Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kibera Girls Soccer Academy (KGSA) is a grassroots organization that helps to secure the future of young girls in Kenya by refining their academic and sporting skills. Source: Hiiraan Online
  2. SOMALILAND TA QARSOON !!! Darbijiif Waa inamo iyo hablo , waa dad waaweyn iyo dad aad u yaryar , Waxa ay u hoydaan gidaarada iyo dooxyada ( dixda ) , waxa ay quutaan maalinba waxii ay helaan oo waxa ay cunto ka raadsadaan meelo aanad u quudheen qof binu adam ahi in uu cunto ka raadsado , sida meelaha qashin qubka iyo wax aan dhaamin. Duruufaha iyo daranyada haysata dartood ayaa aanad u kala garanayn wiil iyo gabadh midka uu yahay qofka aad arkaysaa , badhkood waxa laayey gaajo , qaar ka mid ahi waxa ay ku dhinteen balwadaha xun-xun ee nolosha darbijiifnimadu bartay , qaar ka mid ah dooxyada iyo laagaha ayaa qaada marka roobku da ‘o oo ay ku dhintaan. Intooda badan ehelkood ma noola oo ma haystaan waalidiin, kuwa waalidka lehi waa qaar uu waalidkoodii ay duruufuhu naafeeyeen oo ay ku dareen Somaliland ta qarsoon ee aan indhuhu qaban , wadaad iyo wabiin, madax iyo shacab cid u hadasha iyo cid arkaysaa aanay jirin, waxaana ay ku nool yihiin magaalo kasta oo dalka ah. Dadka darbijiifka ahi bulshada daryeel iyo diir nax midna Kama helaan oo duruufta haysata iyo nolosha aanay iyagu dooran ee waayuhu baday ayey cay iyo takoor ku mutaystaan, waxaana loogu yeedhaa dibjir iyo xabaglayaal tusaale uu qofwaliba ugu soo qaato ilmihiisu in aanu kuwaasi oo kale noqon ! Waxa ay la daris noqdeen dhaxanta , gaajada , silica iyo darxumada , damqasho way is daayeen oo nolosha dan kama laha , waayo waxa ay arkayeen sidii ay ku baxeen qaybo badan oo iyaga ka mid ahi oo u dhintay duruufaha la dariska ah , waxaana ay isku dhiibeen noloshaa darbijiifnimada ah . Cidii ay fursad u helaan uma damqadaan waayo mabay arag naxariis iyo cid u damqata, iyagaaba isugu daran oo is dila , waxa ay u nool yihiin sida loo kala itaal roon yahay in la isugu amar ku taagleeyo oo loo kala adag yahay waxii la helana loo kala qaataa. Noloshan tirsiga maalmaha iyo bilaha iyo ciidaha iyagu way ka baxeen oo kuma jiraan , waxa ugu wanaagsan ama xasuus ku reebta maalinta uu cunto helo laba goor oo ka mid ah sadexda wakhti ee wax la cuno iyo kartoon ama joonyad uu cadceeda ama dhaxanta ka hoos gallo! Waa dad u dhashay dalkan ay ku nool yihiin oo la xuquuq ah dadka dalka ku nool , dawlad daryeesha iyo cid danaynaysa midna ma arkaan , marka laga reebo ciidamo caydhsada marka ay meelahaa magaalada soo galaan mooyaane, maalmaha qaar waxaa dhacda in qaar ka mid ahi cid dhibaato u geystaan ama olole lagu qaado dhamaantood oo la xidhxidho inta loogu tago goobaha ay ku noolaayeen. Dadka kale iyo iyagu ma kala wanaagsana , mana kala sareeyaan xaga binu adanimada laakiin duruufaha iyo waayaha ayaa is kor mariyey oo ka dhigay dad kala sareeya oo aan war isku hayn hadana dal iyo magaalo kuwada nool iyaga oo ku kala jira Somaliland ta qarsoon iyo Somaliland ta muuqata wax aan u bixiyey oo kala war la’ a . Waa dad iyagu hadii ay dhintaan, hadii ay xanuunsanayaan, hadii ay dhibaatooyin kale haystaan cid og iyo cid dareemaysaa midina aanay jirin waayo ; waa dad aan muuqan ama indhaha laga laliyo , dhacdooyinkani iyo noloshani maaha mid xikmad iyo macno la’aan ku socota ee waa imtixaan lagu eegayo dadka inta kale iyo masuuliyada dawladnimo iyo cid kasta oo iyaga dhaanta. Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com +252634241005 Twitter @dhimbiil Image Qaran News
