Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Xildhibaan ka jawaabay Hadallo xajiimeysan oo ka soo yeedhay Ex-maayar Muraad oo Shaaciyey in Burco laba maayar yeelanyso
     suldaan-1.jpg
    Burco laba maayar yeelan mayso ee mayor keliya ayey leedahay.
    Xubnihii hore ee golaha deegaanka Burco waxaan leeyahay magaallada mudanayaal kale ayaa loo doortay oo ka masuula.
    Burco waxay leedahay mayor la doortay, wixii ka khaldama annagaa la xisaabtamayna oo saxayna, dalku na sharci buu leeyahay ee ixtiraama. Xurmo iyo ixtiraam baa naga mudan tihiin ee sharafta ha iska qaadina oo ha ka hadlina hawl aan laydiin igman.
    Xil. Suldan Nuh

    Qaran News


  2. WAXA UMUSHA U DAN AH AYAA
    ILMAHANA DAN U AH
    guray.png
    Hadii ay run tahay oo Madaxwayne Muuse uu doonayo in SOMALILAND uu ka bedbaadiyo khilaaf siyaasi ah oo heer xun gaadhi kara waa in doorashooyinku sida ay u kala horeeyaan aan waxba laga bedelin. Sadexda doorashona waxa horeeya labada dastuuriga ah waa ta Guurtida oo mudaysan in ay qabsoonto bisha May 2022 iyo ta Madaxtooyada oo mudaysan bisha November eh. Doorashada sadexaad oo ay ku tartami doonaan sadexda xisbi qaran iyo ururo siyaasadeed waa in ay ka dambayso oo aan mudnaanta laga siinin labada hore ee dastuuriga ah oo aan hore looga soo dhigin wakhtigeeda oo ah December. Hadii daacad laga yahay oo ay noqoto in mid wakhtigeeda wax yar dib loo riixo ta sadexaad ee ugu dambaysa ayaa ku haboon in wax yar dib looga dhigo wakhtigeeda. Waa hadii ay lagama maarmaan noqoto. Wixii kaleba waa in dalka la geliyo asqo iyo jahowareer siyaasadeed oo aan loo baahnayn lagana badbaadin karo.
    Hadii uu Madaxwayne Muuse isagu qaska iyo wareerkaba doonayn oo aanu dano gaar ah ka lahayn waa suurogal in doorashooyinku ay u kala qabsoomi karaan sida ay u kala horeeyaan.
    Murti soomaaliyeed baa tidhaa “waxa Umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah” Waxan uga socdaa waxa Madaxwayne u dan ah waxa shacbigiisa dan u ah”. Waa marka uu yahay laakiin madaxwayne u danaynaya dadkiisa ee aan isagu gaar uga danaysanayn.
    Siyaasi Cali Guray

    Qaran News


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo war ka soo saaray khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa tilmaamay in Farmaajo uu maanta sameeyey waxa uu ugu yeeray ‘is-miidaamin siyaasadeed.’

    Cabdi Qeybdiid ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Farmaajo uu qorsheynayey in god-dheer uu ku rido dalka oo qalalaase siyaasadeed uu abuuro, balse dawada dalkaan ay tahay doorasho oo kaliya.

    “Madaxweynaha Mudo Xileedkiisu Dhamaaday Waxa uu maanta ku dhaqaaqay waxaa lagu macneen karaa kaliya iney tahay ismiidaamin siyaasadeed,” ayuu Cabdi Qeybdiid qoraal uu soo saaray ku yiri.

    Qoraalka Senator Qeybdiid ayaa intaas ku sii daray, “Waana isku day uu ku doonayay inuu dalka ceel dheer ku rido uuna ku abuuro qas iyo qalalaase siyaasadeed, meeshana uu ka saaro nidaamkii iyo hanaankii uu ku waday Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa Doorasho daah furan Iyo inuu bur buriyo hanaankii dowladeed ee mudada dheer lasoo dhisaayay. Dawada Dalka Waa Doorasho.”

