Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Dastuurka Somalia Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay suuragalnimada in Somalia 2020 ay ka dhacdo doorasho nin iyo codkii. Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, oo ka qeybqaadanayay barnaamijka Martida iyo Makarafoonka ee Idaacada VOA, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Somalia ay hesho doorasho xor ah oo ka duwan kuwii hore. Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, waxa uu tilmaamay in arrinku uusan aheyn suuragal iyo suuragal la’aan waxa uuna sheegay in qabsoomid la’aanta doorashada 2020 ee nin iyo codkii wax laga weydiin doono dowlada Somalia oo ballanqaday inay qaban doonto. Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, oo wax laga weydiiyay in doorashadaasi ay dhici karto xiligaan ayaa waxa uu yiri “Anigu mala gaari karaa iyo mala gaari karo maaha waxa ay u taala dadka mas’uuliyiinta ah ee uu waajibka saran yahay, waxaa waajibka ah in la gaaro waana la balanqaaday” “Haddii la gaari wayo doorasho nin iyo codkii iyo cidii ka gaabisaa waxaa lagala xisaabtami doonaa cida mas’uuliyadaasi leh” Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, waxa uu sheegay in dib u dhac ku imaadaa doorashada nin iyo codkiisa ay kula xisaabtami doonaan dowlada Somalia oo uu sheegay inay ballanqaday qabashada doorashada noocaasi ah. Sidoo kale, Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, ayaa sheegay in Somalia ay u baahan tahay isbedelo dhanka doorashada ah, waxa uuna aad usoo dhaweeyay xisbiyada loo mari lahaa hanaanka doorasho ee nin iyo codkii oo la diiwaan galiyay. Docda kale, Xildhibaanka waxa uu arrin laga wanaagsan yahay ku sheegay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay ka dhabeyn weyso qabashada nooca doorasho oo ay ballanqaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu dab ka kacay xarun lagu keydiyo shidaalka. Dabkaan ayaa ka kacay xarunta shidaalka ee Puntland Petrolium oo ku dhow xarunta ciidamada Badda Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PSF. Dabka oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka dhashay ayaa haddana goob-joogayaashu waxa ay sheegeen in dabka uu sameynayay qarax foostooyinka shidaalka ah. Durba waxaa goobtaasi gaaray gaadiidka dabdamiska kuwaasi oo xalay saqdii dhexe damiyay dabkaasi kacay. Inta dabka uu socday dadka ku dhaqan xaafadaha u dhow halka dabka uu ka kacay ayaa cabsi ka muujinayay in dabka uu fido. Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma shaacin inta uu la egyahay khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaasi xalay kacay walina ganacsatadii laheyd xarunta gubatay kama warbixin khasaaraha halkaasi ka dhashay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dab xoogan oo ka kacay kaalin shidaal Bosaso appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u ambabaxay safar uu ku tagayo magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka kaas oo la filayo in uu kulan laqaato Madaxweynaha dalkaasi Mr Trump sida uu daabacay wargeyska the Star ee kasoo baxa Kenya. Kulankan oo lafilayo in uu dhaxmaro labada masuul ayaa ka dhici doono aqalka cad ee looga taliyo dalkaasi 27 bishan August. Madaxweyne Uhura Kenyata waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta kusa gootiyay Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi William Ruto iyo hogaamiyaha ciidamadda difaaaca Kenya Mr Samson Mwathethe. Dhanka kale kulankaan dhaxmari doono Uhura Kenyatta iyo Donald Trump ayaa lafilayaa in ay kawada hadlaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii dhamaan gobolka looga ciribtiri lahaa iyo howlgalka ciidamada midowga Africa AMISOM ee nabad ilaalina u jooga Soomaaliya. Xariirka soo jireenka ah ee udhaxeya labadaasi dal ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay aad uwanagsanaa iyadoona xariirka dhanka ganacsiga