-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Three Garissa MPs now want the national government and donors funding the Kenya Development Response to Displacement Impacts Project, to extend the programme by five years.
-
Somalia’s parliament selected a new president last week, bringing back a leader who met secretly with then-prime minister Benjamin Netanyahu in 2016.
-
The newly elected President has welcomed the redeployment of US forces in Somalia where al-Shabab attacks had heightened due to a prolonged electoral crisis.
-
Whatever age you are, living in a new country comes with some daunting challenges – including driving. WEI SHAO talks to several migrants about their efforts to get on the road and live a more independent life in Aotearoa.
-
In response to gradually increasing COVID-19 cases, Saudi Arabia has banned citizens from traveling to 16 countries across Asia, Africa, and South America.
-
Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qabqan qaabadii ugu dambeysay ee munaasibadda xil wareejinta madaxweynaha Soomaaliya, taas oo lagu wado in saacadaha soo socda ee maanta ay ka dhacdo Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha Cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filaya in maanta oo Isniin ah si rasmi ah ula wareego xafiiska looga arimiyo dalka kadib doorashadii todobaadkii hore dalka ka dhacday.
Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muddo afar sano iyo sanad iyo bar sharci darro ah xafiiska Villa Soomaaliya joogay ayaa baneynaya xafiiska kadib markii looga adkaaday doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga qaban qaabada munaasabadda xilwareejinta madaxweynaha ayaa wada diyaar garoowgoodii ugu dambeeyay ee xafiiska lagula kala wareegayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Xasan Sheekh ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeyay ee mar labaad xilka si rasmi ah ugu guulaystay xafiiska ugu sareeyo ee dalka.
Goobjoog News
-
Dallada isu-tagga ururada Soomaalida “Federatie van Somalische Associaties” ee magaceeda loo soo gaabiyo [FSAN] oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah, oo ka dhisan waddanka Netherlands ayaa doorasho daah-furan oo shalay ka dhacday xafiiskooda Magaalada Amsterdam ku doortay guddi ka koobban 5 xubnood oo 2 ka tirsan ay ahaayeen Guddigii hore ee dalladda.
Doorashada ka hor, ayaa maamulkii hore waxa ay ka warbixiyeen waxqadkii dallada muddadii ay joogeen, iyagoo ku amaanay ururada xubnaha ah howlaha ay ka hayaan magaalooyinka ay ka dhisan yihiin iyo xiriirka wada-shaqeyneyd ee ay leeyihiin dallada FSAN.
Gudoomiyahii hore FSAN Cali Waare ayaa inta aysan dhicin doorashada waxa uu codsaday inuu masuuliyadda uu hayo baneenayo maadaama buu yiri loo baahan yahay isbeddel iyo wejiyo cusub, isagana uu muddo soo hayey xilkan gudoomiyaha FSAN.
Guddiga xilka ka degay ayaa soo jeediyay in 3 xubnood oo xilal kala duwan dalladda ka soo qabtay, laguna tuhmayay waaya-aragnimo dhinaca maamulka ah loo xilsaaro agaasinka doorashada, waxeyna kala ahaayeen C/kariin, Mahad & Iikar.
Guddiga doorashada ayaa soo jeediyay in 9-ka musharax ee u tartamayay ka mid noqoshada guddiga FSAN midkiiba la siiyo sursad 3 daqiiqo ah, oo uu ku sharaxayo khibradiisa & haddii xilkaasi loo doorto waxa uu dalladda ku soo kordhin karo, iyada oo xubnihii ka socday ururada na fursad loo siiyay in ay su’aalo weydiin karaan.
19-kii xubnood ee ka socday ururada soo buuxiyay shuraadaha codbixinta ayaa u codeeyay sagaalkii musharax ee la doonayay in laga soo xusho 5 xubnood, waxaana natiijadii doorashadu ku soo idlaatay:
1] Maxamed Cabdullaahi [Askari] wuxuu helay 12 cod
2] Maxamed Cusmaan [Guurre] wuxuu helay 9 cod.
3] C/shakuur Cilmi Xassan wuxuu helay 8 cod.
4] Amal Cumar waxay heshay 7 cod
5] Cabdiwahaab Yariisow wuxuu helay 6 cod
6] C/qaadir Nuune wuxuu helay 6 cod.
7] Maxamed Siciid wuxuu helay 5 cod
8] Cusmaan Abuukar wuxuu helay 4 cod
9] Shariif-ka wuxuu helay [waxba]C/shakuur Cilmi oo doorashada ka galay kaalinta 3-aad ayaa soo jeediyay inuu u tanaasulo, ayna booskiisa soo buuxiyaan shaqsiyaad aan looga maarmin karin shaqada FSAN khibradooda daraadeed.
Sida dastuurka FSAN uu dhigayo guddiga la doortay ee 5-ta xubnood ka koobban ayaa dhexdooda iska doortay Guddoomiye, Xisaabiye & Xog-hayn, waxayna u kala doorteen:-
Maxamed C/llaahi Askari [Askari] oo loo doortay Guddoomiyaha dalladda FSAN, C/wahaab Yariisoow ayaa noqday Xisaabiye, Amal Cumar oo loo doortay Xoghaye, halka Maxamed Cusmaan Guurre & C/qaadir Cali [Nuune] ay noqonayaan xubno ka guddiga ka tirsan.
Guddoomiyihii hore ee dalladda FSAN Cali Waare, ayaa lagaga mahadceliyay muddadii uu xilkaasi hayay waxqabadkii & dedaaladii loogu qidmeynayay mushtamaca Soomaalida ah, wuxuuna Cali u rajeeyay Guddiga cusub oo uu ku tilmaamay dad waxtar leh in ay halkaasi ka soo wadaan dedaalada ku aadan in laga shaqeeyo sidii da looga shaqeyn lahaa Soomaalidu iyaga oo isku duubban.
The post Soomaalida Netherlands oo dooratay guddi cusub appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, SOMALIA — Somalia’s new president is starting his four-year term facing familiar top issues such as the country’s political divide and rising attacks by al-Qaida-linked insurgent group al-Shabab.
-
The European Union and its partners reimbursed Kenya nearly Sh2.54 billion for troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia in the nine months to March 2022, missing the target for the period by seven percent.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa xubnihii filashada badan laga qabay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid noqday xubnihii ku haray wareegii hore ee doorashada madaxweynaha.
