kutagay Wadadan ayaa Gudigii dhisay wadadan waxa uu ku amaanay sida ay ugu hagar baxeen dhismaha Wadadan. Hindisaha Wadadan Ceel-dhaari iyo Ceerigaabo ayaa waxaa iska lahaa Madaxweyne Puntland Cabdiwali Cali gaas. Xaghaye Mukhtaar ayaa sheegay in intii aan wadadan ladhisin ay dadku ku qaadan jirtay in ay ukala safraan magaalooyinka waawayn ee Puntland mudo 4 saacadood ah , taas oo u muuqata haatan in ay meesha ka baxday.
-
Children in Hargeisa working to support their poor families
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Suhayb Abdirahman, 12, works as a porter in Gobanimo market in Hargeisa. He works more than 12 hours a day ferrying goods weighing up to 40 kg for customers on his handcart. He takes around $5 home with him. The family lives around four kilometres from the market. Suhayb’s mother is at home taking care of her bedridden husband who suffered a stroke in August 2016, paralyzing one side of his body. Suhayb is the only source of income in his family and has never attended school. He supports his three siblings. Only his eldest sister goes to school. “Sometimes I don’t even see my siblings for a week – I go home at nine at night and leave home at five in the morning,” said Suhayb. “Some the biggest challenges include the bad roads and some customers who refuse to pay for the services.” Suhayb is one of around 3,000 children in Hargeisa working in jobs including fetching water, building, washing cars, and waiting tables in local eateries. They work long hours and often in heavy manual work unsuitable for their size and age. Faysa Mohamed, director of SOYDA, a child rights organization, said information they had gathered in five districts of the city showed that the majority of children were pushed into work by poverty. Abdifatah Barkad Osmano, 13, also works in Gobanimo market using a cart he hires for 3,000 Somaliland Shilling ($0.25). He was taken out of school when his father died at the end of 2016 to support his mother and four siblings. Abdifatah works around nine hours a day to earn $6 Somaliland claims to abide by the UN Convention on the Right of the Child, banning child labour. Somalia has ratified the convention. However, Guled Ahmed Jama, head of the Human Rights Centre, said the reality is that children cannot stay at home and go to school when there is no food, so they are forced to go to the market and seek jobs. Ergo -
Waxaa la hakiyay kulankii mudanayaasha Golaha Shacabka ee loo ballansanaa maanta, kadib soo jeedin ka timid madaxweyne Farmaajo, oo kullan gaar ah la qaatay gudoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadooda. Dhinaca kale, Gudoomiye Jawaari oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in kulankii Golaha Shacabka ee la hakiyo uu socdsaday madaxweyne Farmaajo,isla marakana laga aqbalay. “Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxaa inoo yeeray madaxweyne Faramajo wuxuuna naga codsaday in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee maanta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka amaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay ayuu yiri Gudoomiye Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari” Halkaan ka dhegayso codka gudddoomiyaha. Maxamed-Sheekh-Cusaman-Jawaari-mp3 Puntlandi.com
-
HARGEISA—Somaliland minister of foreign affairs and international cooperation Dr Sa’ad Ali Shire met with Turkish counsular to Somaliland Ali Niyon at his office the meeting was discussed a key important issues between the two countries. The Turkish counsular underlined how Turkish government is committed to Stan beside to somaliland and to contribute the ongoing developments specially social services such as education and health Ali Niyon also emphasized that Turkish airlines will start direct flight to somaliland, and all these interests will exacute soon on Turkish development agency TIKA The minister is accompanied by the vice minister Liban Yousuf Osma MOFA
-
By Ahmed Abdi Somaliland’s electricity supplier says that it is cutting power bills from its customers in Gabiley on Thursday. The Somaliland Electric Company (Sompower) which is a member of Somaliland electric association contributes 60% of Somaliland’s electricity. Sompower says that it has proposed a way to cope with high power prices throughout Somaliland. The government issued decree to deal with the inflation and lower price energy will help the people of Somaliland.