iyo xaalada nabad galyo ee dalalka dariska ah lafilayo in ay kawada hadlaan gaar ahan dalalka South Sudan,iyo Somalia. Mrs Monica Juma xogyaha wasaarada arimaha dibada Kenya iyo Mike Pomeo xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ayaa waxaa ay khamiistii aynu kasoo gudubnay ay ku kulmeen Mareykanka kuwaa oo gogol xaar unoqonaya kulankan lafilayo in ay wada yeeshaan labadaasi hogaamiye. PUNTLAND POST The post Trump iyo Uhuru oo ka wada hadlaya arimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  4. Jamhadda ONLF ayaa sheegtay in ay heshiis la gaareen Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Maxamed, kadib wada-hadal ku dhexmaray magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethopia. Afhayeenka Jamahadda ONLF C/qaadir Hirmooge Cadaani oo la hadlay Warbaahinta magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qodobo muhiim ah ay labadda dhinac kuwada heshiiyeen, islamarkaana dhawaan la dhameystiri doono waxyaalaha kale ee haray. Dhanka kale Madaxweynaha cusub ee DDSI, ayaa sheegay in heshiiska ay la gaareen ONLF uu ka dhigan mid soo gaba-gabeeyay colaadii ka taagneyd mudooyinkii dambe dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya . Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa kala ah In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF; In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida; In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan; In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan; In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb; In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka; In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah; Waxaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaa in aan isku soo dhawayno shacabka deegaanka soomaalida si si wadajir ah loo soo dhacsado xuquuqaha inaga maqan. PUNTLAND POST The post Akhriso: ONLF iyo Madaxweynaha cusub ee DDSI oo heshiis wada gaaray appeared first on Puntland Post.
  5. The unveiling of the National Economic Council (NEC) of Somalia on August 12, 2018 in Mogadishu has sparked intense debate among Somalis because of serious misgivings about the role, membership, and ability of the NEC to foster the revival, Source: Hiiraan Online
  6. Sidaa aad magacaba ka garan kartaan, waa mid ay ankumiddiisu lahaayeen dhalinaro Soomaali qurbo joog u badan . Dhabcan ma fahmi karo qof walboo Soomaali ah waxa loola jeedo, illeen luuqadda English-ka dadka ma wada garanayaane. Sida lagu qoray boggooda baraha bulshada, waa madal loogu tala galay in lagu soo bandhigo buugaagta la qoray, la iskuga keeno qoraayaasha, abwaanada, sido kale dadka lagu dhiiro geliyo inay wax aqriyaan waxna qoraan. Sanadkii 4-aad ayey qabatay madasha Mogadisho Book Fair bandhig buugaagta 15-ka bishan Agoosto 2018. Waxaana lagu qabtay Hoteel ku yaal magaalada Muqdisho. Waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala gedisan ee bulshada iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya. Sida ku xusneyd boorarkii madasha lagu xardhay waxaa howshaas maalgelineysay hay’adda USA-Aid oo ah hay’ad mareeykanka laga leeyahay, meelo badan caalamkana barnaamijyo ka fangareysa. Dhab ahaantii, waa wax lagu farxo in bulshada Soomaaliyeed lagu dhiiro geliyo wax aqriska iyo qoraalka si ay ula jaan qaadaaan dadyoowga kele ee caalamka, si la mid ah in la dhiira geliyo qoraayaasha da’da yar. Su’aashuse waxey tahay ma sida wax loo waday mise sida wax looga baahnaa? Waa tan koowaade, magaca Mogadisho Book Fair maloo waayay magac Af-Soomaali ah oo u dhigma!, mar haddii howshu tahay mid Soomaalida loogu talagalay, si qof weliba u fahmo u jeedka. Dad badan ayaa i weydiiyay maxaa laga wadaa “Mogadisho Book Fair”. Wan tan labaade, mar haddii dadka lagu dhiira gelinayo inay aqriska iyo qorista badiyaan, sow ma aheen sido kale in laga shaqeeyo horumarinta luuqadda