Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) - Following a period of relative calm, violence erupted again in Las Anod between Somaliland forces and locals on Monday after traditional elders from the region declared autonomy from Somaliland. Both sides said that they were attacked first. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka, xilli dowladda ay sii xoojineyso dagaalka saddexda jiho ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabad-sugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howl-galada lagu cirib-tirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xasillinta deegaanada la xoreeyey kooxda, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda. Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa sidoo kale kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maal-gelinta argagixisada. Waxay la wadaagtay Golaha in la xiray akoonno bangi oo hor leh, oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taasi oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaalamo kooxaha Khawaarijta. Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay. Sidoo kale waxa uu faray dhamaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan xarunta warbixinnada Maaliyadeed (FRC). Wuxuuna ra’iisul wasaaruhu uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida. Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo R/Wasaare Xamza ayaa ahmiyadda koowaad siinaysa dib-u-xoraynta deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu, ayada oo dagaalkana ka wada jihooyin dhowr ah oo ay qeyb ka tahay wiiqida dhaqaale ee kooxaha argagixisada. The post R/W Xamza oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka iyo DF oo qaadeysa tallaabo cusub appeared first on Caasimada Online.
  3. Akhri qoraal uu soo saaray madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash. “Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC ee ay kaga tashanayaan Aayahooda, waana ku garab taaganahay. Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo. Hadaba waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas” Qaran News
  4. Las Anod (HOL) - Following two weeks of meetings in Las Anod, the traditional elders and leaders from the Sool, Sanag, and Ayn regions announced on Monday that the three regions would not be part of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  5. Laascaanood (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay bariga Laascaanood, kadib markii ay isku dayeen ciidamada Somaliland inay soo galaan magaalada, waxaana ka hortagay dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saacado qaatay, isla-markaana weli rasaas teel-teel ah laga maqlayo qaybo kamid ah magaaladaasi. Iska hor-imaadkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaan aillaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa inay jiraan dhaawacyo kale. Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood. Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa kamid ah Maxamuud Cali Xirsi Cartan Boos (Afgaab) oo kamid ahaa dadka deegaanka ee muddada dheer kasoo horjeeda Somaliland. Afgaab ayaa sidoo kale ka tirsanaa sarakiisha Jabahadda SSC ee dagaalka kula jirtay ciidamada Somaliland, wuxuuna dhowaan ku laabtay magaalada Laascaanood oo ah halka maanta lagu dilay, kadib dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha magaaladaasi. Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo abaabuleen qaar ka mid ah odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood. Sidoo kale mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar lagu soo qaaday magaalada Laascaanood. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoog leh laga dareemayaa magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda. Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, sheegayna inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo. The post Dhimashada iyo dhaawaca dagaalka Laascaanood ka qarxay maanta oo kordhay appeared first on Caasimada Online.
  6. Hussein and his family arrived in Farwaamo village on the outskirts of Kismayo Town, Lower Juba Region, in January. Hussein, his wife and four children including a three-week-old son, were displaced from Turdo village near Jamaame District, an area ravaged by conflict and the drought that is ravaging Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Hormuud Telecom is helping donors reach millions of Somali residents engulfed by hunger and starvation, while eliminating the fear of terrorist attacks Source: Hiiraan Online
  8. Gudoomiye Cirro oo ka hadlay Colaada Laascaanood Waxa aan si dareen iyo damqasho leh uga xumahay dhibta saaka ka dhacaysa Caasimadda Gobolka SOOL ee Laascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda afka la qabto, Xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan, Garaadada dhaqankuna nabadda iyo xasilloonida ha ka shaqeeyaan, magaaladana yaan dagaal laga ridin oo aan maatidana la qaxin. Dhib kasta oo dhacda, xalkeedu xabad iyo rasaas maaha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo nabadeyn. Qaran News
  9. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay xeer ilaaliyihii guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha cusub ee Puntland. Xeer Ilaaliyaha cusub ayaa loo magacaabay Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaran) sida ku cad Wareegtada. Avv. Axmed Taaran ayaa hore Madaxweyne Deni ugu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxaase Codka Kalsoonida u diiday Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Axmed Taaran oo loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. More than 1,500 people have been killed and thousands more injured after a powerful magnitude 7.8 earthquake struck Turkey and Syria early on Monday. Source: Hiiraan Online
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka. Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda. Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta argagixisada, iyadoo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taas oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaallamo kooxahaas. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay. Waxuuna faray dhammaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC). PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo warbixin ka dhageystay Hay’asaha Amniga dalka appeared first on Puntland Post.
