-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay duleedka degmada Ruun-Nirgood oo ka tirsan gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa haleelay Hooyo iyo canug yar oo ay wadatay xilli ay ku socdaalayeen duleedka Ruun-Nirgood, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka degmadaasi oo lagu magacaabo Muxudiin Maxamuud Kulmiye. Guddoomiyaha oo la hadlay waraabhinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna xaqiijiyay in Hooyada ay geeriyootay iyo canugana uu dhaawacmay. “Miino ay ciidamada u dhigeen ayaa la kacday dad rayid ah gabar canug muluq ah wadata ayaa ku dhimatay, canugiina waa dhaawac” ayuu yiri guddoomiye Muxudiin. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in qaraxa uu ka dhacay dhul keyn ah oo ku yaalla duleedka degmada, halkaas oo uu tilmaamay inay dhuuntaan Al-Shabaab. “Meesha uu dhibka ka dhacay waa dhulka keynta ah oo ay ku jireen waa meel istaraatiiji ah oo la’isaga gudbi jiray oo waddooyin badan ay iska dhaafaan” ayuu sii raaciyay. Muxudiin Maxamuud Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ku raad-joogaan xubnaha Al-Shabaab ee ka dambeeyay qaraxyaas, ayna hadda wadaan howlgallo. “Ciddii ka dambeysay falkan waa lagu raad-joogaa waa ciddaan Khawaarijta ah, waana gabagabo hadda xaaladdooda” ayuu mar kale wareysiga ku yiri guddoomiyuhu. Ruun-Nirgood oo todobaadkan ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda ayaa waxaa weli ka socda howlgallo amni xaqiijin ah, si looga hortago weerarada Al-Shabaab. The post Hooyo iyo canug yar oo lagu dilay qarax ka dhacay Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo lagu laayay dhalinyaro, kaas oo Arbacadii shalay ka dhacay duleedka magaalada Gaariga ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarka ayaa yimid, kadib markii koox aan la garan heybtooda ay waddada u galeen gaari ay la socdeen dhalinyaro arday ah, kuna sii jeeday deegaanka lagu magacaabo Huluqo. Xildhibaan Deeqow Maxamed Barrow oo laga soo doorto magaalada Gaarisa ayaa BBC-da uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay dhalinyaradaas la gala tegay baabuurka, kadibna toogasho lagu dilay. Deeqow Maxamed Barrow ayaa xaqiijiyay in dhacdadaan lagu dilay ugu yaraan 6 qof oo uu ku jiro darawaalkii gaariga ku waday dhalinyarada la laayey. “Sida aad ka war haysaaan waxaa Gaarisa ka dhacday arrin aad u qaab daran oo fool xun waxaa la weeraray gawaari u socdeen magaalada la dhaho Huluqo oo ilmo yar oo dhalinyaro ah ay ku jiraan gaari lagala baxay magagaalada Gaarisa agagaarkeeda lix qof ayay ahaayeen gaariga inta lagala baxay ayaa la toogtay” ayuu yiri Xildhibaan Deeqow. Sidoo kale wuxuu beeniyay in arrintan ay salka ku heyso aano qabiil, wuxuuna tilmaamay inay tuhunsan yihiin in falkaasi ay geysatay koox shufto ah, sida uu hadalka u dhigay. “Wax aan hadda dhaheyno qabiil oo aan hubno ma lahan, ilaahbaa garan wixii dhacay iyo wixii dilay magaaladan waxay aheyd magaallo nabad-gelyo fiican oo Umadda badan oo Soomaali ah ay magaallo ka dhiganeysay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaanku. Wuxuu intaasi ku daray “Niman aan u maleyneyno inay iska shufto yihiin ayaa dhibkaas geystay, maxaa yeelay dadka ay dileen waa ilmo”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta xariiqay in weli uu socdo baaritaan, isla-markaana falkan loo soo xiray laba nin oo uu sheegay in lagu tuhmayo weerarkaasi. “Sida ay sheegeen laba ninbey soo qabteen oo ay tuhunsan yihiin inay ka dambeeyeen arrintan, mise inay ku lug lahaayeen” ayuu mar kale yiri xildhibaan Deeqow Maxamed. Inta badan Gaarisa iyo deegaanada kale ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhaca falal ammaan darri, waxaana usii dheer weerarada kooxda Al-Shabaab. The post Faah-faahin ku saabsan dhalinyaro lagu laayay Gaarisa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa maanta soo saaray qaraar cusub oo ku socdo bahda waxbarashada ee dalka, gaar ahaan jaamacadaha. Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa qaraarkan ku shaaciyay go’aaano saameynaya jaamacadaha, isaga oo sheegay in lagu soo kordhiyay jaamacadaha hal sanno oo waxbarasho Aas aasi ah (Foundation Year), kaas oo bilaabanayo sanad dugsiyeedka 2023/2024. Sanadkaas ayaa waxaa loogu talagalay in lagu dhiso ardayda cusub ee galaya jaamacadaha, wuxuuna ka ka koobnaan doonaa laba Semester oo aan ku jiray muddada 4 sano ama ka badan waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda. Ardayda ayaa sanadka koowaad la bari doonaa maadooyin ay kamid yihiin afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda, afka Carabiga iyo Engilishka, ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed. Sidoo kale waxa ay ardayda qaadan doonaan sanadka waxbarashada aas aaasiga ah daraasaadka Islaamka, gaar ahaan Fahamka Guud iyo Akhlaaqda Islaamka. Wasaaradda waxa ay intaasi kusii dartay in lasoo kordhiyay maadooyin aan horay looga dhigan Soomaaliya sida Xallinta khilaafaadka, xiriirka bulshada, hab fikirka naqdineed (Critical Thinging) oo lagu bari doono ardayda waxbarashada heerka 1-aad ee jaamacadda. Waxaay sidoo kale ballan qaaday in iyada oo kaashaneysa khuburada jaamacadaha inay gacan ka geysan doonto dhismaha saabka manhajka sanadka waxbarashada aas aasiga ah ee heerka jaamacadeed. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee lagu hormarinayo tayeynta tacliinta saree ee dalka. Soomaaliya ayaa sanadihii dambe horumar ka sameyneysay dhanka waxbarashada, waxaana sanadkan oo kaliya marxaladda dugsiga sare kasoo gudbay illaa 50 kun oo arday ah, halka jaamacadahana ay ka baxeen 25 kun oo arday ah sida ay sheegtay wasaaraddu. The post Wasiir Faarax C/Qaadir oo soo saaray go’aan saameynaya jaamacadaha dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii shalay magaalada Laascaanood lagu dilay Abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye, kaas oo ku dhintay madaafiic ay Somaliland ku garaacday bartamaha magaaladaasi. Geerida Abwaanka ayaa si weyn looga dareemay dalka, waxaana la sheegay in xilliga la dilayay uu la socday baabuurkiisa, isla-markaana uu ku habsaday madfac habow ah. Abwaan Jaamac Kadiye ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex leeyahay Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo kamida ay gayiga Soomaaliyeed ka caan bexeen. Haddabada sidee looga falceliyay dilkiisa? Inta badan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa si weyn uga hadlay geerida ku timid AUN Abwaan Jaamac Kadiye, waxayna sidoo kale cambaareeyeen duqeynta lagu dilay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kamid ah madaxda ka hadashay dilka Abwaanka ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Jaamac Kadiye oo lagu dilay duqeynta Laascaanood. Xamza ayaa sheegay in Abwaanka uu ahaa hal abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Sidoo kale madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa isaguna tacsi kadib ku eedeeyay Somaliland ay in duqeyn ku leyneyso haldoorka kasoo jeeda gobolka Sool. “Duqeynta Somaliland ku laynayso haldoorka, birimageydada iyo guud ahaan Shacabka gobolka Sool, waxay muujinaysaa cadowtnimada maamulka Muuse Biixi u qabo dadka reer Sool, Mana ahan mid taasi la isaga hari doono. Waxaana ka tacsiyeeynaya dhammaan dadkii ku geeriyooday duqeyntaasi” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray madaxweyne Deni. Dhankiisa madaxweynaha Jubbaland ayaa ka falceliyay dilka loo geystay Abwaan Jaamac Kadiye, wuxuuna tilmaamay in Somaliland ay falal lid ku ah xuquuqda aadanaha ka waddo magaalada Laascaanood oo ay haatan kula dagaalameyso ciidamada deegaanka ee SSC. “Falalka lidka ku ah xuquuqda aadanaha ee Maamulka Soomaaliland uu ka gaysanayo Laascaanood maha Kuwo lagaga baxsan doono Caddaalada iyadoo si ula kac ah loo beegsanayo goobaha dadka aan waxba galabsan iyo bulshada caadiga ah ay ku nool