-
Content Count
211,703 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira safar uu ku marayo xarumaha maamul goboleedyada.
Xasan Sheekh oo dib loo doortay 15-kii May ayaa sugaya caleema saarkiisa oo ku beegan 9-ka bishaan tasoo la filayo inay kasoo qeybgalaan madax kala duwan oo caalami ah.
Shacabka iyo siyaasiyiinta ayaa aragtiyo iska soo horjeeda ka dhiibtay in waqtigaan uu madaxweynuhu aado maamul goboleedyada.
Dadka duraya safarkaan waxay sheegayaan in dalku uu abaar ku jiro safarka madaxweynaha ay lacag badan ku baxeyso, sidaas darteed waxay muwaadiniintaas aaminsan yihiin in laga maarmi karay boqolaalkaas kun oo lagu kabi karay gurmadka abaaraha.
Balse dhinaca kale ayaa iyaguna qaba in safarkaan uu wax ka tari karo xaaladaha waaweyn ee dalka ka taagan Maanta. Sheekadaan waxaan kusoo koobeynaa Shan arrimood oo faa’ido noqon kara oo uu dhali karo safarka madaxweynaha.
1- Xasilooni siyaasadeed
Xasan Sheekh waxaa la doortay iyadoo shanta maamul goboleed laba ay mucaarad tahay saddexna ay muxaafid u tahay nidaamkii madaxweyne Farmaajo, Xasan oo isna mucaaradka ka tirsanaa waxaa la dul dhigay su’aal ah sidee ula dhaqmi doonaa hoggaanka maamuladii taabacsanaa Farmaajo?
Safarkaan waxaa la aaminsan yahay inuu keeni karo is aaminaad ku meel gaar ah oo u dhaxeysa madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamuladii Farmaajo ku dhawaa.
Dadka madaxweyne Xasan Sheekh ku dhow dhow qaarkood waxay sheegayaan inuusan madaxweynuhu rabin in deg deg loo colaadiyo hoggaanka maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aad ugu dhawaa nidaamkii laga adkaaday ee Farmaajo.
2- Xogta iyo iyo xaalka shacabka
Madaxweynuhu inta uu ku guda jiro safarkaan wuxuu fursad u heli doonaa inuu la kulmo qeybaha bulshada ee ku nool gobolada qaar.
Maadaama shantii sano ee lasoo dhaafay tabashooyinku badnaayeen waxyaabaha u baahan in madaxda cusub ogaadaan waa xaalka shacabka, waxa ay dowladda ka tabanayaan, dhibaatada abaaraha, amniga iyo arrimaha bulshadad.
Ogaanshahaas waxay madaxweynaha cusub u sixi doonta shaqooyinkiisa hor-tabinta leh ayey leeyihiin falanqeeyaashu.
3- Abaaraha iyo Indhaha beesha caalamka
Inkastoo ay jiraan dad ku doodaya in qarashaadka lagu bixinayo safarka madaxweynaha inay wacnaan laheyd in dhanka abaaraha loo leexiyo, haddana dhinaca kale waxaa taala dood sheegeysa in socdaalka madaxweynuhu uu indhaha beesha caalamka kusoo leexin karo xaaladda abaaraha ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu Baydhabo joogay wuxuu booqday xirooyin ay dagan yihiin dada ay abaaruhu soo barakiciyeen, waxayna kalmadihii uu halkaasi ka jeediyey dhali karaan inay deeq bixiyaasha caalamiga ah gurmadka Soomaaliya kordhiyaan.
4- Mudnaanta madaxweynaha
Safarka madaxweyne Xasan wuxuu dhinaca kale qeexayaa inuu madaxweynaha mudnaan xooggan siinayo mushkiladaha arrimaha gudaha iyo xalintooda waana arrin si weyn lo aqbali karo, waxaana jira dad badan oo taageersan in madaxdu muujiyaan mudnaanta arrimaha gudaha.
5- Taageero shacab
Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay sida muuqata baahi weyn u qabaan inay Xasan ka dhigaan madaxweyne shacbi ah.
