Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,347
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismayo (HOL) – Jubbaland forces have taken full control of Raskamboni, a strategic town in Somalia's Lower Jubba region, following fierce clashes with federal troops, a regional official said Thursday. Source: Hiiraan Online
  2. Ankara (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay heshiiska ay xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku gaareen Ankara, kaas oo uu fududeeyey madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Itoobiya ayaa marka hore si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo. Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay isku raaceen in ay billaabaan wada-xaajoodyo farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah. Haddaba sidee looga fal-celiyay heshiiska Somalia iyo Itoobiya? Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa fal-celintiisa ku yiri “Waa heshiis mirodhal ah haddiiba ay xabashidu aqbashay ilaalinta madaxbanaanida dalkeenna”. Yuusuf A. Xasan “Ethiopia waa cadow halkaas hanooga harto qiiro jabankii hadda waa soo dhammaaday”. Cabdiraxmaan Haariz “Wan ku faraxsanahay in aan ka guuleysanay xabashida dhul boobka waday”. Siyaad Maxamed Dool “Lama kulmaayo oo mahor fariisanayo Abiy, illaa uu ka laabto MOU-ga sidaan miyaa ka dambeysay?, Allow Alle”. Magan Warfaa “Xasan go’aan malahan Abiy go’aankiisa wuu cad yahay inuu marin biyood helo kamana tanaazulin, laakiin madaxwaynaha go’aan malahan”. Maxamed Shiiqow “Waa guul weyn haddiiba lagu qasbay Ethiopia inay ka laabato heshiiskii MOU, runtii waa guul usoo hoyatay Somali Maxamed”. Mascuud Cilmi “Wixii 1000 sano ka badan Itoobiya ee xoog nooga qaadi waysay bay maanta si fudud qalin nooga qaadatay”.
  3. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQORDHupeSB70mErONl0aaVlE52DVort6gpLVSWDI9xMYQPlqx21IHXj3XA2WEcshberTK_BEGFVNRSRUr6XBumK.mp4 Qaran News
  4. Waxaa maanta degan xaaladda deegaanka Raaskambooni oo shalay ay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhaxeeyay ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland. Ciidanka Jubbaland ayaa gacanta ku haya deegaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay ka saartay magaalada. Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab. Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose. Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba. Source: goobjoog.com
  5. Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanka Raaskambooni oo ay shalay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana guud ahaan deegaanka la wareegay daraawiishta Jubbaland. Xaaladda ayaa haddaxasilloon, waxaana deegaanka iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada Jubbaland oo fariisimo cusub ka sameystay halkaasi. Jubbaland oo war qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in wax dhibaato ah aysan ka jirin deegaanka, isla markaana uu soo galay gacanteeda. Sidoo kale waxa ay ku eedeysay ciidamadii dowladda federaalka ee la geeyay halkaasi in muddada ay joogeen ay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen aagga Raaskambooni. “Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa diyaaradaha ku geeyeen deegaanka nabada ahaa ayaa inta ay joogeen Shacabka ugeysanayay dhac iyo boob lkn Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland ayaa arintaas ka hortagay soona afjaray Shalay galinkii dambe” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Jubbaland. Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay deegaanka, waxayna u gudbiyeen dhinaca dalka Kenya, waxaana barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda. Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah. Si kastaba, waxaa Jubbaland ay ku dhawaaqay inay gebi ahaan soo afjartay howlgalkeeda ku aadanaa Raaskambooni, gebi ahaana ay ka saartay ciidamadii dowladda, taas oo meesa ka saaray dhaq-dhaqaaq culus oo labadii todobaad ay ka wadday dowladda federaalka.
  6. AQNkfpAAq8ixoJv2YnKuKVqHcKTUmeIFxYmBWwyerUleS4iUCX6KtIvz_3xG1q9MbLMvcRJDQfda7gX7UG8bx_qJ Qaran News
  7. Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dagaalkii Raaskambooni ku dhex-maray ciidamada Dowladda Federaalka iyo Jubaland uu ka dhigan yahay dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. Dagaalkaas ayaa horseeday in ciidamada dowladda ay isaga baxaan Raaskambooni, iskuna dhiibaan ciidanka Kenya ee ku sugan xuduudda. Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan aheyn Khawaarijta Al-Shabaab. “Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay dowladda. Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee dhex maray Ciidan Soomaaliyeed oo walaalo ah, lehna hal cadow oo ah argagixisada dhibaatada ku ah dadkeenna waxa uu muujinayaa xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda, hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada. Sida aan marar badan ka dignay, waxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna. Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxagaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagan samata-bixinta Dastuurka dalka, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, si wadajir aynu uga gudubno caqadaha haysta qarankeenna oo ay ugu horreyso wiiqidda awoodda ciidamada, laalidda dastuurka, musuq-maasuqa iyo hubanta la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dalka.