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay in Madaxweyne Muuse Biixi laga reebay masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) -War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa loogu hambaliyeyay taageerana loogu muujiyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Warqadd kasoo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa hanbaliyo loogu diray Guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, kuwaas oo hoggaami doona Baarlamaanka cusub ee Jubbaland, kaas oo noqonaya Baarlamaankii labaad ee uu yeesho maamulka Jubbaland. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad u soo dhaweyneyso natiijada doorashadii maanta, waxaana amaan loogu jeediyay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulka Jubbaland, sidoo kale Puntland ayaa balan qaaday inay si dhaw ula shaqey doonto Baarlamaanka cusub ee maamulkaas. Taageerada ay Puntland u muujisay Baarlamaanka iyo guddoonadiisa cusub ayaa ku soo aadeysa, iyadoo War-saxaafadeed galabta kasoo baxay Xukuumadda Federaalka gabi ahaanba lagu qaadacay sida ay wax uga socdaan magaalada Kismaayo. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay shir weyne dib u heshiisiin ah ku qabaneyso magaalada Kismaayo, taas oo wax kama jiraa ka dhigeysa hanaanka lagu soo xulay Xildhibaanada cusub ee Jubbaland, kuwaas oo maanta doortay guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, oo tilmaamay in xukuumaddu ay fashilisay mooshinkii lagu kordhinlahaa Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Somaliland: Parliament Rejects Motion To Increase NEC Members The Somaliland House of Representatives has rejected a motion to increase the members of the National Elections Commission, NEC, from seven to nine. At a session this morning in Hargeisa, the House whose mandate expired in 2010, and has continued to sit on extension after extension, has blocked the motion which was the outcome of an accord between the three Somaliland political parties. The agreement between the parties, which was brokered partly by the EU envoy, Nicolas Berlanga Martinez, was to find a resolution to the political impasse pertaining to the scheduled parliamentary and local elections council. The Speaker of the House, Bashe Farah, suspended the session, when it become evident that the representatives were about to vote down the motion. It is not clear whether it will be resubmitted after mature consideration. It is quite clear to all Somalilanders and it’s supporters across the globe, that this current House of Representatives and it’s members are one of the main stumbling blocks to holding elections, along with the discredited NEC, the stagnated House of Elders, the opportunistic political parties and the general malaise pertaining to democratic progress. The House of Representatives has also been struggling with the issue of whether or not to increase the number of seats from the current eighty-two, 82, which had been extensively lobbied for by the regions and communities who feel under-represented. Qarannews.com Qaran News
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere ayaa waxaa uu ka hadley mooshinkii ay saaka golaha wakiilada Somaliland ay laaleen ee ku saabsanaa doorashooyinka iyo heshiiskii saddexda xisbiga qaran, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Abwaan Aadan Tarabi Jaamac ayaa Somaliland ku tilmaamay meesha ugu liidata ee ay abwaano iyo fanaaniin ku noolaadaan marka la barbar dhigo maamulada kala duwan ee Soomaalida guud ahaan. Abwaanka ayaa xaalada abwaanada iyo dalkaba ku tilmaamay mid jilicsan waxaanu shacbiga ka codsaday in la gaadhay wakhtigii abwaanada iyo fanaaniinta Somaliland loo hadli lahaa si loo taageero, waxaanu sidan u sheegay tilifishanka Sahan, isagoo yidhi “Waxii dawlad Somaliya ka dhashay haday koonfur tahay,haday Jabuuti iyo Kililkaba tahay magaca Somaliya waxii laysku odhan jiray