Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Prosecutors have closed a case and will not be pressing charges over online racial abuse aimed at human rights activist and Yle's Somali-language newsreader Ujuni Ahmed. Source: Hiiraan Online
  2. Members of the UN Security Council unanimously approved sanctions for three leaders of the Al-Shabaab terror group after the US and Somali governments forwarded them for designation. The resolution slapped penalties on Abukar Ali Adan, Maalim Ayman, and Mahad Karate, allegedly responsible for numerous acts of terrorism in Somalia and in the region. According to the resolution, Abukar Adan Ali, the deputy leader of the Al-Qaeda-affiliated group, was engaged in or provided support for acts that threatened the peace, security or stability of the Horn of Africa nation, including with attacks on its military, as well as peacekeeping forces of the African Union. The UN accused him of associating with Al-Qaeda affiliates, Al-Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP) and Al-Qaeda in the Islamic Maghreb (AQIM). Moalim Eyman, the second name on the sanctions list, is the founder and leader of Jaysh Ayman, an al-Shabaab unit conducting attacks and operations in both Kenya and Somalia. The UN said Karate, for his part, played a key role in the Amniyat, the wing of al-Shabaab responsible for the 2015 attack on Garissa University College in northeastern Kenya that resulted in nearly 150 deaths. The Amniyat is al-Shabaab’s intelligence wing, which plays a key role in the execution of suicide attacks and assassinations in Somalia, Kenya and other countries in the region, and provides logistics and support for its terrorist activities. Al-Shabaab is an al-Qaeda-affiliated terrorist group that has been fighting the Somali government and forces of the African Union peacekeeping mission (AMISOM) in Somalia for over a decade. “Sanctioning senior Al-Shabaab figures is a welcomed initiative. Perhaps a bit long overdue they should also follow suit with other senior combatants,” said military and security expert Col. Ahmed Abdullahi Sheikh. “UNSC should keep monitoring this group and maintain the international pressure to contain the threat they pose,” added Sheikh, who is also the former head of Somalia’s Special Forces, DANAB. View the full article
  3. (ERGO) – Halima (not her real name) has been living with HIV/AIDS for the past two years in the southern Somali city of Kismayo, where stigma surrounding the virus has led to her being evicted from 10 rented houses. Source: Hiiraan Online
  4. The Minneapolis City Council has unanimously approved paying six social media influencers to spread city-approved messaging and updates throughout the upcoming murder trial of former officer Derek Chauvin, who has been charged in George Floyd's death. On Friday, the council approved $1,181,500 for communication with the community during the trial, CBS Minnesota reports. Source: Hiiraan Online
  5. MOGADISHU, Somalia - The Turkish Red Crescent has donated 10 ventilators to the Somali Health Ministry, the Turkish embassy in the capital Mogadishu said on Friday. Source: Hiiraan Online
  6. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somali troops attacked several locations used as hideouts by al-Shabab militant groups in the southern region, an official said. Source: Hiiraan Online
  7. US intelligence agencies have concluded in a new report that slain Saudi journalist Jamal Khashoggi was murdered by a Saudi hit squad operating under the command of Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman (MBS). Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee laga helay dalka Cudurka Coronavirus muddo 48 saacadood ee la soo dhaafay. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 48 saacadood ee la soo dhaafay la baaray 1,830 ruux, balse cudurka laga helay 304 qof. Dadka Cudurka laga helay ayaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogan, 147 Ruux Gobolka Banaadir, 77 kamid ah degaannada Hir-Shabeelle, Soomaliland 53 Ruux, Jubbaland 15 qof halka Galmudug laga diiwangeliyay 7 qof. Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa 18 Ruux waxaa ay yihiin rag halka 119 kale ay yihiin dumar, waxaana Cudurka u geeriooday 48 saac ee la soo dhaafay 8 Ruux halka saddex Ruux kaliya ay ka bogsadeen. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shaacisay Tirada dad hor leh oo u geeriyooday Cudura halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo kamid ahaa bukaano uu la jiifay oo uu mar hore ku dhacay. Warbixinta maalinla ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka ay ugu geeriyoodeen 8 qof oo tirada dalka COVID-19 ugu dhimatay Soomaaliya ka dhigeysa 231 ruux. Cudurkan ayaa si weyn ugu faafaya caasimada dalka ee Muqdisho iyo sidoo kale magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabele. Dadka ayaa u muuqda inaysan dhag jalaq u siineyn fariimaha ay gudbinayaan dhakhaatiirta maadaama dadku ay is dhex socdaan isla markaana aan la dhagaysan talooyinka dhakhaatiirta.
