Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hussein Mohamed, Kenya’s top political show host, will be leaving Citizen TV after a 10-year stint. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada siyaasadda dalka ayaa wajahaya caqabado iyo culeyso badan oo dowladda Soomaaliya ay kaga hor-istaageyso inay tagaan xarunta guddiga doorashada qaranka. Fowsiya Xaaji Aadan oo horey usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya haddana kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ee dalka ka jiro ayaa maanta sheegtay inay ka taagan tahay tagitaanka Xafiiska Guddiga madaxa banaan oo ku yaal gudaha Xarunta madaxtooyada. Waxay sheegtay inaysan xisbiyada tagi karin halkaas oo aysan awood u laheyn, taasina ay hor taagan tahay shaqadii guddiga. Waxay asxaabta kula talisay in guddiga laga caawiyo sidii loogu dhisi lahaa dhulkii dhawaan laga siiyey Magaalada Muqdisho, taasoo ay ku tilmaamtay inay tahay mid dan u ah Dalka iyo Xisbiyada. “Masuuliyiinta Xisbiyada dhibaato ayay ku qabaan in ay tagaan xarunta Guddiga madax banaan doorashooyinka ee ku yaala Madaxtooyada” ayey tiri Fowsiya. Fowsiya ayaa sheegtay inay Dowladda Soomaaliya ka doonayaan inay dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah. Waxay sheegtay in Xisbiyada mucaaradka ay u diyaar garoobeen in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo cod si looga gudbo hab qeybsiga 4.5 “Xisbiyada midowbay waxaa ka go’an oo ay garteen in danta dalka ku jirto in laga gudbo 4.5 loona gudbo codeyn qof iyo cod ah” Waxay tilmaamtay inay arrintaas 2017 ku heshiiyeen Dowladdii hore iyo Maamul Goboleedyada, waxayna sheegtay inay tahay wax fudud oo la qaban karo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Kulanka wasiir Dhabancad iyo qunsulka Ethiopia Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa ka warbixiyay kulan uu maanta Garoowe kula qaatay qunsulka dowladda Ethiopia u fadhiya caasimadda Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in kulanka dhexmaray isaga iyo qunsulka Ethiopia uu ku saabsanaa siyaasadda xakamaynta qulqulka muhaajiriinta u dhashay waddanka Ethiopia ee soo galaya gudaha Puntland iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi tahriibayaasha ah. Mudane Dhabancad ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Puntland ay dib u celisay ilaa 3000 kun oo muhaajiriin Ethiopian ah kuwaasi oo dalbaday in dib loogu celiyo waddankoodi halka hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ay gudaha Puntland dib uga celisay in ka badan 300 boqol oo isla muhaajiriin Ethiopiana sida wasiirku sheegay. Waxa kale oo wasiirku sheegay in iyadoo lala kaashanayo qunsuliyadda Ethiopia ee ku taalla Garoowe uu weli socdo qorshaha dib u celinta muhaajiriinta iyo tahriibayaasha u dhashay waddankaasi ee soo galaya gudaha Puntland. Dhinaca kale wuxuu caddeeyay in dowladda Puntland ay ka go’antahay daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi duruufaysan ee muhaajiriinta ah islamarkaana ay qunsuliyadda Ethiopia isla garteen in la xakameeyo qulqulka tahriibayaasha. Hoos ka daawo wareysiga wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in ay dib u celisay 3000 oo soogalooti Ethiopian ah appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in madax-dhaqameedkii dhawaan la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)- Madax-dhaqameed Iyo Siyaasiyiin Baaq U Diray Xukumadda Farmaajo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Nasiib-darro Ku Tilmaamay Dhisme Ka Socda Dugsiga Sheekh Bashiir, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Nairobi)-Khilaaf dhinaca hawada ah oo soo dhex kala dhex galay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya. Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay faro-gelisay Maamulka hawadeeda, ka dib markii diyaarad ka soo duushay Magaalada Nairobi ay si toos ah u fadhiisatay Magaalada Kismaayo, inkasta oo ay marka hore soo martay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Maamulka Hawada ee Soomaaliya (SCAA) ayaa Kenya ka dacweeyay Hay’adda Maamulka Hawada Qaramada Midoobay ee loo yaqaano (ICAO), sida laga soo xigtay Masuul aan la Magacaabin, sida uu Salaasada Maanta qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa Magaalada Nairobi. Sabtidii, Kenya waxay diwaangelisay diyaaradda Fokker 50, 5Y-JXJ oo daad-guraysay Siyaasiyiin isla-markaana fadhiisatay Kismaayo, Magaalo Madaxda Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Bishii September, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaaradaha ku amartay in aanay Kismaayo tagi karin, iyagoon fadhiisin Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Kenya iyo Soomaaliya ayaa hore waxa uga dhexeeyay Khilaaf dhinaca badda ah. Source
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Biixi ayaa wada qorshe cusub oo ay ku qabsanayso dalalka Geeska Afrika, isla markaana ay ku gaarsiineyso adeegyo kala duwan. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay Somaliland ka faa’iideysaneyso marinka istaraatijiga ah ee ay ku taalo, midkaasi oo ay iskaga kala gooshaan maraakiibta kala duwan ee caalamku. Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Somaliland ay rabto inay nabadeed ay kaga faa’iideysato sidii ay dhakhli uga abuuri laheyd maraakiibta caalamiga ah ee iskaga kala gooshta bada cas, wuxuuna yiri “Horta Somaliland waxay ku taala meel dhaqaale ahaan adduunka istaraataji ah, markaas waxaanu doonaynaa badaas cas ee caalamku inta ugu badan isaga goosho ee uu maro, inaanu qaybta u weyn ee halkaas maraysa u shaqayno”. “Maraakiibta badda maraysa ee baayac mushtarka ah ee dalxiiska ah ee ciidanka ah waxay naga doonayaan ee ay u baahanyihiin ee adeeg ah inaanu u qabano anaguna aanu faa’iido ka helno”. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waxay haysaa nabad. Qof baqanayaa ma wax ayuu kula qaban, waxaanu ogolnahay inaanu samayno bee’ad uu baayac mushtarkiisu ku socon karo haddii uu maal-geliyo uu xoolihiisa la bixi karo”. “Imika garoonka Berbera aya dhammaaday wuxuu noqonayaa caalami waa 4km tas-hiilaadka ugu weyn ee Geeska Afrika weeye, waxaanu u samaynaa tas-hiilaad, dhaqaale ahaan sharciyda cashuuro caqabadaha oo dhan inaanu khafiifino”. “Markaas inaanu biriishkaas noqono, oonu u weel tolano oo aanu noqono hab ayaanu u diyaar garoobaynaa, dadkayaga maskaxdoodiina taas ayay diyaar u tahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. Cabdullaahi Xaaji Wariyaha rug caddaaga ah ee muddada dheer BBC-da ka hawlgali jiray Cabdullaahi Xaaji ayaa xalay la guddoonsiiyay abaalmarinta caalamiga ah ee Soomaalida, ISA, taas oo sannad kasta lagu qabto magaalada London. Sacad badan ayaa u dhacay markii Cabdullaahi Xaaji uu soo istaagay masraxa, waxaana magaciisa ku dhowaaqay wiil uu dhalay Axmed Xassan Cawke oo muddo dheer ay soo wada shaqeeyeen Cabdullaahi. Wariye Cabdullaahi Xaaji oo hadda hawlgab ah ayaa ka sheekeeyay kaalintii uu ku lahaa horumarinta Afka Soomaaliga intii uu ka tirsanaa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da. “Barigii wadahadaladii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ayaa aad u maqli jirey, kalmadda ‘Peace Process’ , waxaan ku fasiray Geeddi Socodka Nabadda, aad ayaa loo qaatay, balse nimankii aan wada shaqaynaynay waxay yiraahdeen, waa maxay waxan , ma miyi baynu joogtaa” ayuu yiri Cabdullaahi Xaaji oo aad loogu xusuusto eraybixinta ay ka midka tahay ‘Barwaaqo Sooraan’ iyo kuwa kale. Waxa uu ahaa qof aad u jecel shaqada, mas’uuliyad dheerna iska saara shaqada, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri “30 sanno ayaan BBC-da u shaqaynayay iyo 10 sanno oo galin aan soo gali jiray, dadka waxay dhihi jireen ninkan miyuusan dhimanaynin, afartankaas sanadood waligeed fasax dheer ma qaadanin, waayo mas’uuliyad baan iska saaray dadka Soomaalida ah ee i