-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – The African Union (AU) has thrown its weight behind Somalia’s appeal to the UN Security Council for a three-month tactical delay in reducing the number of international troops battling the Al-Shabab terror faction in central Somalia. This development comes amid growing military challenges in the country amid intense fighting between the national army and Al-Shabab militants. Issued from Mogadishu, Somalia’s capital, a statement from the African Union’s Peace and Security Council endorsing the postponement of the withdrawal of 3,000 uniformed personnel. The message echoes the union’s unwavering “solidarity with the people and the Federal Government of Somalia” in achieving lasting peace, security, stability, and prosperity that will elevate Somalia, the Horn of Africa, and the Continent. Furthermore, the council lauded the commitment shown by troop-contributing nations. Countries like Kenya, Ethiopia, Burundi, Djibouti, and Uganda in collaborating with Somalia and its partners to garner the financial backing necessary for this pivotal transition mission. Financial support needed Abdirisak Aden, the executive director of the Farsight Africa Research and Policy Studies Center in Mogadishu, said that although the transition mission and AU’s leadership have decided to stop the withdrawal, it’s up to the African Union and global allies to finance it. “Somalia needs just a portion of US and EU funding to Ukraine to combat Al-Shabab,” Aden highlighted, drawing attention to the scale of the challenge. This proposed second-phase drawdown from the African Union intends to remove 3,000 peacekeepers from Somalia. The mission has already withdrawn over 2,000 peacekeepers from the nation. So, why this urgent call to the UN? Mogadishu’s appeal stems from the urgent need to tackle significant obstacles and the deep-seated implications for Somalia’s security transition. An official letter from Somalia to the UN Security Council elucidated further. The unexpected events have thinned their military forces, highlighting vulnerabilities. It’s crucial to re-strategize to maintain momentum against the Al-Shabab threat. The African Union Transition Mission in Somalia has been operational since 2007. Sanctioned by the AU and mandated by the UN Security Council, its primary goal is to bolster the Somali government’s war against Al-Shabab, an entity linked with the Al Qaeda terror faction. The post AU backs Somalia’s troops withdrawal delay request appeared first on Caasimada Online.
-
Diblumaasiyiinta ugu sareysa Mareykanka iyo Turkiga ayaa ku wada hadlay khadka taleefoonka kadib markii ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Suuriya ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Turkiga leeyahay. Washington ayaa sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay aad ugu dhawaatay ciidamadeeda dhulka ee Suuriya, balse Ankara waxay sheegtay in ay diyaaradda ka luntay goobtii ay howlgallada ka sameyn lahayd. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa u sheegay Mareykanka iyo Turkiga inay sii wadi doonaan beegsiga kooxaha Kurdiyiinta. Maraykanku waxa uu la shaqeeyaa xoogaga Kurdida YPG ee Suuriya, laakiin Turkigu waxa uu u arkaa kooxdan gooni-goosad iyo argagixiso. bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame, Xildhibaan Gobsan Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa baraha bulshada isku dhaafsaday hadallo xanaf leh oo ka dhashay safarkii hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo Muqdisho yimid. Ugu horeyn Xildhibaan Maareeye ayaa soo saaray qoraal uu ku muujiyey sida uu uga xunyahay in maqaam sare ay shacabka Muqdisho iyo xukuumadu ku soo dhaweeyaan wafdigii ka socda Khaatumo ee shalay yimid Muqdisho. Xildhibaan Maareeye waxaa u soo jawaabay Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo soo saaray qoraalkaan hoose: “Danjirayaashii kala goynta umadda Soomaaliyeed muqdisho u fadhiyi jirey waxay bilaabeen Cabaad iyo masayr “Wax Somaliland la yiraahdaa ma jiraan” Gobolada waqooyi ee xilligii Ingiriisku waxay u qaybsanaayeen qayb Ingiriiska la dagaalantay oo xoriyadda umadda Soomaaliyeed u halgamay illaa diyaarado lagu duqeeyey iyo qayb Ingiriiska dabodhilif u ahayd oo awoowayaashood uu sida awrta u raran jirey oo xataa waqtiyada gaaladu safrayaan dusha ku qaadi jirey. Kuwa cabaadaya waxaa ku jira qaar aan dhulka ay ka hadlayaanba garanayn oo gargaarkii 1974 kurtuwaarey iyo Sablaale la keenay iyagoo feedho qaawan oo maro qayd ah Guntan dibna aan ugu noqon. Dadka SSC khaatumo dhulkoodu waa ku filan yahay haduu u yar yahay iyo haduu u weyn yahayba, Samir iyo iimaan alle ha idinka siiyo qalbigana ha idinka reebo. Waxaan idin leeyahay Soomaali waa idin fahantay, waana ogaatay inaad kala goynteeda Muqdisho u joogtaan idiinmana suurto gelayso hadaad haysataan degmooyin aad Muqdisho la timaadaana soo dhowaada. Mar kale waxaan idin leeyahay Edeb Hala yeesho haddii la yeelan waayo ogaada WAXBAA BAALAHIINA YAACAYA. SSC Khaatumo