-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga Amniga Gobolka Bari, oo maanta Shir ku yeeshay magaalada Boosaaso ayaa shaaciyay in ay baaritaan ku samaynayaan dhammaan ajaanibta ku sugan Boosaaso, si loo hubiyo in aysan ka tirsanayn kooxaha Argagixisada ah. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir, oo Warbaahinta u akhriyay go’aannadii ka soo baxay Shirkaasi ayaa sheegay in baaritaan lagu samaynayo dhammaan ajaanibta ku sugan Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari, si loo hubiyo in aysan adeegsan kooxaha Argagixisada ah. “Maadaama kooxaha Argagixisada ah ee lala dagaallamayo u badan yihiin kooxo ajaanib ah, waxaan faraynaa laamaha baarista qaabilsan in ay baaritaan ku sameeyaan dhammaan ajaanibta ku sugan Gobolka, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, si loo hubiyo in aysan adeegsan kooxaha Argagixisada ah ee dagaalka aan kula jirno. Wax badan baa isku soo dhex dhuuntay oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari. Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Dirir ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Boosaaso laga mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato, islamarkaana la joojiyay beesolka lagu dhejiyo muraayadaha gaadiidka, si looga hortago in ay ku dhuuntaan kooxaha Argagixisada ah ee khatarta ku ah Amniga iyo xasiloonida. PUNTLAND POST The post Puntland oo baaritaan ku samaynaysa dhammaan ajaanibta ku sugan magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
The African nation of Djibouti is seeking to deepen its collaboration with Turkiye in the medical sector, Anadolu Agency reports. On Monday, Prime Minister Mohamed hosted the Turkish Transplant Foundation in Djibouti, also the country’s capital, as part of strategic cooperation efforts between the two nations. Discussions centred on the establishment of a National Transplant Centre in the Horn of Africa country, according to state-run daily, La Nation. Mohamed highlighted the importance of expanding access to care for congenital malformations through national partnerships, consolidating organ donation regulations and strengthening public awareness campaigns on organ donation. The Turkish group is supporting a project in Djibouti focused on supervising transplantation practices and enhancing local expertise through training programs and knowledge transfers. To date, 20 Djiboutian citizens have benefited from organ transplants performed in Turkiye. Political, economic and commercial ties between Turkiye and Djibouti have grown steadily in recent years, reinforcing their strategic partnership. Djibouti and Turkiye have strengthened bilateral relations over the years, with cooperation spanning multiple sectors, including trade, infrastructure and healthcare. Turkiye has also been providing medical expertise and training to Djibouti, reflecting the broader scope of their collaborative efforts in fostering regional development and addressing healthcare challenges. MEM Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi has called on opposition leaders to prepare for one-person, one-vote elections, pushing back against criticism voiced during a press conference held Tuesday by former President Sharif Sheikh Ahmed, MP Abdirahman Abdishakur, and Senator Prof. Abdi Ismail Samatar. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa maanta heshiis cusub oo muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho, kadib kulan dhex-maray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad. Labad mas’uul ayaan kulankooda diirradda ku saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee ay si gaar ah Dowladda Soomaaliya mudnaan u siinayso. Sidoo kale kulankan oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, madaxda Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, Safiirada laba Dal ee Soomaaliya iyo Saudi Arabia ayaa waxaa lagu saxiixay heshiis is afgrad ah oo dowladda Sucuudigu ay ku maalgalinayo qodista Ceelal Biyoodyo iyo horumarinayo Reer Miiga. Wasiir Biixi oo faah-faahiyay shirka ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay abuuridda fursado dhaqaale oo lagu maalgalinayo bulshada Soomaaliyeed, si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo wax-soosaarka. “Talaabooyinka horumarineed ee lagu maalgalinayo ilaha dhaqaalaha ayaa ah natiijo ka dhalatay hannaankii deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay ku maamushay waddadii saxnayd” ayuu yiri wasiirku. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, waxaanaay ka wada hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahayeen iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha la maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Labada dhinac ayaa xoogga saaray sidii Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga uu kaalin muuqata uga geysan lahaa, arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga, maadaama uu sanduuqani kamid yahay hey’addaha sida gaarka ah ula shaqeeya dowladda, sidoo kalena uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha dalkeenna ee horseeday in Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey wafdiga ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.
