Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Somaliland: Parliament Breaks Records For Longest Sitting Without Elections

    The current Somaliland House of Representatives has surpassed the previously held record by the “Long Parliament” of the 17th century between 1640-1653. That parliament which sat during the English Civil War, held the trail and execution of King Charles I and was forcibly evicted by the soldiers of Oliver Cromwell in 1653.

    The “Long Parliament” sat for 3,322 days. The current Somaliland House of Representative was elected in 2005 and it’s mandate expired in 2010, but has been sitting on extension after extension for 14 years, that is 5110 days and counting.

    There is doesn’t seem to be an end in sight.

    With the announcement by the discredited Somaliland National Elections Commission, (NEC) that the vote scheduled for December 12th, 2019 will not take place, this will most assuredly ensure that the current Somaliland parliament will enter the annals of history as the longest in living memory.

    This is not something to be proud of, if we are serious about our democratic progress and credentials. We need to hold elections as soon as possible, for the sake of the nation, for the sake of peace, stability and progress.

    If, Somaliland is unable to live up to it’s well earned reputation as “a small miracle in a region of mayhem”, then the country is in peril.

    Qarannews.com

    Qaran News


  2. Xisbiga UPD ayaa ahaa xisbigii siyaasadeed ee ugu horeeyey ee u hambalyeeya xulista iyo dhaarinta xubnaha baarlamaanka Jubbaland, Xisbiyada UPD waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah iyo hey’adaha amniga iney dhowraan dastuurka, kana digtoonaadaan faragelin toos ah iyo mid dadnan.

    20190813_190217-725x1024.jpg

    Xisbiga Wadajir oo ka mid ahaa axsaabtii ka hambalyeysay dhaarinta xildhibaannada Jubbaland ayaa dhankiisa cambaareeyey ficilo ay sheegeen in hoggaanka sare ee DF ku doonayo inuu xasilooni darro ka abuuro Jubbaland.

    IMG-20190813-WA0035-649x1024.jpg

    Xisibiga Himilo Qaran ayaa soo dhoweyn kadib waxaa uu ugu baaqey Jubbaland iney ka shaqeeyaan xasiloonida iyo amniga.

    20190813_190947-724x1024.jpg

    Dhinaca kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo dhoweysay dhaarinta xildhibaannada Jubbaland iyada oo ku boorisay xildhibaannada in doorashada guddoonka iyo madaxweynaha u qabtaan si daah furan.

    68635044_2109093136062447_2425858727769800704_n.jpg?_nc_cat=101&_nc_oc=AQkjG3oJh3z0nXXTr7vrkyTnd50QyUp3jlLXX9k1_G6FsmTGO4Cxx2ppprYBY0RQNTM&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=80df8f71f81d29d8a82b940578591e35&oe=5DC754FF

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa taageeray xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland maanta loo dhaariyey, ayaga oo soo saaray warsaxaaafdeedyo kala duwan.

    Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD, kan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir iyo midka Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran, ayaa dhammaantood taageeray xildhibaanada ay dhaariyeen guddiga doorashada ee uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe.

    Hoos ka aqriso warsaxaafadeedyada

    Warsaxaafadeedka xisbiga UPD

    Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu u hambalyeynayaa xildhibaanada cusub ee dawlad goboleedka Jubaland ee maantey lagu dhaariyey. magaalada Kismaayo caasimadda ku meelgaarka ah ee DG Jubaland, tallaabadaas oo aheyd mid horey loo qaadey Isla markaana bilow u ah in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Jubaland ay waqtigeedii ku qabsoonto.

    Waxaa sidoo kale xisbiga UPD uu bogaadinayaa hawsha ballaaran ee illaa iyo hadda ay qabteen Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubaland iyo sida ay uga dhabeeyeen jadwalkii ay horey u degsadeen ee tilmaamayey geedi-socodka doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland.

    Xisbiga UPD oo cuskanaya qodobka 120-aad ee dastuurka dalka ee qeexaya in dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee Dawlad Goboleedyadu ay yihiin awood u gaar ah dowlad goboleedka, laguna nidaaminayo si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada, waxaan madaxda dawladda federaalka iyo laamaha amniga uga baaqaynaa in ay dhowraan dastuurka dalka, kana digtoonaadaan faragalin toos ah iyo mid dadban intaba, taasoo horseeda karta xasilooni darro ka dhacda deegaanadaas oo fursad siisa kooxaha argagixisada ah.

