-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shir deg deg ah oo Golaha Wasiirradu yeesheen, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha iyo biyo yaridu soo food saartay. Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ah ayaa waxaa warbixino laga dhageystay guddiga Dowladda u xilsaartay wax u qabashada dadka ay abaaruhu ku dhufteen oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kuwaasi oo Golaha Wasiirada hordhigay xaaladda deg deg ah ee ka jirta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, halkaasi oo saacidihii la soo dhaafay ay jirtay dad biyo la’aan u geeriyooday. Golaha Wasiirada ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqasiyaha badan gurmad beni’aadanimo la gaarsiiyo qoysaska uu saameeyay biyo la’aanta. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-632021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay dibad-baxa ay mucaaradka qorsheeyeen inay ka dhigaan Muqdisho ee mar kale maanta baaqday. Dibad baxii lagu balansanaa inuu DALJIRKA DAHSOON ka dhaco maanta ayaan qabsoomin kadib markii ay musharaxiinta shalay sheegeen in ballankii looga baxay, maadaama ciidamo badan lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho. Madaxweynahii hore wuxuu sheegay in burburka ay haatan Soomaaliya kasoo kabaneyso ay sababtay ciidamada oo ku milmay siyaasadda, wajiga ay leedahay iyo sida ay u tahay wax xunna laga heysto xusuuso xun oo laga sheekeyn karo. “Arrintaas waxay muujineysaa dooda musharaxiinta ee ah cidda amniga sugeysa iyo arrinta ciidamadda ay noqoto qadiyad xal laga gaaro maadaama madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey uu si qaldan u adeegsaneyso,” ayuu yiri Shariif. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Dalkan wuxuu horey ugu burburay ciidanka oo siyaasadda galay.” Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in midowga musharaxiinta aysan weli ka tanaasulin dibad-baxa, islamarkaana ay dhowaan iclaamin doonaan maalinta xigta ee la qaban doono dibad baxa nabadeed, sidoo kalana wuxuu carabka ku dhuftay iney dibad baxaas sugi doonaan amaankiisa ciidamo ayaga taabacsan. Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay ineysan marnaba ogolaan doonin inuu dhaco dibad bax aysan mas’uuliyadda amnigiisa iyaga ku xirneyn. Walaaca dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa sare u kacay kadib markii ay dib usoo laabatay aragti kala duwanaantii dibad baxa iyo xaaladda guud ee magaalada, waxaana laga cabsi qabaa iney dhacaan waxyaabo horay looga digay.
-
Guddida doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqday Wakhtiga la Bilaabayo Qaybinta Kaadhka Codbixiyeyaasha. Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay wakhtiga uu dalka ka bilaabmayo qaybinta kaadhka codbixinta, ee dadkii dhawaa la diiwaan geliyey. Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo-raac), ayaa sheegay in 11-ka Bisha March ay dalka ka bilaabi doono kaadh qaybinta codbixiyeyaasha, iyada oo Gobollada Sool, Sanaag iyo Saaxil. Guddoomiye Riyo-raac, waxa bulshada ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhka codbixinta, ee dadkii uu dhawaan is diiwaan geliyey Source
-
Attacker strikes in southwestern Bakol region just hours after deadly suicide bombing in Mogadishu Source: Hiiraan Online
-
Delhi (Caasimada Online) – Dowladda India ayaq sheegtay in Soomaaliya ay u soo dirtay shixnad talaalka Coronovirus ah, oo lagu sameeyay isla wadanka Hindiya si loola dagaalamo cudurka Coronavirus. Wasiirka arrimaha Dibadda India, Subrahmanyam Jaishankar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheeciyay inay Geeska Afrika ay maanta oo Sabti ah usoo direen talaalka ay India sameysay, gaar ahaan Soomaaliya. Ma cadda haddii tallaalka weli usoo gaaray Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan sidoo kale ka hadal tallaalka ay sheegtay India inay dalka usoo dirtay. Waa shaxnaddii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19 ah ee inta la ogyahay