Soomaaliga. Aan seddaxeeyee, waxaa madasha lagu dhigay Hoteello qaali ah iyadoo ay mudneed in lagu diyaariyo xarunta akadeemiyada dhaqanka, afka iyo suugaanta, haddiiba howsha looga tala galay in lagu hormariyo aqriska iyo qoraalka Soomaaliga. Sida aan horay u sheegay waxaa maal geliyay hay’adda UAS-Aid. Sida Soomalida ka wada dheregsantahay ma jiro mashruuc ay maal geliyaan reer-Galbeedka oo aan u jeedo qoto-dheer ka danbeyn. Sow ma aheyn qarashkaas in lagu maal geliyo akadeemiyada dhaqanka afka iyo suugaanta soomaaliyeed sido kale lagu horumariyo Luuqadda Soomaaliga. Dhanka kale, inta badan dadka qoraayaasha halkaas joogay ma jirin mid aqoonsi qoraanimo ka heystay ama buugiisa lagu soo qiimeeyay xarun hay’ad ama wasaarad dowladeeda sida akadeemiyada dhaqanka afka iyo suugaanta. Inkastoo aysan jirin akadeemiya ama wasaarad qiimeyn ku sameysa qormooyinka qoraayaasha hadda jira, haddana taasi waxa ay keeneysaa in qof kasta oo iska soo xariiqda 20(Labaatan bog) ama meel kale kasoo guuriya in uu yiraahdo waxaan qoray buug ama waxaa ahay Qoraa.Taasoo iyadana sababeysa hoos u dhac ku yimaada qiimaha qoraayaasha Soomaaliyeed iyo qormooyinkooda. Isku soo wada duuboo, howshan ayaa aheyd mid looga baahnaa inay qabato dowladda Soomaaliya ama ugu yaraan ay iyada maamusha. Maadaam aysan dhicin, haddana waxaa la gudboon dowladda inay ka codsato hay’adaha maalgelinaya barnaamijkan inay u weeciyaan horumarinta akadeemiyada dhaqanka afka iyo suugaanta soomaaliya si loo helo hay’ad qiimeyn mug weyn ku sameysa buugaagta qoraayaasha misana hubisa qoraalka luuqadda iyo micnaha uu xambaarsanyahay buugga. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar, ayaa markii ugu horeysay u digay Siyaasiyiinta deegaanka ka dhex wada abaabulka amni darro. Mustafe Muxumad Cumar, waxa uu sheegay inay soo gaarayaan warar aan lagu farxin oo muujinaaya in Siyaasiyiin ku dhex sugan deegaanka Soomaalida ay horseedayaan dhibaatooyin amni darro oo ka dhaca deegaanka. Waxa uu Mustafe Muxumad Cumar sheegay in ka maamul ahaan aysan u dulqadan doonin in laga dhex shaqeeyo muwaadiniinta ama amni darro laga abuuro deegaanka Soomaalida. Waxa uu tilmaamay inay jiran shaqsiyaad horay kaalin weyn uga qaatay rabshadihii ka dhacay deegaanka Soomaalida, iminkana wada abaabul lagu carqaladeynaayo amniga, waxa uuna ku goodiyay cidii howshaasi loo qabto inay marin doonaan waddo sharci ah. “Wax waliba waa suuragal inaan ka muujinaa tanaasul balse tanaasulka kama muujin doono arrimaha amniga iyo xasiloonida deegaanka” “Cidii ka talaabtaa nidaamka jira waxa aynu ku qaban doonaa gacan bira, hadalkeygu waxa uu ku socdaa shaqsiyaadka wada dhibaatooyinka” Mustafe Muxumad Cumar, waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu culeyska saari doono amniga iyo cadaalada, iyadoo qofkii ku xadgudbaa labadaasi qodob lagu qaban doono gacan bira, sida uu hadalka u dhigay. Haddalka Mustafe Muxumad Cumar, ayaa imaanaya kadib markii waxgaradka deegaanka ay ka dalbadeen inuu ka shaqeeyo cadaalada, isla markaana gacanta ku dhigo kuwa rabshada qeyb ka ahaa abaabulkeeda. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, oo wareysi gaara siinaayay HCTV ayaa ka hadlay cadaaladaha laga filaayo inuu ka hirgaliyo dalka. Guddoomiyaha Maxkamada ayaa sheegay in Maxkamadu ay hoostagan Maxkamado badan, sidaana ay ku noqotay mid loo xushay qaadista dacwada iyo dhaqan galinta cadaalad hufan. Waxa uu sheegay in dacwadaha ugu badan ay noqon karaan Dacwad Madani oo u dhexeysa muwaadiniin kala duwan iyo Dacwad Ciqaabeed oo lagu qaado muwaadin loo heysto fal danbiyeed. Mar wax laga weydiiyay talaabooyinka ugu haboon ee uu qaadi doono maadaama uu xilka ku cusub yahay ayuu sheegay in marka hore uu xal u raadin doono cabashooyin badan oo ka taagan dhanka cadaalada. Waxa uu sheegay in dalka la doonayo ka dhaqan galinta cadaalada uu yahay dal burbursanaa ku dhawaad 30sano, waxa uuna tilmaamay inay u qorsheysan tahay in dib u habeyn lagu sameyo dhamaan Hay’adaha garsoorka iyo in la sameeyo Golaha adeega Garsoorka. Waxa uu sheegay inay ku guda jiraan sida lagu fududeyn lahaa fulinta xukunada kasoo baxa Maxkamada oo uu tilmaamay inay daahan inta badan. Waxa uu tilmaamay inay wadaan qorsho lagu kordhinaayo miisaaniyada Garsoorka iyo daryeelka Garsoorayaasha, waxa uuna intaa raaciyay in la sameyn doono tababaro lasiinaayo Garsoorayaasha. HOOS KA DAAWO WAREYSIGA GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE
  9. Hargeysa (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa weli gacanta laamaha amaanka maamulka Somaliland ku jira laba Wasiir oo kasoo goostay maamulka DDSI kuwaa oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Wasiiradan oo laba ah ayaa xiliga gacanta lagu dhigaayay safar u ahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana lasoo sheegayaa inay lasoo baxsadeen dhaqaale xoogan. Wasiiradan oo ka tirsanaa Xukuumada Madaxweynihii is casilay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Garoonka magaalada Hargeysa xili ay wateen lacag xoogan oo ay kala soo baxsadeen magaalada Jigjiga. Wasiirada baxsadka ahaa ee gacanta lagu dhigay ayaa kala ahaa Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdi Jaamac oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho ah. Mid kamid ah Saraakiisha gacanta ku heysa Wasiirada oo aan xiriir dhanka Teleefanka ah la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in maamulka uusan wali go’aan cad ka gaarin labada Wasiir oo wali ku jira gacantooda. Waxa uu sheegay in lagu hayo baaritaan maadaama lagu qabtay dhaqaale ay kala soo baxsadeen maamulka DDSI. Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland oo sidoo kale ka hadashay labada Wasiir ee ku jira gacantooda ayaa sheegtay in wali ay ku hayaan baaritaan ku aadan sababaha ku kalifay in sifo sharci darro ah kusoo galaan deegaanada maamulka. Wasaaradu waxa ay tilmaantay in khaladka ugu weyn ee loo heysto ay tahay inaysan wada dal ku gal, sidaa aawgeed ay gacanta kusii heyn doonaan. Sidoo kale, waxa ay Somaliland sheegtay inaanu cadeyn go’aanka laga qaadan doono Wasiirada, hase yeeshee ay marin doonaan wixii sharci ah. Dhinaca kale, maamulka DDSI ayaan weli ka hadal Wasiirada baxsadka ah ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana suuragal ah in lagu wareejiyo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dekadda magaaladaasi uu taagan yahay Markab la doonaayo inuu qaado rar dhuxul ah. Wararku waxa ay sheegayaan in Markabkaasi uu Dekadda taagan yahay muddo ku dhow Seddex cisho kaa oo la doonaayo in lagu qaado dhuxul sharci daro ah. Illo wareedyo ku sugan Dekadda ayaa inoo xaqiijiyay in sababta uu Markabka ugu xayiran yahay Dekadda ay tahay is qabqabsi lacageed, iyadoona la sheegay in markabku uu yahay mid aad u weyn oo qaadi kara 550-kun kiish oo dhuxul ah. Muranka ayaa si gaar uga dhexeeya maamulka Dekadda,Madaxda Jubbaland iyo Ganacsatada leh dhuxusha la dhoofinayo. Ganacsatada dhuxusha ayaa ka biya diidan inay bixiso lacago dheeri ah oo lagu soo rogay, halka maamulka Dekadda iyo kan Jubbaland ay ka diidan yihiin in dhuxusha la raro. Sidoo kale, Markabka ayaa mudada uu heysto ayaa waxaa ka harsan Seddex cisho, waxaana lasoo sheegayaa in rarka kadib uu kusii jeedo dalka Imaaraadka carabta. Si kastaba ha ahaatee, muranka ka taagan rarista dhuxusha ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho ganacsiga dhuxusha oo gabi ahaan sharci daro ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. President Trump has been warring with Jeff Sessions ever since the attorney general recused himself from the FBI investigation into Russian election meddling, which has led to the mounting legal problems for Trump and his associates as special counsel Robert S. Mueller III investigates potential collusion. Source: Hiiraan Online