Guul. Midnimada Soomaaliya waa muqadas.” Intaas kadib waxaa soo jawaabtay xildhibaan Gobsan Maxamed oo si toos ah u taageertay Somaliland, isla markaana qoraalkeeda ku cadeysay inay ka xuntahay in SSC ay Somaliland ka go’do. Xildhibaan Gobsan oo u jawaabeysa xildhibaan Cabdi Qowdhan ayaa soo saartay qoraalkaan hoose: “Xildhibaan Qowdhanoow waad wareertee aan ku saxee midnimada iyo calanka aad ku gabanayso horta ciddii Xamar keentay soo aniga may ahayn, wixii midoobay soo Koonfur iyo Waqooyi oo aan anigu hoggaan u ahay may ahayn, ma midnimo kalaa jirtay?. Waxa aan ku lee yahay Laascaanood waa degmo ka tirsan Somaliland oo haday midnimo tahay iyo hadii kale ba iyada uun bay ku daba faylaysaa anaga ayaana halkan u joogna Somaliland oo cidi na tallaabo kale ma qaadi karto. Xamar na, waa la wada joogaa, calan la la yimaadaa na midnimo ma gooyo, xiligii calanka buluuga ah reer Muqdisho looggu soo dhuuman jirayna waa la soo dhaafay ee wixii aad hayso badka soo dhig, waxna ha la hadhin. Soomaalidu, waxay tidhaa maxa Fardo la isku hayo la iskugu faani.” Qoraalka folkaanadaan kiciyey ee Xildhibaan Maareeye uu soo saaray ayaa u dhignaa sidaan: Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye Degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi. Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhameeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka. Sayidkii wuxuu yidhi “Caamir waa saleelee annaa haatan caymadiye” waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya. The post Xildhibaano heer federal ah oo yiri “Laascaanood waa degmo ka tirsan Somaliland” appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaalida ayaa si weyn u isticmaasha khudaarta toonta, inta badan waxaa lagu darsadaa cuntada, waana khudrad caan ku ah in loo adeegsado arrimo caafimaad. Toonta waxay kamid tahay khudaarta ugu da’da weyn ee dunida laga beerto, geedka toonta waa mid adkeysi badan oo in muddo ah soo jiray, waxay bahwadaag yihiin sida basasha, basaaska iyo kuwa kale. Waxa ay leedahay caraf gaar ah, weyna ka soocan tahay khudaarta kale. Waxay leedahay dhadhan gooni ah, dadka qaarna ma jeclo dhadhankeeda xitaa iskuma dayi karaan inay ruugaan. Waxaad arkeysaa dad badan oo cuna toonta ama cabba biyaha laga sameeyo gaar ahaan qofka marka uu hergeb ku dhaco ama in loo adeegsado dawo ahaan. Waxa sida weyn loo isticmaalo waa xiddidada geedka toonta, hashii toon waxay ka kooban tahay qeybo yar yar oo gaaraya 20. Nafaqada laga helo toonta Toonta waxaa laga helaa nafaqooyin fara badan oo waxtar u leh banii’aadanka, waxaana kamid ah: Tamarta u wanaagsan jirka banii’aadanka oo lagu qiyaasay 4Kcal / 16KJ. Waxay dadka ka caawisaa jir dhiska waxaana ku jirta maaddada borootiin. Toonta waxaa kale oo laga helaa maddooyinka karbohaydraytyada ah iyo macdanta Potassium-ka ee isku dheelitirta shaqada unugyadeenna jirka. Faa’idada ay caafimaadka u leedahay toonta 1. Waxaa ku jira maaddooyin caafimaadka u wanaagsan Toonta waxaa laga helaa maaddo la yiraahdo allicin-maadadan waa midda toonta u yeesha dhadhanka gaarka ah, waxay ka qeyb qaadataa xoojinta caafimaadka, waxay yareysa gaaska ku dhaca caloosha ama xiidmaha, inta badan maadada allicin waa waxa horseeday in si weyn loo adeegsado toonta. Dad badan waxay riiqaan toonta iyagoo dawo ahaan u adeegsanaya. 2. Waxay yareysaa halista wadno xanuunka Cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay waxaa diiradda lagu saaray awoodda toontu u leedahay inay yareyso cudurrada wadnaha iyo caawinta maareynta heerarka kolestaroolka. Daraasado dhowr ah waxay sheegeen in toonta ay yareyso in (unugyada ku lug leh xinjirowga dhiigga) ay ku uruuraan xiddidada halbowlaha qaada dhiigga, waxay ka dhigan tahay in toonta ay ka hortagto xinjijowga dhiigga, sidaas darteedna waxay yareysaa halista cudurka wadno xanuunka. Toontu waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa halista dhiig karka iyada oo loo marayo awoodda ay u leedahay inay ballaariso xididdada dhiigga, taasoo u horseedeysa in dhiiggu uu si xor ah uu jirka banii’aadanka ugu dhex socdo. 3. Waxay ka hortagtaa Kansarka Toonta waxaa ku jira walxo Sulphur ah oo lagu sameeyay daraasado, waxaana la ogaaday inay ka hortagaan unugyada kansarka iyo burooyinka kansarka ah, inkasta oo saameynta toonta ku leedahay ka hortagga Kansarka aan si buuxda loo xaqiijin, waxaana loo baahan yahay cilmi baarisyo ballaaran oo lagu sii faahfaahinayo arrintani. 4. Waxaa lagula dagaallamaa caabuqyada iyo feyraska Toonta waxaa in muddo ah loo adeegsan jiray in lagula dagaallamo caabuqyada ka dhasha bakteeriyada, feyraska iyo Fungi. sidoo kale waxaa lagu daweeya cudurrada ku dhaca maqaarka iyo qaniinyada cayayaanka gaar ahaan toonta qoyan iyo tan saliidda laga sameeya. 