-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Duraan Axmed Faarax ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe.
Mas’uuliyiinta waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ee Gen. Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, waxayna u jeedada safarkooda ku sheegeen ka qeybgalka xuska sanad-guurada 23-aad ee Puntland.Balse u jeedada ugu weyn ee ay Garowe u yimaadeen waxay tahay raadinta kuraas baarlamaan oo ay qaarkood horay u fadhiyeen, waxayna ka qeybgali doonaan doorashada Aqalka Hoose ee ka dhici doonta Puntland.
Xubnaha federaalka ee maanta yimid Garowe ayaa dhammaantood ka soo jeeda deegaannada Puntland.
Hoos ka daawo muuqaalka wafdiga
PUNTLAND POST
The post Maxay tahay u jeedada wafdiga federaalka ee Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa gaaray Wafdi ka socda guddiga hirgelinta doorashada heer federaal, iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.
Wafdigaan guddiga doorashooyinka heer federal waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Mowliid Mataan.
Ujeedka ay halkaasi u tageen ayaa ah dar-dar galinta howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed, iyagoo sidoo kale halkaas ka bilaabi doono kulamo ay la yeelanayaan Odayaasha dhaqanka maamulkaasi iyo madax kale.
Baydhaba ayaa laga filayaa inay ka dhacdo doorashada Aqalka sare maalmaha soo socda, inta ka horeysa 5-ta bisha Ogoost, waxaana isha lagu hayaa saameyn la sheegay inuu doorashada ku leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.
Saacadaha soo socdo ayaa la ogaan doonaa cidda awoodda ku yeelan doonto doorashada 8-da xubnood ee Aqalka sare kasoo gelaya Koonfur Galbeed, waxaana laga ogaan doonaa liiska Musharixiinta ee uu shaacin doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Madaxwyenaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la aaminsan yahay inuu xiriir fiican kala dhaxeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la sheegayaa inuu halkaasi ka heli doono xildhibaanno badan oo gacan ka siiya dib u doorashadiisa.
Waxaa la hadal hayaa in ugu yaraan mid ka mida kuraasta Aqalka Sare oo uu hadda ku fadhiyo senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah xisbiga Himilo ee Sheekh Shariif uu qarka u saaran inuu meesha ka baxo, markii awood qeybsi ahaan loo wareejiyey jufo kale.
Koonfur Galbeed ayaa laga ogaan doonaa rajada madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi farmaajo uu ka qabo xildhibaanada aqalka sare ee kasoo bixi doono seddex maamul Goboleed ee lagu xagliyo inay isaga daacad u yihiin ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa lagu garaacay kooxda Nabad iyo Nolol, waxaana laba kamid ah afartii xubnood ee la doortay ay yeelatay UPD halka labada kalana ay kala taageersan yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.
The post Saacadaha soo socdo oo la ogaan doono rajada Farmaajo ee xubnaha Aqalka Sare ee lagu dooranayo K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
-
-
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha kooxdii shalay lala beegsaday qaraxii Kismaayo, Ismaaciil Cali Cabdi ayaa ka hadlay qaraxii Shalay lala beegsaday kooxdii kubadda cagta ee Shalay ka qeyb geli rabtay furitaanka horyaalka kooxaha Jubbaland.
Qaraxa ayaa shalay galinkii dambe lalabeegsaday gaari bas ahaa oo ay saranaayeen ciyaartooda JCCI ee Jubaland ,khasaaraaha dhimahasda ayaa korortay iyadoo xaaladda qaar ka mid ah dhawaacyada ciyaartooyda laga dayrinayo.
Guddoomiyaha kooxda ayaa sheegay inay ka dhinteyn ilaa 3 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen ciyaartoy halka midka kalana uu ahaa darawalkii gaarka ahaa ee kooxda.
Wuxuu sheegay in dhaawaca cayaartoyda soo gaaray uu yahay illaa 5 qof oo laba kamid ah ay xaaladooda aad u liidato sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha.
“Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii ay iga baxeen dad aan u jeclaa, ma garan karo waxa loona beegsanayo maadama aan nahay bulshadii rayidka , dhalinyaro mustaqbal leh qaarkood sanadkan dugsi sare dhammeeyay, jaamacad filyayay” ayuu yiri Ismaaciil.
