Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Nabadoonku uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta bulshada. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ah saraakiiisha Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo qaylo dhaanta mucaaradka. Jeneraal Indha Cadde oo wareysi gaar ah siiyay Radio Kulmiye ayaa marka hore ka hadlay qorshaha mucaaradka ee ku aadan dib u dhisidda bad-baado qaran 2 oo ay ku goodiyeen iay ku wajahayaan madaxweyne Xasan, haddii aanu dhexda soo dhigin doorashada. Yuusuf Indha Cadde ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aanu qayb ka noqon doonin qorshahahaasi, isla markaana aanu qoray u qaaday doonin Xasan Sheekh iyo dowladdiisa. “Xasan Sheekh haddii uu doorasho qof iyo cod ah qabanaayo iyo haddii ma aragtay ku guuleysanaayo ama ku guul dareysanaayo aniga hadda aragtideyda iyo waxa aan ka qabo waa wax kale, laakiin qoray maya” ayuu yiri Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad ”Indha Cadde Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda muxaafad ma’ihi, mucaaradna kuma ihi dowladdaan waxaan ahay nin Soomaali ah oo janan ah oo ka tirsan ciidamada qalabka sida” Jananka ayaa xusay in aanu mucaarad noqon doonin, haddii uu qoray uu qaadanayo kaliya uu la dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “Aniga marna lagama yaabo inaan qoray qaato, haddii aan qoray qaadanaaayo halkaas iyo Al-Shabaab diyaar ayaan u ahay inaan la dagaalamo, laakiin inaan Xasan Sheekh iyo inaan qoray u qaato diyaar uma ihi inaan mucaarad galana diyaar uma ihi” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay, isla markaana madaxda dowladda, qaar kamid ah maamullada dalka iyo mucaaradka ay isku khilaafsan yihiin sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.
  3. Hargeysa,(Qaran news)-Xukuumadda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka *****say balanqaadkii uu madaxweynahu uu u sameeyay dadweynaha gobolka Hawd ee ahaa in uu shaqada wadada isku xidha Hargeisa iyo Baligubadle uu bilaabi doono shaqadeeda boqolka maalmood ee u horeeya marka uu xilka la wareego. Balanqaadkaasi ayaa maanta rumoobay kadib markii xukumadu ay halkaasi gaysay qalabkii lagu shaqaynaayay iyo shaqaalahiiba. Balanqaadkaninwaa kii labaad ee xukuumadda Cirrao fulisay iyada oo todobaadkani ku dhawaaqday in ciidamada qaranka.loo kordhinaayo mushaarka. Qaran News
  4. Baidoa (HOL) – A delegation from Somalia's National Electoral Commission and Boundaries arrived in Baidoa on Sunday to accelerate preparations for the country's transition to a one-person, one-vote electoral system. Source: Hiiraan Online
  5. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Sabtidii soo bandhigay qorshe uu ku tilmaamay mid “lagu nadiifinayo” Gaza, isagoo sheegay inuu doonayo in Masar iyo Urdun ay qaataan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool deegaankaas, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe. Trump, oo Gaza ku sifeeyay “goob burbur xooggan uu ka muuqdo” kaddib dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamas, ayaa shaaca ka qaaday inuu arrintan kala hadlay Boqorka Urdun, Cabdalla II, isla markaana uu rajeynayo inuu Axadda maanta ah la xiriiro Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi. “Waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaadato dadka. Sidoo kale, waxaan jeclaan lahaa in Urdun ay dadka qaadato,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isagoo la socday diyaaradda Air Force One. “Waxaan ka hadlaynaa qiyaastii hal milyan iyo bar qof, waxaan dooneynaa inaan gebi ahaanba meeshaas ka sifeyno khilaafaadka. Waad ogtihiin, qarniya badan waxaa ka dhacayay iska hor imaadyo isdaba joog ah. Marka, waxaan qabaa in tallaabo degdeg ah loo baahan yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Inta badan 2.4 milyan oo qof ee ku nool Gaza ayaa ku barakacay, marar badan, dagaalka oo ka dhashay weerarkii Xamas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October, 2023-kii. Trump waxa uu sheegay in dadka reer Gaza dib u dejin loo sameyn karo “si ku-meel-gaar ah ama mid waqti dheer ah.” “Xilligan la joogo, waa goob gebi ahaanba burbursan, dhismayaashii way dumeen, dadkuna way ku dhimanayaan,” ayuu yiri. “Marka, waxaan doorbidayaa inaan arrintan kala kaashado qaar ka mid ah dalalka Carabta, isla markaana aan guryo uga dhisno meel kale oo ay nabad gelyo ugu noolaan karaan, si isbeddel loo helo.” Xabad-joojin iyo heshiis maxaabiis is-dhaafsi ah oo dhex maray Israa’iil iyo Xamas – kaas oo la saxiixay maalintii ugu dambeysay ee maamulkii Madaxweyne Joe Biden, balse uu Trump sheeganayo inuu isagu hormuud ka ahaa – ayaa gashay toddobaadkii labaad. – Hub loo fasaxay Israa’iil – Maamulka cusub ee Trump ayaa ballanqaaday “taageero aan kala go’ lahayn” oo uu siinayo Israa’iil, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahinta qorshaha maamulkiisa ee ku aaddan siyaasadda Bariga Dhexe. Trump waxa uu Sabtidii xaqiijiyay inuu faray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka (Pentagon) inay fasaxdo