-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Sarreeye guuto Zakiyo Xuseen Axmed taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in 23 Askari loo soo xiray falal Musuq-maasuq oo abuuri kara dhibaatooyin amni daro. Zakiyo ayaa sheegay in askarta la xiray ay lacago laaluush ka qaadanayeen dadka rayidka ah, islamarkaana xogtaasi ay ka heleen shacabka. Sidoo kale taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday qeybahala kala duwan ee bulshda ku dhaqan M/Muqdisho in ay muujiyaan dulqaad inta uu socda qorshaha cusub iyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli si weyn loo xoojiyay ammaanka magaalada Muqdisho, islamarkaana uu socdo howlgal lagu sugayo amniga guud ee gobolka Banaadir, si looga hortago weerarada ay soo abaabulaan Al Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/War-Subax-04022019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo saraakiisha beesha Abgaal ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay dowladda iyo Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Xiisaddan ayaa ka dhalatay go’aan kasoo baxay dowladda oo lagu amray in la isaga guuro xerada Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya, oo uu degan yahay Muuse Suudi. Xaajiga ayaa waxaa dhulkan siiyey dowladdihii hore, isla markaana waxa sida uu sheegay uu haystaa Document ay u saxiixeen Madaxdii hore ee dalka, maadaama horay dowladdii C/llaahi Yuusuf uu ugu wareejiyay hubkiisa, looguna bedelay xarunta uu dgean yahay. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Kulanka xalay oo aan loo kala harin ayaa lagu go’aamiyey in wafti kale loo diray dowladda looguna sheego in Muuse Suudi uu xaq u leeyahay dhulkan, islamarkaana dowladda ay ka laabato damaceeda ah inay xoog isku daydo. Kulanka ayaa ka dambeeyey kulan horey u dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo wafti ka socday beesha Abgaal, oo madaxweynaha uu ka codsaday inay Xaajiga qanciyaan. Waxaa kulanka xalay sidoo kale lagu go’aamiyey in dowladda loo sheego in dhib kasta oo ka dhasha arrintan ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan. Dhinaca kale, ciidamo badan iyo gawaari dagaal oo tiro badan ayaa ku qul-qulaya halka uu degan yahay Xaaji Muuse, si ay uga difaacaan gardarrada ay sheegeen inay dowladda kusoo maagtay. Inkasta oo aan la hayn tirada rasmiga ah ee ciidamadan, haddana waxaa la sheegay inay kor u dhaafayaan ilaa shan boqol oo askari. Waxaa ciidankan hoggaaminaya jeneraalo iyo korneylo sare oo caan ah oo sheegay inay Muuse ka difaaci doonaan gar-darrada dowladda. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda oo markii hore rumeysneyd inay si fudud ku kicin karto Muuse ay hadda garwaaqsatay in xaaladda ay ka adag tahay sidii hore, lagana yaabo inay raadiso xal kale, sida inay tanaasusho ama Muuse lacag malaayin dollar ah ka siiso dhulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyay magaca qof labaad oo la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay weerarkii 23 Maarso ka dhacay xarumaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo midda Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, oo Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaan Cabdullaahi Dacwo ama Bilaal, uu ahaa ruuxii ka dambeeyay weerarka gudaha loogu galay xarumaha wasaaradda. Cabdullaahi Bilaal, ayaa la sheegay inuu ahaa 29 sano jir kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana la cadeeyay inuu kasoo jeedo Beesha Ogaadeen Jufada Reer Cabdalla. Cabdulaahi ayaa la sheegay inuu ka yimid markii hore deegaanada dhanka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana uu sheegay inuu kasoo tagay deegaanada NFD kadib markii uu u dulqaadan waayay dhibaatada shacabka lagu hayo, sida uu hadalka u dhigay. Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in muddo kooban inuu ku dhex jiray Al-Shabaab, isaga oo sheegay in muddadaa uu ku dhexjiray Al-Shabaab uu ku dhexjiray JIHAAD iyo mujaahidiin, sida uu yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay inay yareyd muddada uu joogay magaalooyinka, islamarkaana uu ku sugnaa deegaanada dhanka miyiga, sida uu hadaka u dhigay. Al-Shabaab ayaa maalin ka hor soo bandhigay magaca iyo qabiilka ruuxii fuliyay qaraxa koowaad ee lagu weeraray xarunta wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala degmada Shangaani. Waxay sidoo kale sheegeen inay soo bandhigi doonaan dhamaan dadkii weeraray Wasaaradda magacyadooda