-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Markab ay leedahay India oo Xeebaha Soomaaliya ka bilaabay Dhoolatus. Markabka Talwar ee ay leedahay Dowladda Hindiya ayaa ku biiray dhoolatus sanadle ah oo ka bilawday Magaalo Mombasa kaas oo soconaya inta u dhaxeysa 26-ka July 2021 ilaa 6-da August 2021 sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Ciidanka Badda India. Dhoolatuskaan waxaa lagu soo bandhigayaa awoodda ciidamadaan ay u leeyihiin ilaalinta biyaha Caalamiga iyo xeebaha Soomaaliya si ay uga hor tagaan la dagaalanka Burcad Badeeda sida hadalka loo dhigay. India waxaa ku wehliya dhoolatuskaan 12 dal sida Mareykanka, India, Ururo Caalami ah iyo Dowladda Kenya oo martigelinta xooggeeda leh maadaama Magaalada Mombasa loo doortay goobta laga bilaabayo howlgalka. Dhoolatuskaan waxa diiradda lagu saarayaa kahortagga khatarta qafaalka Kooxaha Burcadda, badbaadinta marka ay qabsadaan Markab ama Doon iyada oo si feejigan loo ilaalinayo dadka la socda ama hantida saaran. Afhayeenka u hadlay Ciidamada Badda India waxa uu tilmaamay in nabadgalyada Badaha ay qayb ka qaadaneyso isu gudubka ganacsiga si xor ah oo ka fog welwelka laga muujiyo kooxaha qafaasha kadibna dul dhiga lacagaha Madax furashada ah. Ciidanka Badda Kenya ayaa fursad u helaya in ay ka faaiideystaan dhoolatuska ay sameynayaan Maraakiibta hubka casriga ah ku xiran isla markaana ay la socdaan askar loo dhameeyay hubka iyo qalabka ay ku howlgalayaan. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday ku dhowaad 200 milyan oo dollar oo ah kaalmo dheeraad ah oo loogu talo-galay shacabka Soomaaliya, oo muddo wajahayey dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari, rabshado iyo daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Kaalmadan oo ah 199 milyan oo dheeri ah oo oo lasoo marinayo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID iyo Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa tirada guud ee kaamlmada uu sanadkan Mareykanka ugu talo-galay shacabka Soomaaliya ka dhigeysaa 408 milyan oo dollar. War-saxafaadeed uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu caawin doono ku dhowaad lix milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar bani’adannimo. Dadkan ayaa waxaa ku jira saddex milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya iyo qiyaastii 500,000 oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya. “Maal-gelintan cusub waxay kaalmo cunno iyo nafaqo deg deg ah, biyo nadiif ah oo ay cabaan, nadaafad, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad siin doontaa shacab wajahaya caqabado ka dhashay dagaallo iyo xaalad deegaan oo sii xumaaneysa,” ayuu yiri Ned Price. Price ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay dalka deeqda ugu weyn siiya Soomaaliya iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee gobolka ku sugan. Afhayeeenka ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu weli ka walaacsan yahay baahida bani’aadannimo ee sii kordheysa, wuxuuna deeq bixiyayaasha caalamka ku booriyey inay ku tabarucaan jawaabaha caalamiga ah ee laga bixinayo iyo taageerada lagu badbaadinayo nolosha. The post Dowladda Mareykanka oo ku dhowaaqday boqolaal milyan oo la siinayo Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan khadar Guun oo xisbiga mucaaridka ee waddani uga soo baxay gobolka Maroodi-jeex ayaa shaaciyay in uu taageerayo shirgudoonka xisbiga xukuumiga kulmiye Xildhibaankan ayaa hore uga tirsanaa isbahaysiga xisbiyada mucaaridka isagoo kamid ahaa xildhibaanadii laba cisho ka hor soo dhaweeyay xildhibaan Maydhane oo kasoo baxay xisbiga kulmiye oo taageeray shir gudoonka isbahaysiga mucaaridku uxusheen in uu utartamo gudoomiyaha golaha ee cabdirasaaq khaliif hormuudka uyahay Balse xildhibaan khaddar guun ayaa badalay aragtidiisii hore hadana ka mid noqday xildhibaanada mucaaridka ee taabacsan shir gudoonka xukuumadu wadato. Loolanka loogu jiro shir