Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo dowladda isku dhiibay shalay kadib wadahadal dhexmaray ayaa galabta ka soo degay magaalada Muqdisho. Cabdirashiid Janan oo la socdeen wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka soo duulay degmada Duulow ee gobolka Gedo, halkaas oo maanta uu ku wareejiyay dowladda hub iyo ciidan uu watay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu eedeysay Cabdirashiid Janan danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa shalay qoraal ay soo saaray ugu baaqday Dowladda Federaalka in ay xaqiijiso in caddaaladda la horgeeyo Cabdirashiid Janan. Cabdirashiid Janan ayaa Dowladda Federaalka u aqoonsan tahay wasiirka amniga Jubaland, iyadoo Madaxweyne Axmed Madoobe sheegay in uu xilkaas ka qaaday. PUNTAND POST The post Cabdirashiid Janan oo laga dejiyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Warar badan oo waxaa jira sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Khiyaamo la damacsan yahay Wasiirkii hore ee Jubbaland Cabdirshiid Janan, oo Heshiiska lala galay uu ahaa mid lagusoo Xero galinayay. Dad badan oo u dhuun daloola Dagaalka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ma aaminsana in si sahlan uu Cabdirshiid Janan kula joogo doono Madaxweyne Farmaajo. Gobolka Gedo waxaa hada saameynweyn ku leh rag ay Cadaawad Fog dhex martay Cabdirshiid Janan Mudadii uu Xabsiga Muqdisho uga jiray ilaa dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Baledxaawo, sida nagu Magaalo ahna Ragaas Way kasoo horjeedeen Wadahadalka lala furay Cabdirshiid Janan, Wayna adagtahay in iyaga iyo Cabdirshiid Janan ay wada joogaan Gobolka, Arintaan waatan dhalisay in Dad badan ay ka shakisan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu dabin u dhigay Janan. Waxay aad ugu badan tahay in Madaxweyne Farmaajo uu Xabsi dhigi doono Wasiir hore Janan, Hadii taasi dhacdo yaa u tol ah Cabdirshiid, Ilayn sidaan wada ogsoonahay Soo fakashadiisii hore waxaa qayb weyn ka qaatay Madaxweynaha Jubbaland iyo Siyaasiyiin Reer Muqdisho ah oo Mucaarad ku ah Farmaajo. Janan maanta ayuu ka dagay Magaalada Muqdisho isagoo uu weheliyo Ninka Magaca dheer ee aan aalaaba la arag Fahad Yaasiin Puntlandi.com Kismaayo The post Armaa lakhiyaamay Wasiir Cabdirashiid Janan, kolkaanse ayaa Xabsiga kasoo deyn appeared first on . Source
  3. Abiya Ahmed, Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa maanta booqasho laba Cisho ah ku tagay Dalka Eritrea halkaasoo uu kusoo dhaweeyey Madaxweyne Isaias Afwerki. Labada Dal ayaa maalmahaan cadaadis xoogan uga socdey dhanka Reer Galbeedka oo Maraykanku u horeeyo, waxaana loo heystaa inay Xadgudub bini’aadanimada ka baxsan ay ka wadaan kana geysteen Gobolka Tigrey. Dad badan ayaa isweydiinaya halka uu ka baxay Saaxiibkoodii Sadexaad Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudo hada ku dhow Sanad aan la arag iyagoo wada socda, Abiye Ahmed, Isaias Afwerki iyo Madaxweyneheena Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ugu wardambaysay iyagoo wada dhisaya Isbahaysi Geeska Afrika. Sawiradaan hoose waa soo dhaweyntii Abiy Ahmed ee Casmara maanta Puntlandi.com The post Abiy Ahmed oo Casmara booqasho ku tagay, appeared first on . Source
