Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo koox hubeysan oo burcad ah ayaa xalay ku dagaalamay Waaxda Jenaraal Daa’uud oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana is rasaaseynta ka dhashay khasaare kala duwan.

    Iska hor imaadka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ceelqalow, kadib markii ciidamada ammaanka ay howlgal ku qaadeen rag burcad ah oo ku howlanaa dhaca dadweynaha.

    Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Dalxiis) oo guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir ayaa Wariyeyaasha u sheegay in 5 ka mid ah burcadda la qabtay, wuxuuna tilmaamay in xilligaas ay Mooto ku dhacayeen shacabka degmada Wadajir.

    Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay jiraan rag kale oo ciidamada amniga ay ku raadjoogaan, isla-markaana uu socon doono howlgalka ka dhanka ah burcadda.

    C/risaaq Dalxiis ayaa sidoo kale u mahadceliyey dadka shacabka ah ee soo gudbiyey xogta raggaasi, kadibna ay u suuragashay inay ciidamada ammaanka ay soo qabtaan.

    ”Aniga oo wakiil ka ah shacabka deggan waaxda koowaad ee degmada waxaan ka codsan lahaa in ay gacan naga siiyaan xogta burcada dhibaateeya shacabka si aan meel ugu soo wada jeesano cadowga ku howlan dhibaateynta shacabka daggan degmada,” ayuu yiri.

    Habeenadii lasoo dhaafay ayaa waxaa ciidamada Booliska ay xoojiyeen howlgallada ka socda Muqdisho ee lagu xaqiijinayo amniga guud, si looga hortago falalka amni darrada ah.

    The post DAGAAL xalay ka dhacay degmo ka tirsan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  2. Boqorka Belgium-ka, Philippe ayaa maanta oo Talaado ah booqasho taariikhi ah ku tagay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, gobolkaas oo ay si naxariis darro ah dhibaatooyin uga dhaceen intii Belgiumka uu gumaysanayay dalkaas.

    Booqashadan oo ah tii ugu horeysay ee uu Boqorku ku tago DRC tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2013-kii, ayaa waxaa lagu wadaa in ay kawada hadlaan boqorka iyo madaxweynaha dalkaas, sidii labada dhinac ay isku kaashan lahaayeen sidoo kalena dowladda Belgium ay raalli gelin uga bixin lahayd wixii dhacay qarnigii tagay.

    Booqashada ayaa markii hore loo qorsheeyay inay dhacdo Juun 2020 si loogu dabaaldego sannad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida DRC laakiin dib ayaa loo dhiigay, iyadoo sanadkaan laga dhigay 2022 .

    Philippe waxaa ku wehlin doona xaaskiisa Boqorada Mathilde iyo xubno ka tirsan dowladda Belgian oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Alexander De Croo.

    Taariikhyahanadu waxay sheegeen in malaayiin qof oo ku nool Kongo Belgian lagu dilay, la jarjaray ama ay u dhinteen cuduro iyagoo ka shaqaynayay beero caag ah oo uu lahaa Leopold II, oo ahaa boqorkii Belgium 1865 ilaa 1909 iyo walaalkii Philippe awoowgii awoowe.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  3. Cyril Ramaphosa  madaxweynaha dalka Koonfur Afrika , ayaa wajahaya baariska dhan ah shaqsiyaddiisa kadib markii uu ku fashilmay in uu cadeeyo lacag dhan 4 milyan oo dollar oo laga xaday beertiisa oo ku taalla gobalka Limpopo.

    Ramaphosa ayaa laga xaday beertiisa lacagta, xilli uu marqaati ku furay madaxii hore ee sirdoonka dalka Koonfur Afrika Arthur Fraser, kaas oo sheegay in kiiska madaxweynaha uu markhaati ka noqonayo.

    Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa dhankiisa aan iska fogeynin eedda loo haysto, balse waxa uu sheegay in madaxada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha uu ku wargeliyay lacagta la dhacay, isagana uusan u gudbin booliiska ka hor inta aanan lagu soo eedeynin dambigaan.

    “Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in aanan ku lug lahayn wax fal dambiyeed ah, waxaanna mar kale ballan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono nooc kasta oo baadhitaan ah,” ayuu yiri madaxweyne Ramaphosa oo  ka hadlay dhacdadan.

    “Waxaan rabaa inaan sheego inaan ahay beeraley ahay, waxaan ku dhex jiraa ganacsiga Lo’da iyo ugaadha, ganacsigaas oo baarlamaanku ka warhayo, waxaan soo iibsadaa xoolaha nool ka dib dib ayaan u sii iibiyaa” ayuu sii raaciyey

    Sida lagu sheegay warqadda markhaatiga ee madaxii hore ee sirdoonka dalka Koonfur Afrika, madaxweynaha ayaa la sheegay in uu isku dayay in kiiskaan uu qariyo.

    Lacagtaan ayaa la xaday bishii February ee sanadkii 2020, taas oo tan iyo illa iyo xilligaan la qarinayay, ka hor inta aysan dambabaaristu ogaan.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  4. images.jpeg?resize=773%2C516&ssl=1

    Warbixin cusub oo ka soo baxday Shabakadda Digniinta Hore ee Macluusha iyo Qaybta Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, oo ku salaysan qiimayn degdeg ah oo ay sameeyeen hay’ado badan oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa muujisay in 7.1 milyan oo Soomaali ah (in ku dhow 50 boqolkiiba dadweynaha) ay hadda wajahayaan sugnaan la’aan cunto heer-dhibaato ah ama ka sii daran ilaa ugu yaraan Sebteembar 2022, 213,000 oo qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa wajahaya gaajo musiibo ah iyo macaluul, waxa ay 81,000 ka badan tahay saadaasha bishii Abriil.

    Deegaanno badan ayaa halis ugu jira macaluul, gaar ahaan koonfurta dalka ee gobollada ay ka jiraan ammaan-darro iyo colaado ka dhigaya gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo mid caqabad sii ah.

    Tirooyinkan ayaa ka tarjumaya xaaladda sugnaanta cuntada ee la filayo inay si dhaqso ah uga sii darto bilaha soo socda. Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta ayaa hadda dhaqaalaha xaddidan ee ay hayaan diiradda ku saaraya ka-hortagga macluusha si ay u difaacaan kuwa ugu nugul dalka, iyadoo hay’adaha saadaasha hawada ay ka digayaan in xilli-roobaad kale oo ka hooseeya celceliska uu imaan karo dabayaaqada sannadka.