iyo qabiiladooda, waxaana sidaan oo kale ay sameeyeen marar badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Labo dacwadood oo ka dhan ah Ilhaan Cumar ayaa laga diiwaangeliyay Gobolka Minnesota ee laga soo doorto, iyada oo lagu eedeynayo in si qaldan u maareysay lacagihii ay ku gashay ololaha doorashada ee ay ugu biirtay aqalka wakiillada Mareykanka. Dacwadahan waxaa diiwaangeliyay Steve Drazkowski, oo ka soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga, waxaana uu sheegay in Ilhaan ay $6,000 oo dollar u maareysay qaab aan sax ahayn, lacagtaas oo uu sheegay in ay ka mid ahayd mid uu lahaa xafiiskeedii hore ee xildhibaan Minnesota iyadana ay si shaqsi ah u adeegsatay. Waxaa kale oo uu sheegay in ay qarash ku bixisay kala taggii iyada iyo saygeedii hore, lacagahaas oo iyana ah kuwo dan guud oo miisaaniyadda xafiiskeeda ka mid ahaa. Drazkowski ayaa sheegay in la arkay lacag gaareysa $2,500 oo dollar oo ay Ilhaan dib ugu celisay Iskuulladii ay ka hadli jirtay xilligii ololaha oo ay hadda dib u celin ku sameysay. Dacwaddan ayaa xoogga lagu saarayaa in tallaabooyinka ay qaadday Ilhaan Cuamr intii ay ku jirtay ololaha doorashada kursiga aqalka hoose ee Mareykanka ay jebinayaan sharciga Gobolka laga doortay. Wargeyska Sinclair oo warbixintan qoray ayaa sheegay in arrintan uu kala xiriiray Ilhaan Cumar hase yeeshee ay diidday in ay ka jawaabto wax ku saabsan dhaqaalaha ku baxay ololaheeda doorashada. Ilhaan ayaa waxaa ku furan buuq ka dhashay hadal ay ka sheegtay ururka u ololeeya dadka Yuhuudda ee Mareykanka ee loo yaqaan AIPAC. Dadka Mareykanka ah ee ay caddaannimada la weyntahay iyo kuwa Taageerada dhabta ah u haya Israel ayaa soo jeediyay in Ilhaan laga saaro Guddiga xiriirka dibadda Mareykanka ee aqalka hoose oo ay ka mid tahay. Dadka soo jeediyay in laga saaro guddigaas waxaa ka mid ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Mashiinkii Musuqmaasuqa Oo Dib Ugu Soo Noqoday Warfaafinta Iyo Mooganaanta Madaxweynaha + Natiijadii Hanti Dhawr Guud Qaranka Maxkamadda Gobalka maroodi jeex ayaa Xabsiga ka sii daysey Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Waasaaradda Warfaafinta Somaliland, Xasan Geedoole oo toddobaadkii u dambeeyay ku xidhnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii lagu eedayey inuu lunsaday lacag dhan (50,000 kontan kun oo dollar ) oo damaanadda lagu sii dayey.Warar xogagaal uu dhuun daloola wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa sheegay inuu madaxweynuhu amar ku bixiyay ina laga wareejiyo agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta Hassan Geedoole, Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa mudo dheer la daala dhacaysa musuqmaasuq xadhka goostay oo sanadkii 2012 lagu xidhay eed musuq maasuqa isagoo hanti dhawrku guud ku helay inuu is daba mariyey vouchero lacag oo maliyiin dolar kula baxay isagoo damaanadda ku joogaa hargeisa ayuu sii tuugnimo uga baxaday isaga sii maray dalka Ethiopia oo uga sii gudbay dalka Engiriiska oo ay sii joogta gabadha u qabo. Agaasimaha maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole,ayaa marka laga qiyaasta qaato agaasimiyaasha soo maray dhinaca maamulka wasaaaradd warfaafinta intii ay joogeen looga bartey inay iska ilaaliyaan hantida xoolaha umadda Somaliland ,balse Hassan Geedoole oo caadeystay iska daba marinta musuq maasuqa oo markii labaad lagu xidhay musuq waxayna bulshadda Somaliland Is weydiinaysaa halka uu ku dambeyn doono shaadh madoobaha Hassan geedool iyo talaabooyinka laga filayo inuu qaado madaxweynaha Somaliland oo ishu saraan tahay dib haybta waaxda maamulka iyo lacagta warfaafinta madaxweyne muuse ayaa wakhtigii lagu jiray ololaha doorashooyinka shacabka Somaliland uu balan qaaday inay xukuumadisu wixii musuqmaasuq dab jari doontii tiina bulshadda ayaa sugaysaa inuu madaxweynuhu talaabo ka qaado. Dadka siyaasada dhaqaalaha falan qeeya gudaha dalka ayaa ayaa tilmaamaya inuu dhiig baxa ku tahay qaran in lagu soo celiyo agaasimihii maamulka iyo lacagta Hassan Geedoole, oo dul hoganayso eedii ugu weynd ee loo qabsado qofka ka shaqeeyaa nidaamka dawladdnimadda Somaliland taasina waxa cadayn kaaaga filan waxa markii labaada loo xidhay eed musuqmaasuq waxay bulshadda Somaliland sugaysaa go’aanka uu qaato madaxweynaha Somaliland mudan muuse bixii cabdi.Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta oo shaqaalaha wasaaaradda u bixiyeen mishiinkii musuqmaasuq wuxu geedka qataarka looga keenay dalka koonfur afirka oo markasta ku sitaa jiiba ilaa inta uu shaqada ka baxayo.Wasiika warfaafinta iyo ku xigeenkiisa ayaa isku maandhaafsan soo celinta Hassan geedoole wuxuu wasiirku u magacaabay agaasimaha maamulka iyo lacagta deeqa oo ah inaanta cashier wasaaradda, waxa taas ka biyo diiday wasiir ku xigeenka oo ku maqnaa dalka turkey reerkisa dajiye oo gurina uga iibixiyey lagu qiyaasay ilaa lacag dhan (400,000 afar boqol oo kun oo dolar) waa sobabta keentay inuu wasiir ku xigeenku ka diido wasiirka inuu magacaabo agaasime kale. Agaasimaha maamulka iyo lacagta warfaafinta ,Hassan geedoole,wuxuu qoyskooda oo degan magaaladd jig-jigga uga dhisay 4 gur iyo meherado ganacsi oo uu ka shaqeeyo walaalkii halka oday dhalay uu ka ganacsado xoolaha oo uu soo iibgeeyo magaaladda wajaale isagoo ka sii iibsaday dhinaca gudaha dalka Ethiopia lacagtan adagan ee uu reerkoodu ku shaqeyso waxay ka mid tahay hantida musuq maasuq ee loo xidhay.Agaasimihii guud ee wasaaradda Dr,Cismaan Xusein Warsame ee la xidhay todobaadkii hore oo loo haystay eedo la xiidhiidhay musuqmaasu ayaa laga sii dayey maxkamadda gobalka ka dib markii lagau sii dayey damaanadda reernimo,oo ka soo hor jeedo xeerka lagu abuuuray xafiiska hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland.Ciidammada amnigu xidheen, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay iyo Hassan geedoole.Dr. Cismaan, laakiin siidaynta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaraddaasi, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Wasiirka gaashaandhigga oo ku eedaysan musuqmaasuq. Xeerka la dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, ma ogola in Qof ku eedaysan musuqmaasuq damiin lagu siidaayo ama uu iibsado haddii xukun Maxkamadeed ku dhaco Sida uu Warbaahinta ka sheegay Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranku.Maqaalka kan xiga ayaa idinku soo gudbinayaa inta meelood ee ganacsiga uu ku leeyaaha shirkaddaha iyo akowno uga furan dalalka dibedda uu lacagaha ku shubo,iyo hantida kale ee uu ku qoray qoyska uu ka soo jeedo Agaasime Hassan Geedoole. soco maqaalka kan xiga oo xogo musuqmaasu iidin soo bandhigi doona, Warfaa Ismail Yusuf. Hargeisa -Somaliland Qaran News
-
Xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti Somaliland – Goofka Danleyda Gaarka ah Bal dhugo dhacdadan uu soo weriyey Wargeyska The Indian Ocean. Cadadka Wargeyska Indian Ocean ee soo baxay 31-Ogost, waxa lagu sheegay in Maxamed Aw-Siciid badhtanka in Sirdoonka Maraykanku dawladda Djibouti uga digeen dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ganacsadahan reer Djibouti ee Shirkaddiisa ay saamiga ku leeyihiin Marwada koowaad ee Djibouti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo marwada Madaxweynahii hore ee Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde. Warqaddani ma rumaynayso warka wargeyska laakin waxa loo soo xigatay keliya warkaas in uu tilmaan u noqdo sida ay isugu maran yihiin Hargeysa iyo Djibouti oo ay adag tahay in sahal loo kala soocaa. Isku-marnaantu labada magaalo waxa tusaale cad u ah in shirakadaha waaweyn ee keena alaabada iyo raashinka laga leeyahay badankooda dalka Djibouti, inkastoo hantiilayaashu ay badi ka soo jeedaan deegaanka Somaliland. Xataa imika shirakadihii saldhigoodu ahaa Somaliland waxa ay dhamaantood xarun ka dhigteen Djibouti. La yaab ma leh, waayo Djibouti waxa laga helaa adeegayada bangiyada caalamiga ah ee laga furan karo warqadda bangiyada (Letter of Credit) oo loo baahan yahay marka badeeco laga dalbanayo dal kale. Badeecadaasi waxay ku damabaysaa dekedda Berbera iyo madaarka, halkaas oo aan cashuur buuran laga qaadin, dabeetana waxa loo sii hayaamiyaa xagga iyo Ethiopia. Imika, waxaaba la marayaa, in beedacadaha kastamka Wajaale lagula kala wareegaa ay badi toos uga yimaadaan dekeadda Djibouti. Cajiib! Waxaa dhacda in dawladda Somaliland sii qadimato cashuurta maraakiibta badeecadaha keeni doonta bilaha soo socda. Halkaa ka garo in ganacsatada Djibouti iyagu firimbiga u yeedhiyaan dawaladda Hargeysa. Waxa intaa raaca in ganacsatadani ay ku leeyihiin bakhaaro magaalooyinka Somaliland, badeecadda lagaga iibsado keliya dollar; marna ma aqbalaan shillinka. Habeen walbana waxa lacgtaas adag dib loogu xawilaa Djibouti, iyadoo la sii marinayo xawaaladaha, gaar ahaan Dahabshiil. Waa sababta ugu weyn ee sicir-bararka iyo maciishadda qaaliga ah ee danyrata