Waxay kamid aheyd dhacdooyinkii loogu yeeray ‘lama filaankii doorashada ee dhanka hoose.’
Cabdiraxmaan oo ahaa mucaaradka ugu weyn ee Farmaajo kasoo horjeeda ayaa dhinaca kale wuxuu shaqo muuqda ka qabtay dhinacyada dadweynaha, ganacsatada iyo saaxiibada dibadda, laakiin dariiq ay isaga iyo beeshiisa isaga soo dhaceen maalmihii u dambeeyey ee doorashada madaxweynaha oo loo arkayey faa’ido u soo korortay ayaa dhinaca kale loo akhriyey dhibaato soo deg degtay.
Kacdoon dhashay 72 saacadood ka hor doorashada madaxweynaha, kaas oo dabasocday soo jeedin markii hore la sheegay inay ka timid ra’isul wasaare Rooble iyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayey dadka qaar filayeen inay Cabdiraxmaan ka saacidi doonto natiijo buuran.
Kulamo kala duwan oo Rooble iyo Qoor Qoor lala yeeshay doorashada ka hor waxaa ku jirtay kalmad la yiraahdo hal musharax xoogiina isugu geeya.
Ganacsatada beeshaas ayaa sidoo kale soo jeedisay in hal qof la dhiso. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo arkayey kan ugu fursadda badan ayaa dhowr musharax oo ay ku jireen Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle u tanaasuleen iyadoo markaas kadibna ay ganacsato siisay gacan maaliyadeed.
Hase yeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu ku haray wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha isagoo helay 15 cod.
Hadda waxaa aad la isku weydiinayaa cidda jabisay Cabdiraxmaan?
Kooxdiisa ololaha oo aan la hadalnay waxay toos eedaan dusha uga saarayaan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Kaliya maahan inay diideen inay Cabdiraxmaan dhisaan, balse waxay toos ula dirireen dhammaan kanaaladii uu codadka ka heli karay sida ay kooxdiisa sheegtay.
Qoor Qoor wuxuu dhisayay Farmaajo, wuxuuna qorshaha labaad ka dhigtay Shariif Sheekh Axmed, waxaana la sheegay in xildhibaanada ka diida inay Farmaajo codka siiyaan uu ku qalqaalinayey inay Sheekh Shariif siiyaan. Rooble isagu bannaanka ayuu u taagnaa Xasan Sheekh.
Kooxda ololaha ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa laga soo weriyey in xilldhibaano go’aansaday inay codka isaga siiyaan in Qoor Qoor iyo Rooble ay soo dhex galeen oo ay badaleen kuna xireen musharixiin kale, taas oo burburisay halgankii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee soo socday 5-ta sano, waa sida ay kooxdiisa ku doodeyso.
Lama yaqaano waxa ay sidaan u sameeyeen, laakiin dadka qaar waxay leeyihiin waxay aaminsan yihiin inuu dili lahaa fursadooda dambe ee siyaasadda, haddii uu soo bixi lahaa Cabdiraxmaan.
Suurtagal maaheyn inuu natiijo fiican keeno musharax ay la dagaalamayaan labadii siyaasi ee ugu sareysay beeshiisa ayey leeyihiin falanqeeyaashu.
Inkastoo aanan Cabdiraxmaan Cabdishakuur si gaar waxba uga weydiinin sababihii jabiyey iyo waxa uu qorsheynayo mustaqbalka dhow, hadana kooxdiisa ololaha waxay noo sheegeen in arrintaan si weyn la isaga wareystay dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay oo ay tuhuno badan jiraan.
Xagga dadweynaha arrintani waxay aheyd dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay mid kamid ah hadalheynta ugu weyn ee siyaasadda Soomaaliya.
The post Yaa jabiyay Cabdiraxman Cabdishakuur doorashadii madaxweynaha? appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lagu dhaawacay hub ay bixisay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA oo loo qeybiyey ciidan la-dagaalama argagixisada oo ka dhisan Soomaaliya.
Dagaalka ayaa ku saabsanaa cidda maamuleysa hubkaas, waxaa sidaas baaritaan ay sameysay ku ogaatay warbaahinta VICE World News ee Mareykanka.
Dagaalka oo dhacay sanadkii tegay ayaa dhex-maray askar ka wada tirsan ciidanka PSF ee Puntland oo ay abuurtay CIA-da, islamarkaana ay tababareen ciidanka Navy SEALS.
Dadka dhintay ayaa waxaa ka jiray caruur uu dhalay nin la magacaabo Saciid Shidow oo da’doodu aheyd 8 iyo 12 jir, nin kale oo uu dhalay oo 35 jir ahaa, waxaana ku dhaawacmay afar kale oo da’doodu aheyd 6, 8, 9, iyo 13 jir, markii hoobiye uu ku dhacay gurigooda magaalada Boosaaso.
Sida ay shaacisay VICE, markii madaxweyne Trump uu ciidanka Mareykanka ka saaray Soomaaliya horaaantii 2021, waxay ka tageen hub badan oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, qoryaha AK-47 iyo rasaas.
Ciidanka PSF oo isku qabsaday maamulka xarun ku taalla Boosaaso iyo hubkii laga tegay, ayaa qeyb ka mid ah waxay la safnaayeen madaxweynaha Puntland Saciid Deni, halka qeybta kalena ay la jireen Maxamuud Diyaano.
In kasta oo xiisaddaas la qaboojiyey, haddana cilmi-baare Soomaali ah oo la hadlay VICE, balse codsaday inaan la magacaabin ayaa rumeysan in dagaalka uu mar kale dib u qarxi karo.
Waxa uu sheegay in qoyska Diyaano iyo maamulka Puntland ay labaduba sheeganayaan PSF iyo hubka Mareykanka uu ka tegay, islamarkaana xiisaddaas aan weli xal buuxa laga gaarin.
Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa dhismaha ciidanka PSF billowday 2002, waxaana kadib tababarkooda la wareegay ciidanka Navy SEALS ee ah xulka ciidamada Mareykanka.
Mareykanka ayaa markii ay ciidankan abuureen waxay awoodda siiyeen qoyska reer Diyaano. Waxaa markii hore ciidanka hogaaminayey Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, kadibna waxaa kala wareegay wiilashiisa. 2018-kii ayaa Maxamuud Diyaano wuxuu hoggaanka PSF ka beddelay Asad Diyaano. Sidoo kale hooyadood ayaa aheyd madaxa mashruucyada iyo sahayda PSF.
