(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isaga oo kuwo cusubna xadhigga ka jaray.
Madaxweynaha oo ku gudo jira maalintii shanaad ee safarka shaqo ee uu ku joogo qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa ugu horrayn kormeeray xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer, isaga oo xadhigga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa la dhammeeyey, dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Huteel Kaafi ee magaalada Burco.
Madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha dawladda ee uu kormeeray iyo kuwa uu xidhigga ka jaray, kuwaas oo si hufan u faahfaahiyey dedaalka ay ugu jiraan inay casriyeeyaan goobaha ay masuulka ka yihiin, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee goobahaas ka taagan.
Shacabka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada, waxana ay si kal iyo laab u soo dhaweynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa hawlaha shaqo halkaas u jooga.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs Fowziyo Abiikar Nuur iyo wafdi heer caalami ah oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa maanta gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.waxaanna wafdigaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya
Agaasimaha xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO Dr.Axmed Al-Mandhari oo wafdiga WHO hoggaaminaya ayaa waxaa lagu wadaa in ay u kuur galaan xaaladaha caafimaad ee deegaanada dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.
Mudada ay wafdigaan ku joogaan booqashada deegaanada Koonfur galbeed, waxay booqan doonaan xarumaha caafimaadka oo ka mid yihiin Isbitaallada,goobaha Bukaan- socod eegtooyinka iyo hubinta xaaladaha caafimaad ka jira xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.
“Shirkii Todobaad laha ahaa ee hanaanka Deyn-Cafinta Soomaaliya SMP waxaa maanta nagala soo qeyb galay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo aan warbixin ka siiyay shirkii dhawaan Addis Ababa inoogu soo gaba gaboobay ee dib u eegista SMP4 ayuu yiri.“ wasiir Beyle.
Dhankiisa Khayre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay fulin doonto dhammaan qorshaha lagu doonayo in dhamaan deymaha loogu cafiyo Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ugu jirto, sidii loo hormarin lahaa kobaca dhaqaalaha Soomaliya
Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu meel wanaagsan marayo dadaallada deymaha lagu cafinayo dalka.
Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa maanta xafiiskooda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland kula kulmay guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kulankiisan u horreeyay ee uu la yeeshay guddiga doorashooyinka Puntland wuxuu kaga dhegaystay warbixin la xiriirta qorshayaashooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka xisbiyada badan ee Puntland.
Af-hayeenka guddiga Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda u faahfaahiyay ayaa sheegay in guddigu ay safiirka u soo bandhigeen qorshaha ay doonayaan in ay ku hawlgalaan maadaama ay dhowaan xilka la wareegeen oo weli hawlahoodu bilow yihiin.
Sidoo kale wuxuu sheegay in guddoomiyaha guddiga Guuleed Saalax Barre uu safiirka warbixin ka siiyay sida ay ku socdan hawlaha guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland iyo sida ay uga go’antahay hirgelinta barnaamijka loo igmaday ee doorashooyinka xisbiyada badan ee Puntland.
Af-hayeenka ayaa dhinaca kale tilmaamay in safiirka Midowga Yurub uu si fiican ugu riyaaqay warbixinta guddiga islamarkaana uu ballan-qaaday in Midowga Yurub uu taageerayo buuxda siin doono guddiga doorashooyinka Puntland si ay u taabba-geliyaan hawlaha horyaalla.
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs Fowziyo Abiikar Nuur iyo wafdi heer caalami ah oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa maanta gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.waxaanna wafdigaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya
Agaasimaha xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO Dr.Axmed Al-Mandhari oo wafdiga WHO hoggaaminaya ayaa waxaa lagu wadaa in ay u kuur galaan xaaladaha caafimaad ee deegaanada dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.
Mudada ay wafdigaan ku joogaan booqashada deegaanada Koonfur galbeed, waxay booqan doonaan xarumaha caafimaadka oo ka mid yihiin Isbitaallada,goobaha Bukaan- socod eegtooyinka iyo hubinta xaaladaha caafimaad ka jira xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.
