-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in goor dhawayd Qarax xoogan uu Wadada Maka Al-Mukarama ee mashquulka badan, Qaraxas oo loo malaynayo in uu yahay gaari wax yaabaha Qarxa laga soo buuxiyay. Qaraxa ayaa ka dhacay Goob ay ciidamada gaadiika ku baaraan oo Wadadaasi kutaalay. Jugta Qaraxa ayaa waxaa la soo sheegayaa in laga maqlay Xaafadaha Magaalada Muqdisho qaar kood. Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa dur badiiba goobta soo gaaray wuxuna Qaraxan uu ku soo beegmayaa xili maanta Ciidamad dowladda ay Fashiliyeen Gaari kale oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo ku Qarxay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho Wixii ku soo kordha kala soco halkan .
-
Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamanka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahin Muudey ayaa goor dhawayd waxa uu soo saaray war qoraal ah oo uu ku sheegayo xiliga la qabanayo codaynta Mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo halka lagu qaban doono . Waxa uu Gudoomiye Muudeey sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu furmi doono maalinta Sabtida oo ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso. Halkan ka Akhriso Warqada ka soo baxday Gudoomiye Muudeey .
-
Muqdisho (PP) ─ Qarax aan weli la ogaan khasaarihiisa ayaa goor-dhaw ka dhacay isgoyska Sayidka ee Muqdisho oo ku dhaw xarunta Baarlamaanka Somalia, waxaana qaraxan uu ka dhacay koontarool ay ciidamada Dowladdu ku baaraan gaadiidka. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhulka daadsan, balse aanay garan Karin inay dhinteen iyo inay dhaawac yihiin, waxaana goobtaa gaaray gaadiid gurmadka deg-degga ah, kuwasoo caawinaya dadkii ay waxyeelladu soo gaartay. Sidoo kale, Qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo dadku ay argagax weyn ka muujiyeen qaraxan, kaasoo kusoo beegmaya maalmo kaddib markii uu ka dhacay illinka Hotel Wehliye oo aan sayidka ka fogeyn Qarax khasaare badan geystay. Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaa xaqiijiyay in qaraxan oo ah mid xoog leh uu dhacay, balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iyo cid ka dambeysa, balse wixii kasoo kordha ay warbaahinta la wadaagi doonaan. Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ka dhaca Muqdisho muddo toddobaad gudihiis ah, waxaana qaraxii midkan ka horeeyay ku dhintay in ka badan 15-qof, yadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labaatan qof. Wixii faahfaahin ah ee Qaraxan kusoo kordha kala socod Puntland Post. PUNTLAND POST The post Qarax goor-dhaw ka dhacay Isgoyska Sayidka oo ku dhaw Xarunta Baarlamaanka Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamada cidamada Qalabka sida ee dowladda Fadalaarka Soomaaliya ayaa maanta Axad ah waxa ay xukuno kala duwan ay ku riday rag lagu soo eedeyey inay farsamayn jireen Qaraxyada laga Fuliyo Caasimada dalka Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah Gobolada dalka. Ragan ayaa Maxkamada ka hor qirtay in ay falkan ku lug lahaayeen kana tirsanaayeen kooxda Al-shabaab . Eedaysanayaashan oo gaaraya ilaa iyo 3 qof ayaa lagu kala xukumay Xabsi Daa,in ah min 10 sano oo xabsi Ciidan ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Xukunka Maxkamada ku dhawaaqay. Halkan ka dhagayso. 140508_002 - My Recording
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu qarax xooggan halkaas ka dhacay. Qaraxaan oo ahaa mid si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxayo warar hordhac ah. Qaraxaan ayaa lasheegay in uu kadhacay Isgooska Sayidka ee magalaada Muqdisho, qaraxan ayaana loo maleenayaa in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa laga arkayaa uuro madow oo ka baxeysa, waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo loo maleenayo in ay ridayaan ciidamada dowlada ee ku sugan isgooskaasi. Wali lama oga khasaaraha uu geestay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay Isgooska Sayidka oo ah halka ay kutaalo xarunta Baarlamaanka, waxaana sidoo kale meel ka ag dhaw kuyaala Wasaarada Amniga iyo Arimaha gudaha. waxii kasoo kordha qaraxaan waan idinla socodsiin doonaa indsha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta shaaciyay xilliga codka loo qaadayo mooshinka laga soo gudbiyay guddoomiyaha Golaha shacabka Maxammed Sheekh Cismaan Jawaari. Qoraal uu soo saaray Muudeey Axadda maanta ah, ayuu ku sheegay in maalinta Sabtida ah ee ku beegan 31-Maarso dib loo furi doono Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka Kulankiisa 3-aad,islamarkaana ajendihiisu yahay mooshinka laga gudbiyay Jawaari. