-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Xukun Maxkamada Hargeysa ku riday Weriyayaal u xidhnaa Xukumada Muuse BiixiMaxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Mohamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed,Halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif. -
-
Gudoomiyaha & ku-xigeenkii Gudida M/weyne Biixi u xushay Diiwangelinta Ururada siyaasada waayey codka kalsoonida Golaha Wakiilada S/land
Golaha wakiilada oo diiday inay ansixiyaan 3 xubnood oo ka mid ah 7 xubnood ee guddida diwaangalinta ururada siyaasadaSaddexdan xubnood ayaa kala ah1.Gudoomiyaha Guddida diwaangalinta ururada siyaasada2. Gudoomiye ku xigeenkii Guddidaas3. . Xubin ka tirsan Guddida diwaangalinta ururada siyaasadaDhamaan xubnahan ayaa gaadhin codadkii kalsoonida ee ay uga baahnayeen Golaha wakiilada Somaliland waxaana u codeeyey midkiiba 41 Xildhibaan4 Xubnood ee kale ayaa iyagu ka gudbay ansixintii golaha wakiilada waxaana ay gaadheen codadkii kalsoonida ee loo baahnaa iyada oo ay u codeeyeen 43 Xildhibaan .Xubnahan la diiday in la ansixiyo waxaay dib ugu noqon doonan madaxweynaha Somaliland oo isagu hore u soo magacaabey1. Gudoomiyihii guddida Diwaangalinta Siciid Maxamed Siraadle2. Gudoomiye ku xigeenkii Guddida Maxamuud Axmed Obsiiye3 . Mukhtaar – Xubin -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ayaa ka hadlay arrimo ku aadan askartii loo qaaday wadanka Eritrea.
Farmaajo ayaa ka sheegay xil wareejinta in ciidamadii ugu badnaa ee Soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan Eritrea, ayna diyaar yihiin.
Madaxweynihii hore ayaa xusay ciidamadaasi ay gaarayaan illaa 5,000 oo askari, isla-markaana ay dhammeysteen tababarka, balse ay dib u dhigeen doorashada darteed.
“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).
Ujeedka ciidamadan Eritrea loo geeyey waxa uu ku sheegay in la tababaro, si ay qayb uga noqdaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka loogu soo celin lahaa, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen waalidoontooda.
“Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh,” ayuu yiri Madaxweyna cusub oo maanta xilka la wareegay.
Si kastaba, dood xoogan ayaa horay uga dhalatay ciidamada Soomaaliyeed ee la geeyey dalka Eritrea, iyada mar lasoo wariyey in laga qayb galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya, taas oo uga sii dartay walaaca waalidiinta ay ka maqan yihiin caruurtooda.
The post Farmaajo oo shaaciyey xogta askartii la geeyey Eritrea iyo Xasan oo jawaab bixiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafladda xil wareejinta hadal ka jeediyay ayaa sheegey in uu madaxweynaha la doortay ku wareejiyey ciidamo 5000 ah oo ku maqan dalka Eritrea.
Farmajo aya sheegay inuu ciidamadaas u keeni waayay xaaladda siyaasadeed oo dalka ka jirtay awgeed.
Wuxuu kaloo xusay in uu madaxweynaha cusub ku wareejiyey hawada, barnaamijka deyn cafinta, codsi xubinimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo Xeerka Doorashada.
PUNTLAND POST
The post Farmaajo oo xilka wareejiyay, kana hadlay ciidamada ku maqan Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Madaxweynaha mar labaad lasoo doortay ee Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey feylasha iyo dukumintiyada uu wareejiyey, kadib shan sano oo uu soo xukumayey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Farmaajo oo ugu horreyn soo hadal qaaday ciidankii loo qaaday Eritrea ayaa sheegay inuu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey illaa 5,000 oo askari oo loo tababaray qaybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ayaa tilmaamay in ciidamadaasi uu usoo dhammaaday tababarkooda, balse ay dib u dhigeen in la keeno, maadaama ay kusoo aadeen xilligii doorashada.
“Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu wareejiyey bad-qabka kheyraadka dalka oo aan ku dhicin wax isbedal ah, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday kiiskii badda ee soo dhammaaday.
Waxaa kale oo uu xusay in hantida dadka Soomaaliyeed ay sideedii tahay, isla-markaana uusan jiriN wax dhul ah oo uu milki ahaan u bixiyey.
