-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku dhowaaqday go’aanka dacwad ciqaabeed loo haystay xubno lagu soo eedeeyay Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay in eedeysane Xasan Cali Macalin Barre , uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhisgista Gawaarida qaraxyada sida goobaha ay Shacabku ku badan yihiin. Waxaanay sheegtay Maxkamddu in 26/11/2018, uu Suuqa Kaawo Godey ee Degmada Wadajir dhigay Gaari Noociisu ahaa FILDER , kaas oo qarxii uu sameeyayna ay ku geeriyoodeen 12 Qof, kuna dhaawacmeen 7 kale. Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy), oo isna Al-Shabaab u qaabbilsanaa soo galinta Magaalada Muqdisho Gawaarida sida walxaha qarxa iyo farsamayntooda. Halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey), isaguna lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo in uu hay’adaha baarista u sheegtay Magac been ah. Maxkamadda CQS ayaa ugu dambayn Maanta oo ah Khamiis 12/9/2019-ka Xasan Cali Macalin Barre (XasanBoy) ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy) ku xukuntay Xabsi daa’in, halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey) ay ammartay in la sii daayo. Waxayna Maxkamaddu sheegtay in Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka ay u furan tahay in uu ka qaato Racfaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday rag loo heysto qarax dad badan ay ku dhinteen oo dabayaaqadii sanadkii 2018 ka dhacay Suuqa Kaawo-Godey Maxkamada Ciidamada ayaa xukun dil ah waxaa ay ku riday Xasan Cali Barre, halka Sayid Cali Aadan Nuur lagu xukumay Xabsi Daa’in iyadoona ugu dambayn maxkamaddu ay siideysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigaas. Guddoomiyaha Maxamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u akhriyey xukunka ay maxkamaddu ridey oo rafcaan ka furan yahay. DAAWO PUNTLANDPOST The post Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo xukuno riddey. appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa uu magacaabay guddi ka kooban 7 xubin, oo ka shaqeyn doono dib-u-furista waddooyinka xiran ee caasimadda Muqdisho. Guddigaan waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Tulux. Guddoomiye Cumar Filish ayaa munaasabadii uu xilkiisa kula wareegayay waxaa uu ku balanqaaday inuu furayo waddooyinka Xamar Source: goobjoog.com
-
Falanqayn: Xaggee Somaliland Ku Bixisa Lacagta Ugu Badan?, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa sheegay in Maraykanka laga doonayo inuu iska fogeeyo xubnaha dagaalka u ololeeya, hadalkan oo uu ku soo beegay kadib markii la casilay Lataliyihii Amniga Madaxweynaha Maraykanka John Bolton. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Lataliyihiisa Amniga John Bolton uu shaqada ka eryey kadib markii ay isku afgaran waayeen arrimo badan oo xasaasi ah oo ay kamid yihiin wadahadaladii lagula jiray Dowlada Kuuriya Waqooyi. Bolton ayaa isagu bartiisa Twitterka ku qoray in aan la casilin balse uu isagu Isniintii lasoo dhaafay istiqaaladiisa u geeyey Madaxweynaha Maraykanka. John Bolton oo horey ulla soo shaqeeyey xukuumada George W Bush ayaa kamid ahaa xubnihii u ololeeyey dagaalkii Ciraaq, isla markaana aad u taageera Israel iyo farogelinta Militari ee Maraykanka ee caalamka, wuxuuna muddooyinkii danbe olole xoogan ugu jiray cadaadiska lagu hayo dowlada Iran. Xog laga helayo Aqalka Cad ayaa sheegaya in marka laga yimaado khilaafka Madaxweynaha in John Bolton ay sidoo kale isku dhaceen xubno awood badan kuleh Madaxtooyada Maraykanka sida, Caruurta uu dhalay Trump, Xaaska Trump iyo waliba Xoghayaha Arrimaha Dibada Mike Pompeo. Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in dowlada Maraykanka danteeda ay ku jirto inay iska fogeyso xubnaha dagaalka u ololeeya, wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanka uu meesha ka saaro cunaqabateynta iyo weerarka dhaqaale oo uu ku hayo wadanka Iran. Rouhani ayaa sheegay in cadaadiskii Maraykanka ku hayey Iran uu yahay mid fashilay, isla markaana aysan wax kulan fool ka fool ah la yeelan doonin Maraykanka, illaa la qaadayo cunaqabateynta. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani inta uu socdo shirweynaha Qaramada Midoobay oo ay kawada qeyb geli doonaan, balse hadalka kasoo baxay Madaxweyne Rouhani ayaa u muuqda mid ay Iran ku xoojineyso gorgortanka ay kula jirto Washington. Source
