Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (HOL) - Gunmen killed prominent businessman Hassan Haji Dahir in the Howlwadaag neighbourhood of Beledweyne town on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  2. Highlight of the UEFA Champions League match between Newcastle United FC and Paris Saint-Germain at St. James Park in Newcastle upon Tyne, England. Source: Hiiraan Online
  3. Defence Cabinet Secretary Aden Duale has revealed the financial support provided to the families of Kenya Defence Forces (KDF) officers who lose their lives in line of duty. Source: Hiiraan Online
  4. The Somali National Army (SNA) has killed 1,650 al-Shabab militants and injured more than 550 others during military offensives in Galmudug and Hirshabelle states in central Somalia in the last two months, the government said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  5. Volunteer Turkish doctors, Doctors Worldwide, under the campaign “From Heart to Heart, Good Health,” traveled to Somalia and performed surgeries in various specialties such as ear, nose, throat, orthopedics, and ophthalmology. Source: Hiiraan Online
  6. President William Ruto has nominated and redeployed Ambassadors and High Commissioners in changes announced Wednesday evening. Source: Hiiraan Online
  7. Defense Minister Aden Duale said Wednesday that Kenya Defence Forces troops will complete a withdrawal from Somalia by Dec. 31, 2024. Source: Hiiraan Online
  8. The Somali government on Wednesday said government troops have killed hundreds of militants during military operations in the last two months. Source: Hiiraan Online
  9. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal qaraari uu shalay ka dhacay meel u dhaxaysa Wisil iyo degaanka Shabeelow oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka. Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada degaanka iyo maleeshiyada al-Shabaab. Laba ilo wareed oo la hadlay Idaacadda VOA, oo codsaday inaan magacooda la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay inay dagaalkan ku dhinteen tobannaan qof oo dhinacyada dagaalamay ah oo ay ku jiraan ilaa 30 ka mid ah ciidamada degaanka. Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Gaalkacayo. Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamo kuwa degaanka ah oo ay la socdaan saraakiil kala duwani, ay u socdaaleen goob taag ah si ay u helaan khadka telefoonka oo ay ku hadlaan, hase yeeshee waxaa dhexda u galay al-Shabaab. Ciidan gurmad ah oo u tagay iyo al-Shabaab ayaa waxaa dhexmaray dagaal qaraar, taasi oo keentay dhimasho kale. Dagaalkan ayaa la sheegay in gabalku dhacay iyadoo la is weydaarsanayo rasaaas culus. Xubno ay ka mid yihiin Korneyl Calinaasir Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiqani Maxamuud Axmed (Afyare) ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ku dhinteen. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sidoo kale dagaalka lagu dilay Gudoomiyihii deegaanka Bajeele, Maxamed Abshir Shuuke. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkan ku dileen 58 qof, sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin. The post Tobanaan qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug appeared first on Caasimada Online.
