Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta Gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Gobalka Nugaal iyo howlgalada socda. Kulanka waxaa ka qayb galay taliyaha saldhiga Garoonka Diyaaradaha Garowe G/sare Axmed Cabdi Xirsi Jeego iyo Taliyaasha saldhigyada magaalada. Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saaray xoojinta amniga Caasimada Puntland iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen daafaha Magaalada, laguna Xoojinaayay ka hortagista falalka Gurucan,ladaalanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo Argagixisada si looga hortago. Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in muhiim ay tahay xoojinta amniga dalka, isla markaana looga hortago falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca, si wada jir ah waxa kaloo warbxiin ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan kuwaas oo warbixin dhameestiran ka dhiibay amniga Gobalka Nugaal. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Nugaal oo xoojinaya La-dagaallanka Ka Ganacsiga Maandooriyaha appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa shalay lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre. Shirka ayaa waxaa guddoominayay Wasiirka Qorsheynta, Mudane Hon.Mohamud Abdirahman Beenebeene, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirrada ay Wasaaradahoodu tiirka u yihiin dhaqaalaha iyo Wax soosaarka gudaha Waxaa shirka qeyb ka ah Wasiirradaha Qorsheynta, Maaliyadda, Ganacsiga, Xannaanada Xoolaha, iyo Duulista Hawada, waxaana looga hadlay ganacsiga iyo maal-gashiga. Sidoo kalana lagu dhiirrigeliyay howlaha mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, oo ay intooda badan hormuud ka tahay Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda. Waxaa kale oo kulanka diiradda lagu saaray u diyaar garowga shirka caalamiga Maal-gashiga Soomaaliyeed ee dhici doonta 28-ka illaa 29-ka bishaan, bandhigaas oo lagu qaban doono Muqdisho, islamarkaana muhiim u ah horumarka dhaqaalaha dalka. Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa isla gartay in la dar-dar geliyo howlaha horumarineed ee lagu xoojinaayo kororka dhaqaalaha, sidoo kalana laga shaqeeyo qabsoomidda Shirka dhammaadka bishaan, ee muhiimadda weyn ugu fadhiya Maalgashiga iyo Mashaariicda horumarineed ee dalka. The post DF oo shaacisay shir muhiim u ah Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya 28-ka bisha appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (Commentary) — One week after the UN Security Council renewed the armed embargo on Somalia, many Somalis wonder why successive Somali federal governments’ pleas to lift the arms embargo have fallen on deaf ears. Kenya and the United Arab Emirates, two countries involved in the opaque, rival security apparatuses of Somalia, votes against lifting of the embargo. Supplying militias with arms from government armouries, contrary to what the Somalia National Security Advisor Hussein Sheikh said recently, points to the risk of reviving intra-clan hostilities as shown by the subclan-feuding in Middle Shabelle region, putatively President Hassan Sheikh Mohamud’s constituency. That the Federal Government of Somalia adopted a controversial policy to use clan militias in the fight against Al-shabaab, a policy supported by the United States, which supported warlords in 2006 before the emergence of the Union of Islamic Courts, leaves no one in doubt that Somalia is long way from forming an inclusive national army. Security experts in Somalia are alarmed by dormant hostilities that will come to fore once militias return to their fiefdoms. Some clans are complaining of not receiving more logistical support and ammunition from the government. The assumption that rag-rag militias can fight a well-established and proscribed outfit that terrorised Somalis for more than a decade is, on one hand, based on the thinking that more weapons for locals could force Al-shabaab to flee from areas they control, and the view that