-
Content Count
212,195 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Posts posted by Deeq A.
-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu xanuunsanayo.
Maxamed Xasan Idiris oo ah lataliyaha guddoomiyaha golaha shacabka oo la hadlay warhaabinta ayaa sheegay in guddoomiyaha uu Nairobi joogo, halkaasina uu ka wado kulamo kala duwan, wararka sheegaya inuu xanuunsanayo ay been abuur yihiin.
Idiris waxaa uu intaa raaciyey in guddoomiyaha uu dalka dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu guddoomiyo shirka golaha Arbacada soo socota.
Hadalkan lataliyaha afhayeenka golaha shacabka ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warar been abuur ah oo sheegaya in guddoomiye Madoobe ku xanuunsanayo Kenya.
Warka xanuunka guddoomiyaha ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku faafay baraha bulshada, waxaana shaki weyn keenay in safarka guddoomiyaha uu ku aaday Nairobi uu ahaa mid qarsoodi ah.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulan isugu yimaado maalinta Arbacada ah ee soo socota si codka kalsoonida loogu qaado ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
The post Maxaa ka jiro inuu xanuunsan yahay guddoomiye Aadan Madoobe? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waalidiinta ay caruurtooda weli ku maqan yihiin dalka Eritrea ee tababarka loo qaaday ayaa markale maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyaga oo dalbanayo in dib loogu soo celiyo ilmahooda.
Qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa banaanka keenay xogo cusub oo ay sheegeen inay ka heleen xaaladda dhalinyaradaasi oo ay horey dowladdu ugu dirtay tababar ciidan.
Waalidiinta ayaa sheegay in caruurtooda ay haatan wajahayaan xaalado adag, isla-markaana loo heysto lacag dhan 50 Milyan, sida ay hadalka u dhigeen.
“Ubadkeena waxaa laga soo sheegay mushaakilaad badan waxaa laga sheegay in lacag lagu leeyahay 50 milyan ayaa la sheegay. Dabcan dowlad, dowlad kale ayaa la xaasho waan ognahay, laakiin annaga cabsi badan ayaa na heysa,” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiinta.
Hodan Aadan oo ka mid ah waalidiintan ayaa dhankeeda sheegtay in wiilkeeda loo soo sheegay inuu dhintay hal sano ka hor, isla-markaana si ay xog uga hesho geeridiisa looga qaatay lacag madax furasho ah oo dhan 3,700 oo Dollarka Mareykanka ah.
“Aniga Hodan Aadan wiilkeyga Ayuub Xuseen wuu dhintay illaa iyo hadda hal sano ayuu duugan yahay wax dowlad ah oo ii sheegay malaha wax iiga xog warrmay malaha, lacagna waa la’iiga dhacay $3700 ayaa la’iiga qaaday oo madax furasho ah,” ayey tiri Hodan Aadan.
Ugu dambeyn waalidiinta ayaa ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu fuliyo ballantii uu ka qaaday, uuna dib ugu soo celiyo caroortooda.
“Xasan ilamaheynii noo keen Ilaahey ka cabso adaa lagu doortay ilmihii noo keen,” ayey tiri hooyo kale oo goobta ka hadashay.
Sidoo kale hooyo kale oo dibad-baxayaasha ka mid ah ayaa iyaduna cod dheer ku tiri “Waa meeshii nalagu xabadeyn jiray nabad ayaa ku banaanbaxeynaa Xasan Sheekh Maxamuudow noo gurmo.”.
Walaacani markale ka soo yeeray waalidiintaan Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya, iyada oo dowladdii hore ee uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay sheegtay in dalka Eritrea ay ku maqan yihiin illaa 5,000 oo askari, ayna dhammeysteen tababarka, balse keenistooda dib loo dhigay, sababo la xiriiray doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka.
The post XOG la yaableh oo laga helay dhalinyarada ku maqan ERITREA appeared first on Caasimada Online.
-
-
Xagjirka waxa beera Salafiyiinta.