    Qoraalka Senator Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo aaday, iyadoo saraakiishii ciidanka badbaado qaran ay shir jaraa’id ku qabteen meel u muuqata Madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo ku goodiyey inay soo qabanayaan Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

    Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban ciidanka, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

    Senator Cabdi Qeybdiid ayaa siyaasad ahaan aad ugu dhow Ra’iisul wasaar e Rooble, waxuuna qeyb ka yahay geed-fadhigiisa dhanka siyaasadda.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Senator Cabdi Qeybdiid: Farmaajo wuxuu sameeyey ismiidaamin siyaasadeed appeared first on Caasimada Online.


  4. Maayarkii hore ee Burco oo abaabulay kacdoon Dhalinyaro ay isku beel yihiin,Kuna Hanjabay in Burco laba Maayar yeelanayso

    Burco Laba Maayir ayay Yeelanaysaa haduu sidan ka dayn waayo Magaalada Inanka yari,
    Sidii Qadaafi ayaa loogu galayaa Meesha”..waxaa sidaa ku hadaaqay Ex-Maayar Muraad

    Maayarkii Hore Ee Magaalada Burco Muraad Oo Caawa Isagoo Horkacaya Koox Dhalinyaro Ah Oo Uu Soo Abaabulay ayaa Wacad Ku Maray In Magaalada Burco yeelan Doonta laba Maayar Isagoo Eedaymo Culusna Kula Dul Dhacay Maayarka Magaalada Burco Cabdirasaaq Heero oo isagu Xilka hayay mudo 4bilood iyo waxoogaa ah.

    muraad-1.png

    Ex Maayar Muraad ayaa Isagu Magaalada burco maayar ka Ahaa Mudo 9sanadood ah Iyadoo Mudadaa Uu Xilka Hayay Aanay hore udhicin cid kamid ah golihii hore ee lala doortay Amaba bulshada reer burco oo qaab qabyaaladaysi utidhi hadal Caawa kasoo yeedhay oo kale.

    Duqa-degmada-Burco.jpg

    Sidoo kale Hadalka kasoo yeedhay Maayarkii hore ee Magaalada Burco Oday Muraad ayaa umuuqday Mid uu ku kala Qaybinayo shacabka reer burco qaab qabiilaysan,

    Bulshada ku dhaqan guud ahaan gobolka togdheer iyo Guud Ahaan shacabka reer somaliland ayay fajiciso ku noqotay Hadalka kasoo yeedhay  ex maayar muraad oo warbaahinta Kasoo muuqday isagoo dhalinyaro abaabulan horkacaya kuna Hanjabaya burco in ay  laba maayar  yeelan doonto, taasi oo Wajiyo badan bulshadu fasilatay.

    Dhanka kale hadal maayarkii hore Ee Magaalada burco ugu Mudada dheer kasoo yeedhay ayaa dadka siyaasada sida dhow Ula socdaan ku fasileen in uu ahaa mid dhiilo xanbaarsan Islamarkaana Ififaalo u ah qorshe siyaasadeed oo lala Xidhiidhiyay In xukuumadu lug ku leedahay Kaasi oo ay ku Lamaan yihiin ujeedooyin qorsoon ay ka leedahay kuwaasi oo la Doonayo in bulshada reer burco lagu kala qaybiyo amaba looga Dan leeyahay shacabka reer burco in loo kala fadhiisiyo laba Daamood, amase hadii aynu si kala udhigno East Burco Clan iyo Habar Yoonis Si bulshada looga mashquuliyo in ay danahooga Iyo horumarka burco Uga mashquulaan qaab hayb hayb ah Taasi oo hore ay ugu soo macaasheen siyaasiyiin iyagu Ilaashanaya dantooda gaar ah,balse aan ka fikirayn horumarka Shacabka ay ku xeeran yihiin duruufaha nololeed, iyagoo Ujeedadoodu tahay sidii ay ukala taageeri lahaayeen xisbiyo ku Suntan hanaan qabiil, oo aan midna ka shaqaynayn danta Shacabka reer burco.

