Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,630
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Dhuusamareeb (Caasimada Oline ) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facbook-ga ayaa u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah  lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay raydika.

    Fiqi ayaa kula taliyey Ilhaan Cumar in aysan hiil u fidin kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay dhibaato ku heyso guud ahaan shacabka Soomalaiyeed.

    “Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

    Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku sugan yahay deegaanadii duqeynta laga fuliyey, isaga oo xusay in kaliya lagu burburiyey goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, gaar ahaan meeshii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay saraakiishii ciidanka ee qeybta 21-aad.

    “Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno,” ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirka.

    Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!,”.

    Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ilhaan Cumar inay taageerto howl-gallada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

    “Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.Dumaashi dagaalka nala soo gal! ayuu markale yiri.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay dalbatay u qiil u helida duqeyntii uu maamulka Biden ka geystay gobolka Mudug.

    The post Wasiir FIQI oo u jawaabay Ilhaan Cumar – Dumaashi dagaalka nala soo gal! appeared first on Caasimada Online.


  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dmabeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare, taas oo si rasmi ah u billaabaneysa beri , waxaana ay ka dhaceysaa magaallo xeebeedka Kismaayo.

    Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in doorashada 8 kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya maamulkaasi ay dhaceyso beri oo ku beegan 25-ka July sanadka 2021-ka.

    Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorashada, si markaasi loo fuliyo jadwalkii kasoo baxay golaha wada-tashiga qaran ee dalka.

    Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaalada Kismaayo ay gaari doonaan xubno ka socda dowladda dhexe, waxaana hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo dusha kala socanayo doorashada Aqalka Sare ee lagu wado inay beri ka dhacdo gudaha magaalada Kismaayo.

    Doorashadan ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana ka qeyb-galayaa shiqsiyaad kala duwan oo daneynaya ka mid noqoshada Senatorada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

    Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee ku yaalla magaallo xeebeedkaasi.

    Jubbaland ayaa haddii ay ku guuleysato qabashada doorashadan waxay noqoneysaa dowlad goboleedka horreeyey ee qabta doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo si isku mid ah uga dhaceyso dhammaan xarumaha maamul goboleedka ee ka jira dalka.

    Doorashada Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana dib u dhigay is qab qabsi siyaaasadeed oo muddo u dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaraadka ee ka qeybgalaya doorashada.

    The post Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen Odayaasha, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Haweenka iyo dhalinyarada beesha EELAAY oo ka kala dhacay Moqdishu, Beydhaba, iyo kismaayo oo looga hadlayay aayaha beesha iyo doorashooyin inagu soo wajahan, waxaana shirka kasoo qodobadan hoos ku xusan.

    1- Beeshu ugu horeyn waxay digniin u dirtay madaxweynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen, ayadoo ugu digtay inuusan isku dayin faragalin arimaha beesha dhexdeeda ah iyo arimaha dooroshooyinka kuraasta xildhibaanada ee beesha Eelaay, hadii isku dayana uu cawaaqib xun kala kulmi doono.

    2- Waxay kale oo ay beeshu baaq u diraty xubnaha doonaya in ay u tartamaan kuraasta beesha in si nabad ah u ololeystaan eysan abuurin fidno iyo khalalaase beesha dhexdeeda ah.

    3- Sidoo kale beeshu waxay baaq u direysaa madaxweynaha Jubaland Ahmed Islaam Madoobe, in beesha ka tabaneyo hab qeybsiga kuraasta aqalka sare ee Jubland oo beesha laga siin saamigii ay ku laheyd, waxay sidoo kale beesha xasuusineysaa madaxweynaha jubland in weli loo dhameyn hab qeybsiga siyaasada maamulkiisa oo beesha lagu duudsiiyay xaqeeda iyadoo la ogyahay deegaanada balaaran ee beesha ka degto Jubland.