  4. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta la wareegtay Tallaalka cudurka safmarka ah ee COVID-19. 25-kun oo Doos oo ah nooca talaalka mashruuca COVAX ee loogu talagaley In looga hortago qatarta safmarka COVID-19 ayaa laga soo dajiyay garoomada diyaaradaha Samareeb iyo Gaalkacyo, waana qayb ka mid ah tallaalka loogu deeqay Soomaaliya oo wadar ahaan ah Hal Milyan Iyo Laba boqol oo kun. Munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka Diyaarada Samareeb ayay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Galmudug kula wareegeen wejiga koowaad ee talaalka oo ay ka faa’iideysan doonaan 25-kun oo qof. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hadda nasoo gaartay ayaa sheegeysa in wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo heshiis la galay dowladda federaalka, laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Janan uu la socdoTaliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin, waxayna ku yimaadeen diyaarad gaar ah ka soo qaaday degmada Doolow ee gobolka Gedo. Cabdirashiid Janan ayaa Muqdisho kusoo laabanaya sanad iyo laba bilood kadib markii uu magaalada, sida la sheegay, ka baxsaday dabayaaqadii bishii Janaayo ee 2020. Janan ayaa markaas dowladda ay ugu yeertay dambiile, waxayna amartay in lasoo qabtay, hase yeeshee wuxuu hadda Muqdisho kusoo noqonayaa ayada oo dhammaan dambiyadii loo haystay daaqadda laga tuuray, islamarkaana ah saaxiib iyo xulufo. Hey’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa qoraal ay xalay soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga halbatay in Cabdirashiid Janan ay kula xisaabtanto dembiyada dagaal ee horay loogu eedeeyey, islamarkaana ay cadaaladda hor keento. Amnesty waxay sheegtay in qoysaska dhibanayaasha u ah xadgudubyada la sheegay in Cabdirashiid Janan ka geystay gobolka Gedo ay mudan yihiin caddaalad. “Hadda oo Cabdirashiid Janan uu ku jiro gacanta dawladda federaalka ee Soomaaliya, mas’uuliyiintu waa inay xaqiijiyaan caddaalad iyo la xisaabtan la xiriira dhammaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee lagu tuhmayo inuu ka gaystay Gedo. Dhibanayaasha iyo qoysaska ay tani saamaynta ku yeelatay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda Amnesty International.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ay galinka dambe ee maanta u balansanaayeen madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug ayaa baaqday kadib faro-gelin ka timid Farmaajo, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Shirkaan oo ay gadaal ka riixeysay beesha caalamka oo rabta in heshiis laga gaaro doorashada dalka, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in kulan ay goob joog ka tahay la iskugu keeno madaxda dowladd goboleedyada oo u kala qeybsan labo garab. Sida ay inoo sheegen ilo wareedyo ku dhow xerada Xalane, shirkaas muhiimka ah ayaa u baaqday cadaadis ka yimid dhanka madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi u sheegay madaxda saddexda dowlad goboleed ee taabacsa inaysan uga qeyb-galin kulankaas. Farmaajo oo saaka madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed kula shiray Afisyoone ayaa usoo jeediyay inay wada kulmaan shanta Madaxweyne dowlad goboleed oo qura, ayada oo banaanka ka taagan tahay beesha caalamka. Arrintan ayaa imaneysa xili ay beesha caalamka dadaalo xoogan ku bixineyso sidii ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka heshiis kama dambeys ah uga gaari lahaayeen khilaafka doorashada oo xiisad hor leh ka dhaliyay dalka. Ma cadda sababta Farmaajo u diidan yahay beesha caalamka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu u arko in beesha caalamka ay xal dhex dhigi karto madax goboleedyada, taasi oo uusan dooneyn. Dowladda federaalka ayaa waxay dhawaan digniin adag u dirtay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, midaasi oo la xiriirtay inay faro-gelin toos ah ku yeeshan arrimaha gudaha oo qeyb ka tahay doorashada, islamarkaana ay ku dalbaneysay inay joojiyaan fariimaha xasaasiga ah ee hawada u mariyaan.