    Isku soo wada Duub oo waxaa  laga war sugi doonaan jawaabta Ay ka bixiyaan haldoorka reer burco iyo xukuumada xisbiga Kulmiye ee talada dalka haysa oo maayar muraad ka mid yahay Shakhsiyaadka taageerada xisbiga kulmiye ku abtirsan isagoo Hore hadalo xanafle oo la xidhiidha arimo siyaasadeed Warbaahinta ka sheegay, wallow dad qaar dhawaaqa Ex Maayar Muraad la xidhiidhiyeen in uu Hormuud uyahay qorshe Ay danbeeyaan xubno kamid ah xukuumada uu gadhwadeenka Ka yahay madaxwayne biixi ee xisbiga kulmiye oo iyagu uga Danle in aanay isku soo dhawaanin shacabka reer burco si ay Uga faa,iidaystaan kala qaybsanaantooda laguna jaangooyo hanaan Qabyaaladaysan.

     

     

    Qaran News


  5. Kismaayo  (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan ka socota doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

    Kursigii ugu horreeyey oo la qabtay doorashadiisa HOP#203 ayaa waxaa kusoo baxay Dr. Xamza Barre oo loo doortay ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee dalka.

    Dr. Xamza oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee ka shaqeeyey dib u doorashada Axmed Madoobe ayaa ehlay 69 cod, halka musharraxii la tartamayayna uu isna helay 17 cod, sidoo kale 15 cod ayaa halaabay, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Jubbaland.

    Sidoo kale waxaa kursiga labaad ee HOP#082 ku guuleystay Cabdirashiid Jire Qalin oo isna ahaa wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dowlad goboleedka Jubbaland.

    Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, iyada oo la guda-galayo s afarta kursi ee kale ee loo qorsheeyey in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaallo xeebeedka Kismaayo.

    Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhanka kale ballan-qaaday inuu u qabanayo musharixiinta tartan furan oo cadaalad ah.

    Qabashada doorashada lixdan kursi ee ka imaanaya Jubbaland, ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka uu ku jiro xaalad kacsanaan ah oo ka dhalay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

    Si kastaba, Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada taageerada u muujiyey ra’iisul wasaaraha, waxaana doorashada ay qabaneyso ay ku garab istaageysaa Rooble oo haatan doonayo in la dadajiyo doorashada, si loo soo dhammeystiro xubnaha baarlamaanka dalka.

    270400342_159160353106182_31090771379898 270181342_159160399772844_13489642082822 270240307_159160386439512_65925237550317270520077_4870039959721323_2059159522837 270315555_159160346439516_35504026386678270313585_159154363106781_74774425390673

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Jubaland oo dooratay 6 xildhibaan – Yaa soo baxay? appeared first on Caasimada Online.


  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhaceysa doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

    Sida uu guddiga doorashada maamulkaasi shaaciyey kuraastan afar ka mid ah waxaa u tartamaya rag, halka labada kale loo xiray dumarka si lool ilaaliyo qoondada haweenka.

    Musharixiinta ayaa marka hore la siin doona hadal jeedin, iyada oo kadib la guda-galayo tartanka doorashada iyo codeynta, waxaana kursigii dooranaya illaa 101 ergo ah.

    Kuraasta loo tartamaya ayaa kala ah HOP#082, HOP#108, HOP#113, HOP#134, HOP#203 iyo HOP#217, kuwaas oo la filayo in saacaha soo socda la qabto doorashadooda.

    Dhinaca kale guddiga doorashada ee Jubbaland ayaa ballan-qaaday in uu qabanayo doorasho tartan furan oo si siman loogu qabanayo musharixiinta xil-doonka ah.

    Waa kuraastii ugu horreysay ee ay Jubbaland qabaneyso doorashadooda, iyada oo sidaas ku noqoneyso maamulkii saddexaad ee guda-gala doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

    Qabashada doorashada lixdan kursi ee ka imaanaya Jubbaland, ayaa kusoo aadeyso, xilli dalka uu ku jiro xaalad kacsanaan ah oo ka dhalay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

    Si kastaba, Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada taageerada u muujiyey ra’iisul wasaaraha, waxaana doorashada ay qabaneyso ay ku garab istaageysaa Rooble oo haatan doonayo in la dadajiyo doorashada, si loo soo dhammeystiro xubnaha baarlamaanka dalka.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

     

    The post Doorashada lix kursi oo ka tirsan G/Shacabka oo maanta ka dhaceysa KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.