armed clan militias are preferable to a terrorist organisation on the other. Since 2018 the United Arab Emirates has sent light weapons and armoured cars to different entities in Somalia. This policy lays the groundwork for a destabilising policy that can undermine modest progress made on state-building in Somalia. Federal Member States will grapple with competing forces driven by opposing agendas. Ten years ago, President Hassan Sheikh Mohamud was hailed as a peace-builder on account of his background in the post-conflict education sector. A decade after he was first elected a President in an indirect election similar to the 2022 one, his decision to empower clan militias serve not the interests of Somalia. It keeps Somalia in perpetual dependency on African peace-keeping forces. Somalis, it seems, have missed another stabilisation opportunity. The Author of this article was a senior NISA officer between 2014-2018. The post Reviving Clan Militias Poses Security Threats to Somalia appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay sababta ay u hakadeen dagaalladii ku furnaa kooxda Al-shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee dalka. Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dagaalku uusan xabad kaliya aheyn, balse ay jiraan xeelado kale oo dowladdu ay isticmaaleyso. Wasiirka oo wareysigaan siiyey BBC TV ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay la wareegto hoggaaminta dagaalka oo markii hore ay ku biritaareysay shacabka hubka qaatay ee kacdoonka sameeyey. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay jiraan xeelado kale oo dagaalka ay dowladdu u adeegsaneyso, kuwaas oo sheegidooda uu ka gaabsaday. Deegaanadii laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayuu sheegay in dowladdu ay ku howlantahay sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa ka hadlay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku maray furimaha dagaalka ee gobollada dhexe, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu yahay hoggaamiyaha dagaalka, isla markaana booqashadaas ay qeyb ka tahay qorshaha socda ee dagaalka. Wasiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay fursadaan ka faa’iidaysataan oo dagaalka ay ka qeyb qaataan, si durba looga guuleysto kooxda Al-shabaab. Ugu dambeyntii wasiirka gaashaandhigga wuxuu balan qaaday in dhawaan ay dowladdu ku dhaqaaqi doonto qorshaheeda dagaalka, iyadoo si rasmi ah hoggaanka ugu qabaneysa xoogagga deegaanka iyo ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira Al-shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo ka hadashay hakadka ku yimid dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Telefishin cusub oo si gaar ah u tebi doona dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxaha xagjirka ah. Telefishinkaan magaciisu uu noqonayo SNTV Daljir ayaa sidoo kale diiradda saari doona ka shaqeynta arrimaha khuseeya horumarka Soomaaliya iyo guulaha ciidanka qaranku ay ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah. Madaxweynaha ayaa maanta ku dhawaaqay in Telefishinkaan cusub uu qaada doono doorka tebintaas u gaarka ah dagaalka, horumarka dalka iyo caqiidada suuban, si meesha looga saaro afkaaraha xagjirka ah. Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyey inay u soo jeestaan hormarinta dalkooda, “Aduunyadii waa naga tagtay ee aan ka daba tagno, TV-gaan ayaad hadda kadib kala soca doontaan hormarka dalka iyo arrimaha dagaalka,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dunidu ay hormar badan sameysan sanadihii ay burbursaneed Soomaaliya, caqabadaha ay dadka Soomaaliyeed ka gudbi waayeen ayuu sheegay inay ugu horeeyaan Al-Shabaab. “Weli dabar ayaa nagu xiran, Shabaabka ayaa naloo adeegsaday, waana iska diidnay waxa ay wadaan, waana ka guuleysaneynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jaray SNTV 2 Daljir. Hoos ka daawo The post Daawo: Muxuu ka shaqeynayaa TV-ga cusub ee Xasan Sheekh uu maanta furay? appeared first on Caasimada Online.