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hor imaaday qorshaha la doonayo in Ciidamada AMISOM looga saaro dalka Soomaaliya. Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya aysan marnaba ka bixi doonin dalka Soomaaliya inta ay Al-Shabaab jirto isagoo sheegay inay AL-Shabaab halis weyn ku tahay guud ahaan dalalka Africa. Wuxuu tilmaamay inay Ciidamada Kenya baaqi kusii ahaan doonaan gudaha Soomaaliya inta ay iska dhiibayaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay, Uhuru ayaa sheegay in CIidamada Kenya ay kamid yihiin howgalka AMISOM ayna ku shaqeenayaan amarka iyo qorshaha u dajisan howlgalka AMISOM oo ujeedkiisu yahay sidii Al-Shabaab loo ciribtiri lahaa. Dowladda Kenya ayaa dhawaan Qaramada Midoobay u gudbisay Qaraar ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo ah qodobka 1267 oo sheegayo in meelaha ay Al-Shabaab ku sugan yihiin laga fuliyo duqeymo aan kala sooc laheyn iyo inaan wax gargaar bini’aadanimo la gaarsiin Karin. Qaramada Midoobay ayaa qaraarkaas ka hor timid waxayna sheegtay inaan la joogin waqti Al-Shabaab la geliyo qodobka 1267, waxaana arrintaas si weyn uga hor imaaday hey’adaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey Dowladda Kenya ugu eedeysay inay qeyb ka tahay dhaqaalaha ay helaan Al-Shabaab, waxayna codsatay in intii la ansixin lahaa qodobka 1267 lagu amro Kenya inay joojiso dhoofinta Dhuxusha oo la aaminsan yahay inay dhaqaale badan ka helaan Al-Shabaab. Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Kenya ayaa kusoo aadayo xilli ay meel xasaasi ah mareyso dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya taasoo dib loo dhigay muddo Laba bilood ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Baarlamaanka UK ayaa ku guulleystay inay ku khasbaan Xukuumadda Boris Johnson inay shaaciso xogta iyo daraasada xukuumadda Ingiriiska ku sameysay waxa dhici kara haddii wadanka UK iskaga baxo Midowga Yurub iyadoo aan wax heshiis ah lala gelin dalalka EU-da. Britain’s Prime Minister Boris Johnson gestures during a press conference on the steps of the Government buildings in Dublin on September 9, 2019. – Irish Prime Minister Leo Varadkar said on Monday that the European Union had not received from Britain any alternatives to the so-called backstop provision in the Brexit divorce deal. (Photo by Lorraine O’SULLIVAN / AFP) (Photo credit should read LORRAINE O’SULLIVAN/AFP/Getty Images) Daraasadan ay xukuumadda ka qarineysay shacabka ayaa waxaa kamid ah in marka wadankaasi ka baxo EU-da ay dhici karto in sicir-barar ku yimaado raashinka daruuriga ah iyo waliba daawooyinka, isla markaana khal khal weyn geli doono suuqa wadankaasi oo ku xidhan suuqweynaha dalalka Midowga Yurub. Shacabka iyo Ganacsatada UK diyaar uma aha inay u babac.dhigaan caqabadaha ka iman kara Brexit ayaa lagu yidhi Daraasadan loogu magacdaray “”Operation Yellowhammer”. Raysalwasaare Boris Johnson ayaa isagu diidanaa in xogta la shaaciyo balse ku khasbanaaday inay daraasadan shaaciyaan kadib markii Baarlamaanka UK uu todobaadkan kalfadhigoodii ugu danbeeyey ay ku ansixiyeen sharci ku khasbaya Boris Johnson iyo Wasiiradiisa inay xogtan shacabka la wadaagaan. Shacabka ayaa walaac weyn ka muujinaya xiisada ka taagan Brexit iyadoo horey ay u jirtay cabsi ah in hoos u dhac dhaqaale dalkaasi soo wajahdo hadii ay ka baxaan Midowga Yurub. Source
