-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa waxa uu walaac ka muujiyay sida ay dowladda u wado howl-galka. Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka ayaa waxa uu sheegay in aan loo baahneyn in masuuliyiinta sar-sare ee ciidanka ay joogaan furinta, balse ay tahay in saraakiisha ciidanka loo daayo hagida iyo hoggaaminta ciidanka, si howl-gallada u noqdaan kuwa guuleysta. Jeneraal Indha Qarshe ayaa waxa uu si gaar ah walaac uga muujiyay joogista wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ee furinta dagaalka, maadaama ay jiraan howlo ka muhiimsan oo aheyd in wasiirka uu dhaqaajiyo, sida uu hadalka u dhigay. “Wasiirka Gaashaandhiga loogama baahna furinta dagaalka howlo badan oo laga rabay ayaa baaqanaya, taasi sax maaha. Taliyaha xoogga dalka ayaan laga rabin xitaa furinta inuu tago, furinta rag baa u jooga taliye horin baa jooga, taliye guuto ayaa jooga,” ayuu yiri Jeneraal Indha Qarshe. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay si Al-Shabaab looga adkaado in howsha dagaalka looga dambeeyo saraakiisha deegaanka taqaana oo aysan taliyeyaasha kale raacin, taasi oo ku macneeyay in meesha ka saareyso inay lumeyso kala amar qaadashadiii. “Kala amar qadaashadii ayaa meesha ka baxeyso, isku xirnaantii ciidanka ayaa lumeysa, qof walba shaqadiisa haloo daayo oo yaan lagu fara gelin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jeneraalka. Hadalka Jeneraalka ayaa imanaya saacado un kadib markii uu shalay madaxweyne Xasan Sheekh wax ka bedel ku sameeyay hoggaanka ciidanka, isagoo taliyayaal cusub u magacaabay xilalka taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha ciidanka lugta, iyada oo saraakiishii hore la ceyriyay lagu eedeeyay xil gudasho la’aan. Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli furimaha hore ee dagaalka laga soo warinayo in mararka qaar ay masuuliyiinta ciidanka bixiyaan amaro is-khilaafsan, kuwaas oo mararka qaar ciidanka dhexda ka galsha halis laga baaqsan karayay. Isku soo wada duubo, dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka ayaa xilligaan dardar xooggan ku socda, ayada oo madaxweynaha uu xarun uga dhistah soo afmeerkan wejigan magaalada Dhuusamareeb, si loogu gudbo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Indha-Qarshe oo soo jeediyay in wasiir Jaamac iyo masuuliyiin kale kasoo tagaan furinta + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo baaxad leh ka wada deegaanno dhowr ah, kuwaas oo dhaca bariga gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug, waxaana laga saaray deegaanno badan. Dowladda ayaa u muuqata in dagaalka markaan la isugu geeyey gobolka Mudug, kaas oo maalmihii dambe ay ka socdeen howlgallo ballaaraan oo ay iska kaashanayaan ciidamada huwanta ah, xilli Al-shabaab ay lumiyeen deegaanno badan oo ay ka joogeen gobolka Mudug. Magaalooyinka Bacaadweyne, Qeycad, Xinlabi, Camaara, Seego iyo Qodqod iyo Laasgamey in laga saaray ayaa ka dhigan in dowladdu ay la wareegtay inta badan gobolka, xilli lagu wado in maalmaha soo aadan ay gaari karaan magaalooyin hor leh, kuwaas oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug ee maamulka Galmudug. Al-shabaab ayaa Mudug kaga sugan deegaanno hoos taga magaalada Xarardheere oo dhowaaan laga saaray, gaar ahaan deegaanka Jowle, Dumaaye,Dabagalo, Caad iyo dhowr tuulooyin hoos yimaada, taas oo ka dhigan in ciidanka dowladdu ay gacanta ku hayaan inta badan gobolka Mudug. Ciidanka dowladda, Daraawiishta Galmudug oo taageero ka helaya kuwa deegaanka aya waxaa furimaha kula sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka iyo dowlad goboleedka Galmudug, kuwaas oo taageero iyo dhiiragelin u muujinaya ciidamada huwanta ah ee howlgallada ku jira. Wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in gobolka Galgaduud Al-shabaab laga saarayo markii laga soo gudbiyo gobolka Mudug, waxaana muuqata in dowladdu awoodeeda isugu geysay in Al-shabaab laga saaro deegaannada Galmudug. Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale hormarro ka sameeyey gulufka ka socda gobolka Galgaduud , gaar ahaan dhanka Bariga, waxaana Al-shabaab laga saaray deegaannada Ceellahelay, magaalada Geelgaras iyo tuulooyin hoos taga magaalooyinkaasi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomalaiya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wali ku sugan magaalada Dhuumareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa halkaas ka wada abaabulka iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro Al-shabaab, oo ka socda Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Mashruuca dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa qarka u saaran fashil kadib markii kooxda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay lacagtii loogu tala-galay u isticmaashay arrimo siyaasadeed. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaqaalaha ku baxaya dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa waxaa horey ugu deeqay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana akoonka lagala baxay bishii Luulyo ee sanadkaan 2023. Markaas ayaa waxaa lacagtan la geeyay magaalada Garoowe, kadibna waxay kooxda madaxweyne Saciid Deni u isticmaashay qorshihii wax ka beddelka Dastuurka Puntland, ayada oo loo qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi. Sidoo kale waxaa soo baxeysa in qeyb kamid ah lacagtan wax laga siiyay mid kamid ah guddoomiyeyaasha ururrada siyaasadda Puntland ee sida gaarka ah xulufada la ah madaxweyne Saciid Deni. Dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa markii hore billowday kadib markii Imaaraadka ay ku deeqday lacagta ku baxaysa dhismaha, markaasi oo aheyd bilowgii sanadkan 2023-ka. Madaxweynaha Puntland ayaa xilligaas waxa uu dhismaha garoonka uu si gaar ah ugu wakiishey agaasimaha ciidanka PMPF Cabdiraabi Cabdisamad Aw-Maxamed. Xogaha ayaa intaas kusii daraya in ka gadaal markii lala baxay lacagtii loogu tala-galay dhismaha garoonka uu agaasime Cabdiraabi uu hadda qandaraas ku siiyay shirkad cusub in ay sii wado dhismaha aan loo hayn wax dhaqaale ah. Dhalinyarada Boosaaso oo muddo badan la ildarneyd in ay hesho garoon kubadda cagta ah, si lamid ah magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, ayay arrintaan god kusii rideysa rejadii yarta aheyd ee u bidhaantay. Sidoo kalena waxay arrintaan sida muuqata ay kooxda madaxweyne Saciid Deni ku noqoneysa taariikh madow oo u gasha diiwaanka. Si kastaba, Madaxweyne Deni iyo kooxdiisa ayaa sida la rumeysan yahay dano shaqsi ah iyo damaca muddo kororsi inta badan u isticmaala dhaqaalihii dowladda, taasi oo ah nasiib darro weyn oo maamulka ku habsatay, maadaama dhaqaalaha arrimaha bulshada loogu tala-galay loo isticmaalayo arrimo siyaasadeed oo lagu bixinayo laaluush. The post Xog: Kooxda Deni oo arrimo siyaasadeed u isticmaalay lacagtii dhismaha garoonka… appeared first on Caasimada Online.
-