    Ugu dambeyn beeshu waxay cadeyneesaa in aysan u dulqaadan doonin faragalin iyo boob kuraasteeda baaramanka soomaaliya loona madax baneeyo xulasha xilibaanadeeda.

    d10c951c-5bf8-4131-ae7b-1cc83229191b.jpg a3c1f121-753b-4269-8e58-a1f2c506d505.jpg 88ca480f-dd74-427c-b4fe-1b516c4ae760.jpg

    The post Sawirro: Beesha EELAAY oo saddex qodob kasoo saartay doorashada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.


  4. New York (Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyntii ay todobaadkan dowladda dalkaasi ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug.

    Ilhaan Cumar oo su’aallo ka keentay duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in baaris lagu sameeyey duqeyntii u dambeysay, si loo helo macluumaad dhammeystiran oo ku saabsan weerarkaasu dhinaca cirka ah.

    Sidoo kale waxa ay shaacisay in duqeymuhu ay u baahan yihiin istaraatiijiyad ballaaran ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed.

    “Sida aan u wajahayno ka hortagga argagixisanimada ee al-Shabaab waxay u baahan tahay  istiraatiijiyad guud iyo siyaasadda ku aaddan Soomaaliya,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

    Waxa kale oo ay intaasi ku dartay inay jiraan qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymaha xilligii Trump, kuwaas oo ay tilmaamtay inay awoodi waayeen inay la xiriiraan Mareykankam si ay helaan magdhowga loo qoondeeyey.

    Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhinaca milatariga iyo howl-gallada ciidamada ka taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna tababaraa ciidamada Danab.

    Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo duqeyntii ugu dambeysay ay Jimcihii ka dhacday gobolka Mudug, taas oo uu Mareykanka ku garab siinayey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa Galmudug ee howlgallada ka wada koonfurta gobolkaas.

    The post Ilhaan Cumar oo soo saartay dalab la xiriira duqeyntii gobolka Mudug appeared first on Caasimada Online.


  5. Xildhibaan shaqada u horraysa haku bilaabin laaluush !

    Liidasho iyo Gunnimo ka weyni ma  jirto in Xisbi ku maamuusay oo ku siiyay fursad iyo kursi aad ka taratanto aad ka leexato markaad soo baxdo, weliba aad u leexato Xisbigii liiska musharraxa kuu diiday ee reernimo ama cod yaraan kugu diiday in aad maanta raacdo adoo Xildhibaan qaran ah. waa qiyam la’aan qof kasta oo leexdaa sameeyay, Xildhibaanadu Xisbiyadooda ha iimaansadaan.

    Xildhibaanada reernimo leexdaa iyaguna gobanimo may samayn, rag badan oo Muuse Biixi eryay ayaa maanta safka hore ku jira, cagaha dhulka ku xejiya oo caadifada qabyaaladeed yaanay idin ilawsiin Xisbiyada idiin hiiliyay ee idin sharraxay. taariikh ayaa qormaysa adduunna warbaa ka hadha, mudane guur guurku suunno xun weeyaane dhaqankaa halla bedelo.

    Waxaan boogaadinayaa oo aan la gaasiri karin raganimadiisa Xildhibaan Axmed ku-caddeeye iyo xildhibaano badan oo dhigiiya oo xodxodasha kasta diiday, waxay muujiyeen adjaysi, mabda, matalaad dhaba, gabanimo.  waxaanay tuseen kuwii kursiga sharraxaadda u diiday in ay yihiin  rag abaal leh oo iimmaan qaba.

    W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme

    Source


  6. muqdisho.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

    Ciidmado ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa israsaaseyn xoogan oo sababtay khasaare dhismasho iyo dhaawac ku dhexmartay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

    Inta la xaqiijiyay israsaaseynta waxaa ku dhintay labo qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sidoo kale israsaaseyn waxaa wararku sheegayaan in ay ku dhinteen askar.

    Intii dagaalka socday waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kale waxaa  xirmay goobaha ganacsiga, oo markii dambe dib u furmay.

    Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadl een israsaaseynta khasaaraha sababtay ee ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, taas oo ka bilaabatay muran ku saabsan lacago laga qaado gaadiid Isgoyska laba raro.

    Marar badan ayaa ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya is rasaaseyn khasaare ka dhashay ku dhexmartay magaalada Muqdisho.

    PUNTLAND POST

    The post Shacab ku dhintay israsaaseyn Muqdisho ku dhexmartay ciidamo ka tirsan DFS appeared first on Puntland Post.


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay xilal ka qaadis ku sameeyey saraakiil ka tirsanaa hay’adda NISA ayaa helay boggaadin iyo taageero ay u muujiyeen shacabka & siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta taageeray go’aanka Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu u hiiliyey sarreynta sharciga, isla-markaana waxa uu kula taliyey inuu kusii adkeysto go’aankiisa ilaalinta sharciga iyo dowladnimada.

    Sidoo kale musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Rooble ay la gudboon tahay inuu muujiyo feejignaan dheeri ah, wuxuuna tilmaamay inay suuragal tahay inay ‘dagaal rogaal celis ah soo qaadaan madaxweynaha iyo taliyaha Nabad-sugida’.

    Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in ra’iisul wasaaraha looga fadhiyo inuu ku adkeysto ilaalinta sharciga, kana hortago in la sameeyo ku takrifal awoodeed.

    “Labo kaar oo jaale ah ayaa maanta loo taagay. Waa dhici kartaa in uu edboonaado, waxayse u badantahay in isaga iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ay dagaal rogaal celin ah soo qaadaan. RW Rooble in aad sharciga ku adkaysato ayaa lagaa rabaa, sababtoo ah in badan ayaad u sabartay takrifalka Farmaajo iyo Fahad,” ayuu yiri Siyaasi CC Shakuur.

    Dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Booliska ay fuliyeen amarkii Rooble, isla-markaana ay faraha kala baxeen arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isaga oo ku amaanay garashada ay garteen ilaalinta sharciga, hase- ahaatee wuxuu qiray in weli taliyaha NISA uu faraha kula jiro arrimaha doorashooyinka.

    “Waxaa muuqata in Taliyihii ciidanka xoogga iyo booliska ay fuliyeen amarkii Raysalwasaaraha. Waxay dibadda ka tageen siyaasadda iyo arrimaha doorashada, laakiin taliyihii Nabadsugidda wuxuu si awood sheegasho leh ugu lug lahaa siyaasadda iyo doorashooyinka,” ayuu sii raaciyey hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir.

    Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli shalay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaaday agaasimihii shaqaalaha hay’adda NISA iyo taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay ka horyimaadeen amarkiisii ahaa in qofna lagu celin karin gudaha garoomada dalka, maadaama la guda-galayo doorashooyinka 2021-ka.

    The post Maxaa la gudboon Rooble, kadib talaabadii uu aaday? appeared first on Caasimada Online.


  8. Ambassador Sureer Abshir Muuse, oo u sharraxan xubinnimada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho dhiirra-gelin ah ku tagtay jidka isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Godobjiraan oo hab isku-tashi ah lagu dhisayo.

    Ambassador Sureer waxa halkaas ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha jidka Garoowe-Godobjiraan Shiekh Daahir Maxamuud Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Sheikh Maxamuud Warsame, Madaxa Shaqada Guddiga Cabdixakiin Warsame Cilmi iyo Xoghaya Guddiga Cabdiweli Cabdi Aaden oo uu weheliyo Guddoomiyaha Tuulada Awrculus Cabdicasiis Cabdi Xuseen.

    Murashax Xildhibaan Sureer Abshir Muuse, ayaa Guddiga ku wareejisay deeq lacageed oo ay kaga qayb-qaadatay Dhismaha Jidka isku xira Garoowe iyo Godobjiraan, waxaana ay hadal dhiirri-gelin ah u jeedisay Guddiga.

    Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

    PUNTLAND POST

    The post Ambassador Sureer Abshir Muuse oo lacag ugu deeqday dhismaha Jidka isku xira Garowe iyo Godobjiraan appeared first on Puntland Post.


  9. Wararka naga soo gaarayo Ex-control Afgooye ayaa sheegaya in goordhaw ciidama kawada tirsan dowladda ay israsaaseyn ku-dhex martay halkaas.

    Ciidamada ayaa la sheegay in ay isku qabsadeen canshuur laga qaado gaadiidka dadweynaha ee adeegsada wadadaas.

    Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay seddax qof ayaa ku geeriyootay israsaaseynta halka tiro intaa ka badan uu dhaawac ka soo gaaray.

    Dadka wax yeeladu ay soo gaartay ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad shacab ah oo xilliga ay israsaaseyntu dhaceysay marayay wadada.

    Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka labada ciidan ku dhex maray isgoyska Ex-control Afgooye.

     

    Wixii faahfaahin ah ee warkaan ku soo kordha kala soco Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

    Iska hor imaadka oo muddo socday aya ka billowday isgoyska Ex-Control Afgooye, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo isku qabtay lacago laga qaado gaadiidka laga raro halkaasi.

    Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay afar qof oo shacab ahaa iyo labo askari, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

    Sidoo kale ayaa intaasi ku daraya in afarta ruux shacabka ee geeriyootay ay kala ahaayeen labo arday oo Jaamacad u socotay, Haweeney goobta ku lahayd maqaaxi iyo qof kale oo la socday gaari BL ah oo xilligaas marayey goobta uu dagaalku ka dhacay.

    Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana meesha uu dagaalku ka dhacay ay noqotay meel lagu kala cararay, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaq xoogan.

    Wararka ayaa intaasi ku daraya inay goobta gaareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo ku baxay askarta ku dagaalantay halkaasi.

    Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan israsaaseyntaasi dhalisay dhimashada iyo dhaawaca.

    Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxaana khasaaraha uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

    The post Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  11. Waxaa guud ahaan dalka ka socda diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashooyinka dalka oo lagu wado in todobaadkaan ay ka bilawdaan dalka.

    Guddiyada doorashada dowlad gobaleedyada ayaa dhankooda wada qorshahii ugu dambeyay iyo qaban qaabada doorashada Aqalka sare oo lagu wado in maalmo ka dib dalka ay ka qabsoomto.

    Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in la xaliyay arrimo badan oo muran uu ka taagna kuwaas oo ay ka mid yihiin arinta gedo iyo tan Somaliland.

    Rooble oo xafiiskiisa kulan kula qaatay khamiistii Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa ugu baaqay in si deg deg ah xal uga gaarin arrinta Somaliland.

    “Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi”. ayaa lagu yiri qoraal shirka ka dib la soo dhigay barta Facebook-ga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha .
    Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada ayaa dhankoda lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gudbiyaan musharixiinta Aqalka sare oo ay doorashadooda beri bilaabmi doonta.
    Musharixiin badan ayaa ku sii qul qulaya gobalada dalka halkaas oo ay doorashooyinka golayaasha baarlamaanka intooda badan ka dhici doonto.
    Wasiirka koowaad ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa habeen ka hor ugu baaqay in siyaasiyiinta ay aadan deegaan doorashadooda dalka ay ka bilaabatay doorasahada.

     “Waxaan leeyahay siyaasiyiinta Kubadda waxa ay jirtaa Dowlad gobaleedyada magaalada inaad noo faarujisaan ayaan rabna oo gobalada aad aaddaan doorashadi waa bilaabatay yaan la isku mashquulin”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

     

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  12. Golaha midawga musharixiinta ayaa soo dhaweyay go’aankii ra’iisul wasaare Rooble xilka kaga qaaday saraakiil ka tirsan NISA, kuwaas oo lagu eedeyay in socdaal ka celiyeen guddoomiyihii hore ee garbaaharrey xilli garoonka muqdisho uu ka safrayay.

