Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Peace enforcement missions have been in vogue over the last decade, particularly in Africa. Source: Hiiraan Online
  2. Eighteen people have been killed in an attack by suspected Boko Haram jihadists in the Lake Chad region, a Chadian military source said Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. The prime minister of Ethiopia is expected to visit Minneapolis on July 30, and city officials are urging him to help end conflict between that country’s Oromo and Somali communities. Source: Hiiraan Online
  4. Somali security forces on Saturday rounded up several suspects following the car bombing in Mogadishu in which one security official was killed and three others injured. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaaya shaqo ka fadhiisin July 10, 2018 lagu sameeyay maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle). Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in shaqo ka fadhiisinta maareeyaha ay khilaaf ka dhex abuurtay Madaxtooyada Somalia oo ku kala aragti duwan go’aanka shaqada looga fadhiisiyay maareeyaha. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa aad u dhaliilsan go’aanka Yuusuf Jaalle looga fadhiisiyay shaqada, halka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Oomaar oo go’aankan qaatay ay ku qaaxeen tallaabo sax ah. Madaxweynuhu waxa uu ilaa iyo iminka amrayaa in dib loo fasaxo shaqada maareeye Yuusuf Jaalle oo dhawaan la hakiyay. Madaxtooyadu waxa ay wali ku murunsan tahay shaqo ka fadhiisinta Yuusuf Jaalle, taa oo sababtay in xitaa hakat uu ku imaado qorsho ay Madaxtooyada ku dooneysay isbedel dhanka shaqada ah oo lagu sameeyo xafiisyo dhowr ah. Shaqo ka joojinta ayaa waxaa isla waday Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Oomaar oo mas’uulkaani ku eedeeyay inuu ka gaabiyay howsha loo igmaday, iyadoo ay horay u jirtay dacwado badan oo ka imaanayay maareeyaha. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa dib uga arinsanaaya shaqo ka fadhiisinta maareeyaha waxaana suuragal ah in dib loogu fasaxo shaqadiisa, sida uu iminka yahay qorshaha socda. Madaxwaynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa April 26, 2017 magacaabay maareeyaha guud ee hay’adda saadaasha iyo duulista hawada Soomaaliya. Dhinaca kale, mas’uuliyiin sidaa oo kale ku waayay xilalkooda ayaa horay muran uga dhex abuuray madaxda ugu sareysa ee dalka, waxa ayna tani sii xoojineysaa muranadii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
  6. A total of 30-police officers drawn from various stations in the South West state, have successfully completed a 10-day Public Order course in Baidoa, tnhe administrative capital of the state. Source: Hiiraan Online
  7. After a two-day high-level meeting on Somalia in Brussels, representatives of 58 countries and six international organisations are convinced that the Horn of Africa country is on the path to recovery. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan ciidamada amaanka maanta laga qaaday isgoosyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa iminka soo baxaaya in Madaxtooyada Somalia ay xirtay wadooyin hor leh. Madaxtooyada Somalia oo asbuucii hore lagu qaaday weerar ismiidaamin iyo mid toosa ayaa dhagxaan waaweyn ku jartay wadada kasoo baxda Xamarweyne ee soo aada dhismaha Hooyooyinka. Ciidamada Madaxtooyada Somalia qeybta Koofi casta oo adeegsanaaya gaadiidka waaweyn ee dhagxaanta lagu qaado ayaa jaray wadadaasi oo muhiim u aheyd isku socodka gaadiidka noocyadooda kala duwan. Gaadiidka raaxada iyo Mooto bajaajyada isticmaali jiray wadada la jaray ayaa u wareegay waddooyinka kale ee ku dhow dhow Madaxtooyada Somalia taa oo sii kordhisay