Safarada gobolada iyo la kulanka dadweynaha ayaa la aaminsan yahay inay wax uun ka tari karaan sida kooxda madaxweyne Xasan Sheekh u raadinayaan dareenka shacabka.
Shantaas qodob iyo kuwa kale ayaa ka dhex muuqda safarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
The post 5 waxyaabood oo laga faa’iidi karo safarada madaxweyne Xasan Sheekh ee gobollada appeared first on Caasimada Online.
-
The war in Ukraine is going to cost the United Nations Children’s Fund at least $12 million in additional costs to purchase therapy for malnourished kids in the Horn of Africa, Christiane Rudert, UNICEF regional nutrition adviser for eastern and southern Africa, told Devex.
-
The United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) has said it has evacuated a group of 132 vulnerable asylum seekers out of Libya to Rwanda.
-
Ethiopian Ambassador to Uganda, H.E. Alemtshay Meseret, had a meeting with the Minister of Defense of Uganda, Vincent Ssempijja, about regional and bilateral issues of common concerns.
-
Minneapolis, MN - 40 people stood holding signs that read, “No troops! No drones! U.S. hands off Somalia!” and “Troops home now!” on the Lake Street/Marshall Avenue bridge over the Mississippi River between Minneapolis and Saint Paul.
-
The race to succeed Governor Ali Roba in Mandera has boiled down to four aspirants, who have been accused by residents of abandoning the county and concentrating their campaigns in Nairobi.
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa laga daweeyey cudurka kansarka oo marxaladdiisu sarreyso bishii April, wuxuuna sidoo kale ka badbaaday isku day lagu dili lahaa bishii March, waxaa sidaas shaaciyey wargeyska Newsweek oo soo xiganaya sirdoonka Mareykanka.
Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in qiimeynta sirdoonka Mareykanka ay tilmaameyso in hoggaamiyaha Ruushka uu xanuunsan yahay, go’doonsan yahay islamarkaana uu si sii korhdeysa u wareersan yahay, taasi oo dagaalka Ukraine ka dhigeysa mid aan la saadaalin karin.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in xaaladda Putin ay mugdi ku hareereysan yahay tan iyo duulaankii Ukraine sababo la xiriira go’doonka uu galay, waxayna ka digtay in la saadaaliyo geeridiisa.
Saraakiil Ruushiyaan ah ayaa ku loolamaya awoodda Kremlin-ka, ayaga oo dareemaya in waqtigi Putin uu geba-gebo ku dhow yahay, waxaa sidaas sheegay mid ka mid ah sarakaiisha Mareykanka.
Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in isku dayga lagu khaarijin lahaa Putin oo dhacay bishii March “uu ahaa shirqool Ruushiyaan ah” oo ay ogaadeen amniga nabad-sugidda Kremlin-ka, sida ay tiri warbixinta oo aan bixin faah-faahin.
Waxa kale oo ay shaacisay in CIA-da iyo sirdoonka dalal kale ay maqleen warbixino la xiriira qancsanaan la’aan ka dhex jirta wasaaradaha amniga Ruushka, iyo in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Ruushka ay doonayaan inay u goostaan dalalka Reer Galbeedka.
Putin ayaa waxaa ka muuqday daal iyo tabardarri mar uu dhowaanahan kasoo muuqday fagaare.
Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Putin hadda uusan awood buuxda laheyn islamarkaana amaradiisa aanay u fulin sidii hore, taasi oo ka dhigeysa in xitaa hadduu damco inuu adeegsado hub Nukliyeer ah aanu awoodin.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku gacan sayray xanta ku saabsan in Putin uu xanuunsan yahay.
Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa Jimcaha maanta ah galay maalinkii 100-aad, ayada oo ciidamada Moscow ay garaacayaan gobolka Donbas, taasi oo qeyb ka ah isku day ay ku qabsanayaan bariga dalkaas.
Ukraine ayaa Arbacadii sheegtay in Ruushka ay hadda maamulaan 20% dhulka Ukraine, oo ay ka mid yihiin Crimea iyo qeybo ka mid ah Donbas oo ay qabsadeen 2014.
The post PUTIN oo cudurka Kansarka uu ku dhacay iyo loolan ka dhex billowday Kremlin-ka appeared first on Caasimada Online.