    Midawga ayaa sheegay in taalabada Rooble ay xoojineyso kalsoonida ay ku qabi karaan hab maamulkiisa doorashada.

                                     Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka golaha midawga musharixiinta

    222567624_3804275909678704_7585502242536

    Source: goobjoog.com


  13. Yaa keenay talada dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali ku yimid?

    Markii Dr Abiy Ahmed Ali Ethiopia taladeeda la wareegay waxa uu ku yimid kacdoonadii qoomiyada Oromo ay ka wadeen dalkaasi mudo dheer, oo ka soo bilaabantay xiligii Malez Zenawi Ethiopia Raisal wasaaraha ka ahaa.

    Waxyaabaha xiligaasi kiciyey waxa uu ahaa in caasimada Addis-Ababa la rabay in la fidiyo oo loo sii qorsheeyo dhul kale oo ka mid ah xayndaabka magaalada Addis-Ababa, dhulkaasi waxa uu ahaa dhul beereed ay leeyihiin qoomiyada Oromadu in xoog ay doontay in ay dawladu kula wareegto.

    Qoomiyada Oroma oo ah dadka Ethiopia ugu badan oo hore u tirsanayey in aanay talada dalka Ethiopia waxba ku lahayn iyaga oo ah dadka ugu badan, ugu wax soo saar badan, dhulkooguna yahay ka Ethiopia oo dhami isugu timi ee xudunta u ah dalkaasi.

    Waxa bilaabmay kacdoono iyo is-abaabul laga bilaabay dibada dalka iyo dhaq-dhaqaaqyo xoojin u noqday jabhado ay leeyihiin qoomiyada Oroma oo qaarna Ethiopia ku dhex dhuumaalaysan jireen, qaarna Erateria fadhiyeen.

    Kacdoonadii ugu horeeyey waxa ay noqdeen isu-soo baxyo la isku tijaabinayo in dadku mudaharaadaan oo dalkaasi Ethiopia aan noocoogu hore uga dhici jirin,  waxaana xoog kaga hortagtay xukuumadii xiligaasi oo dad badan ku laysay,  arintaasi waxa ay shidaal usii noqotay is-abaabulkii iyo dhaq-dhaqaaqyadii xaq u dirirka ahaa Oroma.

    Xiligii Haila Mariam Desalem waxa uu isku dayey in uu qanciyo oo uu dejiyo qoomiyada Oroma oo kacdoonada ay wadeen sii xoogeysanayeen,  waxaana uu xukuumadii ku soo daray xubno oromo ah oo badan iyo madaxwayne Oroma ka soo jeeda oo cusub, markii madaxweynihiii hore isaga tagey kursiga.

    Arintaasi waxba kama ay badelin kacdoonkii qoomiyada Oroma ay ku rabeen in ay dalka Ethiopia xaqooda ka helaan , waxaana qasab noqotay in uu is casilo oo uu danta Ethiopia ka horeysiiyo kursiga uu fadhiyo Raisal wasaarihii ka soo jeeday shucuubta koonfureed ee Haila Mariam Desalem .

    Maamulkii Ethiopia oo ahaa ururo ku mideysan xisbiga EPRDF ayaa waxa ay isla garteen in loo dhiibo dalka Oromo,  waxaana gudoomiye xiligaasi xisbiga Oromada ka ahaa Abiy Ahmed Ali ahaana xubin baarlamaanka federalka Ethiopia ah si uu talada dalkaasi usii wado qoomiyada Oroma oo uu ka soo jeedaana u degto.

    Abiy Ahmed judhiiba waxa uu sameeyey isbadelo iyo dhaq-dhaqaaqyo cajiib ah oo aan la fileyn kuwaasi oo xaaladihii dalka Ethiopia gudihiisa yaalay u jiheeyey dhinac kale , waa kii la heshiiyey Erateria,  la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday maamulkeega, dhulkii Badame na qaatay qaraarkii qaramada midoobay ku siisay Erateria oo ay maamulka Ethiopia diidanaayeen.

