Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maalintii afaraad oo xiriir ah ay dagaallo iyo duqeymo culus ay ka socdaan qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan dhul howd ah oo ay ku go’doonsan yihiin Shabaab. Howlgalkan oo ah mid culus, ayna iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa si gaar ah uga socda inta u dhexeysa degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali-Fooldheere, gaar ahaan howd ku yaalla halkaasi. Kooxda meesha lagu go’doomiyey ayaa la ogaaday in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka soo gudbayeen wabiga Shabeelle ee aagga Mahadaay, waxayna doonayeen inay kala jiraan degmooyin la xoreeyey ee gobolka Shabeelaha Dhexe balse ciidamada ayaa ka hortegay. Mid kamid ah dadka deegaanka ee qaybta ka ah dagaalka socda ayaa u warramay Idaacadda Kulmiye, wuxuuna sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay godad ka qoteen dhulka howdka ah, taasina ay keentay in howlgalkooda uu sii dheeraado, sida uu hadalka u dhigay. “Nimanka meesha ay ku jiraan waa meel howd ah, waana lama galaay, haddana dhulka hoostiisa ayay godad kasii qoteen” ayuu yiri mid kamid ciidanka dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay hadda u adeegsanayaan hub culus oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, sidoo kalena ay caawinayaan diyaarado, si meesha loogu beegsado raggaas. “Duqeyn way ku socotaa oo diyaaradaha way duqeynayaan, ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga dalkana hoobiyeyaal ayay ku garaacayaan meesha, hadda maalintii afaraad ayuu dagaalku galay, waana lagu hareereysan yahay meel ay uga baxaan ma leh” ayuu raaciyay. Duqeymaha dhacay waxaa lagu dilay oo lagu dhaawacay dagaalyahano badan, kuwa weli nool ee dagaalamaya waxaa ku socota duqeyn iyo dagaal toos ah, maadaama ay ku hareereysan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Maswiisleyda. Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama lagu bilaabay howlgalka wajigiisa koowaad oo inta badan lagu xoreeyay HirShabelle. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaallo iyo duqeymo ka socda SH/DHEXE appeared first on Caasimada Online.
  2. Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in maanta muwaadiniin Soomaali ah lagu dilay duleedka magaalada Cape Town ee dalkaas, kuwaas oo kamid ahaa dhalinyarada ganacsiga u tegay halkaasi. Ragga la dilay oo labo ahaa ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras, kuwaas oo ay dileen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah. Wararka ayaa sheegaya in marxuumiinta oo ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalla gudaha deegaanka Happy Valley oo hoostaga magaalada Cape Town ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo burcad ah, kuwaas oo goobta ka baxsaday, kadib toogashada wiilashaasi. Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka. Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay ma jirto, sida ay sheegeen qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi. Weerarkan lagu beegsaday muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ayaa soo kordhiyay cabsida ay wajahayaan ganacsatada kale ee ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi. Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhaya dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi. The post Cabdiqaadir Macalin iyo Xasan Jaras oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
  3. Wararka ka imaanaya deegaanka Happy Valley oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay laba wiil oo Soomaali ah. Dilka loo geystay labada wiil Soomaaliga ah ayaa yimid kadib markii koox budhcad Koonfur Afrikaan ah ay ku weerareen labada muwaadin goob ganacsi oo ay ka shaqeenayeen, islamarkaana ay rasaas ooda uga qaadeen. Labada Muwaadin ee lagu dilay deegaanka Happy Valley ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras oo ahaa laba wiil oo aad u da’yar. Booliska dalkaasi Koonfur Afrika ayaa weerarka kadib gaadhay dukaanka dilka loogu geystay dhalinyarada Soomaalida kuwaas oo sidii caadada u aheyd sameeyay baadhitaano kooban oo ayna kasoo bixin wax natiijo ah, inkastoo ay sheegeen iney gacanta kusoo dhigi doonaan budhcadii falkaan geysatay. Meelo badan oo ka mid ah dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dhibaateeya dhalinyarada Soomaalida ee dalkaasi u shaqa doontay, kuwaas oo loo geysto dilal, dhaawacyo daran iyo boob baahsan loo geysto hantidooda. Source