Xagjirka waxa beera Salafiyiinta.Cinwaankani waxa uu ka mid yahay cinwaannada kitaabka la yidhaahdo: (زخرف القول), ee ay qoreen labada diktoor ee kala ah:1) Fahad Alcajlaan iyo2) Cabdalla Alcujeyri.IFTIIMIN: Ujeedka loo adeegsado weedhan: “Xagjirka waxa beera Salafiyada”, waxa weeye in dadka la nacsiiyo, ku abtirsiga manhajka loo yaqaanno Salafiga ee maanta dunida muslimka saameynta togan weyn ku leh.Marka aynnu salafiga leennahay waxa laga yaabaa, in ay dadka qaarkood ku soo degdegto, kooxdan la yidhaahdo “Jaamiyada” ama “Madkhaliyada” ama deegaankeenna looga yaqaanno “Salafiya jadiidiya”, oo iyagu beryahan danbe si gaar ah magaca isku koobay oo dadka kale iska xigsiiya, magacuse qoladaas wuu ka gudo ballaadhanyahay, ficilladoodana in badan oo ka mid ah looma nisbayn karo.Noocyada madaahibta muslimiinta ee dhanka caqiidada waxa markii hore loo qaybin jiray si guud, saddex nooc:1- Mad’habka ahlal xadiiska, oo beryahan danbe ku salafiyadu ugu muuqaal weyn yihiin kooxaha ku abtirsada.2- Mad’habka ashaacirada iyo3- Mad’habka maaturiidiyada.Beryahan danbe ee ay hana qaadeen xarakaatka baraarugga Islaamku, gaar ahaan wixii ka danbeeyey dhicitaankii khilaafadii Islaamka ee Cusmaaniya, waxa dhanka madaahibta fikriga ah iyo kuwa caqiidada ahba loo qaybiyaa saddex qaybood:1- Salafiyada – Mad’hab ahlal xadiis ayaa loo nisbeeyaa.2- Ikhwaanka- ma laha mad’hab go’an oo dhanka caqiidada ah, ashaaciro, way leeyihiin, salafiyiin way leeyihiin, suufiyana waa laga helayaa dalalka qaarkood.3- Duruqa suufiyada, oo inta badan ashaaciro ah.Dabcan, waxa jira xarakooyin kale oo kuwaasna wax la wadaaga waxna kaga duwan, aanse lahayn baaxadda iyo saameynta ay kuwani leeyihiin.Kooxaha islaam la dirirka ahi – ha ahaadeen gaalo muuqda ama kuwo islaamka si guud u sheegta haddana la dirira e, sida calmaaniyiinta iwm -, marka ay doonayaan in ay si dhuumasho ah Islaamka u duraan, magacyadaas ayay beegsadaan, gaar ahaan sida ay u kala horreeyaan ayay duriddooda u kala horreysiiyaan.Marka ay qolyahaasi magacan salafiyada sidaa aynnu ku ku xusnay u adeegsanayaan uma jeedaan kooxdaa Jaamiyada la yidhaahdo ee la curatay imaatinkii ciidamada Maraykanka ee dawladaha khaliijka sannadkii 1991, sheekhooduna ahaa Maxamed Amaan Aljaami oo Asal ahaan Xabashi ahaa, ee waxa loola jeedaa saxwadda ballaadhan ee ku abtirsata mad’habkii ahlal xadiiska, xilliyadan danbena marka la maagayo lagu sunto wahaabiyada.Dacwadda salafiyadu waxa ay ku faaftay dhammaan caalamka Islaamka iyo jaaliyadaha ku nool wadammada aan muslimka ahaynba.Xarakooyinkaa salafiyada ee dunida ku faafay ma jirin hoggaan maamul oo mideeyaa, sida jamaacada Ikhwaanal Muslimiinka oo kale, laakiin waxa midaynayay keliya manhaj guud oo ay wadaagaan iyo culimo marjic cilmi u ahaa, hase yeeshee waddan kastaa waxa uu lahaa maamul dacwo iyo nidaam u gaar ah oo hawlaha dacwadda lagu kala tartiibiyo.Soomaalida dhexdeeda Jamaacada ictisaam (جماعة الاعتصام بالكتاب والسنة), waa jamaacada asal ahaan u metesha selefiyada geeska afrika, waana jamaacada ugu ballaadhan xarakooyinka dacwadeed ee soomaaliyeed debed iyo gudaba, marka la eego dhanka culimada, dhanka hawlaha dacwadeed, masaajidda iyo maraakista ay gacanta ku hayaanba, marka la eego dhanka mu’sasaadka waxbarasho ee ay maamulaan, hay’adaha khayriga ah, madaxdhaqameedka, ganacsatada iwm.Ictisaam maadaama oo ay saameyntaa ballaadhan leeyihiin, waa dabiici in ay cadow yeeshaan, ha ahaado cadowgaasi mid shisheeye oo hawlaha diineed ama bulsho ee ay dadkeeda u hayso ku colaadiya ama ha ahaado mid dano uu lahaa ay caqabad ku noqdeen, ama ha ahaado mid hinaase iyo xasad awgii u colaadinaya e.Sidaa awgeed in ceebo ama khaladaad ka dhacay jamaacada la buunbuuniyo