halakaysay. SubxaanAllah. Shirakadaha is-gaadhsiinta iyana xaruntoodu waa Djibouti. Bishii October 2018 ayey ahayd markii la shaaciyey in Somtel iyo Djibouti Telecom ay ku bahoobeen DARE1, bilaabeena dhigidda xadhkaha is-gaadsiinta oo isku xidhi doona Djibouti, Xamar iyo Mombasa. Xasuuso in Djibouti Telecom, iyadoo maraysa Somcable, ay ka hawl-gasho Somaliland. Ka garo furaha telefoonada Somacable oo ah 253. Waxa xidhiidhka Djibouti iyo Hargeysa sii xoojiya in madaxda Djibouti qaarkood ay saamiyo ku leeyihiin qaar ka mid ah shirkadaha ka hawl-gala Somaliland. Kolkaa waxa aad halkaa kala soo dhex bixi sida Hargeysi u hoos timaado, dhaqaale ahaan, Djibouti. Kolkaa siyaasaddiina, maxaad ka fili? Jawaabtu waxay ku jirtaa murtida da’da weyn ee tidhaa: halka xoolo maraan ayaa xeer maraa. Nidaamka dhaqaale ee nocaan ah oo afka qalaad lagu yidhaa “rentier economy” – Kiraale – waa in halabawlayaasha dhaqaale oodhan, ama badidooda, laga kireeyo mushtarka, ama dalal shisheeye, dawladduna ka qaadato kiro. Markaa amakaag yey kugu noqon in dekedda Berbera la kireeyey, lagana sameeyey saldhig military oo kiro laga qaato, ilayn tusaasha (role model) Somaliland waa Djibouti-ye. Nidaaamka noocan ahi ma daneeyo wax-soo-saar iyo shaqo abuur midna. Madaxada Somaliland waxa kale oo ay Djibouti ka bawsadeen nidaamka siyaasadeed ee loogu yeedho “neopatrimonialism”, kaasoo ah nidaam dawli ah oo awoodda dawliga ahi ka soo fusho hoggaamiyaha dalka, kaas oo aan laga sooci Karin haya’adaha dawliga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, la naasnuujiyo kuwa taabaca, la dhaqaale takooro kuwa ka leexada. Somaliland duruustaas si wacan ma u qaadatay? Adigaan kuu daayey, akhriste! Xagga Siyaasadda waxa aan muran lahayn taageeradii laxaadka lahayd ee ganacstada Djibouti, toos, iyo dawladda Djibouti, si dadab ah, ay u siiyeen xisbiga Kulmiye doorashashooyinkii madaxtooyada ee 2017. Warka suuqu waxa uu arrinkaa u nisbeeyaa ilaalinta hantida Djibouti ee taala Somaliland iyo in lagu aamini karo keliya xididka madaxtooyada Djibouti. Ogow siyaasadda dibeddu waa muraayadda siyaasadda gudaha. Ma ilaabine, aan ku noqdee, sidee bay m/weyne Geele ugu suuragashay in uu dheesha la ciyaari karo, isku mar, Xamar iyo Hargeysa? Masrixiyadda Xidhiidhka caalamiga ahi waa sida dheesha taangada oo kale. Jiluhu, qof ayuun buu la ciyaari karaa taangada, ammintaas. Djibouti si wacan ayey ula dheeshaa Hargeysa iyo Xamar ba, isku mar. Hargeysa qudheedu ma yaraysato dheesha: waxay la haystaa Djibouti iyo Imaraadka oo xidhiidhkoodu colaad lagu sifayn karo. Suaashu waa: sirtu xaggay ku jirtaa? Jawaabtu waa sahal: danaha gaarka ah ee ka dhexeeya budhtuurka (elite) Djibouti iyo Hargeysa, ayaa ka weyn ta xidhiidhka khaarajiga ah. Kolkaa miyaanay taasi Xamar werwer gelinayn? Maya. Inta danleyda gaarka ee Hargeysa iyo Djibouti xeedho wadaagta leeyhiin, Djiboutina ay ka go’an tahay midnimada Somalia, Xamar walaac ma qabto. Taasi xaggay dhigaysaa shacabkii Somaliland ee soddonka sanno, gooni-isu-taagga loo sheegayey? Tiraabtu waa ma garanayo. Ku daa: Shacabkay u taal! Falanqyntaa kore, waxa aad kala soo dhex bixi: Indhaha m/tooyada Djibouti, m/weynaha Hargeysa fadhiyaa waa sidii governor hoos yimaada iyaga. Waan la caddaysan uun. Hargeysina waa ku raali sidaas. Wa Bilaho Towfiiq Maxamuud C/allhi Axmed London, UK maxamuudaxmed@live.com Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee Buntland, Dr Cabdiweli Gaas, ayaa isku dayay inuu tirakoobo ciidammada kala duwan ee Buntland ku dhowaad sanad kaddib markuu xilka la wareegay. Mushaarka ciidammada ayaa bil kasta sii kordhayay, inkastoo ciidan cusub aan la qorin. Taliyeyaal ka tirsan Ciidanka Difaaca Buntland, ayaa hor istaagay qorshihii uu Gaas ku doonayay inuu ku ogaado tirada ciidammada Buntland. Maamulkii Gaas wuxuu ku qasbanaaday inuu oggolaado bixinta mushaarro loogu talagalay askar aan jirin, oo tiradoodu kor u dhaafayso 6000. Magaca ciidammada aan jirin ee Buntland loo bixiyay waa Caagleyaal. Markii Dowladda Federaalku ay u dhaqaaqday tirokoobka ciidammada ka tirsan Xoogga Dalka, gadood bay ciidammada qaarkood sameeyeen. Waxay ku dooddayaan in dowladdu aysan bixinin mushaarkooda dhowr bilood. Wasiirka Maaliyadda , Dr Cabdiraxmaan Bayle, wuxuu sheegay in habka cusub oo ay dowladdu ku bixin doonto mushaarka ku salaysan yahay tirokoob: askariga yimid meelaha ciidammada lagu tirokoobayo uun baa mushaar qaadan doona. Su’aasha dad badani