Markii Mareykanka ay Soomaaliya ka baxeen Janaayo 2021, madaxweyne Deni ayaa bilo kadib xilka ka qaaday agaasime Maxamuud Diyaano, balse agaasimaha ayaa ku gacan sayray, isaga oo sheegay in qoyskiisa ay leeyihiin PSF.
Kadib ciidanka ayaa u kala baxay kuwa taageersan Diyaano iyo kuwa raacsan Deni, halkaasi oo dagaal culus uu ka qarxay.
“Waxay u maleeyeen welina u haystaan in PSF ay ayaga leeyihiin, taasina waa dhibaato weyn,” ayuu yiri taxliiliye la hadlay VICE.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa mar wax laga weydiiyey beenin in hubkooda uu ku jiro gacanta PSF, balse waxay sheegeen inaysan wax lug ah ku laheyn wixii dhacay.
“Ciidamada Mareykanka kuma lug laheyn wax howlgal militari ah oo dhacay December 2021, sidoo kalena ma jiraan wax sheegashooyin khasaare shacab ah oo nasoo gaaray,” ayuu yiri wakiil u hadlay AFRICOM.
Dowladda Puntland iy saraakiisha PSF ayaa diiday inay ka jawaabaan codsiyo loo diray oo la xiriira dagaalkan.
The post Hub ay bixisay hay’adda CIA-da Mareykanka oo lagu dilay 22 qof oo Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
-
“Gudoomiyaha Hay,ada shaqaalaha Ahna Xubin kamida Gudiga Cadaalada Sinaba uguma banaana inuu ka qayb galo Shirarka iyo Xafladaha Xisbiyada waana sharci daro.Xus oo soo qabo Shaqaale iyo hay,ado kale oo aanu sharcigu u ogolayn ka qayb galka Shirarka iyo Xafladaha Xisbiyada oo maanta Xaadiray 20 Guuradii Xisbiga talada haya ee Kulmiye”.Xildhibaan Maxamed Abiib. -
Haweenay si adag ugu jawaabtay Hadallo ka soo yeedhay Siyaasi Max’ud Xaashi Cabdi
Iska hadlow ina iigare Allah ha u naxariiste Qaasim Qodax wuu kawayn yahay qof lagu xuso (DAAS) ee aan ku sexee wuxuu ahaa Taajir, marka labaadna wuxuu ahaa Mujaahid hantidiisi,ubadkiisi iyo naf tisiiba ku waayay jirtaanka Qaranimada Somaliland oo ah taa aad maanta ku raxaysanayso Ina Xaashi yoow ha ka dhicin salamada..”Hinda Qaasim Qodax. -
Dowladdii madaxweyne Farmaajo ayaa meelo ka mid ah gobalka Gedo geysay ciidan heer federaal ah. Ujeedka ciidankaas maamulka Jubaland (JL) iyo madaxdi mucraadka waqtigaas, oo uu ku jiro madaxweynaha cusub, waxay ku sifeeyeen arrin siyaadadeed. waxaa ay cod dheer ku dhihi jireen “ciidanka ha la soo celiyo”. Madaxweyne Xasan sheekh si gaar ah ayuu ugu celceliyay in ciidaankaas khalad meesha lagu geeyay ayna tahay in dib loogu soo celiyo xeryihii laga qaaday. Haatan Xasan waa ninka dalka ugu sarreeya. Isagaa leh go’aanka iyo waxa laga yeelayo ciidankaas.
ka go’aan-qaadashada arrintaas waxay u baahan tahay helidda xog rasmi ah, kaadsiimo iyo ka fekerka meel ka fog halkii awal dooddu joogtay. Qormadaan gaaban waxaan rabaa inaan kusoo gudbiyo xog la xiriirta ciidammadda Gedo la geeyay. Waxaa ay u badan tahay in affriintaydu aysan gaarin madaxweynaha laakiin ugu yaraan dadka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan xogta dhabta ah ee ciidankaas iyo midda gobalka si ay sooyaalka ugu daraan tallaabooyinka la qaado.
Aan ku billaabo naftayda iyo xiriirka Gedo naga dhaxeeyo. Gobalka Gedo waa halka qoyskaygu ku noolyahay. In waqti ah seddexdi sanaba mar ayaan tagayay. safarkaygi ugu danbeeyay wuxuu soo gabagaboobay 24’ki Maarso 2022. Midkii ka horreeyay wuxuu ahaa isla bilaha Feebaraayo iyo Maarso 2019. Waxaa kaas xigay 2016. Taasoo ka dhigan inaan tagay laba jeer oo Farmaajo xilka hayay iyo mar uu Xasan hayay. Safarki ugu danbeeyay marki laga reebo, waxaan tagi jiray Baladxaawo iyo Garbahaarreey iyo mar aan Doolow ku daray.
Waxyaabaha aan mar walba u kuurgali jiray waxaa ka mid ahaa ciidammada iyo amniga. 2016, Garbahaarreey waxaa joogay ciidan u eg mid dowladeed. Si fiican u labbisan, gaajo aysan ka muuqan, xuquuq hela ilaa xadna disbiliin leh. Baladxaawo goortaas waxaa ay ahayd xero ********. Ciidanka joogay wuxuu ahaa wiilal yaryar oo qoryaha dhulka ku jiidaya, aad u diifaysan, qaarkood dacas iyo macawiso gashanyihiin oo ay adagtahay in lagu tilmaamo ciidan. Gawaarida xamuulka keenta ayaad arki karaysay iyadoo dhowr wiil midba mar meel ku joojinayaan iyagoo lacag ka raba. Ma ahayn ciidan diiwaan-gashan oo xuquuq leh. Dhowr cisho oo aan joogay laba maalin oo ka mid ah ayay suuqa isku rasaaseeyeen iyagoo halis galiyay nafta dad badan oo shacab ah.
