-
Content Count
212,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Agaasimaha magacaaban ee Hay’adda PSF S/Guuto, Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr ayaa markii u horraysay sheegay in uu Tuutaha ka beddelay Ciidanka PSF.
Agaasime Amiin Xaaji Khayr, ayaa sheegay in Tuutihii hore ee Ciidanka PSF uu faraha ka baxay, islamarkaana gacanta cadowga galay, sidaas darteedna la beddelay.
S/Guuto Amiin Xaaji, ma caddayn cadowga uu gacanta u galay Tuutihii Ciidanka PSF, inkastoo uu xusay in Ciidankii iyo Cadowgii la kala garan waayay.
Hadalkan ayuu ka jeediyay saldhig Ciidan oo ku yaalla Galgala, halkaas oo uu shalay booqday.
PUNTLAND POST
The post Amiin Xaaji Khayr: Tuutihii Ciidanka PSF wuxuu galay gacanta Cadowga appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Balcad, ee deegaanka Hirshabelle ayaa sheegaya in saaka aroorstii ay la wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab, kuwaas oo dhowr jiho kasoo weeraray.
Ilo ku sugan deegaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in Al-shabaab ay adeegsatay hubka noocyadiisa kala duwan, iyada hoobiye ku dhacay qoys lagu waramayo in ay ku dhaawacmeen ilaa 6 ruux.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-shabaab ay in muddo ah heysatay inkasta ay kusoo noqdeen haatan ciidamada dowladda.
Balacad waa 30 KM ka xigtaa waqooyiga caasimadda Muqdisho, waxaana bishii hore 11-keeda booqday ra’isul wasaare Maxamed Rooble.
Shabeellada dhexe oo ay ka tirsan Balcad waxaa adag iney ku safraan mas’uuliyiin, waxaa inta badan heysata Al-shabaab.
Goobjoog News
-
Mogadishu (HOL) - The Minister of Security of the Federal Government of Somalia, Abdullahi Mohamed Nur, has said that an investigation will be launched into allegations that the Somali Police Force used heavy-handed tactics to disperse an anti-Farmajo protest in the capital Mogadishu on Wednesday.
-
(SLT-Hargeysa)-Sida lagu daabacay boga Facebook-ga ee Cabdimaalik Muuse Coldoon, Coldoon ayaa markii ugu horraysay maxkamada horteeda iska difaacay eedaha lagu soo oogay kadib muddo 130 cisho oo uu xidhanyahay.
Coldoon waxa uu ku dooday in xadhigiisu uu cadaalad daro yahay, oo hadii uu cadaalad ahaan lahaa aan Burco laga soo qaadeen.
Wali go’aan rasmi ah lagama gaadhin dacwada eedaysane Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka socota Maxkamada Gobolka Maroodijeex. Eedaha loo haysto ayaa waxa ugu wayn in uu ka been abuuray Shabakada Dugsiyada Abaarso.
Doodii Cabdimaalik ayaa u dhacday sida tan:
Coldoon oo maanta maxkamadda horteeda markii ugu horaysay ka hadlay muudo 130 maalmood ah kaddib ayaa yidhi :
“Waxa ay ahayd in maanta la maxkamadeeyo kuwii keenay Joy Isa iyo Anderson Cooper ee aan aniga la i maxkamadayn”
“Eedaha ay soo qoreen booliska iyo xeerilaalintu waa kuwo been-abuur ah oo lagu majarahabaabinayo runta”
“Maxaa Burco la ii soo dhaafiyey haddii ay cadaaladi jirto illeen Burcoba maxkamad iyo jeelba way leeedahaye ?! “
“Dugsiga abaarso laba arimood baan ka sheegay labaduba waa dhab, waxa aan ka sheegay in gaalada furatay dugsigaa aanay bilaa ujeedou furan ee ay u jeedo fog ka leeyihiin jiilkeena soo socda”
” Gaalku waa cadowga muslimka , cadowguna waa cadow ee ma aha saaxiib iyo gacaliiye ilaahaybaana quraanka inoogu sheegay gaal waxa uu yahay waxaanu Allaah yidhi :
” : مَّا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ وَلَا ٱلْمُشْرِكِينَ أَن يُنَزَّلَ عَلَيْكُم مِّنْ خَيْرٍۢ مِّن رَّبِّكُمْ ۗ ………”
Oo micnihu yahay : Ma jecla kuwa gaaloobay ee ka mid ah ehelu kitaabka ( yuhuud iyo nasaaro ) iyo mushrikiintu in wax khayr ah la idiinka soo dejiyo xaga rabigiin .
Waxa kale oo uu ilaahay quraanka ku sheegay :
” وَلَن تَرْضَىٰ عَنكَ ٱلْيَهُودُ وَلَا ٱلنَّصَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ…..”
Oo micnuhu yahay : kaa raali noqonmaayaan yuhuudda iyo Nasraadu illaa aad raacdo diintooda mooyaane .
Sidoo kale waxa uu ilaahay quraakiisa ku xusay :
“يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ فَرِيقًا مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلْكِتَٰبَ يَرُدُّوكُم بَعْدَ إِيمَٰنِكُمْ كَٰفِرِينَ”
Oo micnuhu noqonaya : Kuwa rumeeyow, haddii aad u hogaansantaan koox ka mid ah kuwa la loo keenay kitaabka ( waa yuhuudda iyo nasaarada e ) rumayntiinna kadddib waxa ay idinka yeelayaan ama idinka dhigayaan gaalo “
“Aniga waxa la igu haystaa waa wanaag aan faray iyo xumaan aan reebay”
” Garsoore waxa aan joogaa maanta meeshii culumadii diiday in la badalo aayaatka dhaxalka ee kaddibna la laayey.Sidii aad arinkayga ka yeeli lahayd waa mid adiga kuu taal.
