Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,195
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka digay heshiisyo caalami ah oo ay dowladda la gasho dowlado kale oo aan baarlamaanka la soo marsiinin.

    Sheekh Aadan Madoobe ayaa digniintan soo saaray, xilli haatan la hadal hayo heshiiska qaadka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo Nairobi ay sheegtay in dhowaan la saxiixayo. 

    Aadan Madoobe, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da, ayaa sheegay in marka hore ay xukuumadda soo gasho heshiisyada caalamiga ah ka dibna baarlamaanka loo soo gudbiyo si ay u ansixiyaan. 

    “Marka ay xukuumadda ay soo gasho heshiis caalami ah baarlamaanka ayay u soo gudbineysaa oo ansixinaya, wax ka baddalaya amaba diidaya,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

    Aadan Madoobe oo wax laga weydiiyey waxa uga qorsheeysan heshiiska qaadka ee lagu wado in 5-ta bisha July lagu saxiixo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa yiriu

    “Arrimaha diblomaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya waa inaga horreyeen oo sida lagu kalatagay ma naqaan sidaa darteed dib u eegis ayaan ku sameyn doonnaa oo hadda kuma degdegyno laakin mabdi’iyan waxaan kuu sheegeyaa haddii heshiis caalami la galo waa in baarlamanka uu ansixiyaa.”

    Kenya ayaa qarka u saaran inay dib u furto suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta bisha Luulyo. 

    Wasiirka beeraha Peter Munya ayaa dhamaadkii toddobaadkan shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

    “5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya xilli lagu gudajiray ololaha doorashada Kenya ee lagu inay dhacdo bilowga bisha August.

    Munya ayaa markii uu hadalkan sheegayay waxa uu ku sugnaa Ismaamulka Meru oo ay ku yaallaan beeraha qaadka.

    Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19.

    Hakinta ayaa si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

    Mamnuuciddaasi ayaa horseedday in suuqa maalinlaha ah ee qaadka uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.

    The post Aadan Madoobe oo ka digay heshiis qaad oo aan lasoo marsiin golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.


  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii la filayey inay maanta yeeshaan baarlamaanka Federaalka ee codka kalsoonida loogu qaadi lahaa ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo ay saameyn ku yeesheen laba arrimood.

    Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo badan, balse waxaa kulanka dib u dhigay arrimo farsamo.

    Arrimaha ee kulanka dib u dhigay ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu maqan dalka Imaaraadka Carabta oo socdaalkiisa oo laba maalmood loogu talo-galay uu hadda gaaray maalintii saddexaad, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu dhammaan doono.

    Waxaa sidoo kale safar ku maqaan guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo qoys u jooga dalka Kenya, waxaana arrintan ay saameyn kale ku yeelatay kulankii la qorsheynayey in Baarlamaanku kalsoonida ku siiyo Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi.

    Caasimada Online ayaa fahansan inaysan jirin wax walaacyo kale ah oo dib u dhigay kulanka, mana jiraan wararka sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in ra’iisul wasaaraha magacaaban uusan taageero haysan.

    Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa taageero buuxda ka haysta xildhibaanada labada aqal, waxaana la filayaa in cod aqlabiyad leh lagu ansixiyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

    Illaa iyo hadda ma cadda xilliga uu dalka dib ugu soo laaban doono guddoomiye Aadan Madoobe, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in codka kalsoonida loo qaado ra’iisul wasaaraha, ayada oo aan berri oo Khamiis ah laga gaarin, Jimcahana aanu shaqeyn baarlamanka.

    The post Kulankii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa R/W Xamza oo dib u dhacay + Sababta appeared first on Caasimada Online.


  3. Waddan Yurub ku yaalla oo xabsiyadiisa maxaabiis la’aan u xidhmayaan

    Xabsi

    Waxaa laga yaabaa in ay dadka ku adkaato inay rumaystaan inay jirto meel adduunka ka mid ah oo xabsiyada ay cidlo yihiin. Xabsiyada aduunka oo dhan waxa lagu yaqaannaa in ay buux dhaafiyeen dad dambiilayaal ah, kuwaas oo qaarkood noloshoodaba in ay halkaa ku jiraan ay ku xukuman yihiin.