-
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la doonayay in lagu beegsado meelo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Walxahan qarxa oo lagu soo farsameeyay sameecadaha cod baahiyaasha ah , ayaa loogu talagalay in si farsameysan baraha Ciidamada lagu dhaafiyo, balse waa ay suura-geli waysay, oo gacanta ayaa lagu dhigey sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaariga, waxayna farsamadani u muuqanaysaa mid cusub oo qaraxyada lagu soo galinayo magaalada Muqdisho, ayadoo sameecado loo ekaysiinayo. Source: goobjoog.com
-
Hamsa Barre: “One night, the President went to bed and then moved to a very far place called 2060. ‘That is how Somalia is supposed to look in 2060.” Mogadishu (Commentary) — In December last year, Hamsa Abdi Barre, the Prime Minister of Somalia, shared the vision of President Hassan Sheikh Mohamud for a prosperous Somalia. “One night, the President went to bed and then moved to a very far place called 2060. ‘That is how Somalia is supposed to look in 2060’, said the President,” Hamsa intimated. Many people interpreted the Prime Minister’s remarks as a dig at his boss. Others viewed the 2060 vision as unexpected betrayal of trust on the part of Hamsa, who divulged the fanciful plot of President Hassan Sheikh to refashion Somalia in his image. Having lived in Mogadishu since 1991, President Mohamud has adopted the 1990s warlord mentality that caused untold destruction in the capital. Both Ali Mahdi and General Aideed surmised that controlling Mogadishu was akin to controlling Somalia. This political outlook emerged from the transformation of Mogadishu into sub-clan fiefdoms. In the 1990s, militias associated with dominant sub-clans would prevent garbage collection in the hope that a foreign NGO would pay them to allow the disposal of neighbourhood rubbish. Hearing “qashin la ilaashanayo” (garbage under protection) was as ubiquitous as “isbaaro” ,from the Italian word sbara —extortion roadblocks known then as “leejo” (borrowed from the Italian word legge, meaning law). “Leejuu qaadan jiray” (he used to operate an extortion roadblock) was a popular phrase throughout Mogadishu. Stories of people who stumbled upon isbaaro abound. The “dream 2060” vision of President Hassan Sheikh Mohamud for Somalia is undoubtedly a nightmare in the making. Extortion roadblocks existed in both North and South Mogadishu. The division of the capital city into two halves was consummated in New York in 1992, when the UN negotiated a ceasefire agreement between representatives of Ali Mahdi and General Aideed. The South-North division of Mogadishu reconfigured the demographic make-up of the capital city. Many sub-clans associated with the United Somali Congress, the armed front that toppled the military regime in 1991 and carved out fiefdoms in the capital (e.g. aagga sub-clan Y), lost in the new politico-geographical delimitation of Mogadishu. Only the two warring sub-clans loyal to General Aideed and Ali Mahdi Mohamed came out on top in rearranging political power and associated benefits. The road between Wardhiigley and Towfiiq, and Wardhiigley and Boondheere, divided the North and South; it leads to Corso Primo Luglio, which divides Shangaani and Hamar Weyne. Ordinary citizens who happened to belong to a clan in the wrong part of Mogadishu lost their livelihoods and loved ones. The conflict was between political leaders who managed to turn their respective USC militias into loyalists defending their turfs. Mini-warlords filled the shoes of General Aideed and Ali Mahdi until, in 2006, the Union of Islamic Courts