DARDAR GALIN CIIDANKA DAMDAMISKA IYO WACYI GELIN BULSHO U BAAHAN IN LA WEELEYO. MEEL WALBAAD JOOGTAAN RSL SIDII LOO XOOJIN LAHAA DHAMAANTEEN ■ Muwaadin ka qeyb qaado aragtidadda ■ Dabku waa caddow masiibo ah. Ciidanka dambamiska dal ahaan iyo dad ahaan halala shaqeeyo. Xeerkooda baarlamanku horyaala. Degdeg haloo ansixiyo. ■ Xukumaddu misaaniyad dhaafsiisan gunadda Dowlahaa hoose siiyaan askarka ciidanka dambiska haloo sameeyo miisaaniyadd qaran oo dowladda dhexe bixiso. ■ Ganacsatadda dalku haka qeyb qadato in qalab ku filan loo soo iibsho. Iyadoo lagu xoojinayo qalabka ey hadda heystaan. ■ Taliyaha ciidanku ha uxusho dhalinyaro firfircoon oo aqoon leh. Habka maanulka iyo mareynka xafiiskiiyadooda. Tabaro dheera halooga raadsho dowlaha jaarka ama dowladda Taiwan. ■ Si loo helo ciidan xirfad xoogan u leh Bakhtiinta dabka. Waxaan kula dardaarmaya cid walba oo fahmeysa bedqabka hantida umadeena iyo gargaarka degdega ey u adeegaan iney gacan buuxda siiso. Ciidanka damdamiska ■ Hey’addaga UN ee dalka ka shaqeeya waxa jira qaar ey la shaqeyn karaan in looga raadiyo sidi xirfadooda iyo awooda shaqo kor loogu qaadi lahaa. (Shaqalaha Damdamiska) looguna diri lahaa tarabaro ku saabsan (Rescue Disaster Management) ■ Talo walba ey soo jeediyaan oo ku haboon ka taxadarka ama feejignaanta dab ama gubasho ka dhalan karta. ■ Qorshe xumo suuqayadeena ah cidii talooyonkooda diida in lamaaha amaanka sidda Police iyo Maxkamaduhu la shaqeeyaan. Sida dadkaa awoodaha sharciga loo horkeeno qofkii diida in meheradiisa aaney ku habooneyn meeshu ka dhisan tahey ama jiingaduhu ku xidhey. ■ Dhamaan goboladda dalka waa in la mideeya isku xidhnaantooda iyo wadda shaqeyn toodda. Awoodeeda xirfadeed iyo isgaadhsiineed. ■ Qurbe joogu waa iney waxii qalab ey u heli karaan dowlahaa ey la joogaan kala shaqeeyaan siddi ey u gaadhsiin lahaayeen. Farimaha argagaxa leh iyo khasaraha soo noqnoqanaya. ■ Si ey ugu heli lahayeen qalab ama (Transfer Knowledge) ku saabsan in dowladaasii u diraan aqoonyaho ciidanka Hargeisa ku tababara ama koox soo kaxeeya loo tababaro ciidankeena damdamiska ■ Qurbe joogu waa inuu xidhiidh xoogan la sameeya. Ciidanka damdamiska iyagoo iyaguna xidhiidh la sameynaya dowlaha ey la joogaan una bandhigaya baahidda ka jirta dalkeenii ■ Ciidanka damdamisku waa iney documentary ka sameeyaan masiibooyinkii dalka ka dhacey ■ Sidda suuqa Waaheen iyo Wajaale sidey uga howlgaleen una bakhtiyeen. Si dadka qurbaha jooga ula wadagan wadamadda ey joogaan si ey qalab iyo tababaro ugu raadiyaan iyagoo lagu tarjumey luuqadda English ta. Si caalamku inoola fahmo baahidda jirta Faalo kooban Ciidkan Damdamisku ha Guuleysto. Shaqo Culus Bey bulshaden u hayaan Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
Shaqaalaha iyo ciidamada dowladda ayaa wajahaya mushaar la’aantii ugu wakhtiga dheerayd ee Puntland ka dhacda tan iyo markii la as-aasay sannadkii 1998. Wararka ayaa xaqiijinaya in dhammaan shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee dowladda aysan wax mushaar ah qaadan in ka badan lix bilood. Xukuumadda uu hoggaamiyo Siciid Deni ayaa taariikhda Puntland ku gashay dowladdii u horraysay ee mudda lix bilood oo xiriir ah aan bixin wax xuquuq iyo mushaar ah. Shaqaalaha iyo ciidamada dowladda oo ku shaqeeya duruuf adag ayaa waxa u raacay xuquuq la’aanta haysata islamarkaana aysan jirin cid ay cabashadooda u gudbistaan si wax loogu qabto. PUNTLAND POST The post Shaqaalaha iyo ciidamada Puntland oo wajahaya mushaar la’aantii ugu wakhtiga dheerayd appeared first on Puntland Post.