    “Waxa aynu u toogheynaa masiibo iman karta; Haddii lagu fashilmo in hadda wax la qabto waxay murugo ku noqon doontaa qoysas badan oo ku sugan Soomaaliya,” ayuu yiri Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Deegaanka  iyo Gargaarka Bani’aadannimada Adam Abdelmoula. “Soomaaliya waxay qatar ugu jirtaa in ay gasho xilli roobaadkii shanaad oo xiriir ah ee baaqda taas oo aan horay loo arag, oo la micno ah in boqollaal kun oo qof ay wajahayaan khatar macluul ah. Macaluul ayaa galaafatay nolosha 260,000 oo Soomaali ah sannadihii 2010-2011. Tani lama ogolaan karo inay mar kale dhacdo 2022. Waxaa degdeg ah in wax badan la qabto si looga hortago khatartan, oo hadda wax la sameeyo,” ayuu yiri.

    Si wadajir ah, Hay’adaha gagaarka bani’aadannimo ayaa intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Abriil 2022 waxa ay kaalmo isugu jirtay naf-badbaadin iyo hab-nololeed gaarsiiyeen dad gaaraya 2.8 milyan oo qof, kuwaas oo qayb ka ah gurmadka abaaraha iyo barnaamijyada ka-hortagga macluusha, balse qiimaynta cusub waxa ay si cad u muujinaysaa in baaxadda kaalmada hadda la gaarsiinayo iyo maalgelinta beesha caalamka in aysan weli ku filnaynan si loo difaaco kuwa ugu khatarta badan.

    Qoysaska Soomaaliyeed ayaa dhibaato ku qaba sicirka sare u kacaya ee cuntada maadaama cuntada waddanku ay noqotay mid gabaabsi ah xilliyo xiriir ah iyadoo loo aaneynayo wax soo saarka gudaha oo xumaaday ama fashilmay, dhimashada xoolaha iyo qiimihii cuntada dibadda laga keeno oo gaaraya heerarkii ugu sarreeyay – qayb ahaan waxaa sabab u ah saameynta isku xirnaanta saadka oo ay sabab u tahay iska horimaadyada Yugreyn. Qaybo ka mid ah dalka, waxaa sare u kacay qiimaha cuntada 140 ilaa 160 boqolkiiba, taasoo keentay in qoysas danyar ah ay gaajoodaan oo ay cayrtoobaan.

    “Waa inaan si degdeg ah tallaabo u qaadnaa si aan uga tagno masiibo bini’aadannimo.

    Nolosha dadka ugu nugul waxa ay horraanba halis ugu jiraan nafaqo darro iyo gaajo, mana sugi karno in baaqa wax ka qabashada macaluul,” ayuu yiri El-Khidir Daloum, madaxa WFP ee Soomaaliya. . “Waa tartan lagula jiro waqtiga si looga hortago macluusha, WFP na waa ay kordhineysaa intii suurtagal ah, iyada oo mudnaanta koowaad siinaysa kheyraadkeenna yar si aan u badbaadinno kuwa khatarta ugu badan, Laakiin sida ay muujinayaan tirooyinkan cusub, waxaa loo baahan yahay dhaqaale dheeraad ah oo degdeg ah si loo daboolo dhibaatooyinka gaajada ee sii baahaya.,” ayuu yiri.

    Ku dhawaad 3 milyan oo xoolo ah ayaa ku dhintay abaarta tan iyo bartamihii 2021-kii, hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka hilibka iyo caanaha ayaa sidoo kale horseeday nafaqo-darro ka sii daraysa, gaar ahaan carruurta yaryar ee ku nool deegaamada xoolo-dhaqatada ah oo ku tiirsan sahayda gudaha. Laga soo bilaabo Maajo 2022, qiyaastii 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa wajahaya nafaqo-darro ba’an dhammaadka sannadka, oo ay ku jiraan 386,400 kuwaas oo laga yaabo in ay hayso nafaqo-darro ba’an – waxa ay korortay 55,000 marka loo eego qiyaasihii hore.

    Dhibaatooyinka nafaqo-darrada ayaa laga yaabaa inay ka sii daraan iyadoo xaaladda nafaqadu ay aad uga sii darayso deegaamada ay abaarta saameysay, tiiyo carruurta iyo dadka nugul ay yihiin kuwa ugu daran. “Tani waa xasarad carruurta haysata.

    Kuma saabsana oo kaliya biyaha ama nafaqada, laakiin sidoo kale waxa ay ku saabsan tahay carruurta weyneysa waxbarashada, nuglaanta arrimaha ilaalinta carruurta iyo caafimaad xumo; dhamaantood saamaynaya mustaqbalkooda,” ayay tiri Angela Kearney, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya.

    Hay’adda UNICEF waxa ay taageertay daawaynta in ka badan 114,000 oo carruur ah oo ay hayso nafaqo-darro ba’an intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Abriil 2022. “Waxaan daweynaynaa carruurta laakiin hadda waxaan u baahannahay dhaqaale dheeraad ah si aan uga hortagno macluusha, una ilaalinno mustaqbalka ilme kasta oo Soomaaliyeed,” ayay tiri.

    Xaaladda qallafsan ee sugnaanta cuntada ayaa laba jibbaarmeysa iyadoo maalgelinta bini’aadannimo ee beesha caalamka ay ka yar tahay in ay ku dhawaato waxa jilayaasha u baahan yihiin si looga hortago macluul dalka ka dhacda. Qorshaha wax ka qabashada Bani’aadannimada ee 2022 hadda waxa la maalgeliyay 18% oo keliya. “Taageeradii loo baahnaa weli si buuxda uma hirgelin, boqollaal kun oo Soomaali ahna waxay halis ugu jiraan gaajo iyo dhimasho,” ayuu yiri Etienne Peterschmitt, oo ah wakiilka FAO ee Soomaaliya.

    PUNTLAND POST

    The post QM oo sheegtay 7.1 Milyan oo Soomaaliyeed inay wajahayaan cunto la’aan appeared first on Puntland Post.


