-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wax ka ogow Qoomiyadda Afrikaana oo haweenay boqorad ka dhigatay? Sawir laga qaaday boqoradda horraantii 1970-aadkii intaan la guursan Qoyska boqortooyada qoomiyadda Zulu ee Koonfur Afrika ayaa afadii saddexaad ee boqorkii geeriyooday Goodwill Zwelithini u magacaabay in ay xilka sii hayso ilaa inta la dooranayo boqor cusub. Boqoradda Mantfombi MaDlamini Zulu ayaa hore ba darajadeedu u ahayd “Afada Haybadda leh” tan iyo waagii uu boqorku guursaday 1977. Magacaabideedu waxay sii kordhisay hadal hayntii ahayd in wiilasheeda midkood noqon doono boqorka qoomiyada Zulu oo 11 milyan oo qof ah. Boqor Goodwill Zwelithini oo 72 jir ahaa oo qabay macaan ayaa 12 Maarij u geeriyooday dhibaatooyin caafimaad oo la hal maala cudurka Covid-19. Wuxu ahaa boqorkii ugu mudada dheeraa oo wuxuu xilka hayey ku dhawaad muddo 50 sano ah. waxaanu lahaa lix xaas iyo ugu yaraan 6 caruur ah. Saddex ka mid ah xaasaskii boqorku ka tagey oo fadhiya madashii tacsida Magacaabidda MaDlamini waxa la shaaciyey ka dib kulan ay yeesheen qareennada boqorkii geeriyooday Zwelithin iyo 200 oo qof oo ka mid ah qoyska reer boqor oo dardaarankii qornaa ee uu ka tagay boqorku ka wada xaajooday. Ra’isal wasaare dhaqameedka boqorkii geeriyooday, Mangosuthu Buthelezi, ayaa sheegay in magacaabidda afada boqorku ku caddayd dardaarankii boqorka. Qoyska boqortooyadu wuxuu wadi doonaa baroor diiq mudo saddex bilood ah marka dambena waxa la gaadhi doonaa go’aanka lagu soo xulayo qofka noqon doona boqorka, ayuu yidhi Buthelezi. Waxaanu intaa ku daray “geeridii boqorkii haybadda lahaa waxay nabar weyn ku ahayd qoyska boqortooyada waxaana haboon in ay helaan mudo ay murugada kaga soo kabtaan.” Boqor Zwelithini waxa la aasay Khamiistii oo waxa aaska ka qayb galayn dad kooban oo ka mid ah qoyska boqortooyada. Buthelezi oo dhanka bidix taagani wuxuu adeer u ahaa boqor Goodwill Zwelithini dhanka bidix taagan Maxaa kale ee laga yaqaan haweenaydan xilka sii haynaysa? Boqoradda MaDlamini Zulu way ka tilmaanayd xaasaska boqorka tan iyo markii ay qoyska boqortooyada ku biirtay. Waxay walaalo yihiin boqorka Eswatini ee Boqor Mswati III oo ah boqorka keliya ee Afrika ee awood buuxda dal ku xukuma. Sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Koonfur Afrika, boqoradda MaDlamini waxay dhashay sideed caruur ah oo ay afar wiilal yihiin. Wiilkeeda curad, Amiir Misuzulu, waa 47 jir waana ninka lagu wado in taajka boqortooyada la saari doono sida ay wararku sheegeen. Qaran News
-
Faha faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro hoobiyeyaal ah oo maanta ku dhacay xaafado ku dhow xeyndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay daganaayeen dad shacab ah, islamarkaana uu ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in hoobiyeyaashaasi ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Waa weerarkii labaad oo todobaadyo gudahood lagu qaadayo xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidanka AMISOM, sidoo kale ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah madax goboleedyada. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-2532021-ooooooo.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii afaraad ka socda teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho shir hal dhinac ah oo u dhaxeeya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Benaadir. Shirkaan oo bilowday maalintii Isniintii ayaa waxaa looga hadlayey khilaafka doorashada, ayada oo ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo iyagu kasoo horjeeda hanaanka ay dowladda waqtigeeda dhamaaday u wado doorashada. Waxaa maanta la filayaa in shirkaas looga hadlo sugida amniga doorashada aan weli lagu heshiin, waxaana warbixin looga dhageysan doona Guddiga Amniga Qaranka. Ajendaha shirka ayaa maanta ku qotoma arrimaha amaanka ee doorashada, waxayna madaxda ku shirsan Afisyoone ay hore uga doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay soo gudbiyeen Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku. Dhinaca kale, Sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan wafdiga maamulada Puntland iyo Jubaland ee ku sugan, wakiilada beesha caalamka ayaa galabta shir gaar ah u qabanaya 5-ta maamul gobaleed ee dalka. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dooneyso in marka hore la xaliyo tabashooyinka u dhaxeeya hogaamiyaasha maamul gobaleedyada kahor inta aanay la kulmin Farmaajo. Shirkan oo lagu waday inuu maanta gelinkii hore dhaco ayaa waxaa fashiliyey Farmaajo kadib markii saaka aroor hore uu tegay Afisyoone, kuna qasbay saddexda madaxweyne goboleed ee taabiciyiinta ah inay shir kula soo biiraan.