  9. Xukumadda S/land oo Shaacisay in Dadka ugu Badan ee Dhulka Danta Guud Boobaa Yihiin Ganacsatada Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee boobta dhulka danta guud ay yihiin ganacsatada, isaga oo ugu digay in ay faraha kala baxaan boobka dhulka danta guud ah, haddii kale laga qaadi doonto talaabo adag. Waxaanu guddoomiyuhu sidan ka sheegay mar ay kormeer ku tageen isaga iyo ku xigeenkiisu qaar ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa, iyaga oo kulmo kala duwan la qaatay masuuliyiinta degmooyinkaasi. Ujeedada kormeerkan ayaa ahayd sidii maamulka gobolka iyo masuuliyiinta degmooyinku si wada jira uga shaqeyn lahaayeen ilaalinta dhulka danta guud ah. Guddoomiye Jaamac, ayaa sheegay in cidda ugu badan ee dhulka danta guud boobta ay yihiin ganacsatada, waxaanu sheegay haddii ay ka waantoobi waayaan in ay talaabo adag ka qaadi doonaan. “Dadka ugu badan ee waddooyinka cidhiidhyaya isla markaana doonaya in ay jidadka xidhaan waa ganacsato, waxaa aanu leenahay gacan adag ayaanu ku qabanaynaa, waxaa weeyi hadhaw in aad baryootanto oo aad tidhaaho dhisma la iga dumiyay oo hanta ayaa iga gashay wax aanu aqbalayno maaha ee cagaf ayaanu galinaynaa qofkii wadada ku soo xadgudba, waxaa aanu og nahay meelo la seesay, waxaa aanu joojinay meelo dhismayaal ka socdaan, waxaanu soo baabi’inay meelo sarfayn laga saaray, guud ahaana qorshayntii dhulka waala joojiyay, amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu joojiyay” Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamax Xaaji Axmed Cabdi, ayaa ku amray guddoomiyayaasha degmooyinka ilaalinta dhulka danta guud, maaddama lagu jiro wakhti kala guur ah“Arrimaha aanu doonayno in aanu idinku baraarujino waxaa kow ka ah in aynu u feejignaano, abniga, gaar ahaan degmaddan aad masuulka ka tihiin. Doorashooyinbaynu galaynaa dadkeenuna caddaw badan ayuu leeyahay, aad iyo aad in aynu u feejignaano oo aynu libin laabno ilaalinta nabadgelyadda. Danta guud waa wax Qaranku wada leeyahay, wax dawladda oo qudhihi leedahay maaha ee waa wax bulshada Somaliland oo dhami wada leedahay, waxaa jirta in xilliyadan danta guud ah la isku dayo in meelaha danta guud ah la boobo, annagu waxaa aanu diyaar u nahay in aanu kormeerno oo ilaalino, oo degmooyinka kormeerno, oo cidii isku dayda in ay ku xadgudubto danta guudna aanu sharciga horgayno, idinkana waxaa aanu doonayna in shaqadii aad hayseen aad libin laabtaan, kana wada shaqayno sidii aynu danta guud u wada ilaalin lahayn.” “Waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in ay socoto hawshii kormeerka wakhti xasaasi ahna lagu jiro, dhulka danta guud ah iyo waddooyinka cidkasta oo ku dhaqaaqaysa arrimaha noocaas ah waxaa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan. Annaga oo fulinayna amarka madaxweynaha oo guddoomiyihii iyo ku xigeekiisi wakiil nooga yihiin waanu fulinayna ilaalinta dhulka danta guud”Ayuu yidhi guddoomiyaha degmadda Ibraahim Koodbuur. Qaran News
  10. Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay bixiyey ruqsada adeegga lacagaha taleefoonnada EVC Plus ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud. Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa ruqdasan ku bixiyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Bixinta ruqsada adeeggan ayaa ka dhigan in isku dirista lacagaha talefoonnada ay tahay mid sharciyeysan oo hoos imanayso Bankiga dhexe ee dowlada Soomaaliya. Sidoo kale tallaabadan ayaa ka dhigan in lacagaha la iskugu diro talefoonnada uu yahay hannaanka koobaad ee lacagaha lagu kala gudbiyo gudaha dalka. Adeegga EVC Plus ayaa markii ugu horraysay shirkadda isgaarsiinta Hormuud soo bandhigtay sannadkii 2011kii. PUNTLAND POST The post Adeegga EVC Plus oo la sharciyeeyay appeared first on Puntland Post.