gudoonka golaha wakiilada ee ay ku hirdamayaan isbahaysiga xisbiyada wadani iyo Ucid oo isku dhinac ah iyo xisbiga xukuumada ee kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Muuse Biixi ayaa maraya meel xasaasiya iyadoo isla caawana uu xildhibaan xisbiga kulmiye uga soo baxay gobolka sool uu shaaciyay in uu taageersan yahay isbahaysiga mucaaridka ee cabdirasaaq khaliif hormuud u yahay. Ilaa hada ma cada sida loogu kala guulaysan doono shir gudoonka golaha wakiilada oo lafilayo in fadhigoodii u horeeya ay yeelan doonan bilowga todobaadka soo socda wallow aanu wali madaxwayne Muuse Biixi soo saran qoraalkii uu ku mudayn lahaa maalinta ay fadhiisanayaan golaha wakiiladu! Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay iyo xubno ka mid ah bahda fanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay xorriyadiisa dib usiisay Abshir Gaarane Axmed oo bishii Janaayo ee sanadkii hore warbaahinta ka sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab. Abshir Gaarane oo sidoo kale ka tirsanaa Kooxda Fanka ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka soo muuqday isagoo sheegaya inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013-kii, islamarkaana uu qaabilsanaa aruurinta arrimaha dhaqaalaha ama canshuuraha, waxa uuna markaaa u xirnaa hay’adda NISA. Abshir Gaarane ayaa lagu arkay Muqdisho toddobaadyo ka hor balse waxaa la sheegay in muddo bilooyin ah uu banaan joog yahay, sidoo kale waxaa jira tuhun laga qabo in lagu daray ciidamada ilaalada shacabka ee dharcadka ah isagoo ka baxay bahdii fanka. Dad xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in wiilkaan, oo ay isku beel yihiin madaxweyne Farmaajo, in sii deysamadiisa uu wax ka ogaa Madaxweynaha kadib markii ay dhowr jeer u tageen odoyaal ku beel ah oo ka socday qoyska Gaarane. Abshir Gaarane Axmed ayaa xarigiisa kadib la waayay warkiisa iyadoo ay xusid mudantahay in aanan la geynin Maxkamad si loo baaro amaba loo hubiyo waxyaabaha uu sheegtay iyo eedaha loo jeediyay. Ma cadda illaa iyo hadda sida ay ku timid sii deyntiisa, wuxuuna ka mid yahay kiisad sidan oo kale ay dad ay dowladdu xirtay, haddana kadib la iska sii daayey ayada oo aan dacwado lagu soo oogin. The post Xog: Dowladda oo sii deysay fanaankii sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyey ee bilaaba qabashada doorashada Aqalka Sare, kadib markii shalay madaxweynaha Jubbaland uu soo saaray musharraxiinta u tartameysa afar ka mid ah sideeda kursi ee maamulkaasi. Jubbaland ayaa sidoo kale maanta oo ay ku beegan tahay 28-ka July billowday diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta, waxaana haatan ku howlan guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee maamulkaas oo garab ka helaya kan doorashada ee heer federaal. Sidoo kale Jubbaland ayaa shaacisay in doorashada Aqalka Sare ay dhaceyso beri isla-markaana lasoo dooran xubnihii ugu horreeyey ee Senatorada cusub, waxaana qorshuhu yahay in lasoo doorto illaa 4 Senator oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya Jubbaland. Dhanka kale waxaa Kismaayo maanta ku wajahan wafdi uu hoggaaminayo Cabdullaahi Abyan Nuur oo ah guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dalka. Guddigan ayaa Kismaayo u tegaya ka qeyb-galka doorashada Aqalka Sare ee beri ka dhaceyso halkaasi, si ay goob joog u noqdaan doorashada Senetarada cusub. Jubbaland oo mar ka mid ah aheyd muumallada sida weyn uga soo horjeeday dowladda dhexe, isla-markaana diidanaa hannaanka u wajaheyso doorashada ayaa hadda hoggamineyso maamullada kale, si loo qabto doorashada xildhibaanada labada Aqal. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad doorasho, kadib markii heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho is jiid-jiidkii siyaasadeed ee muddada ka taagnaa doorashada. The post Maamulkii ugu horreeyey oo bilaabay diiwaan-gelinta musharraxiinta Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.