    Xilli adduunka ay ku sii baahayaan danbiyada iyo dhibaatooyinku dalka oo Yurub ku yaal waxa uu qorshaynayaa in uu gebi ahaan ba albaabbada u laabo xabsiyadiisa, kaddib markii dad loo waayey. Waxa la yaab leh, Nederlaan waa waddan xilliyada qaar gaadha heer aanay cidna u xidhnayn. Ku dhawaad sagaal sano ka hor, 2013, Nederlaan waxaa ku xidhnaa 19 maxbuus oo keliya, halka sannadihii ka danbeeyey qaarkood aanay jirin ba cid xidhnayd. Haddana waxaa la soo sheegayaa keliya soddomeeyo ayaa xidhan. Sida lagu sheegay warbixinta Telegraph UK oo la daabacay 2016, Wasaaradda Caddaaladda ee Nederlaan waxay soo jeedisay in dembiyada guud ay hoos u dhacaan 0.9 boqolkiiba sannadkaas suutragalna tahay shanta sano ee soo socota in ay sii yaraato.

    Xidhitaanka iyo joojinta xabsiyada ee dalkanb ayaa la macno ah in ilaa 2,000 oo qof ay waayaan shaqooyinkooda, 700 oo ka mid ah oo kaliya ayaa loo wareejin doonaa shaqooyin kale oo ay dowladdu heli karto.

    Si kastaba ha ahaatee, go’aanku wuxuu sidoo kale ka dhigan yahay in waddanku u guulaystay nidaam ahaan, dawlad ahaan iyo muwaadiniin ahaanba.

    Goobihii iyi dhismayaashii loogu talogalay xabsiyada ayaa badankooda loo beddelayaa goobo si kale looga faa’iidaysan karo iyaga oo qaarkood laga dhigay goobo waxbarasho, sida dugsiyo, iyo meelo kale oo daryeel ama lagu soo dhaweeyo qaxootiga. Arinta xabsiyada faaruqa ah ayaa gaartay heer sanadkii hore ay Nederland maxaabiis ka soo dajiso Norway si ay u buuxsamaan xarumahooda iyo nidaamkooda.

    BBC

    Ku dhawaad labaatan sano ka hor Netherland waxay ahayd mid ka mid ah dalalka leh heerarka ugu sarreeya ee xabsiyada Yurub, laakiin hadda waxay sheeganeysaa mid ka mid ah kuwa ugu hooseeya.

    Heerarka dembiyada dalkan ayaa hoos u dhacayey sannad kasta, taasoo keentay in xabsiyo badan oo waddankaas ka mid ah ay si joogto ah u xidhmaan.

    Sida laga soo xigtay xogta xarunta cadaaladda, tirada xukunnada xabsiyada ayaa hoos uga dhacay 42,000 sanadkii 2008 ilaa 31,000 sanadka 2018. 2009 wasaarada cadaalada Holland ayaa ku dhawaaqday in la xirayo 8 xabsi, taasoo keentay in 1,200 oo shaqooyin ah laga gooyo xabsiga. Sanadkii 2013 ayaa la go’aamiyay in la xiro 19 xabsi maadaama tirada dambiyada la diiwaan geliyay ay ahaayeen kuwa ugu yar Yurub. Sababta loo aaneynayo hoos u dhaca dambiyada waxaa ka mid ah xukun gaaban oo la xidhiidha dambiyada la xidhiidha daroogada iyo mukhaadaraadka iyo in lagu soo rogo ganaax adag halkii xabsiga la dhigi lahaa.

    Xabsiyadan ayaa laga dhigay xarumo qaxooti, guryo iyo hoteello. Qaar ka mid ah xabsiyadaas madhan ayaa loosoo dhoofiyayaa dalal kale maxaabiistooda, si ay ugu martigeliyaan. Sannadkii 2018, dawladda Nederlaan waxay go’aansatay inay xidho afar kale oo xabsiyada qaranka ah iyadoo heerka dembigu uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay tan iyo 1980-kii.

    Heerarka faqriga oo hooseeya, badbaadada bulsheed ee sarreeya iyo dhaqanka aan maadiga ahayn – Nederlaan, sid aoo kale hodantinnimada iyo nolosha fudud ee dadka dalkaas dhammaantood waxay door ka ciyaaraan dhimista dembiyada.

    Fanaanka fadhigiisu yahay Amsterdam, ahnaa qoraa iyo ganacsade ee Rivelino Rigters oo mar lagu xidhay isaga oo yar xabsi dalkan ah ayaa ku doodaya in wanaagga iyo samaanta qofnimo aan laga dhaxlin xabsiyada.

    “Qof la xidho maaha hab lagu xalliyo dhibaatada,” Rigters ayaa ku adkaystay. “Mararka qaar waxa ay ka dhigtaa mid ka sii weyn sababtoo ah dadka qaarkiis, dembigu wuxuu ahaa midkii ugu dambeeyay ama ma jirin hab kale oo ay ku noolaadaan.”

