Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay ayey ahayd markii uu wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel bartiisa Twitter-ka uu ku shaaciyey in maanta uu madaxeye Maxamed Abdullaahi Farmaajo booqasho saddex maalin ah uga bilaabaneys magaalada Asmara, xarunta Eritrea. Warkaas durbadiiba waxa uu noqday mid laba dareen oo isku cagsi ah ay shacabka Soomaaliyeed iyo indheer garadkooda ku reebay. Eritrea oo 1991-kii ka go’day Itoobiya waa wadan saaxiibtinimo dhaw la lahaa Soomaaliya abaal weynna uga hayey sidii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ugu taageertay gobonimo u dirikoodii. Taas bedelkeeda, waxaa lagu eedeeyey in ay xasillooni darro ka waday gudaha iyo siyaasadda Soomaaliya taas oo lagu saaray cunaqabteyn dhinaca hubka ah! Waxa ay dad badani taas u arkeyn cadaaladdarro maadaama Itoobiya oo dhibaato badan ka geysatay Soomaaliya aan iyadana lagu ciqaabin. Ma jirin hoggaamiye Soomaaliyeed oo ku dhiiran karay in uu caadigka dhigo xiriirka diblomaasiyadeed ee Eritrea iyada oo loo aaneyn karay cabsi ay ka qabeen Itoobiya! Hadaba dareen noocee ah ayuu ku abuuray shacabka Soomaaliyeed booqashada madaxweyne Farmaajo ee Eritrea? DAREENKA KOWAAD Durba markii shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintooda foggaan aragga ah wey ku farxeen in Eritrea uu madaxweyaha booqdo, dib u soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee sida fulaynimada ah loogu jaray. Eritrea waxa ay hormuud u ahayd taageeridii ay helayeen dhaq dhaqaaqyaddii muqaawamada ahaa ee la dagaalamay Itoobiya markii ay soo galeen dalka dabayaaqadii 2006. DAREENKA LABAAD Waxa ay damaqday boog aan wali laga bogsan! Tan iyo bur burkii ku yimi dowladii dhexe ee Soomaaliya bilowgii sagaashameedyadii waxaa diblomaasiyadda Soomaaliya jaangoyn jirtay Itoobiya, hase ahaatee, doorashaddii madaxweyne Farmaajo kaddib, shacabku waxa ay filayeen in taasi wax iska bedeli doonaan, ma dhacday? Jawaabta su’aashii waa maya, maadama booqashadiisa Eritrea iyo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Eritrea ay timi kaddib markii ay Itoobiya la heshiisay! Taas damaqday boogtii shacabka ee aan wali boogsan! Maxaa isuku soo beegay weedha iyo hasha naaso adag!? Si kastaba, tani waa cashar ay Soomaaliya ka baran karto inaysan mar dambe Eritrea ama dal kale xiriirka ugu jarto Ethiopia darteed. Waxaa iyana jirta dood ah dowladnimada Soomaaliya waa curdun oo kuma dhiiran karin in ay soo celiso dilomaasiyaddii Eritrea iyada oo ay is hayaan Itoobiya, iyo taageeridda Al Shabaab darteed, doodda dambe waa laga heshiin karaa laakiin ma aha mar marsiiyo in diblomaasiyadaadda ku xirnaanto dal kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Derejada koobaad ee Dalka ayaa Maanta xukuntay horjeegeyaal ka tirsanaa Kooxda Daacish. Mahad Max’ud Cabdi oo Magacyadiisa Af-garashada yihiin (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame oo isagana loo yaqaanno (Dr,raage) ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish. Mahad Max’ud Cabdi ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah kuwaasi oo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin. Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu Soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria, isagoo ugu dambeyn ku biiray kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish ayuu go’aansaday in uuu aas-aaso koox kale. Wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan horjooge Cabduqaadir Muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;- Hoggaan xumida hoggaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale. Max’d Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay (Dr,raage) ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha. Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah. Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa maxkamadda ka hor sheegay in aysan wakiiladooda diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan. Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan. Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro lamarin habaabiyey ayaa doonayey in ay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona lahayn.
