-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa si adag uga hadlay dil qorsheysan oo caawa magaalada Jowhar loogu geystay xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar Karaani. Xildhibaanka oo dhowaan loo magacaabay wasiirka beeraha ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan, xilli uu ka soo baxay salaadda Cishaha. Qoraal uu soo saaray guddoomiye Barre ayaa wuxuu tacsi ugu daray ehellada marxuumka iyo Ummadda Soomaaliyeeed, gaar ahaan reer HirShabelle. “Waxaan tacsida tiiraanyada leh laqeybsanayaa Qoyska ehelka, Asxaabta iyo dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Axmed “Karaani” waxuuna Alle uga baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo.” ayuu qoraalka ku yiri. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay xildhibaada HirShabelle inay muujiyaan feejignaan dheeri ah. View the full article
-
Kooxo hubeysan ayaa caawa gudaha magaalada Jowhar ku toogtay wasiirkii Beeraha maamulka Hirshabeelle Cabdiqaadir Faarax Axmed(Karaani). Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Hanti-wadaag, xildhibaanka ayaana la toogtay xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yalla xaafadaas. Kooxihii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday, ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa sameeyey baaritaan lagu baadi goobayey qolyihii dilka geystay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in fiidkii hore ee caawa magaalada Jowhar lagu dilay wasiirkii beeraha iyo waraabka dowlad goboleedka HirShabelle, Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar Karaani. Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay toogteen marxuumka xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla magaaladaas oo uu ku soo tukaday saaladda Cishaha. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxihii ka dambeeyey dilka wasiirka ay goobta ka baxsadeen. Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar ayaa xilka wasiirka beeraha iyo waraabka waxaa loo magacaabay 11-kii bishan, wuxuuna xilka hayey hal todobaad uun, kadib markii uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. View the full article
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in magaalada dhexdeeda lagu toogtay wasiir ka tirsan Maamulkaas. Wasiirkii Beeraha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar karaani ayaa la sheegay inay kooxo hubeysan dileen xilli uu kasoo baxay Saaladda Cishaha. Wasiirka Cabdiqaadir Abuukar Karaani oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa lagu dilay Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar. Sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Caasimada Online, Wasiirka ayaa waxaa toogtay kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaas oo meesha ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabelle ayaa soo gaaray meesha uu dilka ka dhacay, waxayna durba bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo kooxihii dilka fuliyey. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Xildhibaannada iyo Mas’uuliyinta kale ee Dowladda uga digay ay Al-Shabaab ka geysan karaan deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle, loona baahanyahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.
-
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa si kumeel gaar ah shaqada uga joojiyay Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye, sababo la xirirta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday xabsiga Dhexe ee Xamar oo ay weli socoto baaritaanno dheeraad ah. Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Jeneraal Daahir Aadan Cabdulle inuu sii wado shaqada Xabsiga Dhexe. Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa Warbaahinta u sheegay in wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha ciidanka Asluubta shaqada si KMG looga joojiyay taliyihii xabsiga View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-habeen-1782020.mp3 View the full article
-
