Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online)-Qaban qaabadii ugu dambeeysay ayaa ka socota magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo lagu soo dhaweynayo ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Amaanka magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana xiran waddooyinka gala madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo la dhigay ciidamadii ugu badnaa si amaanka ay u xaqiijiyaan. Wafdiga ra’iisul wasaaraha kaga horeeyay magaalada Kismaayo ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha, waxaana waddooyinka ku sugan arday iyo haween badan oo laga keenay xaafadaha magaalada Kismaayo. Madaxtooyada Jubbaland ayaa shaacisay in Kheyre iyo Axmed Madoobe ay ka wada hadli doonaan dardar gelinta howlaa horyaala dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyo xalinta Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac. La soco waxii kasoo kordhaa Safarka Xasan Cali Kheyre ee magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka Guud ee Somaliland oo soo bandhigay sababta uu ugu gacansaydhay Shirkii Direed ee Adis-ababa, Shaaciyeyna Shir Soomali laysagu keenayo oo uu ka qeyb-gelaayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku soo dhigay Nin xirnaa Xijaab iyo Indho-Shareer. Ninkan ayaa la sheegay in laga soo qabtay xaafadda Iskuul Goday, kadib markii ay ka shakiyeen ciidanka amniga ee degmadaasi. Taliska Booliska Kaaraan oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in wax hub ah uusan wadan ninkaasi, balse ay weli ku hayaan baaritaano dheeraad ah. Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay laamaha amnigu soo qabtaan nin xiran dharka Haweenka, iyadoona marar badan rag xirnaa lagu soo bandhigay M/Muqdisho. View the full article
  4. (SLT-Addis Ababa)-War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in 19 ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee bur burtay maalintii shalay. Hay’adda cunada aduunka ee WFP ayaa waxaa shilka diyaaradeed uga dhintay 7 ka mid ah shaqaalaheeda, xafiiska qaxootiga UNHCR Labo shaqaale ah ayaa uga dhitay shilka, halka Ururka caalamiga ah ee Isgaarsiinta dunida ITU burburka diyaarada ay uga dhinteen tiro la mid ah. Hay’addaha FAO, IOM iyo waliba xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobey waxaa burburka diyaarada Ethiopian Airlines uga geeriyooday min hal shaqaale ah. Lix shaqaalaha xafiiska Qaramada ee Nairobi (UNON) ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay burburka diyaarada sida lagu sheegay warka ka soo baxay Qaramada Midoobey. Dad ka kala socda ilaa 35 dowladdood ayaa la sheegay in ay ku dhinteen burburka diyaarada, iyadoo tirada ugu badan dadka dhintay ay u dhasheen Kenya oo ka geeriyoodeen 32 ruux. Waxaa sidoo kale dadka dhintay ka mid ahaa 18 u dhashay dalka Canada, Sagaal Itoobiyaan ah iyo waliba Siddeed Ameerica ka soo jeeday. Soomaaliya waxaa waxaa la sheegay in uu hal qof oo kaliya kaga dhintay burburka diyaarada sida ku cad liiska Jinsiyadaha ay ka soo jeedeen dadka ku dhintay diyaarada. Source
  5. (SLT-Kuwait)-Wargeyska maalinlaha ee Al-anbaa ee ka soo baxa caasimadda dalkaasi ee Kuwait City ayaa qoray in Haweeney Soomaali ah la soo taagay Maxkamadda Dembiyadda ee dalkaasi. Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay inay walaalkeeda mindi ku dishay bishii September 18-dii ee sannadkii hore. Maxkamaddu waxay ku xukuntay Haweeneydaas xabsi 4 sanno iyo shaqo adag, kadib markii ay ku caddaatay inay tooreey la dhacday walaalkeeda ilaa uu ka naf baxo. Dhinaca kale, ilo dhanka Ammaanka ayaa u sheegay Wargeyska Al-anbaa in dhegeysiga dacwadaasi timid, kadib markii Xafiiska Dacwad-oogaha dalkaasi u soo gudbiyey Maxkamadda Gal-dacwadeedka dilkaasi, Haweeneyda dilka geysatay ayaa sheegtay inaysan doonaynin inay walaalkeeda disho, balse uu xanaaqu ka tan badiyey. Wargeyska Alanbaa wax faahfaahin ah kama bixinin waxa ay isku qoonsadeen Haweeneydaasi iyo Walaalkeeda ay gacanteeda ku dishay. Source