  3. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta safar qaadan doona saddex maalmood ku tagey dalka Eritrea, oo muddo lagu eedeyn jiray inuu taageero kooxaha argagixisada ee Soomaaliya. Haddaba maxaad u baahan tahay inaad ka ogaato labadan dal? 1 – Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd dalalka sida xooggan u taageeray jabhaddii EPLF ee u dagaalantay xoriyaddii ay Eritrea ka qaadatay dalka Ethiopia, oo markii hore ay ka tirsaneyd. 2 – Eritrea waxa ay xoriyad ka qaadatay dalka Ethiopia bishii April ee 1993-kii. 3 – Eritrea waxa ay dalkeeda kusoo dhoweysay qaxooti Soomaaliyeed oo ay ku jiraan wasiiro iyo saraakiil sare, wixii ka dambeeyey burburkii dowladda Soomaaliya ee 1991-kii. 4 – Waxaa jira waqti dalalka Eritrea, Sudan iyo Libya ay ahaayeen dalalka kaliya ee wakiilo diblomaasiyeed ku leh magaalada Muqdisho sanadihii sagaashamaadka. 5 – Eritrea waxay si buuxda u taageertay golihii midowga maxkamadaha Islaamiga ee sanaddii 2006 qabsaday koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale sanaddii 2007, waxaa magaalada Asmara lagu aas-aasay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya. 6 – Eritrea waxaa lagu eedeeyey inay tagaeerto kooxda Al-Shabaab, eedyemhaasi oo ay si xooggan u beenisay. 7 – Eritrea waxaa muddo fog loo ciqaabayey oo ay cunaqabateyn u saarneyd Soomaaliya darteed, iyo eedeeymo ku saabsan inay dhibaato ka dhex waddo Soomaaliya. 8 – Eritrea waxa ay si xooggan uga soo horjeesatay faragelintii ay Ethiopia ku sameysay dalka Soomaaliya, markii ay ciidamadeeda dagaalka la galeen maxaakiimta Islaamiga ah, 2006. 9 – Eritrea, Soomaaliya iyo Libya waa saddexda dal ee kaliya ee Afrikaanka ah ee Talyaaniga uu gumeystay. 10 – Waxaa muuqata in xiisaddii ka dhex oogneyd Eritrea iyo Soomaaliya ay sababteeda ahayd kaliya dagaalka Eritrea iyo Ethiopia, haddii dagaalkaas uu dhamaadayna ay heshiiyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Somalia's president has begun a visit to Eritrea in another possible diplomatic thaw in the restless Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
  5. Maxamed Tarsan Shirkii khamiislaha 26 July yeesheen golaha wasiirada dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa Maxamed Axmed Nuur Tarsan loogu magacaabay Safiir cusub, kaas oo aan la shaacin wadanka loo magacaabay. Hadaba baaritaan aan samaynay waxaan ku ogaanay in Tarsan loo magacaabayo ama loo balan qaaday Safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya, inkastoo aan khamiistii go’aankii golaha lagu shaacin wadanka loo magacaabay. Tarsan ayaa Safiirka Kenya loo magacaabayaa kadib markii ay odoyaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood ee uu kasoo jeedo ay kula heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sida ay xog lagu kasoon yahay sheegayso. Beesha Mudulood ayaa dhowr cisho ka hor kula kulantay madaxweynaha Villa Somalia, halkaas oo ay kula heshiiyeen inuu Tarsan u magacaabo Safiirka Kenya. Booska Tarsan loo magacaabayo ayaa waxaa horay u hayey wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Beesha Harti Daarood, wuxuuna banaanaa in ka badan 18 bilood. Dhanka kale wadamada la isku yiraahdo safka hore ee Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa lagu qaybsan jiray Safiirada loo magacaabayo 4.5, laakiin waxaad moodaa haddii Tarsan lagu daro in dhamaan wadamadaas ay qaadatay Beesha Mogadishu Clan taas oo ka hor imaanaysa awood qaybsiga ay Soomaalidu ku heshiisay. Shirkii khamiistii ee golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Saddex Safiir oo kala ah Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa la taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo, C/risaaq Shoole oo Agaasime ku xigeenka ka soo noqday madaxtooyada Soomaaliya iyo Cabdullaahi Maxamed Odawaa, kuwaas oo aan la shaacin dalalka loo magacaabay. PUNTLAND POST The post Maxaad kala socotaa wadanka Safiirka loogu magaabay Tarsan? appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah. Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, oo ka hadlay sida ay booqashada ku timid ayaa sheegay in Soomaliya iyo Eretrea ay sameynayaan xiriir diblomaasiyadeed oo cusub, isagoo madaxweyne Madaxamed C/llaahi Farmaajo ii halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in booqashada uu madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eritrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka labada dowladood. Booqashadan ayaa ku timid xiriiro diblomaasiyeed, soo sidoo kale ay gacan ku leedahay dowladda Ethiopia, sida aan xogta ku helnay, kadib markii Ethiopia iyo Eritrea ay soo afjareen colaaddii muddada fog ka dhaxeysay. Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallo weyn oo socda oo la doonayo in meesha looga saaro coloaaddii iyo msinaceybkii ka dhex jiray dalalka Bariga Afrika, loogana dhigo dalal horumarsan oo wax wad qabsada. Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Eretrea ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli dhawaan ay heshiis wada gaareen mdudo 20-sano ka dib dowladaha Itoobiya iyo Eretria oo mudo uu dagaal ka dhaxeeyey. Hoos ka dhageyso codka wasiirka warfaafinta Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/07/Cod-Wasiirka-Warfaafinta.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.ocm
  7. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka. “Labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay wadaagaan xiriir iyo sooyaal fac weyn. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ayaa waxay albaabada u fureysaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed. Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan Itoobiya iyo Eriteriya ka heshiiyeen muran xuduudeedii ka dhextaagnaa muddada 20 sano ah, Soomaaliya iyo Eriteriya xiriir wanaagsan ma lahayn mudadaas, maadaama Itoobiya ay galaangal weyn ku lahayd siyaasadda Soomaaliya. Tani waa booqashadii ugu horeysay oo madaxweyne Soomaaliya ah uu ku tago dalka Eriteriya muddo 20 sano ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Eriteriya appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali kheyre ayaa amar ku bixiyay in ciidamada AMISOM laga saaro Istadium Muqdisho. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay in ciidamada AMISOM ay faarujiyaan Garoonka waxa uuna sheegay in xili hore ay ku wargaliyeen ka bixitaanka Garoonka. Kheyre waxa uu Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye amar ku siiyay in Ciidamada AMISOM si deg deg ah looga raro Garoonka si dib u dhis loogu sameeyo. “AMISOM waan sii wargalinay waa inay ka baxaan garoonka si ay ugu nacfiyaan shacabka waayo waxaa sii kordheysa baahida loo qabo Garoonka maaha dhufeys” Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu cadeeyey in ay muhiim tahay in AMSIOM laga saaro Garoonka si dhalinyarada Soomaaliyeed ugu ciyaaraan Kubbada Cagta maadaama uu socdo is dhexgal. Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa hadalkaan sheegay xili uu ka hadlaayay munaasabad lagu furayey Barnaamijka Bandhigga Baahida Ciyaaraha dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdiaho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku wajahan magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea. Madaxweyne ayaa magaalada Asmara ku qaadan doona booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa dhigiisa Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku casuumay dalkiisa, iyadoo booqashada qeyb ka tahay is bedelada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ka bilowday. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagay Eritrea, tan iyo markii uu dalkaas xornimada qaatay sanadkii 1993-dii. Xiriirka Eritrea iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaa tobankii sano ee u dambeeyay, iyadoo Eritrea lagu eedeynayay inay taageerto kooxaha ka soo horjeeda dowladda, gaar ahaan Kooxda Al-Shabaab. Inta badan waddooyinka magaalada Asmara ayaa waxaa lagu hardhay calanka Somalia oo aan dalkaasi laga surin muddo badan Eritrea waxaa ay aheyd halkii lagu aas aasay sanadkii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee dagaalka kula jiray Ciidamadii Itoobiya.
  10. Today his Excellence Mohamed Abdullahi Farmajo, the Somalia president is going to Eritrea for three day official visit as declared Eritrea ministry of information in his twitter account. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo magaalad Muqdisho ee caasimada Somalia laga qaaday dhamaan baraha koontarool ee ciidamada Xasilinta ayaa waxaa soo baxaaya inay socdan dadaalo lagu doonayo in dib ciidamada loogu soo celsho baraha. Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo markii hore watay qorshaha ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa iminka dib u bilaabay dadaalka lagu soo celin lahaa ciidamada. Ra’isul wasaare Kheyre oo arrintaan dhowr mar ay kawada hadleen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Isfahan laga gaaray dib usoo celinta ciidamada xasilinta. Kheyre ayaa la xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu ku qancinaayo in ciidamada Militeriga loo madaxbaneeyo howlaga Gobolada iyo daafaha magaalada Muqdisho, maadaama ciidamadu aysan shaqo ku laheyn amniga caasimada. Waxa uu Kheyre arrintaani u kaashanayaa mas’uuliyiin kale, waxaana xusid mudan in go’aanka amniga Muqdisho loogu wareejiyay ciidamada Militeriga ay ka taagan tahay dhaliil xoogan. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka fiirsanaaya dib uga laabashada go’aanka uu amniga Muqdisho uga wareejiyay ciidamada xasilinta oo aasaaskooda shaki badan laga muujiyay. Dhinaca kale, ciidamada ugu badan ee dilalka bareerka ah ka geysta magaalada Muqdisho ayaa leysku raacay inay yihiin kuwa Militeriga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. There is an endless number of problems and issues for German and Turkish leaders to discuss. Yet some in Germany may criticize rolling out the red carpet for the authoritarian Turkish leader. Source: Hiiraan Online
  13. The Ethiopian federal police unveiled details about the murder of Ethiopian Grand Renaissance Dam Project Manager Engineer Simegnew Bekele, who was found dead in his car on Thursday, Sky News reported. Source: Hiiraan Online
  14. Somali soldiers on Friday killed six al-Shabab militants and injured several others during an operation near Wajid, a town in the southwest Bakool region, officials said. Source: Hiiraan Online
  15. For more than a decade, the United States has been engaged in air campaigns against jihadists in what the Obama administration referred to as areas “outside of active hostilities,” or active war zones such as Afghanistan, Iraq, and Syria. Source: Hiiraan Online
  16. The national government will revert to the old boundaries of three constituencies within Wajir to end disputes and bloodshed. Source: Hiiraan Online
  17. A crowd of angry Torontonians confronted a man who held up an anti-Islam sign at the site of the Danforth Avenue shooting, with one of them eventually throwing the man into a fountain. Source: Hiiraan Online
  18. Muddo dheer xiriirka u dhaxeeyo Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika wuu dansanaa laakiin hadda wax walba waxay isu baddalayaan si dhaqso ah. Maxaa sababay isbaddalkaan? Yaa dabada ka riixayo, dan baa noogu jirto mise faaiido? Qormooyin dhowr ah ayaan isku dayi doonaa, haduu Eebbe idmo, inaan kusoo bandhigo jawaabaha su’aalahaan. Furintaanki kanaalka Suways sanadki 1869’ki ayaa baddalay gabi ahaanba Badda-Cas. Habayn qur ah ayay iska baddashay gacan yar oo aan cidna qiimo ugu fadhin isuna baddashay halbowlaha ugu muhiimsan isu socodka ganacsiga dunida. Si loo muujiyo ahmiyadda marinka cusub, farshaxanaystihii Faransiiska ee Frederic Bartholdi ayaa soo bandhigay taallo weyn oo laga dhiso irridka kanaalka Suweys loona bixiyo ‘taalladii horumarka’. Hasa ahaatee, mashruucii taallada waxba kama suuragalin. Dowladdi Masar ee waqtigaas jirtay ayaa deyn badan ka qaadatay bangiyadii Ingriiska si ay u dhisto kanaalka. Sharci jiray qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo loogu talagalay in marmarisiyo looga dhigto dhul boobki ree Yurub, ayaa dhigayay in haddii deyn qabuhu bixin waayo deynta lagu leeyahay dalkiisa uu xoog kula wareegi karo midka uu daynta ka qabo. 14 sano ka dib Ingiriisku sidaas ayuu yeelay oo wuxuu la wareegay kanaalki oo dhan. Arrintaas wali waa jirtaa laakiin si dadban ayaa loo qaataa. Sida Shiinuhu hadda u qaatay xeebaha Siira-Laanka halkaan ka eeg. 150’ki sano ee xigay dunidu waxay u arkaysay Badda-Cas farac yar oo ka mid ah marinka Suweys. Muddadaas waxaa dhacay dagaalo waaweyn iyo qalaalaase ballaaran laakiin labo jeer kaliya ayuu xirmay marinka Suweys sidii loo furay. Mar waxay ahayd1956’di oo loo yaqaan qalalaasihii Suweys. Qalalaashaan ayaa yimid ka dib marki uu Jamaal Cabdinaasir qarameeyay kanaalka ka dib markii uu Ingriika iyo Maraykanku uga baxeen ballamo ahaa inay dhaqaale xooggan siin doonaan. Ka dib Ingriiska ayaa isku dayay inuu xoog kula wareego markale inkastoo uu Maraykanku ku diiday. Kanaalka ayaa xirnaa intii u dhaxaysay Oktoobar 1956 iyo Maarso 1957. Marki xigtay waa dagaalki Carabta lagu ihaanaysatay ee loo yaqaan dagaalki lixda bari ee ay la galeen Yuhuudda. Markaan kanaalku wuxuu xirnaa lix sano oo xiriir ah. Badda-cas waxay sidoo kale u adkasatay dhibaatooyinki ay geesanayeen burcad badeeda soomaalida