-
Dawladdaha Iran iyo Maraykanka ayaa isu diyaarinaya in ay la kala wareegaan lacag iyo Maxaabiis ay muddo dheer kala haysteen kuwaas oo dhowaan is afgarad laga gaadhey. 5 maxbuus oo Maraykanka u dhashay,5 Iran u dhashay iyo lacag dhan 6 Bilyan oo Dollar oo Iran kaga xayrniyad dalka Kuuriyada Koonfureed. Is dhaafsiga lacagta iyo maxaabista ayaa ka dhacaysa waddanka Qadar waxana tan loo arkaa guul ay gaadhey dawladda Iran oo loo sii daayey 5 maxbuus iyo lacag 6 Bilyan oo Dollar ahayd. Source
-
Magaalada Mainz ee dalka Jarmalka, oo dhacda galbeedka magaalada Frankfort, ayey jaaliyadda Soomaalida ee magaaladaas iyo nawaaxigeedu markii ugu horreysay iibsanayaan Masaajid hore kiro ugu ahaa. Jarmalku waxa uu ka mid yahay waddamada Galbeedka ee Jaaliyadda Muslimiinta oo Soomaalidu ka mid tahay ee Yurub ay ugu badan yihiin. Source
-
Wararka naga soo gaarayo Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dagaal culus ka bilowday meel u dhaw xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida, dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidamada Maleeshiyada degaanka Soomaalida iyo Ciidamada Oromiya, kaas oo aad u xooggan. Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidamada Oromiya weerar kusoo qaadeen bar kantarool oo Soomaalidu leedahay oo ku yaal duleedka xerada barakacayaasha Qollaji, halkaas oo dhawaan xukuumadda degaanka Soomaalidu ka samaysay bar kantarool oo Jaadka lagu canshuuro. Dagaalkan oo socday saacado badan ayaa waxa uu ku fiday goobo ay kamid yihiin buurta dhinaca ka xigta Qollaji, jidka laamida dhinaca xigta degaanka Oromiya iyo goobo kale, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda ay tahay mid aad u adag waxaana jira khasaare soo gaaray kala gaaray dhinacyada. Ujeedka dagaalkan maanta ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu daba socday barta kantarool ee Soomaalidu dhawaan ka samaysay duleedka xerada barakacayaasha Qollaji ee degaanka Soomaalida halkaas oo ay ka cadhoodeen Oromadu, majiro hadal ka soo baxay dowladda federalka Itoobiya oo ku aadan dagaalka. Qollaji ayaa waxaa deggan dad barakacayaal ah oo Soomaali ah, kuwaas oo kasoo barakacayay colaadihii kala duwanaa ee horey usoo dhex maray Soomaalida iyo Canfarta, waxayna goobtani salka ku haysaa buuraha waawayn ee ay caanka ku tahay degaanka Baabili. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka laga helayo dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in shalay uu dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada deegaanka Oromada iyo kuwa deegaanka Soomaalida kaas oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qolaji. Faahfaahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha dagaalka ka dhashay iyo waxa uu salka ku hayo, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado qaatay uu gaystay khasaare soo kala gaadhay labada dhinac. Deegaanka Qolaji waa deegaan ay ku suganyihiin boqollaal barakacayaal ah Soomaali ah oo hore uga barakacay dagaallo dhex maray Oromada iyo Soomaalida. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad mudanaha ugu da’da weyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo gacanta ka dhaawacan lagu arkay furinta Bacaadweyn, oo xoog looga saaray kooxda Al-Shabaab. Dhabancad oo waqti dheer kamid ahaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sanad kahor doortay inuu doorkan xildhibaano ku metelo dalkiisa iyo dadkiisa. Waayo-aragnimadiisu waxay aheyd middii maareysay doorashadii guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya xilli ay xaaladdo adag ay dirqinayeen doorashada. Muddo xileedkiisa xildhibaannimo wuxuu kusoo aaday dalka oo dagaal aaday. Reerka uu Dhabancad sida gaarka ah u metelo argagixisada dhul gaar ah kama haysato hadda, laakiin markii magaca guud loo dego waa jireen illaa hadda waa jiraan dhul aan badneyn oo argagixisadu ay ka joogto. Wuxuu maalmihii tegay kamid ahaa siyaasiyiin abaabul ciidan ka waday gobolka Mudug. Dhawaan argagixisada ayaa baabuur qaraxa ku weerartay madax uu ku jiray Dhabancad kadibna dhaawac fudud ayaa kasoo gaaray xildhibaanka. Marka laga eego da’da Xildhibaanka, xaalka furin ciidan iyo dhaawaca uu la kulmay dad badan ayaa sugaayay inuu kasoo noqon doono furinta dagaalka oo uu caafimaad iyo nasiino raadsan doono. Laakiin in lagu arkay jiidda Bacaadweyn oo dorraad laga saaray kooxda Al-Shabaab ayaa dhalisay dareen shacab oo xoog leh. Laba farriimood ayaa ku jira in Dhabancad oo dhaawac ah uu weli furinta taagan yahay, kuwaasi oo kala ah; 1. Adkeysi iyo garasho masuuliyadeed Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad wuxuu shalay u abtiriyay waxa la yiraahdo metelaada, wuxuu dadka fahamsiiyay in adkeysiga uusan da’da la xiriirin ee nuxurka uu yahay in aad leedahay garasho aad ku fahamto masuuliyadda ku saaran. Ragg badan oo kuraasta Xildhibaannada u waalna xilligii doorashada aadna uga da’ yar Xildhibaan Dhabancad ayaa maanta ka maqan difaaca dadkooda, waxayna fadhi ku dirir ku hayaan Kenya, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta. Farqiga xubnahaas iyo Dhabancad u dhaxeeya waa mushaar doon iyo metelaad doono. 