  6. Washington: Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Xarrakada Alshabaab ee xiriirka dhaw la leh ururka Al-Qaeda xilli madaxweyne Donald Trump uu raadinayo qorshe lagu yareynayo hawl-gallada lagu beegsanayo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan waddamada Syria, Afghanistan iyo Galbeedka Africa. Duqeymo xooggan oo dowladda Mareykanku ku qaadday Alshabaab afartii bilood ee ugu dambeysay sannadkii 2018kii ayey uga dishay dagaalyahannadii ugu badnaa, Sannadkii tagey duqeymaha dhanka cirka ah waxaa lagu dilay 326 oo dagaalyahan waana illaa 47 weerar sida lagu sheegay xog ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Mareykanka. Sannadkan cusub ee 2019 kama awood yara weerarrada Alshabaab lagu beegsado. Bilihii Jannaayo iyo Febraayo oo kaliya talista Mareykanka ee Africa wuxuu sheegay in lagu dilay 225 dagaalyahan 24 duqeymo ah oo Soomaaliya laga fuliyey. Waxaa Iyana jirtay in duqeymo goos-goos ah oo la fuliyey daba-yaaqadii bishii Febraayo lagu dilay dagaalyahanno kale waana illaa 3 weerar oo lagu qaaday goobo bartilmaameed ahaa. Taliska Mareykanka ee Africa waxay sheegeen in dhimashada la shaaciyey ay tahay oo kaliya mid Alshabaab loo geystay inkastoo kooxdani ay si joogto ah u sheegto in dadka la dilay ay yihiin Shacab iyadoo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee waxyeellada soo gaarta shacabka Kororka duqeymaha dhanka cirka ah waxay sababeen xaalad bini’aadannimo oo soo wajahda dalka sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee dalka ka shaqeeya waxaana jirta in shacabku ay ka cararayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo cimillada oo aan u saamaxeyn inay deegaannadooda joogaan. “Dadku waxay u baahan yihiin inay ka feejignaadaan dagaallada socda,” Sidaan waxaa tiri Brittany Brown, oo ah mas’uul ka shaqeysa siyaasadda Soomaaliya ee golaha ammaanka qaranka waxaana ay hawshan ku jiray illaa dowladdii Obama iyo tan hadda jirta oo ay madax ka tahay ICG oo ah koox xal u raadisa xasaradaha inta badanna diiradda saarta goobaha colaaddu ka aloosan tahay. Dagaalka ka socda Soomaalia wuxuu u muuqdaa mid aan aad looga fikirin, ayey sii raacisay iyadoo sida ay sheegtay uu sii xoogeysan karo haddii ayey tiri aan dood badan laga yeelan sida laga yeelayo dagaallada iyo duqeymaha ka jiro gobollada dalka qaarkood. Source: goobjoog.com
  7. Baardheere (SMN) – Taliska milatariga Soomaaliya ee Gedo ayaa ka warbixiyay shaqaaqo lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacday degmada Baardheere ee gobolkaasi. Korneyl Cali Maxamed oo ka mid ah saraakiisha milatariga DFS ayaa Shabelle u sheegay in kooxo hubeysan ay rasaaseeyeen dadkaasi oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi. Waxaana uu tilmaamay in falkaasi uu ku dhintay hal Qof , kuna dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray sarkaalkani in ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Arrintan ayuu xusay in ay salka ku heyso xiisad la xariirta dhinaca maamulka oo weli ka taagan degmada Baardheere oo ku taalla koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-cabdiqani-.mp3 View the full article