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan codsatay in dib loo dhigo bixitaanka 3,000 oo ka mid ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS muddo 90-maalmood ah. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo mid ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa walaac culus ka muujiyey qorshaha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee dalka ay kaga baxayaan. Madaxweyne Maxamuud Sayid Aadan ayaa qaba in aysan saddex bilood ahayn muddo ku filan inay ku soo kabsato dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego waqtiga ciidamada Soomaalidu ay amniga dalka kala wareegi karaan ATMIS. Bishii Juun ayaa 2,000 kun oo ah ciidamada ATMIS ayaa ka baxay Soomaaliya, ciidankaas ayaa baneeyey ilaa 7 saldhig oo mid ka mid ah uu ku yaallo deegaanka Geriley ee gobolka Gedo – Jubbaland. Saldhigaas oo ciidamada Kenya ayaa ka baxeen waxaa la sheegay inay dib u qabsadeen Al-Shabaab, taas oo walaac ku abuurtay qorshaha bixitaanka ATIMIS. Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka jiro walaac caalami ah oo la xiriira bixitaanka ATMIS, wuxuu sheegay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Muqdisho la dhimay, isla markaana ay korortay cabsida laga qabo argagixisada. Jubbaland waxay qabtaa in ciidanka ATMIS si toos ah loogu kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya, si dowladu ay fursad ugu hesho dagaalka ay kula jirto kooxda oo bixitaanka ATMIS aysan uga walwalin. Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in hadda uu Gedo ka wado abaabulka maleeshiyaadka beelaha si dagaalka wajiga labaad uu Jubbaland uga bilowdo. Arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada oo hadda isku soo aaday ayuu sheegay inay caqabd ku noqon karaan qorshaha dagaalka ee dowladda dhexe, markii laga soot ago bixitaanka ATMIS oo iyadu walwal badan ku heysa dowladda, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Hoos ka dhageyso wareysi uu Maxamuud Sayid Aadan siiyey VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/10/01000000-0aff-0242-7a85-08dbc4e92671_16k.mp3The post Wareysi: Jubaland oo walaac xooggan ka muujisay qorshe ay waddo DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Al-Shabaab) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-shabaab ee labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle lagu dilay 1,650 Al-shabaab ah. In tiradaan laga dilay Al-Shabaab labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya oo joogto u tebisa wararka la xiriira jabka soo gaara Al-Shabaab. “Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bilood ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas.” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda oo intaas ku daray “Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo Khawaarijta jab xoog leh gaarsiiyay ayay dowladdu sameysay labadii bilood lasoo dhaafay.” Tirada sheegashada dowladda ee khasaaraha gaaray Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhaawacyadii gaaray dagaalyahanada kooxda 2-dii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo lagu sheegay 550 xubnood. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaacisay magacyada horjeegeyaal ka tiranaa Al-shabaab oo lagu dilay howlgalladii ka dhacay gobollada dalka, sidoo kale waxay dowladu soo bandhigtay magacyada xubno madax ah oo Shabaab ka dhaawacmay iyo kuwo weli baxsad ah. Galmudug iyo HirShabeelle waxaa ka socda dagaalka ugu culus oo dowladdu ay ku baacsaneyso Al-Shabaab, qorshaha dowladda ayaa ah in wejiga koowaad ee dagaalka kooxda lagu soo afjaro labadaas maamul goboleed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laba bilood Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab, kooxda oo lumisay Sh/Dhexe, bariga gobolka Hiiraan, inta badan gobolka Mudug, ayaa hadda ku badan agga degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo toddobaadyada soo socda la doonayo in lagu soo afjaro. Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in Dhuusamareeb uu ka shaaciyo natiijada dagaalka markii lasoo afjaro wajiga koowaad, intaas kadibna waxaa loo jiheysa doonaa wajiga labaad ee gobollada Jubbaland iyo K/Galbeed. The post DF oo shaacisay in 1,650 Al-Shabaab ah lagu dilay… appeared first on Caasimada Online.