  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda University of Calgary ee dalka Canada ayaa shaaciyey in madaxweyne Xasan Sheekh laga yaabo inuu ra’iisul wasaare u magacaabo haweeney. 

    Xuseen Warsame, oo xubin ka ahaa guddigii dhaqaalaha qaranka ee 2018 uu magacaabay madaxweyne Farmaajo, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay inuu jiro war noocaas ah oo aad la iskula dhex-marayo. 

    Waxa uu sheegay in haweeneydaas ay tahay qof dhaqaalyahan, balse uu jiro cadaadis xooggan oo ay madaxweynaha saarayaan xubno ku dhow oo doonaya in ra’iisul wasaaraha laga dhigo rag.  

    Xuseen Warsame ayaa shaaca ka qaaday in haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhabeyn karo arrintan ay ka dhigi doonto inuu buugga taariikhda Soomaaliya ku galo inuu yahay aragti yahan isbeddel doon. 

    Caasimada Online ma hayso wax xog ah oo ku saabsan in Xasan Sheekh uu haweeney u wado ra’iisul wasaaraha. 

    Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud ma ahan madaxweyne ka cabsada inuu isbeddelo taariikhi ah Soomaaliya. Bishii November 2012, ra’iisul wasaare Saacid ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u magacaabay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey madaxweyne Xasan Sheekh. 

    Xuseen Warsame, oo qaar ka mid ah dadka ku xiran boggiisa twitter-ka oo rumeysan la’ xogta uu shaaciyey ay su’aalo ku celiyeen, ayaa ku jawaabay “aad ayey dhab igaga tahay. Waxaa jira suurta-ganimo aad u wanaagsan oo ay arrintan ku dhici karto. 

    Mar la weydiiyey in xilligan ay adag tahay in Xasan Sheekh uu gabar u magacaabo ra’iisul wasaare cadaadiska saaran darteed, wuxuu Xuseen Warsame ku jawaabay “way adagtahay. Waxaa se ay u baahan tahay geesinino iyo indheer-garadnimo. Madaxweyne Xasan na, labadaba waan ku tuhmayaa.”

    Haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare u magacaabo dumar waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo ay sidaas dhacdo.

    Soomaaliya ayaa dhowaan dhigtay taariikh cusub, markii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya loo doortay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

    The post Xasan oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu ra’iisul wasaare u magacaabo haweeney appeared first on Caasimada Online.


  6. Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ay wehelinayeen, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Sh. Barkhad Isaaq Barre, Agaasimaha Maxkamadaha Guur-guura Sharmaarke Yuusuf Faarax, Madaxa Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim iyo Xisaabiyaha Maxkamadda Sare Caydaruus Maxamed Cabdi ayaa maanta Tababar socon doona muddo 10 cisho  ah u furay 50 Xubnood oo ka tirsan Bahda Garsoorka Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag.

    Tababarkan oo hal-ku-dhigiisu yahay “Tababarka tababarayaasha Garsoorka” ayaa ujeedadiisu ahayd sare u qaadida aqoonta iyo khibrada Guddoomiyayaasha, Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyaasha, Qareennada iyo Kaaliyayaasha goboladaasi, si ay iyagu tababarada danbe gadh-wadeen uga noqdaan isla markaana loo helo jiil macalimiin ah oo fidiya aqoon is-waydaarsiyada dambe ee laga fulinayo goboladaasi.

    Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer oo ku hadlayay afka kasoo qayb galayaasha ayaa u mahadnaqay kooxda tababarka hoggaaminaysay ee ka socday Maxkamadda Sare, waxaanu ku dhiirigaliyay kasoo qayb galayaasha in ay ilaaliyaan wakhtiga tababarka oo ay ka faa’iidaystaan duruusta muddadasi la is-waydaarsanayo, maadaama uu tababarkani hal-bawle u yahay joogteynta tababarro ay iyagu hoggaaminayaan.

    Geesta kale Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo ku hadlayay magaca Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL ayaa u mahadnaqay dhammaan xubnihii kasoo qayb galay tababarka, ee wakhtigoodii u soo huray in ay ka faa’iidaystaan tababarkan oo laf-dhabar u ah tababaradda danbe ee goboladaasi laga fulin doono, ayaa sidoo kale u mahadnaqay, Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha oo door muuqda ka qaatay qabsoomida tababarkaasi, saraakiisha Maxkamadda Sare ka socotay iyo Hay’adda UNDP oo taageero muhiim ah ka gaysatay qabsoomida tababarka, waxaanu xusay in tababaradda la sii wadi doono, isagoo  hoosta ka xariiqay ahmiyada uu leeyahay tababarkani iyo sida ay lama-huraanka u tahay in la xoojiyo tababarrada caynkan ah, ugu danbayna wuxuu tibaaxay in dhawaan laga fullin doono tababarro noocan ah Gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal.

    Tababarkan ayaa muddada uu socdo lagu gorfayn doonaa mawduucyo sal-dhig u ah arrimaha Garsoorka, waxaana la isku waydaarsan doonaa aaraa’ kala duwan oo qayb ka noqonaysa yoolka ah, helida macalimiin aqoon durugsan u leh bixinta tababarro tayo leh oo wax-ka-bedeli doona geedi socodka Bahda Garsoorka ee Goboladaasi. Tababarkan ayaa daba socdo tababaro muddooyinkii u danbeeyay si xidhiidh ah ay Maxkamadda Sare u bixinaysay kuwaasi oo kaalin mug leh kaga jira kobcinta aqoonta iyo waayo-aragnimada bahda Garsoorka dalka.

    Ibraahim Maxamed Cali

    Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare

    Source


  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal Islaam oo dhowr ah oo aan weli cambaareyn aflagaadad ay gabar ka tirsan xisbiga maamulka India ee BJP u gaysatay Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم. 

    Dalalka Islaamka ee illaa hadda cambaareyey gefka India ayaa kala ah; Imaaraadka Carabta, Turkey, Oman, Indonesia, Iraq, Maldives, Jordan, Libya, Bahrain, Kuwait, Iran, Qatar iyo Sacuudi Carabiya, ayada oo liiska uu sii kordhayo. 

    Ma cadda haddii xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble aysan weli ku baraarugsaneyn arrintan, iyo haddii ay go’aansatay inay isaga aamusto.  