ciriirigii ka jiray wadooyinka. Madaxtooyada Somalia oo ku taala meel muhiim ah ayaa u muuqata mid ku taameysa inay sii goosato wadooyin hor leh waxa ayna taasi caqabad hor leh ku noqoneysaa shacabka Muqdisho. Cabsi xoogan ayaa ka jirta Madaxtooyada Somalia waxaana jarista wadooyinka cusub lagu sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay qorsheyneyso weeraro hor leh. Ma cada xiliga ay magaalada Muqdisho ka xuroobeyso xiritaanka wadooyinka muhiimka ah oo noqoneysa mid sharci looga dhigaayo shacabka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maalin un ka hor Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo amar ku bixiyay in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran, ayaa waxaa iminka bilowday dadaalo lagu doonaayo in dib loogu furo wadooyinka. Inta badan Isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu bilaabay in dib looga qaado ciidamadii kawaday baaritaanka ee ka tirsanaa xasilinta oo bilihii ugu dambeeyay halkaasi ku sugnaa. Gaadiid ciidan nooca dagaalka ah ayaa ciidamada looga daadgureynayaa intabadan isgoosyada magaalada Muqdisho oo qaarkood ahaa kuwo u xiran ciidamada, halka qaarna ay ka socdeen baaritaano adag oo lagu dhibaateyn jiray shacabka. Isgoosyada saaka lag qaadayo ciidamada ayaa waxaa kamid ah Isgoysyadda Warshaddaha, Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Sanco iyo Afarta Jardiino. Agabka ciidamada ayaa waxaa sidoo kale goobahaasi looga qaadayay gawaaridda Saadka Ciidamada, halka askartuna lagu guraayay gaadiidka dagaalka. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay dhaqangelinta amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la furo wadooyinka xiran. Dhinaca kale, waxaa muuqata in la furay wadooyinka waa weyn ee Muqdisho laakiin waxaa wali xiran luuqyadda iyo Jidcadayeesha Muqdisho oo ay dadka Shacabka ah dhiban ku qabaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ku hanjabay inay sharciga la tiigsan doonaan cidii ay ku helaan sameynta gudniinka Fircooniga. Xeer ilaaliye Axmed Daahir waxa uu sheegay in gudniinka Fircooniga ay kasoo saari doonaan sharciyo adag, iyadoo qofkii jabiyaana uu muteysan doono ciqaab. “Shaqsiyaadka caadeystay sameynta gudniinka noocaasi ah waxa aanu ka qaadi doonaa talaabo sharci ah cidna ugama baqan doono” Axmed Daahir, ayaa tilmaamay in gudniinka fircooniga uu dhibaato ku hayo gabdhaha Soomaaliyeed lona baahan yahay in si wadajir ah loogu hortago, iyadoo la adeegsanayo sharciyo. Isagoo haddalkiisa sii wata ayuu Xeer ilaaliyaha sheegay in talaabo waliba oo lagu hakinaayo gudniinka Fircooniga ay kala hadli doonaan Xukuumada Somalia iyo Baarlamaanka. Waxa uu xusay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii sharciyadaas loo soo saarayo. Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in laga hortago tacadiyada loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed oo uu sheegay inay kusii kordheyso dalka. Geesta kale, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii shalay muqdisho lagu qabtay kulan loogu hadlaayay ka hortaga gudniinka fircooniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Xog-hayaha Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow oo saaka ah ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Wafdigaan ayaa waxaa ku jira Taliyaha ciidamada Milatariga General Gorod kuwaasi oo tagaya Gaalkacyo. Qaban qaabo lagu soo dhoweeynayo wafdiga Qaramada Midoobay iyo dowlada Soomaaliya ayaa ka jirta Gaalkacyo. Si wada jir ah maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa u soo dhoweeynaya wafdigaan maanta tagaya Gaalkacyo. Keating iyo Taliye Gorod ayaa booqan doona goobo kala duwan oo magaalada Gaalkacyo ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Micheal