5. Waxay xoojisaa awoodda lafaha banii’aadanka Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in toonta ay ka hortaggo lafo burburka, waxayna sare u qaaddaa hormoonka oestrogen ee dumarka. Sidoo kale cilmibaarista waxaa lagu ogaaday in dadka isticmaalay toonta ee uu ku dhacay xanuunada lafaha in xooggaa ay ku reysteen Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa taageeray codsigi ay Soomaaliya u dirtay QM ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo yareynta ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, xilli ay jiraan dib u dhacyo militari. War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in ATMIS ay si xooggan u taageereyso codsiga ah in la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari. Bayaanka ayaa hoosta looga xariiqay in Midowga Afrika “uu ku garab taagan yahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya hammigooda ku aadan nabad waarta, amni, xasillooni iyo barwaaqo, taasi oo faa’iido u leh gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. “ Ururka Midowga Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ballan qaadka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, iyo Uganda ee ah in ay kala shaqeeyaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka in la xaqiijiyo taageerada maaliyadeed ee uu u baahan yahay howlgalka kala guurka ah. Inkasta oo ATMIS iyo Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika ay go’aansadeen hakinta bixitaanka, waxaa go’aanka kama dambeysta ah leh golaha guud ee ururka iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ee taageerada maaliyadeed siiya Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS. Wejiga labaad ee bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in 3,000 oo nabad-ilaaliyeyaal ah dalka looga saaro, ayada oo horey ay dalka ugu baxeen 2,000. Codsiga Muqdisho ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhashay baahida adag ee loo qabo in wax laga qabto caqabadaha waaweyn iyo saamaynta “qoto dheer” ee ku aaddan isbeddelka amniga ee Soomaaliya. Dhacdooyinka lama filaanka ah ayaa ka dhashay “ciidankeena militariga oo yar, kuna baylahan furimaha hore ee dagaalka, waxaana ay lama huraan noqotay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo si loo xaqiijiyo inaan joogteyno dardarteena aan kaga hortagayno khatarta al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warqad ay Soomaaliya u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya waa howlgal uu ansixiyey Midowga Afrika, islamarkaana sharciyeeyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna jiray tan iyo 2007. Waxaa horey loogu yaqiin AMISOM. The post Midowga Afrika oo go’aan ka gaaray codsigii Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya dhulka reer Falastiin ayaa sheegaya in kooxda Xamaas ee maamusha marinka Gaza ee go’doonsan ay bilaabeen hawlgal loogu magac daray daadka Al-Aqsa oo lagu bartilmaameedsanaayo ciidanka Israa’iil ee xoogga ku heysta dhulka Falastiin Waxa la soo sheegayaa in ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo gaaray dadka Israa’iil,kadib markii kooxda Xamaas ay ku weeraareen kumanaan gantaallo ah. Militariga Israa’iil ayaa ku warramaya in kooxda Xamaas ee Gaza ay gudah u galeen deegaanada ay xoogga ku heystaan Yuhuudda,waxaana jira muuqaallo muujinaya dagaalyahanada oo afduub u haysta 35 ruux oo Israa’iiliyiin ah. Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen beegsiga Gaza, iyadoo wasiirka gaashaandhigga uu oggolaaday in loogu yeero ciidamada kaydka militariga. PUNTLAND POST The post Kooxda Xamaas oo gantaalo ku weeraray Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Wakiillada oo caawa golaha ka Fasaxay Warbaahinta Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa warqad uu caawa soo saaray golaha fasaxay. Guddoomiyuhu wuxuu xildhibaanada ku wargeliyay inay fasaxooda kalfadhiga lixaad qaataan oo ay shaqada ku soo noqdaan 1da busha December. Waraaqda Guddoomiyuhuna waxay u qornayd sidan:- Geesta kale Xildhibaan Xasan Dhuxul ayaa ku tilmaamay tallaabadaas qayrul sharci waxaanu yidhi “In waraaq lagu fasaxo Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland waa qayrul sharci, mana waafaqsana xeer hoosaadka golaha. Iyada oo golaha shaqooyin culus oo islaxisaabtan iyo qiimayn qaran ahi u taallay in golaha fasax la geliyaa; waa ka dhuumasho masuuliyadeed oo shirguddoonku kow ka yahay.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay inuu la yaaban yahay sidii galabta Muqdisho loogu soo dhaweeyey hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabduqaadir Firdhiye. Xildhibaan Maareeye ayaa hoggaamiyaha SSC ku tilmaamay guddoomiyaha degmada Laascaanood, isagoo sheegay inuu la yaabay sida nin guddoomiye degmo ah Muqdisho, sida uu hadalkiisa u dhigay. “Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye Degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi,” ayuu yiri Maareeye. Qoraalka Xildhibaan Maareeye ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhameeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka.” Si u muuqata kaftan ayuu Maareeye qeybaha dambe ee qoraalkiisa ugu sheegay in degmada Caynaba ee gobolka Sool uu ka soo furanayo Somaliland, hadiiba sida hoggaamiya Cabdulqaadir Firdhiye loo maamuusi doono. “Sayidkii wuxuu yidhi “Caamir waa saleelee annaa haatan caymadiye” waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya,” ayuu yiri. Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka soo jeeda Somaliland, wuxuuna qoraalkaan ku muujiyey sida uu uga xun yahay in dowladda federaal ay maamuuso oo soo dhaweyso hoggaamiyaha Khaatumo. Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku casuumtay hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo galabta Muqdisho ka soo degay, waxaana si weyn u soo dhaweeyey shacabka reer Muqdisho iyo masuuliyiin uu horkacayey wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi. The post Maareeye oo weeraray soo dhaweyntii hoggaamiyaha SSC, kuna tilmaamay inuu yahay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin uu hor kacayo ayaa galabta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye oo soo gaaray Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayuu casuumaad ka helay wafdigaan ka socda Khaatumo, sida uu goobtii soo dhaweynta ka shaaciyey guddoomiyaha SSC Cabdulqaadir Firdhiye. Wasiir Fiqi oo soo dhaweyntii kadib hadal kooban ka jeediyey ayaa yiri, “Sharaf bay inoo ahayd galabta in aan ku soo dhowayno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wafdi uu hogaaminayo hogaamiyaha SSC Khaatumo Md. Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo booqasho rasmi ah iyo casuumaad loo fidiyey ku yimid Muqdisho.” Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa waxaan leeyahay ku soo dhowaada caasimadda dalkiina, joogitaan wanaagsan ayaan idin rajaynayaa.” Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wafdiga guddoomiyaha SSC ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareysa dalka, isla markaana ay ka wada hadli doonaan waxyaabihii loogu yeeray. Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa intaas ku soo daray, “Kusoo dhawaada meel aad madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha aad ugala wada hadli doontaan mawaadiicdiin, dowladduna halgankiina halka wadiiqo ku soday way garab taagneyd.” Soo dhaweyn kadib, waxaa warbaahinta garoonka kula hadlay hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, isagoo shaaciyey inay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad ay ka heleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. “Waxaan Muqdisho ku nimid casuumaad aan ka helnay xukuumadda Soomaaliya, magaalada waa hooyada Soomaaliya, SSC waxay ka mid tahay umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ay caasimadda u tahay,” ayuu yiri hoggaamiyaha Khaatumo. Wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay xudunta umadda Soomaaliyeed, isla markaana ay masuuliyiinta Khaatumo imaan lahaayeen xitaa hadii aysan ku casuumin madaxda dowladda Soomaaliya. Hoos ka daawo hadalkii Fiqi The post Daawo: Muxuu Wasiir Fiqi ka yiri imaashaha Muqdisho ee hoggaamiyaha Khaatumo? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib casuumaad uu ka helay madaxda dowladda federaalka. Masuuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacab badan ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey wafdigaan ka socda Khaatumo. Soo dhaweyn kadib, waxaa warbaahinta garoonka kula hadlay hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, isagoo shaaciyey inay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad ay ka heleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. “Waxaan Muqdisho ku nimid casuumaad aan ka helnay xukuumadda Soomaaliya, magaalada waa hooyada Soomaaliya, SSC waxay ka mid tahay umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ay caasimadda u tahay,” ayuu yiri hoggaamiyaha Khaatumo. Wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay xudunta umadda Soomaaliyeed, isla markaana ay masuuliyiinta Khaatumo imaan lahaayeen xitaa hadii aysan ku casuumin dowladda Soomaaliya. Wuxuu intaas ku sii daray in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo is jecel, laakiin ay kala jarayaan siyaasiyiin ka dhex arka dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. “Muqdisho waa gurigeena, galabta markii gurigeyga la igu soo dhaweeyey waxaan dareemay qiimo gaar ah, hadii aan naloo yeerin waxaa noo qorsheysneed inaan imaano Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray hoggaamiyaha Khaatumo. Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin. Hoos ka daawo The post Daawo: Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo soo gaaray Muqdisho, shaaciyeyna qorshaha safarkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali iyo wafdi ka kooban Golihiisa Fulinta ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa oo casumaad ka helay madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah ayaa ku sugnaan doona Muqdisho muddo afar maalmood ah iyaga oo kala hadli doona arrimaha Maamulka SSC-Khaatumo oo ay ugu horreeyaan gargaarka, amniga, waxbarashada iyo horumarka. Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed iyo wafdigiisa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda JFS Axmed Macallin Fiqi, xubno ka tirsan JFS, qaar Ka mida Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madax dhaqameed iyo bulshada gobolka Benaadir. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - An estimated 1.1 million people in Somalia are expected to face a substantial threat due to the impacts of El Niño, agencies warned, amid the regional states of Southwest and Hirshabelle are on high alert as the Shabelle River has already started flooding in the vicinity of the Jowhar and Mahaday districts, while rains have begun in the Southwest state. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hotel ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waaxda koowaad ee Jeneraal Daa’uud waxaa saakay ka kacay dab xoog leh, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii deganaa hotelka ayaa la sheegay inuu iska soo tuuray Dabaqa sare ee Hotelka, kadibna uu geeriyooday. Dabka ka kacay Hotelkaas oo lagu magacaabo Himilo ayaa geystay kkasaare culus, markii laga soot ago dhimashada ninkaan, waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dadka qaar, halka alaabihii yaallay hotelka ay wada gubteen. Wiilka geeriyooday ayaa isku dayey inuu naftiisa badbaadsado, markii uu sii xoogeystay dabku, balse jug culus ayaa ku dhacday, maadaama uu iska soo tuuray qeyb sare. Nafta ayaa deg deg uga baxday marxuumka, waxaana la sheegay in la aqoonsa waayey ehelkiisa, banaanka Hotelka ayuu muddo yaalay meydka marxuumka. Halgan adag kadib, markii la demiyey dabkaas waxaa la sheegay in dhaawacyadii ka dhashay iyo meydka wiilka iska soo tuuray Dabaqa loo qaaday isbitaalka Madiina. Waa qofkii labaad oo aan la aqoonsan oo saakay ku geeriyooday Muqdisho, nin kale oo oday ah ayaa saakay markii waagu beryey meydkiisa lagu arkay xaafadda Bangala ee degmada Deyniile, isagoo daldalan oo geed ka lulanaya. Inkastoo aan weli la aqoonsan ehelka ninkaan, hadana dadka xaafadaas ku nool waxay sheegeen inay arki jireen subax kasta isaga oo aala-miiteynaya oo wata dharka jimicsiga ee Sports-ka. Waxaa la kala xaqiiji waayey in ninkaan la daldalay iyo in isagu uu is daldalay, waxaa saakay la arkay isagoo qoorta xarig ugu jiro oo geed weyn ka lulanaya. Sidii ay dadka xaafadaasi ku yaqaaneen, marxuumka ayaa watay dharkii aalamiitada ee subax kasta ay ku arki jireen, isagoo dhex ordaya xaafadda Bangala ee degmada Deyniile. Shacabka xaafadaas oo dhan ayaa isku soo baxay, waxay u yeereen booliska oo meydkii ka furay geedka, balse lama kala xaqiijin weli in la dilay iyo inuu is dilay. The post Muqdisho: Wiil Dabaq isaga soo tuuray halis uu ka cararayey oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa xoogeysanaya khilaafka ka taagan xilliga uu ku eg yahay muddo xileedka madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, waxaana is abaabulay mucaarad xoog leh oo doonaya in deg deg doorasho loo qabto. Xubnaha mucaaradka deegaanada K/Galbeed waxaa hoggaaminaya guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale Madaxweyne ka soo noqday K/Galbeed. Guddoomiye Maxamed Mursal oo wareysi siiyey BBC ayaa ku doodaya in sanadkii dheeraadka ahaa ee madaxweynaha hadda xilka haya uu ku eg yahay dhammaadka bishaan 10-aad ee October. Dhankooda xubnaha kale ee dowladda madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku doodaya in muddo xileedkoodu uu ku ekaanayo dhammaadka sanadka dambe ee 2024-ka. Garabka Laftagareen ayaa soo xiganaya heshiis uusan baarlamaanka ansixin oo mideynayay doorashooyinka xeer federaal iyo heer gobolka ee Soomaaliya. Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la weydiiyay sababta ay ku diidan yihiin muddo kordhintaan oo lamid ah tii uu sameeyay, isla markaana uu hor boodayey xilligii dowladdii Farmaajo. “Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobjoog ah ayaa lagu heshiiyey in doorashada la qabto dhamaadka sanadkaan iyo bisha ugu horeysa sanadka soo socda, heshiiskaas sidiisii ayuu u jiraa, mana burburin,” ayuu yiri Mursal. Xildhibaan Maxamed Mursal wuxuu intaas ku sii daray in maalmo ka hor ay Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegeen in Laftagareen uu ka baxay heshiiskii, maadaama uusan fulin qodobkii tilmaamayey in dagaal lagu qaado Al-Shabaab oo laga xoreeyo deegaanada K/Galbeed, si doorasho loogu qabto. “Ma waxaan sugi karnaa sanad kale nin aan diyaar u aheyn inuu la dagaalamo Al-Shabaab? Madaxweynaha jamhuuriyaddu ma rabo inay wax qaldamaan, heshiiskii Baydhaba lagu gaarana waa sharci in la fuliyo,” ayuu yiri. Mursal oo la weydiiyey wixii uu horay u sameeyey ayaa ku dooday in xiligii uu guddoomiyaha ahaa uusan muddo kordhin u sameyn Madaxweyne Farmaajo, balse uu ku adkeystay in baarlamaanka uu hoggaamiyo uu sii joogi doono ilaa inta laga soo dooranayo baarlamaanka kale. Maxamed Mursal oo aad u taageersanaa Farmaajo, una sameeyey muddo kordhin u suurta geli weysay, weji gabax adagna kala kulmay, ayaa xiligaas kursi Xildhibaan ka soo qaatay Laftagareen oo taageerada Farmaajo ay ka mideysnaayeen, laakiin maanta waxay isku heystaan muddo kororsi uu Laftagareen quud-dareynayo. The post Muxuu Mursal ugu diidan yahay Laftagareen mudo kororsigii uu Farmaajo u sameeyey? appeared first on Caasimada Online.
-