loo soo diro Soomaaliya, tan iyo markii tallaalka lagu guuleystay in la helo daba-yaaqadii 2020. Tallaalka India oo ay sameysay shirkadda Bharat Biotech ayaa lagu magacaabaa Covaxin, wuxuuna wax ku ool yahay 81%. Marka loo barbar dhigo, tallaalka AstraZeneca ee UK waa 62%, halka tallaalada Mareykanka ee Pfizer iyo Moderna ay kala yihiin 94% iyo 95%. India ayaa sidoo kale sheegtay in horay ay talaalkan u siisay dowladaha deriska la ah, balse hadda ay qorsheyneyso sidoo kale iney gaarsiiso wadamo dhaca Europe, Latin America, Caribbean ilaa Afrika Africa iyo Koofurta Bari Aasiya. Dhanka kale Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO qayb-teeda Africa ayaa Sheegtay ilaa saakay in 12 dowladood oo African ah la gaarsiiyay in ka badan 11 Malyan oo talaalka Covid-19 iyada oo la fulinayo Barnaamijka COVAX ee dalalka faqriga lagu gaarsiinayo talalkan 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay. Qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayaa la gaarsiiyay talaalkan WHO, sida Kenya, Sudan iyo Uganda, waxaana sidoo kale la filayaa 10 dal oo ay Soomaaliya ku jirto in la gaarsiin doona isbuucaan sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim Abdiazizh99@gmail.com Mogadishu-Somalia
-
Sawirka Gaariga la dhacay Marxuumka Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa haatan u geeriyooday dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag. Xil. Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland. Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Cali Dhahar oo u geeriyooday dhaawacii Shilka appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar), oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa maanta dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag. Xil. Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale, oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland. Dhaawaca oo mid culus ah xildhibaanka, ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada Badhan. Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan, oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Puntland oo dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka iney xagal qaldan u adeegsaneyso ciidanka, wuxuuna ku tilmaamay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday inaan looga fadhin karin inuu qabto doorasho xalaal ah. Waxa uu tusaale usoo qaatay ciidankii shalay lagu soo daadiyey taallada Daljirka Dahsoon, ee lagu joojiyey dibad-bixii ay maanta qorsheeyeen mucaaradka, isaga oo sheegay in taas ay caddeyn u tahay in dalka aysan doorasho xor ah ka dhici karin. Xasan Sheekh, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay qabteen midowga musharaxiinta, ayaa sheegay in ciidamadii loogu talo-galay iney la dagaallamaan Al-Shabaab loo adeegsaday in lagu caburo shacab Soomaaliyeed oo raba iney si nabad ah ku banaan baxaan. Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Hormarka wuxuu sheegay iney muhiimad weyn leedahay in ciidamada ay ka dhex baxaan siyaadda isla markaana ay noqdaan kuwa dhex-dhexaad ah. “Ciidamadda waddooyinka Muqdisho taagan iyo qalabka ay haystaan ee waddooyinka ku xireen yey u haystaan hala fahmo? Gabar iyo wiil Soomaaliyeed oo banaan-baxaya ayay u haystaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Khatarta Shabaab ku hayo dalkan meesha ay taagan tahay waa og-tihiin. Meel aysan tahdiid ku haynin ma jirto. Ciidanka iyo beebeyaashii loogu talagalay waa kuwa waddooyinka Muqdisho dhex-taagan” Dhanka kale wuxuu toosh yar ku shiday Farmaajo isagoo leh: “Madaxwaynihii hore ee wali ka raaraca xukunka iyo talada qarka uga dhegan ee deyn la’ meesha uu maanta marayo waa intaas. Dadka Soomaaliyeed in ay fahmaan ayaan rabnaa” Si kastaba Xasan Sheikh wuxuu sidoo kale sheegay iney adag tahay in doorasho xor ah laga sugo shaqsi diidan banaanbax sharciga iyo dastuurka uu ogol yahay, halka uu Shariif Sheikh Axmed ku raacay ineysan wali ka tanaasulin dibad baxii, dibna ka shaacin doonaan.