-
At least three civilians were killed and five wounded when a barrage of mortars targeted the UN and African Union peacekeeping mission forces (AMISOM) headquarters in the Somali capital Mogadishu on Thursday, a police official said. Source: Hiiraan Online
-
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa fasixi karta shan ciyaaryahan oo waa weyn, waxaana ka mid ah xiddigahaas weeraryahankeeda Alexandre Lacazette. Arsenal ayaa dadaal ugu jirta inay iska fasaxdo shan xiddig oo waa weyn si ay uga faa’iideysato booskooda iyo lacagaha ay ka heleyso iibka xiddigahaas. Shan ciyaaryahan oo ka mid ah kuwa waa weyn ee Arsenal ayaa ka dhaqaaqi kara garoonka Emirates sida ay daabacday Jariiradda The Mirror. David Luiz, Hector Bellerin, Mohamed Elneny, Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah ayaa laga yaabaa in loo ogolaado inay ka tagaan garoonka Emirates marka ay dhammaadaan qandaraasyadooda ama dalabyo ku habboon miiska la soo saaro. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga Carbeed, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada. Madaxweyne ku xigeenka, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Qoyskiisa, ayaa sida qorshaysan goor dhow ka dhoofi doona garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe, waxaana safarkiisa lagu sheegay mid gaar ah oo aan siyaasad la xiriirin. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo ku wajahan waddanka Imaraatiga Carbeed appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo la hadlay wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib rabshadihii shalay ka dhacay degmadda Dhahar ee gobolka Sanaag. Jaamac Deperani ayaa baabulka dibad-baxaasi ku eedeeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) & wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Puntland. Afhayeenka ayaa xusay in dibad-baxaasi ujeedkiisu uu ahaa in fowda laga bilaabo degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu beeniyey in ciidamada Puntland ay rasaas u adeegsadeen dibad-baxayaasha, wuxuuna meesha ka saaray in khasaare uu ka dhashay rabshadahaasi. “Madaxweyne Farmaajo iyo Jamaal waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada maamulka Puntland. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya si adag u cambaareysay falkaasi oo ay ku tilmaamay inuu ah mid fool xun, iyada oo ku eedeysay damada amniga Puntland inay si ula kac ah xabad ugu adeegsadeen bulshada Dhahar.