  8. Mogadishu (HOL) — A two-day workshop organized by EUCAP Somalia and the Ministry of Fisheries and Blue Economy in Mogadishu aims to empower women in Somalia’s fisheries sector by addressing systemic barriers and fostering leadership opportunities. Held on December 9-10, 2024, the event drew participants from across the industry to discuss challenges and create pathways for sustainable development. Source: Hiiraan Online
  9. Ferran Torres scored twice as FC Barcelona claimed a valuable 3-2 win away to Borussia Dortmund that moves it closer to assuring direct qualification for the last-16 of the UEFA Champions League. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) – Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has expressed deep concern over the recent clashes between federal government forces and Jubbaland troops in Raskamboni, Lower Jubba region. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — Jubbaland forces captured the strategic border town of Raaskambooni on Thursday. Jubbaland officials claim that more than 40 soldiers from the Somali army's elite Gorgor unit surrendered during the operation, marking a major setback for the Federal Government of Somalia in its efforts to assert authority over the area. Source: Hiiraan Online
  12. Somalia and Ethiopia affirmed each other's sovereignty, unity and independence in a joint declaration, Türkiye's Communications Directorate said Wednesday Source: Hiiraan Online
  13. Clashes erupted on Wednesday between forces from Somalia's federal government and the semi-autonomous Jubbaland region, raising concerns that internal rivalries are diverting attention from the fight against the al Qaeda-linked al Shabaab group. Source: Hiiraan Online
  14. ANKARA, Turkey (AP) — Ethiopia and Somalia agreed on Wednesday to hold “technical talks” to resolve a dispute sparked by Ethiopia’s deal with Somalia’s breakaway region of Somaliland, according to a statement following talks in Turkey. Turkey has been mediating between the two east African countries as tensions between them have simmered since Ethiopia signed a memorandum of understanding with Somaliland in January to lease land along its coastline to establish a marine force base. In return, Ethiopia would recognize Somaliland’s independence, which Somalia says infringes on its sovereignty and territory. A joint declaration was reached after Turkish President Recep Tayyip Erdogan met separately with Somali President Hassan Sheik Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Wednesday. It says the sides agreed the talks, which would begin by February 2025 and conclude within four months, would respect Somalia’s territorial integrity while recognizing “potential benefits” of Ethiopia’s access to the sea. The declaration also says the sides would work to “finalize mutually advantageous commercial arrangements” to allow Ethiopia “to enjoy reliable, secure and sustainable access to and from the sea,” under Somalia sovereignity. Somaliland seceded from Somalia more than 30 years ago, but is not recognized by the African Union or the United Nations as an independent state. Somalia still considers Somaliland part of its territory. Over the years, Somaliland has built a stable political environment, contrasting sharply with Somalia’s ongoing struggles with insecurity amid deadly attacks by al-Qaida-linked militant group al-Shabab. In November, Somaliland held a presidential election that gave a boost for its push for international recognition. With a population estimated at over 120 million, Ethiopia is the most populous landlocked country in the world. Turkey has previously hosted two rounds of talks between the African nations’ foreign ministers but a third round, expected in September, was delayed, raising concerns of escalating tensions. Erdogan, flanked by Mohamud and Abiy, told reporters at a late night news conference in the Turkish capital, Ankara, that the sides have reached an “important stage” in efforts to solve their dispute. The joint declaration, Erdogan said, focuses “on the future and not the past.” “By overcoming some resentments and misunderstandings, we have taken the first step toward a new beginning based on peace and cooperation between Somalia and Ethiopia,” Erdogan continued. He also said he hoped Somalia would take steps to give Ethiopia sea access. Turkey has previously hosted two rounds of talks between the African nations’ foreign ministers but a third round, expected in September, was delayed, raising concerns of escalating tensions. Erdogan, flanked by Mohamud and Abiy, told reporters at a late night news conference in the Turkish capital, Ankara, that the sides have reached an “important stage” in efforts to solve their dispute. The joint declaration, Erdogan said, focuses “on the future and not the past.” “By overcoming some resentments and misunderstandings, we have taken the first step toward a new beginning based on peace and cooperation between Somalia and Ethiopia,” Erdogan continued. He also said he hoped Somalia would take steps to give Ethiopia sea access. Qaran News
  15. Kenya is now on high alert after fighting broke out in Somalia's semi-autonomous Jubbaland region that neighbours Kenya along the Somali border. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa gaaray heshiis ku saabsan xallinta Khilaafkii labada dal, kaddib markii uu dhex-dhexaadiyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku heshiiyay in Itoobiya marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato, kadib markii loo maro heshiis ku dhisan hannaan ganacsi oo laba geesood ah. Labada dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay dhawrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dal, taasi oo ku salaysan is-qaddarin iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana meesha ka saaraysa tallaaba kasta oo waxyeellayn karta midnimada iyo wadajirka labada waddan. Heshiiskani ayaa dhigaya in labada dowladood bilaabaan wada-hadallo farsamo, si loo helo marin badeed ammaan ah, oo ay Itoobiya ku gaarayso badda Soomaaliya, kaasi oo bilaaban doona ugu danbayn bisha Febraayo ee sannadka 2025, ayna fududeyn doonto dowladda Turkiga. Wada-hadallada, waxaa lagu dhammaystiri doonaa mudda 4 bilood ah, si loo gaaro heshiis rasmi ah oo u ogolaanaya Itoobiya in ay marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato. Halkaan ka akhriso Heshiiska labada dal PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ku heshiiyay in Itoobiya la siiyo marin badeed appeared first on Puntland Post.