yihiin” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa sidoo kale kamid ah madaxda kale ee ka hadlay Mustafe Muxumed Cagjar oo ah madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuuna Ebbe naxariiriistii Janno uga baryay Abwaan Jaamac Kadiye oo uu tilmaamay inuu Abwaan baadi goobayay midnimo. “Inalilaah wa inaa ilaahi raajicuun. Naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo Abwaan Jaamac Kadiye. Eheladda, qaraabadda iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan alle ha ka siiyo. Wuxuu ahaa Abwaan sugaantiisa ku baadi goobay midnimadda iyo wanaaga shacabka soomaaliyeed. Allah Yarxam.” ayuu isuguna yiri madaxweyne Cagjar. The post Sidee looga falceliyay dilka Abwaan Jaamac Kadiye? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Dastuurka iyo Golaha Wakiillada oo Falan-qeeyay Wada Shaqeyntooda Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa maanta kulan la qaadatay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Garyaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle. Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo habsami u socodsiinta shaqooyinka labada hay’adood u xilsaaran yihiin. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo kulankaa ka hadashay ayaa Xoghayaha Guud uga mahadnaqday sida uu usoo ajiibay codsigii ay u gudbiyeen, waxaanay xoghayaha guud kusoo dhowaysay Wasaaradda Agaasimaha guud ee Dastuurka oo hadalkeeda sii wadata ayaa sharaxaad ka bixisay muhiimada ay leedahay in la isla kaashado sidii looga midho dhalin lahaa hawlaha ay hay’addaha Qaranku u xilsaaran yihiin iyada oo hay’ad kasta leedahay waajibaad ku qeexan Dastuurka iyo Xeerarka ka farcama. Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Garyaqaan Cabdirisaaq Siciid ayaanle oo isna madashaasi ka hadlay ayaa kulanka ku sifeeyay mid aad muhiim u ah ,waxaanu Xoghayuhu ku dheeraaday kaalinta ay Wasaaaraddu ku leedahay isku xidhka Golayaasha Qaranka. Ugu dambayntiina waxaa la isla qaatay in shirarka Farsamo ee noocan oo kale ahi halkaa kasii socdaan iyadoona loo balamay kulamo kale oo lagu sii amba-qaadayo xoojinta iskaashi wada shaqayneed oo mustaqbalka midho dhala. Kulankan Waxa labada dhinac ku wehelinayey qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo La taliyeyaal ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda. Qaran News
-
A petition urging the prohibition of TikTok has ignited a lively discussion within Kenya's parliamentary and public spheres. Source: Hiiraan Online
-
A Kenyan senator has been arrested over a scholarship scandal. Source: Hiiraan Online
-
Shir Lagu Gorfeeyay Wax ka Beddelka Xeerka Macdanta Hargeysa(Qaran news)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Siciid Axmed Jibriil ayaa gudoomiyay kulanka Wadatashiga ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Tamarta Korontada Somaliland. Kulanka la tashiga oo Wasaaradda Tamartu la yeelatay daneeyayasha Aaga Tamarta dalka ayaa waxa ka soo qayb galay xubno matalaya dhamaan shirkadaha Korontada dalka iyo Garyaqaano kasocday dhanka shirkadaha Korontada. Waxa kale oo shirkaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah Ingineeradda Wasaaradda, Garyaqaano Wasaaradda dhinaca sharciga ka taageera iyo shaqaalaha World bank. Ujeeddada kulankaas ayaa ahayd sidii shirkaduhu Wasaaradda ula wadaagi lahayeen wixi talo ah ee xeerka ku-saabsan sidoo kalena looga wada tashan lahaa xeerkan wax kabadalka lagu wado si loo helo xeer dan u ah dhamaan daneeyayaasha Aaga Tamarta oo dhan. Qaran News
-
Alexander Mwenda is cutting down his three-acre miraa trees because of the high levies charged on the crop before it reaches the market. Source: Hiiraan Online
-