-
Daawo: Jeesow oo xog cusub ka bixiyey kiiska Ikraan Tahliil
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay kiiska gabadhii la waayey ee Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in gabadhaas aysan weli ku heynin nolol iyo geeri, sidoo kale xildhibaanka ayaa soo dhaweeyey guddiga loo xil saaray baaritaanka kiiska Ikraan. Xildhibaan Daahir Jeesow oo golaha shacabka ku metela beesha ay ka dhalatay Ikraan Tahliil ayaa sheegay in baadi goobka gabadhaas aysan marna ka fariisan, isagoo codsi hor leh u diray shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa shaaciyey in la qabtay nin soo wacay reerka gabadha, kaas oo sheegay in gabadhii uu meel ku ogyahay, balse markii lasoo qabtay oo la baaray uu noqday nin doonayey inuu been abuur madax furasho ku qaato. “Saakay waxaan tegay saldhigga Xamarweyne, nin ku xiran ayaa la I tusay, kaas oo lasoo xariiray ehellada gabadha maqan, waxuu u sheegay inuu yahay askari, oo gabadhii uu meel ku ogyahay, laakiin ninka markii la baaray askari waa noqon waayey, waxuuna raadinaayey in lacag la siiyo oo tuugnimadaas oo kaliya ayuu damacsanaa,” ayuu yiri Daahir Jeesow. Waxa uu sheegay in wararka aan la hubin ay ka fogaanayaan, isla markaana ay kalsooni ku qabi doonaan baaritaanka guddiga uu kiiskaas u magacaabay Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. “Waxaan soo dhaweynayaa guddiga loo magacaabay baaritaanka kiiska gabadhaas, waxaan ka codsanaa in kiiskaas ay si hufan u baaraan, arrinta Ikraan xanuun badan ayey nagu heysaa, nolol iyo geeri ilaa hada mid kuma heyno, saxna ma ahan in ilaa hadda hey’adaha amniga ay meel ku soo sheegi waayaan gabadhaas, taas wax aan sugeynay maaha, ee waa in ehelka gabadhaas ay cadaalad helaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Ikraan Tahliil Faarax waxaa la waayey 26-kii bishii hore ee Juun, xilligaas oo gaari laga leeyahay taliska NISA ay ka raacday banaanka hore ee xarunta Habar-Khadiijo, halkaas waayihii dambe ay ka howlgeleysay, eedeynta ugu badan waxaa loo jeedinayaa saraakiisha ugu sareysa NISA, balse illaa hadda xog saxan lagama gelin halka la geeyey Ikraan, nolosheeda ama geerideeda, toona. Hoos ka daawo Xil Daahir Jeesow The post Daawo: Jeesow oo xog cusub ka bixiyey kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska soo duubay waxa uu uga hadlay baaqii Ilhaan Cumar ee ahaa in la hubiyo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, si looga badbaadiyo dadka rayidka ah iyo jawaabtii hadalka Ilhaan uu ka bixiyey wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi. Xasan Daahir ayaa aad u dhaliilay jawaabtii wasiir Fiqi, isagoo yiri, “Waxaan la yaabay jawaabtii uu Fiqi ka bixiyey hadalkii ay gabadhaas Mareykanka joogta ku dalbatay in aan dadka la layn, war inaad hadalkaas wanaagsan ka hor imaato ma aheyn, qof ciil qaba oo cadawgiisa raadsanaaya ayaa dadkeena baabi’iyey.” Waxa uu ku canaantay in isagoo careysan oo cadawgiisa raadsanaaya uu gabadhii danyarta u doodeysay uu hadalkeedii xumaan u fasiray, “Nin walaalkaa ah oo diin kula wadaaga, wadankana kula leh ayaad cadaw u raadsatay, gabadhiina waxay leedahay war dadka yaan la wada baabi’in, iyadoo kula qabta in nimankaas lala diriro, laakiin waxa gabadhu ilaalineyso inaad fahmi weyso waa cadaab, ‘Illaahow Fiqi oo kale hanagu badin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Daahir Aweys. Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbook-ga 24-kii bishaan waxa uu u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay dad raydi ah. “Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed. Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin,” ayuu yiri Fiqi. Jawaabtii Wasiir Fiqi ee ku socatay Ilhaan Cumar ayaa intaas ku sii dartay, “Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday! Dumaashi dagaalka nala soo gal.” Hoos ka daawo Xasan Daahir The post Daawo: Xasan Daahir oo la saftay Ilhaan Cumar, weerar culusna ku qaaday FIQI appeared first on Caasimada Online.
