-
Content Count
212,326 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Somaliland Waxa Ay Rabtaa Dib U Xorayn Lagaga Xoraynayo Dad Aan Horay U Ahayn Xoreeyayaal Ee Ahaa Xoraystayaal .
Waxa qoray fariintan Maxamed Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.“Waxa Maalintii Afaraad Xidhan Muj Cabdillahi Maxamed Daahir Oo Ka Mid Ahaa Dadkii Ka Qayb Qaatay Halgankii Dib U Xoraynta Somaliland Oo Waqtigaasi Gashay Ama Ku Jirtay Gacan La Mid Ah Ta Ay Maanta Somaliland Ku Jirto Oo Macnaheedu Noqonayo Somaliland Waxa Ay Rabtaa Dib U Xorayn Lagaga Xoraynayo Dad Aan Horay U Ahayn Xoreeyayaal Ee Ahaa Xoraystayaal .Mujaahid Iyo Masuul Horay Uga Soo Qayb Qaatay Xoranytii Iyo Geedi Socodkii Dhismaha Somaliland Hadii Uu Mudo Intaas Leeg Xidhaan Karo Maxkamad Iyo Eedlaan Waa Sidee Xaalka Kuwa Aan Codkoodu Meel Fog Gaadhi Karahayni.Waxa Qofka Tacabka Intaas Leeg Somaliland Galiyay Loodiiday In La Booqan Karo Iyo In Xitaa Wax Loo Gayn Garo Iyadoo Dhamaan Goobihii Kala Duwanaa Ee Lagu Xidhay La Keenayay Dad U Adeega Taliska Oo U Fuliya Sharcidarada Uu Taliska Maalmaha Koobani U Hadheen Wato.Aabo waad ku mahadsantahay halgankaagii hore balse waxaan kaa codsanaynaa inaad markale nagala xorayso taliska haya tubtii talisyadii hoogay.” -
-
War-saxaafadeed Xisbiga WADDANI kaga hadlayo Arrimaha Murugsan ee Dalka ka aloosan oo uu diray Bulshada Caalamka
Xisbiga WADDAN ayaa beeniyay warka xukumadda BIixi la wadaagtay Beesha Caalamka ee ku aaddan in ay xisbiyada mucaaradka ah kala soo xidhiidhay sidii loo wada hadli lahaa. xisbigu waxa uu meesha ka saaray in uu wax wada hadal toos ah la galo xukumadda maaddaama wada hadalladii hore noqdeen kuwo aanay waxba ka hir gelin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in dhawaan uu shaaciyay qofka uu u xushay raysul wasaaraha cusub, si loo soo dhiso xukuumad la wareegta talada dalka.
Ilaa iyo hadda, si rasmi ah looma xaqiijin qofka uu noqonayo ra’isulwasaaraha cusub, waxaana baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku wada xiriirto lagu faafiyay magacyada shakhsiyaad kala duwan.
Sida caadiga ah, ra’isulwasaaraha cusub ayaa lagu soo magacaabaa muddo 30 maalmood gudahood ah, oo ka billaabanaysa marka la doorto Madaxweynaha. Xasan Sheekh ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 15-kii May.
Haddaba qormadan waxaan ku eegi doonnaa shakhsiyaadka iyo siyaasiyiinta saameynta ku yeelan kara magacaabista la filayo inay dhowaan dhacdo.
Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in ugu yaraan laga talo-geliyo qofka loo magacaabayo raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Sababta ugu weyn ayaa ah in sida qaalibka ah uu qofkaas noqon karo mid ka soo jeeda deegaannadooda, marka la eego saami qeybsiga 4.5 ee uu ku salaysan yahay awood qeybsiga siyaasadda Soomaaliya.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa sidoo kale taageero siyaasadeed u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, hadda oo uu hoggaanka hayo iyo weliba markii uu waday ololaha uu ugu jiray madaxtinnimada Soomaaliya.
Waxay ka filayaan Madaxweyne Xasan ayaa ah inuu keeno qof ay saddexdooduba ku qanacsan yihiin, isla markaana ay wada shaqeyn karaan.