emerged and defeated the warlords who, with US support, rebranded themselves as the Alliance for Counterterrorism in Somalia. Ali Mahdi and General Aideed each had a vision of Mogadishu devoid of citizenship rights and peaceful co-existence. The “dream 2060” vision of President Hassan Sheikh Mohamud for Somalia is undoubtedly a nightmare in the making. © Puntland Post, 2025 The post Mogadishu’s Past Haunts the “2060 Dream Vision” of President Hassan Sheikh Mohamud appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta ka hortegay weerar qaraxyo ah oo ay doonayeen in Al-Shabaab ay ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska booliska. Qaraxyada ayaa laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah, balse inta uuna soo gelin gudaha caasimada ayaa waxaa ciidanka ay ku qabteen agagaarka degmada Afgooye. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxafaadeedka. Al-Shabaab ayaa si farsameysan oo yaableh qaraxan kusoo gelin rabtay magaalada Muqdisho, waxayna gaariga kusoo xireen sameecado si aan loo fahmin, balse waxaa ugu dambeyn ku fahmay booliska oo saaka fashiliyay, kadibna burburiyay qaraxyada. “Walxahan Qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaana ay ku talagaleen in si farsameysan Ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurageli waysay maadaama Ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ay adeegsanayaan Khawaariijtu marwalbo” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaarigaa gacanta Boliiska ku jira”. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli sidaan oo kale habeen hore ciidamada ammaanka ay u fashiliyeen isku day Al-Shabaab doonayeen inay weerar uga gaystaan gudaha degmada Daarusalaam, halkaas oo laga maqlay qaraxyo ay dheemish ku sheegtay dowladda dhexe.
-
Hindiya ayaa Arbacadii ballan qaaday inay iskaashi la samayn doonto Afghanistan oo ay maamusho Taliban si ay mashaariic horumarineed uga fuliso waddanka saboolka ah ee soo maray sannado badan oo dagaallo ba’an iyo masiibooyinka dabiici ah. Ballan qaadku wuxuu ka dhashay kulan Arbacadii ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Xoghayaha Arrimaha Dibadda India Vikram Misri iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taliban Amir Khan Muttaqi, iyada oo labada dal ay u socdaan xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dal. Misri wuxuu gudbiyay in New Delhi ay diyaar tahay ka jawaabista baahiyaha horumarineed ee degdegga ah ee dadka Afgaanistaan,” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa sidaas sheegtay ka dib markii uu la kulmay Muttaqi. Taalibaan ayaa shir kadib war ay soo saartay ku sheegtay in labada dhinac ay dib u eegis ku sameeyeen xaalada amni ee gobolka. Mutaqqi ayaa u mahad celiyay ugana mahad celiyay New Delhi kaalmada bini’aadantinimo ee joogtada ah ee ay siiso Afghanistan. “Marka la eego baahida hadda jirta ee hawlaha horumarinta, waxaa la go’aamiyey in India ay ka fiirsan doonto ka qayb qaadashada mashaariicda horumarinta mustaqbalka dhow, marka lagu daro barnaamijka gargaarka bini’aadanimo ee socda,” ayaa lagu yidhi bayaanka Hindiya. Warku wuxuu intaas ku dartay in iyada oo laga jawaabayo codsiga Taliban, New Delhi waxay sidoo kale ogolaatay inay bixiso kaalmo agab ah oo dheeri ah oo waaxda caafimaadka iyo dhaqan celinta qaxootiga Afgaanistaan. Wafdiga Afgaanistaan ”waxay hoosta ka xariiqeen dareenkooda ku aaddan welwelka amniga ee Hindiya.” Labada dal waxay ku heshiiyeen inay sii wada xidhiidhaan oo ay sii wadaan xidhiidhka joogtada ah ee heerar kala duwan, ayay tidhi wasaaradda India. Taliban waxa ay sheegtay in Muttaqi uu u xaqiijiyay wafdiga