-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida ayaa sheegaya in la xiray ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis oo isku dayay boob hantiyadeed. Ciidamadan ayaa la sheegay in lagu helay danbiyo la xiriira in mudada ay shaqaaqada ka soctay deegaanada maamulka ay isku dayeen inay la goostan Booyado iyo Gaadiid ciidan. Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa faramuuqay askarta la xiray kadib markii ay kusii dhiiradeen inay la baxsadaan Hub. Ciidamadan oo qeyb ka ahaa garabka Madaxweynihii hore ee maamulka Cabdi Cumar ayaa iminka la dhigay xabsi, waxaana lagu wadaa in lasoo taago maxkamad. Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa inay qirteen falka loo xiray, wallow ay ku cudur daaranayaan inay badbaadin ahaan u wateen gaadiidkaasi. Arrintaan ayaa imaaneysa xili dhawaan maamulka uu kiisas noocaasi ah u xiray shaqsiyaad ka tirsanaa maamulka oo lagu eedeeyay kicin dadweyne. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Ethiopia on Sunday inaugurated a power plant which converts waste into energy, next to a filthy open-air dump in Addis Ababa where a landslide last year killed more than 110 people. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dalkiisa uu qafiifinaayo ku dhaqanka sharciyada adkaa ee dalkaasi u degsan. Abiy Axmed, ayaa sheegay in dowladiisa marka hore aysan dooneynin inay ku dhaqanto sharci caburis ah, hase yeeshee haddii ay dhacno in laga maarmi waayo ay ku dhaqmi doonaan. Waxa uu sheegay in maamuladii ka horeeyay ay ku dhaqmi jireen sharciyo adag oo xitaa dadka shacabka qaarkood ku qasbi jiray inay ku nooladan dalka dibadiisa, balse ay iyagu inbadan ka duwanaan doonaan, sida uu hadalka u dhigay. Sharciyada adag ayuu tilmaamay in dalka ay u horseedi karto dhibaatooyin iska kacdoono, sidaa aawgeed aysan diyaar u aheyn inay ku dhaqmaan shaci adag oo cadaawad ka dhex abuuri kara dowlada iyo shacabka. Sharciyada adag ayuu tilmaamay keliya inay u adeegsan doonaan isla markaana ku ciqaabi doonaan kuwa halista ku ah dalka, waxa uuna yiri “Sharciga cidna ugama baqan doono cidii halis nagu ah ayuu maareyn doonaa sharciga adag” “Ethiopia uma baahna caburin iyo in la dhibaateeyo shacabka, waa inaan garanaa waxa wanaagsan iyo waxa xun ee dhibaatada noo horseedi kara” Sidoo kale, Abiy ayaa ku goodiyay in dhibaatooyin kala duwan ay marin doonan cid waliba oo halis ku ah dowladiisa, waxa uuna ku baaqay in lagu wada noolaado xoriyada ay siiyeen shacabka iyo dhinacyada mucaaradka. Haddalkan ayuu ka sheegay kulan uu Xafiiskiisa kula qaatay xubno Siyaasiyiin ah kuwaa oo dhawaan dalka dib ugu laabtay sanado badan kadib. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Madaxwaynaha dalka, Ashraf Ghani ayaa ku ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay shuruud ku xiran tahay oo lala galo kooxda Taliban. Xabad joojintani ayaa madaxwaynaha sheegay in ay billaabanayso Isniinta ka hor dabaaldaga ciidda ee maalinta Talaadada. Mr Ghani ayaa sheegay in xabbad joojinta ay socon doonto muddo saddex billood ah waa haddii kooxda Taliban xushmeeyaan. Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay kooxda Taliban oo ku saabsan xabbad joojinta uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Afqanistan. Balse Talibaan ayaa munaasabadda ciidda darteed siideyn doonta dhowr maxaabiis ah. Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Janaraal Jens Stoltenberg ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta uu soo bandhigay Mr Ghani. Mr Stoltenberg ayaa sidoo kale ugu baqay kooxda Taliban in ay xushmeeyaan xabbad joojinta. Xabad joojinta ayaa imanaya ka dib maalmo uu dagaal qaraar ka socday magaalada Ghazni iyo meela kale oo dalkaasi ka tirsan. Labada dhinac ayaa fuliyay saddex maalmood oo xabbad joojin ahayd oo ay wada gaareen bishii June xilligaasi oo sidoo kale loo dabaaldagayay ciidda ciiddul Fitriga. ISHA BBC
-
Somalia's Minister of Foreign Affairs Ahmed Eissa Awad and Qatar's ambassador Hassan bin Hamza Hashim on Sunday placed the cornerstone of the project to build the diplomatic institute, which is financed by Qatar Fund for Development. Source: Hiiraan Online
-