Mar wax laga waydiiyey cidda ay ku tuhmayaan qaraxa lala beegsaday ayuu sheegay inaysan garaneyn cidda beegsatay iyo sababta loo beegsaday maadaama uu sheegay inaysan kamid aheyn dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.
Ma jirto illaa hadda koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu weeraray dhallinyaradaan, balse falalka noocaan oo kale ah waxaa looga bartay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab oo horey u fulisay qaraxyada noocaan oo kale ah.
The post Qaraxii Kismaayo “Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii ay iga baxeen dad aan aad u jeclaa” appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed Xubno ka tirsan Gudiga ayaa kulan la qaatay Xubnaha Golaha Wakiilada ee Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Shirka Waxana Looga Hadley Dardar-Galinta Howlaha Shaqo ee Labada Gudi iyo Xoojinta Wadasheynta Guddiyada .
Maamulka Koonfur galbeed ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashooyinka aqalka sare ee dalka, kuwaas oo maalmaha soo socda ka bilaabmayo koonfur galbeed.
Goobjoog News
-
-
-
Durban (Wararka PP) — Intii dibedbaxyadii qalaalasaha watay ay ka socdeen Koonfur Afrika, Duduzane oo ah wiilka Jacob Zuma, Madaxweynihii hore, ayaa ugu baaqay bannaanbaxayaasha inay si xilkasnimo iyo feejignaan leh ay wax u bililiqaystaan.
Duduzane wuxuu dowladda ku eedeeyay qalalaasaha socday oo uu ku tilmaamay mid xidhistii aabbihii ay keentay. Maxkad ayaa Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xarig ah quursi maxkamadeed awgeed. Dadka u kuurgala siyaasadda ayaa muujiyay cabsida in saamaynta rabshadihii dhacay sii socon doonto.
Duduzane: Bililiqo, bililiqo
330 qof ayaa ku geeriyooday bililiqaysi baahsan oo ka dhacay Koonfur Afrika toban maalmood ka hor. Baaqa wiilka Zuma wuxuu xoojiyay tuhunka laga qabay in siyaasiyiin ku dhowdhow Zuma ay maleegeen shirqool xasiloonnidarro ah si dowladda cadaadis loogu saaro sii daynta Jacob Zuma.
“Bililiqayste kama fekero mustaqbalka” ayuu qoray Simon Kuper oo ah qoraa Biritish ah oo ka soo jeeda Koonfur Afrika.
© Puntland Post, 2021
The post Wiilka Jacob Zuma: bannaanbaxayaashu waa inay “si feejignaan iyo mas’uuliyad leh wax u bililiqaystaan” appeared first on Puntland Post.
-
-
Waxaa lagu wadaa Maanta ilaa Caawa in MD Laftagareen soo magacaabo Listiga Senetarada Somaliya KG ku metelaya oo ka kooban 8 Sen.
Lafta gareen ayaa maalmo ka hor dalka dib ugu soo noqday kadib safar uu kugu maqnaa dalka Turkiga, madaxweynaha ayaana la filaya in uu dhawaan guddiga doorashooyinka u soo gudbiyo liiska xubnaha musharixiinta.
Koonfur galbeed ayaa ah maamulka labaad ee tan iyo Jubbaland bilawdo diyaar garowga arrimaha doorashooyinka aqalka sare, xilli 28-kii bishaan ay la wareegen sanaadiiqda codbixinta iyo waraaqaha doorashada.
Goobjoog News
-
ADDIS ABABA (HOL) - Somali Foreign Affairs Minister Abdirizak Mohamed Friday held talks with AU Peace and Security Commissioner Bankole Adeoye amid a fall out over a recent AU report on Somalia.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa faah faahin ka bxisay howl-gal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka, kaas oo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaasi, isla-markaana lagu beegsaday ‘xubno mid ah kooxda Al-Shabaab’.
Bayaan ka soo baxay is-maamulka Soomaalida ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi lagu fashiliyey rag lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isla-markaana isku dayey inay gudaha u galaan dalka Itoobiya, iyada oo lagu qabtay deegaanka Mustaxiil.
Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in raggaasi ay ka yimaadeen dhinaca Soomaaliya, ayna doonayeen ‘inay falal liddi ku ah amniga’ ka geystaan dalka Itoobiya.
“Laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabab oo isku dayay inay ka soo galaan dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay deegaanka Mustaxiil ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowlad deegaanka..
Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo sidoo kale raggaasi lagu toogtay mid ka mid ah tuhmanayaasha, halka mid kalena lagu dhaawacay, sida uu shaaciyey ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Itoobiya sheegto inay ka hortegtay rag ka tirsan Al-Shabaab, waxaana bishii Janaayo dowladdu ku dhawaaqday in la xiray tobanaan qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.
Si kastaba Itoobiya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana dagaallo kala duwan ay ka socdaan magaalada Garba Ciise iyo sidoo kale gobolka Tigray ee wadankaasi.
The post Itoobiya oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Weli waxaa socda gurmad lagu deminayo dabkii saaka ka kacay xarunta Warshada Isbuunyada Tabaarak qeybteeda Garowe, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo badan.
Duqa degmada Garowe Axmed Barre oo ka warbixiyay khasaaraha hantiyteed ee uu sababay dabku ayaa sheegay in ay gubteen qalabkii warshada, agabkii ay soo saaraysay iyo saddex gaari oo ka mid ha gaadiidka warshada, wuxuuna intaas ku daray in ay weli jirto khatarta dababka oo laga cabsi qabo in uu ku faafo meelo ay yaaliin qalab laga sameeyo kiimiko.
Duqa Garowe wuxuu sheegay in uu dabku ka dhashay matoorka warshada, xili la doonayay in la kiciyo uuna qabsaday qalab olola oo warshada loo isticmaalo.
Dabka ayaa weli ka holcaya qeyb ka mid ah xarunta warshada, waxaana socda dadaal xoogan oo lagu deminayo.
Maamulka degmada Garowe, shirkadaha adeegayada buslshada iyo dadweyne kala duwan ayaa ka qayb-qaadanaya deminta dabka.
PUNTLAND POST
The post Dabkii ka kacay Warshada Isbuunyada Garowe oo weli lagu guuleysan demintiisa appeared first on Puntland Post.
-
Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya HirShabelle ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe maleeshiyaad hubeysan ay dil qorsheysan ka geysteen deegaanka Filla-Dheere oo hoostaga magaalada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarkan lagu dilay labo qof oo ka mid ah dadka deegaanka deegaanka, isla-markaana si weyn looga yaqaanay halkaasi.
Labada nin ayaa waxaa sidoo kale magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Ismaaciil Maxamuud iyo Cabdullahi Maxamed Axmed (Jeego), sida aan xogta ku helnay.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya inay goobta isaga baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falka dilka ah, kadib dhacdadaasi.
Dilkan ka dhacay agagaarka Warsheekh ayaa lagu soo warramayaa inuu salka ku hayo dilal xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka HirShabelle iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi lagu dilay dadka rayidka ah.
Colaada salka ku heyso aanada Qabiil ayaa ku soo noq-noqtay deegaanada HirShabelle, waxaana saameynta ugu daran ay kasoo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
The post Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ahaa ku dilay duleedka Warsheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni is reportedly plotting to secure selection of Senators for the Upper House. The electoral agreement stipulates that parliamentary states of Federal Member States will select Senators.
President Deni’s plan, an insider said, is two appoint to candidates but MPs will select one of them identified by President Deni. Controversies surround the selection of candidates from regions such as Nugaal.
President Deni is testing waters with the selection process for Upper House candidates from Puntland.
Traditional leaders and civil society members in Garowe support the candidacy of veteran diplomat Sureer Abshir Musse for the Lower House.
Recently, Abdirahman Farole, former Puntland State President, held a meeting with the Puntland Parliamentary Speaker Abdirashid Jibril, who had a struck a deal with President Deni over the selection of Upper House candidates from Puntland. Farole is lobbying to retain his senatorial seat.