  12. While many people know about Ibn Battuta, the Moroccan scholar who travelled the world before European invasion of the continent, many do not know of his Somali counterpart called Sa’id. Source: Hiiraan Online
  13. In his first ever press conference as Prime Minister, which was attended by many local and international journalists, Abiy Ahmed revealed information that shocked Ethiopians to the core. Source: Hiiraan Online
  14. Earlier this month, Mustafa Omer lived in exile. Now, he’s the acting president of Ethiopia’s Somali region and one of the country’s most powerful people. Source: Hiiraan Online
  15. (CNN) Whenever America was in a fight during his long lifetime, John McCain was in the thick of it. Source: Hiiraan Online
  16. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Mustaf ayaa markii ugu horeysay kulan khaasa la qatay Saraakiil ka tirsan maamulka Sare ee Ururka ONLF. Kulanka Madaxweynaha iyo Saraakiisha ONLF oo qaatay saacado ayaa waxaa leysu weydaarsaday dhibaatooyin ka jira deegaanka iyo khilaafka Ururka kala dhexeeyay maamulkii hore ee uu hogaaminaayay Cabdi Cumar. Inta uu kulanka socday waxa ay Madaxweynaha iyo Saraakiisha mataleysay Ururka isla fahmeen inay muhiim tahay in heshiis laga gaaro mugdiga ka dhex jira maamulka iyo Ururka isla markaana la wada dhisto dalka. Madaxweynaha iyo Saraakiisha ka soctay ONLF ayaa wadahadal dheer kala saxiixday heshiisyo ka kooban ilaa 7 qodob oo kala ah:- 1-In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF. 2-In Ururka ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed uga dhex bilaabi karto deegaanka Soomaalida. 3-In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan. 4-In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Ethiopia iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan. 5-In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb. 6-In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka. 7-In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah. Geesta kale, Ururka ONLF oo dagaal ku jirtay Muddo tobanaan sano ah ayaa dhawaan ku dhawaaqay Xabad joojin, ka dib Codsi uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdi Yuusuf oo mar lasoo shaqeeyay dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa si adag uga hadlay inta ay la eg tahay rajada laga qabi karo doorasho nin iyo codkii oo ka dhacdaa Somalia. Maxamed Cabdi Yuusuf, oo Ra’isul wasaare kasoo noqday dowladii Cabdi Qaasim ayaa shaki galiyay in Somalia ay ka dhacdo doorasho nin iyo codkii waxa uuna sabab ka dhigay inaanu wali muuqan dadaalkii lagu qaban lahaa doorasho heerkaasi gaarsiisan. Maxamed Cabdi Yuusuf, waxa uu tilmaamay inay aad u yartahay suuragalnimada in labada sano ee u harsan dowlada lagu gaaro guulo muujin kara doorasho xor ah, waxa uuna aad u dhaliilay Siyaasada Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre. Maxamed Cabdi Yuusuf, waxa uu sheegay in hadda dalka loo diiwangeliyey in ku dhow 30 xisbi siyaasadeed taasina ay tahay mid qalad ah,isla markaana loo baahan yahay in dalka loo diiwaangeliyo kaliya Saddex Xisbi oo loolami kar. “Anigu iima muuqato rajo muujineysa in Somalia ay wareegani marti galinkarto doorasho nin iyo codkii, inaanu dhaceynin waxaa tusaale ah diiwaan galinta ku dhawaad 30Xisbi” Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa “Waa in Dastuurka dalka laga bedelo lagana dhigo Saddex Xisbi kaliya balse hadii la yiraahdo waa free,bilaash in qof walba uu xisbi diiwaangashanayo ayna noqonayaan kuwo isku-baheysta jufo hoosaadyo qabiil ah oo aan waxba qabaneyn”. Waxa uu intaa kusii daray in dalka haatan u muuqan mid aan suurtagal aheyn in ay ka dacdo doorasho qof iyo cod ah isagana uu cadeynayo in dalka ay ka jirin dowlad dadka mideyn karta, sida uu hadalka u dhigay. Maxamed Cabdi Yuusuf, waxa uu cod dheer ku sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo in wakhti hore ay dadka u sheegto inaanu qabankarin doorasho nin iyo codkii ka hor inta aanu laga kalsooni bixin, sida uu hadalka u dhigay. Haddalka Maxamed Cabdi Yuusuf, ayaa kusoo beegmaaya xili madaxda DFS ay wali ku adkeysanayaan in doorashad ay noqoneyso nin iyo codkii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa weli ku jira gacanta maamulka Somaliland kadib markii lagu dhex qabtay magaalada Hargeysa. Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa laamaha amaanka u xiran maalintii labaad, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in lasoo taagayo Maxkamad. Saraakiisha amaanka ayaa Cabdiqani Yaasiin Maxamed ka wareysanaaya ujeedka uu u gaaray Hargeysa, waxaana lagu eedeeyay inuu macluumaadka Somaliland uu u gudbinaayay dowlada Somalia iyo in amar la’aan uu galay magaalada. Hay’adaha ammaanka ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin xadhiga mas’uulkan, hase yeeshee warar xog ogaal ah ayaa sheegay in Cabdiqani Yaasiin Maxamed ay ciidanka boliiska ee Hargeysa ka soo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay xidheen. Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay Soomaaliya waxaa loogu xiray Hargaysa, ayadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aysan raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda. Dhawaan ayey ahayd markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) loo xiray kulan dhaqameed uu uga qayb galay Puntland. Waxaa ka sii horraysay Naciima Abwaan Qorane oo iyadana muddo ku xirnayd xabsi ku yaalla Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Cadaado (PP) ─ Wasaaradda Dastuuurka Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa magaalada Cadaado ka furay maanta Tababarka tababarayaasha waxbarahda madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha ee ariimaha dastuurka. Tababrkaan oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa labada maalin ee ugu horraysa waxaa ka faa’iidaysan doona bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Galmudug halka labada maalin ee ku xigtana la tababari doono qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug. Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubayr oo kulanka ka hadlay ayaa sharraxaad guud ka bixiyay ujeedada laga leeyahay tababrkaan iyo waxa laga doonayo dadka ka faaidayta tababarkaan. “Tababbarka Tababarayaasha Waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha ujeeddadiisu waxay tahay in dadka la tababro ay sii tababaraan dadka kale ee ku nool deeganda hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug si loo daadejiyo arriamaha dastuurka islamarkaana qof kasta oo Soomaali ah uu wax uga ogaado arrimaha dastuurka iyo halka ay marayso dib-u-eegistiisa,” ayuu yiri agaasime Zubayr. “Maadaama dastuurku yahay heshiis bulsho, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta oo Soomaali ah uu aragti ku yeesho dib-u-eegista dastuurka, si qof kasta oo muwaadin ah uu u dareemo lahaansho” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha. Agaasimaha ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha tababrkan in ay si wanaagsan uga qayb qaataan islamarkaana ay soo bandhigaan su’aalaha ka dhex guuxaya ee ku saabsan dastuurka si ay u helaan jawaabo wanaagsan uguna sii gudbiyaan dadka kale ee ku nool deegaanda hoos yimaada Dowladda Gamudug. Ugu dambeyn, waxaa kulanka si rasmi ah u furay wasiirka dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug mudane Mohamed Olaad waxa uuna sheegay in wasaaraddiisu ay ka go’antahay daadejinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaga si qof kasta oo ku nool deeganda galmudug uu fahmo muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada. PUNTLAND POST The post Tababar la xiriira Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka oo ka Furmay… appeared first on Puntland Post.
