Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka maamulka Koongur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow ay toogasho ku dileen laba nin oo la sheegay inay dhowaan Kufsi ka geysteen gudaha magaalada Baydhabo ee caasimada gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in ragga la dilay oo dhowaan ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen ay qirteen falka Kufsiga ah ee lagu soo eedeeyey, kadibna la toogtay. Sida ay ogaatay Caasimada Online toogashada ayaa timid, kadib markii ay raggan Kufsi kula kaceen wiilal yar-yar oo midkood la sheegay inuu geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in ehellada wiilasha ay dalbadeen in cadaalada la horkeeno, kadibna sidaas lagu go’aamiyey in la toogto , iyadoo aan maxkamad la geyn. Weli ma jiro wax faah faahin ah mas’uuliyiinta iyo saraakiisha laamah ammaanka ay ka bixiyeen toogashadaas iyo haddii ay maxkamad xukuntay ragga la dilay iyo in kale. K/ Galbeed ayaa horey u shaacisay inay deegaanadeeda, gaar ahaan Baydhabo ay ku soo bateen falalka ka baxsan sharciga, sida Kusfiga iyo dhibaatooyin kale, waxaana toogasha ay fulisay ku micneysay inay uga hortageyso xad-gudubyada ka dhanka ah aadanaha.
  2. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia. Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirka ayaa waxaa ka maqan maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo qoraallo ay soo kala saaree xalay iyo habeen hore kuqaadacay shirka, waxayna soo bandhigeen shuruudo ay ka mid yihiin in beesha caalamka ay qeyb jog ka noqoto shirka. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray in Madaxda ay iska xog wareysteen sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka. Qoraalka Villa Somalia oo soo xiganaya madaxweyne Qoor Qoor ayaa intaas ku daray “in Madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka.” Si kastaba qoraalka laguma shaacin waxa ay yihiin qodobada la isku afgartay, waxaana adkaan doonto sida ay ku hirgeli doonaan qodobo kasta oo kasoo baxay shirka, oo ay ka maqan yihiin Jubaland iyo Puntland.
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in uu furmay wajiga koowaad ee shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo hadda madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood ay u joogaan magaaladan. “Maanta waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Doorashada, iyada oo Madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. Sida aad wada ogsoontihiin waxaa ilaa hadda nagala soo qeyb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.” Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu sheegay in ay bilaabeen falanqeynta iyo ka doodista nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa dabayaqada sanadkan. Madaxweynuhu waxa uu baaq u diray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo diiday ka qeyb-galka shirkan, isagoo ka codsaday in reer Galmudug ay ku qadariyaan gogosha ay dhigeen. “Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaa ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, ayna tixgeliyaan oo ay qadariyaan gogosha reer Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor. Puntland iyo Jubaland oo qoraallo soo kala saaray xalay iyo habeen hore ayaa qaadacay shirka, waxayna soo bandhigeen shuruudo ay ka mid yihiin in beesha caalamka ay qeyb jog ka noqoto shirka. Ugu dambeyntii waxa uu madaxweyne Axmed Qoor Qoor raja ka muujiyey in shirka ay ka soo baxdo natiija wanaagsan Soomaalidu-na ay ku heshiin doonto nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.