shixnad hub ah oo ka kooban bambooyin culeyskoodu yahay 2,000-lb oo loogu talagalay Israa’iil, taas oo uu hor istaagay Madaxweynihii isaga ka horreeyay, Biden. “Waan fasaxnay. Maanta ayaan fasaxnay,” ayuu yiri Trump. “Kharashkooda way bixiyeen, muddo dheerna way sugayeen.” Duqeymaha aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa burbur laxaad leh gaarsiiyay dhulka Falastiin, iyadoo ay burbureen kaabayaashii asaasiga ahaa, waxaana Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in dib-u-dhiska uu qaadan doono sannado badan. Bishii October, xilligii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada, Trump ayaa sheegay in Gaza oo dagaal uu halakeeyay ay “ka qurux badnaan karto Monaco” haddii “si habboon dib loogu dhiso.” Wiilka uu soddogga u yahay Trump, isla markaana horey uga soo mid noqday shaqaalaha Aqalka Cad, Jared Kushner, ayaa bishii Febraayo soo jeediyay in Israa’iil ay dadka rayidka ah ka daadgureyso Gaza si looga faa’iideysto fursadaha dhaqaale ee ka jira “dhulka xeebta ku teedsan.” Dhanka Falastiiniyiinta, isku day kasta oo looga rarayo Gaza wuxuu dib u xusuusin doonaa dhacdooyin murugo leh oo taariikhda ku suntan, kuwaas oo ay Carabtu ugu yeeraan “Nakba” ama masiibo – barakacii ballaarnaa ee Falastiiniyiinta xilligii la dhisayay Israa’iil 75 sano ka hor. Israa’iil ayaa beenisay inay hayso wax qorshe ah oo ay dadka reer Gaza ugu qasbeyso inay ka baxaan deegaankooda. Hase yeeshee, qaar ka mid ah xubnaha xag-jirka ah ee ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa si cad u taageeray fikradda ah in dadka reer Gaza ay si ballaaran uga baxaan dhulka Falastiin.
  6. Hargeisa (HOL) – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro departed on Sunday morning for his first international trip to the United Arab Emirates (UAE) since assuming office in November 2024. Source: Hiiraan Online
  7. Hargeisa, Somaliland – In a historic step to strengthen bilateral relations, Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro) has embarked on his first official visit to the United Arab Emirates (UAE). The trip follows an official invitation from the UAE government, reflecting the deepening ties between the two nations. To emphasize the significance of the visit, the UAE provided a private jet for the President’s travel, underscoring the respect and esteem in which Somaliland’s leadership is held. Accompanying the President were the Minister of Foreign Affairs, the Minister of the Presidency, the Minister of Finance and Economic Development, the Chief of Intelligence, the President’s Senior Economic Advisor, the Head of the Presidential Office, and other key staff members. Deepening Bilateral Ties The UAE and Somaliland share a longstanding partnership built on mutual economic interests and regional cooperation. Key UAE investments in Somaliland, such as the Berbera Port and the Berbera Corridor road connecting Somaliland to Ethiopia, have positioned the country as a strategic hub for trade in the Horn of Africa. These projects have not only enhanced Somaliland’s economic potential but have also contributed to regional connectivity and development. Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdilahi Embarks on Official Visit to the UAE Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdilahi Embarks on Official Visit to the UAE President Irro’s visit is expected to pave the way for significant discussions on trade, development, and investment opportunities. Topics likely to dominate the agenda include expanding the operational scope of Berbera Port, accelerating the development of infrastructure projects, and exploring new avenues for cooperation in sectors such as energy, logistics, and education. The Strategic Importance of Berbera Berbera Port remains a cornerstone of Somaliland’s economic strategy and a critical asset in the UAE’s portfolio of investments in the region. Managed by DP World, a UAE-based multinational logistics company, the port has been transformed into a state-of-the-art facility, capable of handling increased trade volumes. Its strategic location on the Red Sea provides a gateway for landlocked Ethiopia and serves as a vital link in the global supply chain. The Berbera Corridor road, another flagship project funded through UAE partnerships, has further amplified Somaliland’s role as a key player in the Horn of Africa. The road facilitates efficient trade routes between Somaliland and Ethiopia, bolstering economic activity and fostering regional stability. the UAE provided a private jet for the President’s travel As President Irro engages with UAE officials during his visit, the focus will undoubtedly be on fostering sustainable growth and development for Somaliland. The discussions are expected to result in agreements that will further cement the partnership between the two nations, opening up new opportunities for economic collaboration and regional integration. This visit marks a pivotal moment in Somaliland’s diplomatic journey, showcasing its ability to cultivate meaningful international relationships and position itself as a key player in the Horn of Africa. The outcomes of these discussions will likely shape the future trajectory of Somaliland-UAE relations and their collective impact on the region. Qaran News