Nin gabbaan hadduu hadal ka yahay waa gagabiyaaye – Abyan
Waxa dhowaan baraha bulshada soo galay qoraal-miskiin uu leeyahay nin mar masuul ka noqday dawladihii hore u soo maray Somaliland. Horta ilaahay ha loogu mahad naqo inaan shakhsi garashadiisa iyo garaadkiisu intaas gaadhsiisan yahay aanu hadda xil qaran hayn, ilaahayna ha laga baryo inaanu xil damabe qaban.
Maxamed Dauud wuxuu ku doodayaa in beelaha dega gobolkii Waqooyi Galbeed ee Hargeysa, Berbera iyo Borama ay goostaan gobolkaas ka dibna ay heshiis la galaan Ethiopia si ay u dilaalal 100 million oo Ethiopian ah. Ma jiro dad la dilaala, waxanse filayaa inuu u jeedo ganacsiga iyo wax soosaarka dadkaas ayaan dilaalayaa. Wuxuuna tusaale u soo qaatay sidii Hong Kong u dilaali jirtay alaabtii warshadihii dawladda ee China xilligii shuuciyada ay China ku jirtay ee ganacsiga gaarka ahi uu mamnnuuca dalkaas ka ahaa.
Maxamed Daauud miyaanu ka warhayn in nidaamkii shuuciyada, gaar ahaana qaybtii dhaqaalaha, muddo ka badan laabaatan sano ka hor laga laalaabay China iyo Ethiopiyaba. Miyaanu la socon in China iyo Ethiopiyaba ay ka jiraan shirakadaha gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn dunida ee waxna soo saara waxna iibiya. Bahasha qarandida la ydhaaho oo ah xayawaan foorara ayaa la yidhaaha marka dayaxa shan iyo tobnaadku soo baxo ayay ku war heshaa in bil cusubi dhalatay, markaasay tidhaahdaa bilay bil caanood. Ninkani mudadaa soddonka sano ku dhow ee dunidu sidan isu bedelaysay muxuu ku fooraray.
Wuxuu nikaasi soo jeedinayaa in beelaha bariga Somaliland dega oo sida muuqata uu ku wareeray, ay iyana Somaliya ku biiraan. Lixdanadii markii dalki Somaliya uu xornimada qaatay, ayaa dadka qaar ku wareereen Majeerteenka, sida uu maanta Maxamed Dauud ugu wareeray dadka goboladda bariga dega, waxayna tiriyeen shiribkii caan baxay ee – Marna waa Risaaq (Cabdirisaaq Xaaji Xuseen), marna waa Rashiid (Cabdirashiid Cali Sharmarke), inta kale ma rootibaa. Maxamed Daauud horta rooti iyo hadhuudh midna matihid, jahawareer baase kugu dhacay, waxoogay jacayl qoti ahina waa ku hayaa. Waxa dhaba in gobolada galbeedka wax weyn looga haysto qotida oo hadda raysal wasaaraha Ethiopia yahay aadna la isu dhexgalay oo loo kala guursan jiray, waan taa inta badan hadalka ninkani tuu ku qotomo. Waxanse Maxamed u sheegayaa in dalkan Somaliland la yidhaaho dadkiisuna ay yihiin Somali nadiifa oon la tarraxin. Haddii jacayl qoti kugu dhacay adiga iyo kula fikirka ahiba u taga, haddii aad lacag doon tahayna booshari iska furo, laaiikn siyaasadda ka fogow, caafimaadkaaga iyo danta dalkuba sidaasay ku jirtaaye.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ganacsiga dalka Kuwait ayaa ku dhawaaqday in ay gabi ahaan mnuucday dhuxusha looga dhoofiyo gudaha Soomaaliya.
War qoraal oo ah ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inay ka cabsi qabto in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso.
Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in wasaaradda ganacsiga Kuwait ay aragtay warbixino ka soo baxay Qaramada Midoobay, kuwaas oo sheegaya inay si toos ah si dadban lacagaha laga helayo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya lagu malgeliyo kooxda Al-Shabaab.
“Wasaaradda waxaa ay mamnuucday dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, kadib markii ay timid cabsi ah in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso.” ayaa lagu yiri warkan.