isweydiinayaan waa: maxaa loo beegsaday ciidammada ku sugan Muqdisho iyo labada Shabeelle haddii askarta aan jirin laga heli karo maamul federaaleedyada kale ? Shirkii London oo ay dowladda Biritishku u qabatay Soomaalida bishii Maajo ee sanadkii 2017kii, waxaa ka soo baxay hannaan aan la fulinin oo nabadgelyada dalka sal inuu u noqdo loogu talagalay ( Security Architecture ). Maqnaanshaha aragti midaysan oo siyaasiyiinta Soomaalida wadagaan si dib loogu unko Xoogga Dalka waa dhibta curyaamisay dadaallada dib u habaynta qaybaha kala duwan ee Xoogga Dalka. Ciidanka Buntland ku sugan lama yiraahdo Xoogga Dalka. Kuwa ku sugan Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe waxaa loo yaqaan Xoogga Dalka. Ciidammada qaarkood ayaa furimaha ka soo baxay. Tani waxay keentay halis ah in dablayda Al-shabaab ay dib u qabsan karaan degmooyinka ururku gacanta ku hayn jiray. 26,000 oo askari bay dowladu mushaar siin jirtay. Tirokoobka kaddib 16,000 oo askari baa iskugu yimid meelaha ay dowladu u astaysay tirinta askarta ka tirsan Xoogga Dalka. 9000 kun oo askri oo ay dowladdu mushaar siin jirtay baa la la’yahay. Dowladdu xilka way ka qaadday taliyeyaashii guutooyinka askartoodu u bateen askar aan jirin. Lacagta baaqanaysa waa mid wax loogu qaban karo askarta dhaawucu soo gaaray iyo daryeelka qoysaska askartu ka geeriyoodeen. Waa sida ugu fiican oo loo tusi karo askariga Soomaaliyeed in dadkiisu abaal u hayaan ciidammada u heellan sugidda nabadgelyadooda. Haddii mushaarka askarta ama shaqaalaha aan jirin uu ku dhaco jeebka taliyeyaasha iyo madaxda rayidka ah, musuqmaasuqu wuxuu garabsiinayaa cadawga ku howlan burburinta hantida iyo nolosha dadka Soomaaliyeed. Biishii Maarso ee sanadkii 2017kii ayuu Wakiilkii hore Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Michael Keating, u sheegay Soomaali iskugi timid kulan ka dhacay Oslo in Xoogga Dalka askarta ka tirsani u badan yihiin hal beel. “Weliba ciidanka ku sugan Marka waxay u badan hal jifo. Soomaaliya may laha ciidan qaran” buu Keating yiri. Sababta madaxda Soomaaliyeed heer kasta uga aamusnaayeen xaaladda dhabta ee Xoogga Dalka ilaa hadda may cadda. Haddii dowladdu ay weli ku howlan tahay samaynta ciidan Qaran oo loo dhan yahay, maxaa keenay in magaca Xoogga Dalka lagu sunto ciidammada Soomaalida oo ka hawlgala gobollada qaarkood, isla xisaabtankuna iyaga ku koobnaado? Waa maxay wanaagga ka soo bixi kara go’aanka dowladda federaalku ku beegsatay qaybaha ciidanka ku sugan laba gobol oo keliya? Haddii dowladda federaalku soo afjartay musuqmaasuqii ku jiray ciidammada iyo dowladda gaar ahaan dhinaca mushaarka, dowladdu xaq bay u yeelanaysaa inay la xisaabtanto maamul federaaleedyada. Isla xisaabtanku wuxuu keeni kara in xoogga la saaro dhowrista Soomaalida xuquuqdooda dhaqaale iyo siyaasadeed lagu duudsiiyay habka 4.5. Lacagta iyo tababbarrada ugu badan waxay ku baxaan ciidammada Xoogga Dalka ku sugan Muqdisho iyo labada gobo loo deriska la ah. Hufnaanta maaliyadda ee Xoogga dalku wuxuu meesha ka saarayaa eedeymo sadbursi oo wax u dhimi kara dhexdhexaadnimada Dowladda Federaalka. Habka federaalku wuxuu u ekaaday heshiis beelaha waaweyn u dhexeeya si aysan dowladnimo uga hanaqaadin Soomaaliya, waayo ololaha hufnaanta maaliyadeed oo ay dowladda federaalku u guntatay waa mid argaggax ku riday geddislayda siyaasadeed. Inta musumaasuq ka jiro Xoogga Dalka waa lagama-maarmaan inay Soomaaliya ku sii tiirsanaato Amisom oo hesha in ka badan 95% yabooha lagu soo ururiyo magaca Soomaaliya. Haddii Soomaaliya aysan ka maarmi marin ku tiirsanaanta Amisom, kaalinta dowladda federaalku waxay sii ahaanaysaa mid lacag ay ugu soo ururiso ciidammada nabad-ilaalinta Afrika oo, sida Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ka sheegay shirkii London ee 2017kii, “u jooga Soomaaliya inay ka hortagaan halis dunida uga iman karta” xoogag argaggixiso ah oo ku sugan dalka. W/Q: Liibaan Axmad Email: libahm@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wariyaha la dilay Jamal Khashoggi Dowladda Sacuudiga ayaa caruurta suxufigii la dilay ee Jamal Khaashuqji siisay guryo ku fadhiya malaayin dollar, islamarkaana bil walba u qortay kumanaan dollar, sida uu qoray wargeyska Washington Post. Khaashuqji, oo cambaareyn jiray dowladda Sacuudiga islamarkaana wax ku qori jiray Washington Post, ayaa bishii October ee 2018 lagu dhex dilay kadibna meydkiisa lagu jarjaray gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Lacagta