  8. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQOWYVqo8iuNTOzPX6g1w_KNJszjxB5EAnFpKW1PyBUf6Ly6C0SvNTg3ZHzzR4_LOM3_sdN8UWB_BXHynoKOAr-x.mp4 Hargeysa-26-01-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta. Dawlada Imaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha Qaranka u fidisay marti qaad rasmi sidoo kale-na u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet. Safarka Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xil la wareegay. Madaxweynaha waxaa waftigiisa ku wehelinaayey; Wasiirka Arimaha dibada , Wasiirka Madaxtooyada , Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha , Taliyaha Sirdoonka , La-Taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arimaha Dhaqaalaha , Madaxa xafiiska madaxweynaha Iyo Hawl wadeeno kale . Sidoo kale safarka madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey marwada koowaad ee Qaranka Marwo Farduus Maxamed Rooble. Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka carabta muddo saddex cisho ah iyo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabka kalana hadli doonan arrimo mudnaan u leh labada dawladood iyo labada shacab. Muddada uu Madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalka Imaraadka Carabta waxuu kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta . 𝐗𝐮𝐬𝐬𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ( 𝐃𝐚𝐲𝐫 ) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  9. Puntland Forces scour Calmiskaad hideouts for explosives used by ISIS terrorists. Mogadishu (Commentary) — Some Somali social media personalities are oblivious to the rules governing their conduct in the digital world. Granted, they are experiencing what Isaac Asimov, the great sci-fi author, predicted in 1980 — that every person would have the opportunity to own a TV channel — but they need to remember that they are bound by the same rules to which legacy media adheres. Platforms such as YouTube and Facebook offer opportunities to operate channels with large number of followers. Alphabet and Meta, the owners of YouTube and Facebook respectively, incentivise channel views. It does not occur to some Somali YouTubers that they have an obligation not to spew hate, support terror organisations, damage the reputation of individuals or promote inter-clan conflicts. Somalia is a country grappling with terrorism and inter- and intra-clan conflicts. YouTubers enjoying the privilege of asylum granted to them by affluent countries should remember that they can be sued in their countries of residence if they support terrorism. A pro-ISIS tweet. The decision by a Puntland State court to press charges against a YouTuber in absentia for allegedly showing outright support for a terrorist organisation has wider ramifications. On the Twitter platform (now X), some Somalis are making light of the counterterrorism operations by Puntland Defence Forces against ISIS. They feel threatened by the decisive leadership of Puntland State President Said Abdullahi Deni, who aims to root out transnational terrorists in the Calmiskaad mountain range. A warmonger or terrorism sympathiser can be trapped by his or her digital footprint. New England University had to cancel an invitation to Edna Adan Ismail after her notorious video message “Somaliland will destroy and rebuild a new Laascaanood” was shared with university administrators. Edna received the Templeton Prize “for her efforts to use science to improve the lives of women and girls.” Edna knew that children and women bore the brunt of the shelling of Laascaanood by Somaliland forces in 2023. New anti-terrorism laws enacted by Western legislators contain provisions that can result in a refugee or citizen losing their leave to remain or citizenship granted after naturalisation. Some Somali YouTubers now fear they could be prosecuted for expressing support for terror organisations. © Puntland Post, 2025 The post Somali YouTubers Face Scrutiny Over Digital Misconduct appeared first on Puntland Post.
  10. Dagaallada Puntland ee ka dhanka ah argagixisada ayaa toosh afarqaada ku ifiyey qaxootiga ku nool Puntland. Waxaa lagu qiyaasaa in qiyaastii 10,000 ilaa 20,000 oo qaxooti ah ay ku sugan yihiin gudaha Puntland, kuwaas oo u baahan daryeel, badbaado, iyo ilaalin xuquuqdooda aasaasiga ah. Warqadda Wasiirka Juxa waxay u muuqataa mid u eg warqaddii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku mamnuucay soo-galootiga qaarkood, isaga oo ku tilmaamay kuwo argagixiso, kufsiwadayaal, iyo halis amni ku ah dalkiisa. Hase yeeshee, waxaa lagama maarmaan ah in la xusuusto in qaxootiga caalamka ay leeyihiin xuquuq lama taabtaan ah oo ku cad qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Geneva ee 1951 iyo heshiisyo kale oo loogu talagalay badbaadada dadka barakacay. Taariikh ahaan, Soomaalidu waxay muddo dheer ka faa’iideysatay taageerada iyo shuruucda qaxootiga, gaar ahaan intii lagu jiray xilligii burburka dalka oo malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay ku qaxeen waddamada deriska ah iyo kuwa caalamka. Dalalkaas waxay siiyeen magangelyo, cunto, hoy, iyo adeegyo kale oo muhiim ah. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in Puntland aysan iska indha tirin waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta qaxootiga. Go’aamada lidka ku ah xuquuqda qaxootiga waxay saameyn weyn ku yeelan karaan xiriirka Puntland iyo beesha caalamka, maadaama qaxootigu yahay mas’uuliyad wadaag ah oo ay caalamku si wadajir ah uga shaqeeyaan xalinteeda. Tallaabo kasta oo ka hor imanaysa heshiisyada caalamiga ah waxay dhaawacaysaa sumcadda Puntland iyo xiriirka ay la leedahay ururrada caalamka iyo dalalka taageeraya. Puntland waxay wajahaysaa waqti adag, taas oo laga yaabo inay dhaliso go’aamo degdeg ah oo caadifad ku saleysan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in diiradda la saaro xalinta dhibaatooyinka qaxootiga ku haysta gudaha Puntland, iyadoo la ilaalinayo xuquuqdooda iyo sharaftooda. Shucayb Xaaji Ciise The post Waa Muhiim in la Ilaaliyo Xuquuqda Qaxootiga ee Gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Ciidamada Amniga Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay shabakad ka tirsan Daacisho oo qorshaynayay in ay falal Argagixiso ka fuliyaan gudaha Boosaaso sida ay shaacisay dowladda. Ciidamada Amniga Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 8 xubnood oo lix kamid ah ajaanib yihiin kuwaasi oo la shaqeynayay ninkii Yemeniga ahaa ee habeen ka hor lagu toogtay Boosaaso isaga oo qarax ku aasayay wadada weyn gaar ahaanna Al Nakhhil. Laamaha Amniga Boosaaso waxay sidoo kale sheegeen in ay xiran yihiin dad tiradoofu gaarayso ilaa 100 qof oo ku eedaysan in ay xiriir la lee yihiin kooxaha Argagixisada ah islamarkaan uu baaritaan ku socdo waxaana ay u mahadceliyeen shacabka oo si weyn uga qayb qaatay soo gudbinta xogtooda. “8 xubnood oo kale oo 6 ka mid ah Ajaanib tahay, ayaa Ciidanku qabteen. Waa kooxdii la shaqeynayey Ninkii Ajenebiga ahaa ee la dilay isagoo qarax aasayay sidoo kale 100 dad gaaraya xiran oo baaritaan ku socda, Shacabka aya shaqeyay” ayaa lagu yiro qoraal ka soo baxay Ciidamada Amniga. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo sheegay in ay Boosaaso ku qabteen shabakad ka tirsan Daacish oo ajaanib u badan appeared first on Puntland Post.
  12. Dowladda Imaraadka Carabta ayaa diyaarad khaas ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro oo safarkiisii ugu horreeyay ugu amba baxay dalkaas. Xariirka Imaaraadka uu la leeyahay Soomaaliland ayaa sanado badan soo tixnaa, balse sanadkii 2016-kii ayay xukuumadda Abu dubai billowday heshiisyo waaweyn oo la gashay Hargeysa, kuwaas oo uu kamid ahaa la wareegidda Dekedda Berbera iyo qalabaynta qaar kamida cutubyada laamaha ammaanka. Sidoo kale dawladda Imaaraadka carabta ayaa xariirka la leh dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ay madaxdoodu si joogto ah ugu safraan dalkaas, islamarkaana heshiisyo qarsoodi ah iyo kuwo muuqdaba la soo galaan. Sanadkii 2017 ayay ahayd markii shirkadda DP world oo laga leeyahay dalka Imaaraadku ay heshiis gaar oo ay kula wareegayso dekadda Magaalada Boosaaso la gashay dowlad goboleedka Puntland, waxaana heshiiskaas si aqlabiyad leh u diidey baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, balse looma joojin. Sidoo kale dawladda Imaaraadku waxay tababartaa cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, sidoo kale waxay Abu dubai sanadihii dambe xoojinaysay xariirka ay la leedahay Jubbaland, waxaana la rumaysanahay in Imaaraadku uu kaalin ku leeyahay khilaafka haatan ka dhex aloosan Jubbaland iyo Federaalka. Dowladda Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay fara-gelin gudaha ah oo ay ku samayso dalalka ay colaaduhu ka jiraan sida Yemen, Suudaan, iyo Libya, Soomaaliyana waxaa muuqata in looga faa’iidaysanayo kala qeybsanaanta siyaasadeed, ayadoo xukuumadda Abu dubai ay si toos ah ula macaamilaysa madaxda dowlad goboleedyada. Source: goobjoog.com
  13. Hargeysa,(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa saaka ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa isaga oo u kicitimay dalka Imaaraadka Carabta oo uu marti qaad rasmi ah ka helay. Madaxweyne ayaa diyaarad khaas ah oo laga leeyahay dalka Imaaraadka ka raacay Cigaal International Airport ee caasimadda Somaliland. Waa socdaalkii u horeeyay ee uu madaxwe Cabdiraxmaan Cirro ugu baxo dalka dibadiisa tan iyo intii uu xilka madaxwenanimada uu qabtay. Dawladda Imaaraadka ayaa soo dhawayn balaadhan ugu diyaar garawday dalkeeda soo dhawaynta madaxweynaha Somaliland waxana uu salaan ka qaadan doonaa ciidamada dalkaasi oo ugu diyaar ah madaarka uu ka degaayo. Madaxweyne Cirro ayaa haysta martiqaadka dhowr dal oo kale oo lagu wado iyagana in uu booqan doono ka dib marka uu dalka ku soo laabto Qaran News