Keating oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) -vDowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal jawaab u ah hadalkii kasoo baxay safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Midowga Yurub oo dhowaan ka qeyb-galay shirkii Soomaalida ee magaalada Brussels. Safiirkaas oo lagu magacaabo Mohamed Essa Bu Shehab Al Suwaidi, ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay dhowrista midnimada iyo madaxbannaanida dalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxaan xuseynaa oo aan soo dhoweyneynaa ka qeyb-galkii Imaraadka Carabta ee shirkaas iyo hadalkii ka dambeeyey ee ahaa inay dhowrayaan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya”. “Waxaan Imaaraadka la wadaagaynaa sida ay uga go’an tahay dhisidda nabadda iyo barwaaqada gobolka. Dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweneysaa baahi kasta oo loo qabo in lasii dheereeyo ajandahan muhiimka ah” Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkoodu aad u xumaaday wixii ka dambeeyey markii bishii June ee sanaddii 2017 ay billaabatay xiisadda khaliijka, oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay la safato isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kana noqotay dhex-dhexaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Sida lagu daabacay Website-ka Tactical Report ee ka faallooda arrimaha Sirdoonnada, wadanka yar ee Qatar waxaa laga qaadi doonaa Go’doomintii lagu hayay intii mudda ah, ayyadoo Amiirka Qatar uu arintaa dhaafsaday in uu taageero hishiiska(صفقة القرن) dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Sida warku leeyahay, waxaa dhawaan lagu wadaa in ay wada kulmaan amiirka Qatar, dhaxalsugaha Sucuudiga, dhaxalsugaha Imaaraatka iyo Trump ayadoo lagaba yaabo in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qaado Go’doominta Qatar. Hishiiskii qarniga صفقة القرن waa hishiis shan geesood ah oo udhexeeya dalalka Imaaraatka, Sucuudigu, Masar, Israel iyo maraykanka waxaana sida lasheegay lagu hishiiyay in Qudus ay noqoto Caasimadda Yuhuudda, sidoo kalena reer Falastiin ay yeeshaan dawlad yar oo aan lahayn ciidan. Waxaana amiirka Qatar loo ballan qaaday in laga qaado cunaqabataynta saaran dalkiisa hadii uu taageero hishiiskaas. Arintaan waxay kusoo aadaysa waqti ay dawladda dhexe iyo maamul goboleedyadu Ku kala fogaadeen mawqifkii ay dawladda dhexe ka qaadatay khilaafka khaliijka. Hadii ay hishiiyaan dalalka khaliijku waxay waji gabax Ku noqon doontaa madaxdii iyo siyaasiyiintii Soomaalida ee lasaftay isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraatka maadaama ay ukala hiiliyeen dad wada dhashay oo mar kastaba dib uhishiin karay , waxaysa guul utahay dawladda dhexe oo ayyadu mawqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafkaas. W/Q: Sacad Cabduqadir Awmagan
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa qaaday tallaabooyin is-bedel oo waa weyn leh tan iyo markii uu talada la wareegay dhowr bilood ka hor. Abiy Ahmed waxyaabaha lama filaanka ahaa ee uu sameeyey waxaa ka mid ah hagaajinta cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee ay Itoobiya la leedahay dalalka gobolka oo ay ugu weyn tahay Eritrea, oo ay collaado muddo 20 sano ah kala dhexeysay. Hase ahaatee tallaaboyinkaas ee uu qaaday R/W Itoobiya waxa ay walaac ku dhaliyeen siyaasiyiita Soomaalida ah ee dalka Kenya, kuwooda ugu saameynta badan. Faarax Macalin Dawaar oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Kenya ayaa bartiisa Twitter-ka ku muujiyey walaaca Kenya ka qabto dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu wado Dr Abiy Ahmed. Siyaasiga oo ka hadlaya ahmiyadda uu R/W Itoobiya siinayo dhisidda suuq