loo qoray caruurta Khaashuqji – oo ah laba wiil iyo laba gabdhood – ayaa “qeyb ka ah dadaal ay dowladda Sacuudiga ku dooneyso in heshiis waqti dheer ah la gasho xubnaha qoyska Khaashuqji, kaasi oo lagu xaqiijinayo inaysan si shaacsan uga hadal dilka aabahood”, sida uu qoray Washington Post. Guryaha la siiyey caruurta Khaashuqji ayaa ku yaalla magaalada Jeddah waxaana qiimahooda lagu sheegay afar milyan oo dollar. Wiilka ugu weyn qoyska oo lagu magacaabo Saalax ayaa qorsheynaya inuu kusii noolaado Sacuudiga, halka saddexda kale oo ku nool dalka Mareykanka ay doonayaan inay iibiyaan guryahooda, sida wargeysku qoray. Ka sokow guryaha, caruurta ayaa bil walba heli doona lacag 10,000 oo dollar ah, waxaana la filayaa inay helaan lacag kale oo intaas ka badan oo tobonaan milyan oo dollar ah, sida ay tiri warbixinta. Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu eedeeyey inuu amray dilka Khaashuqji. Qaran News
-
Istanbul (Caasimada Online) – Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa go’aansaday inuu diidmo ka gudbiyo natiijooyinka doorashooyinkii dhammaan 39-ka degmo ee magaalada Istanbul, sida uu weriyey wargeyska Hurriyet. Go’aankan ayaa ka dambeeyey kadib markii natiijada codbixinta ay muujisay inuu codad yar ku hoggaaminayo musharaxa xisbiga mucaaradka. Xisbiga AKP ayey u badan tahay inuu lumiyo maamulka labada magaalo ee dalka ugu weyn ee Istanbul iyo Ankara, taasi oo dib-u-dhac aan la fileyn ku ah qorshaha madaxweyne Erdogan uu kula dagaalamayo dhaqaale-xumida dalka. Musharaxa xisbiga mucaaradka CHP ee duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu iyo musharaxa la loolamaya ee xisbiga AKP, ahna ra’iisul wasaarihii hore, Binali Yildirim, ayaa labaduba sheegay in Imamoglu uu horreeyo qiyaastii 25,000 cod. Xisbiga AKP ayaa sheegay in uu isticmaalayo xuquuqda uu u leeyahay inuu diido natiijada codbixinta, oo ay ka dhaceen qaladaad. Waqtiga loogu talo-galay in xisbiga uu racfaan ka qaato natiijada ayaa ku ekaa shalay 12:00 PM ee xilliga Istanbul. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukuumada Somaliland ayaa bishu markay aheyd 14.02.2019 aqbashey warqad ay u soo gudbisay dawlada Jabuuti taas oo aheyd in Hargeysa laga furo Dacwad ka dhan ah Ganacsade Axmed Cismaan Geele isla markaana hantidiisa la xayiro inta ay dacwadu socoto . Warqadan oo ku qoran Afka Faransiiska ayaa waxaa ogolaatey oo shaanbadeysay Wasaarada Arimaha dibada Somaliland gaar ahaan waxaa shaanbada ku dhuftey Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Sidoo kale Warqadan waxaa iyaduna ogolaatey Wasaarada Cadaalada Somaliland waxaana shaanbada ku dhuftey oo waliba saxeexiisa gaar ah raaciyey Agaasimaha guud ee wasaarada Cadaalada Cabdiraxmaan Musaabaqo Dhinaca kale Warqadan waxaa laga cashuuray xeer ilaalinta Somaliland oo iyaduna ku dhejisay jiwanka Cashuur qaadista ee dacwada lagu dhejiyo marka la soo cashuuro Hadaba waxaa halkan ku cad in warqadan dalka Jabuuti ka timid ee dacwada ah ay xukuumadu aqbashey , balse waxaan jirin wax waaran qabasho ah oo loo jaray ganacsade Axmed Cismaan Geele Halkan Hoose Ka Akhriso Warqada Iyo Saxeex-yada Ku Yaala Qaran News
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday qorshe cusub oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada Muqdisho, waxaana qorshaha qeyb ka ah howlgalo ciidamada amaanka ay sameynayaan. Balse dadka falanqeeya amaanka ayaa isweydiinaya dowladda Soomaaliya labo sano kadib Ma Muqdisho ayay difaac ka gashay mase amaanka ayaa dhagxaan lagu sugayaa. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhagxaan badan dhigay waddooyin markii hore caadi ahaa, iyadoo sidoo kale dhagxaanta lagu arkay isgoysyo kaliya gaadiidka ay kasoo leexan karayeen, maadaama jidcadayaashii oo dhan dhagxaan lagu jaray. Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay dhagxaantaasi u noqdeen difaac ay ka galaan weerarada ay geysanayaan Al Shabaab, waxaana cadeynaya in dhagxaan badan la dhigay gooobo markii hore caadi ahaa oo cabsi aysan ka jirin. Isgoysyada Banaadir, Tarabuunka, Sanca iyo Siinaay oo markii hore ciidamo kaliya ay joogeen hadda qaarkood dhagxaan ayaa la dhigay, waxaana adag gaariga isticmaalaya wadada wadnaha inuu si sahal ah ugu soo leexo degmooyinka ku teedsan wadada Wadnaha ee soo xiga dhanka madaxtooyada. Al Shabaab ayaa ku goodiyay inaysan joojineyn weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen inay beegsan doonaan meelaha saldhigyada iyo xafiisyada u ah madaxda dowladda. Iyadoo sidaasi maalmihii ugu dambeeyay dhagxaan badan loogu xiray waddooyinka ayaa haddana mararka qaar wali waxaa dhacaya qaraxyada Al Shabaab geysanayaan, taasi oo ka dhigan in dowladda ay Muqdisho difaac kasii gashay. Waxaa waxaa jirta digniinaha laamaha amaanka iyo sirdoonka ajaaniibta ay ka bixinayaan weeraro Al Shabaab ka geysan karaan magaalada Muqdisho, waxaana cabsi ay ku abuurtay shacabka Muqdisho. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay arrinta sida weyn looga hadal hayo Somaliland ee ganacsade Axmed Geelle. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa beeniyay inay xukuumada Biixi ay bixisay amar qabasho oo ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geelle, oo la sheegay inuu dowladda Jabuuti ka galay fal-dambiyeed. Wasiirka ayaa arrintan ku beeniyey shir jaraa’id oo maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasi oo uu kaga hadlayey arrimaha doorashooyinka Somaliland. “Ma haynaba arrinkaas, anigu waarankaas ma hayo, wasiirka Daakhiliga aniga ah oo dee aniga ayuu iigu hor iman lahaa, arrinkaasi waa la been abuuraya, ganacsadahaana meel baa lagaga dhacaya, waaran wax la yidhaa oo aanu hayno oo Axmed Cismaan Geelle loo soo gooyay ma hayno, cidda sheegaysana waa cid sheeko abuur iyo arrimo kale iyo ujeedooyin kale leh” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin Axmed. Sikastaba, Dhowaan unbey aheyd markii Wasaarada Cadaalada Somaliland ay soo saartay warqad amar qabasho ah oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, taasi oo lagu amrayo qabashada Axmed Cismaan Geelle oo ah ganacsade weyn oo reer Somaliland. Warqada amarka qabasho ee kasoo baxday xafiiska Wasiirka Cadaalada, ayaa si toos ah ugu socotey Wasaarado ay kamid tahay, Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland oo wasiir ka yahay Maxamed Kaahin. – Halkan riix oo akhriso warqada amarka qabasho ee ganacsadaha. Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Habeen-04022019.mp3 View the full article
-
Guddi isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Galan ayaa maanta kormeer ku tagay xarumo ay ka midyihiin Taliska [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada amaanka ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho. Sidoo kale taliska ciidamada Booliska ayaa ka hadlay gaari hilib waday oo ciidamada amaanka ay ku qabteen Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay inuu ku wajahnaa degmada X/Weyne. Zakiya Xuseen Axmed oo ah taliye ku xigeenka ciidamada booliska oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ciidamada ay qabteen gaari waday Hilib kaasi oo isku dayay inuu isgoysyo badan kaga soo gudbo dhanka degmada X.weyne. Zakiya ayaa sheegtay in darawalka gaariga uu diiday in gaariga iyo waxyaabaha saarnaa la baaro, isaga oo isku dayay in ciidamada uu ku qanciyo inay lacag qaataan si ay usii daayaan. Dhinaca kale taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ayaa sheegtay in la qabtay oo xabsiga la dhigay 23 askari oo lagu eedeeyay inay musuq maasuq sameeyeen. Ganacsato ayay sidoo kale sheegtay inay qeyb ka ahaayeen dadka ay qabteen ciidamada amaanka, islamarkaana dhawaan cadaalada la horkeeni doono, maadaama ay sameeyeen musuq maasuq. Walow aysan cadeyn nooca musuq maasuqa, haddana askarta qaar ayaa ku eedeysan inay laaluush ka qaadayeen gaadiidka qaar, iyaga oo u ogolaanayay inay ka gudbaan goobaha ay joogaan. Ciidamada Dowladda ayaa wixii ka dambeeyay 30-kii bishii tagtay Maarso waxa ay kordhiyeen howlgalada lagu sugayo amniga Caasimadda, waxaana kormeerayay guddiga Xukuumadda ay u xilsaartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Doorasho maanta ka dhacday Muqdisho oo ahayd mid lagu buuxinayay kursigii uu ka geeriyooday marxuum Cismaan Cilmi Boqorre oo dhawaan lagu dilay Xamar ayaa waxaa ku guuleystay wiil uu marxuumka oo lagu magacaabo, Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre. Xildhibaan Cadnaan Boqorre ayaa waxaa la tartamay Axmed Cismaan Xaashi balse dad badan oo doorashada ka ag-dhawaa waxay daboolka ka rogeen in ruuxa la tartamay guuleystaha uu ahaa magic-u-yaal. Ergooyinkii codka dhiibayay oo tiradoodu ahayd 51-ruux ayaa waxay codkii ay dhiibteen uu kala ahaa sidan; musharax Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa helay 48-cod, halka Axmed Cismaan uu helay laba cod oo keliya, sidoo kalena waxaa