2. Fahamka waaqica lagu jiro Qaar kamid ah dadka maanta xilalka iyo xoolaha haysta waxay ula muuqata in noloshaan qabow, gaadiidka ay xabaddu karin, dabaqyadan Xamar laga dhistay iyo kuraastaan siyaasadeed inay sidaan usii jiri doonaan haddii ay argagixisada sii jirto oo ay sii xoogeysato, oo ay maalin walba deegaan cusub soo qabsato. Laakiin xaqiiqadu aad ayay uga fog tahay middaas, waxay u muuqata inay wax walba u dhici doonaan taas caksigeeda. Dowladnimo, dollarka bangiyada harqiyay iyo dabaqyaduna masii jiri doonaan haddii ay argagixisada adkaato. Xildhibaan Dhabancad wuxuu u muuqda nin fahmay waaqica la taagan yahay, wuxuuna Bacaadweyn ka sheegay inay laba uun midkood noqon doonto, waa in argagixisada laga adkaado oo dalka iyo dadka laga badbaadiyo ama in dalka looga tego oo dal iyo dowladnimo laga sabro, ma jiro dariiq saddexaad oo la yiraahdo aan wada noolaano. The post Laba farriin culus oo ku jira go’aankii Dhabancad iyo ‘xujo u baahan furid’ appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Xamse Camse Barre ayaa galabta ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan REP- Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu timid Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Xamse iyo Ilhaan ayaa waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, xilligaan oo dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka socda qeybo badan oo kamid ah. Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay gudaha Marreykanka waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, isaga oo booqan doonaa Minneapolis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo ka qaybgalaya kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York, ayaa khudbad uu ka jeediyey kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tillaabsanayo. Ra’isul Wasaare Xamsa ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood. Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Federaallka Soomaaliya ay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP9) ku jaangoysey Yoolasha Horumarka Waara ee QM, wuxuuna si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%. Ra’isul Wasaare Xamsa mar uu ka hadlayey tillaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro Yoolasha Horumarka Waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah. Ra’isul Wasaare Xamsa wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabbagelinta hannaan lagu kobcinayo waxsoosaarka beeraha dalka, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay. Si taas loo suurtogeliyana, Rai’sul Wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo Yoolasha Horumarka Waara. Dhanka horumarinta xaquuqda aadanahana, Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu dardargelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in la xaqiijinayo sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada New York ku qaabilay marwo xil. Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada dalka Maraykanka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudane Xamse uu magaalada New York ku qaabilay xildhibaan Ilhaan oo salaan ugu timid Ra’iisul wasaaraha. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Xamse iyo marwo Ilhaan Cumar ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. “Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada” ayaa lagu yiri qoraalkaas. “Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya” ayuu sii raaciyay warka ka aoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse iyo Xil. Ilhaan Cumar oo wada-hadal gaar ah ku yeeshay magaalada New York appeared first on Puntland Post.
-
The African Union peacekeeping force in Somalia has begun gradually withdrawing from the country in anticipation of Somali forces taking over security duties by the end of 2024. AU forces have been deployed since 2007 to help the Somali government fight the al-Shabab militant group, but the fight is far from over, as Mohamed Sheikh Nor reports from Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Shiinaha ayaa u diray hawada Taiwan illaa 103 ka mida diyaaradohooda dagaalka, intii u dhexeysay subaxnimadii Axadda illaa subaxnimadii Isniinta, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Taiwan. Wasaaradda ayaa Isniintii u soo jeedisay Shiinaha inuu joojiyo tallaabooyinka halka dhinac ka socda ee keeni kara burburka. “Caga-juglaynta milateri ee joogtada ah ee ay wadaan ciidamada Shuuciga ahi, waxay si sahlan u horseedi karaan inay gobolkaas ka dhacdo xiisad cusub oo uga sii dari karta amniga gobolkaas” ayay sheegtay wasaaradd difaaca ee Taiwan. Taiwan ayaa intaas ku dartay in ugu yaraan 40 ka mida diyaaradaha dagaalka ee Shiinuhu inay ka gudbeen khadka dhexe ee marin-biyoodka Taiwan, kaasoo ah diilin aan rasmi ahayn oo u dhexeysa labada dhinac. PUNTLAND POST The post Shiinaha oo 103 kamid ah diyaaradahooda dagaalka u diray hawada Taiwan appeared first on Puntland Post.
