Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddida Joogtada ee Guurtidda oo la kulmay Masuuliyiin ka mid ah Ururrada Siyaasadda Hargeysa(Qaran news)-Guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland ayaa la kulmay qaar ka mida mid ah masuuliyiinta ururadda Siyaasadda Ee Dalka. Guddida iyo xubnaha ka mida ururada siyaasada ayaa intii kulanku socday kawada hadlay arrimo la xidhiidha xeerka doorashooyinka Somaliland ee ay dhowaan ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland, xeerkaas oo mari doona Golaha Guurtida Somaliland, marka uu fadhigoodu furmo. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), oo ku hadlayay afka ururada Siyaasada ayaa sheegay in guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland ay kawada hadleen xeerka guud ee Doorashooyinka Somaliland, waxaanu tilmaamay in ay Isfahan buuxa uu ku soo dhammaaday wixii ay kawada hadleen. Dhankiisana, ku simaha Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud, oo ka warbixiyey kulankan ay guddida Joogtada ah ee Goluhu la qaateen qaar kamid ah ururada siyaasadda ayaa sheegay in ay wixii ay wada hadleen ay ugudbin doonaan golaha waynaha. Qaran News
  2. Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad cusub ay haatan ka qarxay degmada Beledxaawo, taas oo ka dhalatay isbeddalka ay Jubland ku bilowday maamullada degmooyinka ee gobolkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maanta isku dhaceen ciidanka ammaanka iyo dibadbaxayaal careysan oo isugu soo baxay waddooyinka magaaladaas, taas oo keentay inay xaaladdu kasii dartay markii ay ciidamadu adeegsadeen rasaas xoogleh. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada rasaasta furay ay taabacsan yihiin guddoomiyaha maamulkaasi, balse ma jiro wax khasaare oo ka dhashay halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana is horfadhiya ciidamada iyo shacabka dibadbaxa ka waday degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Dhanka kale, xiisad tan lamid ah ayaa ka taagan degmada Garbahaarey, halkaas oo isna laga hor istaaga taliyaha booliska gobolka Gedo oo ay soo magacowday Jubbaland. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka oo ku aadan wararka isa soo taraya ee ka imaanaya degmooyinka Gedo. Dhowaan ayay aheyd markii uu dhaqan isbeddal ay Jubbaland ku sameysay maamulkii degmada Luuqa, waxaana xilka la wareegay Daahir Muxumed Nuur (Caato) oo loo magacaabay guddoomiyaha cusub, kadib xaflad todobaadkii hore ka dhacday degmadaasi. Gobolka Gedo oo muddo ku jiray go’doon siyaasadeed ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, waxaana si buuxa gobolka ula wareegtay Jubbaland oo markii hore laga diidanaa degmooyinka gobolkaasi, taas oo keentay inuu soo dhmaado khilaafkii dheeraa. The post Xiisad cusub oo ka qaraxday Beledxaawo – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  3. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan mintidiin kaga yimid Gaza oo Sabtida maanta ah Israa’iil ka weeraray dhinacyada dhulka, badda iyo cirka, iyagoo adeegsanaya gantaalo fara badan oo ay ka soo gameen Gaza. Afhayeenka ciidamada Israa’iil Richard Hecht ayaa u sheegay suxufiyiinta in mintidiin Falastiiniyiin ah ay bilaabeen ‘dagaal’ kaasi oo isugu jiray dhinacyo kala duwan. Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay ‘waxaan ku jirnaa dagaal’ isaga oo wacad ku maray in uu aargoosan doono ka dib markii uu amray abaabul ballaaran oo lagu soo daabulo ciidamada keydka ah ee Israa’iil. Rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa sii kordhayay tan iyo horraantii sannadkii hore, iyadoo tirada dadka ku dhintay Daanta Galbeed ee dhulka la haysto ay gaartay heer aan muddo sanada ah la arag. “Waxa aan go’aansannay inaan soo afjarno dhammaan danbiyada uu gaystay gumeysigu (Israa’iil). Waqtigoodii ay weerrarada gaysan jireen iyadoo aan lala xisaabtamin waa uu dhammaaday,” ayaa lagu yiri war ay baahiyeen Ezzedine al-Qassam, oo ah garabka hubeysan ee ururka Xamas ee ka taliya marinka Gaza. Kooxda ayaa sheegtay in howlgalkan oo ay ugu magac dareen ‘Daadka Al-Aqsa’ ay adeegsadeen wax ka badan 5 kun oo gantaal oo ay ku weerareen Israa’iil. Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay mintidiin Falastiiniyiin ah kula dagaalamaayn dhowr ah aag oo ku dhow Marinka. Waxa ay dhankooda howlgalka ugu magac dareen ‘Seefaha Birta ah’. Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof lagu dilay gudaha Israa’iil. Xamas ayaa mar danbe baahisay muuqaal muujinaya dagaallamayaasheeda oo saddex nin qabanaya. Ka soo gudbista kooxaha hubeysan ee ka imanaya Gaza, oo ah magaalo sabool ah oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, ayaa ahayd mid adag tan iyo markii Xamas ay la wareegtay maamulka magaalada 2007-dii, taasi oo keentay in Israa’iil ay go’doomiso. Israa’iil ayaa Gaza go’doomisay iyadoo ciidan xooganna halkaasi dhigtay. Gantaallada laga soo tuuray Gaza oo uu afhayeenka ciidamada Israa’iil ku sheegay ugu yaraan 2,200 ayaa baabuur ku gubay magaalada Ashkelon ee Israa’iil, oo qiyaastii 10 kiiloomitir dhinaca waqooyi ka xigta Gaza. VOA + AFP The post Weerar dhulka, badda iyo cirka oo lagu qaaday ISRAEL appeared first on Caasimada Online.