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee ka maqan magaalada Muqdisho u qabtay ugu dambayn in ay maalinta Khamiista ah oo ku beegan Maarso 29-ka ay soo galaan Muqdisho, si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah. PUNTLAND POST The post Xilliga loo codeynayo mooshinka Jawaari oo la shaaciyay. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa ugu danbeyn shaaciyey xilliga uu furmayo kalfadhiga sadexaad ee Baarlamaanka Federaalka soomaaliya . Mudane Muudey ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu furmi doono maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 31-Maarso. Wuxuu intaas ku daray in Ajandaha kulanka uu yahay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo mooshinka Jawaari qabtay 14-kii bishan ayay ku qaadatay muddo 11 maalmood ah inuu waqti u qabto mooshinka. Hadalka ka soo yeeray C/wali muudey ayaa ku soo beegmaya saacado kaddib markii golaha aqalka Sare ay soo saareen baaq ku ku aadan in waqtiga aqbalaada Mooshinka laga soo bilaabo 18-ka bishan, taasoo micnaheedu mudada 10-ka cisho ee la doonayo in mooshinkaas looga doodo uu ku eg yahay 28-ka bishan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimadda Online)-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq iyo talooyin ka soo saaray mar kale khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo loogu baaqay Xildhibaanada in ay u midoobaan gudashada waajibaadka dastuuriga ee maareynta Mooshinka. Baaqan ka soo baxay Aqalka Sare ayaa ahaa kii labaad oo ay soo saaraan, waxaana ay ka digeen in laga fogaado is qab qabsi iyo xasilooni dari siyaasadeed ka dhasha mooshinka. Aqalka Sare ayaa ku taliyay waqtiyeynta aqbalaada Mooshinka Guddoomiye Jawaari laga soo bilaabo 18 bishan Maarso, taasoo mudada uu ku burayo ee 10-ka cisho ay ku egtahay 28-ka bishan. Sidoo kale Aqalka Sare ayaa sheegay in hadii lagu guuldareysto maareynta mooshinka iyo in la horkeeni waayo Golaha, in dood iyo cod la gelin waayo inta ka horeysa mudada loo cayimay ay u arkayaan in mooshinka buray. Akhriso Baaqa iyo talooyinka uu soo saaray Aqalka Sare:- Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - At least one person has been killed and another injured when a car bomb exploded in the outskirts of Somali Capital, Mogadishu, an official confirmed Sunday. Source: Hiiraan Online
-
iyadoo Roobabkii Gu,gga uu ka da,ay qaybo kamid ah Gobolada Puntland gaar ahaan Gobolka mudug qaybo kamid ah ayaa waxaa socda dhanka kale Olole Nadaafadeed oo ay isk kaashanayaan shacabka iyo Maamulada degmooyinkaasi ay roobabku ay ka curteen . Degmooyinka Ololaha Nadaafadeed bilaabay ayaa waxaa ka mid ah Degmada Buur-saalax ee Gobolka Mudugu . Ololahan ayaa waxaa iska kaa shanaya shacabka iyo Maamulka wuxuuna uu ujeedkiisa uu yahay sidii looga hortagi lahaa cuduro ka dilaaca goobaha ay fariist biyaha Roobka ,maadaama xiligan lagu guda jiro xili roobaadkii Gu,gga. Gudoomiyaha Degmada Buursaalax Maxamed Saleebaan diiriye ayaa sheegay in Ololahan iyo mashaariic horumarineed ay ka socdaan degmada Buursaalax. Halkan ka dhagayso Waraysiga uu siiyay Puntlandi.com . Gudoomiya Buur saalax
-
Gudiga dhismaha iyo dib u dayactirka Wadada dhexmarta Bartamaha Magaalada Bosaaso ee iskuxirta Gobolada Puntland ayaa sheegeen in dhawaan labilaabi doono dhismaha Wadadan laamiga ah oo ka soo bilaabata Dowladda Hoose ilaa iyo Isbitaalka Sadax Xidigood . Gudiga ayaa sheegay in kulamo looga tashanayay qaabkii loo bilaabi laahaa dhismaha wadan ay usocdeen maalmahan Maamulka Gobolka Bari ,Maamulka Degmada , Ganacsatada iyo Gudiga , waxaana la diyaariyay dhamaan agabkii loo gu tala galay dhismaha Wadadan . Hadaba SheekhMaxamed Macalin oo ah Gudoomiyaga Gudiga dhismaha iyo dactirka wadadan ayaa Puntlandi uga Waramay xiliga labi doon howshan . Halkan ka dhagayso. Sheekh Maxamed Macalin
-