  12. Garoowe: 06 Feb 2023: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaam Karaash oo ku hadlaya Magaciisa, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha Puntland ayaa soo dhoweeyey go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo wax garadka kale ee deegaanada SSC. “Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah ee ay soo saareen Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC ee ay kaga tashanayaan Aayahooda, waana ku garab taaganahay. Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen Xasuuq iyo Barakac joogto ah oo uu ku hayo Maamulka Soomaaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo, taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo. Hadaba waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas”. DHAMMAAD The post War-Saxaafadeed: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si adag uga hadlay Dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  13. Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.8 cabirka dhulgariirada ayaa ku dhuftey koofurta dalka Turkiga meel u dhow Gaziantep sida ay sheegtey hay’adda arrimaha dhulka Maraykanka. Dhulgariirkan ayaa dhacay 4:17 daqiiqo ee saaka ka hor waaberigii. ku dhawaad 18 Km dhul ballaciisu yahay ayaa la sheegey inuu saameeyey dhul gariirkani. Dhulgariir kale oo xigey ayaa isna cabbirkiisu ahaa 6.7 waxaana uu ka dhacay meel u dhow isla goobtii hore. Saraakiisha Turkiga ayaan wali sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah, balse muuqaalo la soo dhigey baraha bulshada ayaa muujinaayey dhismayaal bur burey dhowr magaalo oo ku taala koofur Bari dalka Turkiga. PUNTLAND POST The post Dhulgariir ka dhacay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  14. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xukumadda Somaliland iyo bulshada reer Laascaanood ugu baaqay in dagaalka la joojiyo. “Waxa uu soo jeediyay in dhinacyadu is xakameeyaan islamarkaana arrintaasi laga dhawro cunfiga iyo wixii xaaladda uga sii daraya laguna soo noqdo macquulka iyo in wada hadal lagu dhammeeyo arrimaha lagu kala duwan yahay. “Waxaanu leenahay xabbadi xal maaha qofka ku dhintaana waa kaa dhimay oo kugu dhimay, markaa ha la joojiyo wixii dagaal ah labada darafna ha u diyaar garoobaan wada hadal, dhacdo kasta oo darafyadu isku haleelaan waxaanu u aragnaa dagaal sokeeye, dagaal sokeeyena wakhtigiisii maaha waa wakhti aynu horumar u baahan nahay. Ciidamada Qaranka waxaanu leenahay xaq baa u leedihiin in aad is difaacdaan laakiin, waa in aad iska ilaalisaan wax kasta oo u muuqda gacan siyaado ah iyo culays, kana fogaataan shacabka, maleeshiyaadka Beelaha ee meelaha ka gadooday waxaanu leenahay ha weerarina ciidamada Qaranka oo wixii daandaansi u muuqanaya iska ilaaliya meelihiina ku sugnaada. Waxaanu ku baaqayna wada hadal, labada dhinacba miiska wada hadalka ha yimaaddaan, wixii tabasho ah iyo wixii la isla fahmi waayay in la isla eego oo laga wada hadlo ayaanu ku baaqayna oo la isu tanaasulo..” Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa meel-mariyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada. Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA. Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcisan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan waxaana diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka Baarlamaanka. 53 sano kadib maanta ayey NISA yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaas oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda. Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa Golaha Wasiirada horgeeyay sharciga NISA, taas oo golaha wasiirada ay ansixiyeen kadibna loo soo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta isuguna ansixiyay, weliba cod aqlabiyad leh. Sidoo kale sharcigan ayaa toos ugu sii gudbi doono Xubnaha Golaha Aqalka Sare, si ay uga doodaan, una meel mariyaan, kadibna xafiiska madaxweynaha, si uu u saxiixo. Dhinaca kale agaasimaha guud ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo isla-markiiba ka falceliyay go’aanka Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay ansixinta sharcigan. Sidoo kale Mahad Salaad ayaa farriin u diray guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare isaga oo ka codsaday inay iyaguna meel-mariyaan sharcigaan, si ay ugu shaqeyso NISA. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcigan uu muhiim u yahay amniga qaranka iyo sidoo kale la dagaalanka kooxda Al-Shabaab. The post Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Hay’adda NISA appeared first on Caasimada Online.