  12. Washington (Caasimada Online) – Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Arbacadii taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh. Warqad ay u direen madaxweyne Joe Biden, ayey Senator-ada hoosta uga xariiqeen iska caabinta uu Aqalka Cad kala kulmi karo Congress-ka haddii maamulka uu dhex-dhexaadiyo heshiis ay xiriir diblomaasi ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudiga, taasi oo lagu beddelanayo in Washington ay kasoo baxdo dalabyada Riyadh. Wada-hadallada ku saabsan xiriirkan ayaa horumar sameynaya, hase yeeshee saraakiisha Mareykanka ayaa taxaddar ka muujinaya in weli ay shaqo badan harsan tahay. Waxyaabaha ay soo jeedinayaan xubnaha Dimoqraadiga ayaa ka mid ah in heshiis kasta ay ku jiraan qodobo “macno leh” si loo ilaaliyo ikhtiyaarka xal laba dawladood ah oo loo helo khilaafka Israel iyo Falastiin. Dowladda midigta-fog ee Israel ayaa la filayaa inay iska caabiso tanaasul kasta oo weyn oo la siiyo Falastiiniyiinta. “Nabadda Israel iyo deriskeeda waxay ahayd hadafka fog ee siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, waxaana u furannahay heshiis kasta oo suurtagal ah inuu dheereeyo xiriir siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale oo dhex-mara Sacuudi Carabiya iyo Israel,” ayay qoreen Senator-ada. Balse waxa ay sheegeen in ay saluugsan yihiin waxa Sucuudigu doonayo. Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka go’an in ay xaqiijiso heshiis militari oo dhigaya in Mareykanka uu difaaco Boqortooyada taasi oo ay dhaafsaneyso xiriirka Israel, umana joojin doonto heshiiska xitaa haddii Israel aysan bixin tanaasulaad weyn oo la xiriira dhanka Falastiiniyiinta, sida ay Reuters u sheegeen saddex ilo-wareed amni oo ku sugan gobolka. “Caddayn heer sare ah ayaa loo baahan doonaa si loo muujiyo in heshiis difaac ah oo adag oo lala galo Sacuudi Carabiya – oo ah nidaam kaligii-talis ah oo si joogto ah u wiiqa danaha Maraykanka ee gobolka, leh diiwaan laga walaaco oo xuquuqda aadanaha ah, islamarkaana raadiyey ajande siyaasadeed qallafsan oo aan taxadar lahayn – uu la jaan qaadi karo danaha Maraykanka,” ayaa lagu yiri warqadda. Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa labadaba horey ugu dhalleeceeyey Riyadh faro-gelinteeda Yemen, sare u qaadista qiimaha saliidda iyo kaalintii ay ku laheyd dilkii weriye Jamaal Khaashuqji. Warqadda ayaa sidoo kale walaac ka muujisay codsiga Sacuudi Carabiya ee ah in laga caawiyo nukliyeer madani ah iyo inay hesho hub horumarsan. Waxay tiri, waa in Mareykanka uu hubiyaa in Sacuudiga ilaaliyo Qaybta 123 ee Xeerka Tamarta Atoomikada ee Maraykanka, si loo sameeyo heshiis iskaashi nukliyeer nabad ah. Aqalka Cad ayaan weli ka jawaabin warqadda kasoo baxday Senator-ada. Xubnaha warqadda qoray waxaa ku jira Senator Chris Murphy, oo hoggaamiye guddi hoosaadka Bariga Dhexe ee Senate-ka, Dick Durbin oo ah Senator-ka labaad ee ugu sarreeya Dimoqraadiga, Chris Van Hollen iyo Peter Welch. Reuters, VOA The post Senatoro Mareykan ah ‘oo diidan’ qodobada xiriir dhex-mari kara Israel iyo Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
  13. CASABLANCA, Morocco, October 4, 2023/ — Western Union (www.WesternUnion.com) today announced that consumers can now use its international money transfer services to send donations directly to the Government of Morocco’s special fund in support of victims and relief efforts. Donations In response to the devastating earthquake that struck the Al-Houz region of Morocco on Sept. 8, the Government of Morocco established a special fund, numbered 126, as part of its national efforts to implement emergency measures. Consumers around the world can now donate directly into this fund using Western Union’s money transfer services, to support the victims of the earthquake as well as ongoing relief efforts. Details of the special fund account can be accessed here (https://apo-opa.info/3RL3hoC) [1]. Zero Transfer Fees [2] Western Union’s zero transfer fees (https://apo-opa.info/3LLWgjq) to Morocco, announced on Sept. 13, will be applicable to donations made to the special fund. It also remains open to consumers paying into bank accounts, as they send money to their loved ones in the country. Zero transfer fees to Morocco