India in dowladiisa ay wado “siyaasad dibadeed oo dheeli tiran oo ku wajahan dhaqaalaha.” Waxa uu muujiyay rabitaankiisa ku aaddan xidhiidhka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee Hindiya, isaga oo aqoonsanaya muhiimadda ay leedahay sida waddan dhaqaale oo caan ah oo gobolka ah. “Wasiirkeena arrimaha dibadda waxa uu u xaqiijiyay dhinaca Hindiya in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan qof ka soo jeeda Afgaanistaan waxa uuna rajo ka muujiyay xoojinta xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo abuurista tas-hiilaad la xidhiidha fiisooyinka ganacsatada, bukaanada, iyo ardayda,” ayaa lagu yidhi bayaanka Taliban. Source
-
Gudoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku taliyay in aan la soo hadal qaadin arrimaha Soomaaliya gaar ahaan in aan dooda lagu soo darin ka hadlida Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu tilmaamay in uu isgu u baahan yahat Ictiraaf balse aanu waxba haynin. Gudoomiyaha guurtida ayaa sidoo kale ugu baaqay Xildhibaanada golaha inay dooda ka saaraan soo hadal qaadka madaxwaynaha Soomaaliya si aanu fursad ugu helin in la hadal hayo. Waxaanu yidhi. “Doodaha golaheena ee khuseeya arrimaha Ictiraafka, had iyo jeer waxay daba socdaan Xasan Sheekh Maxamuud oo aan isagiiba waxba haynin, Somaliland waa iga mid uun buu doonayaa inay hawadaa ugu jirto oo Soomaaliya ayay ka mid tahay. Markaynu inagii ka doodno wuxu helay meel u uku fidsado, ninkaa waxay ila tahay yaynaa la murmin, yaynaa la doodin dhawaaqiisa isaga ayay jirtaa, adduunkii wuu soo jeestay wuu inala macaamilaa Ictiraafkana wuu daba galayaa in aynu innagu shaqayno oo waliba adduunka aynu ka faa’iidaysano ayaa loo baahan yahay. Markaa yaynaa siinin fursad uu daba ina soo qabsado, Xasan Sheekh isagiibaa Ictiraaf u baahane yaynaa siinin isaga taasi aynu sidaasi u aragfno”. Source
-
Dowladaha dhex-dhexaadinaya Israa’iil iyo Xamaas ayaa sheegay in qarka loo saaran yahay heshiis xabad joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo la heystayaasha reer Isra’il ee ku jira gacanta kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta. Kaddib wadahadallo dheer oo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Masar iyo Qatar, ayay madaxda dowladahaasi Arbacadi ballan qaadeen in ay si dhaw ula socon doonaan hannaanka heshiiska la rajeynayo saacadaha soo socda. Warka sheegaya in qarka loo saaran yahay heshiiska xabad joojinta Gaza, ayaa waxaa xaqiijiyay saraakiil ka kala socda Xamaas iyo Isra’il. Sidoo kale waxaa Isniintii si hor dhac ah u sii sheegay rajada heshiiska, madaxweyne Biden. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Maaded Al-Ansari ayaa Talaadadi u sheegay wariyaasha, in nuqulka heshiiska loo gudbiyay labada dhinac, isla markaana ay wadahadalladu wali socdaan. Laakin sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters xalay u sheegay, in Xamas aysan wali jawaabta ugu danbeysa soo gudbin, sababtoo ah buu yiri, Isra’il masoo gudbin khariirad muujineysa qaabka ay uga baxayaan Gaza. Madaxweynaha Masar iyo Mareykanka, Al Sisi iyo Biden ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay gaarista heshiiska Gaza. Source
-