dhaqaale oo xooggan in ay go’doomin doonto Kenya ayaa sida ku cabiray dareenkiisa. Dr Abiy is putting a powerful economic block of South Sudan,Sudan,Ethiopia,Eritrea,Djibouti & Somalia. Maghufuli is strengthening the Southern corridor of Tanzania,Burundi,Rwanda,DRC &Uganda thru Dar. Dimwits in Government can’t you see we are getting isolated. SGR,Lamu what now! — Farah Maalim (@FarahMaalimM) July 20, 2018 “Dr Abiy waxa uu dhisayaa aag suuq oo aad u awood badan kana kooban Koonfurta Sudan, Sudan, Itoobiya, Eritrea, Jibuuti iyo Somalia. Maghufuli [Madaxweynaha Tanzania] waxa uu xoojinayaa aagga koonfureed ee Tanzania, Burundi, Rwanda, DRC iyo Uganda iyaga oo xaruntu tahay Dar Es Salam. Doqomada ku jira dowladda ma arkeysaan midaa in aan go’doon ku soconno. Lamu maxaa hadda jira!” R/W Itoobiya ilaa iyo markii uu talada la wareegay waxa ay dowladdiisu gashay heshiisyo dekeddo oo ay ku jiraan is afgarad ay Soomaaliya kala gareen wada maalgashiga afar ka mida dekeddaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  15. Baydhaba (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaallo muujinaya sida ay haweenka wax ugu bartaan uguna asturan yihiin deegaanada ay koxodan gacanta ku hayso. Sawirro lagu baahiyey website-yada kooxdan taageera ayaa muujinaya iskuul ku yaalla gobollada Bay iyo Bakool, oo u gaar ah gabdhaha oo kaliya, islamarkaana aysan dhigan wax wiilal ah. Sida qoraalka lagu sheegay, gabdhaha ayaa machadka soo gala aroortii hore waxayna ka laabtaan maqribkii, halkaasoo ay maalintii ku qaataan cunnadooda iyo wax barashadooda, iyadoo ay macallimiintoodu u badan yihiin haween kale. Machadkan ayaa xubnaha Shabaab ee maamula waxa ay sheegeen in loogu tala galay muddo sadax sannadood ah inay gabdhaha ugu baxaan.
  16. Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa $3Milyan oo doollar dul dhigtay Madaxa Axmed Iman Cali, oo ka tirsan Al-Shabaab gaar ahaan qeybta dalka Kenya, kaasi oo loo haysto weeraro iyo qaraxyo dhimasho badan oo dhacay. Axmed waxa uu Mareykanka ku sheegay in uu yahay hoggaamiyaha garabka Al-Hijra ee Al-Shabaab kana dagaallama dalka Kenya iyo xuduuda Soomaaliya, halkaasi oo ciidamo badan oo Kenyan ah iyo shacab uu ku laayey. Waxa uu madax u noqday Shabaabka Kenya, sanaddii 2012, waxaana lagu xusuustii weerarkii Ceel-Cadde ee ciidamada dalka Kenya looga dilay ku dhowaan 180 aksari. Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa horay u beeniyay in Axmed uu ka goostay Al-Hijra una baxsaday dhinaca Soomaaliya, balse waxa ay xaqiijiyeen wali inuu ka tirsan yahay. Warbaahinta Dalka Kenya ayaa baahiyay warka ah in uu Axmed ka goostay Al-Shabaab, waxaana sirdoonka Mareykanka ay sheegayaan in uu wali yahay hoggaamiyaha Al-Hijra. Ciidamada u dagaallama Al Hijra inta ugu badan waa Kenyaan sida uu sheegay Mareykanka, waxaana ku jira Ajaanib kale oo dalalka Afrika ka tirsan, kuwaasi oo qayb ka ah dagaalka. Mareykanka ayaa garabkan Al- Hijra ku daray liiska Ururrada argagixisada ee Caalamiga ah, waxaana ay hoggaankooda sheegeen in qofkii soo sheega la siinayo $3Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  17. Jabuuti (Caasimada Online) – Dawladda Djibouti ayaa u muuqata inay jaho-wareer siyaasadeed ka qaatay heshiiska nabadeed ee dhex maray wadamada Itoobiya iyo Ereteriya. Djibouti iyo Ereteriya waxa ka dhaxaysa colaad xuduuda ah oo ay ciidamo isku horfadhiyaan, si la mid ah sidii ay Itoobiya iyo Ereteriya uga dhaxaysay colaadda dhinaca xuduudka Badame. Djibouti ayaa ah dalka 95% ka faa’iiday colaadda Ereteriya iyo Itoobiya, maadaama oo Itoobiya oo aan dekedo lahayni ay ganacsigeeda u wareejisay Djibouti. Dawladda Jabuuti ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka codsatay in uu gacan ka geysto sidii muranka xudduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea loo soo afjari lahaa. Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay Maxamed Siyaad Ducaale ayaa warqad u qoray xoghayaha guud, wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u cuntami karo oo lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysay labada dal, waxaanu sheegay in Jabuuti ay doorbideyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go’aan uga gaaraan. Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore. Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin. Ma jiro wax war ah oo ay Ereteriya ka soo saartay dalabka dawladda Djibouti. Geesta kale warbaahinta Indian Ocean News, ayaa shalay baahisay in wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf uu u diray safiirada Djibouti u fadhiya dunida oo ay wakaaladu aragtay ay ka ayaa wax aka muuqda jaho-wareerka Djibouti ku dhacay. ION waxay sheegtay in Djibouti u muuqato inay ka xumaatay dalabka uu Rayslwasaaraha Itoobiya ka dalbaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee ah in cuno-qabataynta laga qaado Ereteriya, iyadoo aanay Itoobiya kaba fikirin saamaynta xun ee ay arrintaasi ku yeelanayso Djibouti. Sida ay ION qortay wasiirka khaarajiga Djibouti waxa kale oo uu warqadas ku weeraray dawladda Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Sheekh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan oo ah dhaxal sugaha leh boqortooyada Abu Dhabi, waxaanu dalka UAE ku tilmaamay “Garabka hubaysan iyo maalgeliyaha istaraatijiyadda maamulka cusub ee Maraykanka”, waxaanu wasiirku ku andacoonayaa in dhaxalsugaha Abu Dhabi, Maxamed bin Saayid Al-Nahyaan, uu ballanqaaday balaayiin doolar oo ah maalgashi iyo raasamaal uu dhiganayo bangiyada Itoobiya, taas beddelkeedana Itoobiya ka rabo in ay gacan saaxiibtinimo u fidiso Ereteriya. Wasiir Yuusuf, waxa kale oo uu cambaareeyay mucaaradka reer Djibouti ee FRUD Arme oo ah mucaarad ka soo jeeda qoomiyada Canfarta ee Djibouti oo uu saldhigoodu yahay dalka Ereteriya. Wuxuu dawladda Itoobiya sida ay warbaahintani qortay ugu cadeeyay mawqkfa Djibouti, “Sidaa awgeed waxa uu si cad oo aanu madow ku jirin, ugu soo jeedinayaa Itoobiya” ayay tidhi wakaaladu, “mawqifkayaga iyo sida aanaan ugu faraxsanayn’” Ugu dambayn sida qoraalka lagu sheegay wuxuu wasiirku warqadiisa uu u diray safiirada Djibouti ee dunida ku tilmaamay in Ereteriya halis gelin karto khayraadka dabiiciga ah ee Gaasta ee ay Itoobiya dhawaan ka soo saartay kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  18. Ha’yadaha sirdoonka uu Dal kastaa leeyahay waa meesha uugu saraysa ee qaabilsan Amniga, dabagalka iyo la socoshada falal kasta oo Dalkaas lid ku ah, marrarka qaybtood waxa ay dabagal ku samaynaysaa madaxda dalka uugu sareeya kuwaas oo ay markaas uuga shakido arimo lid ku ah jiritaanka iyo ummadda uu markaas xilka u hayo, Waa ha’yad ka madax bannaan is bedelkasta oo ka dhaca dalka waana meel lugu kaydiyo dhacdooyinka taarikhaha waddanka ay masuulka ka tahay si loo xifdiyo loona ilaaliyo xogta wixii hore loo fashiliyay iyo kuwa laga shakiqaboba. Ha’yadda leh Darajadan iyo maqaamkan muhiimka ah waxaa lagama maarmaan ah markasta Dadka hoggaanka u haya in ay yihiin dad xirfad iyo waddaniyad ku dheehantahay taas oo ka madax bannaan Nin jeclaysi iyo yaa kuu dhow oo aad ku Aamintaa, Haddi intaas aan sheegay ay dhacaan waxaa meesha ka baxaya Darajadii ay lahayd ha’yaddu iyo weliba shaqadii saxda ahayd ee ay u magacaabnayd waxayna isu bedelaysaa meel aan dhaamin Talisyada saldhigyada xafaadaha looga arimiyo. NISA oo ku magacaaban sida aynu oganhay hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Soomaaliya, maanta