In his speech at a ceremony for Puntland political associations, Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas, the former Puntland President, made remarks about democracy. Gaas said that, contrary to what many people believe, democracy may not improve their lot in life. By this characterisation Gaas implies that democracy has no intrinsic values such as political equality, supremacy of the rule of law and independence of the judiciary. His definition of democracy as a system in which the majority rules while the rights of minorities are protected is hardly applicable to a society whose political class prizes identity politics. Gaas said that there “is a type of democracy that grants citizens the right to conduct economic activities freely under conditions of limited freedoms.” Gaas did not mention which country practises this brand of democracy. Dr Abdiweli M. Ali (right) attempts to take Milton Friedman to task over the link between freedom and capitalism. The democratic theory of the former economics professor and Prime Minister (2011-2012) challenges arguments the Economics Nobel Laureate and the late economist, Milton Friedman, expounded in Capitalism and Freedom. “History only suggests that capitalism is a necessary condition for political freedom. Clearly it is not a sufficient condition” wrote Milton Friedman. By his definition of democracy Dr Gaas threw his weight behind state capitalism where curtailing civil liberties is not the choice made by citizens but by the ruling clique. In democracies ideas matter more than identity politics does. A political party campaigns on a political programme to appeal to all citizens. In the case of Puntland State a political association that campaigns for voting rights for all stands a better chance to win the presidency. Gaas offered a bit of advice to people whose democratic hopes get dashed: accept your fate. His advice proffered in the presence of Puntland political class members was tempered by reservations of political associations that pointed out the futility of conducting pilot local government elections only in three designated districts in Puntland. Siyad Ali Jama, is a political commentator. The post Abdiweli Gaas Misdefined Democracy appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Aadan Xuseen Kulmiye, isaga oo si kumeel gaar ah taliye ugu Magacaabay Xasbiga dhexe. Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdi Qani Maxamed ayaa sheegay in shaqa joojinta ay timid, ka dib dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday xabsiga oo aheyd dagaal dhex-maray Ciidamada ilaalada iyo qaar kamid ah Maxaabiista oo la sheegay in uu hub gacanta u galay. Sarreeyo guuto Daahir Cabdulle Raage ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay in uu noqdo taliyaha xabsiga dhexe. 11-kii Bishaan Agoosto ayaa xilli galab ah waxaa dagaal uu ka dhex bilaawday Gudaha Xasbiga Dhexe, waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu sheegay in qaar kamid ah Maxaabiista oo hub gacanta u galay Ciidamada ilaalada Xabsiga ay dagaalameen,isla markaana dagaalkaas ay ku geeriyoodeen 15 Ruux oo isugu jiray Ciidamada iyo Maxaabiista. Horay aya loogu dhawaaqay guddi loo xilsaaray in ay soo baaraan, sida ay maxaabiistu ku heleen hub, kadibna ay toogasho kaga billaabeen gudaha xabsiga, wali ma jiro wax natiijo ah oo ay soo saareen guddigii loo xilsaaray in ay soo baaraan dhacdaas.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay laamaha amniga dalka. Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mudane Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii Shabaab ee shalay Muqdisho ka dhacay. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo. Inta la ogyahay ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka ku dhowaad 40 kalena kalana ay ku dhaawacantay, waxaase loo maleynaya in khasaaraha uu intaasi ka badan karo. Masuuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegtay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Qoraal ka soo baxay ayay ku sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa hotelkasi, oo uu leeyahay Xildhibaan Cabdullaahi Macalin Nuur, oo xubin ka ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya. Waa weerarkii ugu horeeyay ee sanadkan lagu qaado hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho, kaasoo ku yimid habacsanaanta amni ee labadii bilood ee ugu dambeysay laga dareemayay magaalada.
-
HARGEISA (HOL) - Taiwan has opened its diplomatic office in the breakaway region of Somaliland as the two sides seek to bolster relations and international recognition. Source: Hiiraan Online
-
Qormo Naxdin badan oo uu qoray Weriyihii Ruug-cadaaga ahaa Maxamed Ibrahim Macalimuu oo ka badbaaday weerarkii Elite Hotel-Muqdisho. Aniga waa nabad qabaa ,wax dhaawac ah oo i gaaray ma jirto ,Ilaah ha u naxariisto saaxiibkeey Abdirizak Abdi Abdullahi. Ma aha wax qoraal kooban uu ku sifeyn karo qof goobjoog u ahaa dhacda xanuun iyo uurkutaalo badan oo ay. ku dhinteen dad aan waxba galabsan . Saacaddu markii ay aheyd abaarihii 4tii oo rubuc la’ kadib salaadii casar ayaa waxaa i soo wacay C/risak oo ah saaxiib aad iigu dhawaa oo inta badan galinka danbe iyo fiidkii aan wada joogno. Wuxuu ii sheegay in Wasaaradda Warfaafinta oo Agaasime waaxeedyadeeda uu ka mid ahaa uu ka soo rawaxayo uuna doonayo inaan