    68979449_2417430601684512_82391731985753

    Warsaxaafadeedka xisbiga Himilo Qaran

    WARSAXAAFADEED.
    13/08/2018

    Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee uu ku dhawaaqay Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland taariikhdu markay aheyd 12/08/2019.

    Xisbigu wuxuu bogaadinayaa shaqada ay qabteen Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, iyadoo Xisbigu ku baaqayo in doorashada Guddoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha loo qabto si hufan oo nabad gelyo ah.

    Xisbigu wuxuu sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayaa haddii aysan waxba ku soo kordhin karin habsami u socodka doorashooyinka ka socda Jubbaland in aysan carqaladayn, kana fogaato wax kasta oo shacabka reer Jubaland u horseedi kara dhibaato iyo burbur, iyadoo laga fakarayo dano gaar ah oo aan u adeegayn bulshada ku dhaqan Jubbaland iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

    Ugu danbeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka iyo mas’uuliyiinta Jubbaland ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan Xasilloonida iyo amniga Jubbaland, meelna uga soo wada jeestaan wax kasta oo bulshada reer Jubbaland u horseedi kara dhibaato iyo dhiig la daadiyo .

    Dhammaad

    Warsaxaafadeedka xisbiga Wadajir

    68499697_921194821549760_520956211332382

     

     


  4. Hay’adda Somali relief Network ayaa maalintii 3-aad oo xiriir ah, waxa ay xoolo kamid ah Ulxiyadii ciidda Carrafo ka qaybibaysay, qaar kamid ah kaamamka dadka danyarta iyo barakacayaasha ah ee magaalada Garoowe.

    Maanta oo ay ahayd maalinti 3-aad ee ciidul-Adxaa, ayaa hay’addu 20 neef oo ari ah iyo 3 neef oo geel ah, waxay gaarsiisay dadka danyarta ah ee kunool kaamka Jillab ee duleedka magaalada Garoowe.

    Ulxiyadan ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya in ka badan 700 oo qoysas danyar ah, sida ay Puntlandpost u sheegeen mas’uuliyiinta ugu sarraysa hay’adda samafalka ee Somali relief Network.

    Bulshadi ka faa’iidaysatay qaadashada ulxiyada, ayaa hay’adda uga mahadceliyey taageerada ay marwalba u fidiso dadka danyarta ah, waxaana ay sheegeen inay aad uga farxisay maalmaha ciidda.

    Hoos ka eeg sawirada

    • IMG_9523-1.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9524.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9529.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9545.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9557.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9562.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9563.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9571.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9575.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9582.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9586.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9587.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9590.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9591.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9598.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9603.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9617.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9629.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9633.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9658.jpg?w=1000&ssl=1
    • IMG_9662.jpg?w=1000&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Hay’adda Relief oo maalintii 3-aad oo xiriir ah Ulxiyadii u qeybisay barakacayaasha Garoowe appeared first on Puntland Post.


  5. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa kulan Duco iyo Dardaaran ah iskugu yimi bulsho weynta Soomaaliyeed ee dalka kenya, Kulankaasi oo loogu duceynayey gudoomiyihii hore gobolka Banadir ahaana Duqo muqdisho Mudane Cabdiraxmaam Cumar Cismaam Eng Yariisow iyo dhammaam masuuliyiintii kale ee kula geeryootay mashqadii gobolka Banadir ka dhacday 24 bish luulyo 2019.

    Kulankaasi waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Xildhibaanada labada aqal, wasiiro ka tiran golaha xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, Waxaa kaloo kasoo qeyb galay Wasiiro Hore, Xildhibaano Hore, Danjirayaal Hore Iyo Saraakiil Sar sare oo xooga dalka Soomaaliyeed ah.

    Kulanka intiisa badan waxaa loogu duceeyey marxuumintii ku geeryooday qaraxii ka dhacay gobolka Banaadir Waxaa kale kulanka inta uu socoday masuulyiinta khudbadaha jeedinayaa ay la dardaarmeen Ducada kadib xukuumada iyo Shacabka Soomaaliyeed si arintaa oo kale mar danbe aysan u dhicin isla markaasna jawaab waafi ah loo helo wixii gobolka ka dhacay.