  4. Camaara (Caasimada Online) – Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa sheegay in isbaheysiga dib u xoreynta deegaanada Al-Shabaab kaga harsan yihiin Galmudug ay kusoo biirtay beesha Saruur. Saabir ayaa sheegay in isbaheysigii beelaha Sure, Sacad iyo Saleebaan ay maanta kusoo biirtay beesha Saruur, taasi isbaheysiga xoreynta beelahan ka dhigeysa afar, sida uu shaaciyay Xildhibaanka. “Isbaheysigii aad saddexda ku ogeydeen maanta laga bilaabo waa afar. Wasiir Culusow kusoo dhawoow Camaara, ragga kula socda ayaa halkaan ku biirineynaa oo ka bilaabanayo isbaheysiga,” ayuu yiri Xildhibaan Saabir Shuuriye. Waxa uu intaas kusii daray “Reer Camaara sida muuqaalka iyo mugga leh ee usoo dhaweeyeen ciidamada waa ku mahadsan tihiin iyo in aad ka qixin, na raaca ayaa Shabaab lagu bartay oo aydaan raacin.” Xildhibaanka ayaa sidoo kal dadka deegaanka Camaara ka dalbaday inay keenaan 100 wiil oo ku biira howl-galka socda, kuwaasi oo ka barbar dagaalama ciidanka xoogga dalka, si hore usii socda gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Inta idiin hartay waa intaas idin weydiinay boqolka wiil ee Macawisleyda ah oo aan u ballan qaadeyno inay ku biiri doonaan ciidanka xoogga dalka ayaa idinka fadhinaa, Nabadoonnada iyaga hoggaaminaya waxaa rabnaa in howshaas sideeda u hoggaamiyaan oo aan meeshaan looga harin.” Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyay “Garabkiina nahay, dowladdii iyo mucaawinadeedii iyo baahiyihiina waa la dabooli doona Insha Allah. Ninkii cabsi yar ku jirtowna guriga kasoo bax, waxaa la rabaa in deegaanada yar ee harsan aad xoreysaan.” Magaalada Camaara oo maalmo kahor soo gashay gacanta dowladda ayaa ka dhigan in kooxda guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Beesha Saruur oo ku biirtay isbaheysiga Surre, Sacad iyo Saleebaan ee… appeared first on Caasimada Online.
  5. Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiista Jubbalanad Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay deegaannada Jubbaland jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab lagana saaray deegaanno badan sida uu hadalka u dhigay taliyaha. Taliyaha ayaa ugu horeyn ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalamaya in ay ka faa’ideystaan fursadda iskuna soo dhiibaan Dowladdooda si ay u helaan nolol ka wanaagsan midda ay ku jiraan oo ah mid aan sax ahayn. ”Waxaan rabnaa Khawaarijta fursad bey haystaan maanta ay kaga faa’ideysan karaan dhallinyarada yar yar ee la qalday in ay deegaankooda iyo dalkoodii dib ugu soo laabtaan, waxaan leeyahay shacabka Jubbaland ha loo diyaargaroowbo nimankan waqtigooda wuu dhammaday waqti yar baa u haray,” ayuu yiri taliye Aar. Taliyaha ayaa Sidoo kale, tilmaamay in guulo wax ku ool ah ay ciidamada oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in ay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka Jubbaland. “Ciidamada Jubbaland waxay soo hoyiyeen guulo la taaban karo habeen iyo maalinna waxaa loo taagan yahay in cadowgaas dalka laga saaro,”, ayuu hadalkiisa siiraaciyay Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiista Jubbalanad Aar Sheekh Cali, xilli Al-sjabaab deegaanno badan ay ka jogaan Jubbaland. Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiisha Jubbaland oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaannada ay kooxdu ka joogto , waxaana howlgalladaas laga gaaray guulo wax ku ool ah sida ay baahiyeen saraakiisha hoggaaminaysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqolaal dadweyne ah iyo Ciidamada Difaaca Shacabka kula hadlay Deegaanka Nuur-Dugle ee Gobolka Shabeellada dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Duqa Muqdisho oo Gobolka Shabeelaha Dhexe u jooga dar-dargelinta Howlgallada Sifeynta Khawaarijta, ayaa shacabka Nuur-Dugle iyo Ciidamada Difaaca ku amaanay sida ay u garab istaageen Ciidamada Qaranka iyo doorka ay ka qaateen in ay iska dulqaadaan Kooxaha Khawaarijta. “Waxaa la idin ka rabaa in deegaanada laga sifeeyay Khawaarijta aysan dib danbe ugu soo laaban oo la difaaco, sidoo kale waxaa la idin ka rabaa in Ciidamada Qaranka iyo Shacabka kale lagu garab siiyo sidii haraadiga Khawaarijta loogu sifeyn lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin Gobolka iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Guddoomiye Madaale. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xusay in deegaanada laga sifeeyay Cadowga Khawaarijta sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gaarsiin doonno adeegyadda aasaasiga, si bulshada ay u helaan Caafimaad, Waxbarasho iyo adeegyada kale ee Muhiimka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa markii ugu horreysay u kulmay si fool-ka-fool ah Talaadadii, xilli labada dal ay billaabeen inay hormariyaan xiriirkooda. Hogaamiyayaasha, oo wada-hadallo yeeshay intii lagu guda jiray shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay in midba midka kale uu dhawaan booqdo dalka kale, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu. Taleefishinka Channel 12 ee Israel ayaa sheegay in Erdogan laga yaabo inuu doonayo inuu sanad-guurada 100-aad ee Jamhuuriyadda Turkey ee bisha dambe ku xuso inuu booqdo Masjidka Al-Aqsa. Weli ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan warbixintan. Xiriirka labadan dal ee horey xulufada u ahaa ayaa burburay kadib markii ciidamada Israel ay 10 qof oo Turkish ah ku dileen weerar ay ku qaadeen markab gargaar siday oo jebiyey xayiraad lagu soo rogay Gaza. PUNTLAND POST The post Erdogan iyo Netanyahu oo markii u horraysay si toos ah u kulmay appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ayaa xaqiijiyay inuu mar kale u tartami doono xilka madaxtinimo ee dalkaasi doorashada guud ee sannadka soo socda. Madaxweyne Kagame oo ay wareysatay majaladda ka soo baxda dalka Faransiiska ee Jeune Afrique ayaa sheegay in uu ka mid yahay musharixiinta u tartami doona doorashada. Hoggaamiyaha ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay reer Rwanda u aaminsan yihiin. Bishii Abriil , Madaxweyne Kagame wuxuu sheegay inuu rajaynayo inuu ka fariisto saaxada siyaasadda ka dib markii uu xilka hayay 23 sanno. Kagame waxa uu hoggaaminayay dalka Bariga Afrika tan iyo sannadkii 2000. PUNTLAND POST The post Paul Kagame oo xaqiijiyay in uu mar kale u tartanayo xilka madaxweynaha Rwanda appeared first on Puntland Post.
  9. Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday Azerbaijan in ay hakiso howlgalka militari ee ay ka billowday gobolka ay maamulaan Armeeniyiinta ee Nagorno-Karabakh, halka Ruushka uu ku booriyey labada dhinac inay hakiyaan dhiigga daadanaya. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa taleefonka kula hadlay madaxweynaha Azerbaijan Ilham Iliyev iyo ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, isaga oo Baku ku booriyey inay xiisadda qaboojiso. “Waxaan maanta la hadlay madaxweynaha Azerbaijan Aliyev, waxaana ku booriyay inuu si deg deg ah u joojiyo howlgalka militari ee Nagorno-Karabakh,” Blinken ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada. Qoraalka wada-hadallada ayey Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku sheegtay in Aliyev “uu muujiyay inuu diyaar u yahay” joojinta colaadda iyo inuu kulan la yeesho wakiillada Nagorno-Karabakh. Armenia ayaa dhul ballaaran kula wareegtay dagaal dhacay markii Midowgii Soviet uu burburay. Azerbaijan ayaa inta badan ku soo ceshatay dagaal lix toddobaad socday oo dhacay 2020, kaasi oo ku istaagay xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadiyey. PUNTLAND POST The post Azerbaijan: Dagaalkii Gobolka Nagorno-Karabakh oo dib u qarxay appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeen hore isbeddel ku sameeyay taliska ciidanka xoogga dalka, waxaa la beddelay taliye ku-xigeenkii ciidanka xoogga iyo taliyihii ciidankii lugta. Waxaa la magacaabay laba taliye cusub. Sarreeye Guuto Maadeey Nuureyn Sheekh ayaa loo magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka. Ninkaan ayaa hore usoo noqday taliyaha ciidanka badda, wuxuu kamid ahaa saraakiishii madaxweyne Xasan Sheekh la shaqeysay muddo xileedkiisi hore. Wuxuu kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Ninka labaad ee habeen hore la magacaabay ee hadal haynta badan dhaliyay waa Dayax Cabdi Cabdulle, waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka lugta. Ninkaan wuxuu ahaa Gaashaanle Dhexe laakiin wareegtada madaxweynaha ayaa looguu dalacsiiyay Gaashaanle Sarre kadibna sidaas ayaa looga dhigay ciidanka lugta. Wuxuu kasoo jeeda Puntland. Dayax wuxuu xukumi jiray mid kamid labada guuto ee ciidanka Gorgor. Ciidankan oo xoogga dalka ka tirsan ayaa loo arkaa kuwa ugu muhiimsan ee dagaalka tooska ah. Dayax wuxuu ku jiray saraakiil ku eedeysnaa inay fuliyeen weerar lagu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Sheekh Shariif oo deganaa hoteelka Maa’ido ee magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, oo aheyd 11 cisho kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo. Ma aheyn wax sahlan inay jiraan askar ku qanci karta inay fuliso amarka madaxweyne waqtigii ka dhamaaday oo weliba lagu weerarayo laba madaxweyne oo isaga ka horeysay. Marka laga tago in ninkaan uu ku jiro saraakiisha eeddaas loo haysto iyo fulinta amarkaas qaldanaa, haddana dhinaca kale dadka yaqaana waxay noo sheegeen inuu yahay sarkaal dagaal gelinta ku fiican, tabar badan oo ciidankana si fiican u kala yaqaana, si gaar ah Gorgor oo kaalin weyn ku leh dagaalka socda. Ninka uu beddelay oo saddex billood kahor la magacaabay Jeneraal