Go’aankan ayaa saameyn daran ku yeelanaya Al-Shabaab oo dhaqaale badan ka hesho dhuxusha sida sharci darrada ah ee laga dhoofiyo gduaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dekedda weyn magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Dhuxusha laga dhoofiyo dekeddaasi ayaa lagu eedeyey inay ku lug leeyihiin ciidamada Kenya, inkastoo xukuumadda Nairo ay ka hortimid eedeymahaasi.
(SLT-Gabiley)-Maayirka Magaaladda Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa lagu eedeeyay in uu xabsiga Dhigay Aqoonyahan Axmed Ciisood oo ka mid ah dhalinyaradda Ku nool Magaaladda Gabiley.
Axmed Ayaa bogga uu ku leeyahay Facebookga ku baahiyay sawirka guri uu sheegay in uu magaaladda Gabiley ka dhistay Duqa Magaaladaasi.
Qoraalkaasi uu ku baahiyay Boggiisa ayaa waxa uu udhignaa sidan “Waddadaas oo 2 km ah imika waxa la dhisa Maca Habeenkii si Madaxwaynuhu Xadhiga Uga jaro Marka uu yimaado Sida la filayo Waxaan Jeclaan lahayn In Gurigas Fooqa ah oo Maayarku ka dhistay Cashuurtii danyarta isna madaxwaynuhu xadhiga ka jaro ilayn waa Hanti Dadwayne Laguna Daro Hantida Dawladda” ayuu ku yidhi qoraalkiisa.
Baraha ay bulshada ayaa la soo dhigay qoraalo lagu cambaaraynayo xadhiga Axmed Ciisood, waxaana loogu baaqay duqa Magaaladaasi in uu xorriyadiisa u soo Celiyo Aqoonyahan Axmed Ciisood
(SLT-Hargeysa) Prof Cabdi Cali Jaamac agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa sharraxay sababo uu sheegay in aanay marnaba macquul u ahayn in shirkaddo gaar loo leeyahay iyo dawladu ay ku tartanto shidaak keenista dalka, Halkan hoose ka DAAWO
Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada Asluubta maamulka Somaliland xalay loogu geystay gudaha magaalada Laacaanood xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.
Sida ay ilo lagu kalsoonyahay u sheegeen Caasimada Online dilkan ayaa waxaa fuliyey askari kale oo ka tirsan ciidanka Somaliland, kadib markii uu mursan soo kala dhexgalay.
Sidoo kale waxaa rasaasta uu furay askarigaasi ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah oo ka agdhawaa halkaasi.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyey dhadadaasi uu goobta isaga baxsaday.
Saraakiisha ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay ku raad joogaan askarigii ka dambeeyey dilkaasi.
Xaaladda amni ee Laascaanood ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aan wanaagsaneyn, iyadoo marar badan dagaallo ay ka dhaceen gudaha magaaladaasi.
(SLT-Laascaanood)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dilay Askari ka tirsnaa Ciidanka Asluubta Somaliland.
Dilkaas ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka xabsiga Laascaanood, isla markaana ninka hubeysnaa uu rasaas dhowr ah ku furay Askari ka tirsanaa Ciidanka Asluubta xili uu halkaas ku sugnaa Badhtamaha Magalada, isagoona goobta ku geeriyooday.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta lagu furay Askariga dhaawac uu ka soo gaadhay qof shacab ah oo la tilmaamay in Haweeney ay aheyd, waxaana loolal cararay Cisbitaalka guud ee Laascaanood.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa xalay waxaa ay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Laascaanood, iyagoo ku raadinayay qofkii ka dambeeyay dilkii halkaas ka dhacay.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo ay uga hadlayaan dilkii loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Somaliland iyo howlgalkii xalay laga sameeyay halkaas.
(SLT- Afghanistan)-Millatariga Afghanistan oo taageero ka helaya ciidanka Mareykanka ayaa dilay laba hoggaamiye oo ka titsan ururka Taliban, kadib howlgal ka dhacay waqooyiga galbeedka Dalkaas.
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca Afghanistan, ayaa lagu xaqiijiyay in Mawlawi Nuuradiin iyo afar sargaal oo kale lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ah dhacday degmada Dara-e-Soof Payeen.
Dhanka kale afhayeenka ururka Taliban Sabiixullaahi Mujaahid ayaa beeniyay warkan, waxaana uu sheegay in uu nool yahay Mawlaawi Nuuradiin oo ah waaliga waqooyi ee ururka Talibaan.