  6. PRESS RELEASE Multimillion-dollar boost for small business as more African countries join MultiChoice Africa Accelerator Programme Many more small businesses in Africa’s technology sector now have the chance to benefit from the 2023 programme Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, November 23, 2022/ — Following the success of the MultiChoice (www.MultiChoice.com) Africa Accelerator (https://bit.ly/3OtthRz) Programme, which secured $16 million (USD) of funding for six emerging businesses last year, the programme has been expanded to eight more countries across Africa. Many more small businesses in Africa’s technology sector now have the chance to benefit from the 2023 programme, which provides the skills and opportunities needed to attract transformative business funding. “We’re really excited to be expanding the MultiChoice Africa Accelerator Programme to more African countries,” said Calvo Mawela, MultiChoice Group CEO, announcing the launch. “It’s part of our long-term commitment to growing and multiplying Africa’s technology potential, which is critical to our future growth.” The MultiChoice Africa Accelerator Programme, which kicked off during Global Entrepreneurship Week, is aimed at established start-ups and small enterprises in specific technology sectors – healthtech, agritech, fintech, edutech, the circular economy and the creative industries. “There is such incredible business talent across Africa,” said Mawela. “MultiChoice Africa Accelerator is an opportunity for investors and small enterprise to collaborate to multiply the impact of this talent and scale it across Africa.” Having started in South Africa in 2021, the MultiChoice Africa Accelerator is expanding to Ivory Coast, Senegal, Nigeria, Ghana, Kenya, Zambia, Angola and Ethiopia. The initiative equips emerging entrepreneurs to secure funding and scale up their businesses, and also provides opportunities to pitch to international investors. African Development Bank President Dr Akinwumi Adesina has previously noted (https://bit.ly/3U0gRSu) that, “the private sector is Africa’s growth accelerator”, and severa (https://MSEA.go.ke) African (https://SMEDAN.gov.ng) nations (http://www.DSBD.gov.za) have backed small-business development as part of their economic strategy. The MultiChoice Africa Accelerator dovetails with these development objectives. The MultiChoice Africa Accelerator Programme is an initiative of the MultiChoice Innovation Fund, in collaboration with Dubai-based business incubator Companies Creating Change (C3) (https://www.WeGrowwithc3.com), which gives entrepreneurs access to the tools, skills and financial support to grow their business. MultiChoice has also partnered with EOH, a tech services company who will bring their expertise to the table especially in terms of tech advisory, development sprint and technical support. The first phase of the MultiChoice Africa Accelerator Programme sees public and private-sector partners in each country nominating businesses or entrepreneurs for the programme. From there, 29 of the start-ups embark on an intensive virtual training course. The initiative is aimed at established businesses that are already operating and looking to scale up by attracting further investment. “Start-up founders get to learn everything from how to properly research your business sector and your market, to how to create a niche for your business,” says Boitumelo Monageng, of Swypa, one of last year’s finalists. “During the workshops we were encouraged to dig deeper and I realised that we have the potential to compete on a much larger scale.” The virtual training course takes place over several weeks, teaching start-up owners media skills, how best to market their businesses to investors, how to create