  20. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) — Somali police says it has sent up to 28 police officers into behind bars for alleged fraud and corruption, following days of operations in Somali capital Mogadishu. Country’s criminal investigation department said it would launch immediate investigation over the alleged corruption after police officers were arrested for allegedly soliciting a bribe. “We will continue to confront any form of corruption”, it said.. Bishar Abshir Gedhi, a deputy police chief for criminal investigation department says Somalia’s anti-corruption unit had also initiated an investigation over the alleged corruption scandal. The current government was beset by widespread nepotism, favoritism, bribery, the public fund and aid embezzlement which became a commonplace across all sectors. However, Somali leaders pledged that the weak-western-backed government of Somalia will tackle corruption and vowed to make the fight against misconduct a non-negotiable principle in his administration. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  21. BIAODA (Caasimada Online)—At least 13 people have been killed in heavy fighting broke out between Somali army forces and Al Qaeda linked Al Shabaab fighters southwest of Mogadishu. The fighting erupted near Baidoa town, some 250km southwest of Somali capital Mogadishu, after Al Shabaab launched an ambush attack on military base. Somali colonel Mohamed Mohamud says its army forces had repulsed surprise attack orchestrated by Al Shabaab. Mohamud said four soldiers and nine Al Shabaab militants had been killed during the latest fighting in Daynunay area, some 18km Baidoa town. “We came under ambush attack, but our soldiers warded of the attack and killed at least 9 armed militants while we lost 4 soldiers in the fight”, he said. He says Somali military forces carried out joint operations against Al Shabaab. There was no comment from Al Shabaab over the claims. The Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimda Online)-Dowlada Somalia ayaa weli ku guda jirta xirxirista shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku kaceen falal musuq-maasuq ah kuwaa oo muddo bilo ah lagu hayay baaritaano qarsoodi ah. War kasoo baxay Taliska Booliska Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in la xiray Saraakiil iyo ciidamo hor leh kana tirsan Booliska loo xiray musuq-maasuq ay ku kaceen. Saraakiisha iyo ciidamada loo xiray musuqa ayaa waxaa kiiska musuqa kusoo oogay taliska, iyadoo markii danbe kiiskooda ay la wareegtay Waaxda dambi-baarista qeybta Booliska. Musuqa ayaa waxaa loo xiray Saraakiil iyo Ciidamo dhan 28 kuwaa oo dabagal lagu hayay muddo asbuucyo ah. Taliye ku-xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi, ayaa xaqiijiyay in Saraakiisha iyo ciidamada ay hadda yihiin kuwo u xiran CID-da, isla markaana lagu hayo baaritaano kala duwan. Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha looga hortagayo falalka la xiriira musuq maasuqa, isla markaana 28 isugu jira Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iminka loo gudbiyay Xabsiga dhexe baaritaana uu ku socdo. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaa xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran askar iyo Saraakiil gaareysa 28 kuwaasi oo ku eedeysan eedeymo ku saabsan dhanka musuq maasuqa iyo amar diido, caqabad ku aheyd shaqada Ciidamada Booliska Somaliyed.” Saraakiisha iyo ciidamada u xiran musuqa ayaa lagu eedeeyay in dad shacab ah ay ka qaaten lacago laaluush ah. Dhinaca kale taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi ayaa ugu digay Shacabka Soomaaliyeed in Saraakiisha iyo ciidamada u horseedan qaadashada lacagaha laaluushka. Caasimda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali military forces carried out an operation against Al Qaeda linked Al-Shabaab in Burdhubo town The forces killed at least 7 militants during the operation, a military officer, Jama’ Mohamed said. He says the operation was conducted in the town, following a tip off. Mohamed said two senior Al Shabaab commanders were among those, who were killed in the military operation. He added the military forces would rump up its offensive against Al Qaeda inspired group of Al-Shabaab. “We continue such operations untill we eradicate Al-Shabaab militants”, he said. There waa no immediate comment from the group over the claims. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  24. Bosaso (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo ku hubeysnaa Gaadiid dagaal ay la wareegen Bankiga Magaalada Gaalkacyo oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada. Ciidamada ayaa lasoo warinayaa inay isku hareereeyen Bankiga, isla markaana ay kala eryeen howlwadeenadii Bankiga oo xiligaa ku guda jiray shaqooyinkooda. Ciidamada la wareegay Bankiga ayaa la sheegay inay ahaayen kuwo ka gadoodsanaa mushaar la’aan soo wajahday . Ciidamada ayaa sidoo kale meelo fog ka xirtay waddooyinka waxa ayna rasaas ku eryinayaan dadka deegaanka oo usoo daawasho tagay. Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in maanta Barqadii Ciidamaddaasi ay gudaha u galeen Bankiga, islamarkaana ay joojiyeen dhammaan shaqooyinkii socday. Inta badan ciidamada Puntland kuwa aan xuquuqda lasiin ayaa awood kula wareega Bankiyada maamulka si halkaasi ay ugu soo bandhigaan baahidooda mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay heshiis dhanka tayeynta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia la gashay dowlada Qadar. Heshiiskan oo muhiim loo arko ayaa waxaa muddo laga joogo Seddex bil galay dowlada Somalia ee hadda jirta oo xiriir fog la leh dowlada Qadar ee uu hoggaamiyo Sheikh Tamim Bin Xamad Al Thaani. Dowlada Qadar oo horay ballanqaadyo dhowr ah ugu sameysay Somalia, ayaa lasoo warinayaa in iminka ay fulinta balamahaasi ka bilaabi doonto tayeynta Sirdoonka Somalia, sida aan xogta ku heleyno. Heshiiska ayaa dhigaaya in dowlada Qadar ay la wareegeyso bixinta mushaaraadka iyo tayeynta Hay’adda NISA oo loo arko inay ka ahmiyad badan tahay hay’adaha kale ee ka jira dalka. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in dowlada Qadar ay dib usoo nooleyneyso Hay’adda Nabadsugida Somalia, iyadoo lala meel-dhigaayo nidaamyada ay ku shaqeeyan Hay’adaha kale ee Sirdoonka adduunka. Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Bin Xamad Al Thaani oo siyaabo kala duwan uga hadlay ballamaha ay wada galeen Somalia, ayaa sheegay inay ku xeeran yihiin jihooyin kala duwan, waxa uuna ballanqaaday in Somalia ay ka garab istaagi doonaan dhinacyada amniga iyo Sirdoonka. Tamim Bin Xamad, waxa uu sheegay in Somalia ay baahi u qabto in laga garab istaago amniga oo uu cadeeyay inuu yahay indhaha dal dhisan. Dowlada Qadar ayaa Somalia xooga saartay wixii ka danbeeyay taageerada ay u muujisay xiliga ay u midooben dowladaha leysku dhaho xulafada Sacuudiga. Sidoo kale, Dowlada Somalia oo u muuqata mid ilaashaneysa heshiiska iyo ballanqaadyada Qadar ay ka meermeereysa eedaha Khaliijka eek u aadan in Somalia aysan dhexdhexaad ka aheyn Khilaafka xulafada iyo Qadar. Si kastaba ha ahaatee xiriirka dowlada Somalia iyo Qadar ayaa iminka ah mid wanaagsan waxaana suuragal ah in Qadar ay waxbadan ka bedesho Siyaasada ay la cayaareyso Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com