  14. Gaza (Caasimada Online) – Axaddii, saddex haween Israa’iiliyiin ah oo Xamaas maxaabiis ahaan u haysatay ayaa lagu sii daayay qayb ka mid ah heshiiskii maxaabiis is-dhaafsiga, waxaana la siiyay wax u muuqday “boorsooyin hadiyad ah” oo ay siiyeen dagaalyahannada ururka Falastiiniyiinta. Xamaas ayaa baahisay muuqaal muujinaya saddexda maxbuus oo kala ah – Doron Steinbrecher, Emily Damari iyo Romi Gonen – oo la siinayo boorsooyin warqado ka samaysan, kuwaas oo la sheegay inay ku jireen waxyaabo xusuus u ah waayihii ay maxaabiis ahaan ugu jireen Gaza. Muuqaalka la baahiyay, haweenka ayaa lagu arkayaa iyagoo dhoollacaddeynaya oo la kaftamaya ragii hayay, kuwaas oo boorsooyinka loogu magac daray ‘hadiyadaha’ ka siinaya daaqadda gaari, iyagoo inta badan ka duwan shaashadda. Boorsooyinka ayaa waxaa ku sawirnaa astaanta garabka hubeysan ee Xamaas ee Al-Qassam. Maxaabiista oo weli dhoollacaddeynaya, ayaa kor u haya boorsooyinka buniga ah ee la sheegay inay ku jireen “hadiyado iyo xusuus” lagu xusayo sii deyntooda. Muuqaallada ayaa muujinaya in ugu yaraan hal shay oo boorsooyinka ku jiray uu ahaa shahaado gaar ah, oo mar kale ay ku sawiran tahay astaanta Al-Qassam, oo cinwaan looga dhigay ‘Heshiiska Sii-daynta’ oo ku qoran luuqadaha Cibraaniga iyo Carabiga labadaba, iyadoo warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in dukumiintiga ay saxiixday Hay’adda Laanqayrta Cas xilligii maxaabiista la wareejinayay. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in boorsooyinka ay sidoo kale ku jireen sawirrada maxaabiista xilligii ay xabsiga ku jireen, khariidadda Marinka Gaza, iyo silsilado wata calanka Falastiin. Maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ayaa 471 maalmood ku qaatay maxaabiis ahaan gudaha Gaza, kaddib markii lagu qabtay weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas 7-dii October 2023. Warbaahinta Israa’iil ayaa “boorsooyinka hadiyadaha” ku tilmaantay fal dacaayad ah oo ay Xamaas soo agaasintay. Hase yeeshee, qaar ka mid ah isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa is barbar dhig ku sameeyay tilmaanta muujinaysa naxariista iyo guud ahaan muuqaalka caafimaad iyo farxadeed ee maxaabiista Israa’iiliyiinta, iyo xaaladda maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ay sii deysay Israa’iil, kuwaas oo in badan oo ka mid ah ay ka muuqdeen calaamado muujinaya dayacaad iyo suurtagalnimada in si xun loola dhaqmay xabsiyada Israa’iil. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sidoo kale weerarro ku qaaday guryaha qoysaska dhowr maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo la sii daayay, iyagoo ka hortagayay in la sameeyo wax dabaaldeg ah. Ku dhowaad 300 Falastiiniyiin ah ayaa lagu sii daayay heshiiskii maxaabiis is-dhaafsiga, iyadoo intooda badan lagu hayay xabsiyada Israa’iil iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin ama xitaa wax dacwad ah aan loo soo jeedin.
  15. Saddex ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ah ee Koongo oo u dhashay Malawi ayaa lagu dilay iska horimaad ay bariga dalkaas kula galeen dagaalyahannada M23 ee ay Rwanda taageerto. afhayeen u hadlay milatari Malawi oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP ayaa yiri “Waxaan xaqiijinaynaa khasaaraha saddex ka mid ah ciidamadeenna geesiyaasha ah, kuwaas oo qayb ka ahaa Hawl-galka SADC ee DRC,” af-hayeenkan oo lagu magacaabo Emmanuel Mlelemba, ayaa intaas ku daray in askarta la diley ay ku gudaha jireen gudashada waajibaadkooda xilli ay la kulmeen jabhadda M23 ee ka howlgasha bariga DRC, islamarkaana halkaas ay rasaas isku waydaarsadeen. Jamhadda M23 oo ay taageerto dowladda Rwanda ayaa sanado badan dagaal kula jirtay ciidanka dalkaas iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga dalkan aan xasilloonayn ee ku yaalla bartamaha Afrika. Source: goobjoog.com
  16. Beled-xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Beled-xaawo Cabdifataax Nuur Mataan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Cabdifataax Nuur Mataan iyo askar la socotay ayaa qaraxa miino shalay lagula eegtay gudaha degmadaasi, isaga oo xalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaawaca soo gaaray guddoomiye ku xigeenka ayaa loo waayay gurmad de-deg ah, si loogu soo qaado magaalada Muqdisho, sababo la xiriira ciriiriga ka jiray dhanka diyaaradaha, iyada oo mar dambe suuragashay in diyaarad qaas ah loo diro taasi oo shalay galab keentay Muqdisho oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday. Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay jirto dhimasho iyo dhaawac kale oo gaaray askartii la socotay mas’uulkaasi oo haatan la xaqiijiyay geeridiisa. Gedo ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ka dhex faa’iideysaneyso kooxda Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobolkaasi. Horay maleeshiyaadka kooxda ayaa qarax ugu dishay saraakiil iyo mas’uuliyiin sar sare, waxaana kamid ah taliyihii NISA ee Gedo Marxuum Bakaal Kooke oo sidaan oo kale qarax miino ay kooxda ugu dishay dabayaaqadii 2022-kii, xilligaas oo uu gobolku kacsanaa.