  7. The medical charity Doctors Without Borders says it witnessed Ethiopian soldiers executing at least four men in the country's Tigray region. The troops reportedly killed the men after forcing them off civilian buses. Source: Hiiraan Online
  8. Duleedka Boosaso waxaa maanta tababar ugusoo dhamaadey Ciidan sigaara loogu tababaray Puntland oo ay tababarka ka dambeeyeen Dowlada aan walaalaha nahay ee Emaraatka Carabta. Ciidamadaan oo aan tiradooda lashaacin waxay u tababaran yihiin si ka duwan qaabka loo tababaro Ciidamada Soomaaliya losoo tababaro. Dowlada Puntland waxay uga mahadcelinaysaa walaalaha Emaraatka kaalmada muuqata ee ay u fifiyaan Dhacabka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo Sawirada The post Daawo Sawirada Puntland oo Ciidamo si gaara loogusoo tababaray, Emaraatka oo looga mahadceliyay appeared first on . Source
  9. Cutubyo kala duwan, oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF, ayaa maanta tababar mudda u socday loogu soo xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Cutubyadan oo loo carbiyay takhakhusaad kala duwan, waxa tababarka loogu soo xiray taliska guud ee ciidanka PMPF ku leeyahay Boosaaso, halkaas oo ay ku soo bandhigeen wixi la baray. Mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Puntland, ayaa ka qayb-galay munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankan. Madaxda iyo saraakiishi ka qayb-gashay munaasabadda xiritaanka tababarkaas ayaa bogaadiyay tababarka iyo dib u habaynta dowladdu ku wado qaybaha ciidamada Puntland. PUNTLAND POST The post Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo tababar loogu soo xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  10. KORRIINKA ILMAHA & QAYBAHA UU U KALA BAXO Ilmaha waxaa muhiim ah in laga war hayo korriinkiisa, waxaa muhiim ah in si wanaagsan loo qorsheeyo loona maamulo koritaanka ilmaha, waxaa muhiim ah in si miisaaman dhinacyada kala duwan ee korriinka ilmaha loo ilaaliyo. Haddaba waa maxay dhinacyada kala duwan ee korriinka ilmuhu? 1. Koriin Jidheed (Physical Development): dhinacani wuxuu la xidhiidhaa ilmaha cuntadiisa, nafaqadiisa, ciyaartiisa, caafimaadkiisa, IWM. Qaybtan dadka badankoodu wuu ka war hayaa oo koritaanka jidheed waa mid lagu baraarugsan yahay. Haddii ay ka soo bixi waayaan waalidka ilmaha dhalayna waxaa la wareega qoyska iyo qaraabada kale si ilmuhu u helo cunto iyo caafimaad joogto ah. 2. Korriin Maskaxeed (Mental or Cognitive Development): Dhinacani wuxuu la xidhiidhaa koritaanka garaadka ilmaha waxaana uu khuseeyaa in ilmaha maskaxdiisa la koriyo, in wax la baro, tababar la siiyo, deegaanka ku xeeran la tuso, sheekooyin kala duwan looga sheekeeyo, sawirro iyo muuqaallo kala duwan la daawadsiiyo, IWM. Koritaanka garaadka ee ilmuhu kuma xidhna kaliya in la geeyo dugsi oo wax loo dhigo, waxaa garaadkiisa korinaya guriga uu ku nool yahay; deegaanka ku xeeran; bulshada uu ku dhex korayo; tiknoolajiyadda iyo waxay u soo gudbiso; dugsiga iyo sida wax loo baro iyo guud ahaan dalka iyo dadka uu ku dhex korayo. Bal ka waran ilmaha yare e miyiga ku dhasha iyo sida degdega ah ee maskaxdiisa iyo garaadkiisu u koro isaga oo aan dugsina galin iyo kaalinqaadkiisa uu ku yeesho qoyska!????. 