applies to money sent from Western Union services across its global network though all available digital channels and retail locations. It is available until Oct. 11, 2023. “It is humbling to see the pace at which recovery and relief efforts have been taking place since the devastating earthquake hit the Al-Haouz region and surrounding areas of Morocco,” said Mohamed Touhami el Ouazzani, Head of Africa at Western Union. “As the country moves forward, all of us – people and organizations combined – must continue doing whatever is within our means to support. Western Union stands in solidarity with the people of Morocco. We know that consumers globally would like to donate towards supporting victims and the relief process. We hope that being able to use Western Union’s vast global network, alongside our zero transfer fee offer, will enable them to do just that – seamlessly and reliably”. Qaran News
  14. Saylici oo Shahaadooyin Gudoon Siiyay arday ka Aflaxday Jaamacad ku Taalla Boorame Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal kaga qayb-galay Xafladda qalinjabinta dufcadii 8-aad ee ka baxda Jaamacada Horn. Jaamacada Horn ee culuunta caafimaadka ayay ka qalinjabiyeen arday tiradoodu dhan tahay 130 arday kuwaas oo dhammeystay heerarkoodii waxbarasho ee kala duwana. Munaasibadii loo sameeyay ardayda qalinjabisay waxa ka qayb galay, masuuliyiin kala duwan, macalimiin, waalidiin, ardayda qalinjanaysay mudan iyo marti Sharaf kale.” Guddoomiyaha guddida sarre ee Jaamacada Horn ee magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, marwo Bahja Cumar Muxumed ayaa ka hadashay geedi socodka waxbarasho ee Jaamacada iyo jaamacadaha wadamada jaarka ee ay xidhiidhka waxbarasho la leeyihiin, isla markaana magaalada fursado waxbarasho iyo mid caafimaadba ay dib ugu celiyaan. Waxaaney tidhi .“Markasta oo qalinjabini jirto tirade ugu yar ayaa Jaamacadayada ka qalinjabiya, sababto ah marka loo eego jaamacadaha kale anagu waanu ka waxbarasho iyo tayo wanaagsanahay, waxaanu aad uga dhisna ardayda xagga xirfada, gobollada kala duwan ee dalka ayay ka hawlgalaan ardayda ka baxda jaamacada Horn International” Madaxweyne ku xigeenka JSL, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil ayaa ku boggaadiyay maamulka Jaamacada Horn iyo waalidiinta ubadka dhalay dadaalka ay galiyeen, si ay uga madha dhaliyaan geedigoodii waxbarasho. Waxaanu yidhi.“Waxaan u mahadnaqayna, maamulka, macalimiinta Jaamacada Horn, ee soo saaray ubaxan ku hubaysan aqoonta. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa waalidiinta sharafta badan, eek u soo dadaalay carruurta maanta ina soo horfadhida ee quruxda badan leh, ee halkan ku soo gaadhsiiyay duruufo adag oo kala duwan, una soo dulqaatay, una soo dhabar adagaygay iyaga oo ALLE la kaashaya inay qalinjabintooda soo gaadhsiiyaan”. Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka ayaa shahaadooyinkii ay mutaysteen guddoonsiiyay ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Horn ee xarunteedu tahay magaalada Boorama. Qaran News
  15. Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu sii kordhayo khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo Arbacadii dhexmaray ciidamada degaanka iyo Shabaab. Wararka ayaa xaqiijinaya in tobanaan qof ay ku dhinteen dagaalka oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Shabeellow ee koonfurta gobolka Mudug. In ka badan 30 ruux oo ay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ayaa dagaalka kaga dhintay ciidanka degaanka sida ay sheegtay laanta Af-soomaaliga ee VOA-da. Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa dhankooda shaaciyay in ay maleeshiyaad badan Shabaab kaga dileen dagaalka oo saacado dheer socday. PUNTLAND POST The post Saraakiil iyo mas’uuliyiin ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  16. Shir Lagu Gorfeeyay Amniga Somaliland oo lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Taliska Ciidanka guud ee booliska Somaliland ayaa lagu qabtay Shir ballaadhan oo lagu gorfeeyay Amniga guud ee dalka. Kulankaasi waxa furay taliyaha Ciidanka booliska JSL, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Janogale), waxaana warbixino lagaga dhagaystay hoggaamada ,taliye qaybeedada iyo kuwa Saldhigyada . Waxaan si qoto-dheer loogaga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka muhiimaka ah ee Ciidanka Boolisku dalka u hayaan. Gaba-gabadii waxa laga soo saaray qodobo muhiima oo lagu xoojinaayo xaaladda Amni ee dalka. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 26 qodob oo ay ku faahfaahineyso guulihii ugu dambeeyey ee dowladdu gaartay toddobaadka, qodobadaan ayaa mid mid loogu dul-istaagay waxyaabihii u qabsoomay dowladda iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Hoos ka akhriso qodobada ka soo baxay DF: 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku guda jira hoggaaminta dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab ee ka socda gobollada dhexe. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay siyaasiyiin ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed. 3- Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariistee Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum cali ugaas Cabdulle. 4- Gudddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley aaska Duqii Hore ee Muqdisho Danjire Cali Ugaas Cabdulle. 5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjira dalka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya. 6- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu horkacayo oo booqday magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta hawlgalada dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka socda gobollada dhexe. 7- Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqdey xukunka 11 xubnood oo ku eedeysanaa musuqmaasuq. 8- Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa oo Baydhabo kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle. 9- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dowladda ay ku guuleysatey in dakhliga uu kordho 25%, taas oo ka dhigan in xukuumaddu ay ku filnaato in ay bixio mushaaraadka iyadoo aan u baahan kab kale. 10- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa Addis Ababa uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Geeska Afrika. 11- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe magaalada Nairobi ka faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya. 12- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta,kaas oo dibadda ka soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha loo adeegsado qarxyada ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. 13- Qaar ka mid ah maliishiyaadka Al Shabab oo isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida , iyagoo go’aansadey inay ka haraan fikirka xagjirka ah. 14- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sarre Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmadda Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. 15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanayaa Ciidanka ATMIS ayaa degaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka qabsadey Khawaarijta Al Shabab. 16- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka furay shirka wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir. 17- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarsahada dalkaasi Youssef Al-Bunyan. 18- Wasiirka Dhalinyarad iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi. 19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shirka diyaarinta qorshe hawleedka hirgelinta istaraatiijiyadda qaran ee isku xirka xiriirka warbaahinta. 20- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino ee dhanka cimilada. 21- Ciidanka ammaanka ee degmada Doolow oo fashiliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. 22- Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Luuq ku soo qabtey dhagar qabe Maxamed Cali Cismaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku howlanaa dhibaateynta Shacabka deegaankaas. 23- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Sarre Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqday degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe. 24- Ciidanka Qalabka Sidao o horumar weyn ka sameynaya goobaha dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab, gaar ahaan dagaaladii dhowaan ka dhacay gobollada dhexe. 25- Ciidamada Qalabka Sidao o shaaciyay liiska ilaa labaatan horjooge oo ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgalada dalka ka socda. 26- Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo tababar u soo xiray Ciidamada Ilaalada Degaanka ee caasimadda. The post DF oo soo saartay war-saxaafadeed 26 qodob ah – Maxaa looga hadlay? appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha dalka Masar ee hadda talada haya Cabdifitaax Alsisi oo afgambi ku qabsaday 10 sano ka hor, ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu doonayo inuu mar saddexaad u tartamo madaxtinimada dalka, taasoo u oggolaanaysa inuu xukunka sii hayo illaa 2030-ka. Dibadbaxyo ay dowladdu soo qaban qaabisay Isniintii ayaa markii hore ku dhawaaqayay inay taageersan yihiin Abdifitaax Alsisi, ka hor inta uusan isu beddeshay bannaanbaxyo mid looga soo horjeedo tartanka iyo dowladda oo ka dhacay meelo badan oo dalka ah. Video badan oo lagu wadaagay baraha bulshada, ayaa xaqiijiyay tiro dad ah oo u dhaqdhaqaaqa iyo bartamaha magaalo Mediterranean-ka, iyo gobolka Nile Delta ee Menoufia, iyagoo ugu baaqaya Sisi inuu xilka ka dago oo uu gubayo ama uu ku tuntay. oo ku xardhan boorarka ololaha ee madaxweynaha xilka haya Abdifitaax Alsisi oo sanadka sharaxan. Ku dhawaad ​​400 oo qof oo ku nool Masar ayaa loo xiray “dhacdooyin rabshado ah” ka dib markii madaxweyne Abdul Fattah al-Sisi uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad u tartami doono doorashada, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Hadalka madaxweyne Sisi ee salaasadii ayaa dhaliyay isu soobax naadir ah oo ay dadweynaha ku muujinayay caradoda hadalka madaxweynaha – muuqaallo baraha bulshada qabsaday ayaa muujinaya mudaaharaadyo ka dhacay waqooyiga-galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Isxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani) ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay degaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Bay. Halkaasi oo haatan farisan u ah ururka 46-aad ee qeybta 60-aad, ayaa lagu hayaa Cumraani oo kooxda Al-Shabaab ka soo goostay xilli ay wajahayaan guluf culus oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan. Isaaq Cumraani ayaa waxa uu tababar kusoo qaatey degmada Jilib Ee gobalka Jubada Dhaxe, sidoo kalena waxa uu muddo laba sanno ah ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha. Ninkan ayaa wuxuu ugu baaqay dhalinyaradii saaxiibada ahaa ee ay ka wada tirsanayeen kooxda Al-Shabaab inay isaga soo baxaan kooxda, ayna ka faa’iideystaan cafiska ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya cafis ay dowladda u fidisay xubnaha kooxda. Xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab ee usoo gala dowladda ayaa inta badan waxay sheegaan in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin. Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post CUMRAANI oo muddo kadib u soo gacan galay dowladda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  20. Ciidamada Xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa howlgallo baaxad leh dib uga bilaabay Koofurta gobolka Mudug, iyaga oo dagaal culus oo dhowr jaho ah ku qaaday dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow iyo Godad oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab muddooyinkii dabe. Ciidamada huwanta ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen, kadib markii ay xogta ka heleen goob ay isku aruursaneysay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ay dooneysay inay weerarro kusoo qaadaan saldhigyada ciidanku ay ku leeyihiin aaga Shabeelloow oo dhowaan ciidanku ay hareereeyeen. Saraakiil u hadashay ciidanka ayaa sheegtay in dagaal looga saaray godadkii ay ku sunaayeen xooggaga ka tirsan Al-shabaab, waxaana qeyb ka yihiin dagaallada ka dhanka ah kooxda ee ka socda deegaannada gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Xoogga, daraawiishta Galmudug iyo deegaanka. Gobolka Mudug ayaa waxaa ciidanka huwanta ah ay ku guuleysteen in Al-shabaab laga saaro inta badan deegaannada gobolka, waxaana hadda socda howlgalkii ugu dambeeyay oo ay wadaan ciidan beelaha isbaheysiga sameystay oo taageero ka helaya xoogga dalka, daraawiishta iyo kuwa deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Camaara (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga difaaca shacabka