  16. Las Anod (HOL) - At least two Somaliland soldiers were injured when gunmen attacked a Somaliland army base and a residence hotel of the Cabinet of Ministers in Las Anod early Monday morning. Source: Hiiraan Online
  17. Las Anod (HOL) - At least two Somaliland soldiers were injured when gunmen attacked a Somaliland army base and a hotel where Somaliland Cabinet Ministers in Las Anod lived. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 11 ee 6da February 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo Guddoomiye cusub loo magacaabay appeared first on Puntland Post.
  19. Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maalmahaan shir ku lahaa Laascaanood ayaa maanta kasoo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob kaas oo ay ku shaaciyeen go’aano culus oo ka dhan ah Somaliland. Ugu horreyn waxgaradka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay Somaliland in muddo ka badan 15 sanno ay xasuuq ay ku tilmaameen isir sifeyn ka waday magaalada Laascaanood. Isimada ayaa ku dhawaaqay in aysan kamid aheyn Somaliland, isla-markaana aysan wax heshiis kula gelin in la kala gooyo dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-murtiyeedla. “Waxaan cadeyneynaa in aanan si naba uga mid aheyn Somaliland, wax heshiis ahna aana kula gelin kala goynta dalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale war-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in dadka reer Khaatumo ay ka mid yihiin dhul weynaha Soomaaliyeed, ayna u taagan yihiin midnimada iyo wadajira Soomaaliya. “Degaanada SSC-Khaatumo dad iyo dalba waxay kamid yihiin dhulweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana astaan u taagan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed,” ayaa markale lagu yiri war-murtiyeedka. Waxa kale lagu cadeeyay go’aankan in inta laga dhameystirayo aayo-katalinta maamulka SSC ay toos u hoos tagi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale isimada ayaa jawaab culus ka bixiyay eedaha uga imaanaya Somaliland oo horay ugu tilmaamtay inay yihiin argagixiso, taas oo ay ganafka ku dhufteen. “Waxaa cadeyneynaa in aanan aheyn argagixiso degaankayagana aanay joogin argagixiso,” ayaa la raaciyay qoraalka. Ugu dambeyn waxaa shirka laga soo saaray baaq guud oo loo diray Somaliland, kaas oo ku aadan in ciidamadeeda ay kala baxdo deegaanada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. The post SSC oo ku dhawaaqday inay hoostagto DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  20. Murrashax madaxweynaha xisbiga WADDANI dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay xaalada colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood waxaanu yidhi sida tan “Waxa aan si dareen iyo damqasho leh uga xumahay dhibta saaka ka dhacaysa Caasimadda Gobolka SOOL ee Laascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda afka la qabto, Xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan, Garaadada dhaqankuna nabadda iyo xasilloonida ka shaqeeyaan, magaaladana yaan dagaal laga ridin oo aan maatidana la qaxin. Dhib kasta oo dhacda, xalkeedu xabad iyo rasaas maaha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo nabadeyn.” Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Source