ama ceebo aan jirin lagu nabnabaa waa wax dabiici ah oo an layaab badan lahayn.Marka la eego xidhiidhkooda kooxda Alshabaab ee xasuuqa badan u geystay bulshada soomaaliyeed muslimka ah, Icisaamku waa kooxda keliya ee sida ugu adag uga hadlay khaldanaanta dariiqa ay shabaabku hayaan, waa kooxda keliya ee ay shabaabku culimadooda beegsadaan, waana kooxda keliya ee aan ka dhex shaqaynin deegaamada ay shabaabku ka taliyaan ama gacantoodu si sahlan u gaadhi karto, dhammaan xarakaatka kale ee baraarugga islaamka ama saxwada ku abtirsadaa way ka shaqeeyaan deegaamada shabaabka culimadoodana lama beegsado!Haddaynu ku noqonno kitaabkii Sukhruf alqawl, waxa ay labada qoraa odhanayaan:“Xadgudubka diintu, tadarufku, waa dhashii salafiyada, waa midhihii salafiyada, weedhahaas iyo kuwo la mid ah ayaa la adeegsadaa, iyada oo ujeeddo keliya laga leeyahay oo ah: In ay salafiyadu sabab u tahay xagjirnimada, isla markaana iyagu ay qaadayaan masuuliyadda dhibaatadeeda oo dhan, waayo dhammaan kooxaha xagjirka ahi waxa ay sheegtaan salafiyo, waxaanay daliishadaan usuusha iyo kutubta salafiyada, waxaanay wax ka soo qaataan culimadooda, taasina waxa ay caddaynaysaa in ay mushkiladdu salafinnimada tahay oo ay salafiyadu dhashay!Sida kuu muuqata odhaahdani waxa ay cuskanaysaa in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya xagjirnimada iyo salafinnimada, taasina ay si cad uga muuqato qodobbada kala ah in ay xagjirku salafiyada sheegtaan, kutubtooda iyo culimadoodana daliishadaan.Bal u kaadi haddaba, waxa aynnu samaynaynaa isku beddel yar, bal meesha aad salafiya ku qortay ku beddel islaam, ka dibna waxa aynnu eegaynnaa waxa inoo soo baxa, waxa aynnu odhanaynnaa: “Xagjirku waxa ay sheegtaan Islaamka, waxaanay u daliishadaan tadarufkooda iyo in ay ku saxanyihiin fahamkooda iyo falalkoodaba Qur’aanka iyo sunnada Nebiga iyo hadallada Saxaabada, sidaa awgeed xagjirnimada waxa bacramiya oo dhala Islaamka”!Tani ma aha male awaal muran ku dhisan, ee isku xidhka islaamka iyo irhaabka waxa si wayn u adeegsada warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa wax ka qaata, iyaga oo qaarkoodna sidaa qaawan u sheegaya, qaar kalena si dadban u dhigaya in uu tadarufku ku abtirsado Islaamka, isla nusuustiisa iyo culimadiisana cuskado!Dhab ahaantii qofka ku doodaya in ay salafiyadu tahay hooyada tadarufka iyo xagjirnimada isaga oo xujadana ka dhiganaya in ay xagjirku usuusha salafiyada, kutubtooda iyo culimadooda daliishadaan, waxa uu jilayaa isla kaalinta ay jilaan kuwa yidhaahda irhaabka waxa dhalay islaamka, waxaanu ku dhacayaa isla gefkii aqooneed, caddaalad darro iyo qasnaan xagga habraaca manhajiyeedka ahaa ee ay ku dhaceen kuwa irhaabka islaamka ugu abtirinayay ku ceebeeyanayay!Sidaa awgeed haddii aad tijaabiso oo aad wayddiiso kan xagjirnimada iyo salafiyada isku dabraya in uu u jawaabo kuwa Islaamka iyo irhaabka isku xidhaya, waxa aad arki doontaa isaga oo fahamkiisaa hore ee caruurnimada ah bushinaya oo daliilkii burinayay halkan u daliishanaya!Waxa uu odhanayaa daliishiga ay xagjirku Islaamka daliishanayaan kama dhigna in uu islaamku xagjir yahay oo daliishigooda waafaqsanyahay, waayo sida ay u daliishanayaan ayaa khaldan!Sida kuu muuqata bushintani waa mid ku dhisan habraac manhaji ah oo caqli ah, waxaanay caddaynaysaa sida ay gef u tahay in la isku xidho xagjirnimada iyo Islaamka, isku xidhkaasina uu yahay mid fahmi darro iyo jahli ku dhisan, mid xadgudub iyo gardarro ah, in ay gef tahay in salafinnimada iyo xadgudubka la isku tolaa!” Sukhrafal Qawl – 337-338.Waxa la yaab leh shakhsi diin u hiilinayo oo dacwad wadaa in uu haddana adeegsado isla agabkii ay adeegsanayeen kooxaha u banbaxay duminta islaamnimada ummaddu, sidee ayaad cadowga diintaada isku af iyo isku adag u noqon kartaan?Waxa aan isleeyahay waa afar arrimood mid uun:1. In ay qofkaas moogganaan wayni hayso oo uu baraarujin iyo caqli celin u baahanyahay.2. In uu jahli ku jiro oo waxsheeg iyo wacyi siin u baahanyahay.3. in uu naceyb xaqa ka daboolay oo jidkan madow ku riixayaa jiro.4. In uu dhab ahaan kuwaas la ujeeddo yahay oo iyaga u adeegayo.Haddii cudurdaar kale oo lagu badbaadin karo loo helayo ha la ii sheego.Tawfiiqda Alle ha ina waafajiyo.Dr-Abdulqani Hussein Beder