-
(SLT-Washington)-Maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka ayaa maamulka Trump u ogolaatay qorsheyaasha aadka u xadidaya in dadka soo galootiga ah ay magangalyo dalbadaan. Sharcigan ayaa dhigaya in dadka ka imaanaya dal saddexaaad ay magangalyo halkaas waydiistaan ka hor inta ayna Maraykanka imaan. Waxaa jira dadaallo dhanka sharciga ah oo lagu diidan yahay qorshahan balse xukunkan ayaa ka dhigan in dalka oo dhan laga hirgalin karo hadda. Madaxweyne Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray arrintaasi waa “Guul wayn oo maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ay ka soo hoysay arrimaha xuduudaha iyo soogalootiga”. Source
-
Waxaa maalmahan magaalada Xudur ku sugan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, booqashada uu halkaasi ku tagay waxaa qeyb ka ah maareynta ilaa 800 oo isugu jira maleeshiyaadka ka amar qaata wadaadka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, qaar kale oo Koonfur galbeed iyo SNA. Wadahadal dheer kadib, xog ay heshay Goobjoog News waxaa ku cad in maleeshiayad Roobow ogolaadeen in la qarameeyo, kana mid noqdaan xoogga dalka, waxaa sidoo kale la isla qaatay in loo kala saaro ilaa saddex qeybood, qeyb Booliiska gaarka ah, Nabadsugidda iyo SNA. Soojedintan uu lahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdi Casis Laftagareen ayaa la ogeyn sida ay u yeeli-doonaan maleeshiyada, oo marka hore shuruuro la yimid. Ciidamada Mukhtaar Roobow waxay dalbadeen inta aan la qarameyn in loo geeyo gaadiidka dagaalka, hub, zaanad kala duwan iyo in mushaar joogta ah loo qoro, waxaana wararku sheegayaan in ay u badantahay in dalabkaasi la fulindoonno. Ciidamadan Wadaadka Mukhtaar Roobow tiro ahaan lama xaaiijin, waxaa ay kala joogeen Xudur, Tiyeegloe, Rabdhuure Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa uu tan iyo December sanadkii tagay u xiranyahay dowladda federaalka ah, soo qabashadiisa oo Baydhabo ka dhacday waxaa ku dhimatay in ka badan 15 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Colonel Tesfaye Ayelew oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in xubno ka tirsan Ururka Daacish lagu qabtay gudaha dalka Itoobiya, ragaan ayaa lagu soo qabtay hawlgalo ay ciidamadu sameeyeen, Xubnahan ayaa u kala dhashay dalalka Suuriya, Yemen iyo Itoobiya balse ma sheegin tirada xubnahaas ee ka tirsanaa ururka Daacish. Daacisha ayaa dhawaan lagaga adkaaday furimo ay ku lahaayeen gudaha dalka Suuriya, sidoo kale waxaa ay fadhiyo ku leeyihiin gudaha Soomaaliya iyadoo dhawr jeer oo hore ay ciidamada maraykanku duqeeyeen. Source
-
(SLT-Ankara)-Wargeys laga leeyahay dalka Turkiga ayaa daabacay macluumaad cusub oo ku saabsan cod la duubay, kaasoo uu wargeysku sheegay inuu diiwaan galiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee uu waajahay wariyihii la dilay ee u dhashay dalka Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji. Jamaal oo ahaa nin ku caan baxay cambaareynta dowladda ayaa bishii Oktober ee sanadkii hore lagu dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istambul ee dalka Turkiga. Wargeyskan lagu magacaabo Sabah, oo taabacsan xukuumadda Ankara ayaa sheegay in qoraalka uu shalay daabacay laga sameeyay codka lagu duubay gudaha, ka dibna ay gacanta ku dhigeen sirdoonka Turkiga. Waxaa sida la sheegay ku jira xog xasaasi ah, sida erayadii ugu dambeeyay ee uu ku dhawaaqay wariyaha. Khaashuqji ayaa maqaallo u diyaarin jiray wargeyska Washington Post waxaana uu saldhiggiisu ahaa dalka Mareykanka, ka hor inta aan la waayin. Markii ugu dambeysay ee la arkay wuxuu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, 2-dii bishii Oktober ee sanadkii 2018-kii. Wuxuu markaas