    Qaran News


  4. Magaalo kamid ah waddanka ugu weyn ee Saliidda soo saara oo ay shidaal yare ka jirto

    Safaf dhaadheer ayaa lagu arkay kaalmaha shidaalka ee inta badan gobolka Lagos ee koonfur-galbeed Nigeria ka dib markii ay ganacsatada shidaalka go’aann ku gaadheen qaar ka mid ah inay joojiyaan iibinta shidaalka.

    Dadka magaalada Lagos ayaa weli safaf dhaadheer ugu jiro si ay u helaan shidaal.

    Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo qaar ka mid ah xubnaha ururka madaxa-bannaan ee shidaalka ee Nigeria (IPMAN) ay sheegeen inaysan hadda ku sii shaqayn karin deegaan aan u wanaagsanayn ganacsigooda.

    Guddoomiyaha ururka, Akin Akinrinade, ayaa u sheegay saxafiyiinta in iyadoo dowladdu ay u qoondeysay 165 naira ($0.40; £0.30) lagu iibiyo halkii litir oo shidaal ah, haddana xaqiiqooyinka hadda jira ay muujinayaan in qiimaha ugu yar uu noqdo 180 naira si ganacsatada shidaalka ay faa’iido helaan.

    Safafkii dhaadheer ee Shidaalka loogu jiro ayaa sababay in saxmada isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada ay aad u bataan.

    Qaran News


  5. Addis Ababa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar lagu dilay dad Soomaali xoolo dhaqata ah, kaas oo ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan webi mara dhulka deegaanka Canfarta ee waddankaasi.

    Wararka ayaa sheegaya maleeshiyaad ka soo jeeda in Qowmiyadda Canfarta ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqata Soomaali ah, kadibna ay halkaas ku dileen illaa 7 qof oo rayid ah.

    Dadka la dilay oo dhammaantood ahaa xoolo dhaqato ayaa ku sugnaa deegaanka Hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash, halka dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay.

    Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda weerarka fulisay ay dhaceen xoolo fara badan oo gaaraya illaa afar kun oo neef.

    Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi lagu beegsaday Soomaalida, balse xaaladda ayaa ah mid kacsan.

    Ujeedka maleeshiyaadka Canfarta ayaa ah inay qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, waxayna horey gacanta ugu dhigeen magaalooyin ay ku sugnaayeen Soomaalida.

    Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay socdeen deldaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labada qowmiyadood oo muddo fog soo socotay.

    Si kastaba dagaalladan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

    The post Ku dhawaad 10 Soomaali ah oo lagu dilay ITOOBIYA appeared first on Caasimada Online.


  6. Halyeeyo Qaran Jira oo Jooga !
    kaysar.jpg
    Waxaad tihiin Nuur usoo bidhaamay Ummad Sodon sanadood u Rabbi tuugaysay in uu Allah siiyo dhalinyaro Geesiyaal ah oo Qarankooda ku hogaaminaya jidkii horumarka, oo la dagaalama lunsiga hantida Qaranka, lana xisaabtama masuuliyiinta Xilalka Qaranka loo dhiibay.
    Waxaad haysataan Kalsoonida Shacbiga reer Somaliland ee gudo iyo debedba ku nool. Hawshiina sii laban-laaba.
    Garabkiina ayaan Taaganahay
    289723665_10225698929373856_170609670062
    289847303_10225698929733865_788835565318
    289607093_10225698930173876_807273138393

    Qaran News


  7. Washington (Caasimada Online) – Muslimiinta ayaa la saadaalinayaa in ay noqdaan dadka haysta diinta labaad ee ugu weyn dalka Mareykanka marka la gaaro 2040-ka, xilli ay sii baahayso tirada dhalmada Muslimiinta iyo socdaalkooda ay ku tagayaan dalkaas, sida ay ku warramayso cilmi-baaris ay kal hore sameysay Xarunta Cilmi Baarista ee Pew.

    Warbixinta ay samaysay hay’addan, ayaa ku salaysan isku-darka sahan iyo xog laga helay Xafiiska Tirakoobka Maraykanka xilli hore, kaas oo aan hadda uruurin macluumaadka ku saabsan xiriirka diimaha.

    Pew ayaa sahaminteedii ugu horreysay ku sameysay Muslimiinta Mareykanka sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo lagu qiyaasay 2.35 milyan gudaha Mareykanka, sida ay sheegtay hay’addu. Sahankeedii saddexaad iyo kii u dambeeyay, ee la daabacay 2017, ayaa lagu qiyaasay in tiradu ay ahayd 3.45 milyan.