-
The Zimbabwe government has abandoned its plan to access a debt relief facility under the Highly Indebted Poor Countries (HIPC) initiative, meant to resolve its unsustainable debt, Business Times reported.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Al-Shabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.
“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.
“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan,” ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.
“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno,” ayuu yiri.
The post Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay dagaal culus kuna amray GALMUDUG inay… appeared first on Caasimada Online.
-
A Kenyan has pleaded guilty to conspiring to traffic in rhinoceros horns and elephant ivory in a Federal Court in Manhattan, New York, United States.
-
Dollow – Seven days walking in sandals under the scorching sun with barely enough water and food. Seven nights sleeping in the open, exposed to insects, predators and even thieves. That is how long it took for Aliyow and his children to find some relief. No matter how harrowing the journey is if you are running for your life.
-
When Hassan Sheikh Mohamud entered Villa Somalia as president in 2012, his writ ran little farther than the sandbagged gates of the bullet-pocked, Italian-built, Art Deco palace of the head of state. Though the central government had recently wrested control of most of Mogadishu, the capital, and had recaptured some strategic towns here and there, vast swathes of the country’s centre and south remained in the hands of al-Shabab, a jihadist group with links to al-Qaeda.
-
-
Muxuu yahay gantaalka Ruushku ka argagaxay ee Mareykanku siinayo Ukraine?
Cago-jiid badan ka dib, dawladda Maraykanka ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay u diri doonto dalka Ukraine hub casri ah oo gantaallo ah, kaas oo la doonayo in lagu xoojiyo difaaca ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Donbas oo ay si ba’an madaafiic ugu garaaceen ciidamada Ruushku.
Hubkaan waxaa lagu magacaabaa M142 Himars, kaas oo ah unug guur-guura oo isku mar ridi kara gantaallo badan. Hubkani wuxuu isugu jiraa mid dhexdhexaad ah iyo kuwa riddada dheer, haddana waxaa lagu warramayaa in Aqalka Cad, uu ka gaabsaday inuu ansixiyo hubkaan, inkastoo codsiyo badan oo ka yimid Ukraine, cabsi laga qabo in loo isticmaalo dhulka Ruushka oo xaaladda dagaalku ka sii darto.
“Waxaan rumaysanahay in Maraykanku uu si toos ah oo ula kac ah uu shidaal ugu shubay dab holcaya,” ayuu yiri afhayeenka dawladda Ruushka Dmitry Peskov. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergei Ryabkov ayaa horey u sheegay in hubka cusub ee Mareykanka u dirayo dalka Ukraine uu keeni karo khatar hor leh oo ah in Mareykanku dagaal toos ah uu galay dagaal.
“Wax kasta oo ah sahay hub ah waxay kordhinaysaa halista inuu dagaalka sii ballaarto,” ayuu yiri Dmitry Peskov, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dawladda ee RIA.
Baqdin
Cabsida uu qabo Maraykanka ee ku saabsan sida Ruushku u qaadan karo soo dirida gantaalladan ayaa ahayd mid ay ku geedamantahay hubanti la’aan. Madaxweyne Joe Biden laftiisa ayaa isku dayay inuu sharaxo go’anakan sida uu daabacay dhawaan wargayska New York Times.Maqaalkan oo uu qoray Biden, ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in aanay ujeedadu ahayn dalkiisa inuu colaad ka abuuro Ruushka, balse uu yahay in la xoojiyo awoodda milatari ee Kiv si loo fududeeyo xal dublamaasiyadeed oo xiisadda loo helo.”Taasi waa sababta aan u go’aansaday inaan siino dadka reer Ukraine hub aad u horumarsan oo gantaallo ah iyo rasaas u oggolaanaysa inay si sax ah u garaacaan bartilmaameedyada muhiimka ah ee goobaha dagaalka ee gudaha Ukraine,” ayuu yiri Biden.