Hawadii Soomaaliya ee lasoo celiyey, isla-markaana hadda laga maamulo magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah waxyaaba kale ee uu wareejiyey Farmaajo.
Sidoo kale sharciga doorashooyinka ayuu u dhiibay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.
Dhinaca kale wuxuu sheegay inuu jiro codsi ay u direen QM oo ku aadan xubinimada dalkeena, isla-markaana Soomaaliya ay golaha fariisan doonto 2025 illaa 2026.
Arrimaha kale uu soo hadal qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ka mid ah inuu wareejiyey barnaamijka deyn cafinta oo uu tilmaamay inay soo ka soo gudbiyeen illaa afar marxaladood, isla-markaana ay dhiman tahay hal marxalad oo kaliya.
Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in arrinta Somaliland ay weli halkeeda tahay, balse loo baahan yahay in lasii amba qaado wada-hadallada, si looga mira-dhaliyo midnimada.
The post Sawirro: Muxuu Farmaajo ku wareejiyey Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
-
Baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyay dilkii marxuum Sharma’arke Warsame Nuux ayaa muujinaya in dilkaas ay fuliyeen koox maxaabiis ah oo ku xiran xabsiga magaalada Qardho.
Inkastoo aan weli la dhammaystirin baaritaanka haddana xog lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaysa in dilka marxuum Sharma’arke ay qirteen shan kamid ah maxaabiista.
Markii la dhammaystiro baaritaanka ayaa lagu wadaa in maxaabiista ku eedaysan kiiskaas loo gudbiyo maxkamad si sharciga loo mariyo.
PUNTLAND POST
The post Maxaa ka soo kordhay maxbuuskii lagu dilay xabsiga Qardho? appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadaha Darajada Koowaad iyo Racfaanka gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa maanta xukuno ku riday saddex wariye oo muddo ku xirmaa magaalada Hargeysa.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Maroodi Jeex ayaa wariye Maxamed Cabdi Sheekh Ilig oo ah Guddoomiyaha Telefishanka MM TV iyo wariye Cabdijabaar Maxamed oo ka tirsan HCTV ku xukuntay hal sano iyo afar bilood oo xariga. Sidoo kale Maxkamadda ayaa sii daysay wariye Cabdiraxmaan Khaliif oo sida ay sheegtay waxba lagu waayay.
Dhanka kale Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex ayaa ku xukuntay wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon labo sano oo xarig ah iyo lacag ganaax ah oo dhan 3 milyan oo shillin Somaliland.
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa xabsiga Hargeysa ku xiran tan iyo bishii Agoosto 2021.
PUNTLAND POST
The post Somaliland oo saddex wariye xukun ku riday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomalaiya waxaa maanta lagu qabtay munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo si weyn loo soo qaban qaabiyey.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay madax kala duwan oo ay ugu horreeyaan guddoomiyeyaasha labada Aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo marti sharaf kale.
Sidoo kale ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Madaxtooyada iyo kooxda Baambeyda ayaa qayb ka ahaa munaasabadda oo ka dhacday barxadda weyn ee madaxtooyada.
Labada Madaxweyne ayaa maanta si rasmi ah xilka isugu wareejiyey, waxayna madasha ka jeediyeen hadallo ay isku soo dhoweynayaan iyo kuwa ay isku macsalaameynayaan.
Madaxweynihii hore oo khudbadda qaatay ayaa marka hore faah faahin ka bixiyey xil warreejinta dowladdii uu soo xukumayey iyo waxyaabaha uu ku wareejinayo Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad la doortay.
Farmaajo ayaa intaasi, kadib u mahadceliyey taageerayaashiisa iyo guud ahaa dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday inuuu la shaqeyn doono Madaxweyne Xasan.
“Madaxweynow aniga ka ahaanteyda waan ku garab taaganahay waxaan kaa ballan qaadayaa inaan garab kuugu siiyo heer walbaba Insha allah waxaan kuu rajeyneynaa inuu Ilaahey kuu fududeeyo,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo.
Dhankiisa Madaxweynaha cusub oo ka hadlay xil wareejinta ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee dalka, wuxuuna sheegay inuu shaqada halkeeda kasii wadi doono.