attractive business plans, and to know what investors are looking for. Later, the entrepreneurs will come together at a finals event, where 11 start-ups will be selected for the final pitch phase. They will attend a dedicated C3 boot camp to learn how to shape their story for international investors, and to get “pitch ready” before their big presentations. “We believe SMEs in the technology, sustainability and creative sectors will be fundamental to the next phase of Africa’s growth,” says Mawela. “The MultiChoice Africa Accelerator is geared to finding the most promising start-ups, and empowering them to play this critical role.” SOURCE MultiChoice Group Qaran News
  7. Nin hubeysan ayaa ilaa 10 qof ku dilay dukaan ku yaalla Chesapeake, ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen. Nin la rumeysan yahay in uu ahaa maamulaha tukaanka ayaa rasaas ku furay dadkii halkaas ku sugnaa kadibna waa uu is dilay. Maamulka magaalada Chesapeake ayaa bartooda twitterka ku soo qoray “boolisku waxay xaqiijinayaan dhacdo dhimasho sababtay oo ka dhacday tukaanka Walmart”. Weli faahfaahin dheeraad ah kama aysan soo bixinin, balse sarkaal ka tirsan booliiska oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in dad aan ka badneyn 10 qof lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay. Senatar ka tirsan gobolka Virginia Louise Lucas ayaa sheegay inay “gabi ahaanba aad uga niyad jabtay” waxa ay ku tilmaantay “Toogashadii ugu dambaysay ee Maraykanka”. Waxay ku dartay: “Ma nasan doono ilaa aan helno xal lagu soo afjarayo rabshadaha hubaysan ee dalkeena ku soo badanaya”. Source
  8. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay barnaamijka taageerada dadka jilicsan ee abaaruhu samaayeen, kaas oo ay maalgalinayaan dowladaha Maraykanka iyo Britain oo lagu abuurayo shaqooyin dadka kasoo barakacay abaaraha. Mashruucan oo socon doona muddo 5 sanno ah, waxaa ujeedkiisu yahay in la hormariyo nolosha dadka nugul ee ku nool miyiga iyo magaalooyinka iyadoo sare loo qaadayo koboca dhaqaalaha bulshadada Soomaaliyeed ee danyarta ah. Mashruuca waxaa maal-gelinaya heyadaha USAID iyo UKAID, waxuuna ka koobanyahay, Awoodsiinta iyo taageerada dhallinyarada, Dhiirrigelinta wax soosaarka gudaha, Kobcinta dhaqaalaha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in maashruucan wax-wayn tari doono bulshada nugul ee Soomaaliyeed, sidaa darted loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan, si shan sanno kadib ay uga maarmi karaan hay’adaha taakuleeya oo ayna gaaraan isku filnaansho ay sare ugu qaadi karaan waxsoosaarkoda. Waxa daah-furka barnaamijkan ka qayb galay Wasiiradda Qorshaynta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Safiirka Maraykanka, Safiir ku Xigeenka Britain iyo madaxa Hay’adda USAID. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay barnaamijka taageerada dadka jilicsan ee abaaruhu samaayeen, kaas oo ay maalgalinayaan dowladaha Maraykanka iyo Britain oo lagu abuurayo shaqooyin dadka kasoo barakacay abaaraha. Mashruucan oo socon doona muddo 5 sanno ah, waxaa ujeedkiisu yahay in la hormariyo nolosha dadka nugul ee ku nool miyiga iyo magaalooyinka iyadoo sare loo qaadayo koboca dhaqaalaha bulshadada Soomaaliyeed ee danyarta ah. Mashruuca waxaa maal-gelinaya heyadaha USAID iyo UKAID, waxuuna ka koobanyahay, Awoodsiinta iyo taageerada dhallinyarada, Dhiirrigelinta wax soosaarka gudaha, Kobcinta dhaqaalaha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in maashruucan wax-wayn tari doono bulshada nugul ee Soomaaliyeed, sidaa darted loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan, si shan sanno kadib ay uga maarmi karaan hay’adaha taakuleeya oo ayna gaaraan isku filnaansho ay sare ugu qaadi karaan waxsoosaarkoda. Waxa daah-furka barnaamijkan ka qayb galay Wasiiradda Qorshaynta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Safiirka Maraykanka, Safiir ku Xigeenka Britain iyo madaxa Hay’adda USAID. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo. Mudane Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo labada shacab ee walaalalaha. Safiirka cusub ee Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda sharafta leh ayaa sheegay inuu ka shqeyn doono xoojinta xariirka labada dal. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda, wuxuuna dhanka kale ugu hambalyeeyey dowladda Qatar sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo. Mudane Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo labada shacab ee walaalalaha. Safiirka cusub ee Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda sharafta leh ayaa sheegay inuu ka shqeyn doono xoojinta xariirka labada dal. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda, wuxuuna dhanka kale ugu hambalyeeyey dowladda Qatar sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan iyo duqeymo lagu dilay illaa 49 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kalana lagu dhaawacay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howl-galka qorsheysan iyo duqeymaha ay ciidanka gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Howl-galka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhamaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaas ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta. Xubnaha Shabaabka ah ee lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay ciidanka Sirdoonka iyo kuwa xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celisay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta qayb ka ah dagaalka Al-Shabaab looga xoraynayo dalka oo dhan, islamarkaana ay garab taagan yihiin ciidanka qalabka sida ee dalka. Howl-galkaan ay maanta dowladdu sheegtay in lagu dilay Shabaab badan ayaa kusoo aadaya xili uu gaabis ku yimid howl-galadii ka dhanka ahaa kooxda, kuwaasi oo kal hor si xawli ah uga socday qeybo badan oo dalka. The post 49 Al-Shabaab ah oo maanta lagu dilay howlgal culus appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Xoghaye cusub oo joogto ah ee ku meel gaarka ah u magacaabay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Faarax Aadan Xasan ugu magacaabay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Soomaaliya wareegto 19-kii bishaan kasoo baxday xafiiskiisa. “Markuu tixgeliyay Ra’iisul Wasaaraha baahida loo qabo in la dar-dargeliyo habsami u socodka howlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka,” ayaa lagu yiri wareegtada oo maanta ay shaacisay Wasaaradda Cadaalada. Wasaaradda Cadaaladda ayaa shaacisay wareegtadaan oo maanta dhaqan-gashay, taasi oo lagu sheegay in magacaabidaan lagu sameeyay soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin. Madaxda sare ee Qaranka ayaa inta badan sameeya magacaabis dhaqan-gasha muddo kadib magacaabistooda, sida dhacday dhowr jeer oo hore, oo wareegtooyin la diyaariyay ay xafiisyadooda baahiyaan muddo kadib. The post Xamza oo xil magacaabis cusub sameeyey maanta appeared first on Caasimada Online.
  14. Police in Uganda have launched an investigation after a guard foiled an attack on Nakulabye police station in the capital Kampala by a man with an AK47 rifle, according to reports by the privately-owned Daily Monitor website. Source: Hiiraan Online