-
-
Casharadii ku duugnaa Ansixintii Komishanka, Waxyaabaha ka dhalan kara iyo taalloobiyinka xigi kara1-In madaxweynuhu dib ugu celiyo xubanaha uu magacaabay ee labada ah, Xubinta Guurtida waxa dhici karta in la soo bedello.2- Arrintan waxa ay kala fogeyn kartaa Siyaasiga saameynta weyn ku dhex leh Golaha Wakiillada ee Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Muuse Biixi, oo muddooyinka isu soo dhawaanayey, balse aan weli waxba isla meel dhigin.3. Qoyska Madaxweyne Siillaanyo iyo Maxamuud Xaashi oo loo tumayo Xildhibaannada ay taageeraan ayaa laga yaabaa in ay xidhiidhkoodii saamaysto.4. In Masuuliyiinta Xukuumadda ee ka soo jeeda Bariga Burco ay ku fashilmeen inay kala jebiyaan derbigii iyo Xildhibaannadii deegaankooda ee diidanaa Ansixinta Muuse Xasan.5. In Mucaaradka ku kala jabeen ansixinta Xubintii Waddani soo magacaabay oo qaarkood diidanaayeen in la ansixiyo.6. Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadduba si isku mid ah ayey u doonayeen in la ansixiyo Xubnaha Komishanka -
Saddexdan xubnood ayaa Golaha Wakiillada Somaliland diideen.Afar kale ayay ansixiyeen, guddida Doorashooyinka Somaliland. -
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda fedeeraalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo muuqaal kooban soo duubay ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay qasanadda uga tegtay lacago badan, isla-markaana ay buuxaan.
Bayle ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen mas’uuliyad darro aad u weyn sida uu hadalka u dhigay.
“Qolooyin oranaya qasnadaheena ayaa buuxa lacago fara badanbaa laga tegay waxyaalaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyadda darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Bayle ayaa sidaas yiri,” ayuu yiri wasiirka maliyadda.
Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaan doonayaa dadyahow Soomaaliyeed aniga kolaba inaan been sheego laygama baran waxaan jecelahay in marwalba wixii jira oo run ah oo la taaban karo inaan idinla wadaago,”.
Wasiir Bayle ayaa xaqiijiyey in aysan hadda buuxin qasnadda dowladda, isla-markaana aysan jirin lacag looga tegay, wuxuuna xusay in xaqiiqada jirta ay sidaasi tahay.
“Qasnadaheenaa buuxa anigu ma oran, mana buuxaan. ciddii tiraahdana waa mas’uuliyad darro runtiis sidaas ayaa xaqiiqadu tahay,” ayuu markale yiri wasiir Bayle.
Ugu dambeyn wuxuu qiray in dakhliga dowladda uusan markasta ku filneyn dalkeena, balse ay ku dadaalayaan in 25-ka bil kasta la bixiyo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horey taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo ee loo yaqaano CBB inay aad u faafiyeen wararka la xiriira in dowladdu ay ka tegtay lacago badan oo ku jira qasanadda taasoo ugu dambeyn uu beeniyey wasiirku.
The post Muxuu Beyle ka yiri warka sheegaya in dowladdii Farmaajo ay lacag badan ka tagtay? appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) - Puntland Vice President Ahmed Karaash declined to attend a meeting with Puntland interior minister Mohamed Abdirahman Dhabanad, one of the three ministers he fired on May 5th.
-
Xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa beeniyey wararka sheegaya inuu xanuunsanayo.
