-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Wasiir ku-xigeenka Caafimaadku ee Xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday, damiir xumadiisu waa ninka lacagtii ugu badnayd ku bixiyey xafiis hore u qalabaysanaa, iyada oo dadku ku geeriyoonayaan Dhakhtarka weyn ee Hargeysa, oo dhawr tallaabo u jira Madaxtooyada. Wasiir ku-xigeenka, haddii aad damiir leedahay bal xisaabi xafiiska aan qalabka u baahnayn ee aad lacagta badan gelisay, imisa bukaan ah ayey wax u tari lahayd, haddii cid masuuliyad darro samaysay cidda samaysay waa adiga ee haddii aad damqasho iyo damiir jiro is casil oo Xilkii umada laguugu dhiibay waad ku fashilantay. Xoghayaha Cadaaladda Ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo. Mudane Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo labada shacab ee walaalalaha. Safiirka cusub ee Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda sharafta leh ayaa sheegay inuu ka shqeyn doono xoojinta xariirka labada dal. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda, wuxuuna dhanka kale ugu hambalyeeyey dowladda Qatar sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Mudane Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo xalay ka qayb-galayey xaflad lagu caleema saarayey golaha deegaanka Dhuusamareeb ayaa weerarka afka ah ku qaaday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ku sugnaa goobta ay ka socotay munaasabadda. Taardhuleed ayaa shaaca ka qaaday in wasiir Fiqi ay haatan tabasho ka tirsanayaan reer Galmdudug, gaar ahaan shacabka ku nool magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. “Wasiir Fiqi dadka deegaankan jooga ee reer Galmudug, gaar ahaan dadka degan Dhuusamareeb iyo Guriceel waxay kaa tabanayaan wax jirtay maalintaas door aad ka qaadatay, haddii dadka halkan jooga ay ku yiraahdaan adoo Shabaab kula jira dagaal Shabaab in lala diriraa ma banaana waa dareemi kartaa mas’uuliyadda ku taabaneyso, anigu qof sideedaba qoray sidata ama Shabaab ha ahaato, ama Ahlu Sunna ha ahaato Ama Ictisaam ha ahaato nin qoray sita oo raba inuu xoog wax ku raadiyo dhiigga Ummadda baneysto aniga waa isuku key mid,” ayuu yiri Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed). Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inuu ku lug lahaa dagaalkii Gurceel ee u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug, isaga oo ka dalbaday inuu caddeeyo doorkii uu ku lahaa “Wasiirka waxaan uga fadhinaa doorkii uu ku lahaa dagaalkii ka dhacay Guriceel inuu meeshaan ka caddeeyo,” ayuu markale yiri Taardhuleed. Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa u jawaabay Taardhuleed, wuxuuna sheegay in muddo 4 maalin ah uu joogo Dhuusamareeb, islamarkaana ay usoo gar-dhigan karay qof kasta oo tabasho ah. “Dad badan ayaa waxa ay igu yaqaanaa nin wax iska celiya, laakiin goob walbaaba hadalkeeda ayey leedahay. Aniga afar beri-baan joogay ninkii gar ii heysta waa ii gar dhigan karay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Fiqi ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey “Gogosha Cabdiraxmaan lagu caleema saarayo ma rabo inaan garta ku galo, aad iyo aad ayaana u mahadsan tihiin,”. Si kastaba, hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay weerarka tooska ee Taardhuleed uu ku qaaday Fiqi, iyada oo si aad loogu faafiyey baraha bulshada ay ku wada xiriirto Internet-ka. The post Taardhuleed oo weerar culus ku qaaday wasiir Axmed Fiqi iyo JAWAABTA la siiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaan rabaa inaan qoraalkan wax yar kaga hadlo dhaqan si baahsan bulshada reer Puntland uga hirgalay. Waa dhaqan keenaya waxyeello, dib u dhac, hoggaan xumo, isla xisaabtan la’aan iyo inaan shakhsigu ma’suuliyadda saaran qaadan ama garowsanba. Waa dhaqan saameyn weyn bulshada ku yeeshay oo ku salaysan habdhaqan iyo sida dadka dareenkiisa iyo fikirkiisu u qaabmay kaas oo ah: ‘dadku yuu ku eersane, arag, maqal oo afkaaga