    Marka la gaaro 2050, Muslimiinta waxaa la filayaa in ay noqdaan 2.1 boqolkiiba wadarta dadweynaha Mareykanka – ilaa 8.1 milyan oo qof, sida ay sheegtay Pew.

    “Marka ay sii kordhayaan tirada dadka Muslimiinta ah, Mareykanku waa inuu ku baraarugaa xaqiiqada ah in Islaamku yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhismaha dalka,” ayuu yiri Ihsan Bagby, oo ah barafasoor ku-xigeenka daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Kentucky, xubinna ka ahaa guddigii la-talinta ee sahanka Pews 2017 ee Muslimiinta-Mareykanka.

    Tobankii sano ee la soo dhaafay, Pakistan, Iran, Hindiya iyo Afghanistan ayaa ka mid ahaa dalalkii tirada ugu badan ee Muslimiinta ay ka soo galeen dalka Mareykanka, sida uu sheegay Beshiir Maxamed oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Pew.

    Laakiin, sida laga soo xigtay Bagby, ma ahan dalalkii mas’uulka ka ahaa kobacan dhow ee degdegga ah.

    “Waxaa jira horumar degdeg ah oo ay samaynayaan dadka soo-galootiga ah, kuwaas oo u heellan inay horumariyaan xaaladdooda dhaqaale iyo waxbarasho, laakiin waxaa sidoo kale jira mowjado dad ah oo ka aag beddelanaya diimahoodii hore,” ayuu yiri.

    Bagby ayaa filaya in ay kordhi doonto tirada Muslimiinta ka soo haajiraysa dalal kale oo ay ku jiraan Yemen iyo Suuriya, oo labaduba ay colaado ka socdeen tan iyo 2011-kii.

    “Mar kasta oo ay badato dhibaatada ka jirta dunida Muslimka, waxaa sii badanaysa dhiirigelinta socdaalka,” ayuu raaciyay.

    “Muslimiintu waxay u muuqdaan inay yihiin dad da ‘yar hadday tahay kuwooda jooga caalamka kale iyo Maraykankaba, sidaa daraadeed, inta badan haweenka waxay weli haystaan sanado badan oo dhalmo ah,” Maxamed ayaa yiri.

    Bagby waxa ay rajaynaysaa in kobaca Muslimiinta Maraykanku ay si togan u saamayn doonto aragtida guud ee dadka oo dhan.

    Muslimiintu waxay ka kooban yihiin boqolkiiba hal wadarta guud ee dadka Mareykanka, waxayna si filiqsan ugu fidsan yihiin dalka oo dhan, iyagoo ku badan magaalooyinka, sida uu sheegay Bagby.

    “Korodhka tirada Muslimiinta waxay dhab ahaantii siin doontaa fursad dheeraad ah oo ay kula kulmaan dad kale. Inta badan Muslimiintu marka ay yimaadaan waxa ay ku baahaan gobollada Mareykanka,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “taas oo hoos u dhigaysa aragtida xun ee dadka qaar ay ka aamineen Islaamka iyo Muslim-nacaybka beri hore faafay.”

    Sida lagu sheegay warbixin 2015 ka soo baxday Machadka Cilmi-baadhista Diinta Dadweynaha, 83 boqolkiiba dadka Mareykanku waxay sheegaan inay wax yar ka og yihiin caqiidada iyo dhaqamada diinta ee Muslimiinta.

    Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, bulshada Muslimiinta Maraykanku waxay u bislaadeen ku lug-lahaanshiyaha siyaasadda iyo qaadashada aqoonsigooda, ayuu xusay Bagby. Wuxuu aaminsan yahay in kororkooda dadweynuhu ay ka dhigan tahay kobaca awoodda iyo waxtarka Muslimiinta Mareykanka.

    “Waxay ila tahay in tirada badan ee laxaadka weyn ay la macno tahay kor u qaadidda codkooda bulsho ahaan,” ayuu yiri.

    Isha: BBC

    The post Diinta Islaamka oo la filayo inay noqoto tan labaad ee ugu weyn dalka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.