dhagaysta”. Qabanqaabiyeyaasha munaasabadda ayaa Cabdullaahi Xaaji u aqoonsaday in uu yahay qof wax weyn kusoo kordhiyay Soomaalida intii uu noolaa, tahayna in lagu abaalmariyo. Cabdullaahi Xaaji oo waraysanaya Maxamed Siyaad Barre, madaxweynihii Soomaaliya Waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta loo yaqaano ‘Lifetime Acheivement Award’ ama ‘Mirodhalka Nolosha’ oo la siiyo dadka intii ay noolaayeen ka miro dhaliyo hiigsiyada nolosha midkood oo waxtar u leh isaga iyo bulshadadaba. Cabdullaahi Xaaji oo ka hadlay sida uu u arko abaalmarinta dhif iyo naadirka ah ee la siiyay ayaa yiri “Waa abaalmarin aan aad ugu faraxsanahay, aanan ilaashan doono inta aan noolahay – Waxaanan ku aqbalayaa si mahadnaq qotodheer ay ku dheehantahay”. Qaran News
  10. Izmir (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa wuxuu tababar uga socdaa dalka Turkiga xilli wadankaan Africa ku yaalo uu dagaal kula jiro Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab. Tababarka la siinayo Saraakiishaan ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa wuxuu ka socdaa Dugsiga Sare ee loogu talagalay Cutubyada taliska Ciidamada Turkiga, wuxuuna ku yaalaa Magaalada ku taal Galbeedka Turkiga ee Foça. Tababarkaan oo socon doono muddo Lix Asbuuc ah ayaa Saraakiishaan waxaa lagu bari doonaa halista Argagixisada, burburinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhaca, howlgalada gaarka ah iyo sidii looga jawaabi lahaa weerarada Argagixisada. Tababarkaan ayaa waxaa taageereyso Hay’adda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga (TİKA) oo gargaar horumarineed siisa Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalo Africa. Saraakiisha Soomaalida ee tababarkaan qaadanayo ayaa gaarayo illaa 10 waxayna isugu jiraan qeybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah lagu siinayo goobaha buuraleyda. Lt. Önder Yıldız oo ka mid ah tababarayaasha ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Anadolu (AA) in ardaydaan ay xiiseyneyaan inay wax bartaan. “Waxay diyaar u yihiin inay bartaan waxyaabo cusub waana ku faraxsanahay inaan awoodno inaan caawinno,” ayuu yiri. Yıldız wuxuu intaas ku daray in saraakiisha Somaliyeed la siin doono shahaado si ay si sax ah uga jawaabaan halista argagixisada kadib markay dhameeyaan tababarka. Abdurrahman Abdullah Muhammad oo ah kormeere Booliis Soomaali ah oo dhiganayay koorsada ayaa sheegay inuu ahaa tababar adag laakiin runtii ahaa mid hufan. “Waxaan aragnay marti-gelinta Turkiga, halkaan waxaanna ku barannay waxyaabo faa,ido u leh dib-usoo kabashada Soomaaliya, markaan runta ka hadlo waxay ahayd koorso aad noogu adag oo waxaan xasuustaa inaan lumiyay neefsashada mararka qaarkood markaan hirgalinayno wixii aan bartay.”ayuu yiri Abdurrahman . Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
  11. Golaha wasiirada ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ansixiyay in la kordhiyo howlgalada milatari ee ciidamadooda ka howlgala biyaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta (UAE). Kalfadhi uu shir-guddoominayay Madaxweyne Moon Jae-in ayaa waxay ku heshiiyeen isaga iyo golihiisa xukuumada in la kordhiyo sii wadida howlgallada ciidan illaa Dec. 31, 2020. Kuuriyada Koonfureed ayaa sanadkii 2009 gacanka Cadan u dirtay 300 kamid ah ciidamadeeda aadka u tababaran, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhan ah burcad badeeda Soomaalida. Dhanka kale, ilaa 140 kamida ciidamada gaarka ah ayaa laga howlgaliyay Imaraadka Carabta ilaa bishii Janaayo 2011, kuwaas oo loogu talo galay inay tababar siiyaan ciidamada maxalliga ah. Bishii August, Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysay in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap. Puntland Post The post Kuuriyada Koonfureed oo muddada u kordhisay ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo Imaaraatka appeared first on Puntland Post.