meel Abwaanada iyo fanaaniinta uga liidata Somaliland ma jirto,waliba inay cidhib go’aan ayay jecelyihiin guryo, gaadiid iyo wax muuqda ayaa la doonayaaye maaha abwaanku inuu hadlo uun, maxuu ku hadlaa waa in isaga horta loo hadlaa waligii ma isagaa cid u hadlaaya, dayac intay qabaan yay waliba kii ugu xumaa qabaan, dadkiina waxay leeyihiin waar abwaanadu maxay u hadli waayeen abwaanada idinku u hadla ilaa maalintay dhasheenbay idiin hadlayeen if iyo aakhraba way idinku seegeene bulshadu haw hadasho abwaanada. “ Waxa uu fariin u diray madaxweyne Biixi “Madaxweynaha fariintaan u dirayaa waxay tahay alle xajkana ha kaa aqbalo hawluuna waa ay faro badan yihiin hadaad sidaas ku sii wado mooji waxay noqon doonto dhaliilo badan ayaa jira ayaan leeyahay halaga tashado oo halaysu yimaado una dhago nuglow umadaadu waxay ku leedahay.” Geeska Qaran News
  9. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal Iyo Dib u heshiisiinta waxa ay warsaxaafadeed ka soo saartay Arrimaha Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ayaa soo saartay waaran qabasho ah oo la doonayo in lagu qabto Markabka Saladiida Iran sidan, kaas oo bishii la soo dhaafay ciidamada Ingiriisku ay qabteen kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay cunaqabatayn caalami ah. Hase yeeshee Markabka The Grace 1 ayaa amar ay soo saartay maxkamada sare ee Gibraltar lagu sii daayey kadib markii 43 maalmood uu xidhnaa. Markabka Iran ayaa ciidamada Ingiriisku ay qabteen 4 bishii July xili uu biyaha badda Mediterranean-ka kadib markii looga shakiyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii Midawga Yurub ay ku soo rogeen Taliska ka jira dalka Suuriya, oo gaashaanbuur la ah dalka Iran. Dawlada Maraykanka ayaa iyadu isku dayaysa inay mar kale Qabsato Markabka the Grace 1 markii Ciidamada Ilaalada Kacaanka ay ku xidhiidhiyeen ama u aqoonsadeen Argagixiso. Sida lagu sheegay Waaranka la soo saaray maalintii Jimcihii, kaas oo qaybta cadaalada ee dalka Maraykanku ay ku eedaysay Markabkaasi iyo shixnada uu sidaaba inay qayb ka tahay shixnad sharci daro ah oo u socotay dalka Suuriya oo ay ka timid ilaalada kacaanka ee Iran. Source
  11. Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda doorashada madaxtinimada Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in liiska odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada cusub ee Jubaland aysan waafaqsaneyn diiwaanka rasmiga ah ee wasaaradda Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dariiq aan sharci ahayn loo maray soo xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubaland islamarkaana aysan wasaaraddu aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda doorashada madaxtinimada Jubaland. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo soo baxda doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta go’aanno cusub kasoo saartay doorashooyinka Jubaland, xilli maanta halkaas lagu doortay guddoon cusub oo baarlaman. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhammaan doorasho kasta oo ka dhacday Jubaland ay tahay waxba kama jiraan, maadaama ay “baal marsan tahay dastuurka federaalka iyo habraaca wasaaradda arrimaha gudaha.” Wasaaradda ayaa sheegtay in laba sabab ay ku diiday sax ahaanshaha doorashooyinka Jubaland, oo mid ay tahay; habraaca soo xulista liiska odayaasha dhaqanka oo aan waafaqsaneyn diiwaanka wasaaradda, iyo tan labaad oo ah, inaan dariiq sharci ah loo marin soo xulista golaha wakiilada Jubaland. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku baaqday shir dib-u-heshiisiin dhab , oo ay ka qeyb-galaan dhammaan dhinacyada Jubaland, “si looga fogaado qalalaase iyo xailooni darro ka dhacda deegaanada dowladda goboleedka Jubaland.” Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya
  13. Doorashada maanta loo doortay Baarlamaaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxay miujinaysaa in Madaxweynaha loo foranstillet Sayid Axmed Maxamed Islaad. In markale ay Baarlamaanku u [...] Source
  14. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Markale loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Jubbaland , doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo. [...] Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo gaaraya 2,000 oo askari, oo u dhashay Dalka Uganda, ayaa ka baxay Soomaaliya waxaana ay dib ugu laabteen dalkooda, sida ay shaaciyeen saraakiisha Uganda ee Soomaaliya. Ciidamadan oo ka kala socday qeybta ilaalada xafiisyada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo guutada 25-aad ee ciidanka Uganda ee Soomaaliya, ayaa dib ugu laabtay dalkooda kaddib markii ay dhameysteen howlihii ay u joogeen Soomaaliya. Askartan ayaa waxaa ay kala ahayeen 529 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Qaramada Midoobey, iyo 1406 Askari oo ka mid ahaa guutada 25-aad ee ciidanka Uganda ayaa gaaray dalkooda. Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda David Muhoozioo ciidamadaas la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya oo nabad noqota ay la mid tahay Afrika oo nabad noqota. Generaal Muhoozi ayaa sheegay in Soomaaliya ay la mid tahay dalalka Afrika,waxa ku dhacayna ay dalkasta oo ka mid ah Afrika ku dhici karaan. “Hadda waxaan tirakoobeynaa guulaha laga gaaray Soomaaliya ee ay horseedka ka yihiin adinka, ciidankii idiinka horreeyay iyo kuwa hadda ku jira” ayuu yiri Generaal Muhoozi. Ciidamada gaaraya 2000 kun ee Askari ayaa la siiyay fasax shan iyo afartan cesho ah oo ay la soo qaadanayaan reerahooda. Dowladda Uganda ayaa dhowr todobaad ka hor ciidankii beddelilahaa Ciidamadaas waxaa ay u soo dirtay Soomaaliya, qeyb waxaa loo daabulay Gobolka Shabeellaha hoose halka qeybta kalena ay la waregeen xafiisyada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ay waardiye ka yihiin. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda. Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen. Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland. Wuxuu Xeeriyey. Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran. 1. Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq 2. Sahra Jaamac Saalax 3. Cali Jaamac Faarax 4. Cabdullaahi faarax Mire 5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle 6. Guulleed Saalax Bare 7. Jaamac Xirsi Faarax 8. Xafso Salaad Maxamed 9. Cadirisaaq Axmed Siciid Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Dikreeto: Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddiga Ku-meelgaarka Ah ee Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Abukaate Xabiib Cabdilaahi Ciise iyo Qareen Mustafe Maxamed Jaamac oo ahaa qareenada u doodaya saddex eedaysane oo loo haysto kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan ayaa [...] Source
  18. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni ayaa uga digey maamulka Somaliland xad gudubka iyo daandaansiga uu ku samaynayo deegaamada Puntland gaar ahaan Sool, Sanaag iyo Cayn. Madaxweyne Denni ayaa sheegay in Puntland ay nabad ugu baaqayso cidkasta oo wax kala dhexeeyaan wuxuuna sheegay in Somaliland ay u soo bandhigayaan in nabad lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee ka dhexeeya. “Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey , wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa” Ayuu yiri Madaxweyna Puntland. DAAWO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Denni oo Somaliland uga digey ku xad gudubka Puntland nabadna ugu baaqay. appeared first on Puntland Post.