2019, Garbahaarreey waa ay sii hagaagtay. Xaqiiqdi waxaan kusoo arkay ciidan aad u disbiliin sarreeya. Waa ay adkayd inaad aragto askari qori sita oo suuqa maraya. Marki ay xeryahooda ka baxayaan waxaa laga reebi jiray qoryaha iyagoo tuutaha kaliya xiran ayayna magaalada soo aadi jireen. Maaddaama aan hub loo oggalayn in ay suuqa la maraan, galabnimo ayay xeryahooda ku noqon jireen. Baladxaawo waqtigaan (2019) isbaddal badan ayaan ku arkay. Wiilashi arradnaa tuute iyo kabo buud ah ayaa loo xiray. Muuqaal iyo haybad ciidan ayay yeesheen. Laakiin kuwa Garbahaarrrey ma aysan gaarin xagga disbiliinka oo wali hub ayay ku siteen suuqyada.
2022 waxaan la kulmay waayo’aragnimo kale. Garbahaarreey ma aanan dhaafin. Iyadu ugama tagin ciidanki aan ku aqaannay. Ciidanku waa isla isagii laakiin waxaa lumay disbiliinki bilayay. Askartu habayn iyo maalin suuqyada ayay hubka la joogeen. iyagoo qoryaha dhabta ku haysta ayay biibitooyinka ku qayilayeen. Haddii aan waraystay sababta sidaan uu isugu baddalay ciidanku, waxaa la ii sheegay in wanaggi iyo disbillinki aan arkay uu la yimid taliyihii markaas xukumay. wuxuu ahaa nin adag oo aan cidna ugu joojin shaqadiisha. wuxuu hal jid saaray ciidanka kala sooc la’aan. Sargaalka hadda haysta ayay dadku iigu sheegeen nin jilicsan oo aysan askartu ka baqin. Sidii ay doonaan ayay u jabiyeen shuruucdi loo dhigay isna waxba ma dhaho.
Kuwaasu waa ciidanki awalba joogay oo ilaa waqtigii Xasan halkaas lagu ogaa. Waxaa kusoo kordhay malleeshiyaad NISA lagu sheegay. Waxaan magaalada (Garbahaarreey) ugu tagay laba Cabdibile oo NISA ku qoran tahay. Waxaa had iyo goor ku dhooban wiilal hubeysan oo kala jeestay iyagoo qoryaha keebka haysta. Muuqaalka hore waxaa kugu soo dhici qabaalladi sagaashamaadki lagu dagaal gali jiray. Marki ay magalaada dhex marayaan waa ay kuu xaqiiqoobi in ay yihiin **********ti rasmiga ahayd oo gaariga NISA loogu buufiyay.
Gaariga tiro badan ayay ku saaran yihiin. Isagoo aad mooddo galtaan la ganay ayaa suuqa la marsiin. Xiinkiisa, boorka uu kicinayo iyo quruuruxa uu firdhinayo ayaa argagax iyo cabsi ku rida dadka meesha ka dhow oo dhan. Bismillah iyo Ilaahow na mooti ayaa lagula noolyahay. Waxay dagganyihiin ayrboorrada dagmooyinka Gedo. iyagaa maamula wixii khidmad ahna ka qaada. Haddaan dhuuxaamay waxaa la igu xansaday in aysan ahayn NISA rasmi ah oo diiwaan la yaqaan ku jira, balse ay yihiin wiilal gobalka laga aruuriyay oo rag meesha qabsaday dadka ku baqdin galiyaan. Haddaan si kale u digo waa ciidan ka mid ah ciidanki Gedo la geeyay oo laba nooc ahaa.
Nooca labaad ee Gedo la geeyay waa cidanka Gorgor oo Doolow iyo Baladxaawo la geeyay. Inkasta oo aanan tagin Baladxaawo intii ciidankaan la geeyay, haddana aad ayaan xogtiisa u raadiyay. Waxaan isku dayay inaan helo xog rasmi ah oo ku saabsan dhib iyo dheef wuxuu keenay. Baladxaawo ciidankaan waa ku diirsatay. Geynti ciidankaas waxay uga dhignayd xorriyaddii Soomaaliya lixdanki qaadatay oo kale. Si aad u fahanto muhiimmada arrintaas, aan ku siiyo xog kooban oo ku saabsan dagmada.
Ilaa iyo 1997’ki, dagmadaas waxaa gacanta ku hayay maamul gacan ku samays ah oo had iyo goor ku xiran waddamada dariska ah. Hadba kan ku gacan sarreeya gobal, Itoobiya iyo Kenya ayuu u shaqayn jiray. Haba u shaqeeyee danta shacabka uguma adeegayn. Labada dal xagga la macaamilka shacabka waxaa xun Kiinya. Itoobiya waa gumeyste aanan doonayn in dhagartiisa la fahmo. Laakiin Kiinya waa cawaan loo jabay oo aanan wax dan ah oo kale naga lahayn.
Dadka ku nool Baladxaawo, oo in badan, noloshoodu ku xirantahay Mandera ayaa dhib weyn ku qabay askrata Kiinya. Qofkii ay doonaan ayay dili jireen, xiri jireen, kufsan jireen, dhici jireen ama waxa ay doonaan ka samayn jireen iyagoon ka baqayn xataa cambaarayn. Intaasu, inta badan, waxaa ay ka dhici jirtay xudduud-beenaadka. waayadii danbe waa ay soo tallaabsatay. Tan iyo markii gobalka loo dhiibay maamul JL ku xiran oo Kenya daacad u ah, waxaa ay billowday in ay dadka ku dhibaatayso Baladxaawo gudaheeda. Muwaaddiniin Soomaali ah, oo danbi loo xiray ama tuhun Shabaab loo xiray, ayay danbibaarayaal Kiinyaan ku dhexwaraysan jireen xabsiga Baladxaawo.
Marar badan in ay jirdil xabsiga ugu geysteen ayaa la sheegay. Laakiin inta badan lacag baad ah ayay ka qaadan jireen. Ogow waxaan ku leeyahay, wiil soomaali ah oo Baladxaawo askari Soomaali ah ku xiray ayaa inta sargaal danbibaare Kiinyaan ah loogu yeero looga furan jiray lacag isagoo Baladxaawo joogo. Lacagtaas askariga Kiinyaan ah looma dhiibi jirin ee kuwa Soomaalida ah ee la shaqeeya marki horana u yeeray ayaa loo marin jiray. Sidoo kale kuwa Itoobiya ayaa iyaguna tuhmanayaasha waraysan jiray marki ay doonaan kuwa ay doonaanna Doolow u taxaaban jiray.