ee koofurta gobolka Mudug ku sugan ayaa dagaal culus oo dhowr jaho ah saakay halkii saac ku qaaday dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow iyo godad ay isku uruursanayeen Al-Shabaab. Dagaal seddax jeer la isku soo rogaal celiyey ayaa maanta ka dhacay howdka Shabeelow, waxaana ka qeyb galay diyaaradaha dagaalka, wuxuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ee ka dhacay gobolka Mudug. Sida ay saraakiisha hoggaamineysa howgalkaas warbaahinta u sheegeen Al-Shabaab waxaan maanta laga dilay tiro ku dhow 100 dagaalame, halka ugu yaraan 14 askar iyo saraakiil isugu jirta looga dilay ciidamada dowladda federaalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaanka. Ciidamada huwanta ah oo la socday dhaqdhaqaaqa Shabaab-kii ku jiray aagga Shabeelow ayaa helay xogta dulaan culus oo kooxdu qorsheysay, boqolaal dagaalame, qaraxyo iyo gaadiid ayey kooxdu halkaas ku diyaarisay, balse inta aysan soo qaadin weerarkaas ayaa iyaga la weeraray. Maanta waxaa la sheegay in Shabaab ay u dagaalameen si aan horay looga baran, kooxda oo markii la weeraro iska carari jirtay ayaa maanta iska difaacday duulaankii ciidamada huwanta ah, ilaa 3-jeer ayey soo qaadeen weerar rogaal celis ah, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha joogta goobta dagaalka. Sidoo kale, Al-Shabaab waxay maanta ku dagaalameen gaadiid qoryo saaran yihiin, gaar ahaan qoryaha Suuga oo aad looga adeegsado Mudug, kooxdaan oo markii hore ka carari jirtay diyaaradaha dagaalka ayaa maanta Suug ku garaacday diyaaradihii fulinayey duqeymaha. “Dagaalkii saaka ayaa Khawaarijta looga saaray godadkii ay gabbaadka ka dhiganaysay ee deegaankaas, mar kale ayaa ciidanku galabta weerar ku qaaday habqankooda, saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaana Warbaahinta Qaranka u sheegay in cadowga cashar lama iloobaan ah loogu dhigay howdka Shabeellow,” ayaa lagu yiri ka soo baxay dowladda. Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa isna sheegay in khasaare culus la gaarsiiyey kooxda, isla markaana laga saaray dhulkii howdka ahaa oo ay isku uruursanayeen maalmihii lasoo dhaafay, wuxuu balan qaaday wasiirku in tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray kooxda ay dib ka soo sheegi doonaan. Sidoo kale wasiir Abshir Cabdi wuxuu sheegay in kooxda lasii erya doono oo maalmaha soo socda laga saari doono dhammaan deegaanada ay uga harsan yihiin koonfurta gobolka Mudug. The post Xogta dagaalkii ugu cuslaa oo maanta ka dhacay Mudug iyo khasaaraha ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
  22. Wasiir Siciid Sulub oo ku Eedeeyay Soomaaliya inay ku lug Leedahay Joojinta Dhoofka Xoolaha Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Sacuudi Carabiya ay joojisay xoolihii Somaliland ee u dhoofi jiray dalkeeda. Wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed, oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha HCTV, ayaa sheegay in amar kasoo baxay Jidda ay xooluhu ku istaageen. Waxaanu yidhi.”Hakadku xaga Jidda ayuu ka yimid, xooluhu dalal badan ayay u dhoofaan, dalalkaas oo dhan way u furan yihiin, wayna hagaagaysa haddii Ilaahay yidhaahdo, mana raagayso” Wasiirka oo ka warbixiyay sababta loo joojiyay dhoofka xoolaha Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay gacan ku leedahay joojintooda, balse uu ka howlgali doono xal u helisteeda. Xoolaha ayaa ah mid kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee ay dadka reer Somaliland dakhliga ka helaan, iyadoo sannadkan uu iibkoodu aad u fiicnaa isla markaana malaayiin neef ay ka dhoofeen dekedda Berbera. Dowladda Sacuudiga ayaa marar kala duwan joojisay dhoofka xoolaha Somaliland, isla markaana xukuumadda Somaliland. Qaran News