3. Korriinka Dareemada iyo Bulshaynta (Social Emotional Development): Dhinacani wuxuu la xidhiidhaa kobcinta iyo horumarinta dareemada ilmaha ee kala duwan iyo u diyaarinta ilmaha si uu ula dhaqmo bulshada uu la nool yahay. Waxaa ka mid ah in ilmaha lagu dhiirigaliyo in uu dareenkiisa soo gudbiyo, sida uu ilmuhu wax u arko ka hadlo, xidhiidhka dadka kale, kalsooni abuurka, dareen wadaagga; saaxiibtinimada, bila’aadannimada, la dhiirigaliyo, lala sheekaysto lalana farxo, IWM. Dhinacani wuxuu ka mid yahay meelaha Soomaalidu ay aadka ugu liidato!!!!!!. 4. Korriin Luuqadeed (Language Development): Dhinacani wuxuu la xidhiidhaa barista ilmaha ee afkiisa hooyo iyada oo adduunka oo dhami isku raacsan yahay in barashada ilmaha ee afkiisa hooyo ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan xilliga caruurtu yaryar tahay. Korriinka ilmaha ee luuqadeedna wuxuu ku heli karaa marka waalidkii iyo waxbarashadiisaba luuqadda ay kula xidhiidhayaan tahay afkiisa hooyo. Soomaalidu Dhinacan caruurtooda muhiimadba kama siiyaan, waxaaba dhacda in badanka dadkii waxbartay ee ay ahayd in ay arrinkan ku baraarugsanaadaan ay caruurtooda geeyaan xarumaha barbaarinta caruurta ee luuqadaha qalaad lagu dhigto. Waxaa jirta iyaduna odhaah macnaheedu noqonayo qofku inta uu afkiisa ka yaqaanno ayuu afkalana ka baran karaa ama qofka afkiisa si wanaagsan u yaqaanna ayuunbaa afkalana si fiican u baran kara. Maxaa kuu baxay Boowe??????. 5. Korriinka Ruuxda iyo Damiirka (Spiritual Development): Dhinacani wuxuu la xidhiidhaa kobcinta iyo horumarinta akhlaaqda, diinta iyo dhaqanka ilmaha. Waxaa muhiim ah in ilmaha si wanaagsan loo baro diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliga iyada oo loo kala cadaynayo wanaaga iyo xumaanta. Waxaa muhiim ah in ilmaha damiirkiisa iyo dadnimadiisu dhisan tahay leeyahayna qiyam iyo akhlaaq wanaagsan. Waxaa muhiim ah caruurta in looga sheekeeyo sheekooyin ku saabsan run sheegnimada; daacadnimada, fikirka wanaagsan; akhlaaqda wacan iyo dhaqankeenna Soomaalida. Si kasta oo ilmuhu uga koro dhinacyada kale oo dhan, haddaanu diin ahaan iyo dhaqan ahaan dhisnayn waxaa soo baxaya ilmo aan ahayn ka aynu bulsho ahaan u baahannahay. Helidda Bulsho dhisan waxaynu ku heli karnaa dhisidda caruur dhinac kasta ka dhisan. ALLAA MAHAD LEH Cabdifataax Rashiid Maxamed Hargeysa, Somalilad cabdifataax.rashid@gmail.com Qaran News
  11. Bayaan kasoo baxay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan xadka ay la wadaagaan Itoobiya ay gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah. Bayaanka ayaa intaas ku daray in hubka la qabtay isagu jiray 39 qori oo ah nuuca darandooriga u dhaca, 678 bistoolo iyo rasaas aad u badan. Ciidanka ayaa sidoo kale soo qabtay 4 qof oo ku eedeysan inay heysteen hubkaan sharci darrada ah. Bilihii lasoo dhaafay, waxaa soo badanaayay hubka lagu qabto xad u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya, inksata oo labada dal aysan bixin faahfaahin la xariirta hubkaan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Suudaan oo xadka Itoobiya ku qabtay hub fara badan appeared first on Puntland Post.