iyo kooxaha kale ee aagga ka dhawaa. Burburki Soomaaliya, soo bixiddi burcad badeedda, dhaqadhaaqa kooxaha mayalka adag ee ka howl gala Soomaaliya iyo Yemen iyo Xuutiyiin Yemen ka dagaalama midnaba ma carqaladayn marinka cariiriga ah ee Baab-Al-Mandab ee ku yaal dhinaca koonfureed ee illinka Badda-cas. Bab-Al-Mandab waa meesha ay isugu yimaadaan Badda-cas iyo badweynta Hindiya. Wuxuu dhaxeeyaa Yemen, Jabuuti iyo Eritereeya. Waxaa uu marriin u yahay maraakiibta ku safarto badda Hindiya kuna socoto midda madhitereeniynka iyagoo u marayo Badda-cas. Marinkaan waxaa maro sanadki badeeco qiimaheedu yahay 600 oo bilyan oo doolar oo uu ka mid yahay shidaal. Maalin walba waxaa maro shan milyan oo fuusto oo shidaal ah. kala bar ganacsiga Yurub ay la leedahay Aasiya wuxuu maraa marinka Suweys. Ahmiyaddaas uu leeyahay ayaa keentay in dunida oo dhan ay dantoodu ku xirnaato gacankaan yar. Waxaa xil gooni ah la iska saaray inuusan carqaladoobin isu socodka ganacsiga dunida ee marayo marinkaan. Waxaa xeebaha Soomaaliya la keenay tobannaan kun oo ciidamo ah oo sugayo amniga ganacisga ku xiran Badda-cas iyo midda Hindiya ee Soomaaliya marayso. Balse wax ka hooseeyo dantaas gaar ah la iskama saarin Geeska Afrika. Siyaasiyiinta iyo dowladaha kaliya maahan waxa illaaway ahmiyadda Geeska Afrika ee xataa cilmi-baarayaasha ayaa ka maagay inay u fiiro yeeshaan waxa ka socdo mandhiqaddaas. Alex De Waal oo ah khabiir ka faalloodo siyaasadda Geeska Afrika qorayna buug uu kaga hadlayo siyaasadda Geeska Afrika, dhaqaalahiisa iyo aminigiisa ayaa yiri “Badda-cas waxaa xaqiray cilmi-baarayaasha iyo khuburada ka faallooto siyaasadda. Sida loo xaqiray waxaad ka arki kartaa marki aad baarto waxa laga qoray gobalka. Google Scholar waxaa uu soo sarayaa 37 ciwaan kaliya marki aad galiso Badda-cas oo lagu daray nabad iyo amni halka usoo saarayo 530 ciwaan marki aad galiso Gacanka Carbeed”. Alex ayaa ku daray in buuggi ugu danbeeyay ee qiimo leh ee laga qoray mandhiqaddaan la qoray 1985’ti. Arrintaas ayaa ku tusayso in ahmiyaddii gobalku raacay dhammaadki dagaalki qaboobaa. Tani waxay ku tusaysaa in gobalka aysan cidna isku shuqlin muddo dheer. Alex waxaa uu u aaneeyay xaqiraadda Badda-cas inay ku taal labo gobal oo kala duwan: Bariga dhexe iyo Afrika kuwaas ay yartahay waxa mideeyo oo isku meel jihayn karo. Marar dhowr ah ayaa la isku dayay in la sameeyo madal u gaar ah Badda-cas. Sanadihii 70aadki iyo 80aadki Sacuudiga iyo Masar ayaa mid walba mar gooni isku dayay inuu dhiso madal ay ku midaysan yihiin dalalka ku deedsan xeebaha Badda-cas. Laakiin labada isku dayba ma aysan guulaysan. Sababta ugu muhiimsanayd ee guuldarrada keentay ayaa ahayd kala qaybsanaanti uu keenay dagaalki qaboobaa iyo su’aal ahayd inay madasha Israaiil xubin ka noqonayso. Dhawaan qorshihii markale ayaa lasoo nooleeyay. Ergayga gaarka ah ee Yurub u xilsaaran Geeska Afrika ayaa soo jeediyay in dib loo dhaqaajiyo madasha Badda-cas maadaama uu marinku aad muhiim ugu yahay ganacsiga Yurub la leedahay dunida kale. Waxaa raacay Masar oo marinka Badda-cas u aragto farac ka mid ah kannaalka Suweys. Hasa ahaatee su’aalihii hore ayaan meesha wali ka bixin sida ka mid noqoshada Yuhuudda, sida laga yeelayo waddamada gobala awoodda ku leh laakiin aan Badda-cas daris la ahayn sida Itoobiya iyo kaalinta ay ku yaalanayaan wadamada aysan marin Badda-cas laakiin dano waaweyn ku leh gobalka sida Imaaraadka. Si looga jawaabo su’aalahaan, midowga Afrika ayaa billaabay qorshaha ‘Waaga Badda-cas’ taasoo leh hadaf ballaaran laakiin aan lahayn nuxur rasmi ah. Wakiilka u qaabilsan midowga Afrika arrimaha amniga, nabadda iyo wada-tashiga istaariyadaha ayaa ku sheegay hadalkiisi uu ku furay shir ka dhacay Khartuub Octoobar 2017’ki in waddamada ku yaal geeska Afrika oo ay ku jiraan Kiinya iyo Yugaandha dhammaantood la isgu yeeray si loo falanqeeyo sida looga wada faaiidaysan lahaa fursadaha ka buuxa Geeska Afrika. Qalbiga ku haay in Soomaaliya dad u matalo shirkaas joogeen. Wakiilka ayaa sheegay in sida kaliya ee looga faaiidaysan karo fursadaha yaallo mandhiqadda ay yihiin midaynta qorshaha guud, midka ganacsiga, kan siyaasadda iyo kuwa dhaqaalaha. Sidoo kale wakiilka ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Geeska Afrika lagu soo daray dalalka muhiim u ah gobalka laakiin mudda dheer ka qatanaa ka qaybnoqoshada shirarka looga hadlayo arrimaha gobalka. Dalaalkaas ayuu wakiilku ku sheegay kuwa kuwa bariga dhexe laakiin