  7. FB_IMG_16406486520058537.jpg?resize=715%Roble (fourth from left) with members of the National Consultative Council.

    Mogadishu (PP News Desk) — If the planned summit for the National Consultative Council takes place in Mogadishu issues that Federal Member States will have to thrash out include what the US Embassy in Mogadishu termed “observed shortcomings”.

    Leaders of the Federal Member States and the Union of Presidential Candidates may not agree on what constitutes “shortcomings”. The articles in the electoral agreement give Federal Member States powers to conduct selection of MPs. They have managed to persuade the Federal Government of Somalia to cede more powers to the parliaments of the Federal Member States to select Senators. This decision was the seed of the “observed shortcomings” alluded to by Somalia’s International Partners when they have called for credible elections.

    VideoCapture_20211228-025951.jpg?resize=Colonel Gayla, a clan militia leader in Mogadishu, has asked for Roble, the PM, to give militias the green light to attack Villa Somalia.

    Critics of the Federal Government of Somalia argue that Villa Somalia influences Galmudug, Hirshabelle and South West State. They regard Puntland and Jubaland as less susceptible to alleged political pressures from the Somalia Presidency. Such accusation could unite Federal Member States against the Union of Presidential Candidates who enjoys the nominal stakeholder role in the electoral process. As one Presidential Candidate recently said “the electoral process is due for revision”. This seems unlikely given the timescale of elections and the selection process of the remaining MPs.

    Overlapping powers of the Prime Minister of Somalia and Federal Electoral Implementation Team complicate the electoral process. “It is in the national interest of Somalia to end the political rift to conduct credible elections. Mogadishu is teetering on the brink of civil war. Troops are divided“ said a political journalist in Mogadishu. A group of organized clan militias has asked Roble to authorize them to evict President of Somalia from Villa Somalia.

    © Puntland Post, 2021

    The post Stakeholders to “address” Irregularities in the Somali Electoral Process appeared first on Puntland Post.


  8. FB_IMG_16406286771834619.jpg?resize=624%President Mohamed suspended powers of the Roble, the PM, on grounds of corruption allegations.

    Mogadishu (PP News Desk) — The Bureau of African Affairs at the State Depart denounced “the attempted suspension of” the Somalia Prime Minister Mohamed Hussein Roble, and threatened to “act against those who obstruct Somalia’s path to peace.” Meanwhile, the US Embassy in Mogadishu called on “leaders to de-escalate tensions and refrain from all provocations or use of force”.

    IMG-20211228-WA0001.jpg?resize=1000%2C92 IMG-20211228-WA0002.jpg?resize=1000%2C91

    A joint statement by the International Partners of Somalia emphasized the convening of a meeting by the National Consultative Council to conduct elections “that will enjoy the confidence of the Somali people.”

    IMG-20211228-WA0000.jpg?resize=706%2C102

    The second phase of the electoral process is underway at the Federal Member States to select MPs following the selection of Senators conducted without the oversight of Federal Electoral Implementation Team in line with the electoral agreement.

    © Puntland Post, 2021

    The post The State Department Denounces ‘Suspension’ of Somalia PM appeared first on Puntland Post.


  9. Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada ee dowladda Mareykanka ayaa Madaxweynihii hore Farmaajo u soo jeedisay in la joogo waqtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorasho deg deg ugu qabsoonto.

    Xildhibaan Ilhaan oo gabar Soomaali Mareykana ah waxay ka tirsan tahay xisbiga talada dalkaas haya ee dimoquraadiga, waxayna xubin ka tahay guddiga arrimha dibadda ee golaha wakiillada dowladda Mareykanka. 

    “Farmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,” ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

    Warka Xildhibaan Ilhaan ayaa ku soo aaday iyadoo xalay dowladda Mareykanka ay sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxuuna Mareykanku si cad uga horyimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

    “Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda.

    “Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran looga baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

    Waa qoraalkii ugu kululaa ee Mareykanka kasoo saaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu si toos ah taageero ugu muujiyo mid ka mid ah dhinacyada is-haya.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Ilhaan Cumar oo ku baaqday in Farmaajo iska baxo appeared first on Caasimada Online.