“Madaxweynuhu si tartiib ah oo nidaam ah ayuu iigu wareejiyey xilka dukumintiyaasha iyo mashaariicda feylasha waa weyn oo Madaxweynuhu ka hadlay oo dhan waan la wareegay tartiib ayaa dib dib ugu aqrin doonaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhacdadaan ayaa aheyd mid xiiso badan, waxayna uga duwaneyd munaasabadihii hore in labada nin ee mid sii galay Villa Soomaaliya mid kalena kasoo baxay ay horey sidan oo kale xilka isugu wareejiyeen, kadib doorashadii 2017-kii oo loo adkaaday Xasan Sheekh oo isna haatan doorashada 2022 uga guuleystay Farmaajo oo uu horey ugu wareejiyey talada.
Si kastaba, munaasabaddan ayaa dhammeystir u ah doorashadii soo socotay mudada sanadka ka badan, waxaana xafiiska ku wareegaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
The post Daawo: Sidee ayey maanta u dhacday xil wareejinta madaxweynaha cusub? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la beddelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsanayn go’aankii Golaha Wasiirada.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warqad uu 14 bishan Maajo u diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdi Siciid Muuse ku faray in dhammaan shaqaalihii la beddelay dib loogu fasaxo howlahooda shaqo.
Sidoo kale waxaa la faray dhammaan hey’addaha dowladda ee warqada ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.
PUNTLAND POST
The post Rooble oo amar dul-dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda appeared first on Puntland Post.
-
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun ku ridday samafale Cabdi Maalik Muuse Coldoon, oo in muddo ah ku xidhnaa Hargeysa.
Maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa ayaa 2 sanno oo xabsi ah iyo 3 Milyan oo lacagta Somaliland ah ku xukuntay Samafale Cabdimaalik Coldoon.
Cabdimaalik Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa hore wax dambi ugu weyday, Coldoon balse ugu dambeyn saaka ayey xukuntay Maxkamadda Racfaanku, iyadoo laba sanno oo xabsi ah lagu riday.
-
(SLT-Riyadh)-Iyada oo laga jawaabayo kiisaska sii kordhaya ee COVID-19, ayaa Sacuudi Carabiya waxay dalkooda ka mamnuucday inay usoo safraan muwaadiniinta 16 waddan oo ku yaalla Aasiya, Afrika iyo Koonfurta Ameerika.
Sida lagu sheegay wargeyska The Gulf News, wadamada liiska lagu daray ayaa kala ah India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Somalia, Ethiopia, the Democratic Republic of the Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.
Sabtidii, Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday 414 kiis oo cusub oo COVID-19 ah, iyadoo tirooyinka toddobaadlaha ah ay noqdeen korodh shan laab ah marka loo eego kiisaska illaa March iyo Abril.
Ku dhawaad 81 xaaladood ayaa halis ah, iyadoo la soo sheegayo dhimasho la xidhiidha COVID-19.
Muwaadiniinta Sucuudiga waxaa loo ogolyahay in ay safraan oo keliya haddii ay qaateen dhammaan saddexda tallaal.
Tallaabadan ayaa u muuqata go’aan jahawareer leh, xilli muslimiin badan oo ku nool dunida ay isku diyaarinayaan gudashada waajibaadka Xajka.
-
(SLT-Washington)-Ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan laba carruur ah ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lagu dhaawacay hub ay bixisay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA oo loo qeybiyey ciidan la-dagaalama argagixisada oo ka dhisan Soomaaliya.
Dagaalka ayaa ku saabsanaa cidda maamuleysa hubkaas, waxaa sidaas baadhitaan ay sameysay ku ogaatay warbaahinta VICE World News ee Mareykanka.
Dagaalka oo dhacay sannadkii tegay ayaa dhex-maray askar ka wada tirsan ciidanka PSF ee Puntland oo ay abuurtay CIA-da, islamarkaana ay tababareen ciidanka Navy SEALS.
Dadka dhintay ayaa waxaa ka jiray carruur uu dhalay nin la magacaabo Saciid Shidow oo da’doodu aheyd 8 iyo 12 jir, nin kale oo uu dhalay oo 35 jir ahaa, waxaana ku dhaawacmay afar kale oo da’doodu aheyd 6, 8, 9, iyo 13 jir, markii hoobiye uu ku dhacay gurigooda magaalada Boosaaso.
Sida ay shaacisay VICE, markii madaxweyne Trump uu ciidanka Mareykanka ka saaray Soomaaliya horaaantii 2021, waxay ka tageen hub badan oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, qoryaha AK-47 iyo rasaas.