  4. In recent weeks, voices about plan to prolong the term of the Federal House of the People and, possibly, that of the incumbent Head of State became louder. Source: Hiiraan Online
  5. Morneau has faced calls to quit after revealing he forgot to repay $41,366 in expenses to WE Charity Source: Hiiraan Online
  6. Morneau has faced calls to quit after revealing he forgot to repay $41,366 in expenses to WE Charity Source: Hiiraan Online
  7. Kismayo (PP News Desk ) — Jubaland State had issued a communique on the pitfalls facing Dhuusamareeb III Summit. The Kismayo-based Federal Member State accused the Federal Government of Somalia of a catalogue of violations ranging from “the resignation of the former Prime Minister, the usurpation of Upper House’s representation privileges, to continued interference in Jubaland.” Jubaland alleges that “ the need for political agreement on 2021 elections is being ignored” and urged the International Community to help organise an inclusive Dhuusamareeb III Summit. Jubaland’s position is similar to Puntland’s although the former has stopped short of boycotting the summit despite expressing doubts about the ability of Galmudug State to host the summit. Both Jubaland and Puntland view the resignation of the former Prime Minister, who lost a vote of confidence, as unnecessary. Kismayo and Garowe are in favour of indirect elections. The electoral law signed into law by President Mohamed Abdullahi Mohamed six months ago mandates the National Independent Electoral Commission to liaise with the Federal Government and Federal Member States to organise one person, one vote elections in 2021. © Puntland Post, 2020 The post Jubaland Calls for the International Community to Organise Dhuusamareeb III Summit appeared first on Puntland Post.
  8. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa weerar uu fuliyey nin ku hubeysnaa Mindi oo labo gabdhood u geystay dil iyo dhaawac, kuwaas oo ku sugnaa gudaha magaalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan. Dhacdada ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhacday xaafadda Kooshin ee magaaladaasi, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Mid ka mid ah gabdhaha ayaa u geeriyootay dhiig bax, kadib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarkaasi, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka la geeyey dhaawacyada. “Dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray labada Gabdhood, mid ayaa u dhimatay dhiig bax sababay in ay galaan xaalad halis ah, howsha lagu badbaadinayo oo socoto ayay geeriyootay mid kamid ah haweenkaas, AUN ayaan leeyahay, Maskaxda ayaa soo daadatay” ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka dumarkan la geeyay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay la tacaalayaan gabadha kale oo iyana laga deyrinayo xaaladeeda caafimaad. “Waxa aan la tacaaleenaa Haweeneyda dhaawaca ah oo dhiig lagu shubay, dhammaan howlaha aan qabano ayaan isugu geynay si loo badbaadiyo, Alle ayaan ugu baryeenaa in uu caafimaad siiyo, waxaana ku yaalla dhaawacyo dhowr ah oo ah meelaha Mindida laga geliyay.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey agaasimuhu. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ninkii ka dambeeyey falkaasi uu goobta isaga baxsaday, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi. Ammaanka degmada Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe sii xumaanayey, waxaana ay aheyd dhowaan markii wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanayey mooto Bajaaj si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaaladaasi, kadibna dab la qabadsiiyey meydkiisa.
  9. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ,oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa shaaciyay in uu xalay si rasmiya u furmay Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka. Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa sheegay in Furitaanka Shirka looga hadlay Arrimaha Doorashada soo socota ee Soomaaliya, islamarkaana ay dhinacyadu si guud isugu afgarteen Qodobkii laga wada-hadlay ee Hannaanka Doorashada. Madaxweynaha Galmudug, wuxuu tilmaamay in Shirka ay ka maqan yihiin Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo sida uu sheegay xanuunsan iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku baaqay in Madaxda ka maqan Shirka ay ka soo qayb-galaan, wixii ay tabasho qabaanna Shirka ka sheegaan. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Qoor Qoor: Shirkii Dhuusamareeb 3 waa furmay Qodobkii Doorashadana waan isku afgarannay appeared first on Puntland Post.