xiro’ (see no evil, hear no evil, say no evil). Bal aynnu wax iska weydiinno dhibaatooyinka iyo dib u dhaca uu dhaqanka noocaas ahi bulshada maanta iyo jiilasha dambeba u horseedi karo. Dhibta dadka qaarkiis u muuqata ee dhaqanka noocaan ahi bulshada ku hayo waxa weeye inay adagtahay amaba suurtagal ahayn in wax la saxo oo isbeddel yimaaddo waayo cidna wax looma sheegi karo. Taas oo macnaheedu yahay inaan dadku ku dhiirran karin inay ka hadlaan waxa danta guudi ku jirto ama bulshada waxtar u leh. Aniga waxay ila tahay in arrintani ku salaysantahay CABSI (FEAR) ha ahaato mid run ah oo dadku arkeen ama mid shakhsi ahaan iyo bulshadu guud ahaanba iska aamineen inay jirto. Cabsidu waxay noqon kartaa mid la xiriirta ammaanka shakhsiga ama bulshada uu ku dhex noolyahay amaba waxay noqon kartaa mid loo arko in dano gaara lagu waayayo haddii wax la saxo ama isbeddel yimaaddo. Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba waxa ugu weyn ee ay adeegyada ay dadweynaha u bixiyaan ku saxaan ama waxa kaga beddelaan hawlahooda waxaa ugu horreeya in shacabka la dhegeysto lana tix geliyo aragtiyahooda. Sidoo kale, shaqaalaha hawl-wadeennada ahi inay iyaga dhexdoodu ku dhiirran karaan inay isa-saxaan iyadoon dantaada ilaasho, shakhsi nacayb iyo jifo qof ka soo jeedo aan laga duulayn. Marar qaarkood waxay hawsha la qabanayo iyo adeeg la bixinayaa ku dayacmaan ama wax ka dheefidda adeegayadu ku yaraataa waa tayada hawl-wadeennada, is-xilqaanka iyo wax ogaanshaha jiraa intuu le’egyahay. Haddaba, maxaa dhacaya haddaan waxba la sixi karin? Waa maxay cawaaqibkeennu haddii aynaan ku dhiirran karin inaynnu ka hadalno wax khaldan ama wax la toosin karo. Maxaa isbeddelaya haddii aynaan ka hadlin sida lagu dhaqmo si dhaantaa inay jiri karto oo dadka uga faa’iido roon iyo wax qabadka wanaagsan ee horumarka keeni kara? Dhaqankan foosha xumi wuxuu ku salaysanyahay waxaa weeye haddii la isku dayo in wax la saxo waxaa la dhaawacayaa ama wax loo dhimayaa shakhsi ama jifadiisa. Waa waxa afka qalaad lagu yiraahdo ‘ego’. Haddaba, goormaa laga gudbayaa hal ku dhigyada ah: ‘War meeshaan la iskama hadlo’ ‘Hoy afkaaga xiro’ ‘Waad uga sii daraysaa’ iyo ‘Waxaa lagu dhahayaa reer baa duullaan lagu yahay’? Tusaale, ahaan maalintii Isniinta – 21/11/2022, waxay ahayd maalinta barayaashaa ama macallimiinta Soomaaliyeed la xuso. Xusiddu waa inay tahay mid macno ku fadhida oo bulshadu dareensantahay, ardaydana loo sameeyo barnaamijyo iyo qoraallo muuqaal ah oo ay barayaashooda ku xusuustaan inay xurmeeyaan ayna yihiin kuwa iftiinka u ah aqoonta iyo waxbarashada ay ku horumari doonaan. Bulshaduna aysan jiri karin haddaan la helin aqoon iyo cid dadka u gudbisa. Sidoo kalena, in maalintaasi tahay mid barayaasha/macallimiinta lagu xusuusinayo waajibaadkooda iyo kaalinta aasaasiga ah ee ay ka qaataan horumarka bulshada. ‘AQOON LA’AANI WAA IFTIIN LA’AANE’ Haddaba waxaa is-weydiin leh in sida bisha Soonfur loo sugo inay dhalato, in galabnimadii dambe ee Axadda dugsiyada iyo goobaha waxbarashada lagu wargeliyay inay xiraan dugsiyada maalinta Isniinta ah si loo xuso. Ma la is-weydiiyay inta arday oo masaakiin ah oo nolosha la daalaa dhacaya oo bajaaj lacag ama baabuur ku soo raacay ama lug ku yimid oo iskuulladii oo xiran subaxnimadii soo hor-istaagay? Ma la is-weydiiyay inta subaxnimadii hore dugsi-aadis u toosay oo labbis iyo canjeelo loo diyaariyay iyaga iyo waalidkood oo aan ka warqabin in dugsiyadii xiranyihiin? Miyaan la awoodin in toddobaad, dhowr maalmood, laba maalmood ama hal maalin ka hor wareegtadaasi soo baxdo si ardayda iyo waalidiintooda horay loogu sii sheego? Haddii la moodayo in qoys kasta iyo ilmo kastaa internet, mobile iyo Facebook leeyahay ama markiiba war la dhigay baraha internetka arkayaan, boqolaal baan guryahooda nal ka bixin bal internet iyo mobile iska daaye! Waxaan arrintan u xusay waxaa weeye, waxaa igu adkaatay inaan ‘arko, maqlo, afkana xirto’ in kasta oo la igula taliyay inaan ku dhaqmo sidaas! Waxayna iga tahay wax sixid iyo in sanadka dambe sidan si dhaanta wax u dhacaan haddii Eebbe idmo! Soomalidu midhaa sideedaba run sheegga iyo wax is-weydiinta dhaqan iyo caado uma laha mana jecla sida maahmaahdani muujinayso: ‘Run sheeg waa balo sheeg’ Waxaa xaqiiqo ah inaan dhaqanka ah: “Arag, maqal oo afkaaga xiro” cidna dan u ahayn, caano lagu maalayn, cawsna ku baxayn’. Sida caqligu ku jiraa waxaa weeye in wax la isku sheego wixii la sixi karana la saxo iyada oo la is-xurmaynayo, coolaad, cabsi-gelin iyo af-lagaadho toonna la adeegsan. Ujeeddaduna ay tahay wax toosin iyo ka shaqaynta danta guud ee bulshada oo jiritaankeeda iyo horumarkeedu ku tiirsan yihiim. (Constructive criticism). Qore: Ruqiyo Aw-Maxamed Faarax The post DADKU YUU KU EERSANE: ARAG, MAQAL OO AFKANA XIRO appeared first on Puntland Post.
-
Qaraxyo isxigxigay ayaa maanta ka dhacay Boosteejo basaska laga raaco magaalada Jerusalem ee daanta galbeed ee dhulka reer Falastiin ee Yuhuuddu degan tahay, qaraxyada ayaa waxaa wax ku noqday ilaa 15 ruux sida laga soo xigtay laamaha amniga iyo isbitaallada lagula tacaalayo. Dadka wax ku noqday qaraxyada ayaa waxaa laba kamd ah ay xaaladdoodu tahay mid aad u adag marka laga tixraaxo sida ay baahiyeen Booliiska Israel, Sawir qaade ka tirsan wakaalada wararka ee AFP oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxu uu dalool ka galay dayr bir ah oo ka danbeyay boosteejada. Bambaanooyinka ayaa lagu weeraray laba boosteejo oo basaska laga raaco oo masaafo yar u jirta duleedka magaalada Qudus waxaana maalmihii dambe soo badanayay rabshada ka dhacaya dhulka la heysto ee daanta Galbeed, ciidamada Yuhuudda ayaa marar badan bartimaameedsay shacabka Falastiin. Laamaha amniga iyo ilaa iyo hadda kama hadal cidda ka dambeysay weerarrada lagu qaaday Boosteejoojinka laga raaco gawaarida, halkaas oo laba Bambaano, kuwaas oo ita la xaqiijiyay ay ku dhaawacmeen 15 ruux, waxaana lasoo warinayaa in laba dhaawacyadaas kamid ah ay xaaladdoodu adag tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey miisaaniyadda 2023 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, Xisaabiyaha guud iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda Dawladda ee 2023. Miisaaniyadda sannadkaan 2023 ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar). Kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore, waxayna ka kooban tahay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawladda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawladda. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen. PUNTLAND POST The post Guddiga Dhaqaalaha Baarlamanka Puntland oo la kulmay Wasiirka Maaliyada appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray. Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka looga qaaday Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, ayada oo madaxweynaha uu jagadaas u magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac. “Xasan Axmed Aadan, Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud, Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawl-karnimadii aad muujisay mudadii aad haysay xilka,” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland oo ahaa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aare, isaga oo xilkaas u magacaabay Aamina Cilmi Fariid Badeed. Waa xil ka qaadistii ugu horeysay uu sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi tan iyo 13-kii November 2022 oo ku beegneyd muddo xileedka rasmiga ah ee Madaxweynaha, sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland. Somaliland ayaa waxaa weli ka taagan muran siyaasadeed la xiriira doorashooyinka iyo xisbiyada, xili Golaha Guurtida ay muddo kordhin laba sano ah u sameeyeen madaxweyne Biixi, taasi oo ay qaadaceen xisbiyada mucaaridka. The post Muuse Biixi oo sameeyay magacaabis iyo xil ka qaadis appeared first on Caasimada Online.