-
Leading multinational logistics company DP World is determined to transform Somaliland Port city of Berbera into a major maritime, industrial, and logistics hub in the Horn of Africa, especially for Ethiopian transit cargo. DP World in partnership with the government of Somaliland recently opened a new container terminal at Berbera Port, with work underway to further expand the terminal’s capacity. Sultan Ahmed Bin Sulayem, the Chief Executive Officer of DP World says a boost to trade competitiveness is a central focus of Berbera and the region as a whole. The DP World CEO says infrastructure is critical to the economic recovery of Somaliland and the Horn of Africa in the post-COVID-19 pandemic. “The first phase of Berbera port’s expansion began in October 2018, when President (Musa) Abdi and I broke ground to start construction. Just two and half years on, we have a modern, world-class infrastructure asset that helps improve operational efficiency and productivity to meet growing demand. The new terminal, with a deep draft quay of 400 metres and three gantry cranes, is capable of handling the largest container vessels in operation today and increases the port’s capacity from the current 150,000 TEUs to 500,000 TEUs a year,” he said. He added: “We are building a Berbera fit to handle the demands of today’s trade economy, whilst helping expedite its progress towards a self-reliant society. For example, edible oil was previously brought in pre-packaged containers, but now DP World is building a state-of-the-art facility that can store goods in bulk, and allow companies to package them locally.” Bin Sulayem said that to maximise the economic potential of Berbera’s strategic location and the benefits that will follow from the port’s ability to handle increased levels of trade, DP World is also rapidly developing the Berbera Economic Zone (BEZ). “Modelled on Jebel Ali Free Zone (Jafza), our flagship Free Zone in Dubai, BEZ will provide local and foreign investors with a conducive and competitive environment for investment and trade through readily available infrastructure including prebuilt warehousing facilities, serviced land plots, and office and business centre spaces.” He said that the BEZ, combined with the increased power of the Berbera port development, will also support Somaliland’s fast-growing neighbour, Ethiopia, as it seeks to bolster the export competitiveness of its manufacturers. “Ethiopia is one of the fastest-growing economies in Africa and its policymakers and business leaders continue to be well poised to maximize results from improved national productivity as it aims to reach lower-middle-income status by 2025.” The DP World’s Chief Executive observed that the Horn of Africa, with a population of more than 140 million people, is dynamic and ever-evolving and despite the economic shocks of the pandemic, the region has showcased remarkable resilience, managing to grow by 0.88% in 2020. He said the sharp decline in remittance levels and significantly reduced livestock exports to the gulf resulting from the pandemic are crucial issues the government will need to grapple within the years to come to ensure a robust recovery. Nairobi news Qaran News
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee Jubaland u gudbiyay tartamayaasha qaar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Jubaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa gudbiyay 9 musharax oo mid ka mid ah haween tahay, kuwaas oo u tartamaya 4 kursi, waxayna kala yihiin. 1. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag). Axmed Maxamed Jamaamac. 