  12. Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisada xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Xiisada ayaa ka dhalatay xilka qaadis lagu sameeyey guddoomiyaha degmadaasi, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Duurow. Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle ayaa xilka ka qaaday Duurow, waxaana si KMG ah uu xilkaas ugu magacaabay Liibaan Cabdi oo ahaa ku-xigeenka Maaliyadda degmadaasi. View the full article
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle. “Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan. DHAMMAAD View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Tobaneeyo kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ayaa shalay markii ugu horreysay maray nidaamka hubinta shaqaalaha dowladda ee ka badqabka Al-Shabaab iyo urur diimeeyada kale ee dalka ka jira. Qaybta amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir ayaa shalay lagu bilaabay hubinta waxaana shaqadaas qabanayay hay’adaha amaanka ee gobalka Banaadir, iyadoo wareysiyada ay qaadaan isla maalintaas u gudbinyay hay’adda NISA oo hubin kale ku marsiineysay Godka Jilacow. Su’aalo isku mid ah ayaa la weydiinayay shaqaalaha waxaana tirada su’aalaha lagu sheegay in ka badan 20 su’aalo oo qaarkood isku soo noqnaya si qofka looga helo jawaabo aan is waafaqsaneen. Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah su’aalihii dadka la weydiiyay waxaana kamid ah. 1) – Qofka shaqaalaha waxaa la weydiinayaa qabiilkiisa ilaa 3 heer ama ilaa jufo hoosaadka. 2) – Sidoo kale waxaa la weydiinayaa Yaa waaye Xildhibaankaaga, Nabadoonkaaga ka diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha. 3) – Maxaa qaban jirtay ka hor inta aadnan dowladda u shaqa bilaabin. 4) – Maka mid noqotay Al-Shabaab, Daacish ama urur diimeed kale sida Xisbul Islaam, Maxkamadihii iyo kuwa kale. 5) – Qof kamid ah qoyskaaga maka tirsanyahay Al-Shabaab, hore ma uga mid noqday, xataa qof aad daris aheydeen. 6) – Imisa Xaas ayaa leedahay, Caruurtaada waa imisa, Imise guur ayaa soo martay. 7) – Iskuulkee ka soo baxday, maxuu ahaa luqadaada waxbarashada ma Carabi mise English, Jaamacadee ka baxday/dhigataa iyo su’aalo kale. Dowladda Soomaaliya ayaa wado dedaalo lagu hubinayo shaqaalaha dowladda oo dhan, waxaana hadda socda hubinta guud ahaan shaqaalaha dowladda. Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog arinatan ku saabsan, waxaana maanta la filayaa in la hubiyo shaqaalaha qaybta arrimaha bulshada ee Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Boosaaso, Oktoobar, 08, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Sacad Cumar Geelle, oo ay walaalo ahaayeen madaxweynaha Jibuuti. Madaxweyne Deni ayaa uga tacsidayeeyay shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geelle. Waxaana uu si gaar ah uga tacsiyeeyay geeridaasi Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladii, qoysaskii iyo asxaabtii uu ka baxay. Puntland Post The post Puntland oo ka Tacsiyeysay Geerida Marxuum Sacad Cumar Geelle. appeared first on Puntland Post.