doonayay inuu halkaas kasoo qaato warqado sharci ah oo uu ugu baahnaa inuu ku guursado haweeneyda u doonaneyd. Dhimashadiisa aan xogta saxda ah laga helin ayaa caro badan usoo jiidday boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo kasoo saartay warar is khilaafsan oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa ugu dambeyn dilkii Jamaal ku qeexay howlgal “aan cidna looga amar qaadanin” waxayna dacwad kusoo oogeen 11 nin. Muxuu yidhi Wargeysku? Wargeyska Sabah wuxuu hore ciwaanno badan oo caalami ah uga sameeyay macluumaadka ku saabsan dilka wariyaha – waxaana ka mid ahaa warar muran abuuray – oo la xidhiidha dhimasada Jamaal Khaashuqji. Toddobaadkan wuxuu daabacay laba warbixin oo lagu faahfaahinayo dhimashada Khaashuqji oo ay ka dambeeyeen koox uu ku tilmaamay “kuwa dilalka fuliya”. Warbixintan ugu dambeysay wuxuu wargeysku ku sharraxayaa cod laga duubay goobtii uu dilka ka dhacay. Qormada waxaa lagu xusay xog ku saabsan inuu nin khabiir ku ah dilalka qorsheysan, oo ka mid ahaa kooxda laga soo diray Sacuudiga, kaasoo wariyaha ku tilmaamay inuu yahay “xayawaan loo dilayo danta guud”. Warbixinta Sabah ayaa sheegeysa in Khaashuqji isla markii uu gudaha u galay qunsuliyaddaba uu shakiyay isla markiina loo sheegay in dib loogu celinayo magaalada Riyaad, amar kasoo baxay booliska Interpol awgiis. Hase yeeshee Wariyaha ayaa diiday dalabka raggii halkaas ku sugnaa, oo ay ka mid ahayd inuu farriin qoraaleed u diro wiilkiisa, ka dibna si khasab ah loo diiday, sida uu wargeysku sheegay. Wuxuu markaas ka dib raggii dilayay u sheegay inaysan afkiisa xidhin maadaama uu qabo xanuunka neefta, laakiin isla markiiba uu miyir beelay. Khaashuqji waxaa lagu neef qabateeyay bac madaxa loo galiyay, sida uu sheegay wargeyska Sabah oo xiganayay shanqaraha laga maqlayay codka ku duubnaa cajaladda. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in cajalku uu duubay shanqarta ku saabsan in la jarjaray meydka Khaashuqji, waxaana falkaas geystay ninka khabiirka ku ah dilalka. Wararka ku saabsan inuu jiro cajal uu ku duuban yahay dilka Jamaal Khaashuqji aya ala isla dhex marayay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay. Saraakiisha Turkiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cajalkaas jiro, waxayna sheegeen inay la wadaageen dowlado caalami ah, laakiin wali ma cadda sida uu wargeyskan ku helay. Iyadoo hadda ay muddo ku dhawaad hal sano ah kasoo wareegtay geerida Jamaal Khaashuqji, wali lama helin meydkiisa waxaana intaas jiray cadaadis dhinaca beesha caalamka ah. Horaantii sanadkan, Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku takhasusay arrimaha la xiriira dilalka aan sharciga loo marin ayaa ku baaqday in baaritaanno madax bannaan lagu sameeyo dhimashada wariyahaas. Agnes Callamard ayaa eerida Jamaal Khaashuqji ku qeexday “Dil aan geed loogu gabbanin” waxayna sheegtay in “ay mas’uul ka tahay dowladda Sacuudi Carabiya”, loona baahan yahay in baaritaanno lagu sameeyo. Dowladda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruurtay hadalka haweeneydaas, waxayna si joogto ah u beenisaa inay mas’uul ka tahay dhimashada wariyaha. Source
-
EDITORIAL. Radio Shabelle website reports that the Somali Finance Minister, Dr Abdirahman Beileh, was attending a meeting in Addis Ababa about debt relief for Somalia. Debt relief is a federal government buzzword. The Federal Government leaders have not explained what debt relief entails beyond occasional tweets from the Finance Minister or the President. Somalia does not have the characteristics of countries that benefit from debt relief. At 2017 London Somalia Conference, the United Nations Secretary General, António Guterres, said AMISOM remains in Somali in response to a global threat from the war-torn country. What are immediate