Axmed Aadan ayaa muujin firfircooni iyo hal abuur dagaal xilli dalka uu ku jiro marxalad adag oo dagaal. In madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dalacsiin iyo xil iskugu daro mid kamid ah raggii ku eedeysnaa weerarkii isaga lagu dili rabay laba sanno kahor waxay muujineysa in madaxweynuhu uusan dib u eegeyn ficiladii maalmihii adkaa ee doorashada. Tallaabadan waxa kale oo ay muujineysa in muhiimada madaxweynaha tahay muxuu qofka ka galaa dagaalka hadda socda. Amarada siyaasadeysan waxaa inta badan xisaabteeda leh oo meel loo dhiga qofka maalinkaas xukunka hayay ee bixiyay amarada qalafsan. Dadka yaqaan sarkaalkan la yiraahdo Dayax waxay leeyihiin waxay u badan tahay inuu aragti cusub keeni karo furimaha dagaalka. Magacaabista taliyaashan waxay kusoo aadeysa iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo midka deegaanka ay kooxaha argagixisada kala wareegeen goobo badan oo ay ka joogeen gobolka Mudug saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay. The post Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu dalacsiin iyo xil isugu daro Dayax Cabdi Cabdulle? appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) - The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) concluded a five-day training course on Monday, focusing on police station management and crime reduction in local communities. The training was part of the preparations for the Somali Police Force to take full security responsibility when ATMIS exits Somalia in December 2024. Source: Hiiraan Online
  12. Baku (Caasimada Online) – Amidst mounting tensions over the Armenian-controlled Nagorno-Karabakh region in the South Caucasus, Azerbaijan ignited further strife by dispatching troops backed by artillery into the area. Their aim? To reclaim the breakaway region, internationally recognized as Azerbaijani territory, albeit partially governed by Armenian separatists claiming it as their ancestral grounds. Both global powers, the United States and Russia, immediately took action, urging the warring parties to cease hostilities. U.S. Secretary of State Antony Blinken, after conversations with Azerbaijani President Ilham Aliyev and Armenian Prime Minister Nikol Pashinyan, fervently appealed for de-escalation. Expressing his concerns on social media, Blinken mentioned, “I spoke to Azerbaijani President Aliyev today and urged him to cease military actions in Nagorno-Karabakh immediately.” Subsequently, the U.S. Department of State’s readout revealed Aliyev’s willingness to halt hostilities and engage in dialogues with Nagorno-Karabakh representatives. On the other hand, Armenia received Washington’s full backing, as disclosed by Blinken. Contemporary struggles The region’s complex history traces back to the disintegration of the Soviet Union when Armenia secured vast territories. However, in 2020, Azerbaijan reclaimed most of these regions after a six-week conflict culminated in a Russian-facilitated truce. While the recent actions by Azerbaijan raise uncertainties about sparking a comprehensive conflict involving Armenia, the upheaval in Karabakh is potentially shifting the geopolitical equilibrium in the South Caucasus. Azerbaijan articulated its motives, stating its objective was to “disarm and secure the withdrawal of formations of Armenia’s armed forces from our territories, (and) neutralize their military infrastructure.” Armenia, which had previously been involved in intermittent peace dialogues with Azerbaijan about the future of Karabakh, denounced Azerbaijan’s “full-scale aggression” against Karabakh’s populace and accused them of bombarding settlements. Russia’s role and stance Though entangled in its Ukrainian war, Russia remains intent on maintaining its regional influence, especially in an area rife with essential oil and gas conduits, while counteracting Turkey’s increased involvement in supporting Azerbaijan. In the wake of the intensifying situation, Moscow promptly pleaded with the conflicting parties to embrace the 2020 ceasefire agreement’s terms. “We urge the conflicting parties to immediately stop the bloodshed, stop hostilities, and eliminate civilian casualties,” articulated Russia’s foreign ministry, sharing their standpoint via their Telegram messaging platform. However, historically allies, the camaraderie between Russia and Armenia has witnessed significant strain. This rupture stems from Russia’s 2022 invasion of Ukraine and compounded disagreements over Moscow’s alleged non-compliance with the 2020 ceasefire pact. The post Azerbaijan’s military march on Nagorno-Karabakh begins appeared first on Caasimada Online.