  10. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

    “Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda. 

    “Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran loogu baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada. 

    Waa qoraalkii ugu kululaa ee Mareykanka kasoo saaro xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, islamarkaana uu si toos ah taageero ugu muujiyo mid ka mid ah dhinacyada is-haya.

    Qoraalkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, wuxuuna tusmeynayaa in caalamka ka qustay xal, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya ay diyaar u yihiin inay toos wax uga qabtaan carqaladda joogtada ah ee madaxweynihii hore.

    Mareykanka ayaa awood u leh xayiraad socdaa iyo mid dhaqaale uu saaro cid kasta oo carqalad ku ah nabadeynta Soomaaliya.

    Caasimada Online ayaa rumeysan in hanjabaadda Mareykanka ay bilow u tahay kuwa badan oo kasoo socda dalalka daneeya Soomaaliya, gaar ahaan dalalka Yurub.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Mareykanka oo si buuxda u taageeray Rooble, soona saaray hanjabaad culus appeared first on Caasimada Online.


  11. IMG-20200802-WA0006-768x1024.jpg

     

    Saddam xuseen oo ahaa madaxweynihii sharciga ahaa ee dalkii la odhan jiray Iraq ilaahay ha u naxariisto e.
    Madaxweynahaas oo reer galbeedku ku dileen shirqool aan hore oga dhicin dunida carbeed, iyaka waa reer galbeedka e u gacan geliyay dalkii Iraq kooxo budhcad ah oo laga maamulo Iran.

    Aan u soo gonda dego dulucda dhacdadan iga yaabisay ee aan odhan karo waa dhacdo aan hore oga dhicin dunidan casriga ah gaar ahaan dunida saddexaad.
    Macallin wax ka dhiga jaamicadda Baqdaad ayaa waxuu arkay arday qishaya imtixaankii ka dibna warqadii ayuu ka qaaday imtixaankiina wuu ka saaray.

    Ardaygaasi waxuu ahaa madaxweyne Saddam inaabtigii seedigiisna ah, ardaydii imtixaanka fadhiday ayaa waxay ka naxeen macallinkan iyo badda uu galay.
    Lu’ay Dalfaax oo saddam inaabtigii iyo seedigii muu tegin ee macallinkii banaanka ayuu ku sugay isaga iyo afar saaxiibadiis ihi.

    Macallinkii markuu soo baxay ayay si arxan daro ah u garaaceen shantii wiil ee kibirku indho tiray isla markaana gacan ayay ka jebiyeen macallinkii.
    Hadaba macallinkii markuu kacay ee miyirkii ku soo noqday waxuu go’aansaday inuu u kaco xagaa iyo madaxtooyadii.
    Madaxweyne saddam oo xoog mashquulsanaa ayuu muddo sugay.

    Markii uu macallinkii madaxweynii la kulmay ee uu waxii ku dhacay iyo ciddii u gaysatay uu ka waramay, madaxweynihii xoog u cadhooday ayuu amray in la soo qabto wiilashii oo hortiisa la keeno.
    Madaxweynihii waxuu macallinkii ku amray inuu garaaco shantii wiil oo inabtigii ku jiro mid walbana uu gacan ka jebiyo.

    Macallinkii markuu arkay go’aanka madaxweynihii qaatay waxa uu codsaday inuu saamaxo da’yartan hasa yeeshay waxuu madaxweynihii amran in ilaaladiisii gaarka ahayd garaacdo wiilashan ku tacadiyay macallin waajibkiisii gudanaya isla markaasna mid walba gacan ka jebiyaan lagana duubo falkan cajalad lagana sii daayo TVga dalka si aan mar danbe caruurta madaxdu dhashay aanay ugu kibrin shacabka Iraq.

    Hadaba madaxweynahaas oo reer galbeedku ku sheegeen keligii taliye sidaas ayuu dadkiisa ugu xaqsoori jiray, somaliland oo uu ka taliyo madaxweyne la doortay farna lagu ridayo, maxaa ka dhaca ee ay caruurta madaxdu dhashay qaarkood ka sameeyaan hargeisa.