    Afhayeenka BJP Nupur Sharma ayaa aflagaadeysay Nebiga NNKH iyo xaaskiisa Caa’isha ayada oo ka qeyb galeysay dood taleefishin, halka madaxa warbaahinta xisbiga BJP Naveen Kumar Jindal uu qoraal aflagaado ah soo geliyey twitter-ka. Xisbiga BJP ayaa shaqo joojin ku sameeyey labada xubnood. 

    Caasimada Online ma soo qori karto hadallada ay sheegtay gabadhaas, maadaama ay gef yihiin, islamarkaana bahaintooda ay ka dhigan tahay gefka oo lasii faafiyey. 

    Dalal Islaamka badankood ayaa u yeeray safiirada India u jooga dalalkaas, ayaga oo u dhiibay qoraallo cabasho oo rasmi ah, kana dalbaday raali-gelin.

    Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC), oo Soomaaliy ay xubin ka tahay, ayaa sheegay inuu sida ugu xooggan u cambaareynayo aflagaadada ay Nebiga NNKH u gaysteen xubnaha ka tirsan xisbiga BJP. Hase yeeshee dowladda Soomaaliya weli lagama hayo qoraal u gaar ah.

    Ka sokow dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliya iyo culimada ayaa sidoo kale weli si aad ah ugu baraarugsaneyn arritan, ayada oo weli aysan xitaa culimada waa weyn ee dalka aysan ka hadal.   

    Shacabka dalalka Islaamka qaarkood ayaa billaabay olole ka socda baraha bulshada ayaga oo dalbanaya in la qaadaco dhammaan badeecadaha ay soo saarto India, balse Soomaalida weli si buuxda uma mid ahan arrintan. 

    Dhanka kale, guddoomiyaha labada Xaram ee shariifka ah Sheekh Cabdiraxmaan Sudaysi, ayaa si kulul u cambaareeyey hadallada aflaagadada ah ee ka dhanka ah Suubanaha NNKH.

    “Ficilladan foosha xun kama tarjumayaan ixtiraamka diimaha, islamarkaana kuwa sameeyey ma aysan aqrin taariikhda Nebiga NNKH. In Nebiga la aflagaadeeyo waxaa ka kheyr roon dunida oo dhan oo la gediyo,” ayuu yiri Sheekh Sudaysi. 

    The post Maxay DF uga aamustay aflagaadada loo gaystay Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم? appeared first on Caasimada Online.


  8. Madaxweynihii ugu mushaarka badnaa Afrika oo doonaya in guri loo qaaraamo

    Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wali ka wada Baraha Bulshada olole ay ugu magac dareen “Mahadsanid Madaxweyne”, kaasi oo looga goleeyahay in guri loogu dhiso Farmaajo.

    Ilaa iyo hadada dadka Soomaaliyeed waa ka gadmi la’dahay in Farmaajo uusan heesan dhaqaalo uu guri ku iibsado, laakiin ololahaan ayaa la aaminsanyahay ujeedkiisu inuu yahay sii heesashada taageerayaasha kooxdaan. 

    Markii uu soo baxay mashruuca guriga loogu dhisaayo Farmaajo ayaan waxaan baaritaan ku samaynay mushaarka iyo xuquuqda Farmaajo uu ka qaadanayay dowladda intii uu xafiiska joogay, maadaama qofka ugu sareeya dowladda ilaa qofka ugu hooseeya ay yihiin shaqaale u shaqeeya dadka iyo dalka dowladdana ka qaata xuquuq. 

    Sidoo kale waxaan baaritaanka ku ogaanay xuquuqda maamuus ee madaxweyne Farmaajo uu dowladda ka qaadan doono inta uu noolyahay, taa oo u billaabatay maalintii uu xilka wareejiyay. 

    Xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyada, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Bankiga Dhexe ee dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo bil kasta uu mushaar ahaan u qaadanayay intii uu joogay xafiiska lacag dhan 60-kun oo dollar.

    Sanadkii wuxuu dowladda ugu shaqaynayay 720-kun oo dollar. Marka la isku daro 63-bilood, ama (shan sano iyo saddex bilood) oo uu fadhiyay xafiiska ugu sareeya dalka, wuxuu Madaxweyne Farmaajo mushaar ahaan u qaatay $3,780,000 (Saddex malyan toddoba boqol iyo sideetan kun oo dollar).

    Intaas waa kaliya mushaarka Farmaajo uu ka qaatay dowladda intii uu shaqaynayay, kumana jiraan xuquuqaha kale ee madaxweynaha iyo lacagaha danaha kale lagu dabarayay.

    Waxaan sidoo kale ogaanay lacagta uu xaqa u leeyahay Farmaajo oo uu qaadan doono inta ka dhiman noloshiisa, taas oo u billaabatay maalintii uu xafiiska baneeyay.

    Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Farmaajo bil kasta Account-kiisa gaar ah ay ugu dhici doonto lacag dhan 25-kun oo dollar, taas oo ka dhigan sanadkii $300,000 oo kun oo dollar. Waxaa xusid mudan lacagtaan maamuska ah inuu sidoo kale bil kasta uu qaadan jiray Madaxweynaha hadda Xafiiska jooga Xasan Sheekh Maxamuud intii uu mucaaradka ahaa.

    Intii aan baaritaanka ku jirnay waxaan ku ogaanay in mudo xileedkii hore ee Maaxweyne Xasan Sheekh uu mushaar ahaan u qaadan jiray 8-kun oo dollar oo ah lacag aad uga yar tan uu mushaar ahaan u qaadanayay Farmaajo.

    Mushaarka Xasan Sheekh ee xiligaas iyo ka dhan dhammaan Madaxda kale iyo shaqaalaha dowladda hal mar ayaa la jaangooyay, waxaana la marsiiyay baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay. 

    Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee aan la hadalnay waxay inoo xaqiijiyeen in mushaar kordhinta Farmaajo aanan la marsiin baarlamaanka, sidoo kalana aanan hal mar lagu soo darin warbixinta muusaaniyadda dowladda, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu qaatay lacag sharci-darro ah.

    Farmaajo halkee ayuu uga jiray madaxweynayaasha ugu mushaarka badan Qaarada Afrika. 