Saaxiibadda siyaasadeed
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu leeyahay saaxiibbo siyaasadeed oo isugu jira kuwo ay isbarteen inta aanu siyaasadda soo gelin iyo kuwo ay saaxiibtinnimadooda soo billaabatay markii koowaad ee uu noqday madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa markii koowaad ee la doortay 10-kii September 2012 waxa uu 25 maalin kaddib raysul wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Raysul wasaare Saacid ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka saaxiibbada Xasan Sheekh, maaddaama xilligaas aanay jirin hoggaamiyeyaal maamul-goboleed oo u abaal sheegan karay madaxweynaha.
Waxaa mar kale suurtagal ah in saaxiibbadda siyaasadeed ee madaxweynaha ay saameyn ku yeeshaan cidda uu ka dhigayo raysul wasaaraha.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shuruudaha ugu waaweyn ee uu ku dooran doono raysul wasaaraha cusub ay tahay inuu noqdo qof ay wada shaqeyn karaan, si loo yareeyo khilaafka soo noq-noqday ee dhexmara madaxweynaha iyo raysul wasaaraha.
Xilligii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu magacaabay saddex raysul wasaare oo labo uu baarlamaanku u qaaday codka kalsooni-darrada, halka kan saddexaad, waa Cumar Cabdirashiid, ay isla dhamaysteen iyagoo uu khilaaf dhex yaallo.
Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa isna magacaabay labo raysul wasaare, inkastoo uu horay u ballanqaaday inay isla dhamaysan doonaan Xasan Cali Kheyre oo ay isla billaabeen.
xigasho: BBC Somali
The post Laba dhinac oo saameyn xoog leh ku leh magacaabista ra’isulwasaaraha cusub appeared first on Caasimada Online.
-
-
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay kulan la qaatay ergada shirka beesha East Sanaag Clan ee Ceerigaabo.
Ergada waxaa hoggaaminayay Suldaanka guud ee beesha Warsangelin Suldaan Siciid Cabdisalaan, waxaana hadalo u jeediyay qaar kamid ah madaxda Somaliland.
Kulanka waxaa madaxweyne Muuse Muuse Biixi ku wehelinayay guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa.
Kulamada Madaxweynaha Somaliland iyo ergada shirka beesha East Sanaag Clan ee ayaa sii socon doona maalmaha soo socda.
PUNTLAND POST
The post Muuse Biixi oo la kulmay ergada shirka East Sanaag Clan ee Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo qaaday arrin la xiriirta Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo markale cirka isku shareereay, kadib wareysi cusub oo uu dhawaan bixiyey Fahad Yaasiin.
Arrintan oo aan qayb ka aheyn ajendaha kulanka maanta ayaa waxaa Golaha dhex-geeyey xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hor-hadlay Baarlamaanka Soomaaliya.
Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa codsaday in la magacabo guddi soo baara kiiskaasi, si ay cadaalad u hesho sarkaalad Ikraan Tahliil.
“Waxaan rabaa inaan halkan kasoo jeedino annagoo ah xildhibaano Soomaaliyeed in kiiskii Ikraan Tahliil loo xil-saaro guddi baarlamaani ah oo arrintaas isku soo duba-rido oo cadaaladda horgeeyo,” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.
Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyey in kiiska Ikraan uu noqday mid la’isku tuur-tuuray, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in lasmeeyo baaritaan madax-bannaan.
Intaasi, kadib guddoomiyaha Golaha Shaabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo hadalka qaatay ayaa sheegay inay tixgelin doonaan codsiga Jeesow, isla-markaana ay guddiga u saari doonaan kiiskaasi.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in Baarlamaanka uu si gaar ah uga hadli doono kiiskan, si ay cadaalad u helaan qoyska Ikraan Tahliil Faarax.
Ikraan Tahliil oo maqan muddo sanad ah ayaa waxaa horey ay NISA u shaacisay inay u gacan gashay Al-Shabaab, kadibna ay dishay, balse waxaa ay wax weliba is-bedeleen markii uu arintaasi ka hadlay taliyihii NISA, Fahad Yaasiin oo jiho kale u leexiiyey kiiska.
Fahad Yaasiin ayaa wareysigiisa oo uu uga hadlay arrimo dhowr ah ku eedeeyey in dilka Ikraan ay ku lug lahaayeen Rooble, Al-Cadaalada iyo Mahad Salaad oo loo dhiibay NISA.
Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan iyo shaki weyn oo ku aadan hadalka kasoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
The post BF Soomaaliya oo qaadayo tallaabo la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil Faarax appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo maanta koox hubeysan ay ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Daallo oo ka tirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Warsame Ismaaciil oo ka mid ahaa dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey uu kasoo baxay hoygiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqada, waxaana meesha isaga baxsaday ragga ka dambeeyey falkaasi.
Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka ay rasaasta ka haleeshay qayba sare, isla-markaana uu ku geeriyooday isla goobta.
Sida ay ogaatay Caasimada Online Marxuumka ayaa sidoo kale ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaan Mahad Salaad oo dhawaan loo magacaabay taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, kadib doorashadii uu kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Maalmihii u dambeeyey ayaa la sheegay inuu la kulmayey hanjabaadyo uga imaanayey taleefano kala duwan, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ehellada marxuumka.
Ciidamada ammaanka ee degmada Howlwadaag ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna sameeyeen howlgallo kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.
Dilkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan xiisada xoogan uu wajahayo Mahad Salaad, kadib eedeymo culus oo uga yimid taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Si kastaba, magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay mas’uuliyaddoodu sheegato kooxda Al-Shabaab.
The post Mid ka mid ah ergadii soo dooratay Mahad Salaad oo lagu dilay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan casho ah u sameeyey xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, kaas oo ka qabsoomay xarunta Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyey xildhibaannada Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey inay mar labaad u doorteen hoggaanka ugu sarreeya dalka.
“Waan idin-kaga mahadcelinayaa in aad i doorateen, iyada oo la leeyahay qof horey loo doortay lama soo celinaayo, laakiin waxaan idin ka codsanayaa in aad i garab istaagtaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday shaqada hortaallo dowladdiisa cusub, wuxuuna ballan-qaaday inuu halka ay joogto kasii wadi doono dowladnimada Soomaaliya.
“Waxaa na dilay wax walba gadaal halaga soo bilaabo iyo waa markii ugu horaysay, waxaan leennahay annaga waan ka ducaysanay waa markii ugu horaysay. Wixii soo socday ee naga horreeyay waa sidii loo qabtay. Wixii noo harsan oo la qaban waayayna waan ku guulaysanaynaa,” ayuu markale khudbaddiisa ku yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale wuxuu si adag uga hadlay arrimaha soo gelista shaqada xafiisyada dowladda, isaga oo sheegay in tallaabo ay ka qaadi doonaan mas’uuliyiinta kasoo dib dhacda shaqada xafiiska, isla-markaana ay ku muteysan doonaan xilka qaadis, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa la maqli doonaa mas’uul hebel ayaa xilka looga qaaday waqtiga uu xafiiska soo xaadiri waayey. Qofkii dhowri waaye, canshuurta dadka Soomaaliyeed, isagana lama dhowri doono,” ayuu sii raaciyey.
Ugu dambeyn wuxuu Madaxweynuhu ka hadlay arrimaha abaaraha ka jira dalka, isaga oo markale ku celiyey baaqiisa ah in si wadajir ah loogu gurmado dadka tabaaleysan.
The post Muxuu Madaxweyne Xasan ka sheegay kulankii xildhibaannada labada Aqal? appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa saaka guud ahaan gobalada dalka looga fadhiistay Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada dhexe, kaas oo ay sanadkaan u fadhiisteen arday fara badan.
Imtixaanka ayaa waxaa sanadkaan u fadhiistay in ka badan 27 kun arday ah, kuwaas oo galaya imtixaanka shahaadiga ee looga gudbo dugsiga dhexe.
Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa si wadajir u daah furay imtixaanka oo ka bilaabmay iskuulada Muqdisho.
Sikastaba horay ayay u ahayd markii ay sheegeen in imtixaanka sanadkaan aysan ka qayb galeeynin midawga iskuulada iyo daladaha imtixaanka sanadkaa, balse madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh ayaa dadaalkii ugu badnaa ku bixiyay sanadkaan in la qabto imtixaanka dowladda.
Goobjoog News
-
Waxaa maanta markale kulmaya xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka doodaya miisaaniyadda dowladda sanadka 2022.