Waaxda la dagaallanka musuq maasuqa Kuuriyada Koofureed ayaa shaacisay in aroornimadi hore ee Arbacada maanta ah lasoo xidhay madaxweynihi xilka laga xayuubiyay ee dalkaasi Yoon Suk Yeol. Xadhiga Yoon ayaa yimid saacado kaddib marki ay boqollaal ka mid ah baarayaasha waaxdan iyo saraakiil boolis ay galeen hoyga Yoon Suk Yeol. Wuxuu ahaa iskudaygi labaad ee ay ciidamada boolisku ku galaan guriga madaxweynihi hore. Kolonyo gaadiidka booliska oo kasii baxaya guriga madaxweynihi hore ayaa laga arkay muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Yoon ayaa muddo toddobaadyo ah diidaanaa in uu isu dhiibo ciidamada hey’adda la dagaalanka musuqa ee Kuuriyada Koofureed, kuwaas oo ku soo oogay dacwado la xiriira musuq maasuq iyo isku day afganbi, hase yeeshee qareennadiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah ayaa is hor taagay xariga madaxweynihi hore. Yoon Suk Yeol ayaa 3-di bishaan December dul dhigay waddanka Kuuriyada Koofureed amar deg deg ah, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa meesha ka saari lahaa xakunka madaniga ah, awoodda baarlamaanka iyo booliska, taladana ku koobi lahaa kaliya madaxweynaha. Hase yeeshee shacabka iyo baarlamaanka ayaa taasi diiday, waxana ay keentay in saacado kaddib uu ka laabto go’aankaasi. Baarlamaanka ayaa ugu danbeyntii xilka ka xayuubiyay madaxweynihi hore. Source
-
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay dhowr jeer isku dayeen inay soo ridaan gantaal laga soo riday Yemen kaasi oo dhawaqa digniinta ka yeedhay badhtamaha dalka. Weerarkan ugu dambeeyay ayaa yimid wax ka yar maalin ka dib markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegeen inay gantaal ku rideen Tel Aviv, kaasi oo ciidamada Israel ay sheegeen inay dhex ka qabteen. “Ka dib markii digniinta lagu dhawaaqay meelo badan oo ku yaalla badhtamaha Israa’iil, waxaa la sameeyay dhowr isku day oo lagu qabanayo gantaal laga soo riday Yemen,” ayuu militarigu ku yidhi bayaan uu soo saaray abaare 3:30 subaxnimo (0130 GMT). “Gantaalka waxay u badan tahay in la qabtay,” ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray in aan la soo sheegin wax dhaawac ah ama burbur ah. Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay weerarkii subaxii salaasada, iyagoo sheegay inay rideen “gantaal xawaare sare leh” oo ku socda “magaalada Jaffa ee la haysto”, taasi oo ula jeedaan xarunta ganacsiga Israel ee Tel Aviv. Gantaal ridista ayaa timid ka dib weerarkii habeenka Isniinta kaasi oo la sheegay in lagu qabtay gantaal kale oo laga soo riday Yemen “ka hor inta uusan soo gelin dhulka Israel”, sida uu sheegay militariga. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay rideen afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku socda isla gobolkaas. Waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda ilaa “inta laga joojinayo gardarrada loo geysanayo Falastiiniyiinta”. Tan iyo markii uu dagaalka Gaza billaawday October 2023, Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ugu ridayey Israel taasi oo ay ku sheegeen inay tahay midnimo ay u muujinayaan Falastiiniyiinta. Kooxda Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haysa qaybo ka mid ah Yemen, Israel-na waxay dhowr jeer duqeysay bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee gudaha dalka oo ay ku jirto caasimadda Sanca. Source
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Baay oo hoostaga Koonfur Galbeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceeldhuun-Adeegow oo qiyaastii 42-km waqooyi galbeed ka xiga magaalada Baydhaba. Sida uu shaaciyay Telefishinka Koonfur Galbeed dagaalka ayaa salka ku hayay muran dhaqaalaha ay Al shabaab ka qaadaan dadka shacabka ah ee loo yaqaano Zakawaat. Xubnaha dagaalamay ayaa waxaa soo kala dhex-galay isfaham-waa xoogan, kaas oo keenay inay wada dagaalamaan maleeshiyaadka kooxda dhexdeeda. Inta la xaqiijiyay illaa afartameeyo ka tirsan Khawaarijta ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, waxaana ku jiro rag amiiro ah oo magac ku lahaa deegaanka Ceeldhuun-Adeegow ee gobolka Baay. Wararka ayaa intaasi kusii daray in weli ay xaaladdu ay kacsan tahay, isla markaana dhinacyada dagaalamay ay abaabul ka wadaan aagga deegaanka Ceeldhuun-Adeegow. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maleeshiyaadkeeda ku dhex-maray gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya. Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah xubnaha aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u jawaabay xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee eedeymaha u jeediyay dowladda dhexe. Fiqi ayaa si gaar ah uga falceliyay shirkii jaraa’iid ee ay shalay wada qabteen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Senator Cabdi Ismaaciil Samatar oo weerar culus ku qaaday Madaxweynaha, iyaga oo ka horyimid heshiis uu lasoo galay Itoobiya iyo arrinta doorashada. Wasiirka ayaa xasuusiyay in saddexda ninba ay ka tirsan yihiin baarlamaanka, isla markaana waxa ay diidaan, gaar ahaan arrinta doorashada ay meel-mariyeen labada gole, balse ay muuqdaan kuwa leh dano kale oo siyaasadeed oo haddana deg-degaya. “Baarlamaanka ay saddexdaan oday ka tirsan yihiin ayaa ansixiyey doorashada ay ka cabanayaan.. Guddiga doorashada madaxa banaanna maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashada ayay inoo sheegeen.! Malaha ayadaa laga hordhacayaa.! Sanado ka hor waxay madaxweynihii hore ku eedayn jireen doorasho diid, haddana madaxweynahan waxay ku eedaynayaan doorasho qof iyo cod ayuu qabanayaa (doorasho Doon)” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale weerar jawaab celin siiyay xubnaha mucaaradka, isaga oo tilmaamay in aysan kala garaneyn waxa ay rabaan iyo waxa ay diidaan, sida uu hadalka u dhigay. “Markay halkaas joogto “tiiha siyaasadda” ayaa muuqata oo ah cudur siyaasadeed oo ay qofka isaga qaldanto waxa uu rabo iyo waxa uu diidan yahay! Shalay iyo maanta! Maslaxadiisa iyo dhibkiisa!” ayuu mar kale yiri wasiirku. Ugu dambeyn wuxuu ku celiyay in dalka uu aadan doorasho toos ah, loona baahan yahay in loo diyaar garoobo, kadibna boorka laga jafo xisbiyada iyo ururada siyaasadda,
-
The main argument below is that while the people of Somaliland deserve and have a strong case for international recognition, such a development at this time would very likely take away the very incentives that have set them apart from the rest of Somalia over the last 33 years. To be blunt, achieving full sovereignty with de jure international recognition at this time would do little beyond incentivizing elite-level pursuit of sovereign rents at the expense of continued political and economic development. What has made Somaliland work is that its elites principally derive their legitimacy from their people, and not the international system. Stated differently, full sovereignty runs the risk of separating both the Somaliland state and ruling elites from the productive forces of society; which in turn would free politicians (and policymakers) from having to think of their people as the ultimate drivers of their overall economic wellbeing. Just like in the rest of the Continent, the resulting separation of “suspended elites” from the socio-economic foundations of Somaliland society and inevitable policy extraversion would be catastrophic for Somalilanders. The last thing the Horn needs is another Djibouti — a country whose low-ambition ruling elites are content with hawking their geostrategic location at throwaway prices while doing precious little to advance their citizens’ material well-being (Djibouti’s poverty rate is a staggering 70%). by Tyler Cowen in Current Affairs Law Political Science Qaran News
-