  8. (SLT-Afghanistan)-Waxaa soo baxaya xog cusub oo sheegeysa in hoggaamiyihii hore ee ururka Taalibaan Mullah Cumar oo muddo sanado ah ku noolaa guri u dhow saldhig militariga Mareykanka ku lahaa dalka Afqaanistaan. Mullah iyo Cusama Bin Laaden ayuu muddo dheer aad u doondoonayay Mareykanka. Iyadoo wada hadallo ay dalka Qadar ku dhex marayaan wakiillo ka kala socda Mareykanka iyo ururka Taalibaan ee dalka Afqaanistaan ayaa hadda waxaa soo baxay buug cusub oo qeexaya sida Mullah Cumar uu u ahaa nin go’doonsan ka hor inta uusan xanuun u dhiman. Buugaasi oo ay qoaray Bett Dam oo ah suxufi u dhalatay dalka Netherlands ayaa lagu sheegay in Mullah Cumar uu muddo sano ah ku dhuumaaleysanayay guri ku yaal dalkaasi Afqaanistaan oo dhawr kiiloo mitir u jira saldhig weyn oo uu Mareykanka ku lahaa dalkaasi. Sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in uu ku guul dareystay in oo ogaado in Mullah oo 10 milyan oo doolar uu madaxiisa dul dhigay ka dib weerarkii 11-kii September ee sanadkii 2001-dii uu ku dhuumaaleysanayay halkaasi. Mullah ayaa ahaaa ninka labaad ee Mareykanka aadka u doon-doonayay marka laga soo tago Cusama Bin Laden oo sanadkii 2011-kii lagu dilay dalka Pakistan. Inta badan waxaa la saadaalinayay in hoggaamiyahaasi Taalibaanka uu ku dhuumanayay dalka Pakistan. Buugan ay haatan qoray gabadhan lagu magacaabo Bette Dam ayaa lagu cadeeyay in Mullah uu muddo sanado ah ku dhuumaaleysanayay gurigaasi oo ciidamada Mareykanka ay mar baareen balse aysan ka helin. Baaritaanka ay sameysay gabadhan weriyaha ahi ayaa ku saleysan wareysiyo ay la yeelatay dad badan oo uu ku jiro ninkii aadka u ilaaleyn jiray Mullah tan. Weriyahan ayaa loo sheegay in hoggaamiyahasi Taalibaanku uu dhageysan jiray BBC-da oo uu wararka halkaasi kjala socon jiray. Sida la sheegay ma uusan awoodin in uu si dhab ah u maamulo ururukaasi balse waxaa had iyo jeer la adeegsan jiray magaciisa oo Taalibaanku ay warbixinno ku soo saari jireen. Balse waxaa la sheegayaa in uu bixiyay amarka ah in xafiis uu Taalibaanku ka furto dalka Qadar oo haatan ay ka socdaan wada hadallada la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo mareykanka iyo Taalibaan. Bette Dam ayaa BBC-da u sheegtay in mukhaabaraadka dalkaasi Afqaanistaan ee ku sugnaa gobolka Zabuul oo ah halka uu ku dhashay Mullah ay in muddo ah ka shakisanaayeen in Mullah uu ku dhuumaaleysanayo gudaha dalkaasi Afqaanistaan. Balse mar kastaa waxaa la hadal hayay in uu ku dhuumaaleysanayo waddanka deriska ah ee Pakistaan, waxaana dhawr jeer militariga Mareykanka uu isku dayay in uu halkaasi ka raadiyo. Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Cusama Bin Laden oo isagana malaayiin doolar uu madixiisa dul dhigay Mareykanka ayaa sanadkii 2011-kii ay ciidamada Mareykanku ku dileen dalka Afqaanistaan. Waxaase bishan gudaheeda uu Mareykanka malaayiin doolar dul dhigay wiilkiisa Xamza oo wali la baadi goobayo. Source
  9. (SLT-Ankara)-Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777 oo ku sii jeeday dalka Maraykanka ayaa waxaa ku yimid khalkhal dhinaca hawada, xilli ay maraysay Badweynta Atlantik. Diyaaradaasi oo ay la socdeen in ka badan 300 oo Rakaab ayaa la sheegay inay cadaadis dabaylo la kulantay, taasi oo sababtay inay dhawaacmaan 30 qof oo ka mid ah rakaabkii saarnaa. Mid ka mid ah shaqaalaha Diyaaradda ayaa la sheegay inuu lugta ka jabay, halka rakaabka kalena uu soo garaay dhaawacyo. Diyaaradaasi oo ku jirtay Duullimaad ay isaga kala gooshaysay Istanbuul iyo New York ayaa la sheegay inay si nabad ah ku degtay Garoonka Diyaaradaha ee John F. Kennedy International Airport ee magaalladda New York. Tobanaan gaadiidka gurmadka ayaa la safay Garoonkaasi, iyadoo dadka dhaawacmay la dhigay Isbitaallo ku yaallo New York. Source