Ihaanadaas ayaa lagu noolaa waqti dheer. Markii maamul dulligaas sharciyeeyay gobalki laga dhisayna waa la quustay. Quustaas waxaa meesha ka saaray ciidanki Gorgor ee Baladxaawo la geeyay. Wuxuu ahaa ciidan Soomaaliyeed, aad u tababaran, disbiliin leh, oo aan kusoo korin meel sawaaxili Soomaali ku gumeysto walina aan baran la shaqaysiga cadowga Soomaalida. Askartaan waxaa ay dageen xudduud-beenaadka. Waxaa marki ugu horreysay muddo 24 sano ah la dareemay xudduud rasmi oo kiinyaanku xurmeeyaan. Ayaamihii hore, shaqadoodi dad baarashada iyo hujuunka ahayd ayay Kiinyaanku isku dayeen. Laakiin marki ficilladaas ciidanka Gorgor gacan-ka-hadal kaga jawaabay xudduudka ayayba dhowr kiiloomitir ka sikadeen.
Waxaa loo sheegay Kiinyaanka in aysan qofna xiran karin, dhibi karin ama aysan wax kale u geysan karin. “Qofkii idiin soo gudba ama u oggolaada inuu sii socdo ama naga noqo dhaha adinkoo xagtin gaarsiin.” ayaa lagu yiri. Marar ay isku dayeen in ay jabiyaan heshiiskaas, weerar xanuujiyay ayaa loogu jawaabay. Hal dhacdo oo qofka ay ku dhacday aan xogtiisa la socday aan idinku tusaaleeyo.
Waa gabar Soomaaliyeed oo Maraykan ka timid. Nayroobi ayay soo martay. ka dib in ay Baladxaawo u gudubto ayay rabtay. Xudduudbeenaadka ayay askar kiinyaan ah ku joojisay. Baarid ka dib waxay arkeen in ay baasaboor Maraykan ah sidato. Waa baarteen xoogaa lacag ah oo ay wadatay iyo baasaboorki ayay ka qaateen bax iska soco ayayna ku dhaheen. Konton tallaabo ayadoon socon ayay u tagtay ciidanki Gorgor oo ay ku barooratay. Taliyihii Gorgor, oo horey cashar lama illaawaan ah, ugu dhigay dhiggisa Kiinya ayaa taleefan u diray dhiggiisa. “Gabadhaas oo dhib noocaas ah loo geystay ayaa ila joogta. haddii aadan saacad gudaheeda lacagti, baasaboorki iyo askarigi ka qaatay aadan isku keenin xeradaada ayaan isku wareysan doonnaa” ayuu ku yiri.
Amarki ayuu dagdag u qaatay. Isagoo lacagti iyo baasaboorki wado ayuu yimid. Wuxuu ergo ka furey in laga daayo soo xiridda askariga. Wuxuu ku dooday kiiskaan wuxuu noqon mid ilaa madaxdayda sare ay ogaato oo aan qoro sababta aan askariga u xiray. Dhib iyo howl aanan ka bixi karin ayay igu furi ee iga raalli noqda ayuu ku cataabay. Isagoo u arka in loo ixsaan falay ayaa lagu yiri iska soco mar danbana yaysan noo imaan dhacdo noocaan oo kale ah. Tani waa hal tusaale oo aan xog-ogaal u ahaa.
Xorriyaddaas dadku heleen, sharafka iyo gobinnimadaas la dareemay waxaa dheer in ciidaankaas dartii kiinya u joojisay darbigii ay ka wadday xudduud-beenaadka kasoo gudaha usoo galay Baladxaawo. Siduu caddeeyay waftigii uu hoggaaminyay wasiir Juxaa oo markaas ahaa wasiirka arrimaha gudaha dhowr kiilomitir ayay xadka Soomaliya soo galiyeen xarriiqa. Shaqadi socotay waxaa joojiyay shacabka caraysan oo guryahooda la dumin rabay. Ciidanka Kiinya, oo gacmahooda kala faanaya shacabkaas caraysan, ayaa doonay in ay adeegsadaan kuwa u shaqeeya ee magaca nala wadaaga. Ciidan daraawiish lagu sheegay ayaa maalmihii danbe difaac u ahaa Kiinyaanki dhulballaarsiga waday. Iyadoo isbaacsi lagu noolyahay oo daraawiishta JL iyo shacabku weerar iyo weerar celis isku yihiin ayaa Gorgor la keenay. Darbibaan dhisaynaa halkaas ayaa ugu danbsay lamana arag Kiinyaan danbe oo deyrka taagan.
Aan soo khulaaseeyo qormada. Ciidanka gobalka la geeyay waa laba. Ujeedki la rabo ha loo geeyee mid waa lagu diirsaday waana lagama maarmaan in halkiisa loo daayo. Midna wuxuu rabaa wax ka qabasho dhaqsa ah. Ciidanka NISA lagu sheegay wax aan dhib ahayn Gedo kuma hayo. Ma ahan ciidan dharcad ah ee waa mid tuutsaysan oo isaga iyo gaadiidkiisaba la yaqaan. NISA dharcad ah oo shaqadeedu sirdoon tahay waa loo baahanyahay, laakiin kan hadda jooga isbaddal ayuu rabaa.
Midka labaad waa ciidanka Gorgor ee xudduudaha la geeyay. Madaxweynow ogow in ciidaankaas ciidda Soomaaliyeed difaac u yahay. Ogow soo saariddiisu in ay ka dhigantahay bixinta arli Soomaaliyeed, dulleynta dad soomaaliyeed iyo hibaynta sharafki Soomaaliyeed. Waxaad ka shaqayso ha noqdaan sii xoojintooda iyo hubinta xuquuqdooda si aysan shacabka hunguri uga raadin. Ha noqdaan kuwo lixdi biloodba ama ugu badnaan sannadkiba mar la baddalo si aysan u baran la shaqaysiga waddammada dariska ah. Ogsoonow shaqadoodu waa ilaalinta xudduudaha ee maaha ilaalinta amniga gudaha. Waxaan u jeedaa, haddii JL dood kuula timaaddo, booliskooda ayaa ku filan ee wax kaga xiran ma jiraan ciidan ku eg ilaalinta xudduudka. Haddii intaas oo dhan wax lagu fahmi waayo, ogsoonow in Gorgorka la geeyay Gedo uusan ka duwanayn kan la geeyay Dhuusammareeb iyo Baladweyne. Haddii aanan dhammaan lasoo wada celinayn ma jiri karto sabab gaar ah oo loo beegsado kan Gedo jooga oo dhabtii ah kan ugu xaqsan. Ka dhabee Soomaali heshiis ah oo dunidana heshiis la ah adigoo hubinaya JL mid ah, nabad ah, xor ah oo xudduudaheeda ilaashanyihiin.
