Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,885
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo  Milatariga dowladda oo isku dhinac ah iyo xunbo ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor ee gobolka Baay isaga oo soo gaaray gudaha maagalada  ee , ciidanka dowladda ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.

    Dagaalka oo ku bilowday Hoobiyeyaal Al-shabaab ay ku garaaceen degmada ayaa waxaa xigay dagaal dhex maray labada dhinac, waxaana ciidanku ay sheegeen in xubno ka tirsan Shabaabka lagu dilay dagaalka dhacay, waxaana ay intaas ku dareen in ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday degmada Diinsoor.

    Alshabaab ayaa dhankooda sheegtay in Diinsoor ay kula dagaalameen ciidamo Itoobiyaan ah,sida ay ku qoreen barahooda Bulshada, waxaana aintaas ku dareen in madaafiic ay ku garaaceen daldhig ay leeyihiin diidamada Itoobiya sida ay hadalka u dhigeen, taas oo keentay dagaal dhex maray.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  2. Baarlamaanka Pakistan ayaa maanta doortay Ra’ iisulwasaare cusub, kadib markii ay xilka ka qaadeen Imran Khaan, waxaana Baarlamaanku Ra’iisulwasaaraha dalka  u doortay Shehbaz Sharif oo hoggamiya xisbiga xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N), xisbigii Imran Khan (PTI) ayaa 155 kursi kulahaa Baarlamaanka.

    Baarlamaanka Pakistan ayaa maalintii Axadda codka kalsoonida kala laabtay Ra’iisulwasaare Imran Khaan, waxaana la filayaa in Shariif dhowaan uu soo dhiso xukuumad cusub” Waa guul usoo hoyatay wanaagga, xumaantana waa laga guuleystay,” ayuu yiri Sharif oo la hadlay Baarlamaanka kadib doorashadiisa.

    Xisbiga talada la  wareegay  ee PML-N iyo PPP  ayaa sanado badan ahaa labada xisbi ee ugu awoodda badan Pakistan ayaga oo iska soo horjeeda, hase yeeshee isbaheysigooda cusub ayaa la filayaa inuu kala furmo kahor doorashada xigta oo ay qasab tahay in la qabto kahor October 2023.

    Goobjoog News

     

    Source: goobjoog.com


  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowr Cisho ayaa ka dhiman waqtigii loo qorsheeyey in la dhaariyo xildhibaanada Laba Aqal ee Baarlmaanka Soomaaliya, jadwalkaan waxaa horey usoo saaray guddiga doorashada ee FEIT.

    Xildhibaanadii is-diiwaan geliyey ayaa waxaa qaar dib u ceshaday maamuladii ay ka yimaadeen, gaar ahaan kuwii ka socday Puntland iyo Jubaland, halka Koonfur Galbeed ay weli diidan tahay inay raacdo jadwalkaan oo xubnaheeda ay shahaadada qaataan.

    Guddi xal doon ah oo uu hoggaaminayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Baydhaba u tagay wada-hadallo ay la qaadanayaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaasi oo si weyn u diidan sida ay shaqada ku wadaan guddiga FEIT iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

    Tiro xildhibaano ah oo ku filan inuu baarlamaanka fadhiisto ayaa qaadatay shahaadada, laakiin waxaa hadda xoogeysatay doodda sheegeysa inaan dhaarin loo dhaqaaqi karin iyadoo uu maqan yahay maamulkii ugu kuraasta badnaa dalka.

    In Koonfur Galbeed laga socdo inta taageersan waa sii yaraaneysaa hadda, muddada lagu xalin karo tabashadoodana lama yaqaano, taasoo shaki gelineysa in 14-ka bishaan la mari karo dhaarinta xildhibaanada.

    Dhowr caqabadood oo aan weli natiijadooda la aqoon ayaa taagan, Koonfur Galbeed waa mid kamid ah caqabadahaa, waxayna ka tagistooda dhaawaceysaa heshiiska ay ku dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya.

    In la xaliyo Koonfur Galbeed waxay ku xiran tahay sida loo maareeyo kuraasta looga dhagay. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiga FEIT waxay heystaan fursad ay xalka ku caawin karaan si gunaanadka doorashada loo aado.

    Khilaafka weli ka dhaxeeya guddiga doorashada FEIT waa mowduuc kale oo weli taagan, laakiin dhowrka xubnood ee hadda howsha wada in la isticmaalo ma jiraan wax diidaya.

    Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wuxuu asbuucii dhammaaday sheegay in guddigii doorashada la burburiyey oo seddex qeyb loo kala jabiyey.

    Xildhibaanada dib ugu laabtay deegaanadii laga soo doortay iyaduna waa caqabad kale. Puntland iyo Jubaland iyo badi Xamar ka saaray xildhibaanadii ay soo direen ee shahaadada qaatay.

    Dib u celintooda oo ay dan gaar ah ku dheehan tahay ayaa dhinaca kale muujineysa farriin ah inaysan deg deg ku dhici karin dhaarinta xildhibaanada.

    Ogaal la’aanta ku saabsan waxa kooxda madaxweyne Farmaajo qorsheenayaan 12-ka Bishan ayaa iyaduna culeys kale ah. 12-ka April oo ah maalinta ciidanka xoogga dalka waxaa jira isu soo bixin ciidan iyo dhoolatus, waxaa kaloo xooggan dareenka ah inay wax kale ka fakarayaan kooxda madaxweyne Farmaajo.