    Shacabka reer somaliland ayaan u dhaafayaa faalada iyo dhacdooyinka dalka ka dhaca ee aanu madaxweynaha la doortay waxba ka odhan.

    Qore:
    Ibrahim Duale Sulaiman

    tallaabo25@gmail.com

    Qaran News


  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi, afhayeenka Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka wajaabay eedeyntii afgembiga ee maanta loo jeediyey Farmaajo ayaa ku tilmaamay been abuur iyo wax aan meesha oolin.

    Cabdirashiid oo la hadlay VOA ayaa sheegay in waxyaabaha laga hadlay ay ahaayeen fashilkii ku yimid doorashada, balse aysan madaxtooyadu qaadin wax tallaabo militeri ah, isagoo ra’iisul wasaaraha ku eedeeyey ku takrifalka hanti dan-guud ah.

    “Maadaama ra’iisul wasaaraha uu ku yimid kiis culus, waxaan rejeyneynaa inuu ka dabaasho oo sugo inta baaritaanku ka dhamaanayo, intaas ka horna waa la hakiyey awoodiisa iyo shaqadii ka socotay xafiiskiisa,” ayuu yiri Cabdirashiid Duqa.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in maanta wax shaqaaqo ah aysan ka jirin madaxtooyada oo shaqo maalmeedkii caadiga ahaa uu ka socday, “Waxaa jira ciidan madaxtooyo, waana ciidanka ugu anshaxa badan ciidamada qaranka, maanta in laga been abuuro ciidankaasna, waa qalad ku dhacay dowladnimadeena,” ayuu yiri afhayeenka Farmaajo.

    Sidoo kale Cabdirashiid ayaa qaar ka mid ah wasiirrada Soomaaliya ku eedeeyey inay isku dayeen inay ciidan la soo galaan madaxtooyada, taas oo mamnuuc ka ah, isla markaana talaabadaas ay diideen ciidanka ilaalada madaxtooyada. sida uu sheegay C/Rashiid Xaashi.

    “Rooble isgoo ka dhex hadlaya madaxtooyada, hadii uu leeyahay waa la ii diiday madaxtooyadii, waa alif wax maleh iyo waxbuu leeyahay warkiisu,” ayuu yiri.

    Afhayeenka Farmaajo ayaa sharci darro ku tilmaamay hadalkii Ra’iisul wasaare Rooble ee ahaa in ciidanku aysan ka amar qaadan karin Madaxweynaha, isagoo sheegay in Taliyaha ugu sareeya ciidamada Qaranka uu yahay Madaxweyne Farmaajo.

    “Fashilka ku yimid doorashada lama sii eegan karo 14 bilood kadib, arrimaha maanta nahor yaalla waa kuwo sharci iyo siyaasad looga dabaalan karo, ma ahan arrimo ciidan iyo xoog lagu xali karo , arrimaha doorashooyinkana shirweyn ayuu madaxweynuhu iclaamiyey, kaas ayaana lagu go’aami doonaa jihada xigta ee la aadi doono,” ayuu yiri Afhayeenka Farmaajo Cabdirashiid Duqa.

    Hoos ka dhageyso wareysiga

    https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/12/07405256-379f-4ea2-8dea-4f4dcc852d70_16k-1.mp3

    The post DEG DEG: Villa Somalia oo ka jawaabtay afgambigii la sheegay in Farmaajo uu isku dayey appeared first on Caasimada Online.


  13. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa madaxda Soomaaliya loogu baaqay inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daan-daansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida dalka.

    “Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay beesha caalamlka.

    Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

    Saaxiibada beesha caalamku waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.

    Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah.

    Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhiimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed.

    *Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Beesha Caalamka oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  14. FB_IMG_16406286771834619.jpg?resize=624%President Mohamed (left) cracking a joke with Roble, the Somalia Prime Minister in Mogadishu.