A country can become great when its institutions are very strong and sincerely committed to meet the basic needs of its citizens, establish the building blocks that allow citizens to enhance and sustain the quality of their lives, and create the conditions for all individuals to reach their full potential. A nation becomes great when it matters more where it is going to than where it has come from. A country becomes great if its citizens always make sure that their own culture remains realistic and resilient in the passage of time. A country can become great when those who are in power build loyalty and trust by consistently delivering on their promise; when those in power think beyond what ordinary individuals think; when those who are in the government paint a picture of what they see as possible and inspire and encourage their people in turning that vision into reality. A country is built by its people. It is the people who can or can’t make their country great. But what is greatness in a country? And how can we define greatness? Are people born great? Most cultures link greatness to fortune, fame, and power. But greatness has more definitions than that. People are not naturallyt born great. Nor do they become great overnight. Greatness does not come by itself. It is earned and achieved. A country can be great in power, in technology, or in culture which is the manifestation of human creativity and innovation – an intellectuality regarded internationally. The greatness of every country is basically measured by the well-being of its people, the strength of its legal institutions, the quality of governance and its fundamental principles. Progress and prosperity are mostly complements to greatness. And greatnes is the thing which every nation is craving. Most people become great through looking and learning the finer things, through criosity and constant exploration, through unity and utopian idealogy, through being dedicated and devoted to pursue power and prosperity, and through searching and seeking solutions to the problems of life. People who pursue knowledge and know-how, not just to become more educated or knowledgeable than others, but to elevate values and virtues that lessen human problems are truly great. With knowledge and know-how, people can make their country great. Societies who are task-oriented and take the decision to shape their life as they see and want, organize their ideas in a planned way, invest their time in building an elegant life and spend their resources collectively in a common cause are truely great. Leaders who do things by knowing why they do what they do and what it means for themselves and other people in their lives can make their country great. A nation that reacts and responds to whatever life throws at them in unity makes great strides A nation that becomes great is the one that has the ability to translate their ideas through the power of actions and intentionality to give great considerations in caring about the wellness of its people. Societies that are committed to educate their young generation, make them aware more of what the time requires, upskill them and expand tbeir capabilities are surely great. A society that is self-aware enough to know that it is not adept at everything is one which has taken the first step toward being a great nation. Setting aside your own interests in favor of understanding someone else’s needs, wants and worries is a seed of greatness. The seeds of greatness in any society are found in the history of its culture. This leads us to understand that the seeds of greatness are found in the evolution of human culture. Greatness is literally found in how humans have evolved and in how they became who they are today as nations – what societies were yesterday, what they are today and what they want to be tomorrow? So the question is: Who we have become, as Somaliland people? In quest for the seeds of greatness in the evolution of our culture, we should ask ourselves what exactly we did to create conditions in which we prospered. The facts will be found in knowing how our social, economic and political culture has evolved. We have never enriched our life with any special contribution or concept of our own creation. For example, in thinking and sort of, we still think and do things as the ways we used to think and do things in the past. Evidently the he-camel is still holding the two water containers. Neither the rural society nor the urban community has even come up with initiatives enabling effective preparation for the drought and famine that result from the ever-seemingly-changing weather conditions. We, Somalilanders, produce nothing. We manufacture nothing. We distribute nothing. We own nothing. We just live on food other people produce; wear clothes other people make; defend ourselves or fight with one another with guns that are not our own make; we build our homes with materials made in other countries; everything we use in our daily life is a foreign product. How Somaliland people could survive if the