  10. Kismaayo (Caasimada Online)-Waddooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa xiray, iyadoo maanta lagu wado inuu tago magaalada Kismaayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Safarka ra’iisul wasaaraha oo dib u dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay, ayaa maanta la filayaa inuu ku tago magaalada Kismaayo, iyadoo magaalada ay kaga sii horeeyeen xubno ka tirsan xafiiskiisa. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay kulanka magaalada Kismaayo ku dhex maraya raiisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Xersi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland kamid tahay dowlad goboleedyada caadiga ah ee ka dhisan gobolada dalka, islamarkaana waxyaabo badan ay ka wada hadli doonaan labada dhinac. Waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa lagu sheegay xal ka gaarista mad madowga ka dhex jira Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya iyo in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu ka qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Garowe. “Muddo ayaa waxaa taagnaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, tii ayaa loo meel dayayaa in xal loo helo, sidaa ayuuna kulanka daba socdaa” “In xal loo helo dhibaatada jirta kaasi oo noqon kara mid anfaca Soomaalida uu anfacayo, wax walbaa oo sahlaya in wadahadalada guuleystaan gundhig ayay u noqonayaan kulanka ka dhacaya Kismaayo,ayuu yiri Xer Jaamac. Amaanka magaalada Kismaayo ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo ku yaala magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  11. Ciidamada Jubbaland ayaa maanta waxa ay xireen dhammaan waddooyinka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhanka kalena aad loo adkeeyey amniga magaaladaasi. Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre la filayo saacadaha soo aaddan in uu safar ku tago magaaladaasi. Waxaa la arkaya shacabka Kismaayo oo lugeynayana waddooyinka waaweyn maadaama la diiday iney shaqeeyaan gaadiidka dadweynaha. Dhanka kale, waddooyinka Kismaayo ayaa lagu dhejiyey sawirrada Ra’iisul wasaare Kheyre iyo sidoo kale hal ku dhigyo lagu soo dhoweynayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Nairobi)-In ka badan 4,700 oo isugu jira madaxweyneyaal, wasiiro, ganacsato waaweyn, saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midooobay iyo dad matalaya ururada bulashada ayaa maanta isugu imanaya shir ka dhacaya magaalada Nairobi oo lagu lafa-guri doono deegaanka. Shirkaan ayaa ah kii afaraad oo socon doono 11ka ilaa iyo 15ka bishan Maarso, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha deegaanka iyo wax soo saarka. Shirkaan dadka ka soo qeeyb galayo waxa ay ku laba jibaarmayaan kuwii ka so qeeeyb galay kulankii kan ka horeeyay ee dhacay bisihii Decembar ee sannadkii 2017-kii. Waxaana ka soo qeeyb galayo hogaamiyaal caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Kenya, Emmanuel Macron iyo Uhuru Kenyatta, iyo maareeyaasha shirkadaha waaweyn. Waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan natiijoyin wax ku ool ah, marka uu soo gabagoowo shirkaan shanta maalmod socon doona. Agendayaasha miiska saaranna waxaa ka mid ah sidii deeganka badda looga difaaci lahaa wasaqeeynta, gaar ahaanna caagagga, sidiii loo yaren lahaa qashinka iyo sidii loo casriyeen lahaa tignoologiyadda, taas oo gacan ga geeysan karto Isbedlka Cimilada. Go’aamada ka soo baxa shirkaan ayaa waxa ay waddada u xaarayaan heshiiskii Isbedelka Cilmilada ee magaalada Paris, sidoo kale waxaa uu shirkan waddada u xaarayaa shirka Isbedelka Cimilda ee Qaramada Midoobay ee sannadkan 2019-ka. Joyce Msuya oo ah sarkaal Qaramada Midoobay u qaabilsan degaanka ayaa dalaka caalamka ugu baaqday, in ay u istaagaan oo ay ka dhabeeyaan dadaallada lagu doonayo in looga hortago Isbedelka Cimilada. Hay’adda Qaramada Middobay u qaabilsan Deeganka ayaa sheegeysa in intii u dhaxeeysay sannaddadii 1995-tii ilaa iyo 2011-kii ay arrimaha deeganka ku kharash gareeyeen lacag gaareeysa 20 tiriyan oo doolar. Shirkaan ayaa waxaa sido kale lagu soo bandhigi doonaa cilmi baaris ay sameyeen khuburda deegeenka ee Qaramada Midoobay, waxaana ka mid ah cilmi baaristii ugu dambeeysay oo loogu magac daray ”Qaab muuqaalka Deegaannada Caalamka” oo ay ka qeeyb qaateen 252 seeynisyahano iyo khubro ka kala yimid 70 dal. Source