    (Commentary ) — The renewed rift between the President of Somalia and his Prime Minister emerged when almost all electoral milestones have been achieved. Prime Minister Mohamed Hussein Roble could have responded to allegations of corruption made by the Navy Commander without instructing the Security Minister to restrict movement of the Navy Commander. Roble did lend undue credence to the allegations. Mere denial of allegations could prevent political rift.

    Roble should remember the 2020 UN Security Council position on the process to effect a change of administration in Somalia. The claim made by Roble that he is the head of state violates the draft constitution and pushes Somalia toward a second state collapse.

    There are technical issues that have to re dealt with prudently. If the possibility of the incumbent President overseeing the electoral process is absurd and unacceptable, the possibility that the Prime Minister is getting too close to the Union of Presidential Candidates is alarming. The Electoral Model has undergone several revisions, with the end result being more administrative powers for Federal Member States. This should have been seen as an outcome that ensures more transparency compared to Vision 2016.

    The decision to fire members of the arbitration committee was not legally justified; it was politically motivated. The Prime Minister’s task is to avoid being seen as a campaign manager for the incumbent President or a PM rigging the election for the Union of Presidential Elections. Rather then accusing the President of seeking an unfair electoral advantage over other Presidential Candidates Roble ought to reiterate that his job is to act impartially and that he favours neither the incumbent President nor any other Presidential Candidate.

    Roble lacks capable communication advisers. Since Federal Member States are conducting the selection of the MPs, a daily or weekly briefing on the progress will assure stakeholders of the integrity of the elections. Let the Federal Member States finalise the selection of MPs to move to the election of the speakers of the bicameral legislature and, subsequently, the President.

    F. A. Ainanshe

    The post Poor Strategic Communication Caused the Renewed Political Rift in Somalia appeared first on Puntland Post.


  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiishii ciidanka badbaado qaran oo hadda shir jaa’id ku qabtay meel u muuqata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku goodiyey inay soo qabanayaan Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

    Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

    Sidoo kale sarkaalkaan oo shirka jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee barta Control ee u dhaw taalada Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada dalka ayaa sheegay in hadii dagaal dhaco aysan burburi doonin wax ka badan halka kilo mitir ee Farmaajo uga jiro Muqdisho.

    “Dhowr bilood ka hor ayaan ka tagnay halkaan, kadib markii uu na amray R/Wasaare Rooble, xiligaas waxaan ogeyn in Farmaajo uusan ka bixi doonin madaxtooyada, balse waxaan qadarineynay ra’isul wasaaraha, maanta ma laaba doono, anagoo soo qaban Farmaajo, isagaa nagu kalifaya inaan soo qabano,” ayuu yiri sarkaalkaan.

    Ciidanka badbaado qaran ayaa Rooble ka codsaday inuu ku fasaxo inay soo qabtaan Farmaajo, “Waxaan ka codsaneynaa Rooble in waqti dambe uusan noo soo qaban oo uu naga hor wareego, Rooblow hana gaarsiin inaan anagu kala dhimano,” ayuu yiri.

    Sarkaalka u hadlay badbaado qaran ayaa intaas ku sii daray, “ Waxaa idiin cadeynayaa hadii burbur dhacaayo, waxaa burburi doona halka KM ee Farmaajo ku jiro, intaan ka badan nagu sii xad gudbi maayo, bulshadana waxaan ka codsaneynaa garab istaag.”

     

    The post DEG DEG: Ciidamada Badbaado Qaran oo qabsaday xaafado ku dhow Vill Somalia appeared first on Caasimada Online.


  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa si adag uga hadlay isku deygii ciidan ee saaka looga hor istaagay Ra’iisul Wasaaraha in uu tago xafiiskiisa.

    Al-Cadaala ayaa sheegay in ciidamadii gudaha u galay xafiiska Rooble ay markii hore sameeyen amar diido, kadib markii ay la hadleen wasiiradii iyo taliyayaashii ciidamada, ayaga oo qaadanaya amarka madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

    “Ciidamadii qalabka siday qeybo kamida ah ayaa loo isticmaalay inay xoog ku qabsadaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo halka ay xukuumadda ka shaqeyso, iyaga oo isticmaalaya beebayaashii ciidamadii xooga dalka,” ayuu yiri.