    Ma aheyn wax la aqbali karo ina gobolka Banadir oo ah xaruunta labaad ee Calanka jamhuuriyada uu suran yahay markii laga soo tago Xaruunta kowaad jamhuuriyada Filla Soomaaliya, in si sahal ah inta loo galo masuulyiin qiimaha ay qaranka ugu fadhiyaan la ogyahay in si fudud loo laayo kadibna afka la qabsado wax la aqbali karo ma ahan.

    Intaa kadib waxaa ay musliyiinta iyo shacabka soomaaliyeed ee kulan ducada iyo dardaaranka ah iskugu yimi ay iskula dardaarmeen in nabaad iyo midnimada umadda Soomaaliyeed laga shaqeeyo. Gudoomiyaha Madasha Kulmiye Mudane Cabdullaahi Mahdi ayaa u mahadceliyey dhammaan shacabka iyo Masuulyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay kulan Ducada iyo Daraaranka ah ee ay Madasha Kulmiye soo qabanqaabisay.

    67827923_286008425597078_159589074345551 67956704_378179296151095_424614681935819 67889762_487182008761918_439226469914456 67924546_491953184913539_880875821933894 68740004_699474790525009_891653868417030 67885707_740952186347850_485284009986123 68998941_948032565567527_386172913019414 68770674_1408557179282427_12200965239881


  6. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed  Islaam [Axmed Madoobe] iyo xisbiyada siyaasadeed ee Wadajir iyo Himilo ayaa ka hadlay xildhibaannada la dhaariyay ee Jubbaland, iyagoo xubnaha baarlamaanka labaad ee Jubbaland u rajeeyay inuu RABBI u fududeeyo hawlaha loo xil-saaray.

    Axmed Madoobe ayaa xubnahan cusub ee ka mid noqday baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland u rajaynayaa inuu ALLE la garab-galo mas’uuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen, taasoo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku fara-adeygid mudan.

    “Shacabka Jubbaland waxaan ugu baaqayaa inay garab-istaagaan mid ka mid ah hay’adahooda dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taasoo waddada u xaarysa qaybaha ka dhiman oo ay doorashada gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha ugu horreeyaan,“ ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

    Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. in amniga iyo midnimada guud ee Jubbaland la adkeeyo oo shacabka reer Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka, taasoo raad qurux badan u noqonaysa dowlad-nimada iyo dimuquraadiyadda Jubbaland.

    Dhanka kale, Xisbiiyada Himilo iyo Wadajir oo ay kala hoggaamiyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhankooda u rajeeyay xildhibaannada cusub ee Jubbaland inuu ALLE la garab-galo xilka dusha loo saaray, iyagoo xildhiabannada ka dalbaday inay xoojiyaan sidii ay u heli lahayd Jubbaland hoggaan wanaagsan.

    “Xisbiga Wadajir wuxuu cambaareynayaa ficillada aan wanaagsanan ee ay hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka ah uu ku doonayo in Jubbaland ay uga abuuraan xasillooni-darro. Waxaana uga digaynaa inay ka waantoobaan inay carqaladeeyaan doorashada Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaan maanta kasoo baxay xisbiga Wadajir.

    Waxaa kaloo war-saxaafadeed uu arrinta uga hadlay soo saaray xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, waxayna ugu mahad-celiyeen guddiga doorashada Jubbaland, iyagoo sheegay in dadaalka ay ku bixyeen inay soo xulaan xildhibaanno ay ugu bixiyaan in si hufan loosoo doorto xilka madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka Jubbaland.

    “Doorashada soo socota waxaan ku baaqaynaa inay u dhacdo si hufan oo xalaal ah, waxaana shacabka Jubbaland iyo hoggaankooda ugu baaqaynaa inay adkeeyaan amaanka guud ee Kismaayo iyo deegaannada kale, si ay u dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran.

    Ugu dambeyn, Musharraxiinta u tartamaya doorashada Jubbaland ayaa soo saaray dhankooda liis kale oo ay sheegeen inay yihiin xildhibaanno, inkastoo lagu tilmaamay kuwo aan sharci ahayn, waxaana la sugayaa qaabka ay u dhici doonto doorashada madaxweynaha Jubbaland.

    PUNTLAND POST

    The post Madaxweyne Madoobe iyo Xisbiyo ka Hadlay Xildhibaannada la Dhaariyay ee Jubbaland appeared first on Puntland Post.


  7. (SLT-Tehran)-Waaxda dekadaha Iiraan ayaa sheegtay in dowlada Ingiriisku ay sii deyn doonto markab shidaal oo ay hore u qabsatay, kadib markii labada dal ay is dhaafsadeen macluumaad la xidhiidha sii deynta Markabkaan.