President Donald Trump's lawyer Rudy Giuliani said Sunday that the June 2016 Trump Tower meeting between senior Trump campaign officials and Russians "was originally for the purpose of getting information about (Hillary) Clinton," but denied any collusion between Russia and the Trump campaign. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal katirsan Maxkmadaha Dalka. Garyaqaan Baashe Gudoomiyaha Maxkmada sare dalka ayaa shaqada ka joojiyay Garsooyaal gaaraya ilaa 9 xubnood oo ka hawlgala maxkamadaha darajada 1-aad iyo 2-aad . “Laga bilaabo maanta waxaa shaqadii ka joojiyay kaaliyeyaashan inta laga sameynayo baaritaan dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed. Gudoomiyaha ayaa sheegay in sababta Xilka looga qaaday garsoorashaasi ay yihiin cabasho katimid shacabka iyo dacwado ay soo gudbiyeen. ” Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan,markaan arkay kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo kaaliyeyaashan”. ayuu markale yiri Gudoomiyaha Maxkmada Sare. Dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay waxa ay waday dar dar xoogan oo looga soo horjeedo musuq maasuqa iyo wax isdamarin ka dhexjirta laamaha kala duwan ee Dowlada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Maxkmada Sare oo Shaqadii ka Joojiyay Garsoorayaal Maxkamadeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, ayaa waxaa shaqada looga joojiyay howlwadeeno ka kala tirsan maxkamadaha darajada koowaad iyo labaad ee dalka. Wareegtada ayaa waxaa shaqada looga joojiyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawl gala Maxkamadaha degmooyinka, Gobolka iyo Rafcaanka oo loo heysto cadaalad daro. Waxaa wareegtada lagu sheegay inay korortay cabashooyinka laga qabo shaqooyinkooda Kaaliyayaasha, iyadoo ay dacwado dhowr ah ka gudbiyeen dadweynaha u cadaalad doonta Maxkamadaha. Guddoomiyaha Maxkamadsa Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo ka jawaabaya balan qaadkiisa ahaa inuu la dagaalami doono Garsoorayaasha laga cawdo shaqooyinkooda ayaa shaqo joojin ku sameeyay Kaaliyayaasha maxkamada. Sidoo kale, Baashe Yuusuf Axmed, waxa uu sheegay in baaritaano lagu sameeynayo kaaliyeyaashi shaqad laga joojiyay, waxa ayna baaritakooda qaadan doontaa muddo, si looga sal gaaro cabashada laga gudbiyay. Dowlada Somalia, ayaa Seddexdii asbuuc ee ugu danbeysay xabsi dhigeysa mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan dowlada kuwaa oo loo heysto arrimo la xiriira musuq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
en the Taliban regime in Afghanistan collapsed in November 2001, journalists who had been waiting in parts of the country outside the Islamist regime’s authority or in neighbouring Pakistan rushed to bombed-out and deserted training camps where al-Qaida had built the strike force that had carried out the 9/11 attacks. Source: Hiiraan Online
-
Aden Duale, Chief Kadhi clash over Idd ul Adha celebrations
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Majority Leader in the National Assembly Aden Duale has threatened to petition the Judicial Service Commission to take disciplinary action against Chief Kadhi over his stand on matters of Idd ul Adha celebrations. Source: Hiiraan Online -
Kulan tan iyo 8dii Agoosto magaalada Addis Ababa uga socday xubnaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa sida uu sheegay guddoomiyahooda cusub oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda Federaalka ee Itoobiya, Axmed Shide, waxaa lagu go’aamiyey in xisbiga laga saaro xubno lagu tuhmay in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay deegaanka. Shir jaraa’id oo uu Axmed Shide ku qabtay Addis ababa, ka dib gabagabadii kulankaas, ayuu ku sheegay in 3 xubnood laga saaray guddiga fulinta, 8 xubnoodna laga saaray golaha dhexe ee xisbiga. Talaabadaas ayuu ku tilmaamay inay tahay go’aan siyaasadeed oo xisbigu ka qaatay dadkaas oo wax laga saarayo rabshidihii horraantii bishan ka dhacay deegaanno ka tirsan DDSI. Waxaa shirka la fadhiyey madaxweynaha cusub ee DDSI, Axmed Cabdi Maxamed iyo xubnaha xisbiga. Wuxuu kaloo intaa ku daray inay jirto talaabo xagga sharciga la xiriirta oo laga qaadayo dadka dambiyada gaystay intii ay rabshaduhu socdeen, “kuwaasoo ay hay’adaha dambi baaristu gacanta ku hayaan”. Ma uusan sheegin magacyada xubnahaas laga saaray xisbiga. Waxaa la filayaa in ay qaban qaabiyaan shirweyne ay isugu keeni doonaan “dadka deegaanka”, laakinse ma aysan sheegin goorta uu dhici doono, halka uu ka dhici doono, iyo cidda ka qayb galaysa toona. Hadalka wasiir Axmed Shide ayaa ku soo beegmaya ayadoo magaalada Addis Ababa ay sidoo kale kulan u