  13. Mohamed Haybe Hassan is worried about his five children who were forced to drop out of Ugas Yasin School in Bosaso when support for their tuition ended. Four of the children were set to join secondary school. Source: Hiiraan Online
  14. Amnesty International has urged the UN to renew the mandate of a team of human rights experts on Ethiopia, which is due to expire at the end of the year, following the release of its most recent report. Source: Hiiraan Online
  15. Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre arrived in New York City on Monday accompanied by a significant delegation, and will make a stop in Minnesota Sunday. Source: Hiiraan Online
  16. Eleven Somali government soldiers were killed and three others injured in a roadside explosion Monday in the southwestern Gedo region, officials said, as the African Union peacekeeping force began a second round of troop withdrawals. Source: Hiiraan Online
  17. A military helicopter crash in Kenya near the border with Somalia has killed at least eight people, officials said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  18. The European Union (EU) has suspended funding for the World Food Program (WFP) in Somalia after a UN investigation that discovered "widespread theft" and misuse of aid meant to avert famine in the country. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Xasan Jaamici ayaa wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka ka difaacay eedeymo culus oo shacabka, ciidanka iyo masuuliyiinta qaar ay jeedinayaan muddooyinkaan. Xasan Jaamici oo wareysigaan siiyey Shabelle TV ayaa sheegay in wax eed ah uusan laheyn wasiirka gaashaandhigga oo Shabaab sii eryanayey ilaa Ceel-lahelay oo Sabtigii lagu weeraray, halkaas oo si dirqi ah uu uga soo baxsaday. “Wasiirka gaashaandhigga dadka eedeynaya wax badan kamaana fahmin, waa diidanahay eedeymaha loo jeedinayo wasiirka, dadka qaar ayaa toos u dhahay isagaa sabab u ahaa in ciidanku ku soo jabo dagaalka, isagoo wasiir ah oo heli kara inuu mukeyf ku jiro oo gaari Buruuf ah ku socdo, markii uu naftiisa geeyey furinta Ceel-lahelay sababta loo eedeynayo ma garan karo,” ayuu Xasan Jaamici ku sii daray hadalkiisa. Taliye Xasan Jaamici ayaa ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Al-Shabaab ka xoreynaya koonfurta gobolka Mudug, xilli dhawaan laga qaaday xilkii taliyaha qeybta 21-aad oo ka howlgasha gobollada dhexe. Xasan Jaamici ayaa dadka ka codsaday inay wararka xun ka dhaafaan Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo furinta u joogay sidii looga xoroobi lahaa Khawaarijta, isagoo dalbaday in taas bedelkeeda lala shaqeeyo wasiirka iyo ciidamada qaranka. “Ninkaas isagoo wasiir ah ayuu furinta dagaalka joogaa, ma qaldana oo waa muhiim in ciidanku ay dhiirigelin helaan, balse caqabad waa noqon kartaa in wasiirka oo shaqada ugu badan ee laga sugayo ay tahay fududeyn uu furinta joogo, laakiin waxaa ogaataan markii wasiirrada dalka oo dhan ay furinta qaateen isaga uga sii dhow inuu Tuute qaato,” ayuu yiri Xasan Jaamici. Xasan Jaamici waxaa la weydiiyey sida uu u arko hadalkii Jeneraal Indhacadde oo wasiirka u soo jeediyey inuu ku laabto Muqdisho oo xafiiskiisa fariisto, si shaqada laga rabo uu u fududeeyo, isagoo arrinta ciidanka iyo joogitaanka furinta u deynaya Taliyaha ciidanka xoogga dalka. “Taliye Indhacadde waa khabiir, wax badan ayuu ciidanka soo hoggaamiyey, taladiisa lama dhayalsa karo, waana muhiim in la qaato taladiisa, wasiirka marka dad badan ayaan arkay iyagoo aad u eedeynaya, laakiin waxaan arkaa in wasiirka la eedeynayo uusan ka shaqeyn wax dagaal ka baxsan,” ayuu yiri Xasan Jaamici. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Jimcihii la socday ciidankii dagaalka culus ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, wuxuuna galay halis weyn oo wuxuu ka mid ahaa askartii iska caabineysay weerarka kooxda. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: Xasan Jaamici oo wasiirka gaashaandhiga si cajiib ah uga difaacay eedda… appeared first on Caasimada Online.