consequences from this situation? More than 90% of funds raised for the reconstruction of Somalia goes to AMISOM operations. Somalia does not have a government that is able to eliminate domestic threat to global security. Foreign peacekeepers are gainfully employed to take the role a Somali Army would play to deter and prevent terrorist threats . How can a country that accesses measly 9% of development aid raised in its name reap benefits of debt relief? Debt relief can open the door for a country to borrow money from other countries or multilateral agencies to perpetuate debt dependency. The military regime ( 1969-1991) saddled Somalia with the lion’s share of the debt Somalia owes several countries and organisations. Since 1991 Somalia has not been able to service the debt, a situation that increases Somalia’s debt. In the eyes of many Somalis debt relief is public relations exercise of the Somali Federal Government. Repeating it in the face of mounting security challenges exposes fallaciousness of debt relief for war-torn Somalia. Send comments to: pp@puntlandpost.com © PUNTLAND POST The post The Fallacy of Debt Relief for Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa ka qabsoomi doona shir ay ka qaybgeli doonaan dowladda Soomaaliya, dalalka deeqaha bixiya iyo hayaddaha lacagaha adduunka ee IMF. Mudada uu socdo shirkaani ayaa waxaa looga arrinsan doonaa hannaanka deyn cafinta ee Soomaaliya oo ay labadii sano ee ugu dambeeyey ka shaqaynaysay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa shirkaasi ku matali doona wasiirka maaliyadda xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay weheliyaan wasiirada maaliyadda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ka qaybgelaya shirkaasi ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyey safiirka Soomaaliya ee Itoobiya ahna madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey. PUNTLANDPOST The post Puntland oo ka qaybgelaysa shirka deyn cafinta Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin cusub oo uu soo saaray Khabiir u dhashay Maraykanka, kuna takhasusay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu muujiyey in 1,800 Askar ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM lagu dilay Dagaalladaasi tan iyo sannadkii 2007-dii. Professor Paul Williams oo baaritaankiisa saldhig uga dhigay illaa Shan arrimood oo ay ugu horeyso Dukumiintiyada lacagaha magdhowga ah ee la siiyey qoysaska la dilay ee Ciidamada AMISOM tan sanadkii 2007. Professor Paul Williams oo Arrimaha Caalamiga ka dhiga Jaamacadda George Washington University waxa uu Tiro-koobka khasaaraha soo gaaray Askarta AMISOM muddadii u dhexeysay bishii March ee sannadkii 2007-dii ilaa bishii December sannadkii hore ee 2018-kii ku sheegay inay u dhexeysay 1,483 Askari ilaa 1,884 Askari oo la dilay. Wuxuu sidoo kale sheegay inay tirada intaas ka badan karto, wuxuuna soo xiganayey Liiska Magacyada iyo darajada Ciidamada AMISOM ee lagu dhajiyey darbiga Midowga Africa ee Magaalada Adis Ababa kuwaas oo lagu dilay Howlgalada Midowga Africa ee Wadamada Burundi, Afrikada Dhexe, South Sudan iyo weliba Somalia. Wuxuu sheegay inaan si rasmi ah loo ogaan karin tirada Ciidamada AMISOM ee lagu dilay Soomaaliya maadaama illaa hadda aysan Dowladaha Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya aysan usoo bandhigin tirada ciidamada looga dilay Soomaaliya. Prof. Williams ayaa sheegay in bishii Agosto ee sanadkan 2019 in Darbiga Xarunta Midowga Afrika lagu qoray magacyada illaa 1,108 oo ah askarta lagu dilay Soomaaliya. Warbixinada Maaliyadeed ee Midowga Afrika laga helay inta u dhaxeysa 2014 iyo 2018 waxay muujinayaan in Midowga Afrika ay bixisay lacag gaareysa 74.6 Milyan oo ah magdhawga Askarta la dilay. Professor Paul Williams ayaa warbixintaan kusoo