-
Dhulgariir aad u xoogan ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhuftay dalka Turkiga, kaas oo geystay khasaare soo gaaray dad shacab ah, sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Golyaka ee gobolka Duzce ee Waqooyi Galbeed Turkiga. Waxaa cabirkiisa lagu sheegay 5.9, kaas oo ka hooseeya sida horay loo saadaaliyay inuu dhici karo dhulgariir cabirkiisu yahay 6.1, dhulgariirka ayaa ku dhuftay magaalo 170km u jirta magaalada Istanbuul oo ah magaalada ugu weyne. Wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in 35 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 32 ka mid ah ku dhaawacmeen degmada Duzce, mid Istanbul ah iyo labada kale ee gobollada u dhow ee Bolu iyo Zonguldak. Mid kamid ah dadka ku suga gobolka Duzce ee uu dhulgariirku ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay ku soo kaceen jugta dhulgariirka ka dhacay maanta “Waxaa kusoo toosnay sawaxan iyo gariir weyn” sida uu yiri . Gobolka Duzce ayaa waxaa lagu xasuustaa in ay ahayd goobtii uu ku dhiftay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.4 sanadkii 1999-kii oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Turkiga tobannaan sano, waxaana ka dhashay khasaare badan oo shacabka gaaray. Dhulgariirkaas yaa dilay in ka badan 17 kun oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad 1000 kun qof oo ku dhintay Istanbul, oo ah magaalo xeebeed, waxaa ka taagan xaalad cabsi ah ay muujinayaan dadka shacabka oo digniino ay soo gaarayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken ayaa shalay kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed dadaallada loogu jiro sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa Waqooyiga Itoobiya, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Xoghaye Blinken ayaa qiray dadaalka ay dowlada Itoobiya sii wado ee ay kaga shaqaynayso gargaarka bini’aadantinimo ee aan la hagardaameyn iyo soo celinta adeegyada aasaasiga ah ee gobolka Tigray iyo sidoo kale gobolada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada. Blinken ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si deg deg ah loo dhaqan galiyo heshiiskii xabbad-jooginta ahaa oo ay ku jiraan in laga saaro dhammaan ciidamada shisheeye iyo in isku mar hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada Tigreega. Waxa uu xusay in Mareykanka ay weli ka go’an tahay taageeridda hannaanka Midowga Afrika uu hoggaamiyo, oo ay ku jirto habka kormeerka iyo xaqiijinta Midowga Afrika. Source
-
(SLT-Alberta)-Ciidamada booliska gobolka Alberta ayaa sheegay inay ku raad joogaan nin la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo Somalia, waxaana ciidamadu madixiisa dul dhigeen 50,000 oo dollar. Ninkaan ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa weerar bilowgii sannadkaan lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku talla magaalada Edmonton, weerarkaas oo lagu dilay hal qof afar kalana lagu dhaawacay. Ninka Soomaaliga asalkiisu yahay ee loo heysto falkan oo magaciisa lagu sheegay Siciid Cismaan ayaa la soo sheegayaa in qorshaha weerarka uu ahaa in la dilo 10 qof oo u dhashay dalkaasi Canada, walow hal qof oo kaliya uu geeriyooday. Dadka weerarka soo qaaday oo afar qof ahaa, waxaa hore loosoo qabtay laba kamid ah, iyadoo xoggaha ay sheegayaan in raggaasi gacanta lagu dhigay ay soo hoggaansanaayeen ninkan Soomaaliga oo wali gacanta hay’adaha ammaanka dalkaasi ka maqan. Source
-
(SLT-Istanbul)-Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhuftay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 35 qof. Dhulgariirkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) dhanka bari kaga beegan magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalkaas, halkaas oo si xooggan looga dareemay. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa 5.9 — taas oo ka hooseeya qiyaastii 6.1 ee ay bixisay hay’adda Sahanka Juquraafi ee Maraykanka. Waxa uu ka dhacay degmada Golyaka ee gobolka Duzce, inkastoo uu sidoo kale uu ruxay magaalooyin kale oo u dhow. “Waxaa kusoo toosnay sawaxan iyo gariir weyn,” ayay AFP u sheegtay Fatma Colak oo degan Duzce. “Waxaan kasoo baxnay guryahayagii annagoo argagaxsan, hadda waxaan ku suganahay bannaanka.” ayay raacisay. Wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in 35 qof ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo 32 ka mid ah ku dhaawacmeen degmada Duzce, mid Istanbul ah iyo labada kale ee gobollada u dhow ee Bolu iyo Zonguldak. Turkigu ayaa ku yaalla mid ka mid ah goobaha ay ugu badan yihiin dhulgariirka adduunka. Duzce ayaa ahayd goobtii uu ku dhuftay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.4 sanadkii 1999-kii – oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Turkiga tobannaan sanno. Dhulgariirkaas yaa dilay in ka badan 17 kun oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad kun qof oo ku dhintay Istanbul. Source