  20. Joseph Odongo wuxuu ahaa 30 jir markii uu ka tegey aqalka reerkooda ee ku yaalla tuulada Riwa ee gobolka Homa Bay 1972. Muddo 50 sano ah reerkiisu waxba kama aysan ogayn halka uu ku sugnaa ilaa iyo 14ka bishan markii uu dib u soo laabtay isagoo 81 jir ah. Wargayska The daily nation oo sheekadan qoray ayaa sheegay inuu dib u soo labtay, uuna ogaaday in hantidii uu lahaa oo uuka mid yahay dhul uu waalidkiis ka dhaxlay inay qaateen xubno ka tirsan qoyskiisa o u qaatay inuu dhintay. Wuxuu ku sheegay sababta uu 51 sano u maqnaa inay ahayd isagoo doonayey inuu ka baaqsado murab dhex mara isaga iyo qoyskiisa. Odongo oo ku magac dheer Osir Komollo wuxuu sheegay in uu ku noolaa magaalo-xeebeedka Mombasa muddadaas uu ka maqnaa qoyskiisa oo iyagu baadigoobayey.Wuxuu sheegay inuu ku noolaa guri uu lahaa qof ajnabi ah Halkaas waxaan ka ahaa qof guriga maamula, waxaanan dareemayey nafis intii aan Mombasa joogay, taasoo aa duga duwan markii aan joogay magaaladaydii Homa Bay” ayu yiri Odongo. Dadkii 60 jirrada ahaa ee tuulada joogay way aqoonsan kari waayeen markii u soo laabtay. Caaqilka tuulada ayaa kalmo ka raadsaday dadka waayeelka ah markii uu ninkaas soo galay xafiiskiisa isagoo doonayey in loo shego halkii uu ku yaallay aqalka reerkooda Odongo wuxuu sheegay inuu qaatay go’aanka ah inuu iska haajiro markii ay is khilaafeen mid ka mid ah walaalihiis oo iminka geeriyooday. Waxaa kaloo dhintay xubno kale oo qoyska ka mid ah intii la kala maqnaa. Walaaliis ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey ‘geerida Odongo’. Wuxuu goaansaday inuu aado deegaan aad uga fog halkii u ku dhashay si aanay reerkiisu u soo daba gelin. Markii ay waalidkiis dhinteen, xaaskiisana kala dudeen, ayuu ninkaas dhowr bilood ka dib go’aansaday inuu dhaqaajiyo. Wuxuu reerka u sheegay inuu aadayo xeebta Sikri oo dhowr KM u jirtay gurigooda. Qoyska qaarkood waxay u haysteen inuu soo noqon doono dhowr maalmood ka dib, laakinse todobaadyadii ayaa bilo isu beddelay, bilihiina sannado ayey noqdeen. Wixii wakhtigaas ka dambeeyey waxaa caqabad noqday in xiriir laga helo, waxaana adkaatay in la ogaado halka uu ku sugan yahay. Ugu dambaystii qoyska waxay ku dhawaaqeen inuu geeriyooday. Daudi Oketch oo ay deris ahaayeen wuxuu sheegay in dadkii tuulada ay u qaateen in ninka uu yaxaas cunay. “Farriintii ugu dambaysay ee uu qoyska la wadaagay waxay ahayd inuu aadayo xeebta. Aakhiritaankii waxaan go’aansanay inu yaxaas cunay” ayuu yiri. Dumaashidiis oo 90 jir ah waxay sheegtay in ninkaas si wanaagsan loo soo dhoweeyey ayadoo qoyska ay deriska aoo dhan ku marti qaadeen hilbo. Marki ay dib u midoobeen wuxuu qoyskiisa u shegay in muddadii ay kala maqnaayeen uu ku noolaa Mombasa. Wuxuu intaa ku daray in nolosha gobolka xeebta ee Kenya ay ahayd mid sahlan, isagoo dhaqsiyo u illoobay jahawareerkii qabsaday intii uu ku noolaa Homa Bay. Wakhtiba wakhtiga ka dambeeyey qofkii uu u shaqaynayey wuxuu aadi jiray safarro dhadheer, isaga oo kaliya ayaana guriga joogi jiray. Markii dambe wuxuu qofkaas u dhoofay Yurub. “Fikrad ayaa markiiba igu soo dhacday, taasoo ah in aan dib ugu laabto tuuladii. Waxaan ka soo tegey wax kasta oo aan lahaa oo uu ku jiro mushaarkeyga”. Muddadaas Odongo ma uusan guursan inkastoo uu mar ku hamiyey inuu guursado. Mid ka mid ah odayaasha tuulada ayaa yiri “waa in qoyskiisu ay xaas u guuriyaan, si uusan u noqon nin keligii iska nool, ma haysto meel uu dakhli ka soo galo, waana inuu helaa taageerada lagama maarmaanka ah ee uu u baahan yahay”. bbcsomali Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal heyn xoogan iyo falcelin isla socota ayaa ka dhaatay gabar Soomaali ah oo xijaaban oo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kala soo degtay Ey ay wadatay, taas oo laga duubay muuqaal lagu baahiyay Internet-ka. Arrintan ayaa dhalisay dood xoogleh, waxaana ka mid ah dadka ka hadlay guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarab oo sheegtay in arrintaan laga damacsan yahay ujeedo