xumaaday hal cod. Guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in kursiga xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday marxuum Boqorre uu ku guuleystay wiilkiisa Cadnaan Cismaan Cilmi Boqorre, uuna maanta wixii ka dambeeya yahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ama aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia. Sidoo kale, Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in xubnaha doortay Cadnaan Boqorre ay shank a mid ahaayeen walaalihiis, waxaana falkan uu noqonayaa midkii ugu horreeyay noociisa oo lagu soo doorto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka. Ugu dambeyn, Marxuum Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ahaa qofkii ugu da’da weynaa baarlamaanka 10-aad, waxaana kooxo hubeysan ay 23-kii Feberayo sanadkan ay ku dileen degmada Kaaraan, waxaana marxuumku uu kasoo jeeday gobollada waqooyi ee Somalia. PUNTLAND POST The post Wiil uu dhalay Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta loo doortay Xildhibaan appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (PP) ─ Siyaasi ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay dhaqaale siiso Al-shabaab, taasoo qayb ka ah gargaarka Somalia uu ugu deeqo caalamka, si loogu caawiyo shacabka ay dhibaatooyinku ku hansadeen. Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay 10% dhaqaalaha ku baxa gargaar ay Al-shabaab siiso, si ay u fududeeyaan in gaargaarkiisa la gaarsiiyo goobaha loo wado deeqaha. Golaha Ammaanka ee QM, ayaa dhawaan meel-mariyay qaraar lagu diiday in xiriir maaliyadeed lala yeesho kooxaha Argagixisada ah ama xitaa loo diro lacago goobaha ay ku sugan yihiin. Sidoo kale, Macharia Kamau ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay lacag ku bixiso sidii gargaarka ay geyso Somalia uu u gaari lahaa goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab loona gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee dhulkaas ku nool. Dhanka kale, Siyaasigan ayaa hadalkiisa ku daray in lacag dhan 12-bilyan oo shilinka Kenya ah ay Qaramada Midoobey Sanadkiiba uga baxdo Al-shabaab, taasoo ay ku helaan ogolaansho gargaarka lagu gaarsiiyo meelaha ay dadka gargaarka u baahan ku sugan yihiin. Kooxda Al-shabaab ayaa ka talisa deegaano ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Somalia, halkaasoo qaarkood aysan ka shaqeyn ha’yadaha ku shaqada leh gargaarka. Ugu dambeyn Hadalka kasoo baxay sarkaalka u hadlay Dowladda Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli khilaaf aan weli la xallin uu u dhexeeyo Dowladaha Somalia iyo Kenya, inkastoo labada madaxweyne ay kulammo horay u yeesheen. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay in ay dhaqaaale siiso Kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliska Booliska Somalia ayaa faah-faahinno ka bixiyay hawl-gallo ka socda Muqdisho, kuwaasoo lagula dagaallamaayo falal amni-darrada ee ka dhaca Muqdisho iyo musuq-maasuqa dalka ka jira. Hadal ay soo saartay taliye ku-xigeenka Booliiska Somalia, Zakiya Xuseen Axmed ayay ku sheegtay in hawl-gallo ballaaran ay socdaan, isla markaana la xiray 23-askari oo ka tirsan booliiska Somalia. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegtay in askarta la xiray lagu soo eedeeyay falal la xariira musuq-maasuq, isla markaana dhawaan cadaaladda la hor-keeni doono, si looga abaal-mariyo falalka gurracan ee ay ku kaceen. Dhanka kale, Zakiya Xuseen ayaa ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka dalka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka, gaar ahaan midka caasimadda oo dhawaanahan laga dayirinayay. Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Muqdisho laga billaabay qorshe lagu sugayo amniga, waxaana ciidamada ku sugan baraha koontaroollada ah horay loogu eedeeyay inay fududeeyaan gaadiidka loo adeegsado Qaraxa. Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo ka tirsan booliiska iyo kuwa kale ee dalka loo xiro arrimo la xiriira musuq-maasuq ay ku kaceen, sida inay ka qaadan jireen xeryo kala duwan mushaaraad, taasoo haatan u muuqata in lasoo af-jaray. Ugu dambeyn, Ciidammo fara badan oo loogu talo-galay inay ammaanka caasimadda sugaan ayaa waxaa la dhigay inta badan waddooyinka Xamar, kuwaasoo gaadiidka u diidaya inay magaalada isaga gooshaan. PUNTLAND POST The post Ciidammo Booliis ah oo loo xiray arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo amni-darro appeared first on Puntland Post.