  10. MOGADISHU (HOL) - HirShabelle State Agriculture Minister Abdikadir Abuukar Karani was Monday evening shot dead in Jowhar. Source: Hiiraan Online
  11. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo sheegay in aan la dammiinan karin kiisaska la xidhiidha kufsiga, loona iibin karin cidda lagu helo fal-dambiyeedkaasi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa kormeer ku maray xarumaha Maxkamaddaha hoose ee Gobolka Maroodi-jeex, halka sidoo kale uu kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Maxkamadda Racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeysa. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland, kormeerka iyo kulankan oo qabsoomay gelinkii hore ee maanta (Isniin, 17 August 2020), waxa ujeedadiisu ahayd sidii Guddoomiyuhu xogogaal ugu noqon lahaa hawlaha shaqo ee Maxkamadaha, aqoonta shaqaalaha iyo sidii loo dardargelin lahaa adeegyada garsoorka ee loo hayo bulshada Somaliland. Qoraalkan oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeer ku soo maray Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Marood-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Degmada Hargeysa. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay weheliyaan garsoore iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare, Guddoomiyayaasha Maxkamadda Rafcaanka Cali Suudi Diiriye, Gobolka Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa saaka (Isniin,17 August 2020) kormeer ku sameeyay dhammaan xafiisyada Maxkamadaha Racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeysa. Kormeerka ayaa ujeedadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada hawlaha ka socda xarumahaasi, baahiyaha ka jira iyo heerka aqooneed ee shaqaalaha ka hawlgala Maxkamadda Racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeysa, waxaanu Guddoomiyuhu ugu baaqay shaqaalaha haysta shahaadada dugsiga sare iyo kuwa haysta darajada koobaad ee jaamacadda (first decree) in ay kordhiyaan aqoontooda, iyagoo ka faa’iidaysanaya barnaamijka kobcinta aqoonta Hay’adda Garsoorka, kaasi oo ah deeq waxbarasho oo loogu talagalay shaqaale-weynaha Hay’adda Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland. Markii kormeerkaasi soo dhammaaday, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa shir la galay Guddooomiyayaasha Maxkamadda Racfaanka, Gobolka iyo Degmada Hargeysa, shirka ayaa ahaa mid lagaga tashanayay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga Maxkamaduhu bulshada u hayaan, loona xoojin lahaa xidhiidhka dadweynaha,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. Geesta kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka iyo Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare, ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin ay hoggaaminayso Wasiirka Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, kulankan oo qabsoomay maalintii Axadda waxa lagaga wadahadlay arrimo khuseeya waxyaabaha ay labada dhinac iska kaashan karaan. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal lagu faafiyey barta Facebook-ga Maxkamadda Sare ee Somaliland, kaasoo u qornaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo uu weheliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka iyo saraakiil ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa maanta (Axadda, 16 August 2020) xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, waxaana kulanku daarnaa sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ka dhexaysa Hay’adda Garsoorka iyo Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiiradda ayaa sheegtay in Wasaaraddu baahi weyn u qabto, kuna faraxsan tahay in Maxkamadduhu ka taageeraan, kiisaska la xidhiidha tacaddiyada carruurta, khilaafaadka ka dhasha qoyska (domestic violence) iyo arrimaha darbi-jiifka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa soo dhaweeyay in dhidibada loo adkeeyo xidhiidhkii Wasaaradda Shaqo-galinta iyo garsoorku lahaayeen, lana siiyo fursad ay kula socdaan kiisaska ay danaynayaan. Ugu danbayn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in kiisaska la xidhiidha kufsiga aan la dammiinan karin, laga heshiin karin, loona iibin karin cidda lagu helo fal-dambiyeedkaasi,” ayaa lagu yidhi qoraalkan oo lagu faafiyey barta facebook-ga Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  12. Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in ay Madaxda Soomaalida ka caawiso Qabsoomidda Shirka Dhuusamareeb3 si looga mira dhaliyo Natiijada ka soo baxda Shirkaasi. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxday Qodobadii lagu heshiiyay Shirkii Dhuusamareeb2 islamarkaana ay doonayso fashilinta Shirka Dhuusamareeb3. Jubaland waxay sheegtay in sidoo kale meesha laga saaray Xukuumaddii sharciga ahayd ee fulin lahayd Heshiiskii Dhuusamareeb weliba aan la magacaabin Xukuumad cusub oo fulisa wixii lagu heshiiyay sidaasi darteedna ay soo laabatay kalsooni-darradii laga qabay Dowladda. Mowqifka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa u muuqda mid taageersan Mowqifkii Xalay Puntland ka istaagtay Shirka Dhuusamareeb kadib markii ay shuruud ka dhigtay in Ra’iisul wasaare cusub la magacaabo iyo Beesha Caalamku dammaanad ka noqoto. PUNTLAND POST The post Jubaland oo shaacisay Mowqifkeeda Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  13. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war kasoo saartay shirka Dhuusamareeb3, kaas oo lagu ballansanaa in markale dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ku jaangooyaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta, waxaana qoraal kasoo baxay Jubbaland lagu sheegay in maamul ahaan ay diyaar u yihiin in go’aan loo dhan yahay laga gaaro qabsoomidda doorashooyin la isku raacsan yahay oo dalka ka dhaca wakhtigii loogu tala galay ee 2020-2021ka. Halkaan Ka Akhriso Source: goobjoog.com
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlada Goboleedka Jubaland ayaa qaadacday ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3 ee hadda loo fadhiyo, waxayna dalbatay in beesha caalamka ay kaalin ka qaadato sidii shirkaas uu u qabsoomi lahaa “ayada oo loo dhan yahay.” Qoraal kasoo baxay Jubaland ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka ah inay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo lagu carqaladeynayo qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 2 iyo hirgelintooda, sida hadalka loo dhigay. Qodobada ay Jubaland ku xustay qoraalkeeda ayaa u dhignaa sidan:- 1 – Waxaa meesha laga saaray xukuumaddii hogaamin lahayd arrimaha doorashada ayad oo aan mid kalana la magacaabin. 2- Ku xadgudubka matalaadda aqalka sare ee baarlamaanka DFS sida ku xusan qodobka 61aad faqradiisa 3 iyo qodobka 71-aad ee dastuurka KMG. 3 – Shirkii Dhuusamareeb 2 ka dib, waxaa laga sugayay dowadda Federalka ah inay joojiso dhibaatada iyo faragalinta sharci darrada ah ee ay ka waday deegaanadda Jubaland gaar ahaan gobolka Gedo sanadihii la soo dhaafay, waxaase nasiib darro ah inay wali sii socoto faragalintii sharci darrada ahayd. Dowladda federalku waxay degmooyinkii ugu amaanka badnaa koonfurta Soomaaliya ka dhigtay kuwa ugu amaanka xun, waxayna fursad u siisay nabad diidka Al-Shabaab inay si sahlan masuuliinta iyo shacabka ugu laayaan qaraxyo, waxaa xusid mudan in maanta oo ay taariikhdu tahay 17/08/2020 ay ku naf waayeen 13 qof oo isugu jira shacab iyo ciidan magaaladda Balad-Xaawo ee gobolka Gedo. 5 – In la Iska indho tiro baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro arrimaha doorashooyinka 2020-2021, ayadoo awoodda lagu xadidayo hay’ad gaar ah oo mudo-xileedkeedii gabaabsi yahay, kana shaqaynaysa sidii ay kuraasta ugu sii fadhin lahaayeen. Jubaland ayaa noqoneysa maamul goboleedkii labaad ee qaadaca shirka, islamarkaana dalbada inay beesha caalamka kaalin ku yeelato. Waxaa horey shirka u qaadacay Puntland. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Jubaland
  15. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Bar___Qubanaha-1782020-ok.mp3 View the full article