qaxwo u raadsanno Elite hotel . Wax yar kadib waxa uu iga soo maray aqalkeyga isaga oo wata gaarigiisa . Waan is raacnay sheeko Iyo is wareysi kadib waxaan gaarnay Elite hotel ,waxaa jira kursi aan aniga isaga ibo asxaab kale aan gaar u fariisano kaas oo ka muuqada sawirka koowaad . C/risaaq waa nin aad u xiriiro badan intii yareyd ee aan fadhinay waxaa uu telefoon kula hadlay sadax ruux ,Wariye Feysal Muse oo Turkiga jooga ,Agaasime Cabdiraxmaan Al Cadaala iyo Senator Ayuub Ismail , waxuu ii dhiibay Senator Ayuub oo aan telefoonka siyaasadda kula kaftmay ,markii aan telefoonka dhigay qaxwihii aan dalbannayna aan naloo keenin ayaa mar kaliya waxaan korkeena ka aragmay holac sidii hilaaca oo kale ah ,waxana xigay jug dhagahu ay na awdmeen ,qiiq iso uuro madow , intaa kuma ay ekaana waxaa is qabsaday rasaas dhinac walba ah . Abdirizak korsigii dhexyiilay dabeyshaa qaraxaa la tagtay ,kuraasteenii ayaa isku dhacday , waxaan xusuustaa inaan gacanta ka qabtay ayuu iska keey filgay ,wuxuu u cararay dhankii laamiga ee xabadda xoogga badan ka socotay ,in kastoo ay adkeyd in la kala garto halka rasaastu kaa xigto . Nasiib darro saaxiibkeey C/risaq waxaa haleeshay rasaas kaga dhacday wadanaha iyo lugta ,dibadda ayuu u baxay isaga oo dhaawac daran ah ,daqqiiqada kadibna wuu geeriyooday ,Ilaahey naxariisto janno ha siiyo ,weysadii uu salaadda casar ku tukuday ayuu qabay . Aniga horey kama cararin ee waxaan husbaday sida ay wax u socdaan iyadoo wadnuhu sida durbaanku ii garaacayo. Waxaan gacanta ku qabsaday labadii telefoon ee aan watay waxaanan goostay inaan ka boodo gidaarka dhanka xeebta oo noo dhawaa ,laakiin rasaasta ayaa meel walba ku dhaceysay . Go’aan baan qaatay waxaan u booday dhanka badda funaanad. aan xirnaa oo cagaar aheyd ayaan iska bixiyay sababtoo ah midabada qaar sida casaanka iyo cagaarku dadka badan ee cararaya waa lagaa dhex toogan karaa . Waxaan xeebta isku helnay odoyaal iyaguna baxsanaya oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee beeraha DKMG ,Xildhibaan hore Caraale ,ilaahna waa na badbaadiayay. Waxaan isku dayay inaan nolol iyo geeri helo saaxiibkeey ,waxaase la ii sheegay in dhaawac daran uu ahaa oo la qaaday . Waxaa la dhigay cisbitaalka Umma carar ayaan ku tagay Ummu hospital ,laakiin waxaa la ii sheegay inuu u geeriyooday rasaastii haleeshay ,waan aamini kari waayay ilaa aan meydka marxuumka indhaha saaro . Lugaha dhulka waa ku heyn waayay ,ilin ayaa wajigeyga buuxisay ,walaalkey Abdirizak oo daqiiqada ka hor aan kaftmeynay hadda waa meyd . Abdirizak waxuu ahaa nin cibaado badan ,maalin kasta oo Isniin iyo Khamiis wuu soomi jiray , qadartiisa ayaa meesha ku ekeyd ,dumaashi ,hooyo qoyska dhamaan Ilaah samir iyo iimaan haka siiyo . Qof kasta wuu dhimanayaa ,qadar baana loo dhintaa ,ilaahey intii dhimtay ha u naxariisto ,inta dhaawacanay Allaha Shaafiyo . Ma jiro wax dhaawac ah oo i gaaray haba yaraadee ,sawirka la wareejinayana waa mid hore . Maxamed Ibrahim Macalimuu Qaran News
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuled ayaa maanta kulan la qaatay laamaha amniga dalka. Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mudane Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii Argagaxiso ee shalay Muqdisho ka dhacay. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo. Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasilooni waarta ayaa laamaha amniga iyo guud ahaan ciidanka qaranka ku sameysay dib-u-habeyn ballaaran si ay awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta mawaadiniinta iyo hantidooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shil geystay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha. Gaari nooca xamuulka qaado oo siday bagaash kala duwan ayaa mar qura ku farriin goostay goobo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Bakaaraha. Darawalka Gaariga ayaa la sheegay inuu xakameyn waayey gaariga dhawr jeerna uu isku dayey inuu xakameeyo gaariga balse ugu dambeyn wuxuu gudaha u galay goob ganacsi. Seddex ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen shilkaan, halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen sida ay Caasimadda Online u sheegeen goobjoogayaal. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda iyo Maamulka Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta, iyagoo wada dadaalo lagu bixinayo gaarigii galay goobaha Ganacsi, waxaana sidoo kalena halkaas buux-dhaafiyay boqolaal qof. Shilalka noocaan oo kale ah ayaa ku badan gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana taas sabab u ah gawaarida xamuulka ah oo lagu raro cabir ka badan inta uu qaado iyo Gawaarida xamuulka qaado oo ah kuwa duqoobay.