  12. Ciidamada milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mas’uuliyadda amniga ee degmada Afgooye kala wareegay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Xaflad lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa ka qeybgalay, saraakiil uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka, janaraal Maxamed Tahliil Biixi, ku xigeenka taliyaha AMISOM, taliyaha qeybta 12 Abrill ee milateriga dalka, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose iyo mas’uuliyiin kale. Taliyaha ciidanka dhulka janaraal Tahliil ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maanta ay AMISOM kala wareegaan amniga degmada Afgooye, isagoo AMISOM ugu mahad celiyay gacantii ay ku laaheeyn sugidda ammaanka Soomaaliya. General Shume, ah ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa sheegay in talaabadan ay ku jirtay qorshaha kala guurka oo dhigayay in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda ammaanka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Soomaaliya oo Amniga degmadii u horraysay kala wareegay Ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa markii u horeysay ka hadlay heshiiska dowladda iyo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Nicolas Berlanga oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ka horyimid heshiiskaas, xili Cabdirashiid Janan loo haysto arrimo bini-aadanimo, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaas mid ku dhisan “guulo muddo kooban ah”. Sidoo kale waxa uu xusay inuu xasuusan yahay dhibaatada la sheego inuu Janan uu ka geystay gobolka Gedo, asaga oo soo jeediyay in sharciga loo sinaado, midaasi oo ka dhigan in cadaalada la marsiiyo, islamarkaana lagu qaado gabood falka uu hore ugu eedeysna. “Waxaan ka fakarayaa dhibanayaasha, dadka la barakiciyey, Soomaalida da’da yar ee ku haminayda bulsho nabad iyo dhex-dhexaad ah, oo sharciga loo wada siman yahay. Waxaan hubaa in kuwa ka fakaraya guulo deg deg ah aysan hilmaami doonin bulshada u baahan tiirar adag si loo dhiso mustaqbal,” ayuu yiri. My thoughts to the victims, to the people displaced, to the young Somalis who aspire to a peaceful and fair society where the law is equal to everybody. I am sure those thinking on the short term gains will not forget a society needs solid pillars to build the future. https://t.co/vHbwQQohDB — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) March 24, 2021 Saacado kadib hadalka Danjiraha waxaa jawaab kulul ka bixiyay Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in danjiraha uusan xaq u laheyn inuu arrintan kaga hadlo twitter-ka, islamarkaana ay tahay inuu walaaciisa ku aadan arrinta usoo maro marinada diblomaasiyadeed ee dowladda. “Mudane Danjire, waxaan ogahay inaad marino aan xadidneyn aad u haysato marinada diblomaasiyadeed ee ugu haboon, si aad walaacyadaada ugu gudbiso, una hesho xog qiimo badan oo ku saabsan dhacdooyinka noocan ah”. Mr. Ambassador, I know you have unlimited access to the most relevant diplomatic channels to air your concerns and receive valuable insights on such developments….. https://t.co/iJjoQvllb0 — Abdinur Mohamed (@AbdinurMAhmed) March 24, 2021 Arrintan ayaa imaneysa xili ay shalay madax ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka taabacsan ee Gedo ay Cabdirashiid Janan si weyn ugu soo dhaweeyen magaalada Beled-Xaawo, ayada oo hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ay u haystaan dambiyo gabood fal. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay digniin adag kasoo saartay qoraalada ay danjireyaasha beesha caalamka hawada u mariyaan dowladda amase uga hadleen xaalada ka taagan dalka ee inta badan ku qoraan barahooda twitter-ka.
  14. Barcelona ayaa loo doortay kooxda ugu wanaagsan kubadda cagta dunida qarnigan 21-aad. Sidoo kale hay’adda International Federation of Football, History and Statistics(IFFHS) oo ka faaloota taariikhaha iyo xogaha kubadda cagta ayaa u dooratay Blaugrana kooxda ugu wanaagsan tobanlaha 2011 illaa 2020. Barcelona ayaa darajadan oo kale loo aqoonsaday tobanlihii 2001 illaa 2010, iyadoo sidaas ku noqotay inay labo tobanle oo xiriir ah hoggaamiso kubadda cagta dunida si ay qabto IFFHS. Dhanka kale, Barca ayaa tobanlihii lasoo dhaafay hanatay koobab tiro badan oo ay ku jiraan koobka kooxaha adduunka oo ay labo jeer ku guuleysteen, Champions League oo ay labo jeer ku guuleysteen iyo lix jeer oo ay La Liga qaadeen, hase ahaatee, IFFHS ayaa tibaaxday inay koobabka kaliya ku filnayn koox in lagu qiimeeyo tan ugu wanaagsan, hase ahaatee, guulaha kulammada, goolasha ay dhalisay iyo kuwa laga dhaliyay ayaa qayb ka ah waxa qeexaya fiicnaanta kooxda. Si kastaba ha ahaatee, IFFHS qiimeynteeda waxaa hoggaamineysa Barcelona oo heshay 2,877 dhibcood, waxaana kusoo xigta Real Madrid oo 95 dhibcood ka