bandhigay Machadka Caalamiga ah ee Nabadda ee New York , wuxuuna AMISOM ku eedeeyey inaysan warbaahinta la wadaagin khasaaraha soo gaaray Ciidamadooda taasina ay fursad weyn siisay Al-Shabaab oo soo gudbiya tiro aan la hubin in laga dilay AMISOM sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Marka (SMN) – Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Degaanadda ay ciidanka howlgalada ka sameeyeen ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa ku dhow magaaladda Marka ee xarunta gobolkaasi. Ujeedka ayaa la sheegayaa in uu yahay sidii AlShabaab looga saari lahaa goobaha ay wali kaga sugan tahay gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada howlgalada sameeyay oo lagu sheegay in ay yihiin kuwa dhowaan qabsadey barahaasi ayaa fariismo ka sameystay wadooyinka ay roondada ka sameeyeen. Dhinaca kale, ciidamo cusub oo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay gaareen qaybo kamid ah gobolkaas. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgalada ay wadaan ciidanka dowladda ee ay ku qabsanayaan degaano horleh. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud ayaa guddi u magacaabey dib u furitaanka wadooyinka magaala madaxda dalka ee haatan xiran. Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wuxuu soo jeediyay in wada hadal lala galo AlShabaab. Mr Saacid oo la hadlay warbaahinataa wuxuu sheegay in xeeladda dagaalka AlShabaab looga adkaan waayey, sidda uu hadalka u dhigay. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku adkeystay in loo baahan yahay in markan la isku dayo qaab siyaasadeed oo wada hadalka ah. “Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa,runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed oo la kari waayay,axaana fiican in laga guuleysto,nabad wadahadal ku timaado lafteeda lama dhayalsan karo,” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo xoogaga dowladda ee howlgalada ka wada gobolada dalka ay qabsadeen degaano horleh. View the full article
-
Xudur (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqasho ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee qeybta ka qaatay xoreynta Xudur, Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo ciidamo tababar kasoo baxay, oo la qarameynayo si ay qayb uga noqdaan ciidanka xoogga dalka ee loo qorsheynayo xoreynta deegaannada Al-Shabaab uga sugan yihiin gobalka Bakool. Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiirka difaaca dalka iyo madaxweynaha koonfur Galbeed oo ciidanka kula hadlay garoonka kubbada Cagta Dr. Waarebi ayaa sheegay in dhammaan ciidamada la qarameynayo, la qalabeynayo, xuquuqdoodana ay dowladdu bixineyso si ay Shabaab uga saaraan Tiyeglow iyo Rab-dhuurre. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in muhiim ay tahay in lala shaqeeyo mas’uuliyiinta diiwaan gelinaya ciidamada, ee dhawaan imaanaya magaalada Xudur si ay ugu fududaato gudashada waajibaadka ka saaran qarameynta ciidamada. Dowladda Soomaaliya oo wada dadaallo xooggan oo dib-u-baheyn loogu sameynayo ciidamada qaranka ayaa ku guuleystay tirinta ciidamada qalabka sida, bixinta xuquuqdooda, iyo daryeelkooda, waxa ayna horay u qarameysay ciidamo badan oo lagu biiriyay ciidamada qalabka sida ee dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-12092019.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay guddiga dib-u furista wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho taas oo ay baahi weyn u qabaan shacabka caasimada. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Mohamed Tuulah ayaa waxaa uu guddoomiye u yahay guddigaan oo ka kooban 7 Xubnood ayna kujiraan saraakiil ciidan. AKRHISO PUNTLANDPOST The post Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddi u magacaabay furista waddooyinka xiran. appeared first on Puntland Post.