-
Wasiir Dube wuxuu shalay weerar afka ah ku qaadey Beesha Caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay iney faraha kula jiraan Siyaasada Arimaha Gudaha. Saaka waxaa Weerar Madaafiic ah lagu qaadey Xerada ay degan yihiin Beesha Caalamku , Ilaa Sadex Madfac ayaa kusoo dhacay Xalane, Laba Qof oo rayid ah ayaa ku geeriyoodey ilaa 6 Qofna waa dhawac. Waxaa jira shaki ku aadan waxa weerarkii afka ahaa ee shalay lagu qaadey Beesha Caalamka iyo weerarka gacan ka hadalka ah ee maanta lagu qaadey Xalane. Waxaa Xusid mudan in Madaxweyne Deni uu degan yahay meel aan ka fogayn goobta la duqeeyay. Puntlandi.com Muqdisho The post Wasiir Dube eedeyntiisii Beesha Caalamka, Waxaa xigay weerar Madaafiic ah oo maanta lagu qaadey Xalane appeared first on . Source
-
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu ahaa nooca miinada soo boodada ah, kaas oo ka dhacay laamiga cusub ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday gaari nooca raaxada ah oo uu la socday sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya. Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah waxaa qaraxan ku dhintay sarkaalka lala beegsaday oo magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis, iyadoo ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa. Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka iyo dhaawacyada kasoo qaaday halkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhac shacabka loo geysto xilliyada habeenkii ah. View the full article
-
Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Doorashooyinka dalka oo soo bilaabmay maalintii isniintii ayaa maanta oo khamiis ah galay maalintii Afraad, waxay madaxdu shalay ka doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku soo gudbiyeen. Goordhow ayaa la filayaa inuu shirka furmo, waxaana guddoominaya madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo,iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul wasaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboledyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir. Ajendayaasha kulanka maanta ayaa waxa ugu muhiimsan, Sugidda Amniga Doorashooyinka dalka, balse marka hore warbixin arintaasi ku saabsan waxa laga dhagaysan doonaa Guddiga Amniga Qaranka. View the full article
-
Maanta oo khamiista 25/3,2021 waxaa lagu waday inuu furmo Shirkii Wadatashiga Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee ay qabanqaabadiisee wadeen Beesha Caalamku laakiin Shirkaas ilaa hada diyaar ma noqon. Sababaha hortaagan ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne Farmaajo oo isna ku dhawaaqay Shirka hada uga socda Afisyooniisaga iyo raga ay Xulufada yihiin, iyo Khilaaf wali taagan oo xal loo waysan yahay. Maalmihii lasoo dhaafay qayladii ayaa ka dhamaatay Beesha Caalamka Inkastoo Villa Soomaaliya ay qayladaas dhibsadeen hadana hadii ay Siyaasiyiinta Soomaalidu ay maqli waayaan talada Beesha Caalamka waxayna muuqataa in ay talaabo cad ay qaadi doonaan. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii Beesh Caalamku ay wadeen oo dib u dhacay appeared first on . Source
-
Daafaca dhexe ee Thiago Silva ayaa la soo warinayaa inuu diyaar u yahay inuu sii joogo kooxdiisa Chelsea ee ka dhisan Galbeedka Magaalada London. Sida lagu daabacay Wargeyska The Sun, Thiago Silva ayaa doonaya inuu kordhiyo qandaraaska uu kula joogo Kooxda Chelsea. Waqtigiisii Magaalada London illaa iyo hadda waxa uu muujinayaa mid raaxo leh, inkastoo ay jiraan dib u dhacyo ay sababeen dhaawacyo soo gaaray laacibkan. 36-sano jirkaan reer Brazil ee daafaca dhexe ka dheela ayaa ku guuldarreystay inuu waqti badan u ciyaaro kooxdiisa Blues sanadkaan, sababo la xiriira dhaawac bowdada ah oo uu la maqnaa. Wararku waxa intaa ku darayaan in daafaca Chelsea ee Thiago Silva uu haatan qarka u saaran yahay inuu hal sano ku kordhiyo heshiiskiisa garoonka Stamford Bridge. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa nooca miinada soo boodada ah ayaa ka dhacay laamiga cusub ee degmada Dayniile , iyadoo lala eegtay sarkaal ka tirsanaa milatariga Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday gaari Saruf ah oo uu la socday sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis & qaar ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo lasoo wariyey inuu ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay dhaawacyo gaareen askartii la socotay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan milatariga oo ka agdhowaa halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo meydka & dhaawacyada ka qaaday halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda & maamulka degmada Dayniile oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa. Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada ceynkan oo kale ah ka fulisa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo si kordhayey maalmihii lasoo dhaafay.