    Arimahani waxa ay wax ka badeleen siyaasadii guud ee dalka Ethiopia laakiin tabashadii qoomiyada Oroma may dawayn, waxaana soo noqday kacdoonadii oo dib u bilaabmay,  iyaga oo hubaysan iyo iyaga oo mudaharaado ah ba waxa uu la galay dagaal xoogan,  waxaana uu xabsiga u taxaabay madaxii isbadalka iyo kacdoonka Ethiopia Jawar Mohamed iyo saraakiil sare oo wada Oromo ah.

    Waxa ay haddana iska hor yimaadeen TPLF oo ahaa maskaxda, cududa iyo caqliga Ethiopia ka talinayey 27 kii sanadood ee u dambeeyey, waxaa uu dhowr goor ku sigtay in Abiy Ahmed la dilo, waxaana uu ka badbaaday dhawr isku day oo la rabay in lagu khaarajiyo.

    Dr Abiy Ahmed oo la siiyey abaalmarinta nabada aduunka ayaa dalkiisii haddana gudaha dib uga karay,  waxaana uu galay dagaalo siyaasadeed iyo qaar adag oo uu ku weeraray Tigray oo aduunka ay isaga hor yimaadeen, dhiig badani ku daatay, dad badani ku dhinteen , macaluul, barakac iyo burbur badana dhaliyey.

    Halkee ay iska seegeen Maraykanka iyo Ethiopia?

    Ethiopia waxa uu ahaa dalka ay dawladaha reer galbeedku sida weyn u ilaalin jireen gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub , dabadeedna Ethiopia waxa yimid China xikigii Malez Zenawi oo u soo saaray Gaasta dabiiciga ah , wadooyin iyo mashaariic badan oo horumarineed galiyey.

    Xiligaasi Ethiopia waxa lagu haystay in ay xad-gudubyo xuquuqda aadamaha ah ka geysatay gobolo dalka Ethiopia ka mid ah oo ka mid yahay gobolka Soomaalidu, waxaa dacwadi kaga socotay meelo badan waxaana laga yareeyey kaalmadii uu aduunku siin jirey,  waana marka ay China doonteen iyo cid kale oo u badesha dawlada iyo ururada ay iska hor yimaadeen.

    Haddaba markii uu yimid Abiy Ahmed Ali markiiba gacmo diiran ayuu aduunku ku soo dhaweeyey oo ay sababtay ficiladiisii layaabka lahaa ee kala ahaa;

    1- Sii dayntii maxaabiistii siyaasadeed ee jeelasha Ethiopia buuxiyey.

    2- Aqbalaadii qaraarkii qaramada midoobay ee dhulka Badame siinayey Erateria oo uu aqbalay.

    3- Heshiiska nabadeed ee geesinimada lahaa ee Erateria iyo Ethiopia oo uu hindisay , kuna guuleystay.

    4- Siyaasadii Ethiopia oo uu u rogay mid dimuqaradi ah oo furfuran iyo xukuumad kala badh haween yihiin oo uu dhisay.

    Halkaasi wax badana way ugu hagaageen xiligaasi hore , waxa maanta taagana waa halkii ay ka soo bilaabmeen ee ay isaga hor yimaadeen TPLF iyo Tigray oo u arkay in uu iyaga ku socdo, dhulkoogii bixiyey,  ooda kaga qaaday maxaabiistii ay jeelasha ku gureen,  ugaadgsadey saraakiishii Tigray ee talada gacanta ku hayey 27 kii sanadood ee la soo dhaafay .

    Maamulkii hore ee Tigray waxa ay dawlada maraykanka ka mideysnaayeen wax badan waxaana ay kuwada jireen dagaalka argagixisada iyo dagaalo kale oo badan,  waxaana ay lahaayeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo aad u heer sareeya.