    Inkastoo hadda kor loo sheegay walaaca laga qabo qorshooyinka 12-ka April, ayna muuqato in loo diyaar garoobay nooc walba oo ay tallaabadaasi noqoto ayna macquul tahay inay qorshahooda wax ka badalaan, haddana hubanti la’aanta maalintaasi la xiriirta ayaa iyaduna culeyskeeda leh.

    Haddii ay kooxda madaxweyne Farmaajo magaalada xirto dhowr cisho sida laga cabsida qabo waa adkaan kartaa in dhaarinta xilligeeda ku dhacdo.

    Waxaa kaloo u baahan in waqti la siiyo wada-hadallada ay Qoor Qoor iyo xildhibaanada la socdo u tageen magaalada Baydhaba, taasi oo ay rabaan inay Laftagareen kusoo qanciyaan inuu xildhibaanada soo fasaxo.

    Iyadoo ay dhammaan caqabadahaasi jiraan ayaa dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wakiilada Beesdha Caalamka waxay xoojinayaan in 14-ka Bishaan la dhaariyo xildhibaanada Laba Aqal inta ka horeysana la xaliyo cabaqadaha taagan.

    Xubnaha Ra’iisul Wasaaraha ku dhow dhow waxay ku adkeysanayaan inaysan dhaarinta dib uga dhici karin 14-ka bishan oo ay ku arkaan guul siyaasadeed, laakiin caqabadaha aan kor ku sheegnay waa xaqiiqooyin bannaanka yaala oo ay adag tahay sida looga dul boodo.

    The post Caqabado culus iyo shaki hareeyey qorshaha dhaarinta xildhibaanada ee 14-ka April appeared first on Caasimada Online.


  4. PRESS RELEASE
    African Development Fund approves $5.5 million grant to fund phase two of flagship Desert to Power energy project in Djibouti, Eritrea, Ethiopia and Sudan
    Known as the East Africa Regional Energy Project, it will be financed through the ADF-15 Regional Public Good window of the African Development Fund
    Access Multimedia Content

    ABIDJAN, Ivory Coast, April 11, 2022/ — The Board of Directors of the African Development Fund has approved a $5.5 million technical assistance grant to kick-start the roll-out of the flagship Desert to Power (https://bit.ly/3O29ZC1) initiative in the Eastern Sahel region countries of Djibouti, Eritrea, Ethiopia and Sudan.

    Known as the East Africa Regional Energy Project, it will be financed through the ADF-15 Regional Public Good window of the African Development Fund, the concessional arm of the African Development Bank Group. The project will develop technical studies for regional solar parks and associated battery storage near regional energy interconnectors, high-voltage cables that connect the electricity systems of neighboring countries. The initiative will also strengthen the technical capacity of the implementing agency, the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), a trade bloc that includes governments from the Horn of Africa, Nile Valley and the Great Lakes region.

    IGAD Executive Secretary, Dr. Workneh Gebeyehu, said: “This Desert to Power project is timely in this post-Covid-19 era, which clearly highlighted the importance of reliable energy services. It has also come at a time when IGAD is planning to take its Regional Infrastructure Master Plan in the energy sector to real implementation. It is an important milestone in addressing renewable energy investment gaps in the region, and will reduce the adverse effects of climate change and diversifying the energy mix leading to energy security.”

    The East Africa Regional Energy Project follows on the approval by the Board of Directors of the African Development Fund of the West Africa Regional Energy Project (https://bit.ly/3xcTIo2), in July 2021. The Desert to Power program is a flagship renewable energy and economic development initiative led by the African Development Bank. It aims to accelerate socioeconomic development through the deployment of solar technologies at scale in the 11 countries of the Sahel region (Burkina Faso, Chad, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Mali, Mauritania, Niger, Nigeria, Senegal and Sudan).

    Dr. Daniel Schroth, Acting. Director of the Renewable Energy and Energy Efficiency Department of the African Development Bank, said: “The approval of this regional technical assistance program will accelerate the roll-out of the Desert to Power initiative in the eastern Sahel. As a result, the region will move one step closer to harnessing its tremendous solar energy potential to spur accelerated economic and social development.”

    Desert to Power will ultimately add 10 GW of solar generation capacity and provide electricity to around 250 million people in the 11 Sahelian countries by 2030. This is in line with one of the African Development Bank’s High 5 strategic priorities, namely Light up and power Africa.
    Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB).

    The African Development Bank Group is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank (AfDB), the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 41 African countries with an external office in Japan, the Bank contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org
    SOURCE
    African Development Bank Group (AfDB)

    Qaran News


  5. Islamic Development Bank Group (IsDB Group)

    PRESS RELEASE
    UN High Commission for Refugees and IsDB’s Islamic Solidarity Fund for Development to Launch Global Islamic Fund for Refugees
    The GIFR will endeavor to mobilize additional funding in support of humanitarian programs and operations, in situations of forced displacement across sectors
    Access Multimedia Content

    JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, April 11, 2022/ — The UN Refugee Agency, UNHCR, and Islamic Development Bank (IsDB)’s (www.IsDB.org) poverty alleviation arm, the Islamic Solidarity Fund for Development (ISFD), have signed an agreement to launch the Global Islamic Fund for Refugees (GIFR), an innovative sustainable and Sharia-compliant resource mobilization instrument that will open new Islamic philanthropy funding streams in support of millions of forcibly displaced people.