Mudanayaasha ayaa markale waxaa hor imaanaya oo ay su’aallo waydiinayaan wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, xilli wasiirka uu warbixin u jeediyay shalay.
Kulanka xildhibaannada ayaa sidoo kale lagu wadaa maanta in ay iska dhex xulaan guddiga KGM ee maaliyadda baarlamaanka.
Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa xildhibaannada ugu baaqay in ay soo xaadiraan kulanka maanta .
Goobjoog News
-
Mogadishu (HOL) - Abdirahman Abdishakur Warsame, the President's Special Envoy in charge of famine relief, briefed a few dozen lawmakers in the 11th Parliament on the country's drought situation on Sunday.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in mudoharaad kooban oo reer Ceerigaabo kala hor yimaadeen madaxweynaha Somaliland uu caddayn u yahay in uu waayay kalsoonidii shacabka.
Guddoomiyaha, ayaa madaxwayne Biixi kula taliyay in uu iscasilo, isla markaana xilka ku wareejiyo madaxweyne ku xigeen kiisa, waxaana uu ku andacooday in joogista madaxwaeyne Biixi ay Somaliland khal khal galinayso.
“Mudoharaadka Ceerigaabo ee aan cidna soo abaabulin waxa uu muujinayaa, sida madaxweyne Muuse u lumiyay kalsoonidii shacabka, waxan kula talinaya saxibkay in uu iscasilo kuna wareejiyo xilka inta u hadhay ku xigeenkiisa, si dalka looga badbaadiyo fowdo iyo burbur” ayuu yidhi Faysal.
Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa madaxweyne Biixi oo Ceerigoobo safar ku jooga ka codsaday in uu doorashada wakhtigeeda ku qabto, shacabka ayaa ku dhawaaqayay ‘doorasho, doorasho’.
Khilaafka u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada Somaliland ayaan wali la xalin, inkasta oo ergo is xilqaantay ay arrinta gacanta ku hayso.
-
Former refugee and the UK’s first female Muslim football referee Jawahir Roble says many people believe the UK is a rich country of plenty but she knows many families are struggling to afford the basics
-
(SLT-Burco)-Daraasad cusub oo shaaca laga qaaday ayaa lagu sheegay in kiimikooyin dhowr ah oo soo gala jidhkeenna, sida maaddada bisphenol A (BPA) iyo sunta dioxin, kuwaasoo ku jira waxyaabaha aan sida joogtada ah u isticmaalno, ay sababaan inay hoos u dhacdo tayada awoodda raganimada.
Cilmi baadhistan, oo lagu daabacay Majalladda “Environment International”, ayaa lagu baadhay ilaa 9 kiimiko oo sidoo kale uu ka mid yahay xanuun baabi’iyaha sida wayn looga isticmaalo dhulka Soomaalidaa ee paracetamol-ka.
Waxaa kale oo kiimikooyinkan ku jira maaddada phthalate ee loo adeegsado jilcinta waxyaabaha ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubto.
Khubarada ayaa sheegay in isku darka kiimikooyinka ay ka kooban yihiin walxahan ay saamayn ku yeeshaan habka ay u shaqeeyaan unugyada taranka ragga ayna yareeyaan awoodda shahwada.
Daraassaddan, oo markii la sameynayay la isticmaalay kaadi laga qaaday 98 nin oo ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 30 sanno oo ku nool dalka Denmark, ayaa lagu ogaaday in kiimikada ugu halista badan ay tahay maaddada BPA oo loo isticmaalo qalab badan oo ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubo, caanaha warshadeysan iyo konteenarrada yar yar ee raashinka lagu qaato.
Cilmi baadhistan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in unugyada taranka ee ragga ay billaabaan marka ay wali ku jiraan uurka hooyada. Sidaas awgeed waxay saamaynta soo gaadhi kartaa haweenka uurka leh ee sida carruurta labka ah.
Arrin muddo dheer taagnayd
Cilmi baadheyaasha dabagalka ku samaynayay tayada shahwada ragga aya amuddo dheer ka hor fahmay in uu jiro hoos u dhac.