  16. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay agagaarka isgoyska Siinaay, gaaar ahaan dhinaca Yaaqshiid . Dilka ayaa waxaa fuliyey nin ku hubeysnaa qoray Ak47, kaas oo la sheegay inuusan wadan wax darees ciidan ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in wiilka la dilay uu watay mootada nooca loo yaqaano Fekonta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ninkii geystay dilkaasi uu goobta ka baxsaday, kadibna ay soo gaareen ciidanka dowladda oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Waa dilkii labaad oo isla maanta ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona saaka koox hubeysan askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku toogteen qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. View the full article
  17. Dowladda Jarmalka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $73 Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Danjiraha Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Annett Gunther ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ku deeqeen ay tahay mid lagu taageerayo horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya. Deeqdan ayey Danjiraha Jarmalka kaga dhawaaqday munaasabad lagu xusayey 30 sano guuradii ka soo wareegatay midowga Jarmalkii Galbeed iyo Jarmalkii Bari oo Muqdisho lagu qabtay. Danjiraha Jarmalka ayaa sheegtay in dalkeeda oo xoojinaya xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya ay labada sano ee soo socota bixin doonaan lacagtaas, iyada oo intaasi ku dartay in ay lacagahani ku taageerayaan hay’adaha maaliyadda Soomaaliya si fursado loogu abuuro dhallinyarada una helaan tababarro, xirfado cusub, iyo dhismaha waddooyinka dalka. Ugu dambeyn Danjire Annett Gunther ayaa soo dhaweysay horumar ay sheegtay in ay Dowladdu ka sameysay dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-08102019.mp3 View the full article
  19. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka aysan hor is-taagi doonin Turkish-ka oo la filayo inay weeraraan Kurdish-ka Syria, hase yeeshee waxa uu ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga, haddii ay ku fogaadaan. “Haddii ay sameeyaan wax aan rumeysannahay inaysan ahayn bani’adamnimo” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha, “waxaa asiibi doona dhaqaale burbur iyo carro.” Xulufada Jamhuuriga ee madaxweynaha ayaa aad uga carrooday go’aanka Trump ku cidleeyey Kurdish-ka Syria, kuwaas oo ciidamada Mareykanka la galay dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish. Mid ka mid taageerayaasha ugu daacadsan Trump ee ku jira Senate-ka Mareykanka ayaa go’aanka madaxweynaha ugu yeeray mid “aragti gaaban iyo mas’uuliyad darro.” Senator Lindsey Graham oo barnaamijka Fox & Friends uu weydiiyey haddii uu taageersan yahay go’aanka madaxweynaha ayaa yidhi “marnaba maya,” isaga oo sheegay in tallabaadan “ay guul weyn u tahay Daacish.” Graham ayaa sheegay in Kurdish-ka ay la safan doonaan madaxweynaha Syria Bashar Al-Assad, sababtoo ah ma haystaan waddo kale. “Sidaas darteed tani waa u guul Iran iyo Assad.” Ayuu yidhi. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaan weli soo xulin xubnihii guddiga cusub ee doorashooyinka. Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa Madaxweynaha u gudbiyay labada xubnood ee uu u xulay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka, labadaas xubnood ayaa kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha u gudbiyay xubinta uu u soo xulay guddiga cusub ee doorashada oo ah Xasan Yuusuf Ducaale. Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo uu sharcigu awood u siiyay inuu soo xulo saddex xubnood oo ka mid ah 7-da xubnood ee guddiga doorashada, ayaan weli soo xulin xubnihii uu ugu tallo galay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaan isna weli gudbin xubinta uu ugu talo galay guddiga cusub ee doorashada. Sida ay warar xogogaal ahi sheegeen, waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay Madaxweynaha iyo Cirro soo dhammaystiraan xubnaha laga sugayo, ka dibna uu Madaxweyne Biixi u gudbin doono golaha wakiilada toddobada xubnood ee uu u ansixiyo inay noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiga caanka ah Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sababta