Peskov, ayaa dhankiisa, ku jawaabay:- “Sahayda noocan oo kale ah” aysan ku dhiirigelin kyiv inuu dib u bilaabo wadahadalka nabada wuxuuna muujiyay in Washington ay rabto inay “la dagaallanto Ruushka “.Biden ayaa intaa ku daray in go’aankaan uu qaatay kadib markii dowladda Ukraine ay u ballan qaadday in aan hubkana lagu bartilmaameedsan gudaha dhulka Ruushka.” Ma doonayno in aan Ukraine u dirno nidaamka difaac oo lagu weerari karo Ruushka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodomyr Zelensky, oo waraysi siinayay wargays laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Newsmax, ayaa dhankiisa waxaa uu xaqiijiyay in ujeeda gantaalladaan ay tahay kaliya in loo isticmaalo difaac.
“Dan kama lihin waxa ka dhacaya Ruushka. Kaliya waxaa na khuseeya waa dhulkeenna gudaha Ukraine,” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha Ukraine.
Maxay yihiin Gantaalladu?
Gantaalladan ayaa qayb ka ah xirmo cusub oo uu ku kacayo qarash gaaraya 700 milyan oo dollar oo Maraykanku ku taageerayo Ukraine – oo ah tii kow iyo tobnaad tan iyo markii duulaanku bilowday bishii Febaraayo – agabkaan waxaa sidoo kale ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtero, hubka lidka taangiyada, iyo baabuurta taatikada dagaalka iyo waliba agab kale oo dheeri ah. Gantaalladan casriga ah ayaa ah kuwo ay dalbanaysay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Hadafku waa in nidaamka M142 Himars loo arko mid ka mid ah kuwa ugu horumarsan uguna saxsan gantaallada riddada dheer ee adduunka in ka badan kuwa hadda ay isticmaalaan ciidamada Ruushka ama kuwii ay Ukraine horey u haysatay.
Sida lagu sharaxay shabakadeeda Lockheed Martin, waa nooc la casriyeeyay, oo fudud, dabacsan oo ku rakiban nidaamka gantaalaha M270, oo la sameeyay 1970-meeyadii. Maraykanka ayaa sheegay in gantaalada uu siin doono Ukraine ay gaari karaan masaafo dhan 80 km, taas oo ka saaraysa xadiga madaafiicda loo adeegsado cadawga, isla markaana khatar ku ah, Ruushka.
Gantaalada ayaa ah kuwo lagu hagayo GPS-ka waxayna siin doonaan ciidamada Ukraine qiyaas ahaan laba jibaar ka mid ah kuwa hagaya ee M777 ee ay hadda isticmaalaan. Sida laga soo xigtay Lockheed Martin, baabuurta qaada agabka difaaca waxay qaadi karaan culays dhan lix gantaal oo ah 227mm, inkasta oo ay sidoo kale qaadi karaan gantaallo kale oo ah nooca ATACMS, oo masaafo dhan 300km jaraya ,inkasta oo Maraykanku aanu kuwaas Ukraine gayn doonin.
Si kasataba waxaa durba muuqanaya in Ruushku uu ka qaylinayo hubkaan casriga ah ee Mareykanku doonayo inuu ku caawiyo Ukraine oo Ruushku ku qaaday duullaan ka dhan ah horraantii sanadkan. Qaar ka mid ah falanqeeyaasha arrimahaan ayaa qaba in hubkaasi uu xaaladda dagaalka Ukraine uga sii dari karo taas oo Ruushka qudhiisu muujiyay kuna xusnay warbixintaan.