Ciidanka PSF oo isku qabsaday maamulka xarun ku taalla Boosaaso iyo hubkii laga tegay, ayaa qeyb ka mid ah waxay la safnaayeen madaxweynaha Puntland Saciid Deni, halka qeybta kalena ay la jireen Maxamuud Diyaano.
In kasta oo xiisaddaas la qaboojiyey, haddana cilmi-baadhe Soomaali ah oo la hadlay VICE, balse codsaday inaan la magacaabin ayaa rumeysan in dagaalka uu mar kale dib u qarxi karo.
Waxa uu sheegay in qoyska Diyaano iyo maamulka Puntland ay labaduba sheeganayaan PSF iyo hubka Mareykanka uu ka tegay, islamarkaana xiisaddaas aan weli xal buuxa laga gaadhin.
Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa dhismaha ciidanka PSF billowday 2002, waxaana kadib tababarkooda la wareegay ciidanka Navy SEALS ee ah xulka ciidammada Mareykanka.
Mareykanka ayaa markii ay ciidankan abuureen waxay awoodda siiyeen qoyska reer Diyaano. Waxaa markii hore ciidanka hoggaaminayey Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, kadibna waxaa kala wareegay wiilashiisa. 2018-kii ayaa Maxamuud Diyaano wuxuu hoggaanka PSF ka beddelay Asad Diyaano. Sidoo kale hooyadood ayaa aheyd madaxa mashruucyada iyo sahayda PSF.
Markii Mareykanka ay Soomaaliya ka baxeen 2021, madaxweyne Deni ayaa bilo kadib xilka ka qaaday agaasime Maxamuud Diyaano, balse agaasimaha ayaa ku gacan saydhay, isaga oo sheegay in qoyskiisa ay leeyihiin PSF.
Kadib ciidanka ayaa u kala baxay kuwa taageersan Diyaano iyo kuwa raacsan Deni, halkaasi oo dagaal culus uu ka qarxay.
“Waxay u maleeyeen welina u haystaan in PSF ay ayaga leeyihiin, taasina waa dhibaato weyn,” ayuu yidhi taxliiliye la hadlay VICE.
Taliska ciidammada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa mar wax laga weydiiyey beenin in hubkooda uu ku jiro gacanta PSF, balse waxay sheegeen in ayna wax lug ah ku laheyn wixii dhacay.
“Ciidammada Mareykanka kuma lug laheyn wax howlgal millatari ah oo dhacay December 2021, sidoo kalena ma jiraan wax sheegashooyin khasaare shacab ah oo nasoo gaadhay,” ayuu yidhi wakiil u hadlay AFRICOM
Dowladda Puntland iy saraakiisha PSF ayaa diiday inay ka jawaabaan codsiyo loo diray oo la xidhiidha dagaalkan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socdo wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.
Rooble ayaa wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay Golaha Wasiirada, sida lagu sheegay qoraalkan soo baxay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hey’addaha kale ee dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.
“Sidaas daraadeed waxaa la idinka rajeynayaa inaad sidaa ula socotaan fulisaana awaamiirta sare ku xusan” ayaa lagu yiri gabagabadii amarka kasoo baxay Rooble.
Go’aanka kasoo baxay ra’iisul wasaaraha oo haatan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, maadaama maanta uun xilka la wareegayo Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliyda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, wuxuu amarkan saameyn doonaa shaqaalihii kala duwanaa ee ay wasaaraddu qaadatay wixii ka dambeeyey kowdii Janaayo ee 2022, maadaama dib loo soo celinayo shaqaalihii horey u joogay wasaaradda ee la beddalay & kuwa toos looga saaray shaqada.
The post R/W Rooble oo soo saaray amar ku socdo wasiirka arrimaha dibadda Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda gobalka Maroodi jeex ee Somaliland ay xukunno kala duwan ku ridday wariyayaal saddax ah oo horay ciidamada Somaliland ay u soo xireen.
Go’aan ka soo baxay maxkamadda Somaliland ayaa lagu xukumay wariyayaasha kala ah Maxamed Cabdi Ilig oo ah milkiilaha MM TV iyo Cabdijibaar Maxamed oo kamid ah wariyayaasha Horn Cable ayaa lagu xukumay min sanad iyo afar bil oo xarig ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in xuriyaddiisii la siiyo wariye Cabdiraxman Indha Cade oo isna ciidamada Somaliland ay horay xabsiga u dhigeen.