Sanadkii 2017-kii ayaa wargays ka faallooda taranka bani’aadanka lagu daabacay natiijada 200 oo daraasadood oo laga sameeyay Waqooyiga Ameerika, Yurub, Australia iyo New Zealand, taasoo lagu ogaaday in tirada unugyada taranka ragga ay yaraatay 50% muddadii 40-ka sanno ahayd ee lasoo dhaafay.
Taas waxaa sii dheereyd in dhakhaatiirta khubarada ah qaarkood ay sheegeen in haddii hoos u dhaca uu sii socdo uu samayn ku yeelan doono korodhka tirada dadka caalamka.
Waxay saynisyahannadu hoosta ka xariiqeen in arrintani ay kusii darsantay cudurrada ku imaada galmada oo muddooyinkii dambe aad u batay.
Daraasadda ugu dambaysay oo ay isbuucii lasoo dhaafay daabaceen dhakhaatiir iskaashaday oo ka kala socday UK iyo Denmark, ayaa muujisay in kiimikooyinka saamaynta ku yeesha unugyada taranka ay hadda yihiin waxa ugu wayn ee walaaca keenaya.
Sida uu qoray wargayeska “The Guardian”, Barfasoor Andreas Kortenkamp oo ka tirsan Jaamacadda Brunel ee waddanka England, oo daraasaddan ka shaqeynayay tan iyo markii la billaabay, ayaa sheegay in natiijada ay ahayd mid lama filaan ah, ayna aad ula yaabeen khatarta ay leeyihiin kiimikooyinka la baadhay.
Natiijo aan la isku wada raacsanayn
Dhammaan khubarada ku xeel dheer cilmigan iskuma wada raacsana natiijada kasoo baxday daraasaddan cusub ee la shaaciyay.
Waxaa jira qaar aan la dhacsanayn, oo sheegay in hoos u dhaca tayada taranka ragga ay sabab u yihiin waxyaabo kale oo aan ahayn kiimikooyinka lagu xusay daraasadda.
Kuwo kalena waxay sheegeen in kiimikooyinka liiska daraasadda ku jira ay yihiin kuwo xaddidan oo ka yar tiradii loo baahnaa in la baadho.
Intaas waxaa sii dheer inaan ilaa hadda la ogayn inta ay la egtahay khatarta ay dumarka ugu jiraan kiimikooyinka loogu kuur galay daraasaddan.
Isha Xogta: BBC Somali
-
Kenya Urban Roads Authority (KURA) Director General Silas Kinoti has hailed President Uhuru Kenyatta for negotiating with the new Somali President Hassan Mohamud to lift the ban on Miraa imports from Kenya.
-
Geneva (HOL) - The 110th International Labour Conference (ILC) concluded this weekend in Geneva, Switzerland.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad aha ka bixiyey howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaasi laga sameeyey agagaarka degmada Matabaan, gaar ahaan deegaano ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Odawaa ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyey xarun ay lacago ku qaadi jireen.
Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weerarada abaabulan ee ay kooxda Al-Shabaab ka geysato halkaasi.
Waxa kale oo uu farriin u diray dhammaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo ku boggaadiyey howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha dalka.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada howlgalka qaaday ay dib ugu laabteen xeryahooda, kadib dhaq-dhaqaaqa ay sameeyeen.
Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay weeraro ku qaadaa saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobolkaasi.
The post ODAWAA oo shaaciyey inay howlgal ku dileen 10 ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Laamaha Amniga Puntland ayaa xalay magaalada Garoowe ka bilaabay hawlgal lagu xaqiijinayo Amniga guud ee caasimadda,
Booliiska iyo Ciidanka Madaxtooyada oo kaashanaya hay’adaha Sirdoonka u qaabilsan dowladda ayaa si wadajir ah u fulinaya hawlgalkaas.
Saraakiisha Ciidamada oo aan xiriir la samaynay ayaa noo sheegay in hawlgalka lagu xaqiijinayo Amniga guud ee caasimadda islamarkaana looga hortagayo wax kasta oo halis ku ah nabadgelyada.
Saraakiishu waxay sheegeen in aysan jirin wax amni-darro ah oo ka dhacay Garoowe balse keliya la xoojinayo nabad-gelyada guud.