-
-
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in aanu waxba kala socon xaalada sicir-bararka.Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, oo waraysi siiyay Saab TV, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay noloshii ku qaaliyowday, isla markaana waxa uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu aaminsan yahay in wax mushkilad ahi anay jirin.Waxaanu yidhi.”Maanta dadkeena biyihii ayaa ku qaaliyoobay, laydhkii ayaa ku qaaliyoobay, maciishadii ayaa ku qaaliyowda, ninkii dalka ugu sareeyay muusig la yidhaa jannaa lagu jira ayaa u baxaya, muusig la yidhaa dalkii wuu barwaaqoobay ayaa u baxaya, muusiga la yidhaa mushkiladiba ma jirto ayaa u baxaya”.Waxa uu ku andacooday in madaxweyne Biixi iyo noloshii ay kala go’een, isaga oo tusaale usoo qaatay qudbadii uu madaxweynuhu ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Somaliland.Waxaanu yidhi.”Qudbadii ugu danbaysay ee uu madaxweynuhu ka jeediyay golaha wakiilada wuxuu yidhi, ‘waddanka sicir bararba kama jiro’, qudbadaasi waxay muujisay in madaxwaynaha iyo noloshii kala go’day, oo madaxweynuhu waddanka waxa ka socda aanu war ka haynin”Somaliland ayaa caalamka badankiisa kala siman qiimaha maciishada oo kor u kacay tan iyo markii uu dilaacay caaqabuqa Covid-19, hadana dhaqaalaha iyo wax soo saarka oo aad u hooseeyay ayaa sababay in sicir bararku uu reer Somaliland si gaar ah u saameeyo, sida ay sheegtay Rugta ganacsiga ee Somaliland. -
-
Galmudug waxaa maamul ahaan u dhisay Madaxweyne Xasan Sheekh. Welise maamul ahaan u ma fadhiisan oo waxaa ragaadiyay daneysi iyo damac siyaasadeed oo Villadu ay mar kasta ku farogalinaysay maamulka.
Madaxweyne Xasan oo mar kale fursad u helay inuu Villada fadhiisto, sidoo kalena fursad u helay inuu socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu goballada ku marayo caawa halkaas ku tago, waxaa laga filayaa arrimo badan oo shantaan qodob ee soo socota ay ugu mudan yihiin:
1. In uu Madaxda maamulkaas oo Qoorqoor ugu horreeyo u damaanadqaado inay si nabad ah ku dhammeysanayaan muddo-xileedkooda oo aysan mar dambe dhici doonin in hadba kooxda Villada timaado ay meesha ka saarto madaxdii maamullada kuna beddelato kuwa ay iyagu wataan,
2. In madaxa lagu qanciyo inay waqtigoodi inta ka hartay ku qaataan deegaanka, beddelkii ay safarro iyo socod macno-la’aan ah Xamar iyo meela kale ku wareegi lahaayeen. Taas waxay dhiirrigelinaysaa inuu maamulku noqdo mid dad iyo deegaan metela oo aanan ahayn saxiix iyo Tiimbare jeebka lagu sito oo diyaaradaha dushooda lagu isticmaalo,
3. In ciidamadii magacyada bahallaha lahaa ee uu Farmaajo u diri jiray Dhuusamareeb si ay dadka u caburiyaan, hadda dib loo abaabulo oo halkaas loo qaado laguna jiheeylo howlgal dagaal oo lagu ciribtirayo Shabaabka culeyska ku haaya deegaanka,
4. Inay dawladda Federaalku si hagar-la’aan ah gacan uga geysato fulinta mashaariicda in muddo ah siyaasad ahaan u xayirnaa ee ay ku jiraan dhismaha dekadaha iyo kaabayaasha kale, si uu deegaanku u yeesho ilo dhaqaale.
5. Iyo in la dhiirrigeliyo qabashada shirweyne uu maamulka deegaanku isugu keenayo hoggaanka beelaha, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhammaan inta saameynta leh, si loo abuuro jawi isfaham oo looga gudbayo qalalaasihii iyo khilaafaadkii soo jiray tan iyo markii maamulka la aasaasay. Shirkaas waxaa lagu dhammeeynayaa tabashooyinka jira, waxaana loogu gogolxaarayaa heshiis bulsho oo si rasmi ah loogu qaabeeynayo dhismaha maamulka, wixii ka dambeeya marka uu dhammaado muddo-xileedka Qoorqoor.
W/Q: Maxamed Cabdullaahi Dhaaley
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.