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga farsamada ee ka baaraan degidda talooyinka la xariira hanaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka ay wax u marayaan, kadib shir jaraa’id oo ay goor dhaw ku qabteen Dhuusamareeb. Guddoomiyaha guddigaas ahna sii hayaha xilka wasiirka dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warbixintooda ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb. Wasiir Saalax waxa uu sheegay in talo uruurin badan ay ka dhex sameeyeen shacabka iyo mas’uuliyiinta xisbiyada siyaasadda intii ay ku sugnaayeen Muqdisho, isla markaana ay kula soo laabteen madaxda qaranka intooda ku sugan Dhuusamareeb. Sidoo kale waxa uu sheegay inay kasoo tala bixiyeen sidii ay dalka uga dhici la heyd doorasho qof iyo cod ah, iyadoo wax kasta lagu saleynayo marxaladaha dalka ka jira. Xubnaha guddiga farsamada ee ku sugan Dhuusamareeb kuma jiraan xubnihii metelayey dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Sidoo kale sooma gaarin magaalada Dhuusamareeb gabi ahaanba xubno metelaya dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, si ay uga qeyb galaan shirka Dhuusamaareeb-3. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ka qeyb galka shirka wadatashiga ee Dhuusamareeb-3 shuruud uga dhigay inay kasoo qeyb gasho beesha caalamka. Hoos ka Daawo guddoomiyaha guddiga wasiir Saalax
  17. MOGADISHU, Somalia (AP) — The warden of the central prison in Somalia’s capital has been suspended following a recent riot at the facility in which 19 people were killed, an official said Monday. Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU, Somalia (AP) — The warden of the central prison in Somalia’s capital has been suspended following a recent riot at the facility in which 19 people were killed, an official said Monday. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU, Somalia (AP) — The warden of the central prison in Somalia’s capital has been suspended following a recent riot at the facility in which 19 people were killed, an official said Monday. Source: Hiiraan Online
  20. At least seven people were killed and 5 others wounded on Monday in twin suicide bombings targeting a military base in Somalia, officials said. Source: Hiiraan Online
  21. The warden of the central prison in Somalia’s capital has been suspended following a recent riot at the facility in which 19 people were killed, an official said Monday. Abdiqani Mohamed Qalaf, the spokesman for the police force in charge of prisons, told reporters the force suspended Brig. General Aden Hussein Kulmiye, the warden of the prison, and appointed a temporary successor to take his place. No reason has been given for the suspension. However, it comes amid an investigation into the circumstances surrounding the deadly prison riot, which occurred on August 10. The violence started when an inmate grabbed an officer’s gun and went on a shooting spree. In the chaos, other inmates, including some sentenced on terrorism charges, recovered guns from fallen guards. The dead included 15 prison inmates and four guards, officials said. The prison holds some members al-Shabab, Somalia’s homegrown Islamic extremist rebel group that is allied to al-Qaida. It was the first such riot at the prison in recent memory. The prison, located in Mogadishu’s old Hamar Jajab neighborhood, is a heavily fortified high-security complex, which holds hundreds of inmates including females and al-Shabab suspects. The building includes inmate holding halls, cells, classrooms, and other facilities. View the full article
  22. Marxuum, Cabdiqaadir Abuukar (Karaani) Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa caawa lagu dilay xildhiban ahaana wasiir ka tirsan maamulkaas. Xildhibaan Cabdulqadir Abuukar Maxamed (Karaani) oo todobaadkii hore madaxweyne Waare u magacaabay wasiirka beeraha iyo waraabka Hirshabeelle ayaa koox hubaysan ku dishay xaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar. Kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay inay baxsadeen, inkastoo uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Hirshabeelle. Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay dilka xildhibaanka ahaana wasiirka beeraha iyo waraabka. Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xildhibaannada iyo mas’uuliyinta kale ee dowladda uga digay weerara Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah. Magaalada Jowhar ayaa dhowr jeer oo hore dilal loogu geystay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Waxaa maalmihii ugu dambeeyay aad u kordhay weerarada iyo dilalka qorsheysan ee Al-shabaab ka geystaan koonfurta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle: Wasiir maalmo ka hor la magacaabay oo la dilay appeared first on Puntland Post.
  23. MOGADISHU (HOL) - A district commissioner and four other people were killed Monday in a military base attack by the militant group in Bay region. Source: Hiiraan Online