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta oo Sabti ah xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye). “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Xamse. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo ka dhegaystay warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta degaanada SSC sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay xafiiska Xamse Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
  5. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has affirmed that the federal government has prepared a response plan to the anticipated El Niño, which is likely to bring heavy rainfall during the rainy season between October and December in Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Dagaal beeleed xooggan ayaa maanta ka qarxay balliga Maska Buqle oo ka tirsan dhulka hawdka ah ee gobolka Cayn. Laba beeleed oo ka soo kala jeeda magaalada Buuhoodle iyo degaanka Qorilugud ayuu sida la sheegayo dagaalku ka dhex qarxay. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka oo sii xoogaystay galabta uu istaagay goor danbe oo makhribkii ah. Weli faahfaahsan sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka marka laga reebo sheegashada labada dhinac. Sidoo kale ilaa iyo hadda lama sheegin cid kala dhex gashay dhinacyada dagaallamay oo weli is horfadhiya islamarkaana isu hub urursanaya. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed maanta ka qarxay hawdka degmada Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
  7. Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta gacanta kusoo dhigay gaari Layla Calaawi oo siday maandooriyaha Xashiiska, kaas oo kusii jeeday dhanka magaalada Muqdisho. Gaarigan oo kasoo baxay deegaano dhaca jinka wabiga Shabelle ayaa lagu qabtay koontaroolka Balcad, ayada oo sidoo kale gacanta lagu dhigay saddex nin oo la socotay. Taliyaha saldhigga booliska degmada Balcad, Xuseen Macallin Cabdulle oo Wariyeyaasha la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalka lagu qabtay gaariga iyo ragga waday, wuxuuna aad u boggaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ee sameeyay howlgalkaasi. Xuseen Macallin ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Xashiishka lagu soo dhex qariyay khudaar, isla-markaana la doonayay inay loo soo gudbiyo gudaha magaalada Muqdisho. “Waxaa ammaan mudan ciidankii howshan kasoo shaqeeyay oo ma hurdayaasha ahaa, waxaa xalay Xashiishkan lagu qabtay iyo saddexdaan rag ah degmada Balcad, waxay soo dhex-geliyeen Khudaar” ayuu yiri Taliyaha booliska Balcad Xuseen Macallin Cabdulle. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda ee maamulka degmada Balcad Ismaaciil Barre Nuur oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Balcad aysan noqon doonin waddo Muqdisho loo soo mariyo maandooriyaha ama wax kasta oo halis ku ah bulshada. Barre ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka ugu baaqay inay sii laba jibaaraan dadaalka, isla-markaana la shaqeeyaan dadka shacabka ah, si la’isaga kaashado amniga. “Ciidamada amniga waxaan leeyahay dadaalkiina sii laba jibaara, si uu amniga u sugnaado, Balcadna aysan noqon in maandooriyaha loo marsiiyo magaalada Muqdisho” ayuu isna yiri. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dagaal adag kula jirtay maandooriyaha, waxaana howlgallo culus ay ka socdeen Muqdisho iyo duleedkeeda. The post Daawo: BALCAD oo lagu qabtay gaari ku soo jeeday Muqdisho oo siday…. appeared first on Caasimada Online.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle. “Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo kamid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn ku booriyey Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka soo foogan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle. “Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo kamid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn ku booriyey Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka soo foogan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo digniin ka soo saaray Fatahaadaha Roobabka appeared first on Puntland Post.