Duqeyntan ayaa imaaneysa kadib markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii nabada ee uu hore ula galay Ururka Talibaan.
Muqdisho (Caaasimada Online) – Diyaarad gaar ah oo siday dhaawacyada mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo shalay qarax lagu dhaawacay ayaa saaka la keenay gudaha magaalada Muqdisho.
Dhaawacyada mas’uuliyiintan oo ah kuwa culus ayaa waxa ay diyaaradu ka soo qaaday degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee gobolkaasi, Cabdifitaax Xaaji Cabdulle aya sheegay in dhaawacyadaasi ay ka mid ahaayeen duddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley, xoghayaha degmadaas iyo midka mid ah saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka.
Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa tilmaamay dhaawacyada mas’uliyiintan lagu dabiibi doono Muqdisho, islamarkaana uu alle uga baryayo caafimaad deg deg ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka maamul ahaa ay wadaan baaritaano dheeraad oo ku aadan qaraxa miino ee kolonyadii ay la socdeen mas’uuliyiintaasi lagula eegtay deegaanka Abiikarow oo hoostaga degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda, qaraxan, waxaana ay shaacisay in bartilmaameedka uu ahaa mas’uuliyiinta maamulka degmada Qoryooley.
Maalin ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale qarax miino Al-Shabaab ay ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka HirShabelle, kaas oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
(SLT- Israa’iil)-Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Israa’iil oo isir naceyb xooggan kala kulmaya dadka asal ahaan u dhashay dalkaasi ayaa dibadbax xooggan ka dhigay magaalada Natanya.
Dadkaan ayaa dalbanaya in cadaalada la marsiiyo wiil 19 jir ah oo lagu magacaabi jiray Solomon Teka oo laba bilood ka hor askari booliska ka tirsan uu toogasho badheedh ah ku Dilay.
Banaanbaxayaasha oo watay shumac iyo sawirka wiilkan ayaa iskugu baxay habeenimadii xalay mgaalada waqooyi ee Natanya iyaga oo ku qeylinayay cadaalad ha helo Solomon.
Dilkaan ayaa dhacay bishii June markaasi oo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee ku sugan Israa’iil dhigayeen falal ay kaga soo horjeedaan midabtakoorka ay la Kulmayaan.
Dalka Kuwait ayaa waxaa uu mamnuucay dhusha looga qaadi jiray Soomaaliya, sidaasi qoraal ka soo baxay wasaaradda ganacsiga ee dalkaasi.
“Wasaaradda waxaa ay mamnuucday dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, kadib markii ay timid cabsi ah in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso”, sidaasi waxaa lagu qoray Al-Rai daily.
Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey oo ay aragtay wasaaradda ganacsiga Kuwait waxaa ku xusnaa in dakhliga ka soo xarooda dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya si toos ama si dadbanba loogu maalgeliyo argigixisada .
Dadaaladan ay Qaramada Midoobey ku joojineyso dhuxusha laga qaado Soomaaliya waxaa ay qeyb ka tahay in la soo afjaro ilaha ay dhaqaalaha ka helaan kooxaha argigixisada.
Kooxda “The monitoring group” ayaa horay u sheegay xiriir soke oo Al-shabaab iyo Kenya ka dhaxeeya oo ah xagga ka ganacsiga dhuxusha, taasi oo ay Nairobi beenisay.
(SLT-Nairobi)-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in illaa afar qof oo Soomaali ahaa ay ku dileen gobolka Tanariva ee dalka Kenya, kadibna ay gubeen.
Rag hubeysan oo aan illaa iyo hadda la garan ayaa la sheegay in ay fulieen dilkaasi arxan darrada ah.
Afarta qof ee la toogtay, kadibna la gubay meydadkooda ayaa 2 ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay, Xuseen Cali iyo Mustaf Cali.
Sidoo kale labada qof ee kale ayaa la sheegay in ay ahaayeen darawallo ka shaqeeya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, iyada oo ay arrintan walaac badan ku abuurtay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Tanariva.
