Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) - The Somaliland House of Representatives Speaker, Abdirisaaq Khalif Ahmed, stated that government incompetence played a significant role in the uprisings in Las Anod. Source: Hiiraan Online
  2. Maamulka falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay codbixin uu golaha guud ee qaramada midoobay kaga codsanayo maxkamada caalamiga ah ee cadaalada inay fikrad sharci ka bixiso qabsashada Israel ee dhulka falastiiniyiin. Afhayeen u hadlay Falastiin, oo lagu magacaabo Maxamuud Cabbaas, ayaa sheegay in la gaadhay xilligii Israa’iil ay hoos imaan lahayd sharciga, isla markaana lala xisaabtami lahaa. 87 waddan ayaa taageeray qaraarka Jimcihii oo ay ku jiraan Ruushka, Shiinaha iyo dalal Muslimiin ah. Mareykanka, Britain iyo Jarmalka ayaa ka mid ahaa dalakii diiday, iyagoo mooshinka ku tilmaamay mid aan faa’iido lahayn. Xukuumadda cusub ee Israa’iil oo la dhaariyay toddobaadkan ayaa abuurtay walaac, iyadoo qaar ka mid ah wasiirrada xisbiyada midigta fog ay muujiyeen aragtiyo xooggan oo ka dhan ah Carabta. Source
  3. (SLT-Laascaanood)-Beesha Caalamka ayaa soo saartay baaq ku saabsan rabshadaha magaalada Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ee dadka rayidka ah, waxayna sheegeen inay ka walaacsan yihiin dhacdadaas. “Saaxiibada Beesha caalamka* ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan. Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.” ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saareen. Qoraalkan waxaa si wada jira u soo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay. Source
  4. Dacwad oogaha Britain, oo hoggaaminayay dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha Serbia, Slobodan Milosevic, ayaa dalbaday in madaxweyne Putin-ka Ruushka lagu maxkamadeeyo dambiyada dagaal ee uu ka geystay dalka Ukraine, sanadkan. Geoffrey Nice, ayaa BBC-da u sheegay in kiiska ka dhanka ah Putin ‘uu yahay mid waadix ah’, isaga oo sheegay in uu galay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada. Wuxuu intaa ku daray inuu mas’uul ka yahay duqeymaha goobaha dadka rayidka ah. Dowladda Ruushka, ayaa waxa ay sheegtay inaanay beegsanayn ciidamadeeda dadka rayidka ah. Geoffrey Nice, ayaa su’aal galiyay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay ka caga jiideyso inay dacwad ku soo oogto Putin. Inkastoo ay baadhayso dambiyada ka dhacay Ukraine, haddana, sababta ayaa lagu sheegay iney tahay suurtagal in laga cafiyo Putin dambiyada, taasoo qayb ka ah heshiis nabadeed oo suurtagal ah. Maxkamadda, ayaa iska fogeysay wararkaas la isla dhex marayo. Source
  5. Doolow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu fashil ku yimid qorshaha wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Nuur (Janan), kaas oo dhowaan dib ugu laabtay gobolkaas, isaga oo uu wehlinayay Senator Fartaag. Janan oo doonayey inuu markale dib u soo ceshado awooddii uu mar ku lahaa Gedo ayaa waxaa haatan dhicisoobay qorshihii uu maalmo ka hor u tagay gobolkaasi. Midda koowaad ee fashilisay ayaa ah in qaar kamid ah ciidamadii uu ku abaabulay gudaha degmada Doolwoay ayla goosteen hubkii uu siiyay, isla-markaana ay tageen degmada Beledxaawo, ayaga oo gabaad ka dhigtay xero ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Janan oo sameeyay dadaallo kala duwan laga diiday dalab ah in askarta iyo hubkaba markale dib loogu soo celiyo gacantiisa. Sidoo kale qorshaha labaad ee fashiliyay damacii Janan ee ahaa inuu markale gacanta ku dhigo Gedo ayaa ah in saraakiisha ciidamada dowladda oo uu xiriir la sameeyay ay ka biyo diideen abaabulkiisa, isla-markaana ay u sheegeen in xittaa aysan siin karin magan-gelyo. Arrimaha kale ee ka horyimid ninkan waxaa ka mid ah in la kala fur-furay xulafadiisii, wuxuuna waayey Senaor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo la tegay Gedo, kaas oo hadda si deg deg ah looga yeeray magaalada Muqdisho, kadib dacwad uu ka gudbiyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland,Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe). Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse madaxda Jubbaland ayaa doonaya inay dhinac isaga ridaan arrinta Gedo, si loo soo afjaro xiisada muddada soo socotay. The post Qorshihii JANAN ee Gedo oo fashilmay saddex sabab dartood appeared first on Caasimada Online.