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa maantay Magaalada Garoowe ku qabatay dood cilmiyeed looga hadlayo caqabadaha hortaagan joojinta tacadiga ka dhanka jinsiga. Kulankaan dood cilmiyeedka ah ayaa waxaa si wadajir ay u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Horumarinta Haweenka Puntland iyo Marwada Madaxweynaha Puntland. Waxaa kasoo qaybgalay Marwada Madaxweynaha Dowladda Puntland Drs Hodan Siciid Ciise,Wasiirka Haweenka Puntland,xubno ka socday Wasaaradaha Puntland,Xildhibaano,Culimo,Odayaal dhaqameed,Dhaqaatiir,Dhalinyaro iyo Haween ka socday Xaafadaha Garoowe. Dooda ayaa intii ay socotay waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey Tacdiyada ka dhanka ah Haweenka Gaar ahaan Gudniinka gabdhaha iyo kufsiga iyadoo dadweynihii kasoo qaybgalay ay su,aalo waydiiyeen masuuliyiintii kasoo qaybgashay. Dood iyo Falanqayn dheer kadib dadweynihii kasoo qaybgalay iyo masuuliyiinta ayaa isku raacay in si wadajir ah looga hortago Tacdiyada loo gaysto haweenka Puntland. Wasiirka Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Drs Maryan Axmed Cali ayaa sheegtay in wasaaradu mar walba gacan siiso haweenka dhibaatooyinka tacadi loo gaystay iyadoona sidookale sheegtay inay shaqo abuur u sameeyeen haweenka gabdhaha arintaas oo yaraysay Gudniinka Gabdhaha. Marwada Madaxweynaha Puntland Drs Hodan Siciid ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay karaamo leeyihiin islamarkaana aysan gayin tacadi loo gaysto iyadoona bulshada ugu baaqday in si wadajir ah loo joojiyo gudniinka Gabdhaha. Halkaan ka dhegeyso codka. Z0000028 - My Recording Sawirro. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasmadda Online) – Weli waxaa taagan xiisadii ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,mooshinkaas oo la filayo in dhawaan cod loo qaado. Muran ayaa ka taagan halka lagu qabanayo kulanka cod u qaadista mooshinka,iyada oo gudoomiye Jawaari uu diiday in kulanka lagu qabto Golaha Shacabka oo uu sheegay in ay la wareegeen ciidamo uu geeyey Ra’iisul Wasaare Kheyre. Sidoo kale waxaa socday dadaalo lagu doonayay in xiisada ka dhalatay mooshinka la demiyo oo ay wadeen xildhibaanada qaar iyo madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Weli waxaa taagan xiisadii ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,mooshinkaas oo la filayo in dhawaan cod loo qaado.Muran ayaa ka taagan halka lagu qabanayo kulanka cod u qaadista mooshinka,iyada oo gudoomiye Jawaari uu diiday in kulanka lagu qabto Golaha Shacabka oo uu sheegay in ay la wareegeen ciidamo uu geeyey Ra’iisul Wasaare Kheyre. Sidoo kale waxaa socday dadaalo lagu doonayay in xiisada ka dhalatay mooshinka la demiyo oo ay wadeen xildhibaanada qaar iyo madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari nuuca raaxada ah uu ku qarxay halkaa. Gaariga ayaa marayay Wadooyinka Mara Xaafadaha ka agdhaw Siinka dheer, waxayna Wararku sheegayaan in uu kusoo wajahnaa Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya. Ilo wareedyo ayaa idaacadda Mustaqbal u sheegay in Khasaaraha Qaraxaasi uu geystay uu ku kooban yahay dadkii Gaariga saarnaa oo aanan la heyn Tiradooda. Ciidamada Dowladda ee Fariisinka ku leh Deegaanka Siinka Dheer ayaa tagay halka uu gaariga ku qarxay, waxayna wararku intaa raacinayaan in ay wadaan Baaritaano la xiriira Gaariga qarxay iyo dadkii saarnaa. Deegaanka Siinka dheer waxaa 1-dii bishaan ka dhacay qarax loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, isla markaana uu ku qarxay goob lagu diiwan geliyo Gawaarida Muqdisho soo gasha, kana timaada Gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Mid ka mid ah ilaalada xarunta degmada Kaxda ee gobolkaan banadir ayaa ku dhaawacmay gaari ku Qarxay afaafka hore ee xaruntaasi. Wararka nasoo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in gaari nuuca raaxada ah oo muddo daqiiqado ah hor yaala afaafka hore ee xarunta Degmada uu ku qarxay halkaasi isla markaana uu dhaawac ka soo gaaray Askari ka tirsan ilaalada xarunta Degmada. Goobjoogayaal la hadlay KNN ayaa sheegay in ay arkayeen gaari nuuca raaxada ah oo muddo daqiiqado ah hor yaalay xarunta degmada, balse markii dadka ay maamulka degmada la socodsiiyeen arinta kadibna inta aan wax laga qabanin uu qarxay gaarigaasi. Maamulka degmada Kaxda iyo laamaha amniga ee degmada ayaa weli ka hadlin dhacdadaani, mana jiraan xog intaas dhaafsiisan oo laga helaayo Qaraxaani. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Washington (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud loo diiday dal-ku-galka Mareykanka (Visa), taasoo keentay in la joojiyo muxaarado uu ka jeedin lahaa xarunta Marriott Sable Oaks, 2ee Koonfurta Portland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay inuu ka hadlo Golaha arrimaha caalamka ee Gobolka Maine, isagoo qodobka uu ka hadli lahaa uu ahaa: “Somalia the Crossroads: Opportunities + Challenges Post-Civil War”, laakiin madaxa ururka casuumay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cudurdaar ay soo diray ku sheegtay inay aad uga xun tahay in Mudane Xasan Sheekh ay safaaradda Mareykanka ee Somalia u diido Visa-ha Mareykanka. Safaaradda ayaa ku dooday in Soomaaliya ka mid tahay lix dal oo muslim ah, kuwaasoo xayiraad socdaalka ah uu ku soo rogay Mareykanka, taasoo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh awoodi waayo inuu ka xaadiro dalka Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa gunadii bilaha ahayd ka joojisay sagaal ka mid ah wakiilada dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Qoraal uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire u kala diray wakiiladan oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah, ayaa wuxuu guno joojinta ku sababeeyay wakiilada oo aan xafiisyo lahayn. Qoraalkan oo uu Wasiir Sacad Cali Shire, ogaysiin nuqul ka mid ah ku siiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuna taariikhaysan 21 March 2018, ayaa u qornaa sidan “Markii qiimayn lagu sameeyay wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ee dibadaha, markii la tixgeliyay istaraatajiyada cusub ee wasaaradda ee aqoonsi raadinta, markii la eegay miisaaniyadda wasaaradda waxa la go’aansaday in gunooyinkii la siin jiray wakiilada aan xafiisyada lahayn la joojiyo. Sanduuqna loo sameeyo laga maalgeliyo hawlaha la xidhiidha aqoonsiga, wakiilkuna uu dalab soo gudbiyo kharashka ku baxaya hawl qabadkiisa, sida xaflad, socdaal, olole, xus, kulan iyo wixii la mid ah. Sidaas darteed waxa laga codsanayaa wakiilada inay soo gudbiyaan qorshe hawleed iyo kharashka ku baxaya hawl walba.” Wakiilada uu wasiir Sacad Cali Shire, qoraalka ku socodsiiyay oo u badan kuwo uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayaa kala ah: Waakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Norway Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Faransiiska Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Turkiga Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kanada Wakiilka wareega (ambassador at large) Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Ireland Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Sucuudiga Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalalka Cumaan iyo Kuwait Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Koonfurta Suudaan Qaran News
-
Xasan Sheikh Madaxweynihii hore ee dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa loo diiday Dal ku galka wadanka Mareykanka isagoo la filaye in uu qudbad ka jeediyo Shirka Hormarinta Afrika ee ka dhacaya jaamacada Harvard. Xasan Sh. Maxamuud ayaa martiqaad ka helay “ World Affairs for Mainers” si uu halkaasi uga jeediyo ama uga hadlo arimo ku saabsan marxaladda ay Soomaaliya marayso“ Somalia at the crossraods. Diidmada dalku-galka Xasan Sheekh, ayaa la sheegay in Safaaradda Maraykanku u cuskatay iyada oo Soomaaliya ay ka mid tahay lix wadan oo Muslim ah, oo maamulka Madaweynaha Marayakan Donald Trump uu ka soo saaray dikreeto 13769, taasi oo uu kaga mamnuucay in dalku-gal loo siiyo Maraykanka. Si lamid ah, Xasan Sheekh ayaa ka baaqsaday socdaal uu ku tegi lahaa dalka Sweden kadib markii loo diiday in Visaha Dal ku galka Baasaboorkiisa Diblomaasiga ah loogu dhejiyo. Tallaabadaas ayaa la sheegay in ay ka dambeysay Safaarada ay dowladda Sweden ku leedahay dalka Tanzania oo aan aqoonsaneyn Baasaboorka Soomaaliga taas oo keentay in Xasan Sheekh Maxamuud loo diido in Visaha Dal ku galka Baasaboorkiisa Diblomaasiga ah loogu dhejiyo Puntlandi.com
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Saturday wrapped up gender awareness training for about 98 Somali police officers in four regional states in Somalia to help broaden their knowledge on human rights. Source: Hiiraan Online
-
RIYADH: President of the Shoura Council Abdullah Al-Asheikh is leading the Kingdom’s delegation participating in the 138th Assembly of the Inter-Parliamentary Union (IPU). The assembly, which began on Saturday in Geneva, will be on the theme of “Strengthening the global regime for migrants and refugees: The need for evidence-based policy solutions.” Source: Hiiraan Online