    The agreement comes at a time when forced displacement has reached unprecedented levels and has become a critical global humanitarian and development crisis, requiring intensive, comprehensive, and collaborative international action.

    On the occasion, IsDB Group President, H.E. Dr. Muhammad Al Jasser said: “Forced displacement needs are at a record high and continue to rise. No institution alone could carry the burden. We need to strengthen existing partnerships and explore innovative solutions for the plight of the forcibly displaced.” He added: “We are proud of our partnership with UNHCR and are confident that our joint efforts will provide the necessary mechanisms to assist those in need.”

    The initiative stems from both ISFD and UNHCR’s respective mandates. It aims to provide effective, efficient, and predictable support to programs and projects for refugees, IDPs and host communities in the OIC member states, a region that produces and hosts the highest number of global refugees.

    “Millions of people continue to be forced from their homes due to war, violence, persecution and discrimination and they need and deserve our support. Innovative sources of Islamic social financing, such as this groundbreaking agreement with the Islamic Development Bank, will enable UNHCR to help refugees and other forcibly displaced people with the protection and assistance needed to live in better, more dignified conditions,” said UNHCR’s High Commissioner Filippo Grandi. “We are grateful to ISFD for its steadfast support and ongoing partnership. This groundbreaking initiative will unlock much-needed financial support to address the dire needs of those forcibly displaced”, he added.

    The agreement to launch the Global Islamic Fund for Refugees is an important step towards diversifying humanitarian funding sources and bolstering humanitarian relief efforts. The GIFR will endeavor to mobilize additional funding in support of humanitarian programs and operations, in situations of forced displacement across sectors.
    Distributed by APO Group on behalf of Islamic Development Bank Group (IsDB Group).

    Qaran News


  6. Dadku arin wanaagsan ayay xumeyn karaan .
    Arin xunna wey qurxin karaan
    Hadaba waa maxay ujeeda reer galbeedku ka leeyihiin barnaamijka lacagta badan ay ku bixinayaan ee isbedelka cimilada aduunka
    Waa maxay ujeedada dalalka reeŕ galbeedķu ka leeyihiin ?
    Maxayse uga jeedaan isbedelka cimilada iyo xuquuqal insaanka ama xuquuqda shaqaalaha?
    Dalalka reer galbeedku muddo dheer ayay ahaayeen dalal wershedo leh oo caalamka meel kasta wax u dhoofiya oo suuqyada caalamka ku haysta wax soo saarkooda oo aan cidina ku haysan .
    Waxaanay sameysteen ururo caalami ah oo ilaaliya ganagsigooda oo dal kastana ka saxeexay.
    Dalalka dunida sadexaad qaarna qasab Bay kaga saxeexeen , qaarna way ka saxeexeen
    Hadaba sanadihii u danbeeyay dalalkii dunida sadexaad qaarkood ayaa wershedo iyo waxsoosaar yeeshay , sida china-ha iyo India oo la be

    tartamaysa ay dalalkii reer galbeedka iyo wax soo saarkoodii , oo weliba ka saaray suuqyadii ay haysteen iyagu . Wax soo saarkoodiina dhaafay .

    Dalalkii reer galbeedka waxay la kulmeen dhibaatooyin dhaqaale oo kaga yimi dalalkii dunida sadexaad oo ay wax badan ka soo dhoofsadaan , Halkin ay wax uga dhoofin jireen
    Dalalkii reer galbeedku waxay ku dhaliileen dalalkii dunida sadexaad in ay si sharci daro ah ugu adeegsadaan ganacsiga aduunka oo ay dhaliilo badan u sameeyaan (sida xaalada ka dhex taagan da.ka USA iyk dalka china)
    Dhaliilahaa faraha badan ee ay qaar sax yihiin , Laakiin intiisa badani aanay waxba ka jirin , arimaha xuquuqal insaanka iyo xuquuqda shaqaalaha .
    Dalalka reer galbeedka ee qaniga ah oo arimahan uga jeeda in wax soo saarka ay soo saaraan dunida sadexaad in ay mushaharka shaqaalaha iyo waxa ay ku kacayaan wax soo saarkoodu uu ku qaali garoobo dunida sadexaad ,
    Si ay ula tartami karaan qarashka ku baxaaya wax soo shark dalalka dalalka reer galbeedka iyo wax soo saarka dunida sadexaad .
    Dalka china India iyo brazils mushaharka shaqaala aad buu u gar yahay .
    Dawladaha reer galbeedka waxay doonayaan in ay wersheahooda ay bedelaan dalalka dunida sadexaad oo ay iyaga ka iibsadaan wershedo cusub .
    Arintaasna dawladaha dunida sadexaad ma ogola .
    Dawladaha dunida sadexaad waxay leeyihiin , ma bixin karno mushahar weyn , hadii aanu fulino arimaha aad sheegaysaan iyo xuquuqal insaanka
    arinkaasu waxa ka dhalanaa ( waa I aanu kacno oo wershedaha iska xidhno , )
    Isbedelka cimilada idinka (dalalka reer galbeedka) ayaa wisikheeyay hawada dunida iyo degaanka
    Hadaba yaa ka faa’iida arimahan oo dhan?
    Waxa ka faa’iida tijaarta iyo ganacsatada dunida sadexaad iyo kuwa tijaarta ah ee reer galbeedka oo iyana maal gasheda dunida sadexaad
    (Mushaharka shaqaaLaha oo hooseeye awgeed)
    Hadaba arimahan oo dhan , waxay uga jeedaan in ay la dagaalamaan , wax soo saarka dunida sadexaad oo ay curyaamiyaan wax soo saarkooda iyo dhaqaalahooda .
    Maaha sheekado xuquuqda shaqaalaha iyo badbaadinta iisbedelka cimilada ku yimi .
    Waa fikrad ay wataan tijaarta iyo maal qabeenada dunida reer galbeedka oo ku saleysan amaga yo wax soo saarkayaga uxidhnaw
    Waa gumeysi dhaqaale oo casriyaysan .