  11. New York (Caasimadda Online) – Xildhibaanad Ilhaan Nuur Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada ee Baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa soo jeedisay in cunaqabatayn la saaro dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Hadalka Ilhaan Cumar ayaa imaanaya xilli ay sirdoonka Maraykanka sheegeen in dhaxal sugaha dalka Sacuudiga uu ku lug lahaa dilkii wariye Jamaal Axmed Khashuggi. Wariye Khashuggi ayaa 2dii oktoobar 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Dowladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Warbixin laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Dhaxalsugaha Boqortoyada Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman uu ansixiyay dilki saxafigii Jamal Khashoggi oo lagu diley dalka Turkiga sanadkii 2018. Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Ilhaan Cumar “Tani waa sheeko dheer oo dhab ah oo soo daahday oo ku saabsan naxariis darada iyo sharci la’aanta kaligii taliyihii Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Wixii horeyba u muuqday hada waa mid aan la cadeyn karin: MBS iyo maamulka Sacuudiga ayaa si toos ah masuul uga ah dilka saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi waana in lala xisaabtamo.” “Waa nabar madow oo damiirka ummaddeena ah in kii hore”Trump” ee deganaa Aqalka Cad uusan kaliya la shaqeyn oo maalgelin siinin dowladda Sacuudi Carabiya-laakiin wuxuu ku faanay inuu daboolayo dilka Mr. Khasshogi. Laakiin musuqmaasuqu wuu sii qoto dheer yahay. Muddo tobanaan sano ah, Mareykanku wuxuu indhaha ka qarsaday cabudhinta Sucuudiga ee haweeneyda, taageerada addoonsiga casriga ah, xarigga dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyo ku lug lahaanshaha weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee ka dhaca dhulka Mareykanka taariikhda, Sebtember 11. Waxaan u oggolaaneynaa ujeeddooyinkeenna boqortooyo, ku tiirsanaanta shidaalka shidaalka iyo maskaxdii Dagaalkii Qaboobaa inay xushmeeyaan xushmadda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo danaheenna qaran ee dhabta ah.” “Maanta waa isbedel weyn oo ku yimid siyaasadeena ku wajahan Sacuudiga. Waxaan ku faraxsanahay in Aqalka Cad uu qiray dambigan, marka lagu daro joojinta taageerada dambiyada Sacuudiga ee ka dhanka ah aadanaha ee Yemen.”ayay sii raacisay. “Mareykanku waa inuu si joogto ah ugu istaagaa xuquuqda aadanaha iyo sharafta aadanaha adduunka oo dhan – ma ahan oo keliya markay ku habboon tahay.”
  12. Xildhibaanad Ilhaan Nuur Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada ee baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa soo jeedisay in cunaqabatayn la saaro dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Hadalka Ilhaan Cumar ayaa imaanaya xilli ay sirdoonka Maraykanka sheegeen in dhaxal sugaha dalka Sacuudiga uu ku lug lahaa dilkii wariye Jamaal Axmed Khashuggi. Wariye Khashuggi ayaa 2dii oktoobar 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Dowladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. View the full article
  13. Bankiga dhexe ee dalka ayaa maanta shatiga siiyay shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo bixisa adeega EVC oo ah adeeg lacagaha la’iskugu diro taleefoonada Gacanta Munaasbad kooban oo ay ka qeybgaleen Wasiiro ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Banka dhexe ee dalka, mas’uuliyiin ka socotay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo marti sharaf ganacsato u badan ayaa xafladda lagu casuumay oo marki ugu horeeysay maanta lagu bixiyay shatiga lacagaha taleefanada la isugu diro ee Shirkada Hormuud. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaalle Beyle oo furay munaasabadda ayaa sheegay inay ku faraxsanyahay dadaalka xoogga leh ee lagu habeeynayo nidaamka maaliyadda Soomaliya. Guddoomihaha Bangiga dhexe ee dalka Cabdirixmaan Maxamed Cabdullaahi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in bandhiga dhexe labadi sano ee ugu danbeeysay uu waday nadaamka habeenta maaliyadda dalka, isaga oo shati guddoonsiiyay shirkadda Hormuud oo ah leesinka ugu horeeyay ee la siiyo shirkad bixisa adeega lacagta la isugu diro. View the full article