    “Markii dambe ayaa lagu guuleystay in qeybo kamid ah dib uga baxaan ciidamada, taasi oo keentay in ra’iisul wasaaraha uu yimaado xafiiska, waxa magaalada ka socda khilaaf iyo wax labo shaqsi isku hayaan oo caadi ah maaha waa xukun ku maroorsi si sharciga ka baxsan, taasina wax aan afgembi aheyn uma naqaan.”

    Waxa uu intaas kusii daray in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uusan laheyn sharciyad uu shaqada kaga joojiyo Ra’iisul Wasaaraha, maadama ay dhamaatay muddadii sharciga ahaa ee loo doortay kursiga uu ku dhagan yahay.

    “Ra’iisul wasaaraha waa xukuumad xil-gaarsiin ah oo dastuurka ayey ku qoran tahay, mudada u dhaxeysa marka uu dhamaado hay’addaha xilka haya iyo inta ay ka imaaneyso dowlad cusub oo sharci ah oo lasoo doortay, taas ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka shaqeynaya.”

    Hadalkan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu saaka isku dayay in awood ciidan uu Ra’iisul Wasaaraha uga hor istaago xafiiskiisa, kadib shaqo joojintii sharci darada aheyd ee uu xalay saqdii dhexe soo saaray, kaasi oo fashilmay.

    Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

    The post Al-Cadaala oo faah-faahiyey sida ay maanta wax u dhaceen appeared first on Caasimada Online.


  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay xiisadda u dhaxeyso madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Ra’isulwasaare Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii uu qaaday Farmaajo.

    “ Sida wasiirka Amniga faahfaahiyey dalkaan waxaa Maanta ka dhacay Afgambi dhicisoobay, afgambigaas waxaa geystay oo ka shaqeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

    Wasiirka ayaa sababta Farmaajo ku kaliftay inuu tallaabadaan qaaday ku sheegay inay tahay sidii uu u boobi lahaa doorashada isagoo ciidamada Dowladda u diray digniin culus.

    “ Dhibaatada intaas la eg sababta loo marayo waa dareemi kartaan waa doorashada darteed, waxaana dhammaan ciidamada Qalabka sida ugu baaqeynaa inaysan ka qeybgelin falalka noocaan oo kale ah, intii saaka isku dayday inay la wareegto xafiiska Ra’isulwasaaraha waxaan ku eegi doonaa il gaar ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

    Wuxuu ciidamada faray inaysan qaadan amarka madaxweynaha watigiisa dhammaaday wuxuuna yiri “ Waxaan uga digeynaa ciidamada inaysan ku gadsoomin qaadashada iyo fulinta amarada madaxda danta gaarka ah ka leh arrimaha doorashada, waxaana rabnaa inaan dalka mar labaad meel mugdi ah loo celin”.

    Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadayo xilli ciidamo ka amar qaato madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay isku dayeen inay xoog kula wareegaan xafiiska Ra’isulwasaare Rooble.

    Ra’isulwasaare Rooble ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inuu tago xafiiskiisa isagoo ay garbaha ka taagan yiihiin taliyayaasha ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga.

    The post Wasiirka Gaashaandhiga ” Waxaa farayaa dhammaan ciidamada inaysan qaadan amarka Farmaajo” appeared first on Caasimada Online.


  18. Xubno ka tirsan Golaha Degaanka Caasimadda Garoowe ayaa maanta oo Isniin ah u codeeyay in la iibiyo Xarunta Dowladda Hoose.

    Kulan ay isu’gu yimaadeen 24 xubnood oo ka tirsan Golaha Degaanka ayaa dood kadib cod loogu qaaday in la iibiyo Xarunta Dowladda Hoose ee Garoowe.

    14 xubnood oo kamid ah Golaha ayaa u codeeyay in la iibiyo Xarunta waxaana diiday 10 xubnood sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

    Go’aankan ayaa lagu wadaa in la hor-geeyo Kal-fadhiga soo socda ee Baarlamanka Puntland si ay u ansixiyaan.

    PUNTLAND POST

    The post Xubno u codeeyay in la iibiyo xarunta Ddgmada Garoowe appeared first on Puntland Post.