  17. Dalka Mareykanka waxaa maxkamad ku xukuntay Mukhtaar Maxamed Shariif, oo ah muwaadin Soomaali-Mareykan ah, kadib markii lagu helay eedeymo la xiriira isdabamarin dhaqaale oo gaaraya $250 milyan. Lacagtan ayaa markii hore loogu talagalay barnaamij loogu gargaarayo dadweynaha intii lagu jiray xilligii COVID-19, balse waxaa la sheegay in si khaldan loo maamulay. Mukhtaar ayaa horey u beeniyay eedaha loo jeediyay, waxaana kiiskan lala xiriiriyay in ka badan 60 qof oo kale oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen lunsashada lacagaha loogu talagalay ka hortagga cudurka safmarka ahaa ee Coronavirus. Xeer ilaalintu waxay sheegtay in lacagtii la xaday loo isticmaalay iibsashada gaadiid raaxo ah, hanti ma guurto ah, iyo maalgashi caalami ah, inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin goobaha maalgashigaasi lagu sameeyay. Mukhtaar, oo dhalasho ahaan haysta labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii firfircoon ee ka shaqeynayay dadaalladii la qaaday intii lagu jiray xayiraaddii caalamiga ahayd ee 2019-2020, si wax looga qabto saameynta cudurka COVID-19. Si kastaba ha ahaatee, xukunkiisa ayaa noqday mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo uu weli jiro doodo la xiriira sida dacwadda loo maareeyay. Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa go’aanno culus dul-dhigtay dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaannada maamulkaasi iyo kuwa imaanaya, xilli haatan uu dardar xoogleh ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib badan. Puntland ayaa gebi ahaan mamnuucday in qof ajnabi ah oo sharci darro ku jooga deegaannadeeda in aan guri laga kireyn karin maanta kadib, sidoo kalena aan la shaqaaleysiin karin. Sidoo kale waxaa laga mamnuucay tuugsiga goobaha dadweynaha, iyada oo dhanka kale shirkadaha la faray in qof ajnabi ah oo aan haysan sharci aanay u furin karin Sim-Card. Waxaa kale oo la joojiyay ganacsiyada yaryar ee lala wareego waddooyinka iyo xaafadaha, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay warsaaradda arrimaha gudaha Puntland. Hoose ka akhriso:- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:- Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego.
  19. Bosaso (HOL) — Abdifatah Nur Mataan, the Deputy Chief of Security and Politics for Beled-Hawo district, succumbed to injuries sustained in a landmine explosion on Saturday, officials confirmed. Source: Hiiraan Online
  20. Bosaso (HOL) — Puntland authorities have launched a crackdown on undocumented foreign nationals in a bid to curb security risks, citing links between illegal migration and extremist activity in the region. Source: Hiiraan Online
  21. U.S. recognition of Somaliland could reshape the Horn of Africa’s geopolitics, intensify U.S.-China rivalry, and validate Somaliland’s democratic aspirations. “I would hate to see the Red Sea bottled up on both ends by people who might not necessarily be or remain our friends.” These prophetic words, by President Dwight Eisenhower in 1959, echoed the strategic calculus of a Cold War world. Three years later, Ethiopia’s Emperor Haile Selassie dissolved Eritrea’s federal status and annexed the region with little international pushback. In many ways, Eisenhower’s endorsement of Ethiopia’s move was less about Ethiopia itself and more about containing Soviet influence in a region of critical global importance. Fast-forward to today, the parallels to Somaliland’s bid for recognition are striking. Should President Trump have moved to recognize Somaliland during his second term, his rationale would likely echo Eisenhower’s: securing strategic asset in the volatile but geopolitically critical Gulf of Aden/Horn of Africa region. The Port of Berbera, one of Africa’s most significant natural harbors, offers immense military and economic potential. Trump, however, was not alone in exploring Somaliland’s recognition. U.S. Congressman Scott Perry recently introduced a bill for formal U.S. recognition, signaling an interest in the issue in the legislative branch. If the United States leads the charge, other nations may follow, altering the balance of power in the Horn of Africa. A Fragile Balance in the Horn of Africa The Horn of Africa has always been a geopolitical chessboard, its stakes magnified by the rivalry between the United States and China. Beijing already operates a military base in Djibouti, a stone’s throw from Somaliland. U.S. recognition of Somaliland would almost certainly intensify this competition, potentially prompting China to establish a counterweight elsewhere in the region—perhaps in Eritrea, where relations with Beijing are already warm. Such moves could harken back to the Cold War when Eritrea hosted U.S. defense installations before falling under Ethiopian control. Somaliland’s quest for recognition is rooted in its history. The Somali Republic, formed in 1960 from the merger of British Somaliland and Italian