ma uusan sheegin in Israaiil ku jirto iyo in kale. Dhibka ugu weyn ee hadda jiro ayaa ah inuusan jirin dano isku mid ah oo mideeyo waddamada horboodayo kacdoonkaan cusub. Inti lagu jiray dagaalki qaboobaa, Soofiyeedka iyo Maraykanku labaduba isku dan ayay ka ahaayeen marinkaan. Laakiin hadda waxaa muuqato in waddamada danaha leh ay aad u kala damac duwan yihiin. Sagaashamaadki, danaha siyaasadeed Carabta ka laayeen Geeska Afrika wuxuu ahaa kaliya kuwa la xariiro diin. Ha noqoto la dagaalanka Al-qaaidda ama faafinta afkaar iyaga u gaar ah iyagoo u maray mashaariic kheyri ah. Laakiin hadda waxaa jiro damac dhaqaale oo ay adag tahay in la mideeyo. Qaybta xiga waxaan ku eegi doonnaa, haduu Eebbe idmo, quwadaha ku tartamaya Soomaaliya iyo sida ay kusoo galeen. Ibrahim Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa Maxamed Axmednuur Tarsan loogu magacaabay Safiir oo cusub, kaas oo aan la shaacin wadanka loo nagacaabay. Hadaba baaritaan aan samaynay waxaan ku ogaanay in Tarsan loo magacaabayo ama loo balan qaaday Safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya, inkastoo aan shalay go’aankii golaha lagu shaacin wadanka loo magacaabay. Tarsan ayaa Safiirka Kenya loo magacaabayaa xilli uu ahaa la-taliyaha madaxweynaha bilihii ugu dambeeyey. Inkasta oo aan la xaqiijin ayaa haddana wararka qaar ay sheegayaan in odoyaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood ay magacaabista Tarsan kala hadleen madaxweyne Farmaajo. Booska Tarsan loo magacaabayo ayaa waxaa horay u hayey wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Beesha Harti Daarood, wuxuuna banaanaa in ka badan 18 bilood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. New York (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee QM Nikki Haley ayaa weerar culus ku qaaday madaxda dalalka Carabta iyo islaamka, oo ay ku sheegtay inaysan dhab ka ahayn taageerada ay sheegtaan inay u hayaan dadka Faalstiiniyiinta. Haley ayaa sheegtay in madaxda dalalkan aysan hadalladooda u eg geesinimada iyo la-jirka Falastiiniyiinta raacin wax taageero lacageed ah oo dadka Falastiin ay u baahan yihiin. Haley ayaa sheegtay in dalalka carbeed sida Masar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ay mar walba ka hadlaan taageeridda Falastiin, sidaas oo ay tahay aysan siin taageero lacageed oo ku filan. Safiirka Mareykanka ayaa soo saartay liis ay ku qoran yahay inta lacageed oo dalalkaas oo ay wehliyaan dalalka Algeria, Tunisia, Pakistan, Oman, Iran iyo Turkey, ay siiyeen ama siin hay’adda QM ee UNRWA oo ah hay’adda qaabilsan tagaeeridda qaxootiga Falastiin. “Dhammaan hadallada ay dalalka Carbeed iyo Islaamka uga hadlaan halkan QM, waa eber, ma siiyaan Falastiin quudin, dhar, ama waxbarasho. Waxay sameeyaan kaliya inay dalalka kale ee caalamka dhalleeceeyaan” ayay tiri Haley. Safiirka Imaaraadka Carabta ee QM, Lana Nusseibeh ayaa sheegtay in Haley ay ku saxan tahay dhalleeceyntan, ayna qasab tahay in dalalka carbed ay sidan iska beddelaan. Washington ayaa ah xukuumadda lacagta ugu badan siisa UNRWA. Si kastaba, sanadkan waxay bixineysaa kaliya 60 milyan oo dollar, taasi oo aad uga yar 350 milyan oo dollar oo ay horey u ballan-qaaday. Tan iyo markii xukunka uu yimid madaxweyne Trump, Mareykanka ayaa caddeystay sida ay uga go’an tahay garab-istaagga Yahuuda gumaadka ku haysa Falastiiniyiinta, inkasta oo xukuumadihii isaga ka horreeyey ee wejiga daboolan jireen. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  21. Hordhac Maqaalkan waxaan ku falanqayn doonaa xaalada amni ee magaalada muqdisho iyo barnaamijkii xasilintu xalkuu ka dhacay. Maqaalkan sidoo kale waxaan ku tilmaami doonaa xil gudasho la,aanta ay hogaaminayso qorshe xumada hay,addaha amniga. Caasimada muqdisho waxay marti galisay qaraxyo iyo dilal qorshaysan kuwaas oo galaaftay nafta shacab badan oo soomaaliyeed xalka qaar kalana ay ku waayeen qaybo jidhkooda ka mid ah qaraxyada. Masuuliyiintii is xigxigay ee soo hogaaminayay hay,addaha amniga ee heer fadaral waxay ku guul daraysteen hirgalinta qorshe hanaqaada oo ka hirgala magaalada muqdisho sidoo kalana ka sal balaadhan kala xidhka magaalada muqdisho iyo adeegsiga caro iyo jidh gooyayaan lagu xidho jidadka magaalada muqdisho . Dhamaan qorshayaashii mudada gaaban ka shaqaynayay sidoo kalana noqon waayay kuwo si buuxda u xakameeya falalka amni daro ee Alshabaab wado dhamaan qorshayaashaasi waxay ahaayeen kuwo u muuqday awood kala badsi dhanka hay,addaha