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa joojisay xoolihii Somaliland ee loo dhoofin jiray dalkeeda, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane Saciid Sulub ayaa xaqiijiyay arrintaan, isaga oo sheegay in dhoofkii xoolaha Somaliland uu ku istaagay amar kasoo baxay Jidda. “Hakadaka halka Jidda ayuu ka yimid, xoolaha dalal badan ayay u dhoofan, dalalkaas oo dhan way u furanyihiin, wayna hagaagaysa inshallah, mana raagayso,” ayuu yiri wasiir Sulub oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Horn Cable. Wasiir Saciid Sulub ayaa rejo wanaag ka muujiyay in dib loo furo dhoofka xoolaha ee Sacuudiga uu hakadka galiyay, isaga oo sheegay inay wadaan dadaalo la xiriira arrintaas. “Dhinac walba howsha waa kala xidhiidhnay waxaa filaynaa howl deg deg ah. Shirar ayaa ku jirnaa illaa maanta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland. Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay lug ku leedahay go’aanka Sacuudiga uu ku joojiyay xoolihii Somaliland looga dhoofin jiray, “Qoladii la inagu saliday (Somaliland) ayaa filayaa inuu xaggeeda warkoodu ka yimid weyna iska xalismeysa.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ganacsatada Sacuudiga ay daneynayaan maalgashiga Somaliland, islamarkaana xukuumadda uu ka tirsan yahay waqti ku bixinayso sidii ay ugu fududeyn laheyd, sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha. Si kastaba, Dowlada Sacuudiga ayaa horay marar kala duwan u joojisay dhoofka xoolaha Somaliland, ayada oo Somaliland ku eedeysay dowladda federaalka istaaga dhoofka xoolaha oo reer Somaliland dakhli badan ka helaan, iyadoo sannadkan uu iibkoodu aad u fiicnaa, islamarkaana malaayiin neef ay ka dhoofeen dekedda magaalada Berbera. The post Sacuudiga oo qaaday tallaabo ka dhan ah Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  24. Beelihii ku Diriray Ceel Afweyn oo Nabad Iclaamiyay Hargeysa(Qaran news)- Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay gobolka Sanaag ayaa maanta ku dhawaaqay nabad lagu soo afjarayo colaadii ka dhacday deegaankaas. Waxgarad ku hadlayey labada ardaa ayaa ballan qaaday inay nabadda ka shaqeynayaan iyo soo afjarista colaada halkaas ku soo moqnoqotay. Guddi ka tirsan Golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nabadda ay isla qaateen labada beelood ee dirirtu dhexmartay. Waxaanay sheegeen in nabaddu ay leedahay dad badan oo cadow ku ah oo loo baahan yahay in wadajir looga taxadaro. Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay inay beelahan kala shaqeynayaan sidii ay nabad buuxdaa uga hirgeli lahayd degmada Ceel Afweyn. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay howl-gal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu shaaciyay in howl-galkaan oo iska kaashadeen ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga lagu dilay horjooge iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Horjoogaha lagu dilay howl-galkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Yare, ayada oo lagu beegsaday isaga iyo xubno kale oo la soccay xilli ay marayeen tuullada Raydableey oo u dhaxeysa deegaannada Mubaarak iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose. “Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa lagu dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, labo maleeshiyo ah oo la socotay iyo xubin kale oo ay u adeegsan jireen soo uruurinta lacagaha baadda ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda. Sidoo kale, Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq) oo ahaa oday dhaqan beenaad, kaasi oo Shabaab u qaabilsanaa soo uruurinta lacagaha iyo dacwooyinka qabiilka, si gaar ahna ugu xil saarnaa Ceelasha Biyaha ilaa Ugunji ayaa isna lagu soo afjaray howl-galkaas. Biriq ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay hore ugu abaalmarisay qori iyo gaari Toyota Probox ah, ayada oo xilliga uu howl-galku dhacayay uu halkaas u joogay in kooxda u geeyo qori iyo boosh ay madax-furasho ahaan ugu xukumeen muwaadin Soomaaliyeed oo ay gaari xoog kaga heysteen, sida ay sheegtay dowladda. Howl-galkaan ayaa imanaya xilli ciidanka qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay howl-gal qorsheysan ka wadaan dhulka hawdka ah ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Halkaas oo in kabadan tobban maalmood ay ku go’doonsan yihiin maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Isku soo wada duubo, dowladda oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibbada caalamiga ayaa sheegtay “inay ka go’an tahay in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo,” islamarkaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada kooxda. The post Faarax Yare iyo xubno kale oo lagu dilay howl-gal ka dhacay Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.