Somaliland, collapsed in 1991 amid civil war. Somaliland declared independence, building a functioning democracy and maintaining relative stability while Somalia descended into chaos. Despite its accomplishments, Somaliland has spent over three decades as an unrecognized state, its aspirations stymied by international reluctance to redraw colonial-era boundaries. States crave recognition as humans crave oxygen. Yet Somaliland’s resilience without it is a marvel of international relations. Unlike its neighbors—Somalia, Djibouti, and Ethiopia—Somaliland scores higher on democracy indices, according to Freedom House. Its peaceful elections and functioning institutions make it an outlier in a region marked by authoritarianism and conflict. What Recognition Could Mean for the Region Ethiopia would be among the first to benefit if the U.S. recognizes Somaliland. Landlocked since Eritrea’s independence, Ethiopia has long sought access to the sea. The Port of Berbera could serve as a lifeline, provided Ethiopia overcomes opposition from Somalia and the African Union. A memorandum of understanding between Somaliland and Ethiopia hints at this possibility despite Ethiopia’s diplomatic tightrope with China, Turkey, and Somalia. China’s calculus would also shift. Somaliland’s existing ties with Taiwan—already a thorn in Beijing’s side—could deepen with U.S. recognition, complicating China’s diplomacy in the Horn of Africa. A formal Somaliland-Taiwan alliance could embolden other states to challenge China’s One-China policy, further entangling the region in great power competition. The United Arab Emirates, a long-time supporter of Somaliland’s independence, would likely emerge as another winner, bolstering its strategic influence in the Red Sea. Meanwhile, Turkey and Egypt could face diplomatic fallout. Turkey’s attempts to mediate between Somalia and Somaliland might falter, and Egypt’s broader strategy to undermine Ethiopia—particularly over the Grand Ethiopian Renaissance Dam—would require recalibration. The Global Stakes Somaliland is at the intersection of history and strategy. Its proximity to major shipping routes and oil reserves makes it a prize in any geopolitical contest. The United States’ recognition would not only validate Somaliland’s democratic experiment but also reshape the Horn of Africa’s alliances and rivalries. For Washington, recognizing Somaliland would signal a renewed commitment to countering Chinese influence in Africa. It would open a Pandora’s box of opportunities and challenges for the region, forcing states to reassess their alliances and priorities. And for Somaliland itself, recognition would mean achieving a dream deferred for over three decades: the right to exist as a sovereign state in the eyes of the world. As Eisenhower’s words remind us, the stakes in the Red Sea are never just local. Should Somaliland gain recognition, its story will become part of a broader narrative about the evolving balance of power in one of the world’s most contested regions Seifudein Adem Seifudein Adem teaches Global Studies at Doshisha University, Kyoto, Japan. He is also a Research Associate at Ali Mazrui Center for Higher Education Studies, University of Johannesburg, Johannesburg, South Africa. Qaran News
  22. Mogadishu (HOL) — Tensions surrounding the Gaza ceasefire intensified on Sunday as Israeli forces reportedly shot and killed a Palestinian attempting to return home in the northern Gaza Strip. Hamas accused Israel of delaying the truce’s implementation, citing restrictions on displaced residents. Source: Hiiraan Online
  23. Jigjiga (HOL) – A Somali government delegation, including Deputy Minister of Information, Culture and Tourism Abdirahman Yusuf Al-Adala and Deputy Minister of Minerals Abdiwahab Omar Ananug, participated a cultural event on Saturday in Dire Dawa, Ethiopia's Somali Regional State, to celebrate the recognition of Xeer Ciise by UNESCO as part of the Intangible Cultural Heritage of Humanity. Source: Hiiraan Online
  24. Minneapolis (Caasimada Online) – Mukhtaar Maxamed Shariif, oo udub-dhexaad u ahaa qorshihii dhaca hantida dadweynaha ee ugu baaxadda weynaa taariikhda Mareykanka ee la xiriira COVID-19, ayaa Jimcihii lagu xukumay 17 sano iyo bar oo xabsi ah, xukunkaas oo ah mid ka mid ah kuwa ugu culus ee kiiskan ilaa iyo hadda. Shirqoolka dhaca hantida dadweynaha ee barnaamijka “Feeding Our Future” oo lagu qiyaasay $250 milyan, ayaa lacagihii loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta baahan u weeciyay dhanka iibsiga gawaarida raaxada, hantida ma-guurtada ah, iyo maalgashiyo dibadeed. Toddoba toddobaad oo maxkamadeyn ah oo ka dhacday Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minneapolis bishii Juun 2024, taas oo ay guddoominaysay Garsoore Nancy E. Brasel, ayaa Mukhtaar Shariif lagu helay dambiyada afar eedeymood oo kala ah: shirqoolista fal-dambiyeed xagga isgaarsiinta ah, fal-dambiyeed