  14. Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta ee AMISOM ayaa ka warbixiyay howlgallo ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo laga sameeyay Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose. Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka howlgalka AMISOM, Don William Nabasa, ayaa sheegay in Xubno ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay howlgallo laga sameeyay Degaanada Mishaani iyo Doonka Daafeedoow ee Gobolka Sh.Hoose. Taliye William Nabasa ayaa xusay in howlgalladan ay si wadair ah u sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Affrika ee AMISOM. Waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay soo saareen miinooyin lagu aasay wadadda qarkeeda, isagoona tilmaamay in Ciidamada huwanta ay qarxiyeen miinooyinkaasi, si aysan ugu waxyeeloobin Shacabka Gobolka Sh.Hoose. Dhinaca kale, Safiirka Midowga Afrika, ahna Madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa ku dhiirageliyay Ciidamada huwanta in ay sii wadaan howlgallada lagu baacsanayo Al Shabaab. Ugu dambeyn, Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira ayaa shaaciyay in howlgallada nuucan ay yihiin kuwa lagu sugayo amniga Gobolka Sh.Hoose oo inta badan ay weeraro gaadmo ah ka fuliyaan Ururka Al Shabaab. View the full article
  15. Beledweyne (Caasimadda Online) – Allaha u naxariistii Ugaaskii Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ayaa Shalay lagu aasay Duleedka Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan. Ugaaska ayaa maalmo ka hor magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ugu geeriyooday wadno xanuun kusoo booday sida ay xaqiijiyeen ehelada marxuumka. Arrinta ugu hadal heynta badan ayaa ah dhaqanka Beesha Xawaadle oo ah in marka uu Ugaaska ka dhinto uu xilkiisa si kumeel gaar ah usii hayo Ugaaska Beesha Cayr taasoo ah dhaqan soo jireen ah oo ay leedahay Beesha Xawaadle. Dhaqankaan ka dhaxeyo Beelaha Cayr iyo Xawaadle ayaa waxay idaacadda BBC-da ka wareysatay Cali Daahir Xerow oo ka mid ah dadka aadka ugu dhawaa marxuum Ugaas Xasan wax badanna ka yaqaan dhaqankan. Cali Daahir Xerow ayaa sheegay in dhaqankaan uu soo bilowday 11 Bishii 12-aad sanadkii 2004 markii uu dhintay Allaha u naxariistee Ugaaskii Beesha Cayr Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, wuxuuna sheegay in maalintaas wixii ka dambeeyey Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa ugaaskii ugu horeeyey ee ka qeyb galo aaska Ugaas Maxamed uu halkaas kaga dhawaaqay inuu sii ahaan doono Ugaaska kumeel gaarka ah ee Cayr inta laga duubayo Ugaas cusub. Cali Daahir ayaa sheegay in Ugaaska Beesha kale uu sii heyn doono xilka Ugaasnimada inta ay asaayda ka dageyso xaaska uu ka dhintay Ugaaska Beesha kale, wuxuuna sheegay inuu xilkaas sii heyn doono muddo asaayda oo ah 4 Bil iyo 15 casho. Wuxuu intaas ku daray in Ugaaska sii hayaha ah ay shaqadiisa noqon doonto inuu xaliyo wixii xurguf ah ee soo kala dhex galo Beelaha Cayr iyo Xawaadle, wuxuumay tilmaamay inuu qaadi doono Mas’uuliyad aad u weyn. Halkaan hoose ka dhageyso warbixintaan oo dhameystiran 
  16. MOGADISHU (HOL) - The UN Security Council has put three Al-Shabaab militants among them its deputy on its sanctions list. Source: Hiiraan Online
  17. Heshiiskii ay wada-gaareen dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxa uu noqday mid taariikhi ah oo ay ka mahad-celiyeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii horeba ka wal-walsanaa rabshado iyo qalalaase ka dhaca gudaha Caasimadda. Munaasabad lagu taaagayarayey heshiiskaasi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka qeyb-galeen, waxgarad, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada. Nabadoon Hilowle Macalin, Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble iyo Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlay kulanka ayaa hambalyo u diray siyaasiyiinta gartay qiimaha uu leeyahay heshiiska, iyaga oo farta ku guday in wax weliba lagu dhameeyo wada -hadal. Ugu dambeyn kulanka taageerada ah waxaa soo xiray Garaad Cabdiqani oo aha la-taliyaja duqa magaalada Muqdisho ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqanka. View the full article