Dhanka kale ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda Kanya inay gacanta lagu soo dhigto kooxihii ka dambeeyey falkaasi.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Kenya oo ku saabsan dhacdadaasi, basle waxa ay saraakiisha dalkaasi sheegeen inay baadhi doonaan falkaasi.
(SLT-Iran)-Dowladda Iiraan ayaa beenisay eedeyn uga timid Mareykanka oo aheyd inay xukuumada Tehran ay ka danbeysay weerarkii lagu qaaday laba xarun oo laga soo saaro shidaalka oo ay leedahay shirkada Aramco.
Dhanka kale dowladda Sacuudiga ayaa ku guulleysatay inay dib u howlgaliso xarumaha Abqeyq iyo Khureys oo dab ka kacay markii diyaaradaha duqeeyeen.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa qoraal uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in Iiraan ay bilowday in ay weerarto xarunta ugu weyn ee laga soo saaro tamarta Adduunka.
Marka laga soo tago eedeynta uu u jeediyay Iiraan hadane ma jirto caddeyn uu soo bandhigay xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo.
Amniga magaalada ayaa la sheegayaa in la adkeeyey, ujeedka safarka Farmaajo waa inuu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug uga socda caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb.
Shirkan oo socday in ka badan 10 maalin, waxaa lagu gorfeeyey khilaafaad ka dhex jiray beelaha dega maamulka, waxaana la gaaray heshiis.
Nairobi (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in illaa afar qof oo Soomaali ahaa ay ku dileen gobolka Tanariva ee dalka Kenya, kadibna ay gubeen.
Afarta qof ee la toogtay, kadibna la gubay ayaa labo ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay, Xuseen Cali iyo Mustaf Cali.
Sidoo kale labada qof ee kale ayaa la sheegay in ay ahaayeen darawallo ka shaqeeya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, iyada oo ay arrintan walaac badan ku abuurtay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Tanariva.
Dhanka kale ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda Kanya in ay gacanta lagu soo dhigto kooxihii ka dambeeyey falkaasi.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Kenya oo ku aadan dhacdadaasi, basle waxa ay saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay baari doonaan falkaasi.
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil xalay suuqa Bakaaraha loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada Minashiibiyada ee dowladda Soomaaliya.
Dilka ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa Boolika degmada Howlwadaag ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey halkaasi.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka askarigaasi, sida lagu baahiyey boggagooda Internet-ka.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ay laamaha ammaanka Soomaaliya ka soo saareen dilkaasi oo qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey Muqdisho.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Burundi ayaa war ka soo saartay weerar in ka badan 10 askari looga dilay oo malin ka hor ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sarkaal sare oo ka tiran ciidamada dalkaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi oo jidgal ah looga dilay illaa 12 askari oo ka mid ahaa ciidamadooda ka howlgala gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Sidoo kale sarkaalkan ayaa shaaciyey in weerarkaasi looga dhaawacay 6 askari, isagoo sheegay in xilliga uu dhacayey ay ciidamadu wadeen howlgal amni xaqiijin ah.
Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii agagaarka deegaanka Gololoey dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku weerareen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Burundi ee ka howlgalka qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.
Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay, illaa 14 askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay.
Inta badan ciidamada AMISOM ayaa weeraro dhabo gal ah kala kulma Al-Shabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Iyo Xadhig Ka-jaris Ku Sameeyey Mashaariic Kala Duwan Oo Laga Hirgeliyey Gudaha Magaalada Burco
in News - Wararka
Posted
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isaga oo kuwo cusubna xadhigga ka jaray.
Madaxweynaha oo ku gudo jira maalintii shanaad ee safarka shaqo ee uu ku joogo qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa ugu horrayn kormeeray xarunta dawladda hoose ee Hargeysa oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer, isaga oo xadhigga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa la dhammeeyey, dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Huteel Kaafi ee magaalada Burco.
Madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha dawladda ee uu kormeeray iyo kuwa uu xidhigga ka jaray, kuwaas oo si hufan u faahfaahiyey dedaalka ay ugu jiraan inay casriyeeyaan goobaha ay masuulka ka yihiin, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee goobahaas ka taagan.
Shacabka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada, waxana ay si kal iyo laab u soo dhaweynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa hawlaha shaqo halkaas u jooga.
Source