xagga isgaarsiinta ah, shirqoolista been xalaaleyn lacag, iyo fal-dambiyeed been xalaaleyn lacag. “Inaan ogaado in ficilladaydu ay wax u dhimi karaan sumcadda bulshadaas, ayna xitaa kicin karaan aragtiyo taban oo ku saabsan isla bulshadaas, waa culeys weyn oo aan xambaarsanahay,” ayuu yiri Mukhtaar isagoo ilmaynaya. Si kastaba ha ahaatee, raalligelintiisa shucuurta leh wax badan kama beddelin mowqifka Garsooraha Federaalka ee Nancy Brasel. “Markii dunidu ay ku jirtay xaaladdii ugu nugleyd, ma aadan ahayn gargaare; waxaad ahayd tuug,” ayay tiri Garsoore Brasel, iyadoo carrabka ku adkeysay “ixtiraam-darrada baaxadda leh ee uu Mukhtaar u hayo sharciga.” Garsooraha ayaa ku dhawaaqday xukunka 210-ka bilood ah, oo ay ku jiraan saddex sano oo sii-deyn kormeer leh iyo waajib ah inuu bixiyo magdhow dhan $48 milyan oo dollar. Taageerayaasha Mukhtaar, oo in ka badan 100 ka mid ah ay buux-dhaafiyeen qolka maxkamadda iyo goobaha ku teedsan, ayaa si shucuur leh uga falceliyay xukunka 210-ka bilood ah. Qaarkood waa ay ooyeen, halka kuwa kalena ay muujiyeen caro. Nin ayaa ku dhawaaqay, “Caddaalad ma jirto,” taasoo ku kalliftay garsooraha inay dalbato nidaam iyo kala dambeyn. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu carqaladeeyay caddaaladda, isagoo tirtiray barnaamijka Signal-ka oo duubay marag-furka goob-joogayaasha intii ay socotay maxkamadeyntiisa. Garsoore Brasel ayaa ficilladiisa, oo ay ku jirto inuu wax ka ogaa faragelinta xeer-beegtida, ku tilmaantay “ixtiraam-darro aan hore loo arag oo loo hayo sharciga.” Barnaamijka “Feeding Our Future” oo ay maamusho Waaxda Beeraha ee Mareykanka ayna fuliso Waaxda Waxbarashada ee Minnesota, ayaa lacagaha ku celin jiray ururada kafaala qaada, iyadoo lagu saleynayo tirada cuntada la bixiyay. “Feeding Our Future”, oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo kafaala qaaday goobo ay ka mid yihiin kuwa Mukhtaar, ayaa door weyn ka ciyaaray fududeynta sheegashooyinka been abuurka ah iyagoo ku beddelanayay lacago laaluush ah. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Mukhtaar iyo saaxiibbadiisii dhagar-qabayaasha ahaa ay been-abuureen tirada cuntada, qaansheegyada, iyo diiwaannada imaanshaha si ay u sheegtaan malaayiin dollar oo lacag celin ah oo loogu talagalay cuntooyin aan weligood la bixin. Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa Kirkpatrick, ayaa qorshahan ku tilmaamtay “xatooyo bareer ah” oo lagu sameeyay lacagaha canshuur-bixiyeyaasha ee loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta. Mukhtaar, oo 34 jir ah, ayaa soo noqday Maamulaha Guud ee Shirkadda Afrique Hospitality Group, shirkaddan uu u adeegsaday inuu ku leexiyo lacagihii laga soo xaday Barnaamijka Nafaqada Carruurta ee Federaalka. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Mukhtaar uu jeebkiisa ku shubtay in ka badan $1.3 milyan oo dollar, isagoo soo gudbiyay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan inuu quudinayo ilaa 3,500 oo carruur ah maalin kasta goobo aan jirin, isla markaana uu sameystay shirkado been abuur ah si uu been xalaaleeya lacagaha. Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Joe Thompson, ayaa qorshahan ku tilmaamay mid “xatooyo bareer ah,” isagoo yiri, “Qorshahoodu wuxuu ku lug lahaa cuntooyin been abuur ah, carruur been abuur ah, qaansheegyo been abuur ah – balse lacag dhab ah ayaa ku lug lahayd.” Thompson ayaa sidoo kale diiday doodaha difaaca ee ah in Mukhtaar uu ahaa ka-qaybgale yar oo ku lug lahaa dhaca. “Uma dhaqmaynin sidii hoggaamiye bulsho – wuxuu buuxsanayay jeebkiisa,” ayuu yiri Thompson, isagoo dalbaday xukunka ugu badan ee 22-sano ah ee hoos yimaada tilmaamaha federaalka. Fadeexaddan, oo ay ku lug leeyihiin 70 eedaysane, ayaa gilgishay gobolka Minnesota. Dhaca ayaa wiiqay kalsoonida dadweynaha, wuxuuna dhaawac weyn u geystay sumcadda bulshada Soomaali-Mareykanka. Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa walaac ka muujiyay sida kiiskani u sii xumeyn karo aragtiyaha taban ee bulshada Soomaalida laga haysto.
  25. Ciidamada difaaca difaaca Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay in ay Argagixisada Daacish ka qabsadeen Saldhigii Warisoor oo u dhaw degaanka Turmasaale. Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in mileeshiyaadka Daacish laga saaray Saldhigii Warisoor ee nawaaxiga Turmasaale oo ka tirsan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. “Ciidanku waxay la wareegeen Taliskii Argagixisada Daacish ku laheyd deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland. Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale maalin ka hor Argagixisada Daacish ka qabsaday Taliskii weynaa ee degaanka Turmasaale kaasi oo la rumaysan yahay in uu sannadihii danbe xarun u ahaa hoggaamiyaha kooxdaasi Cabdiqaadir Muumin. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo shaaciyay in ay Argagixisada Daacish ka saareen Saldhigii Warisoor ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.