    Caliwwelli@hotmail.co.uk
    Cali maxam biixi

    Hide quoted text

    Dadku arin wanaagsan ayay xumeyn karaan .
    Arin xunna wey qurxin karaan
    Hadaba waa maxay ujeeda reer galbeedku ka leeyihiin barnaamijka lacagta badan ay ku bixinayaan ee isbedelka cimilada aduunka
    Waa maxay ujeedada dalalka reeŕ galbeedķu ka leeyihiin ?
    Maxayse uga jeedaan isbedelka cimilada iyo xuquuqal insaanka ama xuquuqda shaqaalaha?
    Dalalka reer galbeedku muddo dheer ayay ahaayeen dalal wershedo leh oo caalamka meel kasta wax u dhoofiya oo suuqyada caalamka ku haysta wax soo saarkooda oo aan cidina ku haysan .
    Waxaanay sameysteen ururo caalami ah oo ilaaliya ganagsigooda oo dal kastana ka saxeexay.
    Dalalka dunida sadexaad qaarna qasab Bay kaga saxeexeen , qaarna way ka saxeexeen
    Hadaba sanadihii u danbeeyay dalalkii dunida sadexaad qaarkood ayaa wershedo iyo waxsoosaar yeeshay , sida china-ha iyo India oo la be

    tartamaysa ay dalalkii reer galbeedka iyo wax soo saarkoodii , oo weliba ka saaray suuqyadii ay haysteen iyagu . Wax soo saarkoodiina dhaafay .

    Dalalkii reer galbeedka waxay la kulmeen dhibaatooyin dhaqaale oo kaga yimi dalalkii dunida sadexaad oo ay wax badan ka soo dhoofsadaan , Halkin ay wax uga dhoofin jireen
    Dalalkii reer galbeedku waxay ku dhaliileen dalalkii dunida sadexaad in ay si sharci daro ah ugu adeegsadaan ganacsiga aduunka oo ay dhaliilo badan u sameeyaan (sida xaalada ka dhex taagan da.ka USA iyk dalka china)
    Dhaliilahaa faraha badan ee ay qaar sax yihiin , Laakiin intiisa badani aanay waxba ka jirin , arimaha xuquuqal insaanka iyo xuquuqda shaqaalaha .
    Dalalka reer galbeedka ee qaniga ah oo arimahan uga jeeda in wax soo saarka ay soo saaraan dunida sadexaad in ay mushaharka shaqaalaha iyo waxa ay ku kacayaan wax soo saarkoodu uu ku qaali garoobo dunida sadexaad ,
    Si ay ula tartami karaan qarashka ku baxaaya wax soo shark dalalka dalalka reer galbeedka iyo wax soo saarka dunida sadexaad .
    Dalka china India iyo brazils mushaharka shaqaala aad buu u gar yahay .
    Dawladaha reer galbeedka waxay doonayaan in ay wersheahooda ay bedelaan dalalka dunida sadexaad oo ay iyaga ka iibsadaan wershedo cusub .
    Arintaasna dawladaha dunida sadexaad ma ogola .
    Dawladaha dunida sadexaad waxay leeyihiin , ma bixin karno mushahar weyn , hadii aanu fulino arimaha aad sheegaysaan iyo xuquuqal insaanka
    arinkaasu waxa ka dhalanaa ( waa I aanu kacno oo wershedaha iska xidhno , )
    Isbedelka cimilada idinka (dalalka reer galbeedka) ayaa wisikheeyay hawada dunida iyo degaanka
    Hadaba yaa ka faa’iida arimahan oo dhan?
    Waxa ka faa’iida tijaarta iyo ganacsatada dunida sadexaad iyo kuwa tijaarta ah ee reer galbeedka oo iyana maal gasheda dunida sadexaad
    (Mushaharka shaqaaLaha oo hooseeye awgeed)
    Hadaba arimahan oo dhan , waxay uga jeedaan in ay la dagaalamaan , wax soo saarka dunida sadexaad oo ay curyaamiyaan wax soo saarkooda iyo dhaqaalahooda .
    Maaha sheekado xuquuqda shaqaalaha iyo badbaadinta iisbedelka cimilada ku yimi .
    Waa fikrad ay wataan tijaarta iyo maal qabeenada dunida reer galbeedka oo ku saleysan amaga yo wax soo saarkayaga uxidhnaw
    Waa gumeysi dhaqaale oo casriyaysan .