worse comes to the worst and every country imposes restrictions on exportation of their food to other countries? Predictions that food producing countries will enforce protectionist policies are already leaked out. Excusing the limitations of my knowing abilities, which are myriad, there is, without any fuss, a clear coherent reality that the styles of how we have been taught to survive were not culturally designed either for achievement or innovation. In fact, we are a nation that is probably roughed up by unplanned life; a changeless life that is enmired with constant calamities of drought and famine, simply because we born out of an atmosphere where it was customary to see life as it comes with a belief that the pursuit of a planned life is/was sinful – in other words, a walking contradiction to God’s will. We, Somaliland citizens, neither make things we need in our own way nor do things in the way others tell us to do. We are just consumers who always depend on what other people produce. Why? Because we never evidently tried to do what other people like us had done. It is not the nature that has designed our way of living to always reside in a changeless status. It is us who actually have not changed our thoughts. Failing to make a change in the way we live, our life always looks like a rock being rolled on over to the top of a mountain which is getting steeper and steeper time after time. The point is there is one evil, among others, that always lags Somaliland progress behind. What is this evil? Are we aware of it? How can we liberate ourselves from this evil? One recent assessment on how a country can become great points out that once good governance is established, it tends to be very, very persistent. This assessment revealed that once checks and balances system becomes well established, the dream of good governance and greatness becomes also a reality, for the aim behind the checks and balances system is to emsure that legal institutions, the judicial branch, the legislative branch and the executive branch, are totally independent from one another and that each branch has individual power to check the other branches and prevent from becoming too powerful. The intent of separation of powers is to prevent the concentration of unchecked power and to provide for checks and balances, in which the powers of one branch of government is limited by the powers of another branch, to prevent abuses of power and avoid autocracy. What lags behind Somaliland is a lack of good governance and great leaders. As the old gag goes to say, “A misplaced faith in political utopias leads a country to ruins. The evil thing that prevents Somaliland from becoming great is a combination of corrupt leaders and clannish mentality. For sure, the only chance to establish good governance in Somaliland could be possible if Somaliland people could genuinely start to rethink to refine their thoughts, reform their ideas, remake their views and rectify their belief that politics is nothing more than consistent argument and conspiracy theories. A long-term commitment to build up strong institutions only seems to be one factor of good governance and greatness in Somaliland. But many questions as to who could make that noble role happen will take time to answer. By : Jamafalaag Somaliland, Hargeisa. Qaran News
-
PRESS RELEASE Kenyan President Ruto Headlines Invest Africa’s United States (US)-Africa Investment Forum African leaders at UNGA united to emphasize the continent’s transformation from a passive participant in the global order to an assertive partner actively seeking collaboration, not marginalisation Access Multimedia Content On the margins of the United Nations General Assembly (UNGA), Invest Africa (www.InvestAfrica.com), a leading pan-African trade and investment platform, hosted a US-Africa Investment Forum at which Kenyan President William Ruto underscored the urgency of addressing climate change as well as Africa’s potential to lead the energy transition. This year, African leaders at UNGA united to emphasize the continent’s transformation from a passive participant in the global order to an assertive partner actively seeking collaboration, not marginalisation. From South African President Ramaphosa’s plea for Africa to “reclaim its role as a beacon of human advancement” to Nigerian President Tinubu’s call for viewing the continent as “genuine allies and collaborators,” Africa resounded its need for a more significant presence in multilateral institutions. The US-Africa Investment Forum, held in partnership with the Milken Institute, included a fireside chat with President Ruto and Michael Milken, Chairman of the Milken Institute, where President Ruto reiterated these calls for partnership and investment opportunities. He emphasised the role of credit rating agencies in shaping Africa’s investment landscape, highlighting concerns about the nature of creditworthiness assessments and their impact on emerging economies. Africa Finance Corporation