  17. The Somalia team has revived their title hopes in the Boys category at the on-going Zonal CAF African Schools Football Championship in Uganda. Source: Hiiraan Online
  18. ANKARA, Turkey (HOL) — Ethiopia and Somalia have agreed to resolve a year-long diplomatic feud in a historic agreement brokered by Turkish President Recep Tayyip Erdogan on December 11, 2024. The deal, reached after marathon negotiations in Ankara, seeks to ensure Ethiopia's access to the sea while respecting Somalia's territorial integrity. Source: Hiiraan Online
  19. Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulankan oo saacado badan socday ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saarey, ayna yihiin taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida , midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal. War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya. Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga waxaa labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, si waafaqsan sharciga caalamiga ah. DFS waxay si mug leh ugu mahadnaqeysaa Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dagaalkii Raaskambooni ku dhex maray ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland uu muujinayo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. “Waxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda, hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo. “Sida aan marar badan ka dignay, waxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxagaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagan samata-bixinta Dastuurka dalka, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, si wadajir looga gudbo caqadaha haysta dalka a oo ay ugu horreyso wiiqidda awoodda ciidamada, laalidda dastuurka, musuqmaasuqa iyo hubanta la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dalka. Halkaan ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Farmaajo PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore Farmaajo oo ka hadlay jabkii Raaskambooni kaga dhacay ciidamada dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Turkish President Recep Tayyip Erdogan said the leaders of Somalia and Ethiopia had reached a deal to end a nearly year-old bitter dispute following hours of talks in Ankara on Wednesday. Hailing it as a “historic agreement,” Erdogan said he hoped the deal would be “the first step towards a new beginning based on peace and cooperation between Somalia and Ethiopia.” Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed and the Somali President Hassan Sheikh Mohamud flew into Ankara earlier on Wednesday for the latest round of Turkish-brokered talks following two earlier rounds that made little progress. The two neighbors have been at loggerheads since landlocked Ethiopia struck a deal in January with Somalia’s breakaway region Somaliland to lease a stretch of coastline for a port and military base in exchange for recognition, although this was never confirmed by Addis Ababa. The move sparked a fierce diplomatic and military row between Ethiopia and Somalia, which branded the deal a violation of its sovereignty, setting international alarm bells ringing over the risk of renewed conflict in the volatile Horn of Africa region. Speaking at a joint press conference, Erdogan said he believed that Wednesday’s agreement, which came after talks that reportedly lasted eight hours, would eventually bring about a way to ensure landlocked Ethiopia’s access to the sea. “I believe with the meeting we had today, especially with Ethiopia’s demands to access the sea, my brother Sheikh Mohamud will give the necessary support for accessing the sea,” he said. Speaking alongside him, his remarks translated into Turkish, Ethiopia’s Abiy said: “We have addressed the misunderstandings that have occurred over the past year.. Ethiopia wants safe and reliable access to the sea. This will also benefit all our neighbors.” He said he believed the talks would allow the two nations to enter “the New Year in a spirit of cooperation, friendship and the desire to work together.” The Somali leader, whose remarks were also translated, said the agreement had “put a halt to their differences” and said his nation was “ready to work with the Ethiopian leadership and the Ethiopian people.” Turkey has been mediating between the two sides since July, leading discussions aimed at resolving their differences, but two earlier rounds of talks in Ankara failed to produce any tangible progress. AlArabiya Qaran News