Maxamed Xasan Idiris oo ah lataliyaha guddoomiyaha golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in guddoomiyaha uu Nairobi ayuu joogo, halkaasina uu ka wado kulamo kala duwan, wararka sheegaya inuu xanuunsanayo ay beenaabuur yihiin.
Idiris waxaa uu intaa raaciyey in guddoomiyaha uu dalka dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda, iyada oo laga yaabo inuu guddoomiyo shirka golaha Arbacada soo socota.
Hadalkan lataliyaha afhayeenka golaha shacabka ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxeen warar beenabuur ah oo sheegaya in guddoomiye Madoobe ku xanuunsanayo Kenya.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii saddexaad oo xiriira ah xiran suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadur, gaar ahaan qaybta dhismah, kadib lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay ganacsatada Bakhaarada dhismaha ku leh halkaasi.
Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in looga baxay ballan ay horey ula galeen wasaaradda maaliyadda, taas oo ay sheegeen inay ka codsatay in canshuurta looga qaado dekedda, ayna ka ogolaadeen, balse haatan loogu yimid goobahooda, iyada oo mar labaad laga rabo canshuur, labaad, sida ay hadalka u dhigeen.
“Waxaa ka cabaneynaa canshuurtii dowladda ay ku qaaday dekedda oo hadda ka hor wasiirka maaliyadda ballan kala galnay waqti waqtiyada ka mid ah oo codsatay wasaaradda maaliyadda inay dekedda ku qaadato ayaa waxaan hadda leenahay mar labaad xilligii aan is laheyn dhibaatada waad ka baxeysaan ayaa hadeer waxaa noqonay inaan galno,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada ku dhaqan suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale ganacsatada ayaa tilmaamay in xirnaashaha suuqa uu saameyn weyn ku yeeshay iyaga, dadka xamaalatada iyo sidoo kale shacabkii ku xirnaa ganacsigooda.
“Suuqaan xirnaashaha uu xiran yahay dhibaato badan ayaa ka dhalaneysa meel suuq ah weeye oo Ummadda Ilaahey usoo soof tegto waxaana ugu daran inta ku biil waayeyso ninka Bakhaarka leh, waxaa ku biil la’ dadka qaxootiga ee socda oo gacanta loo fidinaayo, waxaa ku biil la’ xamaalka oo muruqmaalka,” ayuu isna yiri odey ka mid ah ganacsatada.
Ugu dabmeyn ganacsatada ayaa baaq cod dheer ah u diray dowladda cusub, gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay ugu baaqeen inay wax ka qabtaan arrintaasi.
“Shaqada way naga joogsatay waxaan codsaneynaa madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha cusub, kan hadda xilka haayo kulli inay arrintaan si dhaqsi ah usoo farageliyaan” ayuu yiri mid ka mida ganacsatada la hadashay warbaahinta,.
Sikastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo ee ay ganacsatada magaalada Muqdisho ku dhaqaaqaan inay xiraan goobahooda ganacsi, sababo la xiriira cashuuro lagu soo dalacay.
The post Daawo: Suuqa Xamar Weyne oo maalintii saddexaad xiran + sababta appeared first on Caasimada Online.
-
-
Will President Mohamud deepen the status of Somalia as a client state for deep-pocketed, oil rich Gulf countries or make his country less dependent on foreigners’ political largesse?
Mogadishu (PP News Desk) — The main agenda on the talks between Somalia and United Arab Emirates during President Hassan Sheikh Mohamud’s first visit is the status of DP World in Somalia.
In 2018 the federal parliament of Somalia rejected an agreement between Somaliland Administration and DP World, a UAE parastatal, on Berbera Port. Since then DP World added Bosaaso Port to its portfolio of Somali ports it runs “illegally”.
The UAE government hopes the Somalia federal parliament may repeal laws against DP World agreements to run Berbera and Bosaaso ports.
The former Somalia Foreign Minister Ahmed Isse Awad urged UAE to respect the sovereignty of Somalia. “We are asking DP World to reconsider these agreements,particularly the one in Berbera port since Somaliland is claiming to be a state independent from Somalia,” Awad told Reuters.
Disagreements with Somalia over port deals signed with Federal Member States have affected DP World plans to take over the management of other Somalia ports such as Kismayo Port.
How Reuters reported the news that the federal parliament nullified the DP World seaport management deal with Somaliland Administration.
Observers maintain that President Mohamud would either deepen Somalia’s status as a client state for deep-pocketed oil-rich Gulf countries or choose a different path that could make Somalia less dependent on the political largesse of foreign countries.
UAE funds Puntland State security forces and is reportedly looking into restoring its budgetary support for the federal security forces.