A political analyst in Garowe told Puntland Post that President Deni exploits loopholes in the electoral agreement to boost re-election chances of his ally, Hassan Sheikh Mohamud, the former President of the Federal Republic of Somalia.
© Puntland Post, 2021
The post Puntland President Seeks to “Influence” Selection Process for Senators and Federal MPs appeared first on Puntland Post.
-
It was almost enough to restore your faith in South Africa: a cleaning crew in Durban dancing with their brooms as they prepare to sweep up the mess. All over the country, professionals and volunteers cleaned up after the recent looting that killed more than 330 people. Many ordinary South Africans still believe in their country’s future. They have to; they have nowhere else to go.
But elites today take an international view. Thanks to globalisation, a national elite can always abandon its homeland and move elsewhere. In every country, the elite’s time horizon determines how it governs. Does the elite treat its country as a sort of luxury watch that it’s only looking after for future generations or as a stolen wallet full of cash? South Africa is a case study of what happens when the elite’s time horizon shortens.
Simon Kuper: “Both a conservative steward and a revolutionary have long-term horizons; a looter doesn’t.”
There are only a few lucky countries whose elites reliably think decades ahead. This is an unfairly self-perpetuating system. Typically, these are old democracies, where members of the elite live in old houses. Even there, elites have varying time horizons. Politicians tend to think in electoral cycles, whereas policymakers and heads of venerable, nationally based companies take a longer view.
In more turbulent countries, elite horizons can gradually lengthen. That has happened in China, where the Communist Party — which just turned 100 — feels sufficiently secure to build long-term infrastructure. The same thing occurred, more briefly, in Russia in the early years of Vladimir Putin, when he offered Russians a long-term project of efficient technocracy, restoration of national greatness, and a crackdown on corruption (or so he promised). Many elite members in both countries stuck with their short personal time horizons. They kept sending their money and children abroad, fearing expropriation by the regime. But they did expect the system to survive.
South Africa’s apartheid regime had long time horizons too. My parents left the country in the early 1960s in part precisely because they expected apartheid to last the rest of their lifetimes. In the 1980s, South African timeframes shortened as the political future became uncertain. But Nelson Mandela managed to restore the long view. He had a long-term story and a project: building a peaceful, non-racial democracy in which all South Africans could live dignified lives. Most of them bought his story. Once the African National Congress entrenched itself in power, South Africa acquired both the corruption and the long-term stability typical of a one-party state.
But like other African countries, South Africa continued to suffer capital flight. The people with money weren’t betting on Mandela’s project. Some white businesspeople weren’t sure they would remain welcome. That wariness is typical of economically powerful minority ethnic groups everywhere. Now some Trumpian whites in the US imagine, ludicrously, that they are in the same boat.There are moments when elite timeframes suddenly shrink. A country’s portents of doom can come from above (dictator goes off the rails), from below (peasants with pitchforks), from civil war or invasion. Time horizons have shrunk this year in Hong Kong, which for over a century had its own long-term project: a mix of business and personal freedom. As the outpost is subsumed into China’s very different project, Hong Kong’s elite has to decide: should I stay or should I go?
South Africa’s elite now faces the same question. Most members no longer believe Mandela’s project is feasible. When Jacob Zuma was president, he treated the country as his wallet. After he was jailed this month, his entourage urged ordinary people to act like Zuma himself: his son Duduzane said people should loot “carefully” and “responsibly”;. Both a conservative steward and a revolutionary have long-term horizons; a looter doesn’t. Now South Africa’s elite has splintered in two, with Zuma’s faction confronting the mainstream ANC — a dangerous situation that shortens everybody’s timescale.Elites today are mobile like never before. Rich people now live in a borderless world. Contrast them with, say, the Soviet elite, which presumed it would live and die in the USSR. When elites leave their homelands, they typically go to stable countries with long-term horizons. In good times, the rich want a weak state with low tax and little regulation, but in bad times they prefer strong states. That’s why the countries with the highest influx of foreign brains per capita are Australia, Sweden, Norway, Switzerland and Canada, according to the Fund for Peace. The safe haven of the American super-rich in case the US collapses is social democratic New Zealand.