    Caliwwelli@hotmail.co.uk
    Cali maxam biixi

    Qaran News


  7. Guddiga doorashooyinka dadban ee FIET ayaa waxaa uu wali wadaa bixinta shahaadooyinka xildhibaannada Baarlamaanka11-aad, waxaana guud ahaan shahaada xildhibaannimo iyo aqaansiga qaatay 206 Xildhibaan.
    1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038
    2. Yusuf Gelle Ugas GSH#026
    3. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108
    4. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049
    5. Mohamed Harun Abdullahi GSH#208
    6. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225
    7. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#070
    8. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004
    9. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063
    10. Abdirizak Omar Mohamed GSH#011
    11. Mohamed Omar Aimoy GSH#005
    12. Mohamed Nur Abukar GSH#265
    13. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#11
    14. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001
    15. Qaali Ahmed Diiriye GSH#096
    16. Nuuriya Adan Ciise GSH#212
    17. Muse Said Jama GSH#263
    18. Ahmed Abdi Koshin GSH#205
    19. Hirsi Adan Roble GSH#101
    20. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#15
    21. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064
    22. Nadra Salah Abdi GSH#257
    23. Duniya Mohamed Ali AS#014
    24. Qaladla Cali Cawaale GSH#017
    25. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206
    26. Omar Shariif Mohamed GSH#266
    27. Omar Ali Abdi GSH#035
    28. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#084
    29. Mohamed Ali Xagaa GSH#268
    30. Mahad Mohamed Salad GSH#147
    31. Abdisabir Nur Shurie GSH#071
    32. Dahabo Susow Mohamud GSH#088
    33. Adar Ali Mohamed GSH#081
    34. Bilal Idris Abdullahi AS#038
    35. Suleyman Ali Hussein GSH#260
    36. Ali Mohamud Adam GSH#240
    37. Hussein Qasim Yusuf GSH#043
    38. Zamzam Mohamed Omar GSH#243
    39. Muse Ahmed Ismail GSH#076
    40. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#095
    41. Ali Mohamed Omar GSH#115
    42. Daahir Amiin Jeesoow GSH#030
    43. Abdikariim Abdow Heydar GSH#252
    44. Khalif Abdi Omar GSH#032
    45. Mariam Aweis Jama GSH#113
    46. Jama Mohamed Askar GSH#254
    47. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#218
    48. Shamso Hassan Elmi GSH#020
    49. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#234
    50. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#214
    51. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#048
    52. Muhamed Hussein Abukar GSH#055
    53. Aidarus Salah Yusuf GSH#224
    54. Saed Abdi Hussein AS#39
    55. Sheikh Adan Madoobe GSH#189
    56. Shariif Abdalla GSH#085
    57. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264
    58. Hussein Mohamed Nur GSH#051
    59. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166
    60. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073
    61. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129
    62. Hassan Abdi Ismail GSH#217
    63. Omar Ibrahim Hashi GSH#114
    64. Roda Arab Abdi GSH#219
    65. Sahra Olad Abdi GSH#018
    66. Zamzam Dahir Mohamud AS#12
    67. Leila Ahmed Ismail AS#37
    68. Ahmed Mohamed Ali AS#21
    69. Noradin Abdullahi Olujog GSH#246
    70. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#24
    71. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#069
    72. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#19
    73. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#031
    74. Ali Shaban Ibrahim AS#23
    75. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#20
    76. Salah Ahmed Jama AS#34
    77. Guled Bihi Abdi GSH#255
    78. Ahmed Osman Dirie GSH#233
    79. Abdinur Ali Aden GSH#028
    80. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
    81. Abas Ali Ibrahim GSH#111
    82. Mohamed Abukar Ali GSH#025
    83. Adar Hared Jibril GSH#132
    84. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
    85. Bihi Iman Egeh GSH#237
    86. Abdiqani Ismail Said GSH#241
    87. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
    88. Adnan Osman Elmi GSH#236
    89. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
    90. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
    91. Nasro Mahdi Arale GSH#023
    92. Leylo Nur Maah AS#07
    93. Sahra Jama Ali GSH#134
    94. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
    95. Hassan Dahir Yarow AS#05
    96. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
    97. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
    98. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
    99. Ilyas Badal Gabose AS#01
    100. Mohamed Hassan Adam GSH#133
    101. Abdillahi adan Ahmed GSH#193
    102. Hamza Abdi Barre GSH#203
    103. Abdi Hashi Abdullahi AS#33
    104. His Hassan Adan GSH#015
    105. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052
    106. Maryan Mohamud Isse GSH#226
    107. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003
    108. Osman Mohamed Abdi GSH#022
    109. Fadumo Hassan Ali GSH#210
    110. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196
    111. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112
    112. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130
    113. Osman Abokor Mohamed Dubbe AS#36
    114. Abdirahman Ahmed Suge GSH#245
    115. Ibrahim Awgab Osman AS#06
    116. Hassan Idow Mohamed AS#22
    117. Nor Mohamed Gedi AS#18
    118. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270
    119. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006
    120. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033
    121. Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058
    122. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66
    123. Ifrah Mohamed Awed GSH#037
    124. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235
    125. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46
    126. Fardowsa Osman Egal HOP#232
    127. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS#54
    128. Deqo Hassan Hussein AS#43
    129.Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008
    130. Abdisamad Yusuf Mohamed AS#52
    131. Mohamed Bashiir Ali GSH#083
    132. Hirsi Jama Gaani GSH#223
    133. Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072
    134. Said Mohamed Ali GSH#093
    135. Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04
    136.Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248
    137. Osman Ali Yusuf GSH#198
    138. Abdullahi Sheikh Ismail AS#02
    139. Muse Sudi Yalahow AS17
    140. Abdihakim Moalim Ahmed AS#13
    141. Qali Ali Shire GSH#060
    142. Sadiq Abdullahi Abdi GSH#092
    143. Maryan Farah Kahiye AS#08
    144. Ahmed Mohamed Said AS#41
    145. Mahdi Mohamed Gulaid
    146. Mohamed Adam Dini GSH#036
    147. Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab) AS#50
    148. Said Ali Muse GSH#027
    149. Ismail Shire Jama GSH#142
    150. Abdiqani Mohamud Mohamed GSH#075
    151. Abdikani Gelle Mohamed AS#44
    152. Abdullahi Farah Mire GSH#228
    153. Abdullahi Mohamed Jama GSH#191
    154. Abdullahi Ali Hersi (Timacadde) AS#53
    155. Farhiya Yusuf Omar GSH#121
    156. Mohamed Abdirahman Ahmed Ali GSH#128
    157. Ali Haji Dahir Saleban Adam GSH#220
    158. Khadra Ahmed Mohamed GSH#174
    159. Sadam Mohamud Abdi (Jabeer) GSH#158
    160. Abdirisak Hassan Ahmed (Dhookir) GSH#221
    161. Ali Mahdi Mohamed GSH#169
    162. Ainanshe Yusuf Hussein GSH#222
    163. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#190
    164. Samira Maxamud Haji AS#51
    165. Saynab Ismail Mohamed AS#45
    166. Mohamed Abdi Osman AS#49
    167. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
    168. Farhan Ali Hussein AS#47
    169. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
    170. Mohamed Farah Nur GSH#192
    171. Abdikafar Elmi Hange GSH#144
    172. Mohamood Ahmed Adan GSH#157
    173. Mohamed Abdullahi Burale GSH#059
    174. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#019
    175. Abdirahman Idan Yonis GSH#259
    176. Ali Yusuf Ali Hosh GSH#200
    177. Ismail Abdulrahman Basheir GSH#238
    178. Abdikarim Omar Hussein GSH#074
    179. Mohamed Ibrahim Nur (Macalimu) GSH#068
    180. Dr. Mohamed Hassan Mohamed GSH#207
    181. Bashir Abdi Mohamed GSH#273
    182. Faisal Ahmed Mohamud GSH#149
    183. Abdullahi Hassan Roble GSH#249
    184. Said Siyad Shirwac AS#09
    185. Hussein Ahmed Ulusow GSH#021
    186. Farhan Ali Mohamoud AS#10
    187. Abdirisaq Mohamed Osman AS#03
    188. Zahra Abdulahe Igal (Bundubte) GSH#094
    189. Ali Haji Adam Abukar GSH#039
    190. Abdirahman Abdulkadir Ade GSH#105
    191. Khadra Mohamed Tukale GSH#247
    192. Amina Omar Jama GSH#202
    193. Dahir Ayanle Said AS#48
    194. Abdirahman Abdishakur Warsame GSH#138
    195. Abdisamad Mohamed Hassan GSH#139
    196. Yusuf Hayle Jimale GSH#012
    197. Mohamed Hussein Hadi GSH#209
    198. Khadija Mohamed Almakhzoumi GSH#034
    199. Abdi Osman Hared AS#16
    200. Kasim Abdikarim Elmi GSH#089
    201. Said Mohamed Mohamuud GSH#244
    202. Abdirahman Mohamed Omar Jubba GSH#269
    203. Fawziya Yusuf H. Adam GSH#262
    204. Asho-Kos Mohamud Omar GSH#211
    205. Naima Hassan H. Mohamoud AS#40
    206. Ali Abdi Ibrahim GSH#271
    Hambalyo dhammaan Xildhibaanada la doortay ee qaatay Shahaadada Xildhibaanimo, inta dhimman waxaan ku boorrinaynaa Xildhibaanada aan wali qaadan inay yimaaddaan xarunta Guddiga FEIT inta uusan dhammaan waqtiga loogu talogalay qabashada howshaas.