The post Shan qodob oo ay tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qabto GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
-
Diyaargarawgii Bannaanbaxa Xisbiyada Mucaaridka ah ee difaaca Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka S/land Halkuu maraayo
Diyaargarawgii Bannaanbaxa Xisbiyada Mucaaridka ah ee difaaca Dmuqraadiyada iyo Doorashooyinka dalka gebogebo ayuu ku dhaw yahay, waxa la diyaariyay agabkii Bannaanbaxa nabada ah, waxaynu ku dufaacaynaa xaqeena jid selmiya, doorasho diid waa nabad diid”.Boodhadhka Axsaabta Mucaaridku u diyaarsadeen banaanbaxa ay sameenayaan.Waxay kaga soo horjeedan Muddo kordhin uu samaysto Madaxweynaha Somaliland Muuse BiixiBoodhadhka Axsaabta Mucaaridku u diyaarsadeen banaanbaxa ay sameenayaan.Waxay kaga soo horjeedan Muddo kordhin uu samaysto Madaxweynaha Somaliland Muuse BiixiBoodhadhka Axsaabta Mucaaridku u diyaarsadeen banaanbaxa ay sameenayaan.Waxay kaga soo horjeedan Muddo kordhin uu samaysto Madaxweynaha Somaliland Muuse BiixiXog-hayaha Arimaha Bulshada Xisbiga Waddani Maxamed Dhame. -
Imamkii Masjidka Al Huda ee Magalada Burco Gaar ahaana xafadda Lafoolayda ayaa Toorray lagu dhuftay Waxana dhawcisa oo Halis ah lagu Dabiibayaa Carafaad hospital, waxa la sheegay inu Ninkii ninka toorrayda ku dhuftayna Goobta ka baxsaday.Imamka la dhawacay ayaa Magicisa layidhadaa Maxamed Mahdi.Maxamed Wardi -
Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baroowe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ay tuulada Ambareeso oo u dhow Baraawe ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda ee howlgalka qeybta ka ahaa ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka 25-aad ee guutada 6-aad, waxaana tuulada howlgalka laga fuliyey dhawaan ciidamada dowladda lagula eegtay qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.
Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale oo howlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedkiisa uu ahaa baaritaan lagu sameenayey guryaha ku yaala Tuulada Ambareeso oo 5km duleedka kaga beegan degmada Baraawe si loo xaqiijiyo amniga deegaanka.
“ Ujeedka howlgalkaan wuxuu ahaa ka hortegida weerarada Al-Shabaab Burcadda iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya” ayuu yiri Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale.
Mid kamid ah saraakiisha ciidamada ATMIS oo la hadlay dadka deegaanka ayaa sheegay in ay halkaasi u tageen badbaadinta dadka, isaga oo ka codsaday inay kala Shaqeeyaan sugida Amniga.
Howlgalkan Ciidamada dowladda iyo howlgalka ATMIS ay ka sameeyeen duleedka degmada Baraawe ayaa daba socday kadib falal amni darro iyo weeraro kusoo kordhay degaannada u dhow drgmada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Kooxda Al-Shabaab ayaa awood weyn ku helo gobolka Shabeelaha hoose, waxaana lagu tiriyaa inay kamid tahay deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada iyo madaxda ugu badan Al-Shabaab.
The post Ciidamada DF iyo ATMIS oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha hoose appeared first on Caasimada Online.
-
Biased: President Hassan Sheikh Mohamud has turned a blind eye to the selective application of procedures to deal with ministers accused of impropriety.
Mogadishu (Commentary) — The in tray of President Hassan Sheikh Mohamud contains a legally contentious case about off-shore oil resources of Somalia. It is a case that is far more legally challenging than the MoU that Abdirahman Abdishakur signed in 2009.
Somalia will face in a court a Western oil company whose sole claim rests on its skills to secure lucrative contracts from unsuspecting and gullible Somali leaders.
In February 2022 the Petroleum Minister signed an illegal production sharing agreement with Coastline Exploration. What can explain the continued service of Petroleum Minister Abdirashid M. Ahmed other than a commitment to protecting a traitor at all costs?
Roble decided to protect the Petroleum Minister against prosecution for signing an illegal production sharing agreement.
On 16 May 2022 Abdirashid sent a congratulatory message to President Hassan Sheikh Mohamud. President Mohamud assumed power on 23 May 2022, and yet he has not intervened to address the most treasonous agreement that a Somali Minister has ever signed in violation of a presidential moratorium on signing agreements during the transition period.