Now another factor is shortening elite time horizons: climate change. Local elites won’t invest long-term in cities like Dhaka or Jakarta that are going to become uninhabitable. The novelty of billionaire space flights suggests something even scarier: shortening elite time horizons for the planet.
Source: Financial Times
The post What happens when elites abandon their homeland appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan caqabadaha ka dhashay dhismaha HirShabelle oo ugu dambeysay maamullada ka jira dalka.
Caadle ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle lagu dhisay deg-deg, isla-markaana ay ku dulman yihiin beelaha Xawaadle iyo Abgaal, isaga oo tilmaamay inay ka yihiin ‘Maynorati’.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in 99-ka xildhibaan ee dowlaqd goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ay labadaan beelood ku leeyihiin kaliya 29 xildhibaan, taasna ay muujineyso in aysan waxba ka aheyn, sida uu hadalka u dhigay
“HirShabelle beelaha Xawaadle iyo Abgaal way ku dulman yihiin oo iyaga ayaaba maynorati ka ah maamulka sababto ah 99 xildhibaan oo HirShabelle ay ka kooban tahay labada beel xildhibaanada ay ku leeyihiin marka la isku geeyo waa 29 xildhibaan inta kalana waa beelaha kale marka 29 laga jaro tiradaas waxay mujineysa ineysan waxba ka aheyn HirShabelle Abgaal iyo Xawaadle,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cali Caadle.
Wasiirka arrimaha gudaha ee HirShabelle ayaa intaasi ku daray in sinaan la’aanta kuraasta ay markii hire keentay tabasho ka timid bilowgii dhimsha maamulka, isla-markaana beelaha qaar la siiyey tiro dheeraad ah, halka beelaha Xawaadle iyo Abgaal aysan iyagu waxba ku kordhin.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay ka mid tahay caqabadaha hor-gudban HirShabelle, loona baahan yahay in xal laga gaaro, si loo horumariyo maamulkaasi.
“HirShabelle waxa jira beelo 6 kursi kulahaa bilowgii oo maanta leh 12 kursi iyo kuwa leh 3 kursi oo maanta leh 6 kursi, iyada oo Xawaadle iyo Abgaalna weli kurastodii aysan waxba ku kordhin, taasina waxay ka mid tahay caqabadaha jiro oo hortaagan Hirshabelle” ayuu raaciyey.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan caqabadda ugu xoogan ee maamulka HirShabelle ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne, taas oo ka dhalatay doorashadii kol hore ka dhacday magaalaada Jowhar oo ay cabasho xoogan ka keeneen reer Hiiraan.
The post Wasiir Caadle oo shaaciyey in beelaha Xawaadle iyo Abgaal ay ku dulman yihiin HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
-
Itoobiya Oo Sheegtay Inay Fashilisay Xubno Katirsan Alshabaab Oo Isku-dayay Inay Gudaha U Galaan Dalkaas
(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aay fashilisay isku-day ay kooxda Al-shabaab ku doonaysay inay ku gasho dalka Itoobiya.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska isgaadhsiinta ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu sheegay in horraantii toddobaadkan la qabtay laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
“Laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabab oo isku dayay inay ka soo galaan dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay deegaanka Mustaxiil ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Hal qof oo la tuhunsan yahay ayaa ku dhintay is -rasaaseyn, halka eedaysanaha kale uu dhaawacmay kaddibna gacanta lagu dhigay, sida lagu sheegay bayaanka.
Bishii January, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in la xidhay tobanaan qof oo looga shakisan yahay xagjirnimada oo lala xidhiidhinayo Al-Shabab.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka ka kacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana haatan socda gurmad lagu daminayo dabkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka kacay dhismaha warshadda isbuunyada Tabaarak oo ku taalla bartamaha magaaladaasi, mana cadda waxa dhaliyey.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan ay gubaneyso warshada oo ay tiilay hanti fara badan.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah, waxayna ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dabka.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dabkaasi ka kacay warshadda isbuunyada Tabaarak.
Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo la sheegay inuu sii fidayo goobo horleh oo ku yaalla caasimada maamulka Puntland ee Garoowe.
The post Dab xoog-leh oo ka kacay warshad ku taalla Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in goordhaw uu dab khasaaro geysta ka kacay magaalada.