-
(SLT-Washington)-Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa salaasadii shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada. Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sanno ah oo, ay ku jirto afarti sanno ee uu madaxweynaha ahaa. Trump ayaa dhammaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baadhitaanka canshuur celinta Trump. Go’aanka Maxkamadda Sare ee shalay ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii saddexaad ee kasoo wajahda Maxkamadda Sare sanadkaan oo kaliyah. Wali wax falcelin ah kama soo bixin dhanka Trump. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Dekadda Muqdisho ayaa adkeeyay muhiimadda dardargelinta hawlaha shaqo ee Dekadda si kor loogu qaado dakhliga dowladda. Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Dekadda ee loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna faray hawl-wadeennada in iyaga oo ilaalinaya qaanuunka dowladnimada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed, loona fududeeyo adeegyada uga xiran Dekadda. Madaxweynaha ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in shada ay bulshada u haayaan ay labajibaaraan, lana hubiyo waxa kasoo degaya Dekagada magaalada Muqdisho “Wax kasto oo shaqo ah sidii loo qaban jiray waa in si ka duwan loo sameeyo si aan u helno wax ka wanaagsan waxa aan heysano” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay muhiimadda ay ilaha wax soo saarku u leeyihiin dowladnimada ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha Dekadda Muqdisho in ay dardargeliyaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan kobciyo dakhliga wax soo saar ee dalka. Dhankooda, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdullahi Axmed Jamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Sadaam Maxamuud iyo Maareeyaha Dekadda ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee Dekadda iyo qorshaha hortebinta u leh ee ay doonayaan in ay ku horumariyaan hawlaha Dekadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhuftay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 35 qof. Dhulgariirkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) dhanka bari kaga beegan magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalkaas, halkaas oo si xooggan looga dareemay. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa 5.9 — taas oo ka hooseeya qiyaastii 6.1 ee ay bixisay hay’adda Sahanka Juquraafi ee Maraykanka. Waxa uu ka dhacay degmada Golyaka ee gobolka Duzce, inkastoo uu sidoo kale uu ruxay magaalooyin kale oo u dhow. PUNTLAND POST The post Khasaaraha ka dhashay dhul gariir ka dhacay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Boqorka dalka Morocco ayaa marti-qaad u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wakaaladda Rasmiga ah ee Wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa saaka tebisay warkaas. Wasiirka Dhallinyarada, Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morocco ayaa warqadda Marti-qaadka soo gaarsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya. Wasiirka Dhallinyarada, dhaqanka iyo Isgaarsiinta Boqortooyada Morocco ayaa sidoo kale la kulmay dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Boqorka dalka Morocco oo marti-qaad u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Cristiano Ronaldo will leave Manchester United “with immediate effect”, the Premier League club said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa la kulmay Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed ee gaarka loo leeyahay, tan Caalamiga iyo midda Dowladda oo uu kala hadlay doorka warfaafintu ay ku leedahay dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo ka wacyi gelinta bulshada dhibaatooyinka fikradaha xagjirka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda warbaahinta warbixin ku saabsan wixii Xukuumadda DanQaran u qabsoomay 100-kii maalmood ee la soo dhaafay iyo qorshaha dib u xoreynta dalka iyo howlgallada Al-shabaab ka dhanka ah ee shacabka iyo ciidamada Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaanno badan ay ku sugnaayeen . Mudane Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu qirsan tahay ahmiyadda ay leedahay warbaahin xor ah, xilkas ah oo dadkana ugu adeegta si masuuliyad ku jirto, isaga oo ku ammaanay dadaalka iyo xaaladaha khalafsan ee ay ku soo shaqeeyeen, isla markaana ku dhiirigeliyey in maanta oo dalku halgan adag ku jirana loo baahan yahay in warbaahintu ay qeybteeda ka qaadato badbaadinta jiritaanka umadda Soomaaliyeed. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Daud Aweys Jaamac, Xildhibaan Maxamed Ibrahim Macalimow iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jiraan howlgalloa ay wadaan ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ee ku sugan gobollada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