11-kii December 2024, dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska “Baaqa Ankara” la gashay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Rai’isal Wasaare Abiy Axmed kadib wadahadallo uu martigeliyay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan. Heshiiskaas qodobadiisa, labada hoggaamiye waxay isku raaceen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, midnimada, gobonimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda. Labada dhinac ayaa sidoo kale oggolaaday inay dhameystiraan “heshiisyo ganacsi oo labada dhinacba dan u ah iyadoo la marayo heshiisyo laba geesood ah, oo ay ku jiraan qandaraasyo, kireysiyo, iyo habab la mid ah, kuwaas oo u oggolaan doona Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya inay hesho marin la isku halleyn karo, ammaan ah, oo waara oo ay ku tagto kuna soo noqoto badda, iyadoo hoos imaanaysa awoodda madaxa-banaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Go’aanka Soomaaliya ay Itoobiya ugu ogolaato isticmaalka dekedda ayaa u muuqda mid ka dhashay doorashadii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu mar labaad kusoo baxay. Waxa sidoo kale, ay ka walaacsanayd in maamulka cusub ee soo socda uu aqoonsan karo madaxbanaanida Somaliland, oo ah maamul goboleed iskiis isku magacaabay oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya. Somaliland ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Itoobiya 1-dii Janaayo 2024 kaas oo ballanqaaday in dekedo ganacsi iyo mid milateri ay ku siin doonto Itoobiya oo ku yaalla xeebaheeda iyadoo beddelkeeda Itoobiya ay ballanqaaday inay aqoonsan doonto gooni-isu-taagga iyo madaxbanaanideeda. Soomaaliya ayaa u muuqata inay isku dayeyso inay ka hortagto go’aan kasta oo maamulka cusub ee Mareykanka uu ku aqoonsanayo madaxbanaanida Somaliland. Soo jeedinta aqoonsiga Somaliland ayaa taageero weyn ka haysata taageerayaal iyo la-taliyayaal badan oo ku dhow Trump. Qeyb ka mid ah mashruuca Project 2025, oo cinwaankeedu yahay “Mandate for Leadership: The Conservative Promise,” oo ay diyaariyeen dhowr urur oo muxaafid ah oo ay hoggaaminayso Hay’adda Heritage Foundation si ay u noqoto jaantuska maamulka Trump, lana faafiyey April 2023, ayaa ku baaqeysa in Mareykanku “uu aqoonsado qaranimada Somaliland si looga hortago hoos u dhaca doorkaMareykanka ee Jabuuti.” Dhowr qof oo ku lug lahaa qorista iyo horumarinta warbixinta ayaa horey loogu magacaabay jagooyin maamulka soo socda, oo ay ku jiraan Stephen Miller (Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad) iyo John Ratcliffe (Agaasimaha CIA). Aqoonsiga Somaliland waxaa sidoo kale riixayey la-taliyayaal sare oo arrimaha dibadda ah oo ka soo shaqeeyay maamulkii hore ee Trump. J. Peter Pham, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee gobolka Sahel iyo gobolka Harooyinka Waaweyn, ayaa sheegay in Somaliland ay “muujisay soo jiidashadeeda iyadoo ah waddan la shaqeyn kara Mareykanka iyo dalal kale.” Tibor Nagy, oo ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Afrika, ayaa sheegay in maamulka labaad uu yeelan doono “u damqasho badan oo ah Somaliland,” sababtoo ah “Somaliland way isku taagtay, aad bayna u taageersan tahay reer Galbeedka, aad bayna u taageertaa suuqa xorta ah, waxayna daryeeshaa ammaanka dhulkeeda, waxayna qabataa doorashooyin joogto ah.” Sida laga soo xigtay Nagy, fikradda ah in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya waa “khuraafaad” iyo “macno darro sababo kala duwan dartood.” Wuxuu intaas ku daray in “laga yaabo, haddii maamul cusub uu ku guuleysto doorashooyinkeena madaxtinimada ee soo socda, riyada Somaliland ee ah inay noqoto xubin si buuxda loo