As a Member of the Council of Presidential Candidates President President Hassan Sheikh Mohamud did not express his view on the illegal production sharing agreement. He led the first post-transition government; his administration facilitated the procedures for inviting Soma Oil and Gas (now Coastline Exploration) to conduct offshore oil drilling surveys. To pretend that the matter is being investigated by the Office of the State Attorney General is akin to abusing the collective intelligence of Somalis. The Office of the Attorney General is not more than a political tool for Mohamed Hussein Roble, the Prime Minister of Somalia, who is protecting the Petroleum Minister against prosecution.
Abdirashid M. Ahmed, the Petroleum Minister, was not suspended despite signing an illegal production sharing agreement with Coastline Exploration.
The Petroleum Minister told VOA Somali Service that he was aware of the presidential decree on agreements during the transition period. This admission should have necessitated his suspension from duty.
There are other reasons why the Attorney General is not fit to investigate any federal cases. The Financial Governance Committee (made up of the Federal Government, European Union, World Bank Group, IMF and African Development Fund and African Development Bank) accused the Attorney General of Suleyman Mohamed Mohamud of helping the Federal Government of Somalia to bypass rules for awarding contracts, despite having no powers to bend the rules.
The Attorney General, Suleyman Mohamed Mohamud, “is not more than a political tool for Mohamed Hussein Roble, the Prime Minister of Somalia, who is protecting the Petroleum Minister against prosecution.”
Another reason for his unsuitability to investigate federal cases pertains to the “charcoal case” involving the Foreign Affairs Minister Abdisaid Ali whom Roble suspended for “authorising a ship exporting charcoal and stranded in Oman”.
Roble instructed the Office of the Attorney General to investigate the case. Just as it unreasonable to discount the recorded manipulation of the Attorney General by Roble, it is inappropriate to gloss over the fact that the Attorney General and the Foreign Affairs Minister are distant paternal cousins. Roble plotted to undermine procedures to cover up prime ministerial power abuse. Mogadishu political elites seem to have chosen to put clan interests above the national interest. It is political impunity that makes mockery of both good governance and progress towards debt relief.
Salad O. Jimaleh
The post Protecting the Somalia Petroleum Minister Against Prosecution at all costs appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Alshabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.
“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa”
Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.
“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.
“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno.”
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Waa oraah ay dhihi jireen Soomaalidii hore ee reer guuraaga ahaa. Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad Muslimiin ah oo salaad badan oo waxa ay taarikhdu sheegtaa in Soomaalidu Diinta Islaamka qaateen waddamo badan oo Carab ah ka hor, balse waxaan is leeyahay waxaa hadalkaa khalafsan/adag ka keenay abaaraha ku soo noqnoqday geyiga ay Soomaalidu degto oo ah dhul kulul maadaama uu xariiqa dhulbarahu maro.
Shaki hareeyey mashruuca cusub ee Farmaajo – Guri dhis mise been xalaaleyn lacag?
in News - Wararka
Posted
Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah u billaabay mashruuc ay ugu magac dareen “Guriga Madaxweynaha Shacabka” oo la sheegay in guri loogu dhisayo Farmaajo.
Mashruucan ayaa waxaa durba hareeyey muran ku saabsan sababta Farmaajo oo la rumeysan yahay inuu yahay milyaneer guri loogu dhisayo, xilli ay gaajo iyo harraad u naf baxayaan kumanaan qof oo Soomaali ah oo ay abaar ku hayso gobollo badan oo dalka ka mid ah.
Hase yeeshee, halista ugu weyn ee mashruucan ku hareereysan ayaa ah cabsi la xiriirta in la doonayo in loo adeegsado been xalaaleyn lacag (Money Laundering), si malaayiin dollar oo cash ah loo marsiiyo nidaamka bankiyada, oo haddii si toos ah hadda loo geeyo ay su’aalo badan ka dhalanayaan.
Money Laundering waxaa inta badan adeegsada dadka ka ganacsada daroogada, argagixisada, kuwa lacagaha dhaca, iyo cid kasta oo dooneysa inay lacag cash ah oo aan laheyn raad-raac, ku shubato banki.