    Markii Abiy Ahmed talada la wareegay waxa maraykanka iyo Ethiopia isaga hor yimaadeen oo kale sida looga wada faaiideysanayo biyaha wabiga Nile oo uu maraykanku taageeray in la tix galiyo heshiisyadii hore ee caalamiga ahaa ee yaallay, kuwaasi oo aanay Ethiopia hadda u arkayn in ay dan u yihiin.

    Waxa kale oo aduunka iyo wadamada reer Yurub ay ku dhaliileen in uu soo celiyey nidaamkii cagajugleynta iyo cabudhinta dadka ahaa ee Ethiopia hore loogu dhaliili jirey, oo uu xidh-xidhay siyaasiyiintii mucaaridka iyo dadka bulshada ugu fir-fircoon ee u dooda xuquuqaha dadka .

    Halka sadexaad ee lagu kala fogaaday ee dhalisay dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo ahayd in uu doorashadii Ethiopia la meeraystay Abiy Ahmed oo ahayd fursad uu isaguna raadinayey mucaaridkiisuna ay ahayd halka ay rabeen in ay ugu quus gooyaan, waxaana uu sanad ka dib qabsaday doorasho la mid ah sidii kuwii EPRDF qaban jirtay oo kale ah oo uu xisbigiisu helay tirada ugu badan.

    Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Ethiopia?

    Dr Abiy Ahmed waxa soo waajahday xaalad adag oo u baahan sidii uu uga dabaalan lahaa xili adag oo gudaha dalka Ethiopia ay ka jiraan guux iyo dagaalo socda oo lagaga soo horjeedo maamulkiisa oo gabood falo foolxun ka geystay gobolka Tigray.

    Waxa uu u muuqdaa mid isku furaya dagaalo kale oo doonaya in uu kala doorto quwadaha aduunka ku hirdamaya,  waxaana uu isku bar-barinayaa dhinaca Ruushka oo ay xukuumadiisu dhowaan la gashay heshiis ciidamada tayayntooda iyo hubeyntooda ah.

    Sidoo kale waxa uu rabaa in uu China ka dhigto halbowle uu ka helo waxyaabaha ay ka xayireen maraykanka iyo ururada caalamiga ahi oo dhamaantood ku cambeereeyey dagaalka uu ku qaaday Tigray isla markaasina ka aamusay doorashadii ka dhacday dalka Ethiopia 21 June 2021.

    Hadii xukuumada Abiy Ahmed ay sidaa ku adkaysato waxa hubaal ah in cimrigeedu soo gaaban doono dhawr sababood ba;

    1- Dawladaha maraykanka iyo ururada caalamiga ahi waxa ay u fiirsanayaan gabood fal kasta oo Ethiopia ka dhaca waxaana la buun-buunin doonaa wax walba oo ku lid ah maamulkiisa iyada oo jidka dimuqaradiyada iyo xuquuqda aadamaha loo mari doono,  waxaana ka hor iman doona dadka Ethiopia.

    2- Waxa loo go’doomin doonaa dhaqaale ahaan maadaama aanay Ethiopia isku fileyn oo ay lacag badan iyo mashaariic badan beesha caalamku siin jirtay.

    3- Waxa loo go’doomin doonaa siyaasad ahaan oo maamulka Ethiopia hadda joogaa waxa uu aduunka ka noqon doonaa tuke baal cad , taasi waxa ay fursad siin doontaa mucaaridkiisa dibada iyo kuwa gudahaba .

    Sidee uu Abiy Ahmed dalka Ethiopia uga bad-baadin karaa go’doon iyo dagaalo diblomaasiyadeed oo gudahana dagaal kale kaga fura?

    Dr Abiy Ahmed Ali dalka Ethiopia waxa uu kaga badbaadin karaa caqabadaha ku soo fool leh dhawr qodob oo muhiim ah dalkiisa iyo mustaqbalkiisa hogaamineed;

    1- In uu nabad iyo wanaag iskaga dhameeyo dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo uu heshiis taariikhiya la galo Tplf.