    Inkastoo Kooxda Farmaajo ay aad u qarinayeen inta uu la egyahay mushaarka Madaxweynaha, ayaa hadana xogtaan laga ogaaday hay’adaha qaabilsan maamulka miisaaniyada Soomaaliya, waxay cadaynayaa in Madaxweyne Farmaajo uu ahaa Madaxweynaha ugu Mushaarka badan Qaarada Afrika, islamarkaana sanadkii uu Soomaaliya ka qaadanayay lacag dhan $720-kun oo dollar. 

    Kaalinta labaad waxaa ku jira Madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya – oo qaata $620,976, Halka saddexaadna uu ku jiro Boqorka Dalka Morocco  King Mohammed – kaas oo mushaar ahaan u qaata Sanadkii $488,604.

    Hadaba Madaxweyne Farmaajo oo ahaa madaxweynihii ugu msuhaarka badnaa Qaarada Afrika shantii sano ee la soo dhaafay, mushaarna u qaatay $3,780,000, haddana asaga oo aanan xil hayn sanadkii qaadanaya $300,000, ma u baahanyahay in qaaraan guri loogu dhiso.?

    Qaran News


  9. Mid ka mida Jeneraalada ugu sarreeya Ciidanka Ruushka ee ka dagaalamaya Bariga Ukraine oo la dilay

    Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay inuu dhintay mid ka mid ah jeneraalada ugu sarreeya ee Moscow ee joogay Ukraine, kaddib dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

    Sida uu sheegay wariye ka tirsan warbaahinta dowladda ee Rossiya 1, Roman Kutuzov ayaa la dilay isagoo hogaaminaya weerar lagu qaaday deegaan ay degan yihiin ciidamadda Ukraine oo ku yaala gobolka Donbas.

    Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan weli ka hadlin wararkan.

    Militariga Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijiyay dilka Gen Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

    Qaran News


  10. London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ka badbaaday cod kalsooni ah oo ay u qaadeen xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, hase yeeshee waxaa aad loo wiiqay awooddiisa ayaada oo tiro aad u badan ay diideen.

    Natiijada codka loo qaaday Johnson ayaa noqotay 211-148, taasi oo uu ku qeexay “natiijo qayaxan oo lagu qanci karo.” 

    “Dowlad ahaan horey ayaan u socon karnaa oo diiradda saari karnaa arrimaha muhiimka ah,” ayuu weriyayaasha u sheegay. 

    Codka — oo yimid laba sano un kadib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashada guud — ayaa la keenay kadib markii xisbiga Tory-ga ay hareeyeen fadeexado dhowr ah. 

    Waxaa ugu weynaa fadeexadda “Partygate” ee soo shaac baxday markii uu xaflad ku qabtay xafiiska Downing Street xilli shacabka kale la geliyey xayiraad sababo la xiriira cudurka Coronavirus, taasi oo dhalisay caro dadweyne, kana dhigtay ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.  

    Johnson oo 57 jir ah ayaa u baahnaa taageerada 180 xildhibaan si uu u badbaado — taasi oo ah aqlabiyadda 359-ka xildhibaan ee xisbigiisa ugu jira baarlamanka. 

    Guuldarro ku dhacda ayaa ka dhignaan laheyd inay soo geba-gebowdo hoggaankiisa xisbiga iyo xilka ra’iisul wasaaraha. 

    Waxaa hadda ay diiradda u wareegeysa haddii Johnson uu ka badbaadi karo inuu lumiyey kalsoonida tiro sidaas u badan oo ah xildhibaanadiisa — iyo haddii wasiiro sare ay is-casili doonaan.

    Codbixino hore oo ay sameeyeen xubnaha Tory-ga, Margaret Thatcher iyo Theresa May ayaa labadaba ugu dambeyn is-casilay inkasta oo ay si dirqi leh uga badbaadeen codka kalsoonida oo loo qaaday.  

    “Dowladda Conservative-ka waxay hadda rumeysan tahay in jebinta sharciga aysan caqabad ku aheyn sameynta sharciga,” waxaa sidaas yiri Keir Starmer oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labor-ka.

    “Xisbiga Conservative-ka wuxuu hadda rumeysan yahay in shacabka Britain aysan xuquuq u laheyn inay fishaan siyaasiyiin daacad ah,” ayuu yiri. 

    Codbixinta ayaa saaka oo Talaado ah qabsatay bogagga hore ee wargeysyada Britain, ayada Boris Johnson loogu yeeray “nin dhintay oo socda.” 

    The post Natiijada codkii kalsoonida ee loo qaaday R/W Boris Johnson appeared first on Caasimada Online.


  11. Natiijada Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson oo codka kalsoonida “Confidence Vote” ee loo qaaday

    Ra'iisul wasaaraha Britain Boris Johnson
    Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson.

    Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson Boris Johnson ayaa ku guuleystay taagerada aqlabiyadda xildhibaanada xisbiga Conservative-ka ee Britain

    Ra’iisul wasaaraha ayaa boqolkiiba 59 ku guulesyatay codadka, Boris Johnson waxa uu sii ahaan doona hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo ra’iisal wasaaraha.

    Xeerka hadda jira ayaa dhigaya in xildhibaannada xisbiga aanay cod kale u qaadi karin muddo sanad ah.

    Dhamaan codadka 211 xildhibaan ayaa sheegay inay kalsooni ku qaban hogaanka Boris johnson halka 148 xildhibaan ay codkooda ku sheegen inay kalsooni ku qabin Ra’iisul wasaaraha.

    Wasiirkii hore caafimaadka Jeremy Hunt oo la saadalinayay in uu noqdo ninka Johnson bedeli doono ayaa waxaa uu kamid ahaa dadkii la xaqiijiyay inay ka codeeyen Mr Johnson.

    Mr Johnson oo Ra’iisul wasaaraha noqday sanadkii 2019-kii ayaa loo sheegya in loo qaadi doono codka kalsoonida maalinkii axada mar uu ku sugnaa xafladii loogu debaldagay 70sano guuradii kasoo wareegatay tan iyomarkii xilka ay boqoada la wareegtay.

     

    Qaar kamid ah xildhibaannada xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa gudbiyay codsi ku aaddan inuu iscasilo ra’iisal wasaare Johnson.