  8. Berberaay is weydii ?
    Berbera iyo Jabuuti waa isku xaalad xagga Xorriyadda ra’yiga 31 Sano waxa dan ku Muxaafid ka dhigay waa in dadka lagu gumeynaayo xoogooda, waa in si dhaba dadku u xisaabtamaan oo lays weydiiyaa baahiyaha Bulsho iyo adeegyada maxaa innaga maqan? Berbera maxaa loogu noolaan kari waayay 12 bilood ee sannadka dadkuna u yahay geedi aan dhammaad lahayn? dhallinyarada shaqo la’aantu hayso khayraadkooda maxaa looga faa’ideyn waayey ee fursadaha muhiimka ah ka dhigay qaar safaariya? Afkaarta siyaasiga ah maxaa Muxaafidka ku faruir xidhay iyagoon ku qabin dan ka duwan ta Deegaanada kale? $15 Milyan ee kabka ka soo gaadha maxaa loogu qabtaa sannadkii? ma dhir laamida la raaciyo ayay Berberi u baahantahay mise nolol dhaba oo loo abuuro danyarta iyo Bulshada? waaxaha muhiimka ah ee ilaha dhaqaalaha Berbera dadka looso magacaaba maxaad uga qatan yihiin dhallinyarada Berbera ku nool?

    Qaran News


  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Telefishinka Soomaali Cable ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan howlaha horyaalla dowladda cusub.

    Cali Xaaji oo baarlamaanka 11-aad ee dalka kasoo galay dhanka Puntland ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha diblomaasiyadda, gaar aghaan arrinta Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

    Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin karinba kala eexasho labada dal ah oo ay sameyn karto dowladda Soomaaliya, loona baahan yahay Qatar inay la shaqeyso madaxweynaha cusub, si la mid ah madaxweynihii hore ee looga guuleystay doorashada.

    “Dowladdaa, dowladdiinii hore saaxibka la aheyd dee dowlad ahaan ayey saaxib ula hayed ee shaqsi ahaan saaxib ula ma aheyn madaxweynihii meesha ayuu ka baxay madaxweyne cusub ayaa yimid,” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka.

    Waxa kale oo yiri “Haddii ay iyagu maslxad Soomaaliyeed wadeen waa inay la shaqeeyaan madaxweynaha yimid way ku qasban yihiin, haddii ay wax gaar ah wateen iyagaa og”

    Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday safarka madaxweyne Xasan iyo waxa keenay inuu booqashadiisii ugu horreysay ku bilaabo magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka.

    “Madaxweynaha la doortay wuxuu xaq u leeyahay in la daayo oo fursad la siiyo cidda uu booqanayo isaga ayey ka go’daa, la-talin buu leeyahay nidaam ayuu ku socdaa. Cidda uu dib dhiganayo isaga ayey ka go’daa, cidda uu ku horeysiinaya isaga ayey ka go’daa”.

    Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii xoogeysanayey loolanka ay Soomaaliya ugu jiraan Imaaraadka iyo Qatar oo 5 sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha koowaad ee Mudane Maxamed Farmaajo, waxayse hadda u muuqataa in Abu Dhabi ay ku adkaatay loolanka iyo u dhawaashaha dowlada, maadaama madaxweynuhu ku bilaabay safarkiisa Imaaraadka.

    The post Muxuu Xildhibaan Cali Xaaji ka yiri arrinta Qatar iyo Imaaraadka Carabta? appeared first on Caasimada Online.


  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo u xiran dowladda federaalka.

    Mukhtaar Roobow Cali ayaa xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho, tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018, markaas oo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka soo xirtay magaalada Baydhaba.

    Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo BBC ay wax ka weydiisay waxa uu ka aaminsan yahay xarigga Abuu Mansuur ayaa ku jawaabay “Markii la xirayay dadkii ka hadlay baan ka mid ahaa, oo markii hore si sharci darro ah ayaa lagu soo xiray.”

    Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri “Mukhtaar Roobow, horta asalkiisa waa la ogyahay in nimankan Shabaab uu ka mid ahaa, lama soo qabanin ee isagaa ka tanaasulay, dowladdana la soo xiriiray, isna soo dhiibay oo yimid. Dowladda waa cafisay, waxaa la siiyay basaboor diblomaasi ah, doorashuu codsaday, waa loo ogolaaday, yacni waxaa la siiyay shahaadadii doorashada, markaas ka dib ayaa si siyaasi ah looga diiday inuu doorashadii ka qayb qaato.”

    Waxa kaloo uu yiri “Marka aniga xiritaankiisa dadkii diidanaa baa ka mid ahaa, illaa muddadii uu xirnaana kuma qanacsanayn, inuu gardarro ku xiran yahay waan u jeeday. Haddana koley dadka markii hore gardarradaasi ku sameeyay oo awoodaas ku maquuniyay, maanta ayagii xilka ma hayaan.”