    1565713092ea64d.jpg

    Ciidanka badda UK ayaa bishii hore ku qabtay markabkan ganacsi ee Iiraan xeebaha Gibraltar, xilli uu ku waajahnaa wadanka Suuriya.

    Guddoomiye ku xigeenka waaxda Dekadaha Iiraan Jalaal Islaami ayaa u sheegay wakaalada wararka ee IRNA, maanta oo salaasa ah in UK ay sii deyn doonto markabka Grace 1 ayna rajo ka Qabaan.

    Mr Jalaal ayaa intaa raaciyay in markabka lagu qabtay eedo been Abuur ah, balse aan wali la sii Deynin.

    Dowlada UK ayaa sheegtay iyada oo ka duuleysa cunaqabateynta dalalka midowga Yurub ay saareen xukuumada Bashar Al-Asad ay markabkaan qabteen maadaama shidaal uu waday millatariga Suuriya.

    Balse sargaal sare oo u hadlay maamulka magaalada Gibraltar,ayaa beeniyay warkaan waxaana uu sheegay in ayna sax aheyn sii deysmada markabka Grace 1 oo laga leeyahay Iiraan.

    Source


  8. Shirka_Isgaarsiinta_Somalia_Baydhabo-3.j

    Baydhabo (PP) ─ Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

    Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena.

    Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka.

    Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah.

    Shirka_Isgaarsiinta_Somalia_Baydhabo-2.j

    Sidoo kale, Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta Somalia, C/laahi Bile Nuur ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday.

    Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya.

    Madaxweyanaha Koonfur-galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay maskaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka.

    Ugu dambeyn, Shirkan oo seddex casho ah ka socon doona Baydhabo ayaa waxaa ka qayb-galaya ka faa’iideystayaasha mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

    Shirka_Isgaarsiinta_Somalia_Baydhabo-1.j

    PUNTLAND POST

    The post Shir looga tashanayo Isgaarsiinta Somalia oo Maanta ka Furmay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.


  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xalay lagu dhowaaqay islamarkaana maanta lagu dhaariyey Kismaayo.

    Madaxweynahu wuxuu xubnahan cusub ee kamid noqday Baarlamaanka labaad ee Jubbaland uu u rajeeyey in rabi la garab galo masuuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen taas oo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan.

    Dhamaan shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan mid kamid ah hay’adahooda dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso, taas oo wadada u xaadhaysa qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

    Axmed Madoobe waxa uu intaas ku daray in amaanka iyo midnimada la adkeeyo oo shacabka ree Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka taas oo raad qurux badan u noqonaysa Dimuqraadiyada iyo Dowladnimada Jubbaland.

    Caasimada Online
    Xafiiska Kismaayo
    caasimada@live.com


  10. (SLT-Washington)-Waxa mar dhow suurtagal ah in laga hortago oo la daaweyo Cudurka Epola ka dib markii tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen horumar macno leh oo la xidhiidha in 90% ay badbaadin karaa bukaanada qaba cudurkaasi.

    llbb333.jpg

    Seynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo ka socda Mac-hadka qaabilsan cudurada Xasaasiyadda iyo Caabuqa(Allergy and Infectious ) ayaa sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 la ogaaday in ay awood u leeyihiin difaaca unugyada jirka ee uu haleelo cudurka Epola.

    Afar nuuc oo daawooyin ah ayaa lagu tijaabiyay bukanno qaba cudurka Epola oo reer Koongo ah, halkaasi oo ah meeshii uu ka dillaacay cudurkasi, waxaana dib loo dhigay ama la celiya daawooyinka ZMapp iyo Remdesivir ka dib markii la ogaaday inay ka saameyn yar yihiin tijaabinta daawooyinka REGN-EB3 iyo mAb114 .

    Saraakiil xagga Caafimaadka ah ayaa sheegay in daawooyinkaasi ay wax ka tari doonaan cudurka Epola, isla markaana 90% ay ku badbaadi doonaan dadka reer Koongo ee uu haleelay cudurkaasi.

    Source


  11. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

    Madaxweynahu wuxuu xubnahan Cusub ee kamid noqday Baarlamaanka labaad ee Jubbaland uu u rajaynayaa in rabi la garab galo masuuliyada culus ee dadka ree Jubbaland ay u dhiibteen taas oo ah amaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan.

    Dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay garab istaagan mid kamid ah Hay’adahooda Dowliga ah oo ay noqonayso markii labaad oo dib loo dhiso taas oo wadada u xaadhaysa qaybaha ka dhiman oo ay ku jirto doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

    Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in amaanka iyo Midnimada la adkeeyo oo shacabka ree Jubbaaland ay wadajir kaga gudbaan maalmaha doorashooyinka taas oo raad qurux badan u noqonaysa Dimuqraadiyada iyo Dowladnimada Jubbaland.

    Goobjoog Neews

    Source: goobjoog.com


  12. (SLT-Hargeysa)-Barnaamijka Galka Baadhista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay leeg tahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya.

    Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019.

    Waxyaabaha yaabka leh ee barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Al-Shabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda hore ugu jiray.

    Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilican yahay, sida in loo hanjabo carruurtiisa ama qof uu jecel yahay, halkan hoos ka DAAWO barnaamijka oo soo jeedinayo Haaruun Macruuf

    Source


  13. Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

    Shirkan oo looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda.

    Shirkan ayaa waxaa sidoo kale qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena.

    Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka.

    Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto geliyeen kulammada nuucan oo kale ah.

    Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. C/laahi Bile Nuur, ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday.

    Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u wada saaameeya.

    Ugu dambeyntii Madaxweyanaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay ma

    skaxda shiilaan kana wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka.

    Shirkan oo mudo seddex Maalmood ah ka socon doona Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay ka faa’iideystayaasha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

    2-4.jpg

    3-3.jpg

    Source: goobjoog.com


  14. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay kulan magaalada Makka ee dalka Sucudiga ku dhex-maray wafti uu hoggaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasirro ka tirsan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

    Sawir lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho gelinkii hore ee Maanta ayaa muujinaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo la Sawiran Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Sarkaal ka mid ah Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa qoraal u baahiyay ku yidhi “Galad Eebe weeye dhawaaqa wasiir Byle iyo dhulkii barakaysnaa ka soo yeedhay. midnimo, gobanimo iyo horumar weeye geedigu. Rayn-raynta iyo farxada ka muuqata odayaasha ayaa tilmaan ka bixinaysa saadasha wacan eey soomaali filayso.

    Waxa kale oo iyana sawirkan ka maqan kumaananka kun ee soomaaliyeed ee ka kala yimi waqooyi iyo koonfurba, ee isku weheshanayey, intii ay gudanayeen acmaashooda, isku basaboor ahaa , isku af ahaa isna garab sanayey.”

    Source


  15. Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.

    War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, waxaana Puntland ay rajo wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan.

    Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah, ayada oo shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay.

    Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland

    Draft-Jubaland-Issue-1.jpg


  16. (SLT-Hargeysa)-Orodyahanka caalamiga ah ee Maxamed Faarax oo u dhashay Somaliland, ayaa shacabka Somaliland u diray hambalyo iyo bogaadin munaasibada ciidal Adxaha awgeed.

    106582615_mo_farah_getty-1024x576.jpg

    Orod yahankanka caalamiga ah ee oo la hadlayay warbaahinta ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibada ciida Adxada, waxaanu Alle uga baryey inay ku noolaadaan nabad iyo horumar.

    Orod yahankan Maxamed Faarax oo u orda dalka Ingiriiska haystana bilado kala duwan, oo u ka soo hooyey tartan dhanka orodka ah oo caalmiya, waxaanu dhigay rikoodho badan oo ay ka mid yihiin 5000km iyo 10.000km.

    Source


  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay kulan ay Magaalada Barakaysan ee MAKKA ee dalka Sucuudiga ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirro ka mid ah dawladda Federaalka Soomaaliya.

    Sawir lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho gelinkii hore ee Maanta ayaa muujinaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo la Sawiran Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Kalluumaysiga Soomaaliya iyo Sarkaal ka mid ah Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

    Sawirkaa ay Masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya ka soo wada muuqdeen oo hadal-hayn badan ka dhex abuuray Bulshada ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Saxaafaddu Su’aal ka waydiisay siduu u arko arrintaasi.

    Guddoomiye Cirro oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyey Sawirka Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirrada Soomaaliya ayaa yidhi “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Inaad saamo Jiiddiyo, Sanqadh-tirasho kala daa’.’ markaa waxay ila tahay way Caddahay, Shacabka reer Somaliland waa reer Somaliland, Annagu waa Soomaali-weyn odhan mayno, laakiin waxay ka muuqataa Ficilkooda, waxay Dadka ku caayayeen inay sameeyaana ceeb bay ku tahay..”

    Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qabsoomida doorashooyin iyo arrimo kale, Halkan hoose ka DAAWO

    Source


  18. (SLT-Riyadh)-Jabhadda ay IRAN taageerto ee Xuutiyiinta ayaa Weerarray Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Magaalada Apha ee boqortooyada Sucuudiga.

    Apha.jpg

    Weerarkan oo dhacay Salaasada Maanta ayaa waxay Xuutiyiintu u adeegsadeen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Telefiishanka Xuutiyiinta ee Al-masirah Tv.

    Ilaa hadda Warbaahinta Sucuudigu ma sheegin War la xidhiidha Weerarka xuutiyiintu sheegeen inay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Abha, mana jiro Masuul Sucuudiyiin ah oo ka hadlay.

    Xuutiyiinta oo Maamula Sanca iyo Dhul badan oo Yemen ah ayaa Weerarrada ay la beegsadaan Garoommada diyaaradaha ee Sucuudiga iyo meelaha kale ee Dalkaasi, waxay jawaab uga dhigayaan Duqaymaha Sucuudiga iyo Xulafadiisu ku hayaan Fadhiisimadooda Gudaha Yemen.

    Warku wuxuu intaa ku darayaa in Weerarrada noocan ahi sii murginaya Wada-xaajooyada Qaramada Midoobay Gadh-wadeenka ka tahay ee la doonayo in lagu wada hadashiiyo Xuutiyiinta iyo Dawladda uu Sucuudiga iyo Xulafadiisu taageeraan ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Cabdurabbi Haddi.

    Weerarrada dhanka Cirka ee Xulafada reer Galbeedku taageero ee Sunniyiinta uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa Yemen ka bilaabmay sannadkii 2015-kii, illaa xilligaana waxay isku dayayaan inay awoodda Yemen dib gacanta ugu soo geliyaan Dawladda cusub ee Cabdurabbi Haddi, ka dib markii awoodda dalkaasi gacanta u gashay Xuutiyiinta oo taageerada ka hela IRAN.

    Ugu dambayn, Weerarka Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka Abha oo ku yaalla Koonfurta galbeed ee Sucuudiga, ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay, inkasta oo ay weli xilli hore tahay.

    Source


  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay inta ay la egtahay ku-dhex jiritaanka Al-Shabaab ee dowladda Soomaaliya.

    Awoodda Al-Shabaab ay ku dhex leedahay dowladda ayaa soo shaac baxday kadib markii gabdho la shaqeeya kooxdan ay fuliyeen qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019.

    Waxyaabaha yaabka leh ee barnaamijka uu shaaca ka qaaday ayaa ah in Al-Shabaab ay inta badan ku guul-darreysato inay xubno ay soo dirto ay soo dhex-geliso dowladda, balse dadka la shaqeeya ay yihiin kuwa dowladda horey ugu jiray.

    Habka ugu fudud ee Shabaab ay adeegsato ayaa lagu sheegay inay tahay inay lacag siiyaan xubno dowladda ka tirsan oo dhaqaale ahaan liita, ama ay ka beegsadaan halka uu ka jilcan yahay, sida in loo hanjabo caruurtiisa ama qof uu jecel yahay.

    Waxyaabaha kale ee fashilka ku ah dowladda, islamarkaana sahla in Al-Shabaab ay ka dhex-shaqeysato, ayaa lagu sheegay inay tahay isbeddelka tirada badan ee lagu sameeyo saraakiisha amniga dowladda.

    Xubin horey uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday saddex hab oo Al-Shabaab ay adeegsato oo ay ku dhex-gasho dowladda Soomaaliya.

    Hoos ka dhageyso barnaamijka oo soo jeedinayo Haaruun Macruuf

    https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Galka-Baarista.mp3

    Caasimada Online
    Xafiiska Muqdisho
    caasimada@live.com


  20. Xukuumadda Puntland ayaa hambalyeysay xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubaland oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.

    War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland waxaana ay Puntland raja wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan.

    Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah waxaana ay shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay.

    Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland

    aaa.jpg?w=1000&ssl=1

    PUNTLAND POST

    The post Dowladda Puntland oo u hambalyeysay xildhibaannada cusub ee Jubaland appeared first on Puntland Post.