-
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allah hau naxariistee marxuun Eng. Abshir Muuse Saciid oo ku geeriyaaday xalay Dalka Ingeriiska Gaar ahaan Magaalada London. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku hadlaya afka Goleyaasha Dawladda Puntland ayaa waxaa uga tacsiyaynayaa Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbweynaha Puntland iyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid. Dhinaca kale marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii {SSDF} aasaasayaashii Dawladda Puntland iyo Maareeyihii hore ee wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya {ENEE}. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuumka marlabaad Allah uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Allah sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo Guud ahaan shacabka Puntland.
-
Buuqa siyaasadeed ee ka dhex aloosan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hada gaaray meshii ugu saraysay. Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaan heysan tiradii ay ku ridi lahaayeen Gudoomiye Jawaari, taasina waa mida isjiidjiidka keentay iyo iney fooda galin waayaan Baarlamaanka maadaama aysan heysan Tiradii sharciga ahayd. Kulamadii maanta dhici lahaa ayaa gabi ahaan baaqday sababtoo ah waxaa laga cabsi qabaa in xildhibaanada fooda isdaraan oo ay dagaalamaan waayo kooxda Mooshinka wadaa waxay doonayeen in kulanka maanta uu ajanduhu ahaado Mooshinka lafa keenay Gudoomiyaha isla markaasna uu shir gudoonsho Gudoomiye Xogeenka Kowaad maadaama dacwo ka taal Gudoomiyaha, laakiin Gudoomiye Jawaari iyo kooxdiisu way diideen in taas ay dhacdo. Dadaalo tan iyo shalay socday ayaa la isla gartay in la baajiyo kulamadii maanta dhici lahaa ka dib markiib Madaxweyne Farmaajo soo jeediyey in maanta uusan wax kulan ahi dhicin. Gudoomiyaha Baarlamaanka oo goor dhawayd la hadlay saxaafada ayaa cadeeyey in kulamadii maanta ay baaqdeen. Puntlandi Muqdisho
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa goordhow magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta kadib markii la hakiyay kulanka baarlamaanka ee maanta lagu madalsanaa. Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay sababta ka danbeysay in la hakiyo kulanka maanta, waxa uuna sheegay in hakinta ay ka danbeysay kadib markii leysla arkay in qabashada kulanka ay ka dhalankarto dhibaatooyin kala duwan. Guddoomiye Jawaari, waxa uu sheegay in isaga iyo ku-xigeenadiisa ay kulan khaasa la qaaten Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay go’aan ku gaareen in xalka khilaafka uu ku jiro in la hakiyo kulanka maanta. Waxaa uu sheegay Guddoomiye Jawaari in ay ku heshiiyeen in kulanka la baajiyo, waxa uuna cadeeyay in qabashada kulanka ay ka dhalankarto dhibaatooyin amni darro. Waxa uu intaa ku daray Jawaari in la dhameyn doono Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo sheegay in mushkilada jirta ay tahay isfahan’darro soo kala dhexgashay madaxda. Haddalka Jawaari, ayaa kusoo beegmaaya xili uu Madaxweyne Farmaajo uu Guddoonka baarlamaanka ka dalbaday in la baajiyo kulanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Mooshin uu ka yaalo Baarlamaanka oo goordhow Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay baaqashada Kulankii Mooshinkiisa lagu soo bandhigi lahaa. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in arintaasi ay tahay codsi ay u gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo islamarkaasina uu ka aqbalay in la baajiyo kulankaasi. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulan dhexmaray isaga iyo labadiisa ku xigeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Aniga iyo labadeyda ku xigeen waxaan la kulanay madaxweyne Faramajo waxana ka codsanay in la hakiyo kulanka Golaha Shacabka ee maanta si loo dejiyo xaalada siyaasadeed ee dalka anaga oo ka fikireyna mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed madaxweynuhuna wuu naga aqbalay ” ayuu yiri Jawaari. Waxaa maanta hakad uu ku yimid kulankii Baarlamaanka ee lagu waday in codka kalsoonida loogu qaado Guddoomiye Jawaari codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo lamana oga halka xaaladaan ay ku dambeeyn doonto. Hoos ka Daawo Video-ka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/Jawaari.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Guddoomiye Jawaari oo faahfaahiyay sababta loo hakiyay kulankii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