  6. Roobabkii u danbeeyay ee Todobaadkan ka da’ay Puntland ayaa gooyay jidadkii loo mari jiray Gobolka Gardafuu. Odayaasha Gobolka qaarkood ayaa noo sheegay in roobabku gooyeen dhammaan jidadka gala Gobolka Gardafuu taas oo xannibtay isu socodkii dhinaca barriga. Gobolka Gardafuu ayaa hadda ka go’doonsan dhinaca barriga waxaana keliya oo u furan dhanka badda sida ay sheegeen odayaasha. Roobab mahiigaan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka da’ay inta badan degaannada Gobolka Gardafuu. PUNTLAND POST The post Roobabkii ka da’ay Puntland oo go’doomiyay Gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (HOL) - Mehmet Yilmaz, Turkey's ambassador to Somalia, has been called back to Ankara and replaced by Ibrahim Mete Yagli after President Recep Tayyip Erdogan signed a decree reshuffling ambassadors globally on Saturday. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) – Somalia's Lower House Parliament Speaker, Sheikh Adan Mohamed Noor Madobe, appointed a seven-member technical committee for the upcoming reconciliation conference in Baidoa, the interim administrative capital for the South West state government. Source: Hiiraan Online
  9. Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeyo hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed. War ka soo baxay xafiiska guddomiyaha ayaa lagu sheegay in guddigaan oo ka kooban todoba xubnood ay ka shaqeynayaan fududeeynta hawlaha shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed. Guddiga ayaa sidoo kale la faray in ay si degdeg ah u soo gabagabeyan hawsha loo igmaday. Source: goobjoog.com
  10. Urur siyaasadeedka Mustaqbal ee Puntland ayaa ka horyimid diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod oo loo ballansan yahay saddex maalmood kadib. Xubno ka tirsan urur siyaasadeedka Mustaqbal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan urur ahaan diyaar u ahayn diiwaan-gelinta. Urur siyaasadeedkan ayaa ku biiray urur siyaasadeedyada diidan diiwan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod oo sida la sheegayo aan weli siyaasad ahaan looga heshiin. Mideeye, Horseed, Dhalinyarada iyo garab kamid ah urur siyaasadeedka Shaqaalaha ayaa sidoo kale horay u diiday diiwaan-gelintan. PUNTLAND POST The post Urur siyaasadeedka Mustaqbal ee Puntland oo ka horyimid diiwaan-gelinta qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  11. Ethiopia’s Tigray region, at war for the last two years, may finally be looking up to long-term peace after Eritrean forces, a key party to the war began packing to leave the battlefield. Source: Hiiraan Online
  12. DIDISAYE U YEEDHYAADH Halka hadda ay marayso xaaladda magaalada Laascaanood xalka laga fakari karaa waa mid degdeg ah oo looga jeedo keliya “dhiigjoojin” balse aan ka horaysiino astaynta dhibaatada oo loo kala qaadi karo asal iyo farac. Dhibaatada asalka ah hadii aynu ku horayno waa ta dilalka soo noqnoqda ee lagu bartilmaameedsado haldoorka ka soo gobolka Sool oo laga fuliyo keliya magaalada Laascaanood. Dhibaatadaasi way jirtay ilaa xiligii xukuumadii UDUB ee Daahir Rayaale oo isaga iyo Wasiirkiisa Arimaha Guduhuba ay ahaan jireen saraakiil ka tirsanaa nabadsugida. Markii dhawr nin oo haldoor ah lagu khaarajiyay Laaska waxay xukuumadu qaaday hawlgal baadhiseed oo si fiican loogu guulaysta. Hawlgalka waxa lagu burburiyay shabakad dhan oo ka dambaysay dilalkii qorshaysnaa ee laga fuliyay Laascaanood kuwaas oo noqday wax la qabtay iyo wax fakaday. Muddo ayaanay markaa Laascaanood ka fayoobayn dilalkii qorshaysnaa ee soo noqnoqon jiray Mar kale hadana dilalka qorshaysani waxay dib u soo noqdeen markii xisbiga Kulmiye la wareegtay xukunka. dilal qorshaysan ee ugu badan waxay dhaceen 12 sanadood oo xukuumadihii kala dambeeyay ee Kulmiye talada dalka ay hogaaminayeen oo aan haba yaraato wax baadhis ah la samaynin. Waxa caadi noqotay marka qof haldoor ah la dilo si fudud la isaga yidhaa LAMA GARANAYO CID dishay. Halkaana sheekadu ku dhamaato. Sida dad u dhuundaloola dilalka qorshaysan ee soo noqnoqonayay sheegeen tiro ahaan marxuumkii ugu dambeeyay Hadraawi ayaa ku 43 noqday Dhibaatada labaad waxay ka dhalatay ka dib habeenkii la dilay AHN