Defence Cabinet Secretary Aden Duale has stated that the Kenya Defense Forces are in Somalia to protect Citizens of Somalia. In a report that has been shared by a reliable source of information, it has been reported that the Duale who was speaking on Citizen TV has also stated that the Kenya Defense Forces will be brought back in the country. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay falkii Somaliland ku dishay abwaankii Soomaaliyeed ee Jaamac Kediye. “Waxaan Qoyska, Ehelka, Qaraabadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu diley isaga iyo muwaadiniin kale duqeymihii arxan-darada ahaa ee lala beegsaday Magaalada Laascaanood”. “Rabbi ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye wuxuu kamid ahaa abwaanadii hal abuurka iyo suugaanta meel sare ka gaaray, magac iyo miisaan weyna ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri mudane Xamse. Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duqaymaha Somaliland ka waddo Laascaanood ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah gaar ahaanna wax-galka bulshada oo ay ku jiraan Aqoonyahanka iyo Abwaaniinta. “Dilalka iyo duqeymaha loo geysanaayo aqoonyahanka, Abwaaniinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ma ahaan wax laga aqbali karo maamulka Soomaaliland waana dambi iyo jariimo aad u weyn” ayuu sii raaciyay Ra’iisul wasaaraha dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo si adag uga hadlay falkii Somaliland ku dishay Abwaan Jaamac Kediye appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in howlgal maanta ka dhacay aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab. Afhayeenka ayaa sheegay in howlgallada xoogooda ay ka dhaceen jihada xigta deegaanka Wabxo oo Al-Shabaab ay weli sugan yihiin, balse maanta laga saaray deegaano u dhow. “Deegaanada Ceelbacad iyo Lix-iridood maanta dagaal culus ayaa ka dhacay, waxaa Khawaarijta lagu weeraray ilaa afar goobood, waxaana dhacay dagaal aad u culus,” ayuu yiri Afhayeenku. Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ayaa sheegay in maanta aaga deegaanka Wabxo uu ka dhacay dagaal culus oo sababay in la dilo in ka badan 30 Shabaab ah. “Waxaan xaqiijinay in dagaalkii maanta lagu dilay ilaa 30 Khawaarij ah, anaga hal askari ayaa naga shahiiday, waxaa Khawaarijta laga gubay gaari ay qarax ku soo rareen ciidanka ayaa fashiliyey dhagartaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Caanood. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidamada deegaanka ay ku guuleysteen in deegaano badan laga xoreeyo kooxda, isagoo sheegay in qorshuhu yahay in ciidamadu ay saacadaha soo socda gudaha u galaan deegaanka Wabxo. Dhinaca kale, Afhayeenku wuxuu ku dheeraaday sharaxaada qorshaha dagaal ee dowladda, isagoo sheegay in si taxadar leh oo tartiib ah ciidanku ay u soconayaan ilaa ay ka gaaraan deegaanka ugu dambeeya ee Shabaab joogo. “Qorshaha Khawaarijtu waa inay ciidanka dabamareeyaan oo qaraxyo jidadka u geliyaan, anagu markaan aragnay qorshahooda waxaan go’aaminay in ciidanka aan la dedejin oo geed kasta laga saaro kooxda, iyadoo laga fogaanayo dhagartooda, ciidanku wuxuu ku socdaa lug, jiho aad u balaaran,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Ugu dambeyntii Jeneraal Caanood ayaa dadka ku nool aagga Galhareeri iyo Ceelbuur ugu baaqay inay isaga cararaan meelaha ay joogaan Al-Shabaab, isagoo tusaaleeyey nolosha wanaagsan ee loo qorsheeyey dadkaas oo asaagooda ay Al-Shabaab ka reebeen. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo war culus ka soo saartay dagaal ka dhacay Galgaduud oo Shabaab lagu laayey appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha beesha Murusade ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa qabtay shir jaraa’id. Nabadoon Xaad ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee howlgallada kagu xoreynayo dhulka ay degto beesha Murusade ee bariga gobolka Galgaduud. Nabadoonka ayaa sheegay inay saacadihii lasoo dhaafay hadleen odayaal kasoo jeeda beesha Murusade oo Al-Shabaab ay qasbeen. Wuxuu sheegay in warka ka soo yeeray odayaashaas aysan waxaba u arkeyn, isagoo odayaasha jooga Ceelbuur iyo Galhareeri u sheegay inay sameeyaan