    Cadaadiska siyaasadeed ee haysta Ra’iisul wasaaraha ayaa kordhay tan iyo markii ay soo baxday warbixin faahfaahinaysa xaflado ka dhacay xafiiskiisa Downing Street intii lagu guda jiray xayiraadihii ka dhashay Covid-19.

    Warbixinta oo ay diyaarisay Sue Gray oo kamid ah xubnaha ugu sarreeya shaqaalaha rayidka ee UK ayaa lagu sheegay in xafladaas “aan la oggolaadeen inay dhacaan.”

    Codka kalsoonida ee Mr Johnson ayaa ka dhigan in uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee UK oo lagu ganaaxo inuu sharciga jabiyay.

    Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee Conservative-ka ee wajaho cod xisbigu u qaado hoggaankooda waxay ahayd Theresa May, oo ku guuleysatay codka laakiin waxay iska casishay lix bilood ka dib qaabkii ay u maaraysay Brexit.

    Mr Johnson waxa uu xilka kala wareegay bishii Luulyo 2019 ka dibna waxa uu ku baaqay doorasho guud oo xisbiga conservatife-ka uu ku guulaystay aqlabiyadii ugu waynayd tan iyo markii uu Ra’Isal wasaarihii hore ee Margaret Thatcher uu ku guulaystay doorashadii 1987-kii.

     

    Qaran News


  12. Ergayga arrimaha Abaaraha iyo Gurmadka u qaabilsan madaxweynha Jamhuuriyadda  federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Ambassador  FEI Shengchao .

    Ergayga iyo Safiirka ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda abaaraha ee ka taagan dalka iyo sidii dowladda Shiinaha ay qeyb uga noqon leyd gurmadka loo samaynayo dadka ay saamaysay abaarta baahsan ee ka jirta dalka, taas oo dadka saameysay.

    Safiirka dowladda Shiinaha ayaa Ergayga u ballan qaaday in dowladdiisa ay hurmuud ka noqndoonto ayna si buuxda ula shaqeyn doonto sidii loogu gurman lahaa dadka Abaartu ay saamaysay, kuwaas oo nolol kasoo raadiyay magaalooyinka.

    Ergayga arrimaha Abaaraha iyo Gurmadka u qaabilsan madaxweynha Jamhuuriyadda  federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wado kulamo kale duwan uu la qaadanyo hey’adaha deeqda bixiya si wax looga qabto abaarta.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wali ka wada Baraha Bulshada olole ay ugu magac dareen “Mahadsanid Madaxweyne”, kaasi oo looga goleeyahay in guri loogu dhiso Farmaajo.

    Ilaa iyo hadada dadka Soomaaliyeed waa ka gadmi la’dahay in Farmaajo uusan heesan dhaqaalo uu guri ku iibsado, laakiin ololahaan ayaa la aaminsanyahay ujeedkiisu inuu yahay sii heesashada taageerayaasha kooxdaan. 

    Markii uu soo baxay mashruuca guriga loogu dhisaayo Farmaajo ayaan waxaan baaritaan ku samaynay mushaarka iyo xuquuqda Farmaajo uu ka qaadanayay dowladda intii uu xafiiska joogay, maadaama qofka ugu sareeya dowladda ilaa qofka ugu hooseeya ay yihiin shaqaale u shaqeeya dadka iyo dalka dowladdana ka qaata xuquuq. 

    Sidoo kale waxaan baaritaanka ku ogaanay xuquuqda maamuus ee madaxweyne Farmaajo uu dowladda ka qaadan doono inta uu noolyahay, taa oo u billaabatay maalintii uu xilka wareejiyay. 

    Xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyada, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Bankiga Dhexe ee dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo bil kasta uu mushaar ahaan u qaadanayay intii uu joogay xafiiska lacag dhan 60-kun oo dollar.

    Sanadkii wuxuu dowladda ugu shaqaynayay 720-kun oo dollar. Marka la isku daro 63-bilood, ama (shan sano iyo saddex bilood) oo uu fadhiyay xafiiska ugu sareeya dalka, wuxuu Madaxweyne Farmaajo mushaar ahaan u qaatay $3,780,000 (Saddex malyan toddoba boqol iyo sideetan kun oo dollar).

    Intaas waa kaliya mushaarka Farmaajo uu ka qaatay dowladda intii uu shaqaynayay, kumana jiraan xuquuqaha kale ee madaxweynaha iyo lacagaha danaha kale lagu dabarayay.

    Waxaan sidoo kale ogaanay lacagta uu xaqa u leeyahay Farmaajo oo uu qaadan doono inta ka dhiman noloshiisa, taas oo u billaabatay maalintii uu xafiiska baneeyay.

    Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Farmaajo bil kasta Account-kiisa gaar ah ay ugu dhici doonto lacag dhan 25-kun oo dollar, taas oo ka dhigan sanadkii $300,000 oo kun oo dollar. Waxaa xusid mudan lacagtaan maamuska ah inuu sidoo kale bil kasta uu qaadan jiray Madaxweynaha hadda Xafiiska jooga Xasan Sheekh Maxamuud intii uu mucaaradka ahaa.

    Intii aan baaritaanka ku jirnay waxaan ku ogaanay in mudo xileedkii hore ee Maaxweyne Xasan Sheekh uu mushaar ahaan u qaadan jiray 8-kun oo dollar oo ah lacag aad uga yar tan uu mushaar ahaan u qaadanayay Farmaajo.

    Mushaarka Xasan Sheekh ee xiligaas iyo ka dhan dhammaan Madaxda kale iyo shaqaalaha dowladda hal mar ayaa la jaangooyay, waxaana la marsiiyay baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay. 

    Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee aan la hadalnay waxay inoo xaqiijiyeen in mushaar kordhinta Farmaajo aanan la marsiin baarlamaanka, sidoo kalana aanan hal mar lagu soo darin warbixinta muusaaniyadda dowladda, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu qaatay lacag sharci-darro ah.

    Farmaajo halkee ayuu uga jiray madaxweynayaasha ugu mushaarka badan Qaarada Afrika. 