-
LONDON: Climate change and conflict are hitting efforts to tackle three of the world’s deadliest infectious diseases, the head of the Global Fund to Fight AIDS, Tuberculosis and Malaria has warned. Source: Hiiraan Online
-
Somalia on Sunday celebrated the victory of its army in liberating villages from the al-Qaeda-affiliated Al-Shabaab terrorist group. Source: Hiiraan Online
-
ROME: The Italian government, struggling with a surge in arriving migrants, on Monday passed measures to lengthen the time they can be detained and ensure more people who have no legal right to stay are repatriated, government officials said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye inuu noqo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha ciidanka dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Haddaba qaar ka mid ah shacabka ayaa ka fal-celiyey tallaabada uu qaaday madaxweynaha, ayaga oo ku jawaabaya bogga Villa Somalia ee Facebook ee qoraalka lasoo dhigay, waxaana qaarkood ay dalbadeen in sidoo kale xilka laga qaado wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac. Mohamed Abdullahi Kooshin, ayaa yiri “Madaxwayne xilku waa meerto, balse damiirku meerto ma’ahan. Mu’amaradii ka dhacday Cowswayne iyo Galcad oo qof kastaa oo Soomaali ah ogyahay cidda dayacaas mas’uuliyaddeeda lehayd, haddiiba Talyaha Ciidanka Lugta Gen. Axmed Aadan, kaliya xilka looga qaaday nasiib iyo ayaan buu leeyahay, haddii aysan oran garyaqaan Shuute haloo geeyo, oo aan dusha loo saarin khiyaano qaran Iyo dambiyo kale. Arrintaas Madaxwaynaha abaal baan baan kaaga haynaa. Ileyn maskiin baa miska la fuulo lahe. Taariikh baase qormaysa.” Abdirizak Hashi ayaa isna yiri “Madaxwayne isbadalka muhiim ayuu ahaa laakiin duqii waynaa ee Wasaarada Gaashaandhigga joogay ayaad ka tagtay.” Ahmed Omar, oo isna ku baaqaya in la eryo wasiirka difaaca ayaa ku fal-celiyey “Wasiir Madaxaa I furan, xil ka-qaadis baan sugnaa. Dal xoreeye nin fulay ah kulama shaqeey karo, mahadsanid mudane.” “Maashaa Allah mudane madaxweeyne, waxaad tahay taliyaha ciidamada qalabka sida, waad ku mahadsan tahay sida aad shacabkaaga xog dhameeystiran ula wadaagto, marxalad kastood ku jirto, guuleyso,” waxaa sidaas tiri Marwo Madiino Mohamed. Abdullahi Abdi ayaa isna tallaabada madaxweyne ku tilmaamay mid sax ah, wuxuuna yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh waa ku saxan yahay, wayo taliyo ciidan oo wasiir ka amar qaadanaya wa qalad iyo qayaano qaran.” Isaga oo rumeysan in wasiirka difaaca xigi doono ayaa Mohamed Abdi wuxuu yiri “oo hadda wasiir madaxaa na furan ma lagu baxi rabaa, sida ka muuqata magaca taliye ku-xigeenka la magacabay.” Abdirizak Abdi ayaa isna yiri “Dayax waa taliyihi hore Gorgor, waa ninka ugu mudnaa jagadan, hadda ayuuna isbeddel sameyni, guul ayaan u rajaynayaa SNA.” “Taliyaha ciidanka lugta nin ayaa ku magacownaa, meel looga qaadayna maan arkin, kaliya in nin kale la magacaabay ayaan aragnaa,” waxaa sidas yiri Dahir Carabow oo is-weydiinaya sababta aan loo shaacin xil ka-qaadista xubnaha lagu beddelay kuwa la magacaabay. Mohamed Ali Araye ayaa yiri “Madaxweyne garabkaada iyo gaashaankaaga baa nahay, shacab iyo ciidan weynu ku garab taagannahay, hadafka dalkeena oo nabad ah, dowlad ah, bilaa Khawaarij ah, waynu xaqiijinaynaa.” Ugu dambeyn Abuukar Xaashi Hiraabe ayaa yiri “Wasaaradda Gaashaandhiga ku xiji mudane madaxwene, halganka intaas ayaa ka dhiman, guuleyso.” The post Fal-celin xoogan iyo dalab ka dhan ah wasiir Jaamac oo ka dhashay tallaabadii Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE GE HealthCare Awarded a $44 Million Grant to Develop Artificial Intelligence-Assisted Ultrasound Technology Aimed at Improving Outcomes in Low-and-Middle-Income Countries Caption Health, a leader in medical AI acquired by GE HealthCare in February 2023, will design this technology to run across a range of ultrasound devices and probes, including lower-cost handheld devices CHICAGO, United States of America, September 18, 2023/ — Grant from Bill & Melinda Gates Foundation