2. Xaliimo Jaamac Maxamed Cabdirisaaq Maxamed Cismaan 3. Ilyaas Badal Gaboose Maxamed Axmed Sayid Sharmaarke Maxamed Cabdi 4. Ibraahim Yacquub Ismaaciil Iftin Xasan Iimaan. Madaxweynaha Jubaland ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee soo gudbiyay liiska musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare. Jubaland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee gudbiya musharaxiinta Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa shalay isku dayay in uu xoog ku soo furto 11 nin oo ay habeen hore soo bandhigeen ciidamada booliska Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsanaa maleeshiyaad ka amarqaata guddoomiye Jacfar iyo Sarkaal lagu magacaabo Xasan Jaamici. Caasimada Online ayaa ogaatay in dood habeenkii oo dhan ka dhax taagneyd booliska, guddoomiye Jacfar iyo Xasan Jaamici oo Milateri ah inuu soo farogeliyay ra’iisul wasaare Rooble kadibna la amray in la sii daayo 11-kii nin iyo hubkooda. Maleeshiyaadka la soo bandhigay ayaa ahaa kuwii ciidamada dowladda kula dagaalamay Ex-Controol Afgooye ee Muqdisho, dagaalkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof. Sidoo kale Maleeshiyaadka ayaa intii lagu howlanaa soo qabashadooda waxaa ka dhintay laba qof. Rooble ayaa Guddoomiye Jacfar ku amray in uu ka samro labada qof ee ka dhintay balse si deg deg ah loogu soo celiyo hubkooda iyo dhallinyaradii kale sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah. Afhayeenka cusub ee booliska Soomaaliya ayaa habeen hore fiidkii hore u sheegay Warbaahinta in la soo qabtay koox burcad ah oo weerartay ciidamada ammiga ee ku sugnaa Ex-controol Muqdisho. Afhayeenka ayaa xilligaas sheegay in booliska ay ku guuleystay inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo. The post Xog: Jacfar oo xoog kusoo deestay maleeshiyo ay ka qabteen ciidamada booliska appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Coomaad ee hoos-taga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay deegaanka. Qaraxa ayaaa la sheegay in uu ahaa noca miinada dhulka lagu aaso, waxa uuna qaraxa uu haleelay sida ay ciidamada Xoogga sheegen gaari ay saarnaayeen xubna ka tiraan Al-shabaab. War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada xoogga dalka ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 15 ka mid ah ururka Al-shabaab. “Dadka Deegaankaasi ku nool ayaa Warbaahinta Ciidamada u xaqiijiyay in ay arkeen dhimashada 15 kamid ah Maleshiyaadka Argagaxisada Alshabaab iyo dhaawac intaasi kabadan, waxaana guud ahaan qaraxa uu bur buriyay gaarigii Maleeshiyaadkaasi ay saarnaayeen”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxan lagu aasay wadada lana qorsheynayay in lagu wax yeeleyo ciidanka xoogga . Source: goobjoog.com
-
Dubai carrier flydubai will start its three-times weekly service to Hargeisa Egal International Airport (HGA) from August 10, it announced on July 27. Source: Hiiraan Online
-
The relationship between the Somalia National Army (SNA) and the continental peacekeeping force, Africa Mission to Somalia (Amisom), seems headed for tougher times, as Amisom claimed it was in the dark about the SNA’s recent fights with al-Shabaab in parts of Galmudug state and Hirshabelle, where the militant group had laid siege. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) ayaa si adag u beeniyay inuu qoray warqad lagu daabacay baraha bulshada oo canaan iyo digniin loogu jeediyay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Xoghayaha koowaad ee Ergada Joogtada ee Qaramada Midoobay. Qoraalka uu beeniyay Danjire Baale oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ayaa waxaa ku qornaa “hadalo gef ku ah” shaqada iyo shaqsiyada Wiilkii uu dhalay marxuum Yariisoow, ayada oo lagu sheegay in Maxamed uu ka hor-yimid jiheynta Baale. “Dabeecadaada waxay si taban u waxyeeleysay waxqabadka shaqsiyadaada iyo wada-shaqeynta kooxeed mudadii koobneyd ee joogtay howl-galka, waxaan ka niyad jabay howshaada, waxaad caadi ahaan dhaqankaaga iska indho tirtaa tilmaamahayga,” ayaa lagu yiri qoraalka uu beeniyay Danjire Baale. Danjiraha ayaa iska fogeeyay waraaqda loogu gefay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar, isagoona sheegay in laga been abuurtay saxiixa ku yaala waraaqdaas oo toddobaadyadii u dambeeyay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada. “Warqadaan waxaa ku arkay Social Media, saxiixa ku yaala meesha ma dhihi karo waa keyga, dad baa sameeyay, wuxuu u eegyahay saxiix meesha lagu dhajiyey oo lasoo gooyay, waana beeninayaa warqadaan,” ayuu yiri. “Xiriirkeena (Maxamed Cabdiraxmaan Cumar) aad ayuu u fiican yahay, waa wada-shaqeynayna, waana nin caqli badan, markaa waxaa rajeynayaa in uu noqdo Diblumaasi fiican.” Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Wiilka duqii hore ee Muqdisho ee la khaarajiyey marxuum Eng. Yariisoow AUN, ayaa waxa jagada uu hadda hayo loo magacaabay 4 November 2019-kii. The post Maxaa ka jira warqadda la sheegay in danjire Baale uu ka qoray wiilka Injineer Yariisow? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Hay’adda Taageerada Caalamiga ee Norway ee NIS u qaabilsan Soomaaliya Qaasim Gaaboow Ducaale ayaa shaaciyay in ay qorsheynayaan dhismaha taallo weyn oo loo dhisayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraal uu wakiilku bartiisa Twitter-ka soo dhigan ayuu ku sheegay in taalladda madaxweyne Farmaajo laga dul dhisi doono dusha sare ee qeybta shakhsiyaadka muhiimka ah (VIP) ee Stadium Muqdisho. “Waa madaxweynaha Jamhuuriyada. Hada weliba Taala ayaan uga dhiseynaa meesha VIP-da korkeeda – seriously (Waa iga dhab),” ayuu yiri Qaasim Gaaboow. Qaasim faahfaahin kama bixin xilliga la fulinayo mashruuca uu ku dhawaaqay iyo ujeeddada laga leeyahay, balse waxaa laga cabsi qabaa in uu mashruucan dhaliyo xiisad siyaasadeed, maadaama dhaqaalaha hay’addan uu yahay mid loogu yaboohay horumarinta Soomaaliya. Hay’adda NIS oo Soomaaliya mashaariic badan ka fulisay waxay maamushaa deeqo inta badan ka yimaada dowladda Norway iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo deeqaha ay Soomaaliya ku bixinayaan soo mariya. Muwaadiniin badan ayaa baraha bulshada kaga falceliyay adeegsiga kooxda olelaha madaxweyne Farmaajo ee shaashadda Stadium Muqdisho oo si joogta ah loogu soo bandhigo sawirkiisa oo weyn xilliyada ay socdaan ciyaaraha. Dayactirka garoonkan waxaa gacan ka geystay hay’adda NIS. “Shaashadda garoonka Stadium Mogadishu ee loogu talo galay in saacadda iyo natiijada ciyaarta lagala socdo ayaa mararka qaar la soo saaraa Sawirka Farmaajo” ayuu Twitter-ka ku soo qoray Cabdullaahi Axmed oo ku lifaaqay sawir arrinkan muujinaya. Madaxweyne Farmaajo waxa uu horay u dayactiray taallooyin ku yaalay Muqdisho oo ku burburay dagaalladii sokeeye. Haddii ay hirgasho dhismaha taalladan waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo dhiso taallo iyo madaxweynihii ugu horreeyay adduunka oo taallo loogu dhiso lacag gargaar loogu talo galay. Isha: Mustaqbal Radio The post Norway oo Farmaajo taallo uga dhiseysa Stadium Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June ee sanadkan. Xeer ilaalintu waxay sheegtay in saddax sarkaal oo ka kala socdo xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska iyo Nabad-Sugidda loo xilsaaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabar da’yar oo u shaqeynaysay hay’adda NISA. Xeer Ilaaliyaha ayaa faray taliska NISA in ay ula shaqeeyaan saraakiisha magacaaban wadda kasta oo lagu gaari karo danta cadaaladda. Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida waxa uu sheegay in ay aqbaleen furashada gal-dacwadeed ay u soo gudbisteen ehelka maqanad Ikraan Tahliil. Ikraan Tahliil ayaa hay’adda NISA ku soo biirtay 2017, waxayna horay uga soo shaqeysay xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay guddoomiyihii qaraxa lagu dilay Cabdiraxmaan Yariisoow. Sida la sheegay Ikraan markii cid ugu dambaysay waxay ahayd xilli habeen ah oo ay raacday gaari u diiwaan gashan hay’adda NISA. PUNTLAND POST The post Guddi baaris oo loo magacaabay kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Puntland Post.