mushaharaadka loogu kordhin waayay shaqaalaha iyo ciidamada dawlada isaga dabadii ku macneeyay in dakhliga dawlada ee sare u sii kacaaya ay masuuliyiintu u isticmaalayaan dano iyaga u gaar ah. Waxa uu ku dhaliilay masuuliyiintii xilka uga danbeeyay in aanay lahayn dareen lagu daryeelayo dadka isla markaasna wax lagaga qabanaayo dhibaatooyinka dalka ka taagan. Eng, Maxamed Xaashi ayaa sidan u sheegay barnaamijka Maamul Wanaaga ee tilifishanka HCTV, waxaanu isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi” Waxii isoo galay wakhtigaygii iyo kuwii iga danbeeyay waxan ay ku faanaan ee ay leeyihiin intaas ayaan keenay in lays barbar dhigo intee dalka iyo dadka gasha intee daaro lagu dhistaaa, dhibaatadu waxay noqotay inay madaxdu wax gaar ah qabsadaan ileen lacag la’lama iman markaan dalka soo galnee, waxii wax loogu qaban lahaa umadda inyar ayay ku koobnaatay oo iyagu u isticmaalay dano gaar ah, lacagta ha korodhee maxay u qabatay dadweynaha maxaa laga faa’iday, maxaa baahidii lagaga baxay in dib loogu noqdo oo la eego haayad waliba waxay qaadato oo la eego waxay kordhisay iyo sida wax loo qaato, anigu waxaan xooga saarayay daynta oo aan bixiyo, dadkoo aan wax u kordhiyo waayo waxa wax qabanayaa waa dadka dadkaas hadaan la daryeelina arintu ma soconayso, fikradaydu waxay ahayd in daacadnimo lagu dhiso maamulka.” Maxamed Xaashi wuxuu intaas raaciyay “ waxa is waydiin ah waxan oo daar ah oo la dhisay qaarbaaba la dumiyay oo qaar ka sii dhaadheer laga dhisaye miyaa loo baahnaa, waxaynu u baahnayn daryeelka dadkeena iyo sidaynu wax ugu samayn lahayn, waxaan rabay marka laga tago boqolkaas aan kordhiyay in laysku eego waxa shaqaaluhu qaadanayo iyo nolasha qiimaheeda oo loo qiyaaso waxa ay ku noolaan karaan.” Waxa uu sharaxaad ka sii bixiyay dhibaatadu halka ay ka taagan tahay“ waxaad ka soo qaadaa warshadii sibidhka, aniga oo wasaarada ganacsiga ah ayaa la yidhi warshadii sibidhka ayaa la samaynayaa gudidii ayaan markaas ka mid ahaa, warshada waxaan anigu soo jeediyay in aynu inagu saamiyo ka iibino dadkeena oo si siman looga iibiyo dabadeedna waxa la yidhi hebel iyo hebel ayaa leh oo lagu naas nuujinayaa, siday ku baaqatay sidaas ayay ahayd, khasaaraha ay inaga gaadhay warshaduna sidaas ayuu ahaa,imikadan waxa la wadaa Cumaani iyo mid Kuwayti ah ayaa ka qaybgalaaya waa keegaagii oo aad leedahay ciday ila cun, inagu waaan bixin karnaa lacagta lagu bixin karo oo 40 milyan lagu qiyaasayo.” Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka sare ee xisbiga isla markaana u hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo maanta magaaladda hargeysa loogu sameeyey Odey xaaji Cabdi Xariir oo ahaa odey weyn oo Reer Somaliland ah Bashiir Cabdi Xariir Aabihina ahaa Oo xubin Fulinta Xisbiga ah. Guddoomiyaha Xisbiga iyo Madaxda kale ee Xisbiga ayaa u duceeyey Odeyga inu Alle swc Jannadiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Germany said Monday it will provide an additional $73 million in financial aid to Somalia as it vowed to boost bilateral ties. Ambassador Annett Gunther made the announcement while hosting a celebration in Mogadishu to mark German Unity Day attended by Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire. “To support Somalia on its path, Germany is increasing its support in its development cooperation by $73 million over the next two years,” said Gunther. “This increase, as was jointly agreed, will foster inclusive growth, skills development (through technical and vocational education and training) and urban infrastructure. Furthermore, Germany is engaging with a higher priority in rural development, agriculture and water management.” Also present at the event was the Speaker of the Upper House, Abdi Hashi Abdullahi, Minister of Foreign Affairs Ahmed Isse Awad and other members of the Somali government. Gunther noted that the substantial support by the German government honors the progress made by the Somali people. “It aims to support maintaining the positive trajectory Somalia has taken in recent years,” she added. The event, which took place at the European Union Diplomatic Compound, commemorated the 29th anniversary of the reunification of Germany on Oct. 3, 1990. View the full article