-
Ugu yaraan labo qof ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen hoobiyeyaal saaka lagu garaacay xerada Xalane iyo aagga garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde. Mid ka mid ah hoobiyeyaasha oo ku dhacay guri u dhow xerada oo dad shacab deganaayeen ayaa lagu waramayaa in waxyeello kasoo gaartay dadkii deganaa. Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay halka ilaa shan kale la leeyahay waa a ku dhaawacmeen, intaba waxaa la leeyahay waa hal qoys. Ma jirto warar rasmiga oo sheegaya inta hoobiye ee lagu tuuray xerada iyo khasaaraha ka dhashay, laakin waxaa xerada qeybo ka mid ah ka socda shirar ay leeyihiin dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xarunta Salaam Somali Bank ee 𝗠𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗼 ayaa maanta oo Khamiis ah laga bixiyay adeegga maal-gelinta 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 (𝗙𝗿𝗲𝗲 𝗠𝗶𝗰𝗿𝗼 𝗙𝗶𝗻𝗮𝗻𝗰𝗲), wajigiisa labaad ee sanadka 2021. Maalgelintan aan faa’idada laga rabin ayaa waxaa ka faa’iidaystay qaar ka mid ah dadka haysta ganacsiga yar yar ee ku sugan degmada Madiino ee magaalada 𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼. Qaar kamid ah dadkan nasiibka u yeeshay maanta inay helaan maal-gelinta 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin taageeradda uu siiyay bangiga Salaam Somali bank. Waxay ganacsatadu tilmaameen in wax badan uu ka bedeli doono 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 gancasigooda yaryar, oo ay hadda rajadooda dib sameeyaan kobac dhaqaale ay aad u sareeyo. Salaam Somali bank ayaa sheegay in 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 loogu tala-galay dhiira-geliyo, islamarkaana laga ballaariyo ganacsiga yaryar, islamarkaana la gaarsiin doono dhamaan gobollada dalka Soomaaliya. Dadkii horey u helay waxay sheegeen in hadda sameynayaan horumar ganacsiga oo aad u kobcaya, kadib markii ay qaateen maalgelinta 𝗤𝗮𝗿𝗱𝘂 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻, ee uu siiyay bangiga Salaam Somali bank. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Onine) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyeyaal ah oo markale maanta lagu qaaday xerada Xelane ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ilo deegaanka ayaa innoo sheegaya in hoobiyeyaasha ay gaarayeen illaa saddex madfac, kuwaas oo qaarkood ku hoobtay xaafadaha ku dhow xerada Xanale oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, safaarado, hay’ado, sidoo kalena ay joogaan madax goboleedyada. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa uu ku dhintay hoobiyeyaashaasi, kuwaas oo kala ahaa Aabe & wiil yar oo umul lagula jiray. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay dhaawacyo soo gaareen ku dhowaad illaa 5 qof oo kale oo ka mid ah dadka deegaanka. “Weerarka waxaa ku dhintay labo ruux ka dib markii madfac ku soo dhacay guri ku yaalla degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xalane, Aabihii qoyska iyo wiil yar oo umul lagula jiray ayaa dhintay waxaana dhaawacmay 3 ruux oo isla qooyskaas ah,” ayuu yiri qof goobjooge ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambye tegay goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey agagaarka xeyndaabka Xalane. Waa markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xerada Xalane, tan iyo markii ay soo gaareen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeedo hanaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka.