  13. Kismaayo (SMN) – Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhoweynayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan si weyn uga socota gudaha magaaaladaasi. Boorar waawayn oo lagu daabacay sawirrada ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha Jubbaland oo lagu muujinayo soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ayaa lagu dhajiyay qeybaha ay ka koobantahay magaala xeebeedka Kismaayo. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahyre ayaa la filayaa marka uu gaaro halkaasi in uu la kulamo madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida Al Shabaab looga saari karo gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. Ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyadoona saaka Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
  14. Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo khasaare geystay. Deegaankan waxaa marayey ciidamo la sheegay iney yihiin Kenya oo gaadiid watay, hase ahaatee Miinada ayaa haleeshay Gaaro Hoomey ah oo waday qudaar, islamarkaana ka horreeyey gaadiidka ciidanka Kenya la socdeen. Labo qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxan, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii la socday gaariga Hoomeyda ah. Qaraxa kadib, ciidanka Kenya ee iyaguna halkaasi marayey ayaa rasaas kor u riday, islamarkaana xiray nawaaxiga halka qaraxan uu ka dhacay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, hase ahaatee qaraxyada sidan oo kale ayaa looga bartay iney fuliyaan Xarakada Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Subax-11032019.mp3 View the full article
  16. Beledweyne (Caasimada Online)-Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa aad looga hadal hayaa kufsi ka dhacay magaalada oo loo geystay gabar sagaal sano jir ah, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka ee isbitaalka Beledweyne. Dhacdadaan ayaa lagu waramayaa inay soo ifbaxday kadib markii la waayay gabadhii dhibaatada loo geystay, iyadoo markii la helay iyada oo dhiig baxeysa, waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Beledweyne. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in macalin Dugsi Quraan uu ahaa ruuxa ka dambeeyay falka kufsiga ee loo geystay Gabadha sagaal jirka ah, waxaana la sheegay inuu ka baxsaday magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Ibraahim Foodcadde oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku raad joogaan ruuxa falka kufsiga geystay. Wuxuu sidoo kale sheegay inay ku raad joogaan dhalinyaro caadeysatay inay toorey ku qalqal geliyaan amaanka magaalada Beledweyne xiliyada habeenkii. “Waxaan ka warheynaa in kufsi uu ka dhacay xaafadda howlwadaag, ciidamada amaanka ayaa ku howlan ruuxii ka dambeeyay haddii lasoo qabtaana maxkamad ayaa lasoo saarayaa”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  17. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed. “Waxa aan dareenka la qeybsanaynaa qoysaska iyo shaqsiyaadka ay saameysay dhacdadan masiibadada ah,“ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba. Source: goobjoog.com
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Aqoonyahan Kenyan ah ayaa shaaca ka qaaday in rajada Kenya ay ka qabto inay ku guuleysato kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay aad u liidato, taasina ay tahay sababta ay xal kale u raadineyso. Kenya ayaa isku dayeysa in Soomaaliya ay ka dhaadhicso inay ka laabto kiiska maxkamadda, islamarkaana wada-hadal diblomaasiyeed lagu dhameeyo muranka. Dr Hassan Khannenje, oo ah agaasimaha machadka Istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee Horn ayaa sheegay in guul-darradii Kenya ka gaartay diidmadii horu-dhaca ahayd ee kiiska ay walaac ku hayso. Waxa uu sheegay in Kenya ay aamisan tahay in sii wadista dacwada ay tahay halis xooggan oo ay ku weyn karto dhul-badeedka ay sheeganeyso, sidaas darteedna xal ka baxsan maxkamadda uu yahay waxa ay raadineyso. “Hanaanka maxkamadeed waa mid dhib badan oo waqti iyo qarash badan u baahan, islamarkaana go’aanka ay maxkamadda ku diiday codsigii Kenya ee ahaa inaysan qaadin dacwadda ayaa loo arki karaa astaan muujineysa waxa soo socda” ayuu yiri Dr Khannenje. Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inay door bideyso in laga war sugo go’aanka maxkamadda, islamarkaana aysan marnaba wada-hadal ka geli doonin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxay kusoo qabteen ruux la sheegay inuu xirnaa dharka Dumarka. Ka hor inta ruuxaasi aysan qaban ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa booliska waxaa dadka deegaanka ay ka shakiyeen ruuxa la qabtay oo ku sugnaa agagaarka iskuulka Godey ee degmada Kaaraan, kadibna ciidamada ay ku wargeliyeen. Saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka ayaa sheegay in ruuxa la qabtay ay ku sameeyeen baaritaan, iyaga oo ka raadiyay inuu hub watay, balse markii laga waayay lagu wareejiyay hay’adaha amaanka si ay baaritaan dheeri ah ugu sameeyaan. Saraakiisha ciidamada booliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada intaasi ka dib baaritaano dheeri ah ay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmada Kaaraan, ayna ku qabteen dhalinyaro la tuhmayo. Howlgalkaan xalay laga sameeyey xaafada ka tirsan degmada Kaaraan laguna soo qabtay Nin soo xirtay dharka Dumarka ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay Magalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo Ciidamada baaritaanka ka sameeyay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo cusub oo dhawaan lagu wareejiyay amaanka degmada, iyaga oo fariin ka dhigtay saldhiga degmada Kaaraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimadad@live.com
  20. Socdaalkii madaxweyne Farmaajo ma weerar diblomaasiyadeed buu ahaa mise is-dhiibid? Inta aanan jawaabta u gelin, ugu horreyn dal Soomaaliya oo kale ah xarbi noocee ah ayuu geli karaa maanta, tabarteennu se maxay noo gooysaa? Marka hore waxaa xusid mudan in dagaalka Kenya iyo Soomaaliya uu hadda marayo marxalad dagaal-diblomaasiyadeed oo lagu tartamayo sidii garab siyaasadeed looga heli lahaa Caalamka. Markay halkaas joogto, 1. Sawir noocee ah ayuu caalamka ka haystaa Soomaaliya? 2. Sawir noocee ah ayaa sidoo kale laga haystaa xiriirka Kenya iyo Soomaaliya? 3. Kenya dagaal noocee ah ayey Soomaaliya kula jirtaa? Suaasha 1-aad ee ah sawir noocee ah ayuu Caalamka naga haystaa, jawaabteedu waa maahmaahdii ahayd “wixii xunba Xaawaa leh” Dal 30 dagaal ka socdey oo dadkiisii dagaallo, abaaro iyo tahriib dhameeyey, dal argagaxisadu hoy u ah, dal musuqmaasuqu hareeyey, dal aan caalamka la jaanqaadi karin oo ku fashilmay wada noolaanshaha iyo dowladnimada iwn Suaasha 2-aad, Sawir noocee ah ayaa laga aaminsanyahay xiriirka Kenya iyo Soomaaliya? Caalamku wuxuu aaminsanyahay Kenyana ku faaneysaa inay Soomaaliya caawinayeen 30 sano, inay martigaliyeen shiraweynihii dib loogu soo dhisay diwladnimada Soomaaliya, inay martigalinayeen 30 sano qaxooti boqolaal kun ah, inay ciidamo nabad ilaaalin ah u direen Soomaaliya, inay mar kasta u dulqaataan weerarada argagixisada ah ee kaga yimaado Somaliya. Kenya waxay dunida ka dhaadhicineysaa dalkii sidaas ahaa ayaa maanta badeydii igu haysta oo hadana diidan inaan arrimaheenna hoos u dhammeysanno! Hadaba muxuu yahay dagaalka ugu haboon oo ay Soomaaliya geli karto? Waxaa loo baahanyahay in marka hore dunida la tusaa waji cusub oo ah nabadoonimo. Waa in la matalaa siyaasadda loo yaqaano (Public diplomacy) taasoo ah in Caalamka arko Soomaaliya inay leedahay maanta biseyl iyo iyo deganaab. Ugu danbeys markey cadaato 1 inaad tahay nabadoon dulqaad badan, kana soo daaley dagaal iyo isqab-qabsi. 