    Aadan Madoobe ayaa aaminsan in hadda wixii ka dambeeya uu Abuu Mansuur heli doono caddaalad, si lamid ah dadka kale ee Soomaaliyeed.

    “Waxaan u maleynayaa hadda inuu heli doono caddaalad oo ummadda Soomaaliyeed la mid noqon doono, oo ciqaabta la geliyay inuu ka bixi doonnaa aaminsanahay.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

    Abuu Mansuur oo horey u soo noqday ku xigeenka Amiirka Al-Shabaab ayaa sanadkii 2017 isu soo dhiibay dowladda federaalka, isaga oo warbaahinta ka sheegay in uu ka tanaasulay fekerka khalafsan ee Shahaabnimada.

    Dowladdii hore ayaa la fahamsan yahay in xilligaasi ay Abuu Mansuur u arkeysay ninka keliya ee caqabadda ku noqon kara shakhsigii ay u waday jegada madaxtinimada ee Maamulka Koonfur Galbeed, isagoona Baydhabo ka waday olole xoog leh oo uu ku doonayay inuu kula wareego xafiiska maamulkaasi.

    The post Guddoomiye Aadan Madoobe oo war kasoo saaray xirnaashaha Mukhtaar Roobow appeared first on Caasimada Online.


  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal ka soo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa beeniyey in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay isbitaalka guud ee degmadaas oo shalay ay soo yeereen warar sheegaya in kooxdu ay la wareegtay, kana saartay bukaanadii ku jiray.

    Cumar Salaad Faarax oo ah guddoomiyaha guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur oo dadka deegaanku ay isku tashi ku dhisteen ayaa sheegay in warkaas uu been yahay oo wax culeysa aysan uga imaan kooxda Al-Shabaab.

    Cumar ayaa sheegay in marnaba aysan ka suurtaabin in koox kala wareegtay isbitaalkaas ay u ceeb qariyaan, isagoo sheegay in isbitaalkaas uu sidii loogu talo galay ugu shaqeynayo bukaanada deegaanka.

    Sidoo kale odayaashii kale ee guddiga maamula isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaa sheegay warkaas ay beeninayaan, iyagoo codsaday in lagu gacan siiyo bixinta adeegyada caafimaad ee isbitaalkaas uu u haayo bulshada reer Ceelbuur.

    Sida dad ku nool degmadaas ay shalay u soo dusiyeen warbaahinta, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xoog kula wareegtay isbitaalkaas, si dhaawacyadii ka soo gaaray weerarkii Baxdo ay ugu daweystaan.

    Warbixintaan shalay faaftay waxay sheegeysay in kooxdu ay banaanka u saartay bukaanadii kale ee isbitaalka yiilay, balse arrintaas waa beeniyeen xubnaha guddiga ah ee maamula isbitaalkaas oo dadka degmada Ceelbuur ay isku tashi ku dhisteen.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa si xun ugu jabtay weerar ay Jimcihii lasoo dhaafay ku qaaday degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas looga laayey dagaalyahano 100 kor u dhaafaya, iyagoo dhaawacyo badan geystay degmooyinka Ceelbuur, Xarardheere iyo deegaano kale.

    Hoos ka daawo hadalka guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur

    The post Daawo: Guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur oo si yaab leh u difaacay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.


  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.
    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha Qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban  Xamse Cabdi Barre iyo dowladda cusub ee dhowaan lasoo dhisayo.
    Ra’iisulwasaare Rooble ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa qabsoomidda doorashooyinka heer federal, taas oo lagu xasuusan doono sidii uu u maareeyay, xilli laga cabsi qabay in dalka doorashadiisa ay dhici wayso kadib markii dhow jeer muddo korarsi uu isku dayay Farmaajo.
    Ra’iis Wasaare Rooble ayaa wasiirrada sidoo kale u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed oo wanaagsan, isagoo kula dardaarmay in ay qof waliba intii karaankiisa ah dalka ugu adeego, oo xiligaan la daalaa dhacayo abaaro baahsan oo dalka ku dhuftay, waxaan in badan uu carabka u adkeeyay dardaarankiisa golaha.
    Dhanka kale Xubnihii Golaha wasiirrada ee kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu u soo hogaamiyay xukuumadda Federalka Soomaaliya iyo si gaar ah howlihii doorashooyinka dalka oo si guul iyo nabad ah ku soo dhamaaday, taas oo lagu xasuusan doono.
    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  13. Maxkamadda darajada koowaad ee ciidan qalabka sida ayaa maanta xukunno kale duwan ku ridday rag ka tirsan Al-shabaab, kuwas oo xeer ilaalintu kusoo eedeysay geysashada dil iyo kamid ahaanshiyaha xoogaga Alshabaab,kadib markii maxkaddu ay soo dhagaystay dacwadaha loo heystay, maxkamadda ayaa xukun dil ah ku riday  mid ka mid ah, halkainta kale lagu xukumay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