  18. Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ku sugnaa xaafadda Howl-wadaag ee magaaladaasi. Marxuumka ayaa waaa lagu magacaabi jiray, Macallin Cismaan Cabdikariin, waxaana meydkiisa goobta kasoo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Beledweyne. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen, iyaga oo horey usii qaatay qoriga uu watay askariga la dilay. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay laamaha amniga, balse waxaa socda baaritaano dheeraad ah oo wadaan ciidamada Booliska magaaladaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. View the full article
  19. Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga talada haya ee Somaliland ee Kulmiye, ayaa maalmo guddahood, waxa ka soo yeedhay hadallo cadho ka muuqato, xilli lagu jiro u diyaar-garowga doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, oo xamaasadeedu taagan tahay wakhtigan. Cabdikariin Xinif oo ah Xubin firfircon oo ka tirsan Kulmiye ahna, Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha, ayaa isaga oo gacanta lulaya oo cadho ka muuqato, waxa uu madal lagu soo bandhigayey murrashaxiin Kulmiye ka tirsan oo si cad ugu eedeeyey Wasiirro hore oo ay isku deegaan yihiin in dadkii deegaankooda ay wada geeyeen Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, oo ay Xildhibaanno badan iska sharaxeen, xilli uu halkaas fadhiyey Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, “Waa ayaan darro in raggii shalay Xisbiga Kulmiye Wasiirrada ka ahaa, in maanta iyaga oo leh Kulmiye ayaanu nahay dadkii wada geeyaan UCID, oo ay U ololeynayaan.” Ayuu yidhi Mr. Xinif oo ay ka muuqatay duruuf Siyaasaddeed oo uu kala kulmay deegaannada Bariga Burco, kuwaas oo si lama Filaan ah Murrashaxiinta dadka deegaanku wateen ee taageerada haystay looga sharaxay Xisbiga UCID. Xinif oo sii hadlaya ayaa ku tilmaamay tallabadan dadka iska sharaxay Mucaaradka oo uu u nisbiiyey in ay ka shaqeeyeen tegitaankooda Wasiirro hore, oo uu madasha ka fadhiyey Maxamuud Xaashi, mid aan sax ahayn, waxaanu yidhi “Sax maaha Kulmiyenimo-na maaha, wax wada lahaansho-na maaha, isixtiraam-na maaha. Ragga Xilka hayana lama ixtiraamayo, deegaannada ay ka soo jeedaana malaha ixtiraamayo. Sida saxda ahi waxa weeye la shaqee ninka maalintaasi jooga” Hadal kale oo cadho ka muuqatay, ayaa waxa uu isna ka soo yeedhay Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Xisbuga Kulmiye Axmed Cabdi Dheer, kaas oo ka fal celinayey eeddo uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukumaddiisa, waxaanu yidhi “Haddii Afku Xumaado Gacanbaa Timaada,Faysal Cali Waraabe Waxaan Leeyahay Madaxweynihii Xildhibaanada Wakiilada Iyo Guurtida Aad Amaanaysey Shalay, Maanta ha Caayin Sidaa Dooorosho Ku Dhici Maysee”. Haddalada Masuuliyiintan Kulmiye, ayaa u muuqda kuwa ka dhashay Weji cusub oo ay yeelatay siyaasadda Xisbiyada Somaliland, xilligan lagu guddo jiro hawlaha doorashada. Arrintan Kulmiye lama filaanka ku noqotay, ayey dadka siyaasadda lafo guraa ay tilmaamayaan in ay tahay Xisbiyada Mucaaradka oo si weyn uga shaqaystay suuqa amma deegaankii uu Xisbul Xaakimku, awoodda badan ku lahaa oo Beelaha qaarkood ay Murrashaxiintoodii geeyeen. Xisbiga UCID, ayaa isagu u muuqda mid kasbasho iyo Xidhibaanno deegaannadoodu wataan ka helay deegaanno dhawr ah oo laga taageeri jiray Kulmiye Source
  20. Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, kaas oo ay fuliyeen rag ka tirsan Al-Shabaab. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday ciidamo Kenyaan ahaa oo ku sugnaa deegaanka Sheekh Barrow oo ka tirsan Mandera. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in weerarka, kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo sidoo kale raggii weerarka qaaday. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerarkaasi, waxaana shaacisay inay ku dishay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kenya, sida ay ku baahisay baraha Internet-ka. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka dalka Kenya oo ku aadan weerarkaasi & dagaalka xigay. Xaaladda ayaa haatan ah mid dedgan, balse ciidamada Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay duleedka magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article