will facilitate development of AI-assisted applications and tools to enable healthcare professionals with less experience to perform quick and accurate ultrasound scans to help address maternal and fetal health and respiratory diseases; AI-assisted ultrasound algorithms will be developed to run on multiple ultrasound devices to expand access to high quality care around the world with an emphasis on low-and-middle income countries (LMIC). GE HealthCare (Nasdaq: GEHC) today announced it received a grant from the Bill & Melinda Gates Foundation for more than $44 million to create user-friendly, artificial intelligence (AI)-assisted ultrasound imaging auto-assessment tools. These tools will seek to aid healthcare professionals—even those without specialized training or experience with ultrasound—with clinical decision information to support more effective obstetric and lung screening ultrasound scans across maternal and fetal care as well as pediatric lung health, with a goal of expanding access to low-and-middle income countries (LMIC) and across diverse sites of care. Caption Health, a leader in medical AI acquired by GE HealthCare in February 2023, will design this technology to run across a range of ultrasound devices and probes, including lower-cost handheld devices. “We are proud and excited to have received this grant from the Bill & Melinda Gates Foundation to make ultrasound more accessible in low-and-middle income countries. Ultrasound is an essential tool for screening and diagnosis of various medical conditions, including the health of expectant mothers and managing respiratory diseases,” said Roland Rott, President and CEO, Ultrasound, GE HealthCare. “However, a key limitation is the guidance of lesser-skilled users to effectively apply affordable point-of-care ultrasound in their care environment. This grant will help bring Caption Health’s leading AI technology customized to more users, and therefore contribute to increased access to higher-quality medical care.” Maternal and child mortality is a critical healthcare issue around the world. In 2020, almost 800 women died every day from preventable causes linked to pregnancy and childbirth, with approximately 95 percent of all maternal deaths occurring in LMIC.[1] In 2019, 2.4 million children around the world died in their first month of life. Ultrasound technologies are used in maternal care to determine fetal health markers and conditions like gestational age, fetal presentation, multiple gestation (more than one fetus), fetal viability, umbilical blood flow, and ectopic pregnancy. For children younger than five years old, pneumonia is the leading cause of death worldwide.[2] Because symptoms of pneumonia can develop suddenly, early diagnosis is vital to effective treatment and preventing complications. Point of care lung ultrasound can provide physicians with a view of the entire lung, is easily repeatable and can diagnose pneumonia with greater accuracy compared with a bedside chest X-ray.[3] In 2020, Caption Health received a grant from the Bill & Melinda Gates Foundation to support the development of innovative AI technology for lung ultrasound. “Caption Health AI applications are designed to guide healthcare professionals, step-by-step, during an ultrasound exam to help them capture and interpret high-quality ultrasound images,” said Karley Yoder, Chief Digital Officer, Ultrasound, GE HealthCare and General Manager, Caption Health. “We are thankful for the continued support of the Bill & Melinda Gates Foundation, which enables us to expand the development of our existing lung ultrasound project and also broaden the reach of this powerful, novel technology to help provide care to mothers and children.” Currently, Caption Health offers Cardiac Guidance software, which is FDA cleared. With the support of the Bill & Melinda Gates Foundation grant, Caption Health will develop multiple lung ultrasound and obstetric algorithms through clinical validation and regulatory submissions Qaran News