” Ilaahay wuxu yidhi :
وَلَا تَحْسَبَنَّ ٱللَّهَ غَٰفِلًا عَمَّا يَعْمَلُ ٱلظَّٰلِمُونَ ۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍۢ تَشْخَصُ فِيهِ ٱلْأَبْصَٰرُ
Ha u malayn in Alle mooganyahay waxa ay dulmifalayaashu samaynayaan , waxa kaliya oo uu dib ugu dhigayaa maalin uu aragu talligmayo”
La soco qaybaha kale iyo qormooyinka dadkii goobjoogayaasha ahaa maanta iyo waxa ay ka xasuustaan hadaljeedintii Coldoon ee qaadatay ku dhawaad labada saacadood .
“Joy Isa waxa ay ka dhigantahay oo kale Shiikh Dirir oo loo dhiibay dugsi ku yaalla qaybta ay yuhuuddu haysato ee dhulka Filisdiin”
“Pastor micanaha aynu u naqanaa waa baadari/baadariyad afcarabigana waxa ay ku noqonaysaa قِسِّيس ama قسيسة oo ah qof ka shaqeeya fidinta diinta nasaarada “
“Gaalnimada iyo dhaqanxumada si qayaxan looma fidiyo.Cidina si toos ah isuma gaalaysiiso ama isuma dhaqan-biso, hasayeeshee si dadban baa xumaha loo fidiyaa “
“Anigu waxa aan ka hadlay badbaadada ubadkeena iyo halisaha ku xeeran “
” Si dee baynu ugu ogolaanay nin gaal ah in uu yidhaahdo waxa aan idiin soo saarayaa holdoorkii umadda?!”
“Garsoore dawladnimada ayaa la iigu awood sheegtay, dulmi baan ku xidhanahay in ka badan 130 maalmood , Ilaahayna dulmiga wuu xaaraantimeeyey , Xadiis qudsi uu nabigu ( Csw) rabigii cazza wajalla ka wariyey baa jira odhanaya :
(يَا عِبَادي ، إنِّي حَرَّمْتُ الظُلْمَ عَلَى نَفْسي وَجَعَلْتُهُ بيْنَكم مُحَرَّماً فَلا تَظَالَمُوا)
Oo micnihiisu yahay : Addoomahaygow anigu dulmiga waan iska xarrimay , dhexdiinana waan ka xarrimay ee ha is dulmina”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo dhinaca kalena meesha ka saaray wararka sheegaya inaanu Mareykanku xilligan saamayn muuqato ku lahayn dalka.
Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo carqalad ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay la hadashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.
Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay in waxyaabihii u suurtagalay Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu u suurta-geliyay Mareykanka.
“Mareykanku saamayn waa leeyahay, heshiisyada siyaasadeed ee dalka hadda yaala qayb waxaa ka ah bulshada caalamka, AMISOM iyo dowladaha waaweyn, marka Mareykanku wuu leeyahay saamayn, markii dowladdu ay taageerayeena iyaga ayay ku dhisneyd illaa xad, waxa u suurta-gelayay Farmaajo, waxaa u suurta-geliyay Mareykanka, marka saamayn way leeyihiin, wayna celin karaan,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.
Waxaa uu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta dalka looga gudbi karo, iyadoo wixii khaldamay dib laga saxo, Ra’iisal Wasaaraha iyo Dowlad Goboleedyadana lagu khasbo inay dalka ka qabtaan doorasho daahfuran, Madaxweynuhu aanu ku fara-gelin.
“Waa khasab in hadda waxa socda wixii laga hagaajin karo, laga hagaajiyo. Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal Wasaaruhu waa in lagu khasbo inay tartan ogolaadaan oo dadka la tartan-siiyo, Madaxweynuhuna uu u daayo, oo uusan ku fara-gelin,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.
Waxa kaloo uu yiri “Xalku waa iska cad yahay, sababtoo ah waddo kale ma jirto, oo aan ka ahayn Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga oo shaqadan iska leh. Lixda nin ee shaqada haysay inay dhameystiraan, waa lagama maarmaan oo loo daayo. Xalka waxaan u arkaa in Madaxweynuhu uu xushmeeyo, oo ilaaliyo heshiiskii uu aqbalay 27-kii May 2021, qoladaan kalena ay aqbalaan heshiiskii 17-kii September 2020.”
Afyare Cabdi ayaa yiri “Beesha Caalamka iyagaa ugu culus, iyagaa go’aanka rasmiga ah ee Maxkamadda Sare ee dalka ka ahaa, intii muddo ah, haddana sida muuqata waxay leeyihiin hala boobsiiyo doorashada, qoladii wadayna ha wado.”
Farmaajo oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu wajahayaa cadaadis caalamiya, waxaana khilaafka labada hoggaamiye si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho.
Inkasta oo ay haatan degan tahay xaaladda Muqdisho ayaa waxaa haddana weli taagan khilaaka dib uga soo dhex cusboonaaday Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, oo niyad-jab ku keenay dadka Soomaaliyeed.
Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:
iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click siiThe post Prof. Afyare: Mareykanka waa kuwii taageerayey Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.
Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta & iibka shirkadda isgaarsiinta somtel Mudane Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid Wax tar u leh bulshada soomaaliyeed macamiil walba oo sameeya ku shubasho Wuu u tartami karaa fursadan qaaliga ah kaasoo isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab
“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.M Waxaan balan qaadeeynaa inan 31 December si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai-ga Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah Qiimihiisu uu yahay ku dhawaad 40’000 doolar iyadoo macaamiisheenu u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartamaan macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed. qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay 23 bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa macamiilkii ku guuleystay galabta gaadiidka bajajka waa Olole daaah-furan waxaan todobaadka Soo Socdo ka Dhawaaqi doonaa macaamiilka ku guuleeystay gaarigii sedexaad iyadoo marti sharafta aan ku marti-qaadnay gacantooda inoogu generate gareyn doonaan inshaa’alaah”
Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada Salam Dr: Bashiir Aw-Diini oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood
“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku celisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 23 aad aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel waxaa xusid mudan in shirkaddu abuurtay xarunta tababarka tiknoolujiyada somtel oo ah xaruntii ugu nhoreysay ee lagu tababaryo ardayda baratay kuliyada ( Focult Of Engireeing) Sidoo kale kama marna ardayda baratay (IT)
Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Waaberi Mudane: Sugaal Cali Ayaanle oo ah oo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso
“ Waxaan si diiran u bogaadinaya maamulka sare ee somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo qabaneeysa barnamijkan daah-furnaanta leh oo ay bulshada ku celinayaan 10’000 hadiyadood iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah Waxaa Xusid Mudan in Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in ololahaan macaamiil fara-badan ku dhiiragelin doono isticmaalka adeegyada somtel iyagoo faa’iido dheeri ah ka helaya Waxaan la wadaagayaa bulshada soomaaliyeed in macaamiil fara badan oo ku dhaqan Degmada Waaberi ay ku guuleysteen hadiyado qaali ah sida Bajaajyo’ Laptopyo’ Tvs’ Dahab iyo hadiyado kale oo qaali ah, Waxaan ugu dambentii Waxaan u mahad Celinayaa beerta Nabadda oo Todobaad kasta lagu qabto xaflada tan markii la bilaabay inaguna maamulka Degmada waxaan diyaar u nahay inan ka cawinio amniga wax-yaabaha ay naga soo codsan si loo fudydeeyo barnaamijkaan wax tar-ka uleh Umada Soomaaliyeed”
Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Mudane: Mucaawiye muudeey oo bogaadiyay olaha ku shubo oo guuleeyso
“waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno macaamiisha u tartantay hadiyadaha ‘10’000 todobaadkii 23 aad Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta si gaar ah uga soo qeyb-galo Si dhow ayan ula socdaa ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado wax ku ool ah sida: gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab, Laptop-yo I.w.m waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshada wax ku celineeyso 10’000 hadiyadood. Waxaan cadeeynayaa in olalahaan uu daah-furanyahay oo waxaa ku guulestay macaamiil kala joogo deegano kala gedisan Degmada aan Gudoomiyaha ka ahay waxaa ku guuleystay ku dhawad 10 macaamiil kuwaasoo helay hadiyado waa-weyn kuwaasoo daboolaya baahiyahooda gaarka ah”
Isku soo wada duuboo Dhamaan macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaari Hyundai-ga kaasoo Todobaadkan 31 bisha December aan si rasmi ah ugu dhawaaqi doono macaamiilkii ku guuleystay gaarigii lsedexaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood macaamiil Waad u u tartami kartaan ilaa Daqiiqada ugu dambeeysa Maalinta jimcaha 31/12/2021abaaraha 05:30pm (Galabnimo) fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo,ugu dambeyntii waxaad uga shuban kartaa adeegga eDahab Reseller
Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai Sedexaad macaamiilka ku guuleystay Somtel waxa ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo lagu qaban doono mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.
The post Sawirro: Shirkadda Somtel oo todobaadkii 23-aad abaal-marisay 1,000 macaamiil appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa Muqdisho kaga qayb-galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Rooble.
Shirkaas oo ay ku kulmayaan Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxa looga hadlaya dhammaystirka Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.
Shirka ayaa ku soo beegmay xilli uu khilaaf Siyaasadeed u dhexeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Siciid Deni oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Bishan aynu ku jirno ee December, sharcidejinta maraykanku waxa ay ansixisay sharci, wasaaradda difaaca ee dalkaas lagu siinayo lacago badan oo ay u adeegsato qorshe lagu difaacayo danaha ay dawladda Maraykanku ku leedahay dhammaan dawladaha adduunka ee ay dan-wadaagta yihiin.
Qorshahan sharci ee cusub oo uu hadda saxeexay madaxweyne Jo Biden, dalalka uu Maraykanku kula shaqayn doono waxaa ka mid ah Somaliland oo aanu u soo mari doonin Soomaaliya, taas oo uu qeexayo in wasaaradda difaaca Maraykanku ay si cad oo aan gabbasho lahayn ula shaqaynayso wasaarada difaaca iyo taliska ciidamada Somaliland.
Haddaba, qorshahan sharci waxa uu Somaliland u yahay guul iyo naruuro, maadaama oo uu ka dhiganyahay in ay heshay saaxiib weyn oo xaga difaaca ah.
Qorshahan sharci oo la filayo in uu dhaqangalo horraanta sannadka cusub ee 2022 ayaa dhigaya, 180 cisho kaddib marka uu madaxwaynu saxeexo, in wasaaradda difaacu ay keento warbixin dhammaystiran oo la xidhiidha dhaqangelinta hawlaha uu dhigayo.
Waxaana la filayaa in dawladda Maraykanku ay Somaliland u soo diri doonto wafti ballaadhan oo ay Somaliland iska kaashan doonaan qroshayaasha wada shaqayneed ee ay ku wada hawlgeli doonaan si waafaqsan sharciga cusub.
Maxamed Caydiid Cali
Maxamed517@hotmail.com
-
Dagaallamayaal ka tirsan Xoogagga Al-shabaab ayaa saaka mudda kooban qabsaday magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe.
Al-shabaab oo subaxnimadii hore ee saaka weerar ku qaadday degmada Balcad ayaa saacado gacanta ku hayay magaalada sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.
Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa isaga baxay Balcad kadib dagaal khasaare dhaliyay oo dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab.