Allaahumma hal ballaqtu!
W/Q: Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.comAFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.
The post Sidee habboon in laga yeelo ciidankii Gedo la geeyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasi Max’ud Xaashi oo Luuqad adag ku duray Af-hayeenka KulmiyeMax’ud Xaashi wuxu yidhi:-“Ragaan Kulmiyena ku jirin oo markan duday soo galay oo xataa meeqamkayga aan garanayn ayaa warqada akhriyay la igu eryay, taarikhdaydoo dhan wuxuu ka soo qaaday Maxamuud taageruu ahaa.Ragga ii jawabayay iyo waxaa igaga danbeeyay oo dhan dee meelaha aan qawadayay ee aan saluugayay ayay ahayd, Lakiin Kulmiye waxbaa ka khaladamay hadii aan wax ka khaldamin isqabadkuba muu yimaadeen.Wiixii khaldamayna waanaga wadna inaanu toosino “.Maxamuud Xaashi oo si adag u duray Afhayeenka Kulmiye wareysi uu siiyay Weriyaha BBC Xasan Galaydh. -
Daahir Rayaale wuxu markhaati ka furay laba qodob oo waaweyn
Daahir Rayaale Kaahin wuxu markhaati ka furay laba qodob oo waaweyn, in badana ay xukumada kulmiye ugu been abuurto xisbiyada Mucaaradka gaar ahaana xisbiga Wadani.1. In aanaan hanayn doorashadii 2017 oo aanu weli hibanayno.2. Iyo In aanaan kala qaybgelin xukuumada dabaaldega 18may.Labadan qodob labaduba waa labada uu ku marag furay Madaxweyne hore Daahir Rayaale Kaahin.In hogaanka Kulmiye in badan hadal hayo doorasho laga joogo 19 sanadood oo lagaga guulaystey, taas oo ah in aanay doorashadaa ka samrin.Iyo ta labaad oo iyana ah in hogaanka kulmiye, Siilaanyo, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin aanay Madaxweyne Daahir Rayaale weligood kala qayb gelin xaflada 18 may.Mararka ay shirar qaran oo somaliland dibada ku lahayd diideen ka qaybgalkooda iyo taageeradoodaba.Qodobka 3aad na anigu aan raaciyo waana ceebta u weyn ee kulmiye leeyahay hadana cid kale ku dhaliilo.Waa kala qaybinta bulshada iyo qabyaalad cad oo toos ah.Markii somaliland laga bilaabay hanaanka xisbiyada si looga maarmo haybta qabiilka oo dalku xisbiyo isku abaabulo.Xisbigii u horeeyey ee beelnimo dadka geliya, xisbigii u horeeyey ee beeli ku biirtay wuxu ahaa kulmiye.Xisbigii u horeeyey ee isku dara xildhibaanada qaranka ee 3 da xisbi iyagoo isku beel ahna xero u wada ooda, ugana faa’iidaysta inay u midoobaan taageerada Axmed Siilaanyo waxay ahayd 2008, waana xildhibaanadii qabtay shirkii Garadag oo kulmiye daaha dabadiisa ugu jirey.Todobyaadii ina dhaafay ee bisha may horaanteedii 2022 waxaynu baraha bulshada ku arkaynay xildhibaano laba ardaa oo somaliland ah ka soo jeeda oo la yidhi waxay ka ariminayaan hogaanka xisbiga kulmiye, hada xildhibanadaasi ma ahayn kuwii kulmiye keliya waxay ahayen 3 dii xisbi ee beelaha xulafo wadaagta ku ah kulmiye.Marna waa risaaq marna waa rashiid dadka kale ma rooti baa!Weedhaasi waxay soo shaac baxday xukuumadihii rayidka ahaa ee lixdamaadkii oo cabdirisaaq xaaji xuseen iyo cabdirashiid cali sharma’arke isaga dambeeyey raysalwasaarenimo iyo talada wadanka iyagoo isku beel ahaa.Xisbiga kulmiye wuxu ku ololeeyey Jeegaan laba beelood ah inta kalena ogolaysiiyey inaan qofkale han sare ka yeelan karin kulmiye.Xisbiga laba jeer lagu doortay jeegaan qabiil ku dhisan hadana mar saddexaad la soo shir tegaya weeye xisbiga kulmiye, xeerarkiisa aan qornayna(unwritten law) ay ku jirto inaan cid kale geyin kursiga gudoomiyaha kulmiye iyo sidoo kale madaxnimada dalka xisbigaas baa kitaabkii xoorkii Cabdikariin Xinif isagoo dhex galgalanaya xadladii kulmiye ka lahaa Cirro beelo gaar ah buu maagay.Dadka kale ha joogee maxaad dalabow ii maagtay.Xisbiga wadani waxa gudoomiye ka ah Xirsi Cali xaaji xasan oo tacabkiisa, kartidiisa iyo xisbiyahan nimadiisa ku helay kursiga u sareeya.Miyay dhici kartaa Kulmiye in hebel kastuu yahay iyo haybad kasta uu leeyahay inuu gudoomiye ka noqon karo nin aan ka soo jeedin labada beelood ee metelaya midabka Calanka xisbigu ka kooban yahay gacmaha isa salaamayana ku gudoon saday inaan taladu weligood iyo waqood labadaa beelood dhaafin.Hada anigu labadaa beelood weliba ta siyaanada koowaad isu tirinaysa baan ka soo jeedaa.Lakin Cadaalad daradu ima deeqdo.Wallee ina ragow tallo aduun taada qudha maaha.W/Q Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga WADDANI Bashiir Cumar Gelle -
Yuusuf Kayse :-Madashii Maantu Waxaan u Fahmay in ay ahayd Mid la doonayay uun in lagu aflagaadeeyo Madaxda Qaranka.( Cimri tagay Ceeb laguma sagootiyo )Maanta Waxaa ka dhacay #Huteel_Maansoor ee Magaalada Hargeysa’ Munasaasibad ay u Bixiyeen 20 Guuradii Ka soo Wareegtay Aas Aaskii Xisbiga Kulmiye oo waliba Madaxweynihii Qaranka iyo ku Xigeenkiisiiba goob joog ka ahaayeen ma odhan karno waxay ahayd Munaasibad Xisbi qaran Aas Aaskiisii lagu Xusaayey balse waxaan ku tilmaami karaa Madal Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ugu Badheedhay in lagu Aflagaadeeyo Madaxwaynihii Hore Qaranka JSL #Md_Daahir_Rayaale_Kaahin Iyo #Madaxda_Axzaabta_Qaranka isla markaana Xisbiga Kulmiye ku Furfurayay Xadhigii u dambeeyey ee Wada jirka iyo wax wada lahaanshiiyaha Beelaha Walaalaha ah ee ilaa halgankii ilaa maanta dhiigooda u soo shubay ee tacabka badan ee Naf huritaanka ahi ka soo galay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland .Waxaanse Illaahay ka baryayaa dhagaraha Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu maanta ay Daboolka inooga qaadeen ee kala Sheegashada iyo shaambadaynta Deegaano iyo Beelo ka mid ah ay ku beegsanayaan in Alle ka badbaadiyo oo aanay ahaan tooda iyo sida ay qorshaysteen ee dalkan ku lidiga ah Balse wada jir iyo nabadgelyadiisa aynu wada ilaashano hadii aynu nahay Shacbiga JSLoo yaynaan marin Wadada ay inala doonayaan ee ah qaybinta iyo qoqobka Waayo Kulmiye Wuu ka quustay hogaamin danbe oo dalka ah Maadaama waxaas oo Aflagaado ahi ka soo yeedhayo ee Madaxdii qaranka lagu aflagaadeynayo. -