  15. Urur Xisbi U gudbi Karaa Waa Run Oo Wuu Jiri Karaa marka uu ka mid noqdo sadexda ugu sareeya doorashada ururada/xisbiyada. Balse Xisbi Urur Noqon Karaa Ma jiro Waa Been Cad Oo Qaawan, Marka Dastuurka Somaliland Lagu Dhaqmayo. Komishanka Doorashada sadex doorasho ayuun buu qaban karaa sida ku cad Xeer Lam-91. Doorashadan afraad bal wasiirku ha sheego sharciga komishanku gacanta ku hayo ee ku waajibinaya qabashada doorasho afraad oo aan ahayn sadexda ku cad xeerka. Waa Xeerkee? Waa Qodobkee? Musharaxnimada xisbi walba xeerkiisa ayuu u maraaye cid kale uma yeedhin karto. Waddani iyo Ucid musharixiintooda waa la yaqaan xisbiyadooda ayaa iska dhex doortay. Kulmiyana hadaanu Muuse ahayn mooyi. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale hakad galisay dal ku-galka baasaboorka Soomaaliya, taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay Ganacsatada Soomaalida ee ka shaqaysta xarumaha lagu iibiyo tigidhada diyaaradaha. Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida oo la hadlay VOA ayaa ka walaacsan saamayn xoogan oo uu ganacsigooda ku yeeshay hakad ku yimid dal ku-galka Kenya, ayada oo culeyskaasi uu sidoo kale saameyay bulshada Soomaaliyeed ee u safreysa Kenya. “Qofka marka uu Visa helin ma goosanayo tigidh, dhaq-dhaqaaqa ayaa yaraanaya oo diyaaradaha Soomaalida inta badan waxay dib uga soo qaadan marka ay gobolada Soomaaliya kasoo baxayaan waa dad wata Baasaboorka Soomaaliya. Saameynta u weyn xataa waxaa dareemay diyaaradaha” “Sababta ay arrintaan u dhacday wax cad ma jiraan, dowladda Kenya ayaa waxay go’aansatay inaysan Visaha siin Baasaboorada Soomaaliya, haddii la helana waa wax adag oo waqti badan ku xiran oo mararka qaarna la helayn.” Illaa hadda majiro war rasmi oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ay ku sheegayso inay joojisay dal ku-galkeeda Baasaboorka Soomaaliya, hase yeeshe arrintaan ayaa ah mid si weyn loo dareemay toddobaadyadii u dambeeyay. Dhinaca kale, Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa sidoo kale arrintaan qiil uga dhigay inay saameysay kala wareega masuuliyiinta dowlada cusub ee dalka Kenya, dibna ay u bilaabi doonaan. Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo horaantii bishii 9-aad ee sanadkaan wada-hadalo ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay in la fudeydiyo isku socodka iyo ganacsiga labada dal, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii lagu fasaxay khaadka Kenya ee iman jiray Soomaaliya. Si kastaba, Kenya ayaan fulin xitaa hal qodob oo ka mid ah heshiiskaas, waxaana cad in mar kale madaxda Soomaaliya laga saxiixay heshiisyo been ah oo Kenya kaliya u daneynaya. The post KENYA oo hakisay dal-ku-galka baasaboorka Somalia appeared first on Caasimada Online.
  17. Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta la xaliyey khilaafkii u dhexeeyey guddoomiyaha maamulka gobolkaasi, Axmed Buulle Gareed iyo taliyaha NISA EE Gedo, Bakaal Kooke. Khilaafka ayaa waxaa lagu soo afjaray degmada Doolow, kadib wadahadallo maalmo socday oo ka dhacay degmadaasi, kuwaas oo la’isugu keenay labada dhinac. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Itoobiya ayaa faragelisay xiisaddan, waxaana saraakiil ka tirsan dalkaas oo ku sugan gobolka Gedo ay isku keeneen Axmed Buulle iyo Bakaal Kooke, ayada oo sidaas ku xalisay khilaafka labada nin oo sameeyey gobolkaasi. Arrinta la’isku qabtay ayaa aheyd lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado degmada Doolow iyo sidoo kale degaanada kale oo ay ku murmeen labada mas’uul. Munaasabad kooban oo lagu qatay degmada Doolow ayaa ugu dambeyn la’isugu keenay guddoomiyaha gobolka Gedo iyo taliyaha NISA, ayaga oo isku gacan qaaday goobta, iskuna cafiyey, waxaana lagu ballamay inay wada shaqeeyaan lana sii amba qaado howlaha kale. Guddoomiyaha oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa shaaciyey inuu soo dhammaaday khilaafkii ka taagnaa gobolka, ayna si caadi ah kusii socon doonto shaqada maamulka. Gedo ayaa waxaa kusoo noq-noqday khilaafaad dhanka maamulka ah, kaas oo dib u dhigay hormarkii gobolkaasi oo xudun u noqday murankii hareeyey ee doorashadii soo dhamaatay. The post Itoobiya oo soo farogelisay khilaafkii guddoomiyaha Gedo iyo taliyaha NISA – Xog appeared first on Caasimada Online.