    Cabdi Xasan Rooble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed ayaa Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil iyo   Cabdi Xasan Rooble ayaa lagu helay inuu ka dambeeyay dil loo geystay marxuum Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo la dilay 20-kii bisha February 2022-ka.

    Eedeysanayaasha ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo lagu tuuray saldhigyada degmooyinka Warta Nabadda iyo Howl wadaag, waxaana xeer ilaalintu sheegtay in ay ka dameeyeen Bam Gacmeedyadaas lagu weeraray labada degmo, ciidanka Booliiska ayaa mar qura gacanta ku dhigay raggaan 22 bishii February 2022, iyadoo maanta lagu xumumay xukunno kale duwan.

    Goobjoog News

    Source: goobjoog.com


  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal uu ku difaacayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo horay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad uu ugu eedeeyey inuu ka dambeeyey afduub loogu geystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Fiqi ayaa sheegay in Rooble uu ku amaanan yahay in meel ammaan ah uu soo gaarsiiyey Soomaaliya oo soo martay marxalad hubanti la’aan ah, isagoo farta ku fiiqay xubno uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u suurad xumey lahaayeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    “Ra’iisul wasaare Rooble wuxuu maanta qabtay shirkii u danbeeyey ee golihiisa wasiirada. Shaqo wacan ayuu qaranka u qabtay oo la mahdiyey, wuxuuna dalka ka saaray xaalad hubanti la’aan ah, wuxuuna dalka gaarsiiyey meel ammaan ah. Waana ku mahadsan yahay,” ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

    Qoraalka Axmed M. Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan arkayaa shakhsiyaad raba in ay wasaqeeyaan magaciisa iyo maamuuska uu ku dhex leeyahay umadda, ayagoo wax aan jirin ku nabaya, kuwaas oo aad moodid in gacmo kale ay ku dhex jiraan ama laga soo dhex hadlayo afafkooda.”

    Sidoo kale Fiqi ayaa su’aal geliyey aqoonta uu sheeganayo qof ay aaminsan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Nairobi ku afduuba karo qof shacab ah, iyadoo la ogyahay in dalkaas ay ka jiraan hey’ado amni oo adag iyo garsoor.

    “Sidee Nin Weyn oo aqoon sheeganaya ugu eedeynayaa RW Rooble in uu Nairobi afduub ka geystay? Nairobi dawlad leh hey’adaheeda garsoor iyo amni kama jirto miyaa? aqoonta intaas tusin weysay maxay tahay faa’idada laga sugayo qofkeeda? Waxaa haboon in waxyaalaha qaarkood laga xishoodo, dadkana wacyigoodu waa joogaaye aan caqliyadooda lagu cayaarin!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Macalin Fiqi.

    Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan degan Nairobi ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ku eedeeyey inuu ka dambeeyey afduub ay u geysteen hey’adaha sirdoonka Kenya oo maalmo uu u xiraa, waxaana maalmahaan soo cusboonaatay hadal-heynta kiiskaan.

    Professor-ka ayaa sheegay in Rooble uu dacweynayo, isagoo cadeeyey inuu qabsaday qareeno u dooda, isla markaana uu hayo cadeymo muujinaya in afduubkiisa uu soo abaabulay R/wasaare Rooble.

    Sidoo kale Prof. Cabdiwahaab ayaa wareysi uu bixiyey maalin ka hor wuxuu ku sheegay in Rooble uu iska cafinayo hadii uu u cadeeyo inuu ku lug lahaa kiiskaas ama uu ugu dhaarto in uusan soo maleegin qorshihii lagu afduubtay, xilli uu dhex marayey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

    The post Fiqi oo Rooble ka difaacay kiis afduub ah oo lagu eedeeyey appeared first on Caasimada Online.


  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axadii toddobaadkan safarkiisii ugu horreeyey ugu ambabaxay dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta, xili uu isbedel ka dhacay dalka.

    Madaxweynaha iyo wafdigiisa uu hoggaaminayo ayaa waxaa dalkaas ku soo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, oo uu ka mid yahay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan.