2. Inay Soomaaliya u qirsantahay Kenya abaalkey noo gashey. 3. Inay Soomaaliya Dowladaha dariska aad u ixtiraameyso sida Ethiopia iyo Kenya. 4. In Soomaaliya iyadoo badeedii lagu haysto hadana ay dagaal ku deg degeynin. 5. Inay Soomaaliya ku kalsoontahay ixtiraameysana Caalamka, muranka baddana uga danbeyneyso Maxkamada aduunka. Caalamka markaas ayuu dareemi karaa sympathy, Kenyana ku sifoobeysaa kiis iska waal iyo bililiqo waxay wado. Ugu danbeys: Madaxweyne Farmaajo isma dhiibin, balse wuxuu galay dagaal adag, waayo wuxuu dunida tusay Soomaaliya inay bisishahay oo aysan cidna khatar ku ahayn. Sidaa awgeed mucaaradku yaysan horboodin dowladooda oo aysan shacabka jebin col hortiis. W/Q: Cabdiweli Qaasim abdiwali@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Waxaa la helay magacyada qaar ka mid ah dad Soomaaliyeed oo ku dhintay diyaaraddii ay lahayd Ethiopia Airlines ee shalay dhacday. Magacyada dadka la shaaciyey ayaa waxaa ka mid ah: 1- C/shakuur Maxamed Shahaad 2- Siraaji Xuseen Cabdi 3- Sahro Saciid Xasan 4- Nasrudiin C/qaadir 5- Aamina Ibraahim Odowaa 6- Axmed Nuur Maxamuud Dadkan ayaa ku safrayey diyaaradda Ethiopia Airlines oo shalay dhacday daqiiqado kadib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ay ku wajahneyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Tirada iyo magacyada Soomaalida ku geeriyootay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee Burburtay oo la shaaciyey+Jinsiyadaha Dalalkay wateen Waxaa sii kordhaya tiradda dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Shilkii diyaaradda Ethiopian Airlines ee maanta ka dhacay dalka Itoobiya. Qaar ka mid ah Eheladda dadkii Soomaalida ahaa ee diyaaradda Saarnaa ayaa xaqiijiyay Geeridda shan qof oo Soomaali ah, kuwaasoo heystay Baasabooradda dalalka Canada iyo Mareykanka. Cabdishakuur Maxamed Shahaad, oo labadii sano ee lasoo dhaafaya ka tirsanaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku jiray dadka naftooda Ku waayay shilka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo fariin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka. Shahaad oo kamid ahaa kooxda hab-maamuska xafiiska Khayre ayaa kusoo jeeday magaaladda Muqdisho, isaga oo [transit] kusoo ahaa Addis Ababa. Dhinaca kale, Aamina Ibraahim Odowaa iyo iyo gabar ay dhashay oo lix sano jir ahayd taasoo lagu magacaabayey Safiya Faysal Cumar ayaa qayb ka ahaa dadkii ku baxay shilka diyaaradeed. Labada marxuum ayaa haystay dhalashada Canada, balse waxay asal ahaan kasoo jeedeen Soomaaliya. Maxamed Xasan Cali, wiil la dhashay marxuumad Aamina, ayaa u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da in walashiisa ay Sabtidii kasoo duushay Canada ayna kusoo wajahneyd Nairobi. Cabdishakuur ShahaadCabdishakuur ayaa ka imaaday Sweden, wuxuuna Transit ku ahaa dalka Itoobiya oo uu doonayey inuu kaga sii gudbo Magaalada Nairobi oo ay ku wajahneyd diyaaradda Burburtay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Wadamada dadkii Dhintay Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Xasan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee aadka ugu dhow ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre siiyey digniino iyo talooyin la xiriira socdaalka la filayo inuu ku tago magaalada Kismaayo, kulana kulmo Axmed Madoobe. Hoos ka aqriso fariintiisa. RW Safar Salaama marka hore, Marka xiga waxaan ku xasuusinayaa arrimaha hoose: RW waxaad u socotaa deegaan dadka Soomaaliyeed ee joogaa ka kooban yihiin dhammaan beelaha Soomaaliyeed oo dhan, isla markaasna ay ka jirto cabburin iyo cabsi gelin xoog leh oo dadka in badan oo ka mid ahi dareemeen xorriyad la’aan. Dad Soomaaliyeed oo aan loo aabo yeelin loona