-
Hirdanka maamulka puntland ka wadda deegaano ka tirsan somaliland, ayaa ah kuwo soo if-baxay intii uu xilka hayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Deegaanadda Shidan, Buuhoodle Iyo Badhan, ayaa waxa gacan ku hayntooda hadda ku xoog badan maamulka puntland Magaaladda badhan, ayaa maamulka puntland ka samaysteen saldhig ciidan oo lagu tobabaro ciidanka daraawiishta ee puntland Hirdanka u dhaxeeya soomaaliya iyo maamulka puntland, ayaa ku socda deegaano ka tirsan somaliland waxaana xukuumada Biixi, noqotay mid sheeda ka daawata isla markaana aan qaadin wax talaabo ah Soomaaliya ayaa mudaharaado lagu abaabulayo in lagu taageero ayay ka waday deeganao somaliland ka mid ah kuwaas oo ay ka hortageen maamulka puntland. Source
-
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa cafiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee la xiriira Cabdirashiid Janan waxaa uu ku tilmaamay ‘guulo muddo kooban’ Safiirka midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibka ay dareemayaan dhibbanayaasha tacadiyada loo heysto Janan. Arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii maamulka Farmaajo uu Baladxaawo uu soo dhoweyn ugu sameeyey ninka ay booliiska iyo cadaaladda ku daba jireen muddada dheer. Nicolas Berlanga ayaa waxaa uu yiri ‘”Waxaa ka fekerayaa dhibbanayaasha, dadka, barakacayaasha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee hiigsanaya bulsho nabad ah oo caddaalad ku dhisan, oo sharciga loo simman yahay’ ayuu ku yiri bartiisa Tweetterka. Safiirka ayaa intaas ku daraya ‘Waxaa hubaa in kuwa ka fekaraya guulo aaney iloobi in bulshada u baahanyahay tiirar adag oo lagu dhiso mustaqbalka’. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga horjeestay Guddidii uu Madaxweyne Muuse Biixi dabayaaqadii sannadkii 2019-kii u Magacaabay ka hortaga cudurka Karoona Fayras,waxaanay sheegeen in aanay kalsooni ku qabin Guddidaa,halka ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsadeen inuu baddelkooda Magacaabo. Shacabka Magaalada Hargeysa oo la hadlayey Telefishanka Star ayaa waxay haddaladoodii kamid ahaa kuwan:-“Guddidaas uu Madaxweynuhu Magacaabay ee Saylici hoggaamin jirray lacago hore ee loo dhiibayna meel ay marisay lama hayo shaqadeediina kama soo bixin dadkiina wacyigelin umma samayn , hal hal gaadhi ayaa lagu wareejiyey Magaalooyinka oo karoonaha ka digaya, hal halkaa gaadhina wax yar oo Lacag ah ayaa ku baxaysay, laakiin Lacag baddan oo malaayin ah ayaa loo dhiibay malaayiintaa meel ay marrisay lama garanayo .” ayey yidhaahdeen Dhanka kalene shacabka ayaa sheegay in guddidaas aanay qaybin afsaarkii , isla markaan aanay wax wacyigelin ah samayn,iyagoo ku eedeeyey in guddidu ay wax kasta lacag ka dhigeen“ Wacyigelin may samayn may qaybin afsaarkii wax kastana lacag ayey ka dhigeen,markaa waanu ka soo horjeednaa wax-yaabaha ay samaynayso guddidaa ka hortaga karoona fayrasku ,Madaxweynaha Somaliland waxa aanu ka codsanaynaa in guddi cusub uu Magacaabo arrimaha karoona fayraska , maddaama guddidii hore aanay shaqaynayn” ayaa kamid ahaa haddaladoodii Geesta kalene bulshada reer Hargeysa ayaa waxay sheegeen in aanay kalsooni ku qabin guddida hadda jirta ee karoona fayras, isla markaana aanay wax lacag ah cidi ku aaminay guddidaas, waxaanay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu baddelkooda Magacaabo “Shacabka kalsooni darro ayaa ku dhacday guddidana wax kalsooni ah kuma qabaan, wax alaale wax Lacag ah oo dambe loo dhiibi maayo sidii guddidii abaaraha oo kale ay dadku kalsooni darro uga qabeen,Waxa aan odhan lahaa Madaxweynuhu waa inuu sidan wax ka baddelo waa in waddanka xaalad deg deg ah la gelliyaa .” ayey sheegeen shacabkan la hadlay telefishanka Star. Source