hooseysa Barca isla markaasna leh 2,782, halka Bayern Munich oo ku jirta kaalinta saddexaad ay heshay dhibco gaaraya 2,594.5. Booska Afaraad waxaa soo cariirsatay Paris Saint-Germain, halka booska shanaadna ay ku jirto naadiga Atletico Madrid, taasoo la micno ah inay saddex koox Spain ka dhisay ay ku jiraan shanta kaalin ee ugu sarreysa. Gremio Porto Alegrense ee dalka Brazil ka dhisan ayaa noqotay kooxda ugu sarreysa ee ka socota meel ka baxsan Yurub, waxayna soo gashay 14-aad. Marka la eego sanad walba iyo kooxda ugu wanaagsan, waxaa ugu badan Barcelona oo 2011, 2012 iyp 2015 noqotay kooxda sanadka ee qiimeynta IFFHS, halka Real Madrid ay 2015 iyo 2017 noqotay kooxda ugu wanaagsan dunida, Bayern Munich ayaa iyaduna kooxda sanadka noqotay 2013 iyo 2020. Source: goobjoog.com
  15. MOGADISHU, Somalia – At least two people have died and five others wounded on Thursday in a mortar attack in the Somali capital, Mogadishu. Somali police say five mortar rounds had landed into a residential house nearby Halane camp where United Nations, African Union and other foreign diplomatic offices located. In a statement, the police said an operation to hunt down the culprits had started. The attack killed a father and his son while five other injured people – all from same family were taken into a nearby hospital. Somali armed group al Shabaab has claimed responsibility for Thursday’s rocket attack. al Shabaab, an al Qaeda linked group has been battling African Union troops and the Mogadishu-based-government for more than ten year. The insurgent group has lost major towns to Somali army and African Union troops, but it still holds large swaths in south of the country. Earlier this month, the group has carried out the same attack on UN compound in Mogadishu. View the full article
  16. Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubbaland, Mudane Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay heshiiska C/rashiid Janan iyo dowladda dhexe Cabdii Xuseen ayaa marka hore shaaca ka qaaday in heshiiskaasi uusan wax saameyn ku yeelan doonin mowqifka Jubbaland ee gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Janan uu ahaa xubin ka tirsan Jubbaland, balse ay ciidamadooda weli joogaan meelihii ay ku sugnaayeen. ”Heshiiskaasi mar danbe ayaan ka war helnay muhiim ma’aha waqtigii uu soo socda wada hadalkan, laakiin waxaa muhiim ah in uu hadda heshiis dhacay, Annaga ka Jubbaland ahaan waxba iskama badalin mowqifkeenii Gedo, ciidamadiina sidoodii ayeey u joogaan aagagii aan ugu talagalnay,’ ayuu yiri wasiirka wasaaradd warfaafinta Jubbaland. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in la bedalay Janan, islamarkaana shaqadii uu hayey ay halkeeda kasii socon doonto. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa si adag uga hadlayey heshiiska la sheegay inuu dhex-maray wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) & dowladda. Abshi Bukhaari ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in weli Cabdirashiid Janan uu yahay eedeysane loo heysto eedeymo ka dhan ah aadanaha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin qof ka tiri kara eeda loo heysto& kiiskiisa ka yaalla maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiye ku xigeenka sare ayaa sidoo kale heshiis siyaasadeysan ku tilmaamay heshiiska ay wada-gaareen Janan iyo dowladda, wuxuuna intaasi ku daray in uusan wax saameyn ku yeelan karin kiiskii horey u taagnaa iyo dacwadda taalla maxkamadda. “Heshiiskan siyaasadeysan ee dhexmaray Dowladda Federaalka & eedeysane Cabdirashiid Janan kuma yeelan karo wax saameyn & raad sharci ah kiiskii taagnaa ee horey loogu soo eedeeyay kaas oo ay qasab tahay in lagu dhameystiro xayndaabka nidaamka garsoorka dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sentor Abshir Bukhaari. Shalay ayey markii wasiir Janan si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii uu heshiis hoose la galay dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso:- QOFKUU DOONO HA AHAADEE, MA JIRO QOF EED TIRI KARA EEDEYSANE GARTIISU AY MAXKAMAD HORTAAL. Hay’adaha Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah horey ugu soo eedeeyeen Cabdirashid Janan dembiyo la xiriira xuquuqda aadanaha isaga oo mar ka soo muuqday maxkamad kadibna uu ka baxsaday meel lagu hayay markaas waxaa loo jaray amar soo qabasho si loo horgeeyo caddaaladda. Hadaba, heshiiskan siyaasadeysan ee dhexmaray Dowladda Federaalka & eedeysane Cabdirashiid Janan kuma yeelan karo wax saameyn & raad sharci ah kiiskii taagnaa ee horey loogu soo eedeeyay kaas oo ay qasab tahay in lagu dhameystiro xayndaabka nidaamka garsoorka dalka. Sidoo kale, dowladnimadu ma aha la jiifiyaana bannaan ee waa hay’addo isku sidkan oo haddana kala madaxbannaan go’aanadoodana lagu hago dastuur iyo xeerar u degsan.