Dabka ayaa la sheegay in uu ka kacay warshad sameys Isbuunyada oo ku taalla bartamaha magaalada.
wararka ayaa sheegaya in dabka oo xoogana awgeed uu khasaaro gaarsiiyay warshadda Isbuunyada ee Tabaarak.
Goobjoog News
-
(SLT-Tel Aviva)- Israa’iil ayaa Jimcihii Iran ku eedeysay inay fulisay weerar lagu qaaday Markab shidaalka qaada oo ay maamusho shirkad Israa’iili ah, waxayna wacad ku martay jawaab xanuun badan.
Weerarka oo Khamiistii ka dhacay xeebaha Cuman ayaa waxaa lagu dilay laba qof oo u kala dhashay Britain iyo Romania, wuxuuna sidoo kale waxyeello gaadhsiiya markabka Mercer Street oo ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime.
War-saxaafadeed uu saaray, ayuu wasiirka arirmaha dibedda Israa’iil Yair Lapid ku sheegay inuu xoghayaha arrimaha dibedda Britain u sheegay baahida loo qabo jawaab adag oo laga bixiyo weerarka.
“Iran ma ahan kaliya dhibaato Israa’iil, balse waxay dhoofisaa argagixisanimo, burburin iyo xasillooni darro dhammaanteen na waxyeeleysa. Dunida waa inaysan ka aamusin argagixisanimada Iran ee dhaawaceysa xoriyadda dhaqaaqa maraakiibta,” ayuu yidhi Lapid.
Website-ka wararka Ynet ee Israa’iil ayaa sidoo kale sarkaal aan la magacaabin kasoo xigtay inuu yidhi “Israa’iil way ku adkaan doontaa inay indhaha ka qabsato weerarkan.”
Ilo-wareedyo sirdoon oo Mareykan iyo Yurub ah ayaa u sheegay Reuters inay tuhmayaan in Iran ay ka dambeysay dhacdadan, ayada oo sarkaal difaac oo Mareykan ah uu intaas ku daray in weerarka u muuqdo in lagu fuliyey drone.
Taleefishinka Carabiga ku hadla ee dowladda Iran ee Al Alam ayaa ilo-wareedyo aan la magacaabin kasoo xigtay in weerarka uu jawaab u ahaa weerar ay Israa’iil ku qaaday garoonka diyaaradaha Dabaa ee Syria.
Dowladda Iran weli jawaab rasmi ah kama bixin eedeymaha ku saabsan inay mas’uul ka aheyd weerarka.
Xiisadda Gacanka ayaa sare u kacday wixii ka dambeeyey markii Mareykanka uu dib usoo celiyey cunaqabateynadii ka dhanka ahaa Iran 2018-kii, kadib markii madaxweynihii hore Donald Trump uu Washington ka saaray heshiiska nukliyeerka ee Iran iyo quwadaha adduunka.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in xalay guri ku yaallo xaafadi Daami uu ka kacay dab xooga.
Dabka ka gacay guriga ayaa la sheegay in uu geystay khasaaronisigu jira Naf iyo maal.
Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay laba carruur ah ayaa ku geeriyootay dabka.
Qaar ka mid ah dadka degan xaafadda Daami ayaa sheegay in dabka uu sidoo kale ku fiday gurya kale oo ka agdhawaa goobta uu dabka ka kacay.
Ciidamada dab damiska magaalada Hargeysa oo gaaray goobta ayaa markii dambe ku guuleystay in ay damiyaan dabka.
Carruurta dabka ku dhimatay ayaa la sheegay in ay da’doodu u dhaxeeysay 4-jir illaa 6-sano jir.
Isbuucya ka hor ayeey aheyd markii sidaan oo kale dab ka kacay xaafad ku taallo Hargeysa ay ku geeriyoodeen Carruur yar yar.
Goobjoog News
Daawo:Golaha Guurtida S/land oo ku baaqay in Dil lagu fuliyo Dad lagu helay Galmada isku-jinsiga & Fidinta Diinta kiristaanka+Hayado ay sheegeen in dalka laga saaro & sababta
in News - Wararka
Posted
Qaran News