Dalalka caalamka ayaa waxaa inta badan u degsan sharciyo xaddida lacagta cash-ka ah ee qofka hal mar banki geyn karo, waxaana inta badan lagu xaddidaa ugu badnaan 10 kun oo dollar.
Inkasta oo Soomaali aysan laheyn sharci noocaas, haddana maqaamka iyo magaca Farmaajo ayaa soo jiidan kara dareenkooda islamarkaana abuuri kara shaki badan haddii lacag tiro badan mar lagu shubo, ayada oo sidoo kale ay fududahay in xogtaas la helo.
Dadka aaminsan in mashruuca “guri dhiska” Farmaajo loo adeegsan karo been xalaaleyn lacag waxaa ka mid ah Aadam Cabdulle, oo ah aqoonyahayn ka faallooda siyaasadda iyo amniga oo degan gobolka Minnesota ee Mareykanka.
“Akoonadan waxaa looga dan leeyahay in loo adeegsado in lagu been xalaaleeyo hantidii qaranka ee la xaday. Hanaan lagu sharciyeynayo hanti aan sharci aheyn. Sharci-ilaaliyayaasha, gaar ahaan dalalka ajnabiga ah ee ay degan yihiin ‘deeeq-bixiyeyaasha’ [Dadka bixinaya lacagta guri dhiska] waa inay baaraan akoonadan,” ayuu yiri Aadam Cabdulle oo ka hadlay akoonada loo furay in lacagta lagu rido.
Inkasta oo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan tahay lacagta uu shaqsiyan haysto Farmaajo, haddana waxaa la qiyaasayaa inay malaayiin dollar dhan tahay, ayada oo laga qiyaas qaadanayo ololihii doorashada.
Farmaajo wuxuu ahaa musharaxii bixiyey lacagtii ugu badneyd doorashada, ayada oo xildhibaankiiba uu siiyey 100 kun oo dollar, inkasta oo aan la aqoon tirada xildhibaanada uu lacagta u qeybiyey.
Waxa uu sidoo kale hadda kiro ku degan yahay guri bishii kiradiisa ay tahay 25 kun oo dollar, oo sanadkii keeneysa 300,000 oo dollar. Taasi waxa ay dhalineysaa su’aal ku saabsan lacagta Farmaajo u helay inuu xildhibaano ku iibsado, gurina ku ku kireysto, balse aanu u haysan inuu guri ku dhisto.
Jawaabta ayaa noqon karta in ujeedku yahay indhaha dadka laga leexiyo guriga. Guri laga dhiso aagga cagaaran ee Muqdisho oo ah aagga garoonka waxaa ku baxaya malaayiin dollar, mana ahan wax qarsoomi kara.
Sidoo kale, arrintan waxay dhib uga iman kartaa bankiyada Soomaalida ee lacagta la marsiinayo, sida uu qabo kana digay Saciid Ibraahim oo ah aqoonyahay bartay cilmiga ammaanka Internet-ka (Cyber Security).
“Bankiyada waa inay aad uga taxaddaraan in lacag shaki badan ku hareereysan yahay la mariyo shabakadahooda. Sharci-yada ka hortagga been xalaaleynta lacagaha waxay u jiraan inay ka hortagaan in khiyaanooyinkan oo kale la qariyo raadkooda, balse waxaan qiyaasayaa in bankiyadan aysan kala jecleyn,” ayuu yiri.
Farmaajo ayaan weli si rasmi ah uga hadal mashruuca, balse waxaa la rumeysan yahay inuu raali ka yahay waxna ka ogyahay maadaama dadka lacagta ay ku dhaceyso ay yihiin agaasimihii hore ee Villa Somalia iyo afhayeenkiisii hore.
Si kastaba, qorshahan ayaa waxa cad inuu soo jiidan doono dareenka madaxda bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo dalalka deeqaha bixiya ee Soomaaliya, si ay u eegaan haddii suurta-galnimo been xalaaeyn ay jirto iyo haddii kale.
The post Shaki hareeyey mashruuca cusub ee Farmaajo – Guri dhis mise been xalaaleyn lacag? appeared first on Caasimada Online.