fadhiyaan guddoomiyeyaasha 11ka gobol ee DDSI iyo 5ta xubnood ee gobol kasta ugu sarraysa xagga maamulka, iyo sidoo kale wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulka DDSI. Wararku waxay sheegayaan in ayaguna ay ka arrinsanayaan sidii meel loogu yeeli lahaa rabshadihii dhacay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd. Wararka ayaguna naga soo gaaraya deegaannada is maamulka Soomaalida waxay sheegayaan in shirar waaweyn ay ka dhacayaan magaalooyin ay ka mid yihiin Jigjiga oo ah halka ay shirarka ugu badan ka socdaan, dhagaxbuur, Qabridahar, Godey iyo meelo kale. Shirarkaas ayaa la sheegay in ay ku salaysan yihiin sidii loola jaanqaadi lahaa isbeddellada haatan socda, waxaana dib ugu soo laabanaya deegaannadaas dadkii markii hore uga cararay khilaafaadka siyaasadeed iyo mabaadii’da ay aaminsanaayeen daraadood. ISHA BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye). Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska ay guddiga maaliyadda ku leeyihiin xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa guddiga maaliyadda ee golaha shacabka la wadagay warbixin ku saabsan shaqada xafiiskiisa. Hanti dhowraha ayaa sidoo kale guddiga uga warbixiyay howlaha la xisaabtanka iyo ka hortagga musuq maasuqa ee uu ku sameynayo hay’addaha dowladda. “Xafiiskeyga hawlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xeran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda oo arrimo musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena waan ku daba jirnaa”. Ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka. “Sidoo kale waxaan idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. Ayuu yiri Hanti dhowraha Qaranka. Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga maaliyadda ka codsaday iney kala shaqeeyaan meel marinta sharciga Hanti dhowrka oo golaha wasiirada ay ansixiyeen. Guddoomiye ku-xigeenka guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Maxamed Aadan Macalin oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu wado Hanti dhowraha, sidoo kale waxa ay ka codsadeen inuu sii laba jibaaro howlaha la xisaabtanka. “Aad baa u bogaadinaya hawsha wanaagsan ee ka socota xafiiska Hanti dhowraha, guddiga maaliyadda waxa uu balan qaadaya inuu la shaqeynayo hanta dhowraha si loo ciribtiro musuq maasuqa, sidoo kale sharciga Hanti dhowraha waan ka shaqeyneynaa wixii talooyin ah waan ku biirineynaa”. Ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka guddiga.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed kula shiray wasiirka amniga, dhammaan hay’adaha garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaalinta, garyaqaanka, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaha ciidanka Asluubta iyo dhammaan taliyaasha cadaaladda iyo garsoorka, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir. Shirkaan oo billaaw u ah kulamo bille ah oo looga hadlayo garsoorka iyo cadaallada ayaa muhiimmaddiisa ugu wayn waxa ay ahayd in laga wada tashado xallinta cabashooyin cadaaladeed oo ay qabeen bulshada Soomaaliyeed, horumarinta cadaalladda iyo hannaanka ay wada shaqayn buuxda u yeelan karaan garsoorka, cadaalladda iyo booliiska, si xukun caddaalad ah uu dhoco, si cadaallad ahna loogu fuliyo. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adaha garsoorka, caddaaladda iyo taliska booliiska ku dhiirri geliyay in ay qabtaan shaqo saxan, hufan, daacad ah daah furan si loo soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaneen dawladooda. Taliyaha booliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo natiijada shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in shirarka soo socda lagu soo bandhigi doono horummarrada caddaaladeed ee laga gaaray qodobada kulankii maanta la iskula gartay iyo caqabadaha jira si xal looga gaaro oo looga dhabeeyo Barnaamijka dawladda oo ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed loo simanyahay. PUNTLAND POST The post Khayre Oo La Kulmay Hay’adaha Garoorka, Cadaaladda, Amniga iyo Maamulka G.Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Hant-dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya,Maxamed Maxamuud Cali(Afgooye) oo maanta warbixin siiyay guddiga maaliyadda ee Golaha shacabk ayaa sheegay in xafiiskiisu baaris adag ku hayo qaar kamid ah hay’adaha dowladda Soomaaliya oo musuq looga shakisanyahay. Hanti-dhowraha ayaa guddiga maaliyadda Golaha shacabka u sheegay in mas’uuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda Soomaaliya ay hadda u xiran yihiin arrimo musuq maasuq oo ay baaris ku socoto,islamarkaana uu xafiiskiisu ku daba jiro mas’uuliyiin kale oo lagu tuhmayo wax is-daba marin iyo musuq. “Xafiiskeyga howlo muhiim ah ayuu wadaa, sida aad la socotaan waxa hada xiran oo baaris ay ku socotaa masuuliyiin ka tirsan hay’addaha Dowladda oo arrimo Musu maasuq lagu soo eedeeyay, kuwa kalena wa ku daba jirnaa”. ayuu yiri Afgooye. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in isla-xisaabtanka iyo barista lagu samaynayo hay’adaha kala duwan ee dowladda uu gaari doono xafiisyada ugu sarreeya dalka,sida xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha,si looga hortago in musuq maasuq dhaco. “ Sidoo kale waxa idiin balan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado inan gaarsiinayo xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha, hada waxa socdo baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda” ayuu raaciyay. Dhinaca kale Hanti-dhowraha Qaranka,Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ka codsaday in ay kala shaqeeyaan meel marinta sharciga Hanta dhowrka oo Golaha wasiirada ay ansixiyeen. Hadalka Hanti-dhowraha ayaa ku soo beegmaya xilliay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay dardar-gelinayso, la-dagaallanka musuq maasuqa,ayna kor u qaadayso isla-xisaabtanka iyo daag-furnaanta hay’adaha dowladda. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya oo musuq laga baarayo appeared first on Puntland Post.
-
Uganda police arrest US 'missionary' in viral assault video
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Police in Kampala have arrested a man identified as a US national on accusation of assaulting a Grand Imperial Hotel worker on Friday morning. Source: Hiiraan Online -
There are more trees in Mogadishu than you might expect, at least in August. From above, the city is knots of green punctured by blue, red and beige roofs rolling into a strip of bright white sand before falling into the sea. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ah Guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa shaaciyay shir ay yeelan doonaan golahaas. War qoraal ah oo ka ka soo baxay Guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya Cabdiwali Gaas ayaa lagu sheegay in 03/09/2018 shirka 3-aad ee golahaas lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunt KMG maamulka Jubbaland. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkaas looga tashan doono danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa qaranka Soomaaliya. Warar hoose oo aan helnay ayaa ku ogaanay in shirkaas looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka madaxtinimo ee dowlad goboleedyada oo inta badan dhici doona sanadka soo socda ee 2019. Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonaan kara ayaa PUNTLAND POST u sheegay in golahaasi ay doonayaan in doorashada madaxtinimada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada isku ma la qabto. Waa shirkii labaad oo golaha iskaashiga dowlada goboleedyada dalka ay ku qabsataan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland. PUNTLAND POST The post Cabdiwali Gaas oo shir u iclaamiyay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Somalia (Caasmada Online) – Somali police soldiers have arrested 10 government officials in an operation in Mogadishu over alleged corruption scandal. The detainees, working at seaport customs office in Mogadishu, were reportedly arrested after being accused of losing public funds, according to security officials. The all members of staffers at Mogadishu sea-port were taken into Criminal Investigation Department headquarters in the capital for further questioning over corruption allegations. Ahmed Ali Samow, Head of port tax authorities, was among those who were taken into CID for probing fraud embezzlement in Somalia’s busiest port in Mogadishu. Somalia’s CID chief, Bishar Abshir Gedhi told journalists that up to 10 officials had been arrested over fraud allegation, adding that an investigation relating to case had also been stated. “We have started an investigation over alleged corruption scandal, after police soldiers arrested 10 members of staffers at Mogadishu sea-port”, he said. For his part, Somali PM Hassan Ali Khaire has welcomed the arrest