  19. Ma ahan inaan ku ammaanayo dowladdii tan ka horreysay ee Xasan Shiikh iyo kuwii horteeda sii ahaa intaba, balse waxaa jira is-badallo muuqda oo Muqdisho ka dhacay, qaarkood waa kuwo qof walba oo Muqdisho joogo arkay, qaarna waa ficillo aan la fileyn oo ka dhacay caasimadda. Dowladihii ka horreeyay midda hadda jirta magaalada Muqdisho wax badan ay ka gaabiyeen ayaa jira, balse su’aasha ayaa ah intii ay uga tageen malaga dhaqaajiyay mise hoos u dhac ayaa ku dhacay?. Isbaddallada aan qormadan uga hadleyno waxaa sabab u ah laba wax middood, midi waa amni xumada, halka tan kalena ay tahay dadaal ka ciidanka qalabka sida ay ugu jireen xaqiijinta amniga oo ay ka dhasheen rejo iyo culeys ay shacabku si isku mid ah u dareemeen Haddaba waa kan 10 shey oo iska baddalay nolosha amni ee Xamar tan iyo February 2017. 1- XIRID IYO DHUFEYS Wadada hormarta madaxtooyada waxaa isticmaali jiray gawaarida BL-ka ee u socdo Xamar Weyne, hadda BL iska daaye xitaa ma maraan gawaarida raaxada haddeysan wadan madax ama shaqaale dowladeed, waxaana lagu soo kordhiyay dhufeysyo ciidan oo jidka dhexdiisa laga sameeyay. 2 – KALA WAREEG Busteejooyin cusub oo ay baabuurta ka rartaan ayaa kusoo biraay kuwii hore kuwaas oo ka dhashay xirnaashiyaha jidadka Muqdisho gaar ahaan jidka dheer ee Maka Al Mukarama, waxaana ugu weyn Busteejada Sepiano. 3 – HAL ALBAAB Jidka dheer ee Maka Al Mukarama ayaa yeeshay hal albaab oo ay kasoo galaan gawaarida raaxada, dhammaan jidadka kale ayaa laga mamnuucay in ay kasoo galaan, albaabkaas ayaana ah kan Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan, walow isaga xitaa mararka qaar loo diido gawaarida raaxada in ay kasoo galaan. 4 – GOOBO DALXIIS Goobaha loo dalxiis tago ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho, kuwaas oo intooda badan ku yaallo xeendaabka wadada Maka Al Muakarama illaa xeebta Liido, waxaana inta badan ku kulmo dhallinyarada ka nasta shaqada xilliyada habeenkii. 5 – REJADII CEEL KU DHACDAY Safaaradda Qatar ayaa darbi ka dhex dhistay laamiga ka baxa Km4 ee aada Tarabuunka, kaas oo hore ugu xirnaa Farmaajo ka hor safaaraddii Turkiga oo ka guurtay mesha, waxaana loo sameeyay Ganjeel xirmaayo, kaas oo meesha ka saaray rajadii aheyd in la arko wadadaas oo markale shacabka isticmaalayaan. 6 – XABSI WEYN Xabsi aad u weyn ayaa laga hirgeliyay magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha xarunta Asluubta, waxaana loo dhisay si casri ah, oo la mid ah sida xabsiyada caalamka, kaas oo dadka qaar ay ku tilmaameen QASRI, waloow dhagax dhiggiisa uu ka horreeyay dowladda hadda jirta. 7 – SHARCIYO CUSUB Sharci cusub ayaa lagu soo kordhiyay baraha koontarool ee laga galo Villa Somalia waxaana ka mid ah in qofkii rabo in uu isticmaalo wadadaas, islamarkaasna heesto aqoonsi in uu gaariga ku damiyo meel cabbaar u jirto jakbooyntiga, soo lugeeyo, aqoonsiga tuso askari kujiro dhufeys, marka laga fiirsho aqoonsiga loo oggolaado in uu laabto, gaarigiisa soo kaxeysto sidaasna jidka ku maro, waxaana laga dhaxlay dhibaatooyin ay ka mid tahay in wasiir hore iyo saraakiil aqoonsigooda inta loosii waday askariga lagu dhuftay qarax halkaasna ku naf waayay. 8 – JILACOOW OO JILBAHA LOO LAABBAY Xabsigii ugu caansanaa caasimadda ee ‘GODKA JILACOOW’, ayaa laga taqalusay, kaas oo loo muujiyay in laga maarmay, waxuuna ahaa xabsi inta badan aad looga baqo magaciisa iyo muuqiisa intaba. 