waxa ay noqotay meel aan waxba dhaamin saldhig xaafadeed aan awood lahayn, bal u fiirso ha’yadda ma dhicin in loo magacaabo qof gaadhsiisan khibrad intaas le’eg kaas oo damaanad qaadaya kaydinta xogaha la helo iyo raadinta xogaha lidka ku ah dalka, waxaa dhacda marmar in shakhsiyaad la soo magacaabo kuwaas oo ah kuwo Dan ay ka leeyihiin Dadka markaas xilka uugu sareeya ee dalka haya dantaas oo aan ahayn mid maslaxadi uugu jirto ummadda Soomaaliyeed balse dan shakhsi u gaar ah ay tahay. Waanu ogsoonnahay in Dalku uu galay Burbur baahsan kaas saamayn ku yeeshay darajadii ha’yadda iyo weliba khibraddi xogeed ee ay mar kaas helijirtay, waxad moodda manta oo ay waajib ahayd meesha uugu muhiimsan ee xoogga la saaro in ay ahayd ha’yadda sirdoonka in laga gaabiyay, Waxa aynu aragnaa Dabagallada ay samayso ha’yaddu oo aan laga gun-gaadhayn xogtii laga gun-gaadhana aan lugu dhaqaaqayn xalinteeda, waxa aynu aragnaa xil ka qaadista badan ee ka socda madaxda sirdoonka kuwaas oo aan bedelkoodu ku imanayn khibrad iyo yaa hoggaanka u haynkara ha’yaddan waana sababta keentay taasi in ay dhaliso is dhex-yaaca ka jira NISA W/Q: Cumar Rodol Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Lusaka (Caasimada Online) – Jaaliyadda soomaalida ee ku nool dalka Zambia ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyadda dhismaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Lusaka, taasoo uu ka codsaday ra’iisul wasaare Khayre. Arrintaas ayaa timid ka dib markii ay kulan yeesheen xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas iyo ra’iisul wasaaraha. “Dhismaha safaaradda waxay ahayd hawl hore noogu qorshaysnayd ka jaaliyad ahaan, isla arrintii ayuuna nagu sii dhiirri galiyey, innaguna waan ka ballanqaadnay” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Hiiraan oo ka mid ah madaxda jaaliyadda oo isagoo jooga magaalada Ndola u warramayey BBC. “Tan iyo 1965kii ayaan waddankan degganayn, waan ku tala galnay in aan hawshaas galno oo aan safaaradda dhisno, haddii dawladda ay nala galayso hawshaas dhismaha safaaraddana waan soo dhoweynaynaa” ayuu sii raaciyey. Adeegga safaaradda ayuu sheegay in aysan dhibaato ku qabin, dhinac qunsuliyadeed iyo midda waaxda socdaalka. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuu uga mahad celiyey Soomaalida ku nool Zambia inay leeyihiin hal jaaliyad. Soomaalida waddankaas ku nool ayaa u badan dad ganacsato, waxaana ku yar dadka qaxootiga ah, marka la barbar dhigo dalalka Afrikada bari. Isha: BBC Somali
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa $3 Milyan oo doollar dul dhigtay Madaxa Axmed Iman Cali, oo ka tirsan Al-Shabaab gaar ahaan qeybta dalka Kenya, una qaabilsan weerarada ka dhaca dalkaas,. Axmed waxa uu Mareykanka ku sheegay in uu yahay hoggaamiyaha garabka Al-Hijra ee Al-Shabaab kana dagaallama dalka Kenya iyo xuduuda Soomaaliya, uuna ku lug lahaa weeraro badan oo ka dhan ahaa shacabka iyo ciidamada Kenya. Axmed ayaa tan sanaddii 2012 ayaa ahaa hogaamiyaha Al-Shabaab ee dalka Kenya, waxaana si aad ah loogu xusuustaa weerarkii ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel-Cadde oo lagu dilay in ka badan 180 askari oo Kenyan ah. Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa horay u beeniyay in Axmed uu ka goostay Al-Hijra una baxsaday dhinaca Soomaaliya, balse waxa ay xaqiijiyeen wali inuu ka tirsan yahay. Warbaahinta Dalka Kenya ayaa baahiyay warka ah in uu Axmed ka goostay Al-Shabaab, waxaana sirdoonka Mareykanka ay sheegayaan in uu wali yahay hoggaamiyaha Al-Hijra. Ciidamada u dagaallama Al Hijra inta ugu badan waa Kenyaan sida uu sheegay Mareykanka, waxaana ku jira Ajaanib kale oo dalalka Afrika ka tirsan, kuwaasi oo qayb ka ah dagaalka. Mareykanka ayaa garabkan Al- Hijra ku daray liiska Ururrada argagixisada ee Caalamiga ah, waxaana ay hoggaankooda sheegeen in qofkii soo sheega la siinayo $3Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. A campaign against female genital mutilation (FGM) in Somalia involving Irish people is hopeful of winning a strong endorsement this weekend from religious leaders in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday howlgalo ka dhan ah carruurta darbi jiifta ee ku hoyda hareeraha waddooyinka magaalada Muqdisho. Qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkaayay raafka carruur badan oo hooy ka dhigtay waddooyinka kuwaa oo u saaxiib ah isticmaalka maandooriyaha qeybihiisa kala duwan. Waxaa waddooyinka qaar lagu arkaayay is jiid-jiid dhex maraaya ciidamada asluubta iyo carruurta oo ahaa kuwo ka biya diidanaa in laga kaxeeyo darbiyada ay hoyaadka ka dhigtan. Carruurta qaar ayaa ahaa kuwo isku dayaayay carar si ay uga nabadgalaan uruurinta ay ku hayeen ciidamada asluubta, hase yeeshee waxaa lagu eryanaayay gaadiid yarytar si aysan u baxsan carruurta daryeelka u baahan. Qaarkood ayaa ahaa kuwo inkiray inay yihiin darbi jiif iyaga oo gamcaha ku sita caagagta xabagta si ay uga badbaadan daryeelka la doonaayay in loo sameeyo. Ciidamada ayaa dhibaato badan u maray uruurinta carruurta darbijiifta, hase yeeshee waxa ay iyaguna ahaayen kuwo xeeladeynaayay carruurta si aysan u dareemin kaxeyntooda. Dhaqan celinta iyo daryeelka Carruurta aan cidna ku tiirsanayn waa mid ka mid ah waajibaadka uu u xilsaaranyahay Taliska Asluubta Soomaaliyeed,sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Mohamed. Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda daryeel iyo waxbarasho siiya ku dhawaad 500 oo Carruur ah oo ku jira xarumo kale duwan oo dalka ah.
  23. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka qalabka sida ee Somalia, ayaa maanta billowday dhageysiga Dacwad loo heysto ruux lagu eedeeyay inuu Kooxda Daacish u duubi jiray muuqaallada dilalka ah, kaasoo bishii Abriil ee Sannadkan laga soo qabtay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Eedeysanahan oo lagu magacaabo, Jaamac Xuseen Xasan ayaa xilliyo kala duwan ka kala tirsanaa Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, waxaana laga soo qabtay meel uu miino ku aasayay oo lagu magacaabo Bood-Boodka oo ku dhaw Afgooye. Xafiiska Xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ninkan ku soo oogay dambiyo kala duwan, waxaana maxkamadda la horkeenay qalab ay ka mid yihiin; kaamirooyin iyo agab kale oo laga soo helay gurigiisa, kaddib markii ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen. Sidoo kale, Waxaa maxkamadda lagu soo bandhigay caddeymo ay ka mid yihiin Qiraalka eedeysanaha, markhaatiyaal ay ka mid ahaayeen ciidamada Amniga ee kasoo qabtay Degmada Afgooye, muuqaalo laga helay gurigiisa oo ay ku jireen dad la dilay, fiillooyin iyo batariyaal. Dhanka kale, Ruuxan ayaa lagu soo eedeeyay inuu dil ka geystay magaalada Boosaaso iyo Dagaallo uu ka qayb-galay oo ka dhacay gobolka Bari ee Puntland. Dhageysiga iyo dacwada kaddib, ayaa Xeer-ilaaliyeyaasha waxay soo jeediyeen in eedeysanahan lagu fuliyo xukunnada qodobada ay kusoo eedeeyeen, waxayna sheegeen in nooca duubista dilalka ay geysato Daacish uu yahay mashruuc aan diin ahayn. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamdda darajada koowaad ee ciidamada qalaabka sida ee Soomaaliya, Col. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda, waxaana u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan. PUNTLAND POST The post Eedeysane la sheegay inuu filimaanta u duubi jiray Daacish oo Maxkamad lasoo Taagay appeared first on Puntland Post.