turin sharaftooda iyo Maalkooda toona, farahooda laga bixiyey hanti badan oo ay lahaayeen, qofkii hadla oo sheegta culeys looga daro laguna kordhiyo dhibaatada, kufsi aan lagu kala soocin marwo iyo marrey, gabar iyo hooyo loo geystay, wiilashooda aan dambiilayaal aheyn hortooda lagu laayey ama meydkooda laga soo aruuriyey xeebaha Calanley iyo Kibora, in badan oo ka mid ah la uusduugay oo aan geeri iyo nolol midnaa ogeyn. Dad Soomaaliyeed oo dareensan in farihii kululaa ee Shabaab lagula joogay ama Raaskiyambooni lagu ahaa lagu maamulay, loo ciqaabay Soomaali cidday ka yihiin oo aysan sababteeda laheyn, loo ciqaabay waxay aaminsan yihiin, loo ciqaabay maxaad u dareentay waxa dhacaya, loo ciqaabay xiriiro kale oo ay la lahaayeen dad la kala aragti ama siyaasad duwanaa. Dad Soomaaliyeed oo shaki lagu kala riday laakiin xaqiiqdu tahay in isku si loo cadaabay, lagu abuuray shaki qabiil, iyadoo qabiil Soomaaliyeed oo ku nabad galay meeshaas uusan jirin. Dadku aad uma dareemaan laakiin dhibka ugu badan waxaa kala kulmay qabiilka ay dadka kale aaminsan yahay inay haystaan maamulkaas. Oo qaarna dekeno qoorta loo geliyey qaarna iyagii gacantooda lagu dulmay. Dad Soomaaliyeed oo waxgaradkii laga qaxiyey oo in badan oo ka mid ahi qaxooti iyo barakacayaal noqdeen, intii soo hartayna lagu kallifay inay gabadaan oo aysan hadli karin. Dad Soomaaliyeed oo xanfaley laga adeejiyey, la tusay iyo wiilal Soomaali ah oo afduuban isla markaasna fara fudud ka adeegan doonaan hadday dareemaan waxa socda, Dad Soomaaliyeed oo laga adeejiyey shisheeye dano kala duwan ka leh dalka oo qaar dhul doon yahay, qaarna nacfi doon yahay sababayna ciddii soo eegta inay cadaabaan. Dad Soomaaliyeed oo ay ku adkaan doonto inay kuu yimaadaan iyagoo xasuusan taarikhihii soo maray, hadday kuu yimaadaanna farriimaha ay keenayaan yihiin kuwa aad uga duwan dareenkooda iyagoo ka baqaya in looga daro marka laba beri ka dib ka soo tagto, ama dareemaya kuwa kula jooga markaad kulmaysaan inay yihiin kuwii cadaabi jiray ama kuwa u adeega oo xogta waxay ka hadleen la heli doono loona ciqaabi doono. Dad Soomaaliyeed oo dad aan matelin laga soo hormarin doono laguuna sheegi doono inay yihiin kuwii matalayey iyadoo laga fogaanayo inaad xog rasmi ah heshid. Dad Soomaaliyeed oo ku nool cadaab aan hadda dunida ka jirin iyo cabburin dad aan u naxeyn danna ka laheyn in xisaabi ka dambeyn karto. Hadaba RW adigoo dareensan intaas iyo in ka badan, waxaa xil kaa saaran yahay inaad soo aragtid dadka Soomaaliyeed adigoo ka taxadaraya arrimaha hoose: -Madaxbanaanidooda dad ahaan iyo aragti ahaanba. -Nabadgelyadooda markay kuu imaanayaan iyo markaad ka soo tagtidba. -Inaad ogaatid xaaladda dadku ku nool yahay, iyo duruufaha ku hareeraysan. -Inaad si hoose u xog-ogaalsatid dadka ku dhibaateysan Xabsiyada qarsoodiga ah ee ku yaal magaalada. -Inaad si dhab ah u ogaatid dareenka Isbaddel ee ay doonayaan iyo nooca uu yahay, RW waa xil ku saaran inaan dadkaas Soomaaliyeed ku niyad jabin safarkaaga, kuna dhibtoon intaad joogtid iyo markaad ka soo noqotidba. Ogow waxaad RW u tahay shacabka Jubbaland ee dhibaateysan iyo kuwa ay dhibka ka tabanayaanba. Waxa ugu xun ee dhici karaa waa in farriin hal dhinac ah ku soo gaarto iyadoo dhinaca kale awoodi waayaan inay ku gaarsiiyaan dareenkooda, adigoo dalkaan ka ah mas’uul sare. Ilaahay talo saaro kuna dhiirro la kulanka qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo aysan diyaarinteeda mas’uul ka aheyn gacantana ku heyn maamulka hadda joogaa. Adiga iyo dadkuba inaad xorriyad dareentaan waa muhiim intaad wada joogtaan iyo ka dibba. Ugu dambeyn waa kugula talinayaa inaad soo marto magaalooyin kale oo aadan Kismaayo ekaan. Waxaad tegi kartaa dhamman degmooyinka gobolka gedo iyo Degmada Afmadow. Guuleyso W/Q: Xildhibaan Faarax Xasan