PUNTLAND POST
The post Hawlgal ciidan oo ka bilowday caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dejiyey qorshe cajiib ah oo uu kaga aarsanayo dalalka Midowga Yurub, kadib xayiraadihii ay saareen iyo hubka ay ku taageeraan Ukraine.
Prof. Timothy Snyder, oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda Yale University ee Mareykanka, ayaa sheegay in xanibaadda uu Putin saaray Badda Madow “looga dan leeyahay in lagu abuuro qaxooti,” si taasi ay u hoggaamiso xasillooni darro ka dhacda gudaha Midowga Yurub.
“Qorshaha gaajada ee Putin, waxaa laga damacsan yahay in qaxooti looga abuuro Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, oo ah aag ay quudiso Ukraine. Tani waxay xasillooni darro ka abuuri doontaa gudaha Midowga Yurub,” ayuu Snyder ku qoray twitter.
Yurub ayaa sanado badan la tacaaleysay qaxootiga Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana gaajo iyo macluul ka dhacday ay horseedi doontaa malaayiin u barakaca Yurub, taasi oo xsarad ka abuureysa.
Dagaalka ka socda Ukraine ayaa sababay in dekedaha Ukraine ee ku teedsan Badda Madow ay xirmaan, taasi oo halis gelisay qulqulkii cuntada, islamarkaana caqabad ku noqotay dalal badan oo si xooggan isugu halleeyaa haruurka Ukraine oo ah mid ka mid ah dalalka dhoofiya haruurka badan ee caalamka.
Snyder wuxuu sidoo kale digay in haddii ay sii socota xanibaadda Ruushka, “ay malaayin tan oo cunno ah ku qurmi doonaan bakhaarada,” islamarkaana malaayiin qof oo ku nool Afrika iyo Asia ay gaajoon doonaan.
Putin oo ‘baqe-maalaya Dunida’
Ala Stoyanova, oo ah barasaab ku-xigeenka magaalada Odessa ee Ukraine, ayaa sameysay diginin noocaas ah oo ku saabsan cawaaqibka ka iman doonaa badeecadaha haruurka ah ee ka buuxa dekadaha Ukraine ee aan la dhoofin karin, taasi oo cunno yari ka abuureysa qeybo ka mid ah dunida.
“Waa ujeedkiisa, sida aan u maleynayo, inuu dalalkan saboolka ah ka dhigo inay gaajo u dhintaan haddii aanay helin haruurka. Marka uu xanibay dekedaha, wuxuu baqe-maalayaa dunida,” ayey u sheegtay waregyska The Telegraph.
Maalin kasta, waxaa dekedda Odessa iyo dekedaha kale ee Ukraine yimaada 3,000 oo konteenar oo haruur ah, halkaasi oo la geeyo baqaaro, sida uu ku warramay wargeyska The Telegraph.
Islamarkaana, qiyaastii 276 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa wajahayey gaajo, tan iyo billowgii sanadkan. Si kastaba, tiradaas ayaa waxaa ku kordhi kara 47 milyan oo qof, gaar ahaan dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeyaa, haddii dagaalka uu sii socdo.
Dhimashada oo qeyb ka ah dacaayadda Ruushka
Prod. Snyder ayaa walaac ka muujiyey gaajada qeybo ka mid ah dunida, isaga oo sheegay in Russia ay leedahay “qorshe gaajo,” kaasi oo Putin uu diyaar u yahay inuu gaajo ku dilo inta badan dalalka dunida soo koreysa, taasi oo ah qeyb ka mid ah wejigga xiga ee dagaalka Yurub.
“Cabsida qorshaha gaajada Putin waa mid aad u weyn oo ay adag tahay inaan fahanno. Waxaan sidoo kale hilmaamsannahay sida cuntada ay xuddun ugu tahay siyaasadda,” ayuu yiri Snyder.
Isaga oo saadaalinaya qorshaha iyo hadafyada madaxweynaha Ruushka, Snyder wuxuu sidoo kale xusay in malaayiin qof oo macluul ugu dhinta caalamka ay qeyb ka tahay dacaayadda dagaalka Ruushka ee ku aadan Ukraine.
The post PUTIN oo dejiyey qorshe arxandarro ah oo uu kaga aarsanayo dalalka Yurub appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - President Hassan Sheikh Mohamud met with Italy's Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Luigi Di Maio, on Sunday, where the two discussed bilateral; relations, particularly the European Union Training Mission in Somalia.