  24. Somalia’s Islamist militant group al Shabaab has captured a small but strategic town 100 km (60 miles) south of Bosaso city in the semi-autonomous Puntland region, a military officer, al Shabaab and residents said on Friday. Residents in Af Urur told Reuters that the town is now controlled by al Shabaab. “When we woke up this morning, we saw many al Shabaab fighters controlling the town. The (Puntland military) forces had left yesterday,” Ahmed Nur told Reuters from Af Urur by phone on Friday. Al Shabaab wants to topple Somalia’s Western-backed central government, expel the African Union-mandated peace keeping force AMISOM and establish a government based on its own strict interpretation of Islamic sharia law. Af Urur’s position is important because the main road that links the cities of Garowe, Bosaso and Mogadishu passes nearby. Puntland forces and al Shabaab have fought in the town, which has ditch defences, several times in the past . Mohamed Abdi, a Puntland military officer, told Reuters al Shabaab had taken Af Urur town by Friday morning, adding without elaborating that only a few Puntland military forces had been in the town on Thursday evening. “We were supposed to be replaced by other forces,” Abdi said. “We shall recapture the town from al Shabaab.” Al Shabaab confirmed that they had control of the town. “Puntland forces ran away as we advanced to the town because they know we had taught them tough lessons before,” Abdiasis Abu Musab, al Shabaab’s military operations spokesman, told Reuters on Friday. “We now peacefully control Af Urur town.” Somalia has been gripped by violence and lawlessness since the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s. Source: – Reuters
  25. Ethiopia has passed a law that grants amnesty to political prisoners who have been released recently and reverses decades of security-obsessed rule. The law is in line with a breathtaking series of political and economic reforms in Ethiopia, a country of 100 million people, since Prime Minister Abiy Ahmed came to power in April. Among the reforms is a rapprochement with Eritrea. The government of Abiy’s predecessor, Hailemariam Desalegn, detained around 30,000 people, often under harsh anti-terrorism laws, in response to three years of protests. Detainees included students, opposition leaders, journalists and bloggers. Security forces also killed hundreds to quell protests against economic mismanagement, inequality and repression. “The law grants amnesty for individuals and groups either under investigation or convicted on treason, crimes against the constitutional order and armed struggle,” state-affiliated news agency Fana reported. Abiy has decried state abuses and compared brutality by security forces to state terrorism. Local journalists say tens of thousands of detainees have been released since April. The information minister did not immediately respond to a request for comment. Several detainees say they were tortured and held underground in solitary confinement for months. Abiy this month sacked the head of the prison service and other senior prison officials hours before a Human Rights Watch report detailed torture at one notorious prison and urged the government to hold officials to account. Parliament also ruled that the Oromo Liberation Front and the Ogaden National Liberation Front, two secessionist groups, and the ‘Ginbot 7’, an exiled opposition movement, were no longer terrorist groups. Abiy visited Cairo in June and secured the release of imprisoned Ethiopians there. In May in Saudi Arabia, he secured the release of around 1,000 jailed Ethiopians. Some in the ruling coalition oppose Abiy’s reforms because they could lose from a planned sell off of state enterprises, analysts say. Abiy could also face a stiff test at elections in 2020 from opposition parties empowered by the reforms. New York-based Human Rights Watch said this week Abiy is yet to commit to investigating torture of detainees, the killing of protestors by security forces and other serious abuses. The group called on the government to repeal the anti-terrorism law, to protect free speech and remove the possibility that Ethiopians can be charged for expressing dissident views. Source: – Reuters