    Source: goobjoog.com


  8. Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka Gedo ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Axmed Madoobe kasoo yeeray ee la xiriiray doorashada kuraasta 16-ka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey. 

    Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed (Canjeex) ayaa sheegay inuu la yaabay hadalka madaxweynaha Jubaland ee ahaa inay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah.

    Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay carabka ku adkeeyay in 16-ka kursi ee ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey aanay ka hari doonin doorashada dalka ka socota.

    Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay inay diideen qorshe ka yimid beesha caalamka oo ahaa in isaga iyo Farmaajo ay min 8 kursi u kala qaataan kuraastaas, oo qofkiiba uu 8 musharax soo saarto

    Waxa uu intaa ku daray in mar-naba aan la qeybin doonin kuraasta gobolka Gedo islamarkana uusan ka tanaasuli doonin hal kursi oo kuraastaasi ka mid ah.

    Hase yeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray maamulka gobolka Gedo oo sheegay in arrintaas ay u baahan tahay dib u heshiin maamulkaas laga dhex sameeyo, doorashaduse ay sideedii u dhacdo.

    Gudoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo ra’iisul wasaare Rooble ay qorsheynayaan in doorashada kuraasta 16-ka ah lagu qabto magaalada Muqdisho, oo ay beesha caalamka korjoogto ka noqoto. 

    Axmed Buulle ayaa sheegay inay marwalba diyaar u yihiin doorashadii loo ballansanaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, ayada oo aanay wax dhibaao ah ka dhicin. 