  18. Qarax Muqdisho gilgilay oo lagu dilay sarkaal sare+Khasaaraha,Tirada dhimashada & Dhaawaca Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa nooca miinada soo boodada ah ayaa ka dhacay laamiga cusub ee degmada Dayniile , iyadoo lala eegtay sarkaal ka tirsanaa milatariga Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday gaari Saruf ah oo uu la socday sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cali Bariis & qaar ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo lasoo wariyey inuu ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay dhaawacyo gaareen askartii la socotay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan milatariga oo ka agdhowaa halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo meydka & dhaawacyada ka qaaday halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda & maamulka degmada Dayniile oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa. Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada ceynkan oo kale ah ka fulisa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo si kordhayey maalmihii lasoo dhaafay. Qaran News
  19. Gabadha Model-ka ah ee lagu magacaabo Natalija Scekic ayaa sheegtay in shaqi doonaya in sumcadda laga dilo xiddiga ugu wanaagsan ciyaarta Tennis-ka ee Novak Djokovic uusoo bandhigay lacag aad u faro badan. Sida lagu soo warramayo, qorsha ayaa ahaa in la dhaawaco sumacadda Djokovic sidoo kalena la burburiyo qoyskiisa. Scekic ayaa warsidaha Svet&Scandal u sheegtay in qof rag ah uu usoo bandhigay 60,000 oo euro si ay ula seexato iyadoo muuqaalna ka sameyneysa laacibka lambarka koowaad kaga jira Tennis-ka. Sidoo kale, warsidaha ayaa intaas ku daran in dabinkaas lagu maleegayay dalka Ingiriiska, halkaas oo gabadha Model-ka ah ee reer Serbia kula kulantay dhagar-qabaha lacagta usoo bandhigay. “Waa dhab inuu nin ila soo xiriiray, waxaan ogaa inuu joogo magaaladan, waxaanna u heystay inuu arrimo muhiim ah ii haayo” ayay tiri Natalija Scekic. “Waxaan ahaa qof laga yaqaano shaqadooda, waxayna ahaayeen dad wanaagsan, markii uu balanka ii dhigayna waxaan u qaatay inuu arrimo ganacsi igala hadli rabo, si kastaba, markii sheekada sii socotay, waxaan dareemay inaysan nolosheyda quseyn” ayay hadalkeeda kusii dartay. Gabadha Model-ka ah ayaa wareysigeeda ku sheegtay inaysan aaminin yabooha loo soo bandhigay oo ay filaneysay inay kaftan sheekadu tahay. “Waxaan ku fikiray inay jirto kaamiro qarsoon markii uu ii sheegaayay inaan soo jiito Novak sidoo kalena aan muuqaal kasoo duubo, balse isagu taas mar hore ayuuba ka taxaddaray kamana aanan walwalin” ayay hadalkeeda kusii dartay Natalija. “Waxa uu ninka ii sheegay inaan helayo 60,000 euro iyo safar meesha aan rabo ah haddii aan sameeyo shaqada uu rabo, waan ku qoslay, waxaana filaayay inuu i dhaho waa kaftan, balse ninku dhab ayay ka ahayd, waxaanna dareemay dhaawac iyo bahdil” ayay tiri gabadha Model-ka ah. Si kastaba ha ahaatee, Scekic ayaa sheegtay inaysan ka meermeerin diidmada yabooha loo soo bandhigay, waxayna kaga jawaab celisay si deg deg ah sida ay sheegtay. Gabadhan ayaa sidoo kale carrabka ku dhufatay inay isku dayday inay biyo ku shubto markii ay ogaatay inuu ninkan doonayo inuu iyada u adeegsado sharaf-dilka