© Puntland Post, 2022
The post UAE expects Somalia parliament to abrogate laws against DP World appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ayaa buuxisay shuruudaha barnaamijka hal abuurka heerka xogta sanduuqa lacagta aduunka ee IMF ee loo yaqaano (GDDS) waxayna Somalia markii u horeysay ku biirtay barnaamijkan oo ah mid muhiim ah.
Haashim Sheekh Cabdi Nuur oo ak mid ah howlwadeennada Hay’adda Statistic-ka Qaranka oo u warramay Universal Tv ayaa shaaciyey in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudaha nidaamka faafinta ee xogta guud ee ku aadan sanduuqa hay’adda lacagta adduunka IMF.
“Soomaaliya waxa ay si rasmi ah ugu biirtay hal abuurka heerka xogta sanduuqa lacagta aduunka ee IMF, iyada oo la fulinayo shuruudaha nidaamka faafinta xogta guud,” ayuu yiri Xaashim Sheekh Cabdinuur oo faah faahin siinayey Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xogta Somalia haatan wixii ka dambeeya lagu soo daabici doono bogga hay’adda, iyada oo ay la wadaagi doonto Hay’adda Statistic-ka Qaranka.
“Soomaaliya waa markii ugu horreysay ee ay ku biirto nidaamkan, waana markii koowaad ee Soomaaliya xogteeda si rasmi ah loogu faafin doono sadnuuqa adduunka” ayuu raaciyey.
Waxa kale oo uu xusay in xogta aysan ku ekaan doonin arrimaha dhaqaalaha, balse ay ku jiri doonaan xoga kale oo muhiim ah, sida tirakoonka dadweynaha iyo arrimaha bulshada.
“Xogaha kale ee dalka ayaa qayb ka ah ee ay soo saarto Hay’adda Statistic-ka Qaranka, waxaa ka mid ah xogaha tirakoobka dadka, waxaa ka mid ah xogaha kale ee dhaqaalaha,”
Sidoo kale wuxuu xusay in barnaamijkan uu muhiim u yahay Soomaaliya, isla-markaana ay hadda kadib ka soo muuqan doonto saaxadda aduunka oo uu tilmaamay in markii hore ay ka maqneyd, maadaama halkan lagu soo bandhigo xogaha waddamada aduuunka oo dhan.
“Waxay muhiim ugu tahay waxaan ka maqneyn saaxadda adduunka barmaanijka haddii aad website-ka gasho wadan walbo oo adduunka ka tirsan wuu ku jiraa,” ayuu yiri.
Ugu dmabeyn wuxuu xusay in barnaamijkan uu sidoo kale muhiimad gaar ah siin doono deyn cafinta Soomaaliya oo haatan mareysa meel aad u wanaagsan oo gabagabo ah.
The post Soomaaliya oo markii ugu horreysay ku biirtay nidaamka caalamiga ee xogta IMF appeared first on Caasimada Online.
-
Kulan ay xaruntooda magaalada Hargeysa ku yeesheen golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta xildhibaannada lagu hor keenay xubnaha cusub ee ka guddiga doorashooyinka Somaliland.
Xildhibaannada oo guddiga cusub cod gacan taag ah ugu codeeyay ayaa ansixiyay dhamaan xubnaha guddiga, marka laga reebo saddex xubin oo ay xildhibaannada diideen.
Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah :-
- Aadan Cali oo uu soo magacaabey xisbiga UCID waxa uu helay 68 cod, sidaas ayaana lagu ansixiyay.
- Axmed Yusuf waxa uu helay 39 cod, sidaas ayaana lagu diiday.
- Xussen Cabdi Cali waxa uu helay 45 cod, sidaas ayaana lagu ansixiyay.
- Axmed Cismaan Xassan waxa uu helay 39 cod, sidaas ayaana lagu diiday.
- Cabdicasiis xirsi Warsame waxaa uu helay 49 cod, sidaas ayaana lagu ansixiyay.
- Muuse Xasan Yusuf waxaa uu helay 33 cod, sidaas ayaana lagu diiday.
- Faadumo Ismaacil Cabdi waxa ay heshay 67 cod, sidaas ayaana lagu ansixiyay.
Xubnaha la diiday ayaa laba kamid ah waxaa soo magacaabay madaxweynaha Somaliland, halka xubinta kale laga soo magacaabay golaha guurtida.
Goobjoog News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ugu tegay Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey kulanka dhex-maray labada dhinac.