aqoonsan yahay oo ka tirsan beesha caalamka ay rumoobi doonto.” Michael Rubin, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa 3-dii Janaayo 2024 daabacay maqaal cinwaankiisu yahay, “Mareykanku Waa inuu Taageeraa Madaxbanaanida Somaliland,” isagoo si cad ugu baaqaya aqoonsi. Laakiin hadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa u muuqda inuu gaaray hadafkiisii isagoo aan u baahnayn inuu aqoonsado Somaliland ama halis geliyo iska horimaad uu la galo Soomaaliya, taasoo taageero militari ka heshay Masar iyo Eritraa. Labadan dal ayaa iyaguna khilaaf kala dhexeeya dowladda Itoobiya, waxayna ballanqaadeen inay taageeri doonaan Soomaaliya haddii khilaafka uu isu beddelo dagaal. Hoggaamiyaha Itoobiya uma badna inuu soo dhoweyn doono faragelin aan habbooneyn oo ka timaadda dadka Mareykanka ee aragtiyaha qaar rumaysan, taasoo carqaladeyn karta qorshihiisa, xasilooni darrana ka dhalin karta gobolka. Waxaa la gudboon in madaxda Mareykanka ay iska indhatiraan ololaha taageerayaasha Somaliland ayna ka fogaadaan Geeska Afrika. W/Q: Daniel Volman Daniel Volman waa agaasimaha Mashruuca Cilmi-baarista Amniga Afrika ee ku yaalla Washington, DC (www.africansecurity.org). Waxa uu khabiir ku yahay siyaasadda millatariga Mareykanka ee Afrika iyo arrimaha amniga ee qaaradda Afrika.
-
Madaxweynaha Dalka Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenino ka guddoontay Safiirka Soomaaliya u fadhin doonta dalkaasi Switzerland Danjire Khadra Axmed Ducaale Danjirahan ayaa sidoo kale Soomaaliya ku matali doonta Qaramadda Midoobay iyo Hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland . Inta badan ururrada daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo qaar kamida ah hay’adaha ugu waaweyn Qaramada Midoobay ayaa xarumo ku leh dalkaas, gaar ahaan magaalada Geneva, taas oo ahmiyad weyn u leh Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Saacadihii la soo dhaafay ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay soo rideen 12 diyaaradaha Drone-ta ah, kuwaas oo isugu jira kuwa wax basaasa iyo kuwa qaraxyada lagu rakibo, waxaana diyaaradahani ay ka qeyb-qaadanayeen dagaalka buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ka socda. Adeegsiga diyaarahan ayaa muujinaysa sida ay halista kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ka howl-galaahi u sii kordhayso, ayadoo taas ahayd noqanayso mid kamida caqabadaha aan la dhayalsan karin ee xasilloonida gobolka Geeska Afrika ku hor gudban. Soomaaliya oo tobanaan sano dhibane u ahayd dagaallo sokeeye oo lagu hoobtay, ayaana 20-kii sano ee la soo dhaafay la daalaacaysay la dagaallanka kooxo hubaysan oo fakir diimeed xambaarsan, balse qeyb ka ah ururro caalami ah oo dunidoo dhami halis u aragto. Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Doonka Buurfuule, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka Ugu yaraan illaa 2 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, halka uu ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kamid ah, kuwaas oo la socday baabuurka ay miinada haleeshay. Sidoo kale dadka dhaawacyada ayaa deg-deg loo soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Jowhar, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo maamulka HirShabelle ee ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee shacabka lala beegsaday. Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa waddooyinka galiya maleeshiyaadka Al-Shabaab oo beegsaday ciidamada, balse waxaa khasaare uu kasoo gaaraa rayidka. Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo deegaanada qaar weli kaga sugan gobolkaasi oo hoostaga maamulka HirShabelle.