kale oo lagu dhibaateynayo dhaqanka dadka Soomaaliyeed. “Anigu weli ma aanan arag gabar Muslimad ah oo Islaam ah waddanka ay doonto haku dhalato ee Ey wadato ee madaar kala dageyso, haddana gurigeeda la imaaneyso, aniga waxaan u fahmaayaa inay tahay mishin, gabadhaana farriin inay wado oo ah in Soomaaliya Eeyaha lala tegi karo, waxa ka darana ay imaan doonaan” ayay tiri Jawaahir Baarqab. Sidoo kale waxa ay su’aallo ka keentay sida gabadhaan loogu ogolaaday inay kasoo degto garoonka Aadan Cadde, isla-markaana ay sii marto qaybta VIP-da ah ee madaxda. “Maxay tahay ujeedada ay gabadhan u keentay Eyga? taas ayaa isweydiin mudan, waa maxay sababta ay dalka ugula soo degtay Eeygan?, maxay u xijaaban tahay?, xittaa hadii ay surwaal xiran tahay qofta waxaa dhihi lahayn qof aan dhaqankiiba haysan waa dhunsan tahay, laakiin gabadha way xijaaban tahay, haddane Ey way wadataa aniga ma fahmi karo ujeedadaas iyo sababta loogu ogolaaday in ay kasoo degto garoonka” ayay sii raacisay. Waxaa kale oo ay tiri “Gabadha iyo Eygeeda annaga uma ogolin magaaladeena, maandhaay hanaga imaanin oo na daa hadii aan noocaas tahay”. Ugu dambeyn waxayn soo jeedisay inay arrintaan ay ka hadlaan Culumada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, si looga hortego dhaqamada aan u wanaagsaneyn dadkeena. “Arrintaan waa mucjiso aniga waxa ay ila tahay Program-kan ujeedaa daba taallo, waxaan rabnaa Culuma-u-diinka iyo bulshada Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan”. The post Falcelin ka dhalatay gabar Soomaali ah oo Ey kala soo degtay garoonka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. Baku (Caasimada Online) – Washington ayaa Talaadadii ugu baaqday Azerbaijan inay hakiso howlgalka militari ee ay ka billowday gobolka ay maamulaan Armeeniyiinta ee Nagorno-Karabakh, halka Ruushka uu ku booriyey labada dhinac inay hakiyaan dhiigga daadanaya. Kadib bilo ay xiisadda sare uga sii kaceysay gobolka Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa ciidamo u dirtay ayada oo isku dayeysa in gobolkan gooni u goosadka ah u cago dhigto. Karabakh ayaa waxaa caalami ahaan loo aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dhulka Azerbaijan, hase yeeshee waxaa qeybo ka mid ah maamula mas’uuliyiinta Armenia oo ku dooda inuu yahay dhulkii awoowyaasood. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa taleefonka kula hadlay madaxweynaha Azerbaijan Ilham Iliyev iyo ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, isaga oo Baku ku booriyey inay xiisadda qaboojiso. “Waxaan maanta la hadlay madaxweynaha Azerbaijan Aliyev, waxaana ku booriyay inuu si deg deg ah u joojiyo howlgalka militari ee Nagorno-Karabakh,” Blinken ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada. Qoraalka wada-hadallada ayey Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku sheegtay in Aliyev “uu muujiyay inuu diyaar u yahay” joojinta colaadda iyo inuu kulan la yeesho wakiillada Nagorno-Karabakh. Blinken ayaa ugu sheegay Pashinyan wada-hadalladooda in Armenia ay taageero buuxda ka haysato Washington. Armenia ayaa dhul ballaaran kula wareegtay dagaal dhacay markii Midowgii Soviet uu burburay. Azerbaijan ayaa inta badan ku soo ceshatay dagaal lix toddobaad socday oo dhacay 2020, kaasi oo ku istaagay xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadiyey. Maamulka gooni u goosadka ee Karabakh ayaa sheegay in 27 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan labo rayid ah, in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen tallaabada militari ee Baku ay qaaday Talaadadii. Shacabka xaafadaha qaarkood ayaa sidoo kale la daad-gureeyey, sida ay shegeeen. Moscow ayaa saaka oo Arbaco ah ugu baaqday labada dhinac inay joojiyaan dhiigga daadanaya iyo colaadda, ayna ku soo laabtaan dhaqan-gelinta heshiiska xabbad-joojinta ee 2020. “Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada iska soo horjeeda inay si degdeg ah u joojiyaan dhiigga daadanaya, joojiyaan colaadda, meeshana ka