Djokovic, balse ay is xakameysay maadaama ay joogeen goob ay bulshadu isugu imaato. Natalija Scekic ayaa wareysigeeda ku aaddan arrintan kusoo gaba gabeysay inaysan rajeyneyn inuu ninkaas helo gabar u fulisa danihiisa iyadoo tiri: “Alaabteyda ayaan qaatay waana kasoo tagay, waxaana rajeynayaa inuusan heli gabar dooneysa inay waxaas sameyso, waayo ma ahan wax uu mudan yahay Novak, waa ambaasadoorkeenna ugu fiican, waa nin tusaale lagu daydo ah, waa nin qoys ah”. Si kastaba ha ahaatee, gabadha Model-ka ah ayaanan shaacin goorta ay dhacday arrinta lagu doonayay in lagu dilo sumcadda xiddiga reer Serbia ee lagu tilmaamo inuu yahay midka ugu sarreeya ciyaarta Tennis-ka. Source: goobjoog.com
  20. Ciidanka xoogga dalka ayaa mas’uuliyadda amniga ee degmada Afgooye kala wareegay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Xaflad lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa ka qeybgalay, saraakiil uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka, janaraal Maxamed Tahliil Biixi, ku xigeenka taliyaha AMISOM, taliyaha qeybta 12 Abrill ee xoogga dalka, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose iyo mas’uuliyiin kale. Taliyaha ciidanka dhulka janaraal Tahliil ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maanta ay AMISOM kala wareegaan amniga degmada Afgooye, isagoo AMISOM ugu mahad celiyay gacantii ay ku laaheeyn sugidda ammaanka Soomaaliya. General Shume, ah ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa sheegay in talaabadan ay ku jirtay qorshaha kala guurka oo dhigayay in ciidanka xoogga dalka ay la wareegaan mas’uuliyadda ammaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii tababar iyo qalabeyn ugu sameyn laheyd ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ammaanka dalka. View the full article
  21. Faransiiska oo Sida Fiinta uga qeyliyey farogelin uu shaaciyey in Turkigu ku hayo Turkey ayaa Arbacadii cambaareysay diginin “aan la aqbali karin” oo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku sheegay in Ankara ay faro-gelin ku hayso doorashooyinka madaxweynaha ee xiga ee dalkaas ka dhacaya. Macron ayaa toddobaadkan u sheegay taleefishin Faransiis ah in Turkey “ay ka faa’iideysanayso ra’yiga dadweynaha” ayna “been” ku faafineyso gudaha Faransiiska, ayada oo adeegsaneysa warbaahin dowladda ay maamusho. “Waxaa jiri doona isku dayo lagu faro-gelinayo doorashooyinka madaxweynaha ee dhacaya 2022,” ayuu yiri Macron. Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in erayada Macron ay yihiin “kuwa aan la aqbali karin oo caksi ku ah saaxiibtinimada iyo isbaheysiga labada dal.” Hadallada Macron ayaa sii kordhinaya muranka kala dhaxeeya madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan, kaasi oo labada hoggaamiye ay isku dhaafsadeen hadallo kulul oo ku aadan khilaafyada gobolka. Murankooda ayaa sanadkii tegay gaaray meeshii ugu hooseysay markii Erdogan uu u sheegay Macron inuu “maskaxda iska soo tijaabiyo,” kuna booriyey Faransiiska “inay meesha ka tuuraan” madaxweynahooda, kadib markii France ay soo saartay sharciyo wax looga qabanayo “Islaamka xagjirka ah”. Bilo kahor hadalkaas ayaa Macron wuxuu soo jeediyey in shacabka Turkey “ay u qalmaan wax aan aheyn” siyaasadaha Erdogan. Qaran News