amniga sidoo kalana waxaa meesha ka baxday maamul daadajintii laamaha amniga Maxaa hortaagan amni iyo xasilooni ka hanaqaada magaalada Muqdisho? Carqaladaha hortaagan amniga magaalada muqdisho Ayaan ku koobnayn falalka amni daro ee Alshabaab laakiin waxaa weheliya qorshe iyo farsamo xumo haysata hay,addaha amniga iyo hogaamka dalka soomaaliya oo aan fahansayayn xilka iyo isla xisaabtanka. Hadii aan saddex ka tilmaamo waxyaalaha Alshabaab u sahlaya inay fuliyaan falalka amni daro Hawl gabka Hay,adda Nabad Sugida Iyo sirdoonka qaranka gaar ahaan unuga Counter Intelligence Maamul daadajin la,aanta Hay,addaha amniga ee heer Gobol , heer Degmo ilaa heer xaafad Kala shikiga iyo wada-shaqayn la,aanta hay,addaha amniga iyo shacabka Falalka amni daro ee Alshabaab ka fuliso magaalada muqdisho waa kuwo muujinaya fashilka siyaasad xumada taala hay,addaha amniga . Si kastaba ha ahaatee madaxda dalka somaliya waxay fashalka hay,addaha amni dusha u saaraan hogaanada hay,addahaas kuwaas oo ku waaya xilkooda magacaabista masuulka cusubna wa keento natiijo wax ku oon ah waxaase su’aal mudan in lays waydiiyo xalkay wax ka qaldan yihiin . Xalka iyo xasiloonida magaalada Muqdisho {counter-terrorism strategy} Kooxaha xagjirku waa kooxo ku soo badanaya dalalka sidoo kalana waa kuwo waxyeelo iyo hagardaamo ku ah xasiloonida daleed iyo dawladeed sidaa darteed dalalka aduunku waxay samaysteen istaratajiyado looga hortagay kooxahana. Hadii aan u eegno xaalka magaalada muqdisho iyo xeelada lagaga guulaysan karo kooxda Alshabaab waxay noqonaysaa istaratajiyad ka kooban Afar (4) tiir oo kala ah Dib u habaynta hay,addaha amniga gaar ahaan ciidanka Booliska iyo Nabad Sugida Maamul daadajinta hay,addaha amniga Hirgalinta Barnaamijka Booliseynta Bulshada {Community policing} Diyaaarinta barnaamij ka hadlaya hagar-daamooyinka Alshabaab ku hayso shacabka soomaaliyeed W/Q: Abdirahman Jacob Hassam Security Analyzer Jacobhassam@gmail.com Borama, Awdal
  22. Muqdisho (Caasimad Online) – Sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray Wasiirka warfaafinta dalka Erateria waxaa la filayaa in maanta oo Sabti ah uu magaalada Asmara ee dalka Erateria u kictamo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Madaxweynaha Erateria Isaisa Afwerki ayaa casuumada u sameeyay dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, iyadoo ujeedka casuumaadu tahay sida lagu soo celin lahaa xiriirka labada dal oo sanado badan ahaa mid mugdi galay. Booqashada Madaxweyne Farmaajo magaalada Asmara ee dalka Erateria ayaa la rumeysan yahay inay irdaha u fureyso wada shaqeyn cusub oo dhexmarta labada dal, waxaana xusid mudan in caasimadaha labada dal ay ku kala noolyihiin Qowmiyado badan oo aanu kawarqabin labada dal. Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Asmara oo noqoneysaa tii ugu horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku taga dalkaasi ayaa faraj u noqoneysa in labada dal ay iska cawiyaan arrimaha Argagixisada, Ganacsiga, Amniga, Siyaasada, Safarada, Dhaqaalaha iyo la socodka xaaladaha Qowmiyadaha ku kala nool Asmara iyo Muqdisho. Xiriirka soo cusboonaanaya ee labada dal ayaa sidoo kale meesha ka saaraya tuhunkii ahaa in Dowlada Erateria ay garabsiiso argagixisada Somalia ee Al-Shabaab. Sidoo kale, Dowladaha Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa kaalin weyn ka qaadanaya isku soo dhawaanshiyaha Somalia iyo Erateria oo isku haya waxyaabo aan sidaa usii buurneyn. Dhinaca kale, Siyaasiyiinta ka faaloota arrimaha Gobolka ayaa qaba in xiriirka labada dal uu soo laabanaayo xili munaasib ah, maadaama dal waliba uu doonaayo inuu la dhaqmo dalka kale. Caasimad Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Kismaayo (Caasimad Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay kusii xoogeysanayaan deegaanada Jubbooyinka. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dhowr jeer uu ku celcelshay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay wax ka qabato awoodaha ay Shabaab ku yeelaneyso Jubbooyinka, hase yeeshee aanu u muuqan dadaalka dowlada. Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin Jubbooyinka isla markaana ay doonayaan in awoodooda kusii faafiyaan deegaada muhiimka ah. “Dhowr jeer arrintaan waxaanu gaarsiinay dowlada Somalia ma noo muuqato dadaalo ay kula dagaalameyso Shabaabka oo aan la socno inay kusii xoogeysanayaan deegaanada” “Awoodahooda waxa uu gaaray inay qaadan weeraro joogta ah taasi waxaa u sabab ah inaanu jirin dhaqdhaqaaq ay dowlada Somalia kawado goobaha ay gacanta ku hayaan Shabaabka” Dowlada Somalia ayuu ku eedeeyay in wixii ka baxsan magaalada Muqdisho aysan moodin inay ka tirsan tahay Somalia, taasina ay ugu wacantahay inay ka jiifato amni ka dhalinta deegaanada ku jira gacanta Shabaabka. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay inay halis ugu jiraan in deegaanada ay hadda ka arimiso Jubbaland ay gacanta u gasho Al-Shabaab, waxa uuna ku baaqay in leyska kaashto ciribtirkooda. Sidoo kale, ciidamada AMISOM ayuu ku eedeeyay inay luminayaan heshiiskii ahaa in si wada jira loola dagaalamo Al-Shabaab oo si caadi ah uga buuxa deegaanada maamulka. Geesta kale, waxa uu ka digay in Jubbaland lagu fiirsado duulaanka Al-Shabaab, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu ka jiifan doonin ciribtirka Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  24. Garoowe (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay toogasho ku dileen taliyihii hore ee ciidamada birmadka qeybta Gobolka Mudug ee Puntland Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebigebi). Marxuumka ayaa la toogtay xili uu ka soo baxay masaajidka Dulqarnayn ee magaalada Gaalkacyo oo uu ku tukaday saladii Cishe mana jirto cid wali sheegatay dilka Taliye cabddirashiid. Dilka taliyahaani ku baxay gacanta maleeshiyo hubeysan ayaa waxaan wali ka hadal maamulka Puntland. Waxaa horay magaalada Gaalkacayo dilal iyo qaraxyo loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland iyadoo sidoo kale dilal qorshahaysan lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Sidoo kale, Xiliga la dilaayay taliyihii hore ee ciidamada birmadka Puntland Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebigebi) lama aysan socon ilaalo waxaana loo badinayaa dilkiisa inay ka danbeeyen maleeshiyada Alshabaab. Dhinaca kale, dilka marxuumka kadib waxaa halkaa meydkiisa kasoo qaaday ciidamo ka tirsan maamulka Puntland qeybta Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  25. Magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa waxaa kusoo gebogeboobey shirweyne caalami ah oo ku saabsanaa kormeerka iyo qiimaynta Afrika (Monitoring and Evaluation Conference for Africa- Evidence to Action) waxaana kasoo qayb galay 37 waddan oo Afrikaan ah iyo khuburo ka socotey hay’ado iyo Jaamacado kala duwan Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiha ah ee dawladda Puntland gaar ahaan Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta (Department of Monitoring and Evaluation) ayaa shirka ku meteleysey guud ahaa Soomaaliya Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sidii loo tayayn lahaa, laysuguna xiri lahaa kormeerka iyo qiimaynta ay sameeyaan Dawladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo sidoo kale in laysku xiro kormeerka, qiimaynta iyo cilmi barista la sameeyo iyadoona intii shirku socdey goobta laysku weydaarsadey Daraasado kala duwan oo laga sameeyey qaaradda Afrika. Waxa shirka aad loogaga dooday in guud ahaan Dalalka Africa ay yeeshaan Wasaaradda Koormeerka iyo Qiimaynta. (Ministry of Monitoring and Evaluation) Waxa soo bandhigay guulihii ay gaareen Dalalka leh Wasaaradaha Koormeerka iyo Qiimaynta sida South-Africa, Ghana, Benin , Sudan iyo Uganda. Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa hirgalisay nidaamka kormeerka iyo qiimaynta puntland ( Monitoring and Evaluation System) kaddib markii waaxda kormeerka iyo Qiimaynta la tayeeyey islamarkaana dib casriyayn lagu sameeyey, loona shaqaaleeyey shaqaale aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh shaqada Qiimaynta iyo Kormeerka Ugu danbayntii, shirka ayaa waxa ka soo baxay qodobbada hoos ku xusan In Manhajka Jaamacadaha lagu daro barashada Kormeer iyo Qiimaynta oo ah heerka kowaad iyo heerka labaad ee Waxbarashada Jaamacadaha. (Bachelor and Master’s degree in Monitoring and Evaluation) In la dhiso aqoonta. tayada iyo xirfadda, ee xirfadlayda kormeerka iyo qiimaynta. In la joogteeyo qabashada shirkan oo sanadkiiba hal mar ah (Sanadka danbe waxa casuumaadda shirka fidisay dalka Ghana) In laysku xiro xogaha koormeerka iyo qiimaynta (M&E Reports) iyo cilmi barista (Research) In xogaha lala wadaago dadwaynaha iyo cid kasta oo ay khusayso. In go’aan gaarista lagu saleeyo xogaha kormeerka iyo qiimaynta (Evidence based decision making) The post SHIRKII UGU HORREEYEY EE KORMEERKA IYO QIIMAYNTA AFRICA OO NAIROBI KU SOO XIRMAY. appeared first on Puntland Post.