-
Diinsoor (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in meel u dhow Saldhiga degmadaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxaas oo ahaa Miino la dhigay agagaarka Saldhiga booliska ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 4 Ruux oo Shacab ah oo laba ka mid ah ay carruur ahaayeen halka ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo uu ku jiro taliye kuxigeenka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor. Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Shigshigoow kaas oo la xaqiijiyay in uu ka badbaaday. Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ay Ciidamada kusoo wargeliyeen Miinada qaraxday ee la dhigay meel u dhow Saldhiga Booliska,isla markaana xilli la doonayay in la kala furo ay qaraxday. Qaraxa kadib ayaa Ciidamada Booliska ee ku sugan degmada Diinsoor waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ku dhow dhow halka uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo qabqabtay dad Dhalinyaro u badan wallow markii dambe ay siidaayeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaasi dhacay xilli Ciidamada ilaalada u ah Guddoomiyaha degmada ay marayeen gudaha magaalada halkaasna kula kacday miino dhulka loo geliyay. Caasimada Online Xafiiska Diinsoor caasimada@live.com
-
Warbixin cusub oo uu soo saaray Khabiir u dhashay Maraykanka, kuna takhasusay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu muujiyey in 1,800 Askar ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM lagu dilay Dagaalladaasi tan iyo sannadkii 2007-dii. Khabiirka oo lagu magacaabo Professor Paul Williams waxa uu baaritaankiisa asaas uga dhigay 5 Ilo-wareedyo iyo Xogaha Ururka Midowga Afrika ee lacagaha la siiyey Qoysaska kuwii ay jeclaayeen ee la dilay tan iyo markii Ciiddanka AMISOM loo soo daad-gureeyey Somalia sannadkii 2007-dii. Professor Paul Williams oo Arrimaha Caalamiga ka dhiga Jaamacadda George Washington University waxa uu Tiro-koobka khasaaraha soo gaaray Askarta AMISOM muddadii u dhexeysay bishii March ee sannadkii 2007-dii ilaa bishii December sannadkii hore ee 2018-kii ku sheegay inay u dhexeysay 1,483 Askari ilaa 1,884 Askari oo la dilay. Professor Paul Williams waxa uu Warbixintiisa ku sheegay inaysan suurtogal ahayn in la helo tirada rasmiga ee Askarta AMISOM ee geeriyooday, sababo la xiriirta dalalka ay Ciiddanka ka joogaan gudaha Somalia oo aan weli shaacinin Liiska Askartii looga dilay dagaaladii Alshabaab. Dhinaca kale, Derbiga Geesiyayaasha ee ku yaalla Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Africa ee magaalladda Addis Ababa waxaa lagu qoray Liiska magacyada iyo Darajooyinka Askarii Nabad Ilaalinta Ururka Midowga Africa ee lagu dilay Hawlgalladda la socda dalalka Burundi, Afrikada Dhexe, South Sudan iyo weliba Somalia. Professor Paul Williams waxa uu Warbixintiisa ku muujiyey in Derbiga Geesiyayaasha ku qornaayeen bishii la soo dhaafay ee August 2019-ka magacyada 1,108 Askarii lagu dilay Hawlgalladda Nabad Ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika. The post Tirada ciidanka AMISOM ee lagu laayey weerarada Alshabaab oo la soo bandhigay. appeared first on Puntland Post.
-
Trump Flirts With $15 Billion Bailout for Iran, Sources Say
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
President Donald Trump has left the impression with foreign officials, members of his administration, and others involved in Iranian negotiations that he is actively considering a French plan to extend a $15 billion credit line to the Iranians if Tehran comes back into compliance with the Obama-era nuclear deal. Source: Hiiraan Online -
Somali army kills 8 al-Shabab militants in southern regions
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU,(Xinhua) -- Eight al-Shabab fighters were killed on Tuesday night during a fierce counter offensive with Somali government forces in Garbaharey town in the southern region of Gedo, a military official said on Wednesday. Source: Hiiraan Online