President & CEO Samaila Zubairu and Standard Chartered Bank Managing Director Kevin Garrow made keynote remarks, followed by a stellar panel discussion on innovation and emerging trends in climate finance across Africa, with participation from USAID, Government of Namibia, Standard Chartered Bank, Cross Boundary, Eurasian Resources Group and Xcalibur Multiphysics moderated by Semafor Climate and Energy Editor Tim McDonnell. Karen Taylor, CEO of Invest Africa, expressed her gratitude, stating, “It was a great privilege to host H.E. William Ruto, President of the Republic of Kenya, on the sidelines of this year’s UN General Assembly. In an era when multilateralism is seemingly in retreat across the globe, witnessing President Ruto and numerous African leaders seizing the spotlight in New York is deeply encouraging. President Ruto’s leadership on climate and sustainable investment is inspiring, and we look forward to supporting his efforts to fortify the continent’s climate resilience and propel climate-smart investments into African markets.” Kevin Garrow, Managing Director and Head of Natural Renewable Resources & Industrials – Americas at Standard Chartered Bank, commented, “The UN General Assembly remains a steadfast fixture on the multilateral calendar, and Standard Chartered was pleased to partner with Invest Africa and the Milken Insitute engaging with leaders in the markets we serve. Africa has been an enduring cornerstone of our growth narrative for well over a century, and we look forward to collaborating with President Ruto and his administration to unlock sustainable finance opportunities, propelling Kenya and the broader continent towards a low-carbon future.” For enquiries, please contact Cara Oldenburg, Head of Marketing and Events at Invest Africa, at cara.oldenburg@investafrica.com. Distributed by APO Group on behalf of Invest Africa. About Invest Africa: Invest Africa is a leading pan-African business platform that promotes trade and investment across the continent. With over sixty years of history, our network is made up of more than 400 global organisations, private investors, fund managers, family offices, policy makers and entrepreneurs. Together they share a desire to build opportunity across the African continent. As the trusted entry point into Africa, we support and connect business and investment through a unique range of services, from leading business conferences and bespoke trade and investment missions to sector specialist event programmes and consultancy projects. SOURCE Invest Africa Qaran News
-
Somaliland oo looga Debaal-degay Xuska maalinta Macalinka Adduunka Hargeysa(Qaran news)-Xuska maalinta macalinka adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, taas oo ay soo agaasintay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, isla markaana hal-ku-dhig looga dhigay ‘Xoojinta barayaasha kabashada waxbarashada’. Munaasibadan lagu weynaynayay xuska maalinta Macalinka adduunka ayaa waxa ka soo qayb galay arday, macalimiin, guddoomiyayaasha waxbarashada gobolka Maroodijeex, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo marti sharaf kale. Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, Dr. Cabdirisaaq Jaamac Nuur, ayaa munaasibadan maalintan macalinka adduunka ugu hanbalyeeyay dhammaan macalinta JSL, waxaanu xusay in damiirka macalinku ka shaqeeyo waxa fiican oo kaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in macalinku, ka madhan yahay Qabyaalada, eexdaa, siyaasada, isla markaana waxa ugu badan ee uu wakhtigiisa iyo dadaalkiisa galiya uu yahay sidii uu bulshada wax u barilahaa. Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland waxa uu balanqaaday in macalimiintii iyo maamulayaashi dadaalka dheeraadka ah ka sameeyay imtixaankii sanadkana kaalmaha hore ka galay in la abaalmarin doono. Qaran News
-
Xisbiga WADDANI oo ku Eedeeyay Xukuumadda Joojinta dhoofka Xoolaha Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Xannaanada Xoolaha xisbiga WADDANI Dr. Axmed Shugri ayaa sheegay in siyaasad xumo iyo masuuliyiinta Xannaanada xoolaha oo aan garaynin sgaqadoodu joojisay dhoofka xoolaha. Xoghaye Axmed Shugri wuxuu sheegay iskuduwaha xanaanada xoolaha ee gobolka Saaxil oo aan awood shaqo u lahayn uu joojiyay xoolaha oo uu yidhi lama geli karo maxjarada, taasi oo uu ku sifeeyay jaranjaro dhaaf aan loo baahnayn. Sidoo kale wuxuu Wasiir Siciid Sulub ku eedeeyay inuu dhabqinayo dhoifka xoolaha ilaa imikana aan laga hayn Soomaaliya inay kaalin ka qaadatay joojinta dhoofka xoolaha ee Sucuudiga ka soo baxay. Xoghaye Axmed Shugri wuxuu intaas ku daray in Wasiir Siciid Sulub looga baahan yahay in uu Sucuudiga oo uu joogo ka soo furdaamiyo dhoofka Xoolaha. Sidoo kale wuxuu maamul xumo iyo fashil ku tilmaamay Xukuumadda xisbiga KULMIYE oo uu xusay ku fashilantay Hoggaaminta dalka. Dr. Axmed Shugri wuxuu xusay inay dhoofka xooluhu uu yahay isha ugu weyn ee dhaqaalaha dalku ku tiirsan yahay, sudaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in laga yeesho siyaasad cad. Qaran News