  22. AQNOWR0_1HCjMBk0tRS-4e2PyMWjddkood6m-F6ahnUy9BVA9YKXqH3RlpTjG8bKth9SlQ3OrkDzfjSZGFjMgBzM Qaran News
  23. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Ankara ku saxiixday heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal, kaasi oo uu fududeeyey madaxweyne Erdogan. Itoobiya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka ka soo baxay shirka. War-murtiyeedka Ankara ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay fududeysay Jamhuuriyadda Turkiga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed Cali, 11-kii December 2024, magaalada Ankara. Kulanka oo ku qabsoomay jawi saaxiibtinimo iyo isfaham, ayaa suurtageliyey wada-hadal furan oo wax-ku-ool ah. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay mar kale si cad u xaqiijiyeen xushmad iyo ka go’naantooda ku aadan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka siyaasadeed iyo dhuleed ee midba midka kale, iyo ku dhaqanka qiyamka caalamiga ah ee ku xusan sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Ururka Midowga Afrika. Waxay ku heshiiyeen in ay ka gudbaan khilaafaadka iyo murannadii hore, una dhaqaaqaan waddo wadajir ah oo ay ku raadiyaan horumar iyo barwaaqo wadaag ah iyada oo lagu dhisayo is-ixtiraam iyo saaxiibtinimo dhab ah. Soomaaliya waxay aqoonsan tahay naf-hurnimada iyo dadaalka ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee ka qayb galay hawlgalada Midowga Afrika. Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxya sidoo kale ku heshiiyeen in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo dhammeystiri lahaa heshiisyo ganacsi oo ay wadaagaan faa’iidooyinkooda, heshiisyadan oo lagu gaari doonoqaab laba-geesood ah, ayna ku jiraan qandaraasyo, kirayn, iyo habab kale oo la mid ah, oo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya u ogolaanayo inay hesho marin joogto ah oo sugan oo nabdoon oo ay ku gaarto badda, taasi oo hoos imaneysa maamulka qarannimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in ay billaabaan wada-xaajoodyada farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah. Waxay soo dhaweeyeen taageerada iyo doorka Turkiga ee ku aadan fulinta ballanqaadyadan, waxayna isku raaceen in wixii muran ah ee la xiriira fasiraadda iyo hirgelinta heshiisyadan lagu xalliyo wada-hadal iyo hab nabadeed iyadoo ay gacan ka geysanayso Turkiga marka loo baahdo. Waxay ugu mahadceliyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, dadaalkiisa iyo taageeradiisa joogtada ah ee ku aaddan geeddi-socodkan.
  24. Somalia and Ethiopia have reached a deal to end a nearly year-old bitter dispute following hours of Turkish-brokered talks in Ankara, President Recep Tayyip Erdogan said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  25. Raaskambooni (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay uga hadashay sababtii ciidanka qaranka maanta loogu jebiyey dagaalka Raaskambooni, iyadoo cadeysay in dagaalka ciidamada Jubbaland aan loo bareerin. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga oo warbaahinta dowladda lagu baahiyey ayaa lagu cadeeyey in Axmed Madoobe soo abaabulay weerarkaas, isla markaana lagu soo duulay ciidankii qaranka ee ATMIS kala wareegay xeryaha ay baneeyeen. “Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamada Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS in ay halkaas dib uga baxaan,” ayaa lagu yiri warka dowladda. Dowladda ayaa Axmed Madoobe ku eedeysay in go’aan uu ku gaaray in ciidamada uu isku laayo, halka dowladdu ay dhiigga askarta labada dhinacba ku sifeysay mid qiimo badan. “Tallaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga. Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan aheyn Khawaarijta Al-Shabaab. “Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay dowladda. Caawa Raaskambooni waxaa jooga ciidamada Jubbaland oo ku qabsaday dagaal qaraar oo saakay soo bilowday, kadib markii ay ciidanka qaranka ku weerareen saldhigyadooda. Dagaalkii bilowday saakay ayaa joogsaday gabal-dhicii, waxaana ciidamada Jubbaland u suurtagashay inay magaalada qabsadaan, dhanka xuduuda Kenya ayey u ruuqaansadeen ciidamadii dowladda federaalka ay diyaaradaha ku geysay Raaskambooni. Dowladda ayaa saakay Axmed Madoobe ku eedeysay inuu xiriir la sameystay Al-Shabaab oo ciidankiisa ay soo dhexmareen Khawaarijta si ay u gaaraan Raaskambooni oo weerar ay ku ekeeyeen, halka Jubbaland ay dowladda ku eedeysay in ciidankeeda loo adeegsatay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee ciidanka xoogga dalka.