Sidoo kale weli faahfaahin lagama helin khasaaraha ka dhashay dagaalka Balcad ku dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay weheliyaan AMISOM.
PUNTLAND POST
The post Al-shabaab oo saaka mudda kooban qabsaday magaalada Balcad appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Golaha Badbaadada iyo Hogaan toosinta Galmudug ayaa dhawaan lagu dhawaaqaya, sida uu shaaciyey Wasiirkii hore amniga ee maamulkaas, Axmed Macalin Fiqi.
Axmed Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa bulshada reer Galmudug iyo siyaasiyiinteeda ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan Golahaas oo lagu badbaadinayo maamulkaas oo uu raagadiyey hogaan xumo iyo colaado soo noq-noqday.
Madaxweyne Qoor-Qoor oo asagu hogaamiyo maamulka Galmudug ayaa lagu eedeynaya in uu si weyn uga gaabiyay hogaaminta maamulkaas iyo in deegaanada uu ka taliyo uga mashquulay rabitaanka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoor-Qoor ayaa inta badan waqti ku qaata magaalada Muqdisho oo xilligana uu ku sugan yahay, wuxuuna juhdi badan ku bixiyaa hoos u dhigista culesyada soo wajaha Villa Somalia oo la fahamsan yahay inay xilkaaas geysatay.
Tan iyo markii uu hogaaminta Galmudug la wareegay waxaa ragaadiyay colaado soo noq-noqday iyo xiisado uu ku guul dareystay wax ka qabashadooda.
Dhaq-dhaqaaqan cusub ee looga soo horjeedo hogaaminta Qoor-Qoor ma aha midkii u horeeyay ee lagu dhawaaqo, waxaana hore u jiray dadaalo maamul kale loogu sameynayo Galmudug, kaasi oo ka baxsan gacanta Qoor-Qoor.
9-kii bishan unbey aheyd markii magaalada Caabudwaaq lagu qabtay shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug, kaasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen.
Shirkaas oo xilligaas ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii.
Qoor-Qoor ayaa lagu eedeynayaa inuu dhageysan waayey tabashada beelaha maamulkaas, si weyna uu ugu gaabiyay adeegyadii aas-aasiga ahaa iyo dhismaha Galmudug loo wada dhan yahay.
Arrimahan oo dhan ayaa qeyb ka noqonaya dhibaatooyin dhowr ah oo maamulka Galmudug oo u wajahaya, kuwaasi oo ah dhanka amniga iyo maamulka ah oo uu horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor.
Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:
iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click siiThe post Gole Badbaado ‘oo looga dhawaaqayo’ GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
-
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay Madaxweyne Farmaajo kala hadashay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Ra’iisul wasaare Rooble.
War ka soo baxay Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo lagala hadlay xiisadda taagan islamarkaana lagu boorriyay in deg deg lagu xalliyo Arrintaas.
Maraykanka ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu taageero dedaallada Ra’iisul wasaare Rooble ku doonayo hirgelinta Doorashada i loo dhamaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo degdeg a.
“Waxaan ku ta’kiidiyay in ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ahaadaan xiisadda taagan, waxaana ku boorriyay Madaxweyne Farmaajo in uu taageero Ra’iisul wasaaraha si uu ugu yeero Golaha Wadatashiga Qaran si loo dhamaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo degdeg ah” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.
PUNTLAND POST
The post Maraykanka oo Farmaajo ku boorriyay in uu taageero Rooble appeared first on Puntland Post.
-
Mareykanka ayaa markale si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.
War ka soo baxay kaaliya xoghayaha arimaha dibadda ee qaaradda afrika Mary Catherine Phee ayaa sheegtay in ay xiriir la sameyay Farmaajo iyo Rooble.
Kaaliyaha ayaa sheegtay in farmaajo ay ugu baaqeen in uu joojiyo hadalada hurinta keenaya ee ka soo baxa xafiiskiisa.
“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.
Phee ayaa sidoo kale sheegtay in ay qadka taleefanka kula hadashay Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, waxa ayna shaacisay in mareykanku uu taagrayo dadaalada uu ka wada doorashada.
“Waxaan shalay la hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si aan hoosta uga xariiqo taageeradeena ku aadan dadaalladiisa uu ku qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran si loo saxo khaladaadka doorashada, si deg deg ahna loogu soo geba-gebeeyo doorashooyin xalaal ah. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada xiisad abuurka ah, ciidamada amniguna waa inay ahaadaan dhex-dhexaad,” ayey tiri.
Hadalka Mareykanka ayaa ku soo aday xilli uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhaxeeyo Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Roobel.
Goobjoog News
-
Jaamac Maxamed Qaalib ilaahay cimriga iyo caafimaadka ha u siyaadiyo eh wakhtigii adkaa ee lagu jiray dagaalka wuxu ahaa geesi. Halka uu geesinimo ka gaadhay isagoo Muqdisho jooga oo Wasiir ka ah xakuumaddii Siyaad Barre ayuu hadana SNM ahaa xidhiidh toos ahna la lahaa Gudoomiyaha SNN Axmed Silaanyo wax kasta oo Muqdisho laga wadona isagu u soo gudbin jiray SNM. Ilaahay baa igaga sareeya eh mar maaha oo laba maaha oo xataa sadex maaha ee way ka badan tahay inta anigu aan afka Axmed Silanyo ka hayo isagoo qiraya geesinimada Jaamac. Waana wax uu kaga duwanaa saaxiibadiisii kale ee ay ka wada tirsanaayeen xukuumadii markaa jirtay
Dabcan way jirtaa in aragridiisu ay gaar ahayd intii ay Somaliland jirtay, weliba laga yaabaa in ay weli sidii tahay, oo uu taageersan yahay Federaal Somaliland iyo Somalia ah sidaana isagu u arko danta. Waa aragridiisa shakhsi marka aynu Dastuurka Somaliland ku dhaqmayno qofna dambiile kuma noqdo aragtidiisa siyaasadeed, fikirkiisa, midabkiisa iyo xataa diintiisa.