-
Internally displaced people in their shelter at a camp in the town of Azezo, Ethiopia, on July 12. Photographer: Eduardo Soteras/AFP/Getty Images Protesters in eastern Ethiopia blocked and damaged a vital trade artery linking the landlocked African nation to a port in neighboring Djibouti, a government official said. The railway between the two eastern African nations has been closed since the demonstrations took place Monday, Mohamed Rooble, a spokesman for the government of Ethiopia’s Somali region, said Tuesday. The protest followed an attack by special forces and militia fighters from neighboring Afar region carried out on the town of Garbaiisa, where many ethnic Somalis live. Somali authorities confirmed at least 300 people died in the violence, which began on July 24, Mohamed said. The protesters also closed the road that links the Somali region to Ethiopia’s capital, Addis Ababa. The blocked trade route risks further damage to Ethiopia’s economy, which is already struggling to deal with the impact of the coronavirus pandemic and a nine-month conflict in its northern Tigray region. Ethiopia relies on Djibouti’s port and transport-related infrastructure for 95% of its maritime trade, according to the Pretoria-based Institute for Security Studies. Yields on the nation’s 2024 Eurobonds rose for a fifth straight day on Tuesday, climbing to 10.26%, the highest since May 2020. The conflict that began in Tigray in November has spread to Afar and risks spilling over into the Amhara region. The violence has displaced has displaced at least 2 million people and left thousands dead. A spokesman for the regional government in Afar didn’t immediately respond to calls seeking comment. Tilahun Sarka, director-general of the state-backed Ethio Djibouti Railway company, didn’t immediately respond to a call seeking comment. Source: Bloomberg The post Protesters Block Ethiopia Rail Link After Clashes Leave 300 Dead appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda Caalamiga ah ayaa in ka badan kala bar dhimay dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanak argagixisada Al-Shabaab. Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeynaa qiyaano ay sameysay dowladda Kenya, oo qaar kamid ah ciidamadeeda si qarsoodi ah ugala baxday Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Midowga Yurub. Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa kal hore meel ku sheegi weysay in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Yurub, si loogu maal-geliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay daabacday warbaahinta Kenya. Xukuumadda Kenya ayaa shalay baarlaamanka u sheegtay in howl-galka Midowga Afrika ay ka heshay 4.5 bilyan oo lacagta Shilingka Kenya ah, mudadii 12-ka billood, marka loo eego bartilmaameedkii hore ee ahaa SH8.5 bilyan. Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Keyna oo ayaguna dhankooda baaris ku sameeyay sababta ka dambeysa dhimista dhaqaalihii ay ciidamadooda ka heli jireen beesha caalamka, ayaa sheegay inay tahay ka bixitaanka ciidamadooda qeybo kamid ah Soomaaliya. “Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee la keenay Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay.” Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar. Arrintan ayaa si rasmi ah u dhaqan-gashay sanad maaliyadeedka cusub ee bilowgii bishaan July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo in ay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya. Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland. Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab. The post Midowga Yurub oo lacagta ka jaray ciidanka Kenya ee Somalia kadib qiyaameyn yaab leh appeared first on Caasimada Online.
-
Weriye Soomaaliya oo u shaqeeya Telifishanka Itoobiya Dawlada “ETV” oo Shaqadii uga tegay cadaaladaro war tebineed ee dagaalka Canfarta & Soomaalida ka dhex oogan Nasridiin Xasan Daahir Nasridiin Xasan Daahir oo kamid ah suxufiyiinta Soomaalida ee ka howlgala teleefishinka Qaranka Itoobiya ee ETV ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagey shaqadiisa kadib dhibataada ka dhalatay dagaalka ka dhacay degmada Garba Ciise halkaas oo ay colaad ku dhexmartay Soomaalida iyo Canfarta. Wuxuu jeediyay dhaliil ah in si caddaalad ah waxbo loogu tebin shacabka Soomaalida gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhaca gobollada ay degan yihiin. “Go’aankeygu wuxuu ku saleysan yahay kadib markii aan arkay caddaaladda darrada warbaahinta dalka oo aanan u sineyn in bulshada ay si sinaan wax ugu tebiso” “Mar haddii codkeyga aan ugu tebin karin baahiyaha bulshadeyda ayaa waxaan qaatay in aan sii wadi karin shaqada iyo xilka aan ka hayo warbaahinta qaranka, Turjaamano ayaan aheyn oo waqooyiga iyo dhibaatooyinka qowmiyadaha kale ka dhaca ayaan tebineyay” ayuu yiri Nasridiin oo BBC la hadlayay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan bil lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA, sida ay sheegeen qoyskeeda ayaa maanta waxay dowladda u magacowday Guddi khubaro ah oo baara kiiska maqnaashaheeda. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa saddex Sarkaal oo ka kala tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta, Booliska iyo Nabad-sugida u magacaabay baarista kiiska Ikraan Tahliil. Xeer Ilaaliyahay ayaa sidoo kale faray Taliska NISA iyo cidkasta oo ay quseyso arrintaas inay si dhow ula shaqeeyaan Saraakiisha loo magacaabay kiiskeeda, si loogu xaqiijiyo cadaalada. Magacaabista guddiga baaraya kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa uu imaanaya kadib markii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta uu aqbalay furashada Gal-dacwadeed ay kal hore gudbiyeen ehelka Ikraan oo muddo ka badan bil la la’yahay. Arrinta Ikraan ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayey, maadama ay aheyd Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan NISA, islamarkaana ay ku maqan tahay gacantooda, sida ay warbaahinta u sheegen eheladeedu. The post DF oo guddi khubaro ah u magacowday kiiska Ikraan Tahliil appeared first on Caasimada Online.