Hadraawi oo subaxnimadii dhalinyaro gadoodsani u soo dareereen badhtamamaha magaalada shiidna ay hadhka kaga dhigeen goobo isugu jiray kuwo gaar loo lahaa iyo kuwo dawladeedba, khasaare aan badnayna gaadhsiiyeen oo aan ka badnay waxay jejebiyeen Khasaaraha nafeed ee dhimashada iyo dhaawaca leh waxa keenay falcelintii waali-duulka ahayd ee dhinaca xukuumadda markii dhalinyaradii gadoodsanayd Ciidanka Qaranka loo adeegsaday ee hub fudud iyo mid culusba oodda lagaga qaaday. Waxa nasiib darro ah maydkii hore oo yaal welina aan la aasin 7 kale oo mayd ah iyo toban dhaawac ah la soo dul dhigo. Taas oo sababtay in talo faro ka haado. Ilaa hadda xaaladu ma deggana ee sii socdotaa xukuumadduna ilaa hadda ayaabay ciidamo hor leh ku sii daabukaysaa aan la garanayn wax ay u socdaan. Xaaladda Laascaanood uma baahna kicin ee dejin bay u baahan tahay. Waxa ugu muhiimsani waa dhiigjoojin ama “damage control”. Aniguna talaabooyinkan ayaan u arkaa dhiigjoojin ama wax ha laga qaato ama yaan laga qaadan eh 1. In maamulka Laascaanood oo nabadgelyadu ku jirto lagu wareejiyo Maayorka Laascaanood iyo golihiisa degaanka ee laga soo doortay Degmada Laascaanood 2. In Bilayska ku sugan Laascaanood loo madaxbaneeyo Mayorka oo si toos ah isaga uga amar qaataan. Hadii xoojin uu uga baahdo Ciidanka Qaranka waa in ay ka gacansiiyaan keliya Ciidan Qaranka kuwa ka soo jeeda gobolka Sool oo keli ah 3. In Ciidamada Qaranka ee gaystay dilkii iyo dhaawacii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Laascaanood llaga saaro magaalada xeryahoodina dib loogu celiyo. Ciidanka Qaranku waa in ay ku koobnaadaan difaacad xuduudaha Somaliland kana hortagaan ciidan kasta oo isku daya in ay ku soo xadgudba. Taas oo ah shaqadoodii rasmiga ahayd 4. In dhamaan waxgaradka gobolka Sool, ay is garab taagaan gacanna ka siiyaan Mayorka Laascaanood iyo golihiisa degaanka dejinta xaaladda kacsan ee dhalinyarada gadoodsan 5. Intaa ka dib marka xaaladdu degto waxa fursad loo heli karaa wadahadal ku saabsan dhibaatadii dhacay hadii ay tahay tii Ciidanka Qaranku geystay iyo hadii dilalka qorshaysan ee soo noqnoqda ay tahayba iyadoo oodo dhacameed siday u kala sareeyaan loo kala guri doon 6. Halka xaalku gaadhay wasiirada iyo xildhibaanada guurtida ee ka soo jeeda Gobolka Sool waxba kama tari karaan xaaladdan kacsan oo hore ayay u gabeen gobolka. Xukuumaddu hawlihii kale ee gobolka iyo adeegyadii sideedii bay ugu soconayaan. Hase yeeshee waxa lagama masrmaan ah in Xidhibaanwda Wakiilada ee laga soo doortay gobolku oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Wakiilada, oo laftiisa laga soo doortay gobolku ay kaaln firfircoon ka qaataan xalinta khiilaafaadka, gaar ahaan gudoomiyuhuna noqdo biriishka isku xidhaya Madaxtooyada iyo reer Laascaanood maadaamo uu yahay protocol ahaan masuulka ugu sareeya madaxda ka soo jeedda Gobolka Sool ama reer ahaan Hartiba CALIGUREY HALGANWATCH Qaran News
  13. At least nine people have died in a crowd crush during New Year festivities in the Ugandan capital Kampala. Source: Hiiraan Online
  14. With the change of guard witnessed when President William Ruto took over in September 2022, many assumed his predecessor Uhuru Kenyatta would be left jobless. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisii xalay qeyb ka mid ah uga hadlay khilaafaadka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, si gaar ah khilaafkii la sheegay in Puntland ay kala noqotay shirkii u dambeeyey. Madaxweynaha ayaa sheegay in faalooyin qaldan laga qoray shirkii u dambeeyey ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, isagoo qiray in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uusan saxiixin heshiiskii lagu gaaray shirkaas. “Waxaan rabaa in warbixin aan idinka siiyo shirkii u dambeeyey oo laga faafiyey faalooyin aan sax aheyn, shirkii dhowaa ee golaha wadatashiga, wuxuu ahaa muhiim, waxaana looga hadlayey laba ajende,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in labadaas Ajende horay looga balamay oo shirkii hore ee golaha lagu go’aamiyey in shirkaan dambe looga wadahadlo labadaas qodob, “Xiligaas waxaan ku balanay in qolo kasta ay ka soo fekerto,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadahadal kadib shirkii u dambeeyey heshiis looga gaaray labadii qodob ee ajendaha u aheyd shirka, balse Puntland aysan saxiixin heshiiska. “Walaalaheen reer Puntland waxay ka cudurdaarteen heshiiskaas, waxay dalbadeen waqti dheeri ah oo wadatashi ay ku soo galaan, waqtigii ay u baahnaayeen ayey qaateen, waana ka rajeyneynaa in aragtidooda ay noo keenaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa cadeeyey in dowladda federaalka iyo afarta dowlad goboleed ee kale ay heshiiskaas si buuxda isugu af-garteen oo la wada saxiixday. “Walaaleheen reer Puntland, waxaan ka rajeyneynaa in mar dhow aan aragtidooda helno, si loogu saleeyo dastuurka la sameyn doono,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Labada qodob ee ajendaha u aheyd shirkaas, Puntland-na ay ka cudurdaaratay inay saxiixdo ayaa bayaankii ka soo baxay shirka waxaa lagu cadeeyey in loogu heshiisyey sidaan: 1 – HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka. 2 – ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan oo shaaciyey xogta sababtii ay Puntland u saxiixi diiday heshiiska appeared first on Caasimada Online.
  16. Wefti balaadhan oo ay hogaaminayaan Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali xaaji Xasan iyo Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Hogaanka Xisbiga ayaa Si balaadhan loogu soo dhaweeyey Degmada Saba wanaag. Weftiga ayaa Soo kormeeray goobta Diwaan gelinta cod bixinta ee Degmada Sabawanaag,Kormeerka Kaddib waxa Madaxda Xisbigu Kulan la qaateen Dadweynaha ku nool Degmada Sabawanaag waxaana ay ugu baaqeen inay qaataan kaadhka Diwaan gelinta Cod bixinta. Qaran News
  17. At least twenty people have been killed during five days of protests in the town of Las Anod, the epicenter of the long-running territorial dispute between the self-proclaimed republic of Somaliland and the semi-autonomous Somali region of Puntland in the northern Horn of Africa since 2007. Source: Hiiraan Online
  18. BOSASO, Somalia, Jan 1 (Reuters) - At least 20 people have been killed in Somalia's breakaway region of Somaliland in clashes between anti-government protesters and security forces over several days, according to a doctor at a public hospital. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka horyimid in Somaliland ka baxdo magaalada Laascaanood, xili ay arrintaan qeyb ka tahay xiisadda ka taagan ee maalmihii dambe isku rogtay rabshadaha ay ciidanka Somaliland ku dileen dadka shacabka ah Xoghayaha cadaalada ee xisbiga Yoonis Axmed Yoonis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda ku taageersan-yihiin difaaca ciida Somaliland, balse waxa uu cambaareeyay sida booliisku uga jawaabay mudaharaadada, isaga oo sheegay in ka xisbi ahaan aanay xukuumadda kula socon arrintaasi. “Qorshe xumo xukuumadda ah ayaa Laascaanood taalla, madaxweyne kuwaad u igmaday gobolka Sool way ku fashilmeen, may ahayn dadka mudaharaadka salmiga ah sameeynayay ee cowday ee xaqa u leh in la laayo, waanu ka xunahay kulama socono xukuumada,” ayuu yiri. “Laakiin waxaanu kula soconaa oo ciidamada ku taageersanahay, oo dowlada ku taageersanahay difaaca Somaliland laakiin Somaliland cidi may soo weerarin dadka yaan been loo sheegin, Laascaanood waa Somaliland, Somaliland ayay doonayaan oo ay leeyihiin yaa na-dilay.” Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa dooda dadweynaha reer Laascaanood kusoo aruuriyay inay xukuumadda Somaliland ka doonayaan inay uga jawaabto cida dilalka geysaneysa. “Somaliland kama baxayso Laascaanood ka ku leh Somaliland ayaa kasoo baxaysa Laascaanood waa nin aan habeen jirin, haduu madaxweynuhu waxa ku kaco, danbi qaran ayuu galay oo qarankii ayuu kala jaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayaha cadaaladda ee xisbiga Waddani. Xaalada Laascaanood ayaa lagu soo waramaya inay saacadihii dambe tahay mid degan, ayada oo ciidamada millateriga lagu arkayay iyaga oo dhooban waddooyinka, waxaana hawada ka maqan khadka internet-ka ee magaalada oo xukuumadda Somaliland ay xoog ku jartay. The post Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid arrin qeyb ka ah xiisadda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.