Shariif Xasan ayaa shaaca ka qaaday inuu salaan iyo sidoo kale is xog wareysi ugu tegay wadaadkaasi oo muddo ku dhow afar sano ku xiran gudaha magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ku aadan masiirka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay,
“Waxaan maanta hoygiisa ku booqday walaalkey Mukhtaar Roobow Cali, salaan iyo is xog- wareysi kadib waxaan ka wada hadalnay arimaha masiiriga ah ee dawladda Koonfur Galbeed, guud ahaan mustaqbalka iyo xaaladda Soomaliya,” ayuu yiri Shariif Xasan.
Dhankiisa Roobow ayaa uga mahaceliyey Shariif Xasan booqasha uu ugu tegay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inay iska xog wareystaan xaaladaha guud ee dalka.
Kulankan ayaa u muuqdo mid qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Lafta Gareen ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Roobow ayaa markii ugu horreysay loo ogolaaday inay soo booqdaan xubno ka tirsan qoyskiisa iyo asxaabtiisii siyaasadda, waxayna arrintaas kusoo beegantay, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhacday 15-kii bishii hore ee May.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, NISA ayaa cadaadiskii saaraa ka qafiifisay Sheekh Mukhtaar, kadibmarkii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa loo ogolaaday Taleefoon iyo in ehelladiisu ay soo booqan karaan.
Dhamaadkii 2018-kii ayaa Mukhtaar Roobow laga soo xiray magaalada Baydhaba, xilligaas wuxuu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
The post Maxay ka wadahadleen Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
The thousands of participants in the Night of the Refugee have raised 1,140,070 euros for emergency aid to refugees worldwide. The first participant in the 40-kilometer walk arrived at the finish in The Hague on Sunday morning at 05:45 a.m., setting a new record, according to the organization.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta sar sare ee dowkadda Imaadka carabta, halkaas oo madaxweynaha safar lama maalin ah ku joogo.
Wafdi uu hoggaaminayo madaxwyenaha Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi, ee Iskutagga Imaaradka carabta, waxaana lagu wadaa in ay kawada hadlaan arrimaha dhowr ah.
Xasan Sheekh ayaa madaxda Imaaradka kala hadli doonna xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.
Safar madaxweynaha ayaa noqonaya midkii ugu horeysay ee dalka dibaddiisa uu ugu baxay, isagoo madaxweynaha la filayo in bilaha soo socda uu aado dalal ay kamid yihiin Turkeye iyo Masar.
Goobjoog News
-
Alle haw naxariistee maydka askari milatari ah oo ka tirsan ciidamada soomaliland ayaa hada la keenay Cisbitaalka weyn ee Hargeysa, waxaana siday wararku sheegayan marxuunka dhintay lagu dilay xaafada Qandahaar ee Caasimada Hargeysa.
Askariga dhintay ayaa wuxuu gacantiisa ku baxay qof shacab ah oo uu dhex maray gacan kahadal isagoo marxuunka dhintay uu sabab u noqday dhimashadiisa Ka dib markii uu jilibkiisa Wadnaha Kaga dhuftay qofka shacabka ahi.
Xigasho: Sharmaarke Cumar -
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub, Xamze Cabdi Barre kaas oo la horgeyn doono baarlamaanka Soomaaliya.
Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in aan wax wadatashi ah lagala sameyn magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo kasoo jeeda Jubbaland, isagoo walaac ka muujiyey arrintaasi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu cabasho ka muujinayo sida uu dhaqmay markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magacaabayey ra’iisul wasaaraha, isagoo hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay xildhibaannada baarlamaanka Puntland.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa sidoo kale ku faanay inuu kaalin weyn ku lahaa guusha madaxweyne Xasan ee doorashadii 15-ka May ka dhacday magaalada Muqdisho.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Puntland horey ugu hambalyeysay ra’iisul wasaaraha magacaaban, kadib warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi, inkastoo haatan hadalka kasoo baxay Deni uu muujinayo inuu ku guul dareystay laba isku day oo midi ahaa in isaga loo magacaabo ra’iisul wasaaraha ama qof kasoo jeeda Puntland.
Tani ayaa sidoo kale muujineyso in Saciid Cabdullahi Deni oo dhawaan ku laabtay Puntland uu khasaare kala kulmay doorashadii Soomaaliya, gaar ahaan damaciisa ahaa hoggaanka Villa Soomaaliya, wuxuuna safarkaas gunaanad u ahaa dagaal qaatay muddo labo sano ah.
Dagaalkaan oo uu ku raadinayey fooqa ugu sarreeya xukunka Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday inuu Saciid iska iimaansado hoggaankiisa dowlad goboleedka Puntland.
The post SACIID DENI oo shaaca ka qaaday inaan lagala tashan magacaabista R/W Xamze appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa maanta ku ballansan kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin.