    The post Dhageyso: Guddoomiyaha Gedo oo jawaab ka bixiyey hadalkii Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta oo goordhoweyd soo saaray war-saxaafadeed ayaa waxa uu ka digay in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed, sida uu kal hore sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

    Golaha ayaa cadeeyay in xuska 12-ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in umadda u dabaal-degto, isaga oo ciidamada xooga dalka ugu hambalyeeyay munaasibada aasaaskooda oo ku beegan maalinta berri ah.

    Waxa uu soo jeediyay in hantida iyo qarashka lagu bixinayo dabaal-degga badankeeda loo weeciyo taakulaynta dadka tabaaleysan ee la daala dhacaya afur la’aanta bisha barakeysan ee Ramadaan.

    “Si looga baaqsado magaalada oo la xiro, isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha oo la joojiyo iyo in la xanibo xoogsata la diriraysa nolosha maalinlaha ah, in sidii ay horey u ahaan jirtay dabaal-dega lagu ekeeyo taliska ciidanka iyo xaruntiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

    Golaha ayaa wuxuu ciidanka uga digay inay qeyb ka noqdaan ama fuliyaan ajandaha guracan ee la damacsan yahay in lagu carqaladeeyo dhaarta xildhibaanada oo loo mudeeyay 14-ka April ee 2022-ka.

    Ugu dambeyntiina wuxuu Goluhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda, madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamkaba in si isku mid ah looga horyimaado cid kasta oo isku deyda carqaladaynta dhameystirka hawlaha doorashooyinka dalka.

    278154848_537659714588929_71078949891398 278123303_537659711255596_66175802597900

    The post DEG DEG: Midowga Musharaxiinta oo digniin culus kasoo saaray 12-ka April appeared first on Caasimada Online.


  10. Xildhibaan Jaamac Macaf oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Berbera ayaa yidhi sida tan:

    “Dooda Dhismaha Suuqa Waaheen.

    Suuqa Waaheen dhismihiisa iyo qandaraas naadintiisa waxa iska leh dawladda hoose ee degmadda Hargaisa.

    Haddii ay nashqadaynta iska kaashadaan wasaaradda hawlaha guud iyo dawladda hoose waxba kuma jabna.

    Wasaaradda hawlaha guud kor joogtaynta tayada dhismaha dawladda xaqbay uleedahay.

    Dawladdaha hoose awoodahooda yaanu saamayn muranka xisbiyadda iyo xukumadu.”

    Source


  11. Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa hambalyo  laga soo hormariyay 12-ka April waxaa ay u direen ciidanka xoogga dalka oo  Barri u dabaal degaya 62 sano guuradii kasoo wareegtay maalintii la’aasaasay sabadkii1960-kii. waxaana ay ciidanka ugu baaqeen in ay ka fagaadaan tallaabo waliba oo qalqal galin karta hanaanka doorashada.

    Golaha ayaa sheegay in ciidan sharaf iyo karaamo ay leeyihiin, laakiin marnaba aan la aqbali karin ciidan xoogga dalka siyaasado gaar ah loo adeegsado, sidii uu horay u sameeyay madaxweynaha waxqtigiisu dhammaaday oo lagu wareeraray madax hore iyo siyaasiyiin sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay golaha midoga Musharraxiinta,

    Goobjoog News

    No photo description available.

    No photo description available.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  12. London (Caasimada Online) – Ali Harbi Ali oo ah 26 jir Soomaali ah ayaa maanta lagu helay dambi ah inuu dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo uu ku weeraray kaniisad uu kula kulmayey cod-bixiyeyaal.

    Ali ayaa dhowr jeer mindo ku dhuftay xildhibaan David Amess markii uu kaniisadda ku weeraray bishii October 2021, werarkaas oo uu ku qeexay mid uu uga aargudanayey taageero uu xildhibaanka siiyey duqeymo laga fuliyey Syria.

    Waxa uu sidoo kale xusay in sababaha uu dilka u gaystay ay ka mid tahay in xildhibaan Amess uu ka tirsanaa koox baarlamaani ah oo lagu magacaabo “Saaxiibada Conservative-ka ee Israel.”

    Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Ali uu ahaa “argagixiso xagjir Islaami ah, dhiifoon oo xamaasadeysan.”

    “Kani waxa uu ahaa ficil argagixisanimo oo aad u xun oo ay dhiiri-geliyeen aaminsanaanta fikrado iyo caqiidooyin diimeed,” ayuu yiri Nick Price, oo ah madaxa qeybta ka-horatgga argagixisanimada ee Adeega Dacwad-oogista Boqortooyada.

    “Ali wuxuu doortay inuu gaysto dambi naceyb ah sababo naceyb iyo nafsaani ah dartood.”

    Ali ayaa Maxkamadda Old Bailey ee London ay ku heshay dambi ah dil iyo diyaarinta argagixisanimo, kadib markii xeer-beegtida ay ku qaadatay kaliya wax ka yar nus saac inay go’aan gaaraan.

    Dilka Amess oo ahaa xaasle 69 jir ah oo dhalay shan caruur ah, kana tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee ra’iisul wasaare Boris Johnson, ayaa mowjado argagax leh u diray baarlamanka, wuxuuna horseeday baaqyo ku saabsan in amni wanaagsan la siiyo xildhibaanada.

    Xildhibaanada British-ka ayaa inta badan kulmada dadweyne qabta ayaga oo haysto ilaalo aad u yar amaba aan haysan mararka qaar.