    Inkastoo Kooxda Farmaajo ay aad u qarinayeen inta uu la egyahay mushaarka Madaxweynaha, ayaa hadana xogtaan laga ogaaday hay’adaha qaabilsan maamulka miisaaniyada Soomaaliya, waxay cadaynayaa in Madaxweyne Farmaajo uu ahaa Madaxweynaha ugu Mushaarka badan Qaarada Afrika, islamarkaana sanadkii uu Soomaaliya ka qaadanayay lacag dhan $720-kun oo dollar. 

    Kaalinta labaad waxaa ku jira Madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya – oo qaata $620,976, Halka saddexaadna uu ku jiro Boqorka Dalka Morocco  King Mohammed – kaas oo mushaar ahaan u qaata Sanadkii $488,604.

    Hadaba Madaxweyne Farmaajo oo ahaa madaxweynihii ugu msuhaarka badnaa Qaarada Afrika shantii sano ee la soo dhaafay, mushaarna u qaatay $3,780,000, haddana asaga oo aanan xil hayn sanadkii qaadanaya $300,000, ma u baahanyahay in qaaraan guri loogu dhiso.?

    W/Q: Muxudiin M Abdulle 

    The post Madaxweynihii ugu mushaarka badnaa Afrika oo doonaya in guri loo qaaraamo appeared first on Caasimada Online.


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay guriga la sheegay in qaaraan dadka laga uruuriyey loogu dhisayo madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

    Guddoomiye Jawaari oo wareysigaan siiyey Tv-ga Dalsan ayaa fowdo weyn iyo ceeb ku tilmaamay guriga Farmaajo loo dhisayo, isagoo sheegay in Madaxweynihii hore uu leeyahay xuquuq dastuuri ah, isla markaana uusan qaaraan u baahneyn.

    “Dadka Farmaajo dhahaya guri ayaan kuu dhiseynaa, waxay wadaan faduul iyo sharaf dil ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwa Farmaajo kula talinaaya waxay kuu dhiseynaa guri oo lacag ayaan kuu uruurineynaa, waxay wadaan fowdo lagu ceebeynayo shacabka, waxaan u soo jeedinayaa inay ka haraan waxaas,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

    Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka, wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda siyaasadda ay horay maamuus ugu sameeyeen madaxweynihii xukunka si nabad ah uga dega.

    “Wuxuu sharcigeenu qabaa madaxweynihii aan qiyaano qaran gelin oo si nabad ah xukunka ku wareejiya inuu xaq u yeelanayo xildhibaan inta uu noolyahay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray guddoomiye Jawaari.

    Profosser Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si dhameystiran aan wareysigiisa loo baahin ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, isbadalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, guriga Farmaajo loo dhisayo waxa uu sharcigu ka qabo, nooca uu yahay iyo astaamaha lagu xula karo Ra’iisul Wasaaraha loo baahan yahay xilligaan, kursigii Baydhaba looga soo diiday iyo  arrimaha kursiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

    Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mudo dheer lasoo shaqeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo laba jeer soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka, balse Farmaajo ayaa xukunka ka tuuray, kadibna Laftagareen ayuu sheegay inuu ka hor istaagay inuu mar kale u tartamo kursigiisa.

    The post Jawaari oo si adag uga hadlay ololaha Farmaajo guriga loogu dhisayo appeared first on Caasimada Online.


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka dhacay Muuse Geelle Yuusuf ayaa markii ugu horeysay wareysi uu bixiyey ku faahfaahiyey dhibaatooyinkii ay ka soo mareen inay dhacdo doorashadii socotay 21-ka bilood.

    Sidoo kale Muuse Geelle ayaa ka hadlay kursigii ugu muranka badnaa doorashada dalka ee Beledweyne uu ka soo qaatay Fahad Yaasiin, kaas oo ilaa hadda aan xildhibaan rasmi ah loo dooran.

    “Kursigaas wuxuu ka mid ahaa kuraas uu habraaca doorashadu ka qaldamay, beel ayaana iska laheyd oo ilaa hadda laga war sugaa, beesha ayaa laga doonayaa inay qof u doorato kursigaas HOP086,” ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin aysan gaar u beegsan, laakiin kursigaas uu ka mid noqday kuwo ku soo baxay xaalado aan fiicneyn oo indhaha ay ka fiirsa waayeen, “kadibna amar ayaan bixinay ahaa in doorashada kuraastaas lagu noqdo, waana lagu noqday qaarkood.”

    Markii ay Baydhaba u tageen xalinta kuraastii kale ayuu sheegay in arrinta kursiga HOP086 ay maxkamadda sare jirtay, taas oo dacwo uu u geystay Fahad Yaasiin, sidaasna ay ku dhaafeen.

    Muuse Geelle oo wareysigaan siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sharaxay caqabadihii ugu waaweynaa ee qabsaday, isagoo sheegay in mar kaliya aysan faro gelin ka nasan.

    “Qolo kasta waxay naga hor istaageysay wixii aysan u arkeyn in danu ugu jirto, xitaas beesha caalamka ayaa faro gelinta qeyb ka aheyd, dowladaha caalamka qaar waxay doonayeen in hoggaamiyaashii hore ee dowladda ay meesha ka baxaan, qaarna waxay doonayeen inay xukunka ku soo laabtaan,” ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

    Wuxuu sheegay in wax faro galin ah oo ay dhibsadeen aysan kala kulmin Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay ayagu gaarayeen go’aanadii doorashada, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu ahaa hoggaamiyaha guud ee doorashada dalka.

    Mar wax laga weydiiyey eedeyntii Madaxweyne Laftagareen ee aheyd ‘warqadaha guddiga doorashooyinka meelo kale ayaa looga soo qoraa Muuse Geelle’ ayuu ku jawaabay, “Laftagareen marar badan ayuu waxaan jirin igu eedeeyey, weligiis R/Wasaaruhu wax nooma soo qorin, marka waa dacaayad nagala faafiyey.”

    Muuse Geelle ayaa sheegay in doorashadaan ay aheyd tii ugu dhibka badneed, laakiin ay noqotay tii ugu laaluush bixin yareed, isagoo tusaale u soo qaatay kaalintii ay ku lahaayeen golaha wadatashiga qaranka oo ka baaraan degay arrimaha laaluushka.