-
17/2/1960 waxa guud ahaan Soomaalilaan ka bilaabmatay doorashadii baarlamaan ee ugu horraysay ee ay shicibku ku soo doorteen xubno gole sharci dejin ah. Waxa doorashadaasi ku tartamayey saddex xisbi oo kala ahaa SNL, USP iyo NUF. Aakhrikii waxa lagu dhawaaqay 33 xubnood oo ahaa kuwii ku guulaystay inay noqdaan xubnihii baarlamaankii ugu horreeyey ee ay Soomaalilaan yeelato. Xisbigii SNL ayaa helay aqlabiyadii xubnaha waxaanu helay 20 kursi, halka NUF uu helay hal kursi iyo USP oo heshay 12 kursi. Sidaasi ayaa lagu kala baxay. Xubnaha uu soo sharraxay xisbiga SNL waxa ku jiray Maxamed Biixi Shuuriya oo ka soo jeeday beesha Gabooye, gaar ahaan Tumaal. Wuxuu noqday xubnihii ugu codka badnaa ee ka soo baxay Hargaysa. Hargaysi waxa ay lahayd 7 degmo doorasho oo kala ahaa: Dumbuluq, Baanka, Sheekh Madar, Gabiley, Faraweyne, Sallaxley iyo Cadaadley, sida ku xusan buugga Taariikhda Maantu waa siyaasaddii shalay ee uu qoray Maxamed Cabdi Ismaaciil’ Digtoorka’. Maxamed Biixi Shuuriye iyo Cabdilaahi Sheekh Muuse ayaa ka wada sharraxnaa Hargaysa gaar ahaan waxa ay cododka ugu badan ka heleen degmo doorashada Baanka, oo halka ilaa imika degmo doorasho ah ee Khayriyada u dhaw. Maxamed Biixi Shuuriye wuxuu goobtaasi kaga adkaaday Cabdilaahi Sheekh Muuse oo wuxuu helay 2,488 cod, halka Cabdilaahi Sheekh Muuse uu helay 0404 cod. Wakhtigaasi dadku sidan aad bay u dhaameen oo qofka kartidiisa iyo aqoontiisa ayaa la eegi jiray, haatan se qof kastaa wuxuu codkiisa siinayaa sida muuqata nin reerkiisa ah. Haddaba maanta su’aasha taagani waxa weeyi afhayeen Barkhad Batuun oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ma noqon doonaa sidii Maxamed Biixi Shuuriye uu wacdaraha uga dhigay doorashadii baarlamaan ee dhacdy 61 sanno ka hor? Shaki kama jiro inuu Barkhad muujiyey karti iyo soo shaacbax mudakar ah oo uu qayrkii dhaamo. Laakiin waxa meesha iyana taalla dadku ma ugu hiilin doonaan inuu fursad u helo inuu ku guulaysto boos xilidhibaannimo? Waxa iyana meesha ku jirta xeeladda iyo farsamada uu Barkkhad ku kasban karo taageerayaal ka badan kuwa deegaankiisa ah sidii uu sameeyey adeerkii Shuuriya. Waynu se u wada jooji doonaa wixii xiga. Qalinka: Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
Qarramada Midoobey ” Ma taageerri doono muddo korarsi ama doorasho hal dhinac ah War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin mudo korarsi ama doorasho hal dhinac. “Dhammaan hoggaamiyayaasha muhiimka ah ee Soomaaliya waxay ku sugan yihiin Muqdisho. Waa waqtigii wada-hadallada aan rasmiga aheyn ay sii socon lahaayeen, si la isugu raaco kulanka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Saaxiibada caalamka waxay ku celinayaan inaysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama kuwa is-barbar socda ama hindise kasta oo hogaaminaya muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedyadii hore,” ayaa lagu qoraalka uu twitter soo dhigay xafiiska UNSOM. Warkan kooban ee ka soo baxay Qarramada Midoobey ayaa imanaya xili wali uu jiro ismariwaa la xiriira doorashada Soomaaliya, iyadoo lagu guuleysan la yahay in meel leysugu keeno madaxda Soomaalida