Aniga aanu kala aragti ahaano balse waan ku ixtiraamayaa aragtidiisa gaarka ah ee aniga tayda ka duwan. Hadii sidaa aan sheegayo aanu ahayn ee dimbiile yahay anigu marna ma difaaco shakhsi dambiile ah ee waxa la hor gayn lahaa Maxkamad sharci ah go’aankeedana aan sharci u arki lahaa. Taasina may dhicin markaa ma cid nacaybkeeda iyo jacaylkeeda ayaa dembiile lagu noqdaa oo aan ka aqbali karaa? Ha u fadhiyin.
Malaha Cabdiraxmaan baa loo jeedaaye sharaf bay u tahay hadii Jaamac uu gurigiisa ku booqday waanan ku amaanayaa
-
The US on Wednesday urged Somalia's president and prime minister to take steps to reduce tensions as a bitter feud between the two leaders continued.
-
Kenya's President Uhuru Kenyatta and US Secretary of State Antony J. Blinken on Tuesday held talks with peace in Ethiopia and Somalia topping the agenda.
-
Police in the Somali capital Mogadishu on Wednesday dispersed protesters showing support for the country's prime minister, who remains defiant as a political impasse continues in the Horn of Africa country.
-
Musharaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani oo booqasho ugu tagay Siyaasi Jaamac Maxamed Qaaalib Hoyguu ka degan yahay magaalada Hargaysa.
Musharaxa madaxwayne ee xisbiga wadani cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi “cirro” ayaa booqasho ugu tagay siyaasi gen, jaamac maxamed qaaalib “jaamacyare” hoyga uu ka degan yahay magaalada hargaysa.
Musharax cabdiraxmaan ciro ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulan iyo arimaha ay ka wada hadleen. Isagoo qoraal uu kaga hadlay kulan ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan:-
Waxa aan booqasho ugu tagay hoyga uu ka deggan yahay Magaalada Hargeysa Sarreeye Gaas Proff Jaamac Maxamed Qaalib [ Jaamac Yare] oo hore u soo qabtay xilalka Wasiirnimo, Taliyayaal Ciidan, haddana ah Qoraa & Bare Jaamacadeed oo runtii ka mid ah dadka faro ku tiriska ah ee keydinta iyo raad-raaca taariikhda Somaliland & Soomaalida xilkasnimo iska saaray.Jaamac Yare, markasta oo aan kulanno, ogaalkayga wax weyn buu ku soo kordhiyaa, doorkanna amuuro culeyskooda leh baan ka sheekeysannay. Ilaahay Cimriga & Caafimaadkaba ha u kordhiyo. Aamiin. -
Mukhtar Roobow oo lagala baxay hoygii lagu hayay
Xogo Sir-doon oo soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaanka hay’adda NISA, ay xalay hoygii uu xabsi-guriga ku ahaa kala baxeen Mukhtaar Roobow, kaas oo 1,112, [Kun, boqol labo iyo tobon] maalmood, isaga oo aan la geyn wax maxakamad ah, u af-duubn Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.
Sida ay xoguhu muujinayaan, lama garanayo halka la geeyay iyo sababta looga saaray hoygii muddada lagu hayay oo ku dhex yaala Xarunta Nabad-sugidda ee Habar Khadiijo, halkaas oo sidoo kale lagu hayo Xasan Daahir Aweys, oo ahaa hoggaamiyihii Ururkii Xisbul-Islaam.
Tallaabada NISA, ayaa ku soo aadeysa, wax yar kadib markii Wasiirka Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur, uu eedeysane Yaasiin Farey, oo ku magacaaban ku simaha agaasimaha NISA, ku wargaliyay inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xarigga Roobow.
Wax yar kadib, markii uu bannaanka u soo baxay amarka Wasiirka Amniga, waxaa iyana la baahihay jawabta Taliska Nabad-sugida, taas oo lagu sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu yahay Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree.
NISA ayaa intaa ku dartay in Roobow ay bil walba ku bixiso 7,000 oo dollar, isla markaana ay booqasho ugu imaanayeen qoyskiisa saddexdii sano ee la soo dhaafay oo uu xabsi guri ku ahaa magaalada Muqdisho.
Hayeeshee, xubno ka tirsan qoyska Roobow, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay, hadalka NISA, waxayna xuseen in Mukhtaar loo diiday taleefanka gacanta iyo in dadkiisu la kulmaan.
“Qof Mobile, Computer iyo Internet heysta ayaa Online jaamacad ka dhigan kara, saddexdaasna ma heysto Sheekh Mujhtaar”. Ayuu yiri qof ka mid ah qoyskiisa.
Waraaqda ka soo baxda NISA, waxaa lagu sheegay in Roobow, uusan buuxin shuruudihii lagama maarkaanka ahaa, hayeeshee, waxaa la xasuustaa inuu si aan gambad lahayn u sheegay inuu si buuxda uga soo horjeedo fikirka Al-Shabaab, taasina ay sabab u noqotay in ay dhowr jeer ku weeraraan degaanka Aabal oo 18 kiiloomitir u jira Xuddur, halkaasoo uu iyaga kaga gambanayay wixii ka danbeeyay 2013-kii.