    29-kii bishii hore ee May ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala diray guddigii doorashooyinka heer federaal, isagoo ku amaanay shaqadii ay qabteen, xilligaas Rooble wuxuu ka war helay wadahadal hoose oo xubno ka tirsan guddiga ay kula jireen Fahad Yaasiin oo doonayey in guddigu uu fasaxo kursigiisa.

    Hoos ka daawo wareysiga

    The post Daawo: Muuse Geelle oo sharaxay sababtii ay doorashada uga reebeen Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.


  16. FB_IMG_1654535017756.jpg?resize=720%2C48

    Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo isniina xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland wuxuu kullan kula qaatay guddiga doorashooyinka Puntland (TPEC)

    Kullan ayaa daarnaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen guddigu sidii loo dar dargalin lahaa wajiga labaad ee doorashooyinka degmooyinka Puntland oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo sanadkaan 2022 ka.

    Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhagaystay guddiga oo ku saabsanayd halka ay marayaan howlaha doorashooyinka iyo wixii u qabsoomay, waxaana goob joog ka ahaa shirka qaar ka mid wasiiradda Puntland.

    Kullanka guddiga iyo madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya xilli aan wali la qaan doorashada maamulka degmada Eyl. Sidoo kale kullan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Dani uu ka yimi Muqdisho, kana mid ahaa musharixiintii u tartamaysay madaxweynaha Soomaaliya.

    FB_IMG_1654535012703.jpg?resize=720%2C58 FB_IMG_1654535017756.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535020658.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535044683.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535047603.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535050375.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535056129.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1654535023645.jpg?resize=720%2C50

    PUNTLAND POST.

    The post Madaxweyne Deni oo kullan la qaatay guddiga doorashooyinka appeared first on Puntland Post.


  17. Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, u qaabilsan madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxda ugu saraysa ha’yadaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ay ka mid yihiin; WFP, UNICEF, UNHCR, IOM, OCHA iyo kuwa kale.

    Waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, isla-markaana loogu diyaar diyaar garoobi lahaa xaaladda bani’aadannimo ee dalka ku soo wajahan, xilli laga dareemayo abaar baahsan taas oo dadka iyo duunyadaba saamaysay dad badanna ay ku waayeen xoolahoodii, kuwaas oo soo gaaray magaalooyinka.

    Ergaygu wuxuu kaloo kulan la yeeshay Madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii uu Bankiga u gacan sii lahaa xalka waara ee dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, loona dardar gelin laahaa taageerada Bangiga ee mashruucyada degdega ah oo lagu tacaalo dadka kasoo hayaamay abaaraha baahsan ee dhaafisay xoolihii ay lahaayeen.

    Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Baanka adduunka ayaa ballan qaaday in ay dadaalkooda laban-laabayaan, degdegna ugu istaagayaan wax ka qabashada abaaraha. Ergeyga waxaa masuuliyadihiisa ka mid ah, dardar gelinta iyo raadinta taageero loo fidiyo dadka abaaruhu waxyeeleeyeen, taas oo laga cabsi qabo in ay isku badesho macluul daran.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii la soo shaqeysay Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatooyinkii ay HirShabeelle ku qabtay nimaadkii Farmaajo.

    Wuxuu sheegay in dowladii uu Farmaajo hoggaaminayey ay kor uga eked dowlad, balse gudaha aan looga shaqey jirin sharci dowladnimo, isagoo sheegay in dadka qaarna la dilay, qaarna ay cabsi ku noolaayeen.

    “Dowladii Farmaajo dadka waxay ka dhigtay qof cabsi ku nool, qof jeelka la dhigay iyo qof la dilay, waxay aheed dowladii ugu liidatay tan iyo burburkii, dastuurkii ayey baabi’isay heybadii Soomaaliya ayey baabi’isay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Barre.

    Wuxuu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay cabsi ku joogeen xukunka, halka madaxda dowlad goboleedyada qaarna ay ku baxeen cadaadiskii ay saartay xukuumadii Farmaajo.

    “Waxaa ugu daraa HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo cadaadis xun la saaray, markii la cuuryaamiyey maamulladaas waxaa fursad helay Al-Shabaab oo meel kasta u fariistay,” ayuu yiri.

    Sidoo kale wuxuu dul istaagay sida uu Farmaajo ugu tuntay dastuurka dalka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in muhiimad uu siiyo dastuurka oo wadadii uu Farmaajo ku socday uu ka leexiyo dowladnimada.

    “Soomaaliya intii Farmaajo xukunka joogay waxaa la iskula joogay xoog, waxaa meel la iska dhigay nimaadkii dowladnimada iyo shuruucdii dalka, waxyaabaha ugu daran ee Madaxweyne Xasan Sheekh sugaaya waxaa ka mid ah soo celinta xiriirkii dowladaha caalamka, maadaama uu dalkeenu weli tabar yaryahay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan.

    Hoos ka daawo wareysi uu siiyey TV-ga Somali Cable

    The post Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle oo shaaciyey dhibaatooyin ay ku qabeen Farmaajo appeared first on Caasimada Online.


  19. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC).
    Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay guddoonka iyo xubnaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka wejiga labaad ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto Goleyaasha deegaanka Degmooyinka Puntland ee harsan.
    Guddiga Doorashooyinka ayaa soo bandhigay shaqada socota iyo qorsheyaashooda shaqo ee u yaalla, sidii dhammaan doorasho hal qof iyo cod ah looga qaban lahaa degmooyinka Puntland, taasi oo qorshuhu yahay in ay Puntland ka dhacdo bisha december 2022.
    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, wuxuuna faray dhammaan hay’adaha maamulka ee ay khudeyso si dhameystiran loogala shaqeeyo guddiga in shaqooyinka horyaalla iyo doorashada goleyaasha deegaanku ay ku qabsoomaan wakhtiga loo qorsheeyay.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  20. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuun Madoobe ayaa maanta kulan la yeeshay danjiraha dalka isu-tagga Imaaraadka carabta Amb. Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah.
    Kulanka ayaawaxaa diiradda lagu saaray soo ceelinta xirirka walaltinimo ee labada dal. Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa xusay dowladdiisa  in ay diyaar u tahay Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  ay kala shaqeyn doonaan tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha golaha.
    Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyey taageerada dowladda Imaaraadka carabta u heeyso shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xoojin doono xirirka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  iyo kan dowladda  Imaaraadka carabta.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com