    Ali ayaa dambi baarayaasha u sheegay inuu sanado qorsheynayey inuu dilo xildhibaan, islamarkaana uu indho indheyn ku sameeyey xarunta Baarlamanka iyo laba xildhibaan oo kale, oo uu ku jro Michael Gove, oo sidoo kale wasiir ah.

    Wuxuu sheegay inuu “ku fashilmay” weeraradii hore kadibna uu ishaareystay Amess, sababtoo ah buu yiri ,“wuxuu ahaa kan ugu fudud.”

    Ali ayaa sidoo kale Maxkamadda u sheegay inuu doonayey inuu ku biiro Daacish, islamarkaana uu rumeysan yahay in ficilladiisa ay caawin doonaan Muslimiinta, isaga oo isku qeexay Muslim “qunyar socod ah.”

    “Haddii ay ila tahay in waxa aan sameynayo ay khalad yihiin, ma sameyn laheyn,” ayuu maxkamadda u sheegay.

    Ali ayaa la xukumi doonaa taariikh kale oo aan la shaacin.

    REUTERS

    The post UK: Maxkmad go’aan ka gaartay kiiska Ali Harbi ee dilkii xildhibaan Amess appeared first on Caasimada Online.


  13. Golaha deegaan Degmada Qardho gobolka Bari ee Puntland oo doorasho qof iyo cod ah lagu doortay 2021-kii ayaa markii ugu horaysay soo doortayguddoomiyaha degmadaas iyo duqa magaalada, kadib doorasho dhacday.

    Golaha deegaan ayaa guddoomiyaha iyo duqa magaalada waxaa ay u doorteen Cabdi Siciid Qaal, kadib markii 20 cod uu ka helay golaha oo ka kooban 33 xubnood, waxaana musharraxii la tartamay uu helay 7 cod oo golaha ah.

    Golaha deegaanka magalaada Qardho ayaa waxaa lasoo doortay 25-kii Octobar 2021-kii, doorasho qof iyo cod ah oo maamul goboleedka Puntland ay qabatay markii ugu horaysay, waxaana ay doorteen guddoomiye cusub 2022.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Fahad Yaasiin u gudbiyay dacwad ka dhan ah go’aamada guddiga FEIT maxkamadda sare ayaa waxaa soo baxaysay hadal hayn badan oo ka dhalatay in maxkamadda ay qaadi karto dacwado la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

    Doodda ugu weyn ayaa aheyd in Maxkamadda aysan qaadi karin dacwadaha doorashada, maadaama doorashadan ay tahay mid dadban oo ku dhisan heshiis ay wada gaareen maamullada dalka ka jira iyo dowladda federaalka.

    Hase yeeshee, Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa bishii July 2021 sheegay in Maxkamadda ay awood u leedahay ka garnaqa dacwad kasta oo ka dhalata doorashooyinka, kadib marka lagu qanci waayo go’aamada kasoo baxa guddiyada ku shaqada leh.

    “Marka ay billowdaan doorashooyinka go’aan kasta oo soo saaran guddiyada waa kuwa maamul oo waxaa cabasho looga qaadan karaa maxkamadda sare ee dalka waxay diyaar u tahay ka garnaqa cabasho kasta oo ka dhalata go’aanada maamul ee gaareen guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan,” ayuu yiri guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed.

    Arrintan ayaa meesha ka saareysa su’aasha ka dhalatay dacwada uu gudbiyay Fahad, kadib markii uu ka biyo diiday go’aamada guddiga FEIT oo ayagu go’aamiyay dib ku noqoshada kursiga uu ku guuleystay ee HOP#086.

    Tallaabada Fahad ayaa sida la fahamsan yahay timid kadib markii ay kasoo xirmeen albaabadii kale, si loogu fasaxo kursigiisa oo la sheegay in uusan marin habraaci saxda ahaa ee doorashada.

    Si dhab ah looma oga sida ay u wajahi doonto maxkamadda dacwadaan uu gudbiyay Fahad, hase yeeshe waxa marnaba shaki ku jirin in uusan kasoo bixi doonin go’aan lidi ku ah saaxiibka Farmaajo.

    The post Maxay Maxkamadda Sare ka tiri qaadista dacwadaha doorashada xilli FAHAD uu dacwad ka gudbiyey FEIT? appeared first on Caasimada Online.


  15. Mideeye.jpg?resize=720%2C585&ssl=1Cabdi Siciid Qaal

    Golaha degaanka cusub ee degmada Qardho oo ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ee dhacday 25 October 2021 ayaa maanta doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

    Duqa degmada Qardho waxa ku guulaystay Cabdi Siciid Qaal oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye kadib markii uu 20 cod ka helay tirada guud ee xubnaha golaha degaanka oo ka kooban 33 xubnood.

    Maxamed Faarax Cabdi Buraale oo la tartamay islamarkaana ka socday urur siyaasadeedka Xukuumadda ee Kaah ayaa isna helay 13 cod oo keliya.

    Sidoo kale Maxamed Cabdillaahi Siciid oo ka tirsan urur-siyaasadeedka Sincad ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qardho.

    Urur siyaasadeedyada mucaaradka ah ee SINCAD iyo Mideeye ayaa ururka Xukuumadda ee Kaah kaga adkaaday doorashada kadib markii ay samaysteen isbaheysi.

    PUNTLAND POST

    The post Urur siyaasadeedka Mideeye oo ku guulaystay duqa degmada Qardho appeared first on Puntland Post.