  18. Dutiful: Dr Beyle in a Zoom-based meeting with World Bank and IMF. Mogadishu (Commentary ) — Before joining politics, Dr Abdirahman Duale Beyle, the former Somalia Finance Minister, worked for the African Development Bank. In 2017 he was appointed the Finance Minister of the Federal Republic of Somalia. Not only did his Ministry devise policies to generate revenue to put Somalia in a stronger position to benefit from debt forgiveness under heavily indebted poor countries (HIPC) programme, he also managed to find a way to introduce necessary security reforms in Somalia in 2019. More than 20 million dollars in salaries were claimed by phantom soldiers and civil servants before the security reforms. Dr Beyle went to the barracks with a team in charge of introducing biometric-based head-counts. Initially, vested interests resisted the reforms, but upon realising that getting not paid will be the consequences of not being registered under the new system, anti-reform camps had to embrace the change. The second aspect of the reform is that Dr Beyle applied the reform agenda to the Mogadishu-based civil servants. In Mogadishu, getting employed by the Federal Government of Somalia once meant an opportunity to draw several salaries under different aliases. Dr Beyle mandated a biometric-based registration for civil servants. Both reforms saved more than 20 million dollars that were falsely claimed as salaries. The plan to pilot a federal government revenue collection system throughout federal member states was put in place by the Finance Ministry under Beyle’s watch. Due to his commitment to transparency, the Federal Government of Somalia (2017-2022) demonstrated that fighting corruption requires a political will. If leaders set a good example, the donors will acknowledge the progress made towards introducing anti-corruption measures. Fighting corruption should be an ongoing work; leaders should never rest on their laurels. Dr Beyle served as a Foreign Minister under the incumbent Somalia President Hassan Sheikh Mohamud during the latter’s first term of office (2012-2017). Putland State of Somalia introduced biometric-based security reform similar to the one implemented by the Federal Government in 2019. There is a lot to learn from Dr Beyle’s commitment to transparency and diligence. D. A. Farah is a senior Somali economist who worked for the Somali Finance Ministry 1981-1991. The post Somalia: Dr Beyle’s Remarkable Legacy appeared first on Puntland Post.
  19. WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE:- Xil Ka-qaadis. 1. Ku: Xasan Axmed Aadan Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka Mudane, Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan. 2. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL. Mudane Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka Magacaabid Waxaan Go’aamiyey; 1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  20. Wasiirrada Xukuumadda Jadwal kaltan ah ugu jira in maalinba Mid hadlo oo mucaaradka u jawaabo tan iyo 13-kii November. imika imisa hadlay, yaase u horreeyey, yaa maanta u lahaa, yaa berri u leh Wasiirrada ilaa imika hadlay 1. Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin 2. Wasiirka Horumarinta Kalluumaysiga iyo Xanaannada Xoolaha, Siciid Sulub 3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Cabdillaahi Abokor 4. Wasiirka Waxbarashada Axmed Toorno 5. Wasiirka Beeraha Cabdiqaadir Iimaan 6. Wasiirka Qorsheynta Axmed Buuxane 7. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolijyada 8. Wasiirka Caafimaadka Xasan Gaadhaafi oo maanta kaltankiisii ahayd Waxa xusid mudan In Wasiirrada hadallo kala duwan oo iska soo horjeeda ay sheegeen, kuwa ayaa sheegay In Madaxweynuhu dhamaysanayo muddo xilkeedka loo kordhiyey ee laba sanno ah, halka kuwo kale sheegeen in Sagaal bilood lagu qabanayo doorashooyinka. Qaar ayaa sheegay in albaabkoodu furan tahay oo wada hadal diyaar u yihiin, halka mid kale sheegay In albaabka Wada hadalladu xidhan yihiin, ilaa Mucaaradku ka noqonayaan go’amaadii ay soo saareen 13 November. Hadallada Wasiirrada Xukuumadda ayaa ku sii beegmaya xilli muddooyinkii u dambeeyey taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku dhaliilayeen Wasiirrada Xukuumadda kuwa karti badan lahayn oo aan difaaci karin Madaxweynaha siyaasaddiisa. Kuma berri u leh ayey kula tahay? Saleebaan Saxansaxo Qaran News
  21. Dalka Sucuudiga ayaa maanta galay maalin fasax qaran ah oo laga nasanayo shaqada iyo goobaha waxbarashada, iyadoo taasna loogu dabbaal-degayo guushii taariikhiga ahayd ee uu xulka Kubbadda Cagta Sacuudi Carabiya ka gaadhay dalka Argentine maalintii shalay oo ay isku arkeen ciyaar ka tirsan koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar. Qaran News