Bartamihii bishii 8-aad ee 2017, Mukhtaar Roobow, oo warbaahinta kula hadlay hotel ku yaala Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in xubinnimada Al-Shabaab uu ka baxay 5 sano iyo 7 bilood ah xilligaas.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga Soomaaliya, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa wareysi uu hore u bixiyay ku sheegay in Mukhtaar Roobow cali ‘Abuu Mansuur’, uu u xiran yahay, eedeysane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
-
Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Shaqasiyada Jaamac Max’ed Qaalib & Mawqifkiisa
JANARAL JAAMAC MAXAMED QAALIB WUXU AHAA GEESI LA QIRAY XILIYADII UGU ADKAA EE DAGAALKU SOCDAY. WAA KUMA NINKA DIIDI KARAA?Jaamac Maxamed Qaalib ilaahay cimriga iyo caafimaadka ha u siyaadiyo eh wakhtigii adkaa ee lagu jiray dagaalka wuxu ahaa geesi. Halka uu geesinimo ka gaadhay isagoo Muqdisho jooga oo Wasiir ka ah xakuumaddii Siyaad Barre ayuu hadana SNM ahaa xidhiidh toos ahna la lahaa Gudoomiyaha SNN Axmed Silaanyo wax kasta oo Muqdisho laga wadona isagu u soo gudbin jiray SNM. Ilaahay baa igaga sareeya eh mar maaha oo laba maaha oo xataa sadex maaha ee way ka badan tahay inta anigu aan afka Axmed Silanyo ka hayo isagoo qiraya geesinimada Jaamac. Waana wax uu kaga duwanaa saaxiibadiisii kale ee ay ka wada tirsanaayeen xukuumadii markaa jirtayDabcan way jirtaa in aragridiisu ay gaar ahayd intii ay Somaliland jirtay, weliba laga yaabaa in ay weli sidii tahay, oo uu taageersan yahay Federaal Somaliland iyo Somalia ah sidaana isagu u arko danta. Waa aragridiisa shakhsi marka aynu Dastuurka Somaliland ku dhaqmayno qofna dambiile kuma noqdo aragtidiisa siyaasadeed, fikirkiisa, midabkiisa iyo xataa diintiisa.Aniga aanu kala aragti ahaano balse waan ku ixtiraamayaa aragtidiisa gaarka ah ee aniga tayda ka duwan. Hadii sidaa aan sheegayo aanu ahayn ee dimbiile yahay anigu marna ma difaaco shakhsi dambiile ah ee waxa la hor gayn lahaa Maxkamad sharci ah go’aankeedana aan sharci u arki lahaa. Taasina may dhicin markaa ma cid nacaybkeeda iyo jacaylkeeda ayaa dembiile lagu noqdaa oo aan ka aqbali karaa? Ha u fadhiyin.Malaha Cabdiraxmaan baa loo jeedaaye sharaf bay u tahay hadii Jaamac uu gurigiisa ku booqday waanan ku amaanayaa -
Ninkii asaasay Unugtii khaarajisey Usama Bin Laden oo dhintay
Richar Marcinko ayaa geeriyooday isaga oo 81 jir, wuxuuna ku galay taariikhda ciidanka Maraykanka in uu ahaa ninkii asaasay, islamarkaasna tabobaray unugta ciidamada Navy Seal ee yaqaano, gaar ahaan Unugta lixaad ee samaysay hawlgalkii lagu dilay hoggaamiyihii Al Qaacidda Usama Bin Laden.
Waxa uu ka qeybqaatay dagaalkii Vietnamn, isaga oo heley wax ka badan 30 billadood
Qaabkiisa hoggaamineed ee go’aan adeega ayaa la sheegay in ay keentay in guulo badan laga gaaro hawlgalo la sameeyay. Balse qaar ayaa ku eedeeyay in uu abuuray dhaqan arxandarro ah ee ciidanka dhexdiisa.
Mar ayaa jirtay dacwad wax is dabomarin ah lagu furey, iyada oo xabsiga la dhigay muddo kooban.
Waxa uu hormuud ka ahaa dajinta qorshaha argagaxiso la dirirka ee Maraykanka,
Wuxuu ku dhashay Lansford, sanadkii 1940-kii, halkaas oo ah magaalo yar oo ku taala gobolka Pennysylvania, waalidkiis waxa ay ahaayeen muhaajiriin ka yimid dalka Slovakia iyo Herzogovina, iyada oo dhammaan raggii qoyskooda ka tirsanaa ay ahaayeen kuwa ka shaqeeya godadka macdanta.
Mar uu hadlay ayuu sheegay in xitaa raggaasi qoyskiisa ka tirsan aysan awoodin in ay iibsadaan kabo.
Buug uu qorey ayuu ku sheegay in markii uu Vietnam ka dagaalamayay in madaxiisa la dhigay lacag badan oo abaalmarin ah qofkii soo dila, isaga oo wareysi uu siiyay Majalladda People uu ku sheegay in dowladda Maraykanka ay ka hor istaagi jirtay in uu laayo dad badan maadaamaa uu dhanka dagaalka ku fiicnaa.
Markii uu dhacay afduubkii shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Tehran 1980-kii, waxa madax looga dhigay unugtan cusub ee Lixaad taas oo uu isaga tabobaray, si ay u samayso hawlgal soo furasho ah.
Waxa uu buuggiisa ku sheegay in marka unugtiisa ay tagaan meelaha baararka qamriga in si ula kac ah ay dagaal gacan ka hadal ah u kicin jireen, sababtoo ah wuxuu aaminsanaa in isu hiilinta xubnaha unugta ay muhiim u ahayd wadajirkooda.
Militariga Maraykanka ayaa markale u xilsaaray in uu asaaso unug lagu magacaabo Red Cell, taas oo ujeedku ahaa in ay tijaabiso heerka sugnaanta amniga ee goobaha ciidamada iyo dowladda Maraykanka.
Waxa uu ku guuleystay in uu bambaanooyin ku rakibo Diyaaradda Madaxweynaha ee air Force One isaga oo aysan cidi ogaanin, sidoo kale wuxuu u dhacay xarunta Hubka Nuyuukleerka Maraykanka.