of government officials and investigations over the alleged fraud allegations. Khaire commended the renewed anti-corruption drive that has led to unprecedented arrests of government officials in suspicion of losing public funds. “We are committed to fight against corruption”, Khaire said. He asked for all mandated organizations to work closely to ensure the fight against corruption. Somali leaders pledged that it would continue eradicating widespread nepotism, favoritism, bribery, public fund fraud and aid embezzlement which became a commonplace across all sectors in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan warbaahinta dalka hadal hayaan warar sheegaya in Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Caanood la goostay ciidamo ka tirsan dowlada, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Caanood. Abaanduulihii hore ee Ciidanka oo arrintaas ka hadlaayay ayaa sheegay inuu aad ula yaabanyahay halka laga keenay wararkaasi. Caanood ayaa beeniyay in uu goostay oo uu waddo Abaabul Jamhadeyn ah, waxa uuna sheegay inuu u baxay howl markii horaba qabyo u aheyd. Caanood, mar ay BBC wax ka weydiisay inuu ka carooday magacaabista abaanduulaha cusub oo uu doonayo inuu dagaal jabhadayn ah bilaabo ayuu yiri “Waxaasi waxba kama jiraan, waa wixii Soomaali ku hoogtay oo ku ba’day, ilaahna naguma jirrabo”. Wuxuu kaloo jeneraalku waxba kama jiraan ka soo qaaday inuu Balli doogle kula kulmay Askar Maraykan ah. Sidoo kale, Jeneraal Caanood, wuxuu sheegay in maanta uu dagaal ku dhex maray magaalada Marko ayaga iyo Al Shabaab, kaasoo uu sheegay in ay iyagu bilaabeen, balse Al-Shabaabna is difaacen, iminkana ay wadaan howlgalo kale. Caanood, oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dagaalku uu ahaa mid sii qorshaysnaa ka hor inta aan la magacaabin abaanduulaha cusub, hase yeeshee ay soo afmeeri doonaan maadaama ciidamada ay maanta si buuxda ula wareegen degmada Marko. Geesta kale, wuxuu intaa ku daray Jeneraal Caanood inuu xilka wareejin doono marka hawlgalka la soo afjaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia ayaa maamul KMG ah u magacawday Furdada Canshuuraha Dakadda Muqdisho. Maamulkii hore ee Furdada iyo xubno kale ayaa waxaa shalay loo xiray arrimo la xiriira musuq-maasuq, waxaana xilka si KMG ah usii heyn doona maamulka cusub. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa Xasan Cabdicasiis Axmed (Baashe) u magacaabay in uu noqdo Maamulaha cusub ee KMG Furdada Xamar. Wasiiru-Dowlaha ayaa isla maanta ka qeybgalay dhaarinta maamulaha cusub,waxa uuna kaga digay inuu maro halka ay mareen kuwii hore. Maamulka cusub ayaa sii wadi doona shaqooyinka hakat-ka galay ee ka socday Xafiiska, waxaana suuragal ah in maamulka cusub si rasmi ah looga dhigo mid buuxa. Docda kale, dhamaan Xafiisyada Shaqada Canshuuraha ee Dakadda Muqdisho ayaa sidoodii caadiga ahaa u shaqeynaya iyadoona maamulaha cusub uu si toos ah shaqada u guda galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online)—Head of United Nations’ WFP Steven Were Omamo, and UNICEF, Gillian Mellsop have paid a visit Somali-Ethiopia region after deadly violance killed dozens of people. Omamo and Mellsop arrived in Jigjiga town to see firsthand how people affected by recent violence and civil unrest. The UN’s representatives assessed what further support was needed and emphasized the importance of strong partnerships in improving the situation. A humanitarian coordination committee comprising both government and humanitarian partners has been established to identify food distribution points in the city, after thousands of people were forced from their homes amid the disturbances. Omamo says WFP would continue supoorting to the people in the town, who are facing enormous challenges. He added “It is encouraging to see how the situation is stabilizing through the efforts of the Ethiopia and the support of humanitarian partners”. For her part, UNICEF’s chief in Ethiopia, Gillian Mellsop said children and women still face enormous challenges in accessing basic services such as water and health. Mellsop stated “we are doing our best to ensure that support continues to reach them even as we restore currently-suspended programmes for other vulnerable populations.” UNICEF is providing high-energy biscuits to children and women, buckets, blankets, soap and water-treatment chemicals. UNICEF was supporting the treatment of approximately 132,000 children and 110,000 pregnant and breastfeeding women for moderate malnutrition and 8,500 children for severe acute malnutrition. The support is expected to resume once the situation improves. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) — Somali army forces have taken control of the coastal town of Marka, some 91km southwest of Mogadishu, following fierce fighting against Al-Shabaab. The fighting erupted after Somali forces launched military offensive against Al Qaeda-linked Al-Shabaab fighters in the town, a witness said. He says both warring sides had used heavy and slight weapons during the fighting, adding that the Al-Shabaab militants had withdrawn from the town. Four soldiers were reportedly killed in the latest clash in the town. The military offensive is reportedly led by Somali army commander, Gen. Abdullahi Ali Anod, who was fired in a degree announced by Somali president Mohamed. Gen. Anod says the military forces had taken control of the town, following pushing Al-Shabaab out of the town. He added the forces would continue operations against militants until the group’s fighters are eliminated. There was no immediate comment from Al-Shabaab over the military claims. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Qoraalka ka soo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ka tirsan dowlada Federaalka oo uu ku saxiixan yahay Hogaamiyaha maamulka Puntland ahna Guddoomiyaha Golaha ayaa lagu martiqaaday Hoggaamiyayaasha kale ee Gobolada. Qoraalk ayaa waxaa maamulada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed lagu wargaliyay inay ka soo qeyb galaan shir ka dhacaya Kismaayo 3-da bisha soo socota ee September. Waxaa lagu sheegay qoraalka in Shirka looga tashan doono danaha maamul goboleedyada iyo kuwa Qaranka, iyadoo la sheegay in Xogheynta Golaha ay soo diyaarin doonaan ajandaha shirka. Shirkan degdega ah waxa uu dhacayaa xili qaar ka mid ah Maamul goboleedyada ay wajahayaan doorashooyin ku soo fool leh iyo loolan siyaasadeed oo ay kala kulmayaan siyaasiyiin iyo dowladda Dhexe. Sidoo kale, Shirka 3aad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo dhamaadka sanadkii la soo dhaafay la dhisay ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu u dhaxeeyo mad-madow siyaasadeed
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha taliska ciidamada Booliska qeybta Hoggaamnka Canshuuraha ayaa ka hadlay xariga mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan Kastamka Dekadda Muqdisho. Saraakiishu waxa ay sheegen in xariga mas’uuliyiinta iyo xubnaha uu yahay mid xili hore la bilaabay baaritaankiisa, hase yeeshee ay ku dhaceen kiiska. Taliyaha hogaanka Canshuuraha ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in dadka loo xiray musuqa ay yihiin 10 qof oo ka shaqeynayey Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho kuwaa oo loo xiray musu maasuq. Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay dhowr jeer ka digtay musuqa, hase yeeshee ay iminka usoo jeesatay inay ka hortagto kuwa caadeystay musuqa. Jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise waxa uu uga digay cidkasta oo ka shaqeysa Hay’adaha kala duwan ee dowladda in ay ku kacdo musuq maasuq ama xatooyo xoolo dadweyne,waxa uuna sheegay in ciddii lagu arkaa tallaabo sharci ah laga qaadi doono. Waxa uu sheegay inaan laga aamusi doonin qofkii isku dayaa inuu qaato canshuur laga qaado dad masaakiin ah, waxa uuna soo jeediyay in qof waliba ay iimaansato mushaarka uu ka qaato dowlada. Todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay waday dowlada Somalia la-xisaabtan dhanka mas’uuliyiinta ah,waxana xiran in ka badan 15 Mas’uuliyiin kala dwuan oo ka Shaqeeya Hay’adaha dowladda. Marka la’eego Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed mas’uuliyiinta iyo xubnaha loo heysto musuqa ayaa ku eedeysan qodobada kala ah 366, 368, 370, 240 iyo 7, oo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ah. Sidoo kale, waxaa la sheegay in raggaasi ay hadda yihiin kuwo eedeysanayaal ah, balse haddii lagu helo danbiga ay u xiran yihiin ay noqon doonto mid heer qiyaano dal iyo mid shacab. Baaritaanka ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu cagaha la galo mas’uuliyiin kale oo ka shaqeysa Dekkada Muqdisho oo qeyb ka noqon kara shabakadan. HOOS KA DAAWO BOOLISKA OO KA HADLAY BAARITAANKA SOCDA