    Safarkaan ayaa imanaya kadib markii uu madaxweynaha casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Isu-Tegga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey dadaal xoogan ku bixineysay siyaasadda Soomaaliya, si ay ugu dhawaato dowladda cusub.

    Sidoo kale waxa Madaxweynaha horey casuumaad rasmi ah ugu fidiyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Turkiga, Kenya iyo Jabuuti oo la filayo inuu mar uun safaro ku tegi doono.

    Haddaba, Maxay ka dhigan tahay in madaxweyne Xasan uu safarkiisi u horeeyo ku tago dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta?

    Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray baaralamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in safarka Imaaraadka uu ku tagay madaxweyne Xasan uu yahay ka dhabeynta hal-ku-dhigiisa siyaasadeed ee dalka, kaasi oo ahaa Soomaali Heshiis ah oo Dunida Heshiis la ah.

    Dalxa ayaa xusay in Imaaraadka uu kamid ahaa dalal xiriirkooda Soomaaliya uu mugdi badan ku gadaamna sanadihii lasoo dhaafay, sidaas darteedna uu madaxweynaha muhiimad gaar ah u siiyay, taasi oo ka dhigtay in safarkiisa u horeeya uu ku tago Imaaraadka.

    “Imaaraadka 5-tii sano ee dalka madaxweynaha ka ahaa Farmaajo xiriirkooda ma waangsaneyn, marka waxa uu ka turjumaya (safarkiisu) in madaxweyne Xasan uu ka dhabeynayo ballan-qaadkiisi oo uu doonayo in uu ka dhabeeyo hagaajinta xiriirka dalalka dibedda,” ayuu yiri.

    Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Madaxweynaha tallaabada uu qaaday waxay ka turjumaysa dad heshiis ah oo adduunkana heshiis la ah.”

    Dalxa ayaa ku bogaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siyaasadda uu ku wajahayo arrimaha dibedda iyo in xiriir wanaagsan lala yeesho dalalka caalamka, oo sanadihii dambe la kala soo dhaweystay.

    The post Maxay ka dhigan tahay in madaxweyne Xasan uu safarkiisi u horeeyo ku tago Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.


  16. Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa markii u horeysay sheegay in Afrika “ay la-heyste” u tahay dagaal ay kula jiraan Ruushka, kaas oo sababay sare u kaca qiimaha cuntada ee qaaradda Afrika.

    Wadamada Afrika waxaa si weyn u saameeyay dhibaatada sii kordheysa ee keentay in qiimaha raashinka, Saliidda, Shidaalka iyo Bacriminta ay sare u kacaan.

    Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saara ku dhawaad saddex meelood meel ka mid ah sahayda qamadiga adduunka, halka Ruushku sidoo kale yahay dalka adduunka ugu badan ee dhoofiya bacriminta iyadoo Ukraine ay tahay dalka dhoofinta ugu weyn ee saliidda galleyda.

    Khudbad uu u jeediyay madaxda Midowga Afrika ayuu Zelensky ku sheegay in qaaradda ay la soo gudboonaatay xaalad adag.

    “(Anigu) waxaan idin kula hadlayaa xaalad degdeg ah, marka aan dagaal ku jirnno. Xaalad degdeg ah oo adduunka oo dhan ah, sidaa darteed Afrika dhab ahaantii waa la hayste. Waxay u afduuban tahay kuwii bilaabay dagaalka ka dhanka ah dawladnimadeenna,” ayuu Zelenskiy ku yiri khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay Golaha Midowga Afrika.

    “Dagaalkani waxa uu u ekaan karaa mid aad idin kaga fog adinka iyo wadamadaadaba. Laakiin qiimaha cunnada ee si weyn u kacay ayaa mar horeba musiibada u keentay malaayiin qoys oo Afrikan ah.” ayuu raaciyay Zelenskiy.

    Moscow ayaa diidday eedaymaha loo soo jeediyay ee ahaa inay si ula kac ah u xannibayso dhoofinta raashinka ee Ukraine waxayna sheegtay in qiimaha cuntada iyo shidaalka ee caalamka uu sare u kacay ay sabab u tahay cunaqabataynta reer galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka.

    Horraantii bishii June, madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa sheegay in Vladimir Putin uu u sheegay inuu diyaar u yahay inuu awood u yeesho dhoofinta qamadiga Ukraine, si loo yareeyo dhibaatada cuntada adduunka oo si adag u saamaysay Afrika.

    The post AFRIKA oo la hayste u noqotay dagaalka Ukraine iyo Ruushka appeared first on Caasimada Online.