-
The Hajj Khutbah 2022/ 1443 will be translated and transmitted simultaneously in 10 languages:1. English2. Bahasa Melayu3. Urdu4. Persian5. French6. Chinese7. Turkish8. Russian9. Hausa10. BengaliMaamulka Masjid Al-xaramka Makkah oo shaaciyey Toban luuqadood oo lagu turjumaayo Khudbadaha xajka Sanadkan 2022/1443 -
Countries in the Horn of Africa are suffering from the ravages of climate change. Not only is the region's drought the worst in decades, but it comes after several consecutive seasons of little rain. Ali Rogin reports on hardest-hit Somalia, where people are fleeing their homes simply to find food and water.
-
Mogadishu, June 12 (Prensa Latina ) The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, has requested the support of patriotic businessmen residing in Kenya to combat a drought that could affect half of the country’s population, official sources said today.
Fahad Yaasiin oo shaaciyey xogta ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu qaaday Eratariya
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo su’aalo laga waydiiyey ciidamadii Soomaalida ahaa ee tababarka loogu qaaday dalka Eretriya ayaa sheegay inay ciidamadaas sax yihiin oo ay ku maqan yihiin dalkaas.
Fahad oo diiday inuu tirada ciidamadaas sheego ayaa xusay in ciidamadaas ay dowladda Soomaaliya u dirtay inay soo qaataan tababar isla markaasna ay dhawaan dalka kusoo laaban doonaan.
Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey sababta ay u doorteen in ciidamada loo qaado dalka Eretariya iyadoo la heli karo dowlado kale ayaa yiri “ horta adiga markaad baahi qabtid cidda ku siineyso ayaa laga qaataa, anaga baahida aan qabnay waxay aheyd in ciidamo naloo tababaro, marka dowladihii kale ee ciidamada noo tababarayey ma aqaan waxay ay Eretariya uga duwan tahay,”.
Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray “ Eretariya waxay kamid tahay dowladaha bixiya tababarada ugu wanaagsan, weliba ciidamada aan geynay waxay siisay tababarkii ugu wanaagsanaa”.
Mar waxa laga waydiiyey waxyaabaha ciidamadaan loo tababaray ayuu yiri “ waxaa loo tababaray qeybaha kala duwan ee ciidamada Militariga, waxaa lagu tababaray hub kala duwan, waxaa loo tababaray jir ahaan, waxay noqon doonaan hanta ay ummadda Soomaaliyeed sanado badan u aayi doonaan”.
Fahad Yaasiin ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in ciidamadaas ay ka qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay dalka Itoobiya ee u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo Tegreega.
“ Waxaa ka xumahay inaan warkaas dhaho, waxaa arrintaas faafiyey Tegreega iyo kuwa u shaqeeyo ee Soomaaliya jooga, waxaa jiro siyaasiyiin Soomaali ah oo Tegreega u shaqeeya, ma ii sheegi kartaa waxa Itoobiya oo 100 Malyan ah uga baahan tahay ciidamada Soomaaliya, hal habeen ayey qortaa boqolaal kun oo askar ah, waa wax caqliga ka hor imaanayo in la dhaho Itoobiya ayaa u baahan tahay dhowr kun oo ciidamo Soomaali ah oo tababar loo sameenayey” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Wuxuu intaas kusii daray “ Waxaan xaqiijinayaa ma jiro hal askari oo ciidamada dowladda ee tababarka u joogo Eretariya oo ka qeybgalay dagaalka Itoobiya, xataa ma jiro hal askari oo ka baxay xirada tababarka oo aaday magaalooyinka kale ee Eretariya”.
Ugu dambeyntii Fahad Yaasiin ayaa sheegay inay la fadhiisteen waalidiinta ilmaha loo qaaday Eretariya, wuxuuna sheegay inay mar kasta la hadlaan ilmahooda.
Waalidiinta dhalay ilmaha loo qaaday Eretariya ayaa horey u sheegay inay ilmahooda ku la’yihiin nolol iyo geeri.
The post Fahad Yaasiin oo shaaciyey xogta ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu qaaday Eratariya appeared first on Caasimada Online.