Wariyayaashaan ayaa la soo xiray xilli ay tabinayeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga hargeysa bartamihii bishii hore ee April.
Goobjoog News
-
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in dhamaan laga noqday go’aannadii shaqada looga joojiyay shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda tan iyo bilawgii sanadkaan.
Rooble ayaa sheegay in dhamaan shaqaalihii shaqada laga joojiyay tan iyo bilawgii sanadkaan oo dalka uu ku jiray xaalad kala guur ah looga baahan yahay in shaqadoodii ay ku soo noqdaan.
Ra’iisulwasaare Rooble ayaa sidoo kale faray in shaqaalaha ay qabsadaan shaqadooda, si howlaha wasaaradda ay u socdaa.
Goobjoog News
-
Maxkamadda racfaanka ah ee Somaliland ayaa xukun xabsi ah ku ridday samafale Cabdi maalik sheekh Muuse Coldoon oo kamid ah dhalinyarada Somaliland.
Coldoon oo muddo ku xirnaa xabsiyada Somaliland, isagoo horay ay wax dambi ah ugu waysay maxkamadda gobalka Madoori jeex.
Go’aan ka soo baxay maxkamadda racfaanka ah ee Somaliland ayaa ku xukuntay Coldoon laba sano oo xarig ah iyo saddex milyan oo lacagta Somaliland ah.
19-kii bishii siddeedaad ee sanadkii hore 2021 ayaa ciidamada Somaliland xabsiga dhigeen Cabdi maalik sheekh Muuse Coldoon.
Goobjoog News
-
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa shir gudoomiyay kulan ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah.Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii dhawaan uu ku tagay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu kaga soo qeybgalay doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo xaalada guud ee dalka.Axmed Madoobe ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa madaxda dowlad goboleedyada ee ka qeyb gashay doorashadii madaxweynaha dalka oo 15-kii May labada gole ee Baarlamaanku uu ku doortay Xasan Shiikh Maxamuud inuu hoggaamiyo Jamhuuriyadda.Goobjoog News -
Dowladda Suuriya ayaa saraakiil xeeldherayaal ku ah bambooyinka sida daran wax u gumaada u dirtay dalk Ruushka si ay qayb uga noqdaan dagaalka Ukraine.
50 xeeldheerayaal askar ah oo ku xeeldheer sameynta iyo qalabaynta waxyaabaha qarxa ayaa loo diray Moscow sida ay shaaciyeen warbaahinta Ruushka.
Xeeldheerayasha ayaa Putin ka saacidi doona sidii ay u farsameyn lahaayeen qarxayo ay ciidamada Ruushka kaga qayb qaataan dagaalka Ukraine.
Ciidamadaan ay Suuriya u dirtay ayaa qayb ka ahaa sameynta bambaanooyinka lagu burburiyay dalka Suuriya intii ay dagaalada ka socdeen dalkaas.
Goobjoog News
-
LONDON: The UK’s humanitarian aid budget was slashed by 51 percent last year, disproportionately affecting some of the world’s neediest countries, including Yemen and Somalia, at the “worst moment in history,” according to a senior MP with the main opposition Labour Party.
-
Marxuum Sharma’arke Warsame Nuux oo kamid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiga degmada Qardho ayaa sida la xaqiijiyay u geeriyooday jirdil loogu geystay gudaha xabsigaas.
Saraakiisha laamaha Amniga magaalada Qardho oo aan xiriir la samaynay ayaa xaqiijiyay geerida marxuumka islamarkaana waxay sheegeen in baaritaan lagu hayo dilkiisa.
Saraakiisha ayaa sheegay in aysan faahfaahin intaas ka badan bixin karin ilaa laga dhammaystiro baaritaanka lagu hayo dhacdadaas.
PUNTLAND POST
The post Maxbuus lagu jirdilay gudaha xabsiga degmada Qardho oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
The BBC's Mary Harper writes about her experiences at Somali beauty parlours.
-
Three Garissa MPs now want the national government and donors funding the Kenya Development Response to Displacement Impacts Project, to extend the programme by five years.
Daawo:Saleebaan Gaal oo shaaciyey Guddi Cusub oo u magacaabayo Arrimo xasaasiya
in News - Wararka
Posted
Qaran News