Booliska Burco oo joojiyey diiwaan-galin qarsoodi ah oo Jaamacada Barwaaqo ka waday Gudaha Magaalada Burco.Booliska G.Togdheer ayaa joojiyey diiwaan-galin qarsoodi ah oo ay magaalada Burco ka bilaabeen macalimiin ka socday Jaamacadda Barwaaqo, Macalimiintan oo maanta duhurkii soo gaadhay magaalada Burco ayaan wax ogolaanshiyo ah ka qaadan maamulka Wasaarada waxbarashada ee G.Togdheer iyo laamaha amaanka midna.Ilo xog-ogaal ah ayaa ii sheegay in wasaarada waxbarashada heer-qaran aanay sidoo kale ku war-galin safarkooda waxaana la amray in ay ka baxaan magaalada Burco.Xigasho: Khaalid Bakayle -
Masaajidada Hargaysa qaarkood kuma tukan kartid safka hore waayo?
Masaajidada Hargaysa qaarkood kuma tukan kartid safka hore waayo waxa uu u xidhan yahay kooxo gaara.Xilikasta oo aad timaado waxaa yaala cimaamad sijaayad iyo wixii la mida waxaana suuragal ah qofka dhigtay ama loo siihayaa in uu suuqa ama gurigiisii jiro.Haddii aad soo gasho safka hore kooxdani waxa ay bilaabaysaa huruuf jidhdiid iyo sidii aad tahay qof soo xad gudbay.Dharw jeer ayaan culimada u sheegay wilise waxba lagama qaban waana arrin aan ku fiicnayn diinteena islaamka.Haddii caddaalad daradu gasho masaajidka maxaad u malayn meelaha kalena?Abwaan Yuusuf Shaacir -
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu magacaabo agaasimaha madaxtooyada marka uu maanta oo Isniin ah si rasmi ah xafiiska ula waraago, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Xilkan ayaa la filayaa in loo magacaabo Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay Senator u ahaa, balse aan dib loo soo dooran kadib markii uu ka mid noqday xubnaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu u diiday inay mar kale is-sharxaan.
Xuseen Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle, ayaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Magacaabista Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay dejiso xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la doortay aan laheyn nidaam rasmi ah, maadaama uusan cidna xil u magacaabin.
Magacaabistan ayaa sidoo kale dhabbaha u xaari doonto bilowda dhismada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayada oo ay xigi doonaan xilal kale oo dhowr ah, oo uu ugu weyn yahay xilka ra’iisul wasaaraha cusub.
The post Xog: Shaqsiga madaxweyne Xasan uu u magacaabayo agaasimaha madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.
-
The Auditor General Mohamed M. Ali has taken issue with the decision to draft public finances management guidelines without referring to legal modalities.
Mogadishu (PP News Desk) — The Auditor General of Somalia Mohamed Mohamud Ali has written to the outgoing Prime Minister Mohamed Hussein Roble about public finances management guidelines that the Council of Ministers had ratified.
“The public finances management guidelines have been ratified without reference to 2019 modalities for writing guidelines” The Auditor General wrote. He criticised the decision to write guidelines in a non-official language.
The Auditor General pointed out contradictory numbers in the public finances management guidelines. The Finance Ministry tabled the public finances management guidelines for ministerial ratification.
“The guidelines for public finances management will not take effect before the rectification of articles that contravene public finances management law” the Auditor General wrote.
The Finance Ministry has not commented on the Auditor General’s letter. A new finance minister will be appointed after a new government gets formed if President Hassan Sheikh Mohamud does not retain Dr Abdirahman Beileh, who spearheaded laudable civil service and security reforms.
© Puntland Post, 2022
The post Auditor General Suspends Guidelines for Somali Public Finances Management appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Jubaland.
Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyay safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Muqdisho oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.
Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga Facebook-ga ee Madaxtooyada Jubbaland ayaan bixin faahfaahin intaas ka badan, balse xogaha aan ka helnay kulankaas waxay sheegayaan in aad loo gorfeeyey sida gacanta Jubbaland loogu soo celi karo gobolka Gedo.
Dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaad labo sano gobolka Gedo ka heysatay Jubbaland, waxaana hadda weli ku sugan ciidan ka kala tirsan NISA iyo militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ku xiran taliska berri xukunka dalka wareejinaya ee Farmaajo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo habeen ka hor ka hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo qorshaha uga degan dib u hanashadiisa maamulidda gobolkaas ayaa rajo badan ka muujiyey inuu soo cesha karo Gedo.
Khilaafkii kooxda Farmaajo iyo hoggaanka Jubbaland ayaa sababay inay cadaawad xun isku qaadaan beelaha dega gobolka Gedo iyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo, waxayna inta badan siyaasiyiinta reer Gedo ku goodiyaan in Jubbaland aysan waxaba ku darsa doonin, inta Axmed Madoobe hoggaaminayo.