-
Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan in Shirka Dhuusamareeb uu dib u dhici doono, isla markaasna Madaxweyne Farmaajo uu Muqdisho ku laaban [...] The post Shirka Dhuusamareeb oo dib loo dhigayo appeared first on . Source
-
Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo ka soo gaartay shil gaari oo Duhurnimadii maanta ka dhacay isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Shilka ayaa yimid, kadib markii uu fariin goostay gaari xamuul ah oo marayey wadada, kaas oo dad badan jiiray. Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijiyey in dhimashadu ay tahay saddex ruux, dhaawacana 17 qof. Sidoo kale dadka dhaawacyada ah oo gurmad loo fidiyey ayaa waxaa la geeyey goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Waxaa maalin kadib meydad hore leh laga soo saaray dhismaha hotelka Elite oo ay shalay weerar toos ah ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Weerarka oo ku bilowday is-miidaamin ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Haddaba maalin, kadib waxaa booqatay goobta uu qaraxu ka dhacay Filsan Duceysane oo ka tirsan Shabelle, waxaana ka diyaarisay warbixin la xiriirta sida ay xaaladdu tahay. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/War-Filsan-Meydad-Hor-leh-Elite-Hotel.mp3 View the full article
-
Tiro lix qof ka badan ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen halka shan kale ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Bay. Qaraxa oo dhacay abaarihiin 5:45am ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyey kooxda weerarka soo qaaday ee Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka ah oo ay wehliyaan kuwa Koonfur galbeed. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka dowladda federaalka ah ay marka hore dagaalka ku jabeen, laakin markii ay gurmad ka heleen Baydhabo dib ugu laabteen taas ay sii daba socotay qarax haleeyey saraakiil soo duugi rabay askari dagaalkii hore ku dhintay oo meydkiisa lagu xiray walxaha qarxa gudoomiyihii deegaanka Goofgaduud Buurey isaaq Cali Isaaq (Isaaq Tuugey) iyo taliyihii saldhiga Xassan Bakac iyo 4 askari ee kale halka dhaawacu uu marayo 5 askari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The United Nations in Somalia strongly condemns the terrorist attack on the Elite Hotel in Mogadishu on Sunday, which reportedly killed at least 16 people and left many more injured. “This brazen attack targeted civilians, including government workers, peacefully enjoying their Sunday evening, causing many casualties. This savagery has no place in the country being built by Somalis and it merits the strongest condemnation,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. “This abhorrent attack should not and will not deter Somalis, and the entire United Nations family in Somalia reaffirms its commitment to and solidarity with all peace-loving Somalis in the face of such violence,” he added. According to reports, Al-Shabaab claimed responsibility for the attack, which involved a car bomb at the seaside hotel, followed by a gun battle between the terrorists and Somali security forces. The United Nations in Somalia expresses its deepest condolences to the families of the victims and wishes a speedy recovery for the injured. View the full article
-
Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah & xaaladda ammaan ee maamulkaasi. Fiqi ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii xooganaa ee shalay ka dhacay hotelka Elite ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu ka warbixiyey xaaladaha ammaan ee deegaanada Galmudug, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug iyo shacabkeeda ay go’aansadeen inay meel uga soo wada jeestaan dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna tusaale u soo qaatay dagaalkii dhowaan ka dhacaay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaas oo dhex-maray dad shacab ah iyo Al-Shabaab. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Galmudug diyaarisay ciidamo gaar ah oo loogu tala-galay sidii ay Al-Shabaab uga xoreyn lahaayeen deegaanada maamulkaasi. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka maamul ahaan kuu guuleysteen inay qaadaan isbaarooyin la soo dhigay gobollada Galgaduud iyo Mudug. Ugu dambeyn wuxuu dhammaan reer Galmudug ugu baaqay isku duubni iyo wax wada-qasbi, si loo hormariyo deegaanada maamulkaasi. View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare badan geystay uu ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaaxi ku taalla bartamaha magaaladaasi. Inta la xaqiijiyey waxa qaraxa ku dhintay ugu yaraan illaa 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Beledxaawo oo ku aadan qaraxaas, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga. View the full article
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa qarax xooggan oo Galabta ka dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo kaasi oo khasaare kala duwan gaystay. Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku dhintay sagaal kalena waa ku dhaawacmeen Qarax oo ka dhacay Suuq mashquul badan oo ku yaalla Degmada Beledxaawo halkaasi oo lagu iibiyo Xoolaha iyo Qaadka. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in Qaraxa ay inta badan waxyeello ka soo gaartay dad shacab ah oo Suuqaasi ku ganacsanayay. Sidoo kale Maamulka Degmada Beledxaawo ayaa xaqiijiyay in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa lix ruux oo shacab ah islamarkaana ay ku dhaawacmeen sideed kale. PUNTLAND POST The post Qarax lala beegsaday Suuq mashquul badan oo kuy yaalla Beledxaawo appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)- In ka badan 48-saacadood waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, inta badan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kuwaas oo kulamo gaar gaar ah ay uga socdaan madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb. Madaxweynayaash Puntland iyo Jubbaland ayaan iyagu weli imaan Dhuusamaareeb, waxaana jirin saan-saan muujineysa inay imaanayaan si ay uga soo qeyb galaan shirka Dhuusamareeb-3 ee lagu wado in uu ka furmo halkan. Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Galmudug ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in shirku uu furmi doono saacadaha soo socda, isla markaana aan furitaankiisa lala sugi doonin madaxda haatan Dhuusamareeb ka maqan, balse lagu qanci doono inay ku soo biiraan shirka. Sidoo kale xubnaha ka tirsan Madaxtooyada Galmudug waxay noo sheegeen in uu jiro xiriir dhanka taleefoonka ah oo ay la yeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, isla markaana uu Deni ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb-3 shuruud uga dhigay inay ka soo qeyb gasho beesha caalamka. Sidoo kale dalabka madaxweyne Saciid Deni ee ah in shirka ay ka soo qeyb gasho beesha caalamka waxaa ku gacan seyray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , waxaana xusid mudan in shirarkii kan ka horeeyey ee Dhuusamareeb-1 iyo Dhuusamareeb-2 aysan ka soo qeyb gelin beesha caalamka. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan dalka ka maqan ayaan illaa hadda xog buuxda laga gelin damaciisa ku aadan ka soo qeyb galka shirka wadatashiga ee Dhuusamareeb-3. Axmed Madoobe maalmo ka hor waxaa uu qaliin ku galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, lamana oga in uu ka soo qeyb geli doono shirkan, mas’uuliyiintan ka tirsan madaxtooyada Galmudug oo aan wax ka qeydiinana way ka gaabsadeen. Shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee Dhuusamareeb-3 caqabadda ugu weyn ee uu wajahayo waa in dalku uusan Ra’iisul wasaare la heyn, madaxda haatan ka maqan Dhuusamareeb-na waxay ka soo qeygalkiisa shuruud ka dhigeen in madaxweynuhu magacaabo ra’iisul wasaare fuliya wixii kasoo baxa shirkan.