Kulanka labada mas’uul oo si weyn isha loogu hayo ayaa waxa dalbaday madaxweynaha oo ka cabsi qaba guuxa mooshinka ee weli ka taagan Baarlamanka kaas oo ka dhan ah xukuumadda.
Kulanka ayaa sida la sheegayo ku saabsan xallinta khilaaf xooggan oo dib uga ka dhex aloosmay labada mudane islamarkaana saamayn ku yeeshay hay’adaha dowladda.
Madaxweyne Deni oo shalay la kulmay xildhibaannada Baarlamanka ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenku ay si hoose u xallisan karaan khilaafka jira haddii cadaadiska laga daayo.
Mudanayaasha ayuu ka codsaday in ay joojiyaan dhaq dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ee cadaadiska sii saaraya khilaafka isaga iyo ku xigeenkiisa si arrinta hoos loogu dhammeeyo.
PUNTLAND POST
The post Deni iyo Axmed Karaash oo maanta ku ballansan kulan albaabadu u xiran yihiin appeared first on Puntland Post.
-
Puntland ayaa lagu wadaa in ay maanta bilowdo maxkamadaynta shabakad ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan amiiro sare kuwaas oo lagu qabtay Gobolka Bari gaar ahaanna magaalada Boosaaso.
Wararku waxay sheegayaan in shabadda la hayo ay ku jiraan qaar kamid ah Amiiradii Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Bari oo lagu qabtay hawlgallo qorshaysan.
Qaraxyo kala duwan iyo dilal ka dhacay Boosaaso ayay ku eedaysan yihiin shabadda gacanta lagu hayo sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.
PUNTLAND POST
The post Puntland oo gacanta ku dhigtay shabakad ka tirsan Al-shabaab oo amiiro ku jiraan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga isku-xirka ololaha Mahadsanid Madaxweyne ee Guriga loogu dhisayo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka warbixiyay halka uu marayo ololahaas.
Cabdirashiid Duqa oo ku hadlayay afka guddiga ayaa sheegay in uu meel aad u wanaagsan marayo ololaha guriga loogu dhisayo Farmaajo, isaga oo xusay in qofkasta oo wax ku darsaday ololahaan ay kaydiyeen magacyadooda.
“Guddiga waxay u mahad-celinayaan dadweynaha Soomaaliyeed sida sharafta badan ee ay uga qeyb-qaateen ololaha iyo sida dar-darta leh ee u wadaan ololaha Mahadsanid Madaxweyne. Waxaa farxad inoo ah in aan u xaqiijino in qofkasta oo kusoo hagaajiyey dhaqaalaha uu ugu tala-galay ololahaan ay nasoo gaartay,” ayuu yiri.
“Waxa sidoo kale idinla socodsiineyna in aan keydinay oo diiwaan-galinay qofkasta oo ka qeyb-qaatay ololaha, dhamaantiina si gaar-gaar ah ayaa idinla soo xiriiri doona hadduu alle yiraahdo.”
Sidoo kale waxa uu ka codsaday Injineer kasta ee Soomaaliyeed oo doonaya in ololaha uga qeyb-qaato naqshad ama hindise guriga Farmaajo in uu si toos ah usoo gaarsiiyo guddiga isku-xirka ololaha Mahadsanid Madaxweyne.
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha guriga loogu dhigasayo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana ay ka qeyb qaadan karaan dadka aan weli qeyb ka noqon ololahaan.
The post Daawo: Guddiga dhismaha guriga madaxweyne Farmaajo oo war cusub soo saaray appeared first on Caasimada Online.
Puntland oo bilowday maxkamadaynta shabakad loo haysto A-shabaabnimo
in News - Wararka
Posted
Shabakad ku eedaysan Shabaabnimo oo loo haysto dilal iyo qaraxyo kala duwan maanta la hor-keenay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland xarunteed Boosaaso.
Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa maxkamadda ka hor akhriyay gal-dacwadeedka laga diyaariyay eedaysanayaasha iyo caddaymaha loo hayo kiiskooda.
Maxkamadda ayaa sidoo kale dhegaysatay jawaabta qareennada difaacaya eedaysanayaasha iyo doodda ay ka celinayaan gal-dacwadeedka xeer ilaalintu soo gudbisay.
Kiiska ayaa lagu wadaa in mar kale berri la dhegaysto islamarkaana ay warbaahintu goob-joog ka noqoto.
PUNTLAND POST
The post Puntland oo bilowday maxkamadaynta shabakad loo haysto A-shabaabnimo appeared first on Puntland Post.