si ay arintan uga wada hadlaan. Madaxweynayaasha Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa wali ka biyo diidan in ay soo fariistaan miiska wadahadalka iyaga oo marka hore dalbanaya in wax laga qabto qoddbo dhowr ah oo uu baahan in la meel mariyo ka hor wada hadallo laga galo arinta doorashada. Laakiin beesha caalamka oo dadaalka ugu badan ku bixinaya sidii uu u miro dhali lahaa shirarka hadda socda ee dhinacyada loogu kala dabqaadayo ayaa cadaadis ba’an ku saaraya dhinacyada ay arintan ku quseyso in ay gaaraan heshiis kama danbeys ah si dalku doorasho u aado Afkashicibka Qaran News
-
(SLT-Boorama)-Xildhibaan Xasan Jaceyl oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmadda Boorama ayaa sheegay in ay ogsajiin la’aani soo waajaday magaalada Boorama iyo guud ahaan-ba gobolka Awdal, taas oo sababtay in bukaanada uu asiibo cudurka karoona fayras ay eheladoodu u soo qadaan Magaalada Hargeysa si halkaas loogu dabiibo oo ay u hellaan daryeel caafimaad iyo ogsajiin. Xildhinaan Xasan Jacayl ayaa waxa kale oo uu sheegay inay jidka Hargeysa iyo Boorama u dhexeeya ay ogsajiin la’aan ugu geeriyootay haweenay,taas oo loo soo wadday in lagu dabiibo cisbitaalada Magaalada Hargeysa,balse aan la soo gaadhsiin ee ay jidkaas ku geeriyootay,waxaanu sidaas ku sheegay mar uu la hadlayey Telefishanka Eryal tv Xildhibaan Xasan ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan :-“Wasaaradda Caafimaadkii wey ku fashilantay halkaas ceeb ayaa ka raacday sababtoo ah maanta gobolkii intaa leeg haamihisii wey dhammaadeen ogsajiinta ahaa wax alaale wax haamo ah oo yaallaa ma jirraan dhawr xabbo ayaa la sheegayeen,ogsajiin dhaliyihii weynaa Magaalada Hargeysa ayuu yaallaa halkaas ayaa loo doonnayaa ogsajiin,waxaasina wax loo dul-qaadan karro maaha maxay qabanayaa.’’ Sidoo kalena Xildhibaanka ayaa sheegay in haweenay loo soo siday cisbitaalada Hargeysa inay ay ogsajiin la’aan ugu geeriyootay jidka u dhaxeeya Boorama iyo Hargeysa “ Waxa igu maqaalo ah gabadh Hargeysa ku socotay inay dhex-da ugu dhimatay Ogsajiin la’aan.” Xildhibaan Xasan Jacayl. Dhanka kalene mid kamid ah Bulshada Boorama ayaa isna ka hadlay xaaladaasi ayaa sheegay sidan:- “ Sida aad ogtihiinba waxa ka jirra ogsajiin la’aan gobolka Awdal gaar ahaan degmadda Boorama ,taas oo sababtay inay shaqsiyaad baddan ay ugu dhiteen Magaalada Boorama billaa ogsajiin la’aan oo xattaa kii lacag haystay uu u doonnanayo Magaalada Hargeysa kaas-na inta loo sii sido ama loo soo waddo ayuu ku neef qabatoomayaa dhakhtarka Magaalada Boorama dhex-diisa”. Xaaladda Halista ah ee cudurka Karoona Fayras ayaa si weyn ugu laba kacleeyey Somaliland iyada oo dhammaanba magaalooyinka waaweyn si weyn looga dayrinayo xaaladda dadka bukaabka ahi ku sugan yihiin iyada oo ay xaddiga uu soo ridanayaa aad u sarrayso sidoo kalena aanay dadku haysan adeegyo caafimaad maadaama marka horeba dalku si weyn uga liitay dhinaca adeegga caafimaadka. Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa la sheegay in xaddiga tirade dadka uu soo ridanayo maalin walba ay tahay mid aad u soo kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa shacabkuna werwer badan qabaan. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Labada dhinac ayaa sidoo kale, ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrimaha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga. Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal. Source