9 – DEGMOOYIN BURBURAY Afar xarun degmo ayaa bur bur kasoo gaaray weerar qarax ahaa oo lala eegtay, waxaana wali dhagax dhig mooyee aan la dhisin saddax ka mid ah xarumahaas, waa Hodan, howlwadaag iyo Warta-Nabadda, halka Wadajir dhismaheedu gabo gabo marayo. 10 – MARKII UGU HORREYSAY Taariikhda markii ugu horreysay ayey marti gelisay Muqdisho in xafiiskiisa inta loogu tago lagu dhex dilo Mayer-keedii, ka dibna ay aasto ayadoon la caddeyn cidda sida saxda ah u sahashay in uu dhaco falkii lagu qaarijiyay. Ma ahan micnaheeda in 10-kaan qodob oo kaliya ay ku koobanyihiin is-badalada Muqdisho ka dhacay, waxaa hubaal ah in ay ka badanyihiin, balse inta idiin muuqata waa inta aan isleeyahay wey ugu waaweynyihiin. W/Q: Nuune Ali Hassan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed xareed Faarax ayaa maanta oo Sabtiya ku dhawaaqay in ay hay’adaha Amniga Puntland ku amri doonaan in la soo qabto eedaysane kale oo uu galay kiiskii Caa’isha Ilyaas oo hore saddex nin oo keliya loo xukumay. Xareed oo duhurnimadii maanta warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee Maxkamadda kadib markii ay soo dhammaatay dhegaysiga Gar-maqalka saddexda xukmane ayaa sheegay in sidoo kale la soo qaban doono eedaysane kale oo mid kamid ah ragga xukman uu sheegay in uu kiiska kula jiray. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland waxa uu caddeeyay in markii eedaysanaha la soo qabto laga qaadi doono dheecaanno dabadeedna lala fal-gelin doono dheecaankii marxuumad Caa’isha oo weli la hayo kadibna sidaasi lagu ogaan doon haddii uu Kiiska galay iyo haddii kaleba. Hoos ka daawo hadalka Xeer Ilaaliyah PUNTLAND POST The post Xeer ilaalinta Puntland oo ku dhawaaqday in qof kale loo soo qaban doono Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa su’aalo ka keenay dilka afar qof oo mid ka mid ah ay tahay haweeney oo ciidamada dowladda ay shalay ka geysteen Muqdisho. Hoos ka aqriso qoraal uu Yuusuf Garaad soo dhigay facebook. Dilka shalay ka dhacay Bakaaraha waxaa ka khaldanaa ugu yaraan saddex waxyaabood oo culculus oo qaarkood ay u baahan yihiin baaritaan booliisku dhexdiisa baaro oo uu hubiyo in fal dembiyeed uu dhacay iyo in kale. Midna uu noqon karo xog la dayacay. Qof aan Maxakamadi xukumin waxaa la dili karaa marka uu fal naf goyn kara faraha kula jiro, si kale oo looga badbaadaana aanay jirin. Waa marka uu isagu xabbad ridayo ama uu rid is leeyahay ee lagala hor maro. Intaas oo ruux oo qof dumar ahi ku jirto ma ku dhinteen si sharciga waafaqsan? Tan labaad, waa xadgudub waana foolxumo in meyd dariiqa la soo dhigo, haddana la sawiro oo baraha bulshada lagu faafiyo. Dariiqa iyo baraha bulshada waxaa labadaba jooga carruur iyo dad waaweyn oo aan xammili karin ama aan dooneyn muuqaalka dad la dilay oo waddada la dhigay. Ma aha dhaqan Dowladeed. Tan saddexaad, ma aheyn in magaciisa la sheego Agaasimaha lagu tilmaamay in si isaga loo difaaco darteed loo dilay intaas oo qof. Ma ahan dhaqan hey’ado amni oo Dowladeed, sababta oo ah isaga ayay halis hor gelin kartaa sheegidda magaciisu. Waan garan karaa in ciidanka amniga ay saaran yihiin laba culeys: Shabaab oo Dowladda, ciidanka iyo shacabkaba weerar ku ah. Iyo shacabka oo dhaliil la daba taagan ciidanka. Taasi qiil uma siineyso in caro ay u qabaan Shabaab ay ka baxaan xadka sharciga. Muwaaddinka Soomaaliyeed sharaftiisa iyo karamaadiisa waa in la dhowraa nolol iyo geeriba. Yuusuf Garaad Cumar