wax kasta oo naftooda ay uga badbaadsa karaan cadowga heysta dhulka ay joogaan. “Waxaan aragnay odayaal ay qasbeen oo ka hadlaya deegaanada ay Khawaarijtu joogto, anagu hada waxaba uma aragno hadalkooda, laakiin waxaan leenahay walaalayaal sameeya wax kasta oo naftiinu ay ku badbaadeyso, waxaana idinkugu bishaareynayaa in mar dhow ay dowladnimadu idin soo gaar doonto,” ayuu yiri Nabadoon Xaad. Xaad ayaa dadkiisa u cadeeyey in aysan jirin beel kale oo duulaan ku ah deegaanadooda, sidoo kale wuxuu sheegay inay heli doonaan nolol ka qurxoon tan ay heysteen 15-kii sano ee Al-Shabaab ay joogeen deegaanadooda. Sidoo kale mabadoonka ayaa bogaadiyey howlgallada ciidamada qaranka ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan Galgaduud oo hoos taga Ceelbuur iyo Galhareeri, kuwaas oo maanta lagu dilay Shabaab badan. Ugu dambeyntii Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inay Dhuusamareeb ka wadaan abaabul dagaal oo xoog leh oo ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri, isagoo ugu bishaareeyey dadkiisa inay xoriyad buuxda heli doonaan maalmaha soo socda. The post Daawo: Xaad oo war kasoo saaray hanjabaaddii odayaasha Murusade appeared first on Caasimada Online.
-
Ruun-Nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen hoodka u dhexeeya degmada Ruun-Nirgood iyo deegaaka Ceelbacad. Ciidamada huwanta ee weerarka qaaday ayaa lagu soo warramayaa in meel dhexe lagula beegsaday qarax miino, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxaas lagu dilay ugu yaraan illaa 5 askari, laguna dhaawacay tiro kale, kuwaas oo isugu jiro Xoogga dalka iyo Macawiisley. Intaas kadib ciidamada ayaa si waday howlgalkooda, waxayna ku gaareen goobta bartilmaameedka u aheyd ee ay joogeen xubnaha Al-Shabaab. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay ku dagaalameen halkaasi, kadibna laga adkaaday xubnaha kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dagaalkaas ku dileen 10 xubnood, ayna cagta mariyeen saldhiggii Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay, isla-markaana ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqooda ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka. Maalmihii u dambeeyay ayaa ciidamada huwanta waxa ay howlgallo culus ka wadeen xadka u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ee HirShabelle iyo Galmudug. Si kastaba, maalmo kahor ayay aheyd markii ay gacanta dowladda soo gashay degmada Ruun-Nirgood oo noqotay degmadii ugu dambeysay ee laga fara maroojiyay Al-Shabaab. The post Ciidamo weerar ku qaaday Al-Shabaab oo qarax lala eegtay + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo noqday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, kadib wareysi uu bixiyay. Gaas ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu dabac-sanaan muujiyo, isla-markaana uu tego gobolka Hiiraan, maadaama uu hadda joogo Dhuusamareeb. Siyaasi Cabdiweli Gaas ayaa si gaar ah usoo hadal qaaday gadoodka Cali Jayte Cismaan ee ku aadan HirShabelle, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay inuu Xasan Sheekh u tago ninkaasi, kadibna uu kala hadlo xiisadda ka dhalatay xilka qaadista lagu sameeyay. “Waa maxay Problem-ka ku jira haddii madaxweyne Xasan Sheikh uu u tago Cali Jeyte,? kuna dhaho, “Abti muxuu yahay problem-kaagu. Cali hadduu xujo ka dhigay tegitaanka Muqdisho, waxaa la rabaa in madaxweynuhu xujadaas furo oo u tago Cali Jeyte” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxweynaha la rabo inuu il gaar ah ula haado arrinta reer Hiiraan, isla-markaana u qanciyo tabashadooda, si xal looga gaaro xiisadda taagan. “Maanta dowldnimada waa Fragile (Nugushahay), qabiil kastana Veto Power ayuu leeyahay. Marka waxaa loo baahan yahay in dadkaasi lasoo dhoweeyo oo la yiraahdo muxuu yahay Concernkiina,” ayuu markale wareysiga ku yiri Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas). Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Hiiraan uu kamid yahay gobollada muhiimka ah ee dalka, isla-markaana dadka degan ay dulmi ka tabanayaan nidaamka awood qeybsiga maamul goboleedka HirShabeelle, kaas oo uu hoggaamiyo madaxweyne Cali Guudlaawe. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda culus ee ka taagan Beledweyne, maadaama uu maamulka ‘Hiiraan State’ uga dhawaaqay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo ay isku dhaceen hoggaanka sare ee HirShabelle. The post Daawo: Gaas oo Xasan Sheekh u jeediyey talo yaab leh oo la xiriirta Cali Jeyte appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa xaqiijinaya in halkaas galabta lagu dilay Alle ha u naxariistee Abwaankii Soomaaliyeed ee Jaamac Kediye. Goob-joogayaal ku sugan Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay in marxuum Jaamac Kediye uu ku dhintay madaafiic ciidamada Somaliland ku garaaceen magaalada. Geerida Abwaanka waxa sidoo kale ka hadlay hoggaanka SSC-Khaatumo oo xaqiijiyay in uu ku dhintay duqaynta ciidamada Somaliland ka wadaan Laascaanood. Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa geerigda Abwaan uga tacsiyeeyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida marxuum Abwaan Jaamac Kediye. PUNTLAND POST The post Abwaan Jaamac Kediye oo ku geeriyooday duqayn galabta ka dhacday Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muuse Biixi Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dufcaddii 8-Aad ee Jaamacadda Culuumta Badda Berbera Berbera(Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 65 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda culuumta badda iyo kalluumaysiga ee Berbera, kuwaas oo ah dufcaddii 8-aad ee ka baxda jaamacaddaas. Madaxweynaha qaranka oo safar shaqo ku jooga Berbera, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 65-arday oo baratay culuumta badda iyo kalluumaysiga, kuwaas ka qalinjebiyey jaamacadda Berbera. Munaasibadda qalinjebinta Berbera oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, hoggaanka jaamacadda Badda ee Berbera iyo macallimiinta, ardayda qalinjebisay, waalidiintooda iyo marti-sharaf kale, ayaa lagu bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxana lagula dardaarmay inay dalkooda uga faa’iideeyaan cilmiga ay barteen. Ugu horrayn, guddoomiyaha jaamacadda culuumta badda Berbera, Mudane Cabdiqani Maxamed Khayre oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalka ay jaamacad ahaan geliyeen sidii ay ardaydani u aflixi lahaayeen, isaga oo hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay iyo macallimiintii kusoo tacabtayba. Saleebaan Cabdilaahi Caddib oo ku hadlay Boodhka Jaamacadda Berbera, ayaa bogaadiyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu sheegay inay u hagar baxeen ardayda, muddo dheerna kusoo tabceen. Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta sare Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkoodaba uga faa’iideeyaan culuumta lasoo baray muddadii ay jaamacadda ku jireen. Maareeyaha dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, guddoomiyaha gobolka Saaxil, mudane Cali Cabdi Cabdilaahi iyo wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhammaantood hambalyeeyey ardayda maanta loo fooladeeyey, waxana ay u rajeeyeen mustaqbal ifaya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa hambalyeeyey ardayda ku takhasustay culuumta badda iyo kalluumaysiga, waxana uu kula dardaarmay inay dalka kusoo celiyaan abaalkii la geliyey, waxana uu yidhi,“Waxa farxad iyo Sharaf weyn Ii ah inaan maanta ka qaybgalo munaasibadda loo qabanayo kooxda ka qalinjebinayso akaadamiyadda culuumta badda, macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta hawshaas soo galayna waxan ku hambalyeynayaa hawsha qaran ee ay soo galeen.” Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey xubnihii ugu sarreeyey ardayda maanta qalinjebisay oo noqonaya dufcaddii siddeedaad ee ka qalinjebiya Jaamacadda Berbera. Qaran News