-
(SLT-Hargeysa)-Labada musharax ee kala ah Raage Axmed Yuusuf Iyo Maxamuud Axmed jaamac, oo muddo 26 xidhnaa ayaa maanta laga soo daayay Xabsiga Mandheera. Labadan Musharax oo ka sharraxan xisbiga UCID ayaa hore xisbigu u sheegay in uu xidhay madaxweyne Biixi, oo diidan in ay is sharxaan. Labada Musharax ayaa sheegay in aanay ka tanaasuli doonin damacooda Musharaxnimo. Source
-
Continuing its Vaccine Maitri initiative to assist countries in their fight against the coronavirus pandemic, India airlifted Made-in-India vaccines to the Horn of Africa – Somalia on Saturday. The information about the consignment was shared by the External Affairs Minister, S Jaishankar through his Twitter account. He tweeted, “Reaching across the Indian Ocean. Made in India vaccines arriving in Somalia.” Under the Vaccine Maitri initiative, India has been providing coronavirus vaccines to its neighbouring countries. Twenty-five nations across the world have already received Made-in India vaccines and forty-nine more countries will be supplied in the coming days, ranging from Europe, Latin America and the Caribbean to Africa, South-East Asia and the Pacific Islands. Sources: Hindustantimes View the full article
-
Dowladda India ayaa shaacisay in daawada loo isticmaalo ka hortaga cudurka Karaano ay u soo daabushay Dalka Soomaaliya, si looga guuleysto cudurka oo u muuqda mid soo laba kacleeyay. Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka India, S Jaishankar ayaa sheegay in Dowladiisu ka go’an tahay garab istaaga Soomaaliya, si looga guuleysto cudurka Karoona. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ayuu Wasiirka ku sheegay in daawada cudurka Karoona oo ah mid lagu sameeyay dalkiisa loo soo qaaday Dalka Soomaaliya. Balse Wasiirka ma uusan sheegin cadadda daawo ee ay ugu yabooheen Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Dowladda Indian sidoo kale ay daawo u daabushay ilaa 25 Dal, kuwaasi oo uu cudurku fara ba’an ku hayo. Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan waxaa deeq caafimaad oo ay ku jiraan mashiinada neefta siiya bukaanada ka heshay Dowladda Turkiga iyo Hay’adda WHO, si Xukuumadda Muqdisho looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah Cudurka COVID-19. Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in cudurka Karoona uu sameeyay laba kacleyn, taasi oo mecnaheedu yahay in dad badan ay haatan la xanuunsan yihiin, kuwa kalena ay u geeriyoodeen. Madaxda Dalka ugu sareysa ayaa inta badan ka dalbada Shacabka Soomaaliyeed in ay raacaan tallooyinka caafimaad si looga baaqsado faafitaanka cudurka Karoona, kaasi oo helis ku haya nolosha Shacabka Soomaaliyeed. View the full article
-
Turkey on Saturday handed over military barracks to Somalia, according to an official statement. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 191 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 20 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 31 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (191), Somaliland (31) iyo Jubbaland (16) qof, 112 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 79-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,041 waxaa bogsootay 3,932 Ruux. guud ahaan 294 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. View the full article
-