    2- In uu guud ahaan dadka Ethiopia intii wax tabanaysa iyo cidii talada Ethiopia ku dulmanayd xaga awood qaybsiga uu maanta ka miisaamo dawladiisa isaga oo dadka Ethiopia ugu baaqaya isku duubni iyo walaalnimo.

    3- In uu maxaabiista siyaasadeed ee xidh-xidhan ooda ka qaado, oo dalka Ethiopia u jiheeyo jiho hogaamin lagu wada qanacsan yahay oo qofwaliba fursadiisa eegto inta uu qoriga iska dhigo.

    4- In uu iska hagaajiyo dhamaan xidhiidhada caalamiga ah , oo uu iska awdo gol-jilic kasta oo looga soo dhici karo , sidoo kale aanu kala jeclaan quwadaha aduunka ku loolamaya ee uu dalwalba oo danta Ethiopia ku jirto la heshiiyo.

    Mohamed Abdi Jama

    Dhimbiil Mohamed

    Source


  14. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar,oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa soo bandhigtey qorshe ah in la abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka.

    Qorshahan ayaa waxaa ay Ilhan Cumar garab ugaga heleysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin.

    Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka.

    Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tidhi: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno.”

    “Arrintaas waa in ay qayb ka noqoto dedaalka aan u sameyno raadinta xorriyadda dhinaca diimaha ee caalamka iyo xuquuqda aadanaha.”

    “Waxaan aragnaa inuu sare u kacay Islaam naceybka, uuna ka jiro meel walba oo ka mid ah dunida. Taas ayaa ah sababta aan u wadno warqad aan la kaashannay @RepSchakowsky, annagoo dalbaneyna in la sameeyo xafiis gaar ah oo la tacaala Islaam naceybka,” ayey soo qortay.

    Warqadda loo diray Blinken ayay Ilhaan Cumar iyo 23 xildhibaan oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqrdaaddiga ku codsadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku sameyso Hay’ad la mid ah midda ka shaqeysa la dagaallanka Yuhuud naceybka, sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail.

    “Waa la soo dhaafay waqtigii uu Mareykanka si adag ugu istaagi jiray taageerada xorriyadda diimaha kala duwan ee dhammaan dadka iyo in uu mudnaanta ay u qalanto uu siiyo dhibaatooyinka Islaam naceybka ah ee ka jira dunida,” ayaa ka mid ah qoraallada ku jira warqadda oo uu helay telefishinka CNN.

    Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in madaxweyne Biden uu dhawaan magacaabi doono qof ay shaqadiisu tahay inuu noqdo danjire si gaar ah ula socda islamarkaana la dagaallama arrimaha la xiriira Yuhuud naceybka.

    Kooxda dimuqraddiga ee dhowr iyo labaatanka xildhibaan ka kooban ayaa codsigooda diray isla maalintaas gudaheeda.

    Shir jaraa’id oo ay qabteen ayay ku sharraxeen sida ay degdeg ugu doonayaan in la tixgaliyo dalabkooda.

    Xildhibaannadaas ayaa sidoo kale codsaday in Blinken uu sannad walba xogta dowladda ee xuquuqda bani’aadanka ku soo daro macluumaadka ku saabsan tacaddiyada dhinaca Islaam naceybka.

    Ilhaan, oo ka mid ah saddexda xildhibaan ee Muslimiinta ah ee Aqalka Wakiillada, ayaa hor kacaysa dadaalkan, waxaana barbar taagan wakiilka matala gobolka Illinois, Jan Schakowsky.

    Xildhibaannada kala ah Karen Bass, Judy Chu iyo Jim McGovern, ayaa sidoo kale saxiixay warqadda loo diray dowladda. Sidoo kale waxaa qayb ka ah Rashida Tlaib oo ah haweeneyda labaad ee Muslimka ah ee Aqalka Wakiillada ka tirsan

    Source