Wuxuu ka rusqeystay ciidanka sanadkii 1989-kii, isaga oo qorey buugga The Rogue Warrior, kaas oo laga iibsaday malaayiin xabbo. Kaas oo xitaa laga sameeyay barnaamijka ciyaaraha internetka oo isla magacaas leh 2009-kii.
-
Warbixinta Sanadlaha ah ee Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa banaan ee Somaliland 2021
Maanta oo ay bishu tahay 29, December, 2021, xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay soo saartay war bixin teedii xuquuqal insaan ee sanadka 2021.
Warbixinta xarunta xuquuqal insaanka madaxa banaan ee 2021, wuxuu nuxur keedu yahay oo ay la xidhiidha tacadiyo xuquuqal insaan oo dalka gudihiisa ka dhacay sanadkan.
Sanad walba xaruntu waxa ay soo bandhigta tacadiyo iyo gefaf xuquuqal insaan oo la xidhiidha arrimo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay diiwaan galiso inta u dhaxaysa bilaha January – December.
Waxa jira xaalado soo noqnoqda oo ah tacadiyo Xuquuqal Insaan, ku waas oo si joogto ah u dhaca laga soo bilaabo 2013, xaruntu waxay si toos ah ula socatay heer ka ay joogto dhowrista xuquuqada aadamaha ee Somaliland.
Xaruntu waxay si weyn uga walaac santahay in sanadkan 2021, uu noqday sanadkii ugu xadhiga badnaa marka la barbar dhigo sanadihi hore xadhigyadi ay xaruntu diiwaan galisay.
Cabudhinta aragtiyaha, xadhiga warbaahinta madaxa bannaan iyo xadhigyo tiro badan oo sharci daro ah ayaa waxay caadi iyo caado ka noqdeen Somalilandgudaheeda.
Xaruntu sanadkan waxa ay diiwaan galisay 114 qof oo dhammaantood sifo aan sharci ahayn oo dastuurka khilaafsan loo xidhay.
Dadkasi waxay isugu jiraan 13, suxufi, 10 siyaasi iyo 91 qof oo kale oo bulshada inteeda kale ah.
Dadka loo xidhay inay aragtidooda cabireen seddex ka mid ah ayuu xukun maxakamadeed ku dhacay , kuwa soo oo kale ah gudoomiye ku xigeenki Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani, Wali Cabdi Jamac oo lagu xukumay laba sano iyo laba bilood oo xadhig ciqaabeed ah, Cabdilaahi Cabdi Jaamac (Abwaan Qanciye) oo lagu xukukumay hal sano iyo seddex bilood oo xadhig ah iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim oo is na hal sano lagu xukumay.Dadka dhammaan tood waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen ama ay warbahinta la wadaageen
Arintaas oo runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyada Somaliland.
Waxa sidoo kale warbixinta ku xusan tacadiyo boolisku dad shacaba kula kaceen kuwaas oo aanay jirin cid loo xidhay amaba loo maxkamadeeyay.
Sidoo kale war bixinta waxa ku jira xaalada maxabiista iyo saldhigyada dalka, oo runtii cidhiidhi badani ka jiro, iyado xilagan ay jiraan xaalado caafimaad daro oo uu sababay xanuun ki covid-19.
Dhanka kale warbixinta xaruntu waxay tilmamaysa xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka dalka gudihiisa ku baro kacay.
Warbixinta waxa sidoo kale ku jira tacadiyada ka dhanka ah haweenka.
Waxa mudoyinkan dambe soo batay tacdiyada haweenka ka dhan ah taaso ay sabab ay u tahay inaanu jirin xeer iyo qawaaniin gaar u ah oo lagu xakameeyo amaba lagu tacaala.Talo soo jeedin.
Ugu danbeyn xaruntu waxay dowladda Somaliland usoo jeedinaysaa arrimahan hoos ku xusan.
• In la joojiyo xadhiga lagula kaco warbaahinta madaxa banaan, siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyahooda cabira ee dowlada dhaliila.• In la ixtiraamo xuquuqaha uu dastuurku damaanad qaadayo, ee laxidhiidha xoriyada hadalka iyo aragti dhiibashada.
• In booliska dib u habayn balaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifaha siyaasadaysan ee marar badan loo adeegsado.
• Sidoo kale in la helo cid ka garnaqda khaladaadka iyo tacadiya booliska marar badan u gaysto bulshada.
• In la dhowro xuquuqda maxaabiista saldhigyada ku xidhan lana daryeelo.
• In ay dowladu hoos eegto lana socoto xaalada ay ku sugan yihiin dad ka dalka gudihiisa ku barakacay.
• Ugu danbayna xaruntu waxay soo jeedinaysa in xeer lagu xakameeyo loo helo tacadiyada haweenka ka dhan ah.
Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka..
-
Washington (Caasimada Online) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa shaaca ka qaaday inay la hadashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.
“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.
Phee ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay wada-hadallo la yeelatay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
“Waxaan shalay la hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si aan hoosta uga xariiqo taageeradeena ku aadan dadaalladiisa uu ku qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran si loo saxo khaladaadka doorashada, si deg deg ahna loogu soo geba-gebeeyo doorashooyin xalaal ah. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada xiisad abuurka ah, ciidamada amniguna waa inay ahaadaan dhex-dhexaad,” ayey tiri.
Tallaabada uu Mareykanka qaaday ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay taageerada Rooble, iyo in laga hortagao isku dayada uu Farmaajo mar kale ku carqaladeynayo doorashada.
Dowladda Mareykanka ayaa horey sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.
“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya. Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibeddda, isniintii.
Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:
iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click siiThe post Mareykanka oo shaaciyey arrin ay ka dalbadeen Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey ayaa beeniyay hadal ay ehellada Mukhtaar Rooboow ku sheegeen in warbixinta uu kasoo saaray xaaladdiisa ay tahay mid aan sax aheyn.
Yaasiin Farey oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ku sugan yahay guri ku dhexyaalla xarunta NISA, amnigiisuna uu sugan yahay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu badan ee NISA ay tahay in isaga la ilaaliyo.
Waxa uu sheegay in noloshiisa iyo amnigiisa ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.
Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow.
Isagoo ka hadlayay kuwa ay yihiin shuruudaha aanu buuxiin Mukhtaar Rooboow, waxa uu Gashaanle Sare Yaasiin Farey sheegay “In haddii qofka la wanaajiyo aysan ka dhigneyn inuu shuruudaha uu wada buuxiyay.”
Wuxuu intaas ku daray inaysan hadda Mukhtaar Rooboow aysan u heynin arrimo siyaasadeed, balse loo hayo amnigiisa iyo ilaalinta amniga dadweynaha, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kale oo uu sheegay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey in Mukhtaar Rooboow oo la sii daayo ay ku xiran tahay isaga iyo dowladda guud, sida uu hadalka u dhigay.
Ehellada Mukhtaar Robow, ku-xigeenkii hore ee ururka Al-Shabaab oo muddo saddex sano ah u xirnan dowladda Soomaaliya ayaa beeniyey hadal kasoo baxay ku simaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).
Yaasiin Farey oo ka jawaabayay dalab la xiriiray xaaladda Rooboow uu uga yimid wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Maxmed Nuur ayaa jawaabtiisa ku sheegay in Roobow uu halis ku yahay bulshada iyo inay si joogto ah ugu yimaadaan, soona boqodaan qoyskiisa, xaaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbado.
Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:The post Yaasiin Farey: Ma jirto wax nagu kallifaya inaan ka been sheegno xaaladda Rooboow appeared first on Caasimada Online.
Xog: Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif oo wada dadaal ay ku bad-baadinayaan Farmaajo
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – Mowqifka Musharaxiinta kala ah Sheekh Sharif Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ku yimid isbeddel weyn saacadihii la soo dhaafay, kadib markii ay kulan is-afgarad ku soo dhamaaday la qaateen madaxweynaha dowlad Goboleedka Galamudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijisay in kulankii galabti Talaadada ka dhacay hoyga Qoor Qoor la isla meel dhigay in laga hortago dagaalka la doonayo in Villa Somalia looga saaro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Qoor Qoor ayaa kulanka ka xusay in uusan oggolaan doonin mas’uul ay isku heyb yihiin oo uga saameyn bata siyaasadda xilligan, sidaas darteed ay tahay sababta uu Farmaajo u difaacayo.
“Rooble haddii wax walba gacanta loo geliyo awooddiisa waxaa ka faa’ideysanaya Cabdikariin Guuleed, Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo dagaalka ku gacan siiyay,” ayuu Qoor Qoor ku kaftamay, sida aan kasoo xiganay xubno ku dhow kulanka.
Sheekh Sharif oo Xasan Kheyra ku kaftamaya ayaa Rooble ku tilmaamay “Saddex sano shacbiyad aad ku sameyn weysay ayuu maalmo kooban ku sameeyey.”
Saddexda masuul ayaa kala qaatay howlaha ay ku fulinayaan qorshahooda, si loo badbaadiyo Farmaajo.
1- Xasan Cali Kheyre iyo Ciidanka Siigaale
Ciidamado dhowr iyo toban gaari ah oo warbaahinta la hadlay gelinkii dambe ee Isniinta oo u badan beesha Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xarun ka sameystay deegaanka Siigaale ee ku dhow madaxtooyada ayaa laga saaray aagagii ay ka yimaadeen, ayada oo la rumeysan yahay in Kheyre uu arrintaas ka shaqeeyay.
Arrintaan ayaa su’aal gelineysa awoodda ciidanka Badbaado Qaran oo la aaminsan yahay inay yihiin waxa ugu badan oo cadaadiska ku hayey Farmaajo, balse qorshahan ayaa sabab u noqon kara in awoodda Farmaajo ay dib u soo laabato.
2- Kulanka Sharif iyo Rooble
MAdaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed ayaa isla habeenkii Talaadada kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo geeyay farriintii kulankii Qoor Qoor kasoo baxday.
Kulanka oo saacad iyo bar socday ayuu Shariif ku dadaalay in uu xog badan ka helo qorshaha xiga ee Rooble, isaga oo aan u furin arrinka wada-hadalka Farmaajo, balse sida aan ku ogaanay xogta markii uu ku laabtay Qoor Qoor ayuu sheegay in “Rooble yahay nin fogaaday oo ay tahay in Farmaajo la caawiyo.”
Sidoo kale howsha Shariif loo diray ayaa waxaa kamid ahayd arrimaha ciidamada.
Tallaabooyinkan ay billaabeen labada musharrax oo ku qancay in ay awoodda Rooble la xaddido ayaa xagal daacin kara dadaallaada Midowga masharaxiinta ee ahaa in Farmaajo laga saaro Villa Somalia kahor doorashada, iyada oo dhanka kale laga yaabo in ay taageero badan ku waayaan maadaama ay u muuqato in Rooble uusan wada-hadal geli doonin.
Rooble ayaa waxaa ka go’an in Farmaajo laga saaro Villa Somalia, si ay doorasho u dhacdo, wuxuuna qaataa go’aan ah inaysan labadooda dalka wada xukumi karin, balse waxa uu wajahayaa dhabar-jebinta Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif, haddii aan loo midoobin sidii looga badbaadi lahaa.
Android: Halkan Click sii
The post Xog: Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif oo wada dadaal ay ku bad-baadinayaan Farmaajo appeared first on Caasimada Online.