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Denni oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe ee Boosaaso . Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen xabsiga dhexe ee Boosaaso halkasna ay is rasaaseyn ay ku dhexmartay ciidmada Puntland iyo kooxihii weerarka soo qaaday. Saciid Deni ayaa xusay in weeraka uu geystay khasaaro ayna kooxdii weerarka soo qaaday ku guuleysteen in qaar ka mid maxaabiista ay fakiyeen mar uu arintaasi ka hadlay waxa uu yiri “Dabcan khasaare wuu dhacay Maxaabiista qeyb ka mid ah waa ay ku guuleysteen inay fakiyaan” Deni oo sii hadlayay ayaa sheegay in qaar ka mida kooxdii weerarka soo qaaday la dilay halka kuwa kalana la qabtay “ falkii dhacay waa laga daba tagay in badan waa laga soo qabtay qaar kale oo bandanna halkaas ku dhinteen”. “Weerarkii Xabsiga Weyn Masuuliyadiisa Waa La Iskula Xisaabtamaya, Ciidanka Ka Jawaabay Oo Guusha Kasoo Hooyayna Waa Lagu Abaalmarinaya” Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Saciid Deni ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan khasaarihii ka dhashay weerarkii lagu qaaday xabsiga dhexe ee Magaalada boosaaso todobaakii la soo dhaafay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin iyo xildhibaano ku beel ah ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guul-darreystay qorshe ay doonayeen inay ugu yeelaan awood siyaasadeed, kuna qanciyaan inuu door weyn ku yeeesho go’aanada masiiriga ah ee dalka. Qorshahan ayaa soo billowday kahor kulankii ugu horreeyey ee uu Rooble la qaato musharaxiinta mucaaradka, ayada oo ujeedka uu ahaa in Rooble laga dhigo siyaasiyi karti leh, oo qaadan kara go’aano dalka lagu bad-baadinayo, islamarkaana aanu ka cabsan ama mar walba ka amar qaadan madaxtooyada dalka. Wax walba waxey fashilmeen shirkii wajiga saddexaad oo ay yeesheen Rooble iyo midowga musharaxiinta, ayada midowga musharaxiinta ay soo jeediyee qodobo adag oo ay hor dhigeen Rooble, balse uu go’aankeeda qaadan waayay. Midowga musharaxiinta mar walba waxey ka qabeen tuhun weyn awoodda uu yeelan karo Rooble, balse xubnahaan qaraabada la ah ayaa gudoonka sare ee midowga ku qanciyay iney shakigaas meesha ka saari doonaan, balse qorshahoodii ay 7-maalmood magaalada ku xasiliyeen uma fulin. Xubnaha la sheegay iney isku dayeen Rooble iney ka dhigaan ra’iisul wasaare adag waxaa ka mid ah: Mahad Salaad oo ah xildhibaan aqalka hoose, Yuusuf Geelle Ugaas iyo Cabdi Qaybdiid oo ka tirsan aqalka sare, xildhibaan hore Cabdisaabir Nuur, ganacsade Liibaan Axmed Xasan iyo xubno kale oo aan magacyadooda banaanka lasoo dhigin. Xubnahaan waxey doonayeen in Muqdisho uusan ka dhicin wax qalalaase ah, sidoo kalana uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta la wareego waxyaabaha hor yaalla sida hirgalinta doorashada, qaatana go’aanada uu xaqa u leeyahay oo ay is lahaayeen waxey hirgalin kartaa doorasho xalaal ah. Qorshahan, ayaa ka sokow dadaalka xildhibaanada ku beesha ah, wuxuu ahaa mid qeyb ku xiran Rooble, oo laga doonayey inuu karti isku yeelo, oo uu fahmo in la joogo xilli kala guur ah, ayada oo aysan jirin sabab uu kursigiisa ugu cabsado. Si kastaba, Rooble ayaa ka bixi waayey xeendaabka Villa Somalia, waxaana la-yaabkii ugu weynaa uu dhacay habeenkii u dambeeyey wada-hadallada, kadib markii la arkay in farriin qoraal lagu hagayey, oo go’aan kasta oo uu qaadan rabo uu weydiinayey dad dibedda ka joogay miiska wada-hadalka. Jawiga siyaasadeed ee Muqdisho oo muddo ka badan todobaad xasilneyd, halkeedii ayuu xaalka ku laabtay iyo sidii uu ahaa kadihb 19-kii February, lama oga waxa xiga ee dhici doona iyadoo Beesha Caalamka laga sugi doono tallaabada kale oo ay qaadayaan.