Axmed Madoobe ayaa habeen hore balan qaaday in maamulkiisu uu qorshe cad ula tegi doono dadka reer Gedo, sida in maamulka degmooyinka aan loo magacaabin ayagu ay soo dooranayaan hadda kadib, inuu gobolka ka hir-gelinayo dib u heshiisiin iyo inuu u fasaxayo dhamaan mashaariicdii horay looga xayiray gobolka Gedo, intii uu jiray khilaafkaan.
The post Sawirro: Axmed Madoobe oo kulan deg deg ah isugu yeeray golihiisa wasiirrada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Isniinta berri Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xukunka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, oo dalkaan sii xukumi doona afarta sano ee soo socota.
Farmaajo wuxuu habeen ka hor ka guuray gurigiisii Villa Somalia, waxay kaamiraduhu qabteen gaadiidka ciidanka lagu qaado oo lagu raray alaabtii gurigiisa, wuxuuna degay guri ku agyaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, gurigaas waxaa horay u deganaa Axmed Qoor Qoor, balse hadda waa uu ka guuray, si Farmajo u dego.
Wixii Isniinta berri ka dambeeya waxaa dowladnimada Soomaaliya majaraha u qaba doona nin aqoon badan u leh oo horay u soo dhisay hey’ad kasta oo maanta ku howlgasha magaca dowladda Soomaaliya.
Dowlad noocee ah ayuu Farmaajo berri wareejinayaa?
Dad badan waxay qirayaan inuu jiro burbur iyo kala tag hor leh oo laga dhaxlay xukunkii soo idlaaday ee xukuumadii Farmaajo, waxaa sii fogaatay Somaliland, waxaa kala aamin baxay ciidamada qaranka oo kuwii horay u jiray, kuwo qaas ah laga dul dhisay.
Waxaa soo naaxday awoodii kooxda Al-Shabaab oo dadkaan iyo dalkaan dhibanaha u ah hadana ka taajirtay, markii la waayey dowlad ka difaacda, waxaa luntay qadiyadii soo dhicinta gobollada deriskeeda uga maqan Soomaaliya, kadib markii xukunka Farmaajo uu argagixiso u aqoonsaday jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed.
Farmaajo wuxuu afar dekadood u saxiixay dowladda Itoobiya oo dagaal gaamuray uu kala dhaxeeyo dadka Soomaaliyeed, welina uu ku maqan yahay xaqii Soomaaliyeed ee sababay dagaalladii labada dal burburiyey.
Farmaajo wuxuu lumiyey oo albaadaba ka soo xirtay dowladaha Jabuuti iyo Kenya oo waqti iyo waayo badan ku bixiyey isku raadinta dadkii Soomaaliyeed ee kala tegay burburkii gaaray dowladnimadooda, waxay sabab u noqdeen labadaas dowladood in dib loo soo dhiso qaranimada Soomaaliya, waxayna ku guuleysteen marti gelinta dhismaha dowladihii u dhaxeeyey xukuumadii hore ee Xasan Sheekh iyo dowladii burburtay ee Maxamed Siyaad Barre, intaas Itoobiya waxay hagal daacineysay dib u soo kabashada Soomaaliya, balse Farmaajo waa iska indha tiray taariikhdaas.
Hadda wuxuu xukunka ka tegayaa dalka oo qarka u saaran dagaalo sokeeye, wuxuu noqonayaa xildhibaan sharafeed uu qarka u fuulay inuu ku waayo xukun jaceylkii u soca waayey, wuxuuna ka mid noqonayaa baarlamaanka 11-aad, weligiisna wuxuu ahaanayaa xildhibaan aan ku fadhin kursi beeleed.
Xukunkii Farmaajo waxaa laga dhaxlayaa kooxo ku xooggan Social Media-ha oo la yiraahdo CBB. Dadka taageera Farmaajo waxay u badan yihiin dhalinta ku foogan aaladaha Social Media-ha, haba u badnaadaane TikTok-ga, hadda markaad u fiirsato afkaartooda waxay muujinayaan xaalad quus ah, waxay aad uga naxeen guul darradii Farmaajo ee doorashadii dalka, qaarkood waxay habaarayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxayna muujinayaan inay jeclaan lahaayeen in hadii Farmaajo xukunka ka tegay aysan dowladnimo ka dambeyn.
CBB waa magac uu bixiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa laga soo gaabiyey (cayayaanka baraha bulshada) waxaa la yiraa dhalinyaro badan oo aad Social Media-ha uga taageerta Madaxweyne Farmaajo.
Intooda badan dhalinyaradaan waxaa la sii jiray san-dareerto ay siyaasiyiinta kale ku caayaan, kuna buun-buuniyaan dacaayada ay soo maleegaan kooxdii xukunka joogi jirtay ee Farmaajo, waxay u sameysan yihiin guutooyin ku xariira groupyo WatsApp ah, balse hadda waa ka soo xirmay biilkii uu sii jiray Farmaajo, waxayna dhalintaasi wayahaysaa quus aan horay u soo marin wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.
Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh caqabadaha ugu horeeya ee qabsa doona waa dacaayadaha CBB, kooxahaan dhalinyarada ah ee aadka u qabatima inay dacaayado ku faafiyaan barahooda gaarka ah ee Social Media-aha, waxay badankood aaminsan yihiin in dowladnimada dalka aysan ka dambey doonin Farmaajihii xukunka looga guuleystay.
Rajadu waxay tahay in laga meyrto ku dhowaad lix sano oo siyaasad qarda-jeex ah uu Farmaajo ku maamulayey Soomaaliya, waxaa cajiib ah sida ninkan uu maskaxda uga degay inta badan caamada, caruurta, haweenka iyo dhalinyarada soo hana-qaaday sanadahaan ee wax kala fahantay wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo, 2017-kii.
Aqoonyahanka, xog ogaalka, dhinacyada daneeya soo kabashada Soomaaliya iyo dhamaan indheer garadka Soomaalida, waxay qabaan in xukunkii Farmaajo uusan waxaba ku soo kordhin dowladnimada kobceysa ee Soomaaliya.
The post Dowlad noocee ah ayuu Farmaajo berri ku wareejinayaa Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
What beauty parlours reveal about Somali women
in News - Wararka
Posted
The BBC's Mary Harper writes about her experiences at Somali beauty parlours.
Source: Hiiraan Online