saaraan khasaaraha rayidka,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda Telegram-ka. Yerevan, oo wada-hadallo nabadeed oo goos goos ah la yeelaneysay Azerbaijan, oo ay ku jiraan su’aalo la xiriira mustaqbalka Karabakh, ayaa cambaareysay “gardarrada baaxadda leh” ee Baku ee ka dhanka ah shacabka Karabakh, waxayna Azerbaijan ku eedeysay duqeynta magaalooyin iyo xaafado. Baku ayaa tiri in ujeeddadeedu tahay “in hub ka dhigis laga sameeyo lana sugo ka bixitaanka ciidamada qalabka sida ee Armenia ee dhulkeena, (iyo) in laga takhaluso kaabayaashooda militari.” REUTERS, VOA The post Dagaalkii gobolka Nagorno-Karabakh oo dib u billowday appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday lacag dheeraad ah oo dhan 5 milyan oo gini oo loogu talagalay taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, taasi oo loo marinayo Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Lacagtan cusub ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh, mar ay booqasho ku timid Soomaaliya todobaadkii hore, sida lagu sheegay bayaan soo baxay dowladda UK. “Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya wuxuu muhiim u yahay sidii xasilooni iyo amni loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya iyo gobolka,” ayey tiri Dame Sarah. Waxay intaas kusii dartay “UK waxay sii wadi doonaa taageerada dadaallada ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha dib looga soo qabsado ee dalka.” Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya “si ay u hesho Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah.” Bayaanka UK ayaa sidoo kale tilmaamay in “iskaashiga u dhexeeya UK iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa Soomaaliya u horseedaya mustaqbal wanaagsan.” Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale dhanka kale ay ku howlan tahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. The post UK oo ku dhawaaqday dhaqaale cusub oo ciidanka Soomaaliya ay siinayso appeared first on Caasimada Online.
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne ku magacaabay Xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Wareegtadaasi oo ay baahisay madaxtooyada Somaliland waxa ay u qornayd sidani hoos ku xusan. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay dagaalka ay haatan dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab. Indhacadde oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo dagaalkan iyo doorka weyn ee uu ka qaadanayo madaxweynaha. Jeneraalka ayaa guul u rajeeyay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo madaxweynaha oo ku hoggaaminayo dagaalka ka socda gobollada dalka. “Madaxweynaha waan uga mahad-celinaa in dagaalkaas uu tuutaha u gashto oo uu hoggaamiyo, ilaaheyna waxaan ka baryeynaa inuu bad-baadiyo, Khawaarijta sharta ahna uu jebiyo si fiican ayaana u arkaa dagaalkaas” ayuu wareysiga ku yiri Indha-Cadde. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxay ka dhigan tahay inay ka go’an tahay madaxweynaha inuu dhinto ama guulaysto”. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jirto khibrad yari haysato saraakiisha dhalinyarada ah ee dagaalka hoggaamineyso, isaga oo ku taliyay in arrintaas wax laga qabto. “Khibrad yari waa ii muuqaneysaa meelaha qaar ka jirta waayo saraakiisha ciidanka hoggaamineyso waa dhalinyaro aan khibrad badan oo aan dagaal lahayn” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in loo fiirsado xeeladda dagaal ee lagu wajahayo kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay halis ku tahay dalka iyo dariska. “Waxay u baahan tahay dagaalka nimankan in la daraaseeyo sidii looga hortagi lahaana la gaaro, waana la sameyn karaa aniga aragtideyda” ayuu kusoo gabagabeeyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guullo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan howlgallada ka socda Galmudug iyo HirShabelle. The post Daawo Indhacadde: Madaxweynaha waxa uu Tuutaha u qaatay in uu dhinto ama… appeared first on Caasimada Online.