  10. Marinka Qaza ee dhulka reer Falastiin ayaa waxaa ka socada dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Islaamiga ah Xamaas iyo Milatariga Israel, waxaana dagaalku uu sababay khasaare kale duwan, xilli Milatariga Keydka Isra’il loo yeeray. Tobaneeyo nin oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda in ay weerar lama filaan ah ku galeen koonfurta Israael, waxaana haatan lagu hayaa baadi goob, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha difaaca Isra’il. Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya in Israel ay qabsatay Xamaas, waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan sababo dhinaca Israel ah oo uu sheegay in kumanaan ka mid ah ciidamada kaydka ah loogu yeerayo. Mas’uul ka tirsan ururka Xamaas ayaa u sheegay Tv uu uruurku leeyahay in 2,000 oo gantaal oo kale ay rideen dhanka Israel, kuwaas oo qeyb ka ah 5,000 oo uu taliyaha guud ee Xamaas ku dhawaaqay, waxaana wali socda gantaalaha la isku rido. Waxaa sidoo kale mas’uulka u hadlay ururka Xamaas ayaa sheegay in weerarkaan uu jawaab u yahay dacadiyada Isra’il ay u geysteen dadka reer Falastiin, Xamaas ayaa 20 daqiiqo gudahooda ku riday ilaa 5000 oo gantaal, kuwaas oo khasaare dhaliyay. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka wadaan marinka Qaza kadib markii ay sheegeen in dagaalyahano Falastiiniyiin ah ay galeen dalkaasi, Hal qof ayaa ku dhintay, waxaana jira warar sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen meel u dhow Tel Aviv. Golaha wasiirada amniga ee Israa’iil ayaa shir ka yeelan doona 1-da duhurnimo ee waqtiga maxaliga ah ee ku saabsan weerarka lama filaanka ah ee Xamaas, xafiiska raesul wasaaraha ayaa sidaas yidhi, Kahor kulanka, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa saraakisha la yeelan doona kulan xaalada lagu qiimaynaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Narges Mohammadi oo u dhalatay dalka Iran dhowaana xabsiga la dhigay, taas oo u ololaysa xuquuqda aadanaha ayaa ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 2023, arrintaan ayaa si weyn baraha iyo warbaahinta u qabsatay. Guddiga Nobel-ka Norway oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in Ms Mohammadi, oo 51-jir ah, lagu sharfay la-dagaalanka dulmiga lagu hayo haweenka Iran, waxaana lagu xasuustaa in marar badan la arkay iyada oo u doodeysa arrintaas. Halgankeeda waxa uu ku yimid “naf hurnimo aad u weyn”, Waxaan rajaynaynaa in aan fariinta u dirno dhamaan haweenka aduunka ku nool ee ku nool xaaladaha si nidaamsan loo takooro” ayey sheegtay guddoomiyaha guddiga Berit Reiss. Ms Mohammadi ayaa hadda 12 sano oo xarig ah ku qaadaneysa xabsiga caanka ah ee Evin ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tehran, waxaana arrintaan ay ku soo aadaysaa xilli haweeynadaan aad loogu amaanay dadaalka ay waday. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in abaal-marintan ay tahay mid “eex ah” oo waafaqsaneyn sharciga “faragelinta iyo siyaasadaha ka dhanka ah Iran ee dalalka Yurub qaarkood” ayaa lagu xusay nuqul ka mida hadalka. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay dowladda Iran in ay sii deyso Ms Mohammadi isagoo ku amaanay geesinimadeeda, halka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in ay tahay “Dagaalyahan xornimo doon ah”. Abaalmarinta Nobel Prize ah oo loo yaqaan ‘Nobelpriset;: Nobelprisen ayaa ah lix leyliska caalamiga ah ee sannadlaha ah ee loo yaqaan’ Swedish ‘iyo’ Norwegian ‘, ee lagu abaalmariyoamashaqsiyaadka gacan ka geysta horumarinta sayniska, dhaqaalaha iyo nabadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye oo xalay ku hoyday magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Firdhiye ayaa kulamo hordhac ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirro katirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare XamXa Cabdi Barre, Taliyaha Booliiska, Xildhibaanno & mas’uuliyiin kale. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ku aadan ujeedka safarka uu shalay Muqdisho kusoo gaaray hoggaamiyaha SSC iyo xaaladaha ka taagan Laascaanood. Sidoo kale labada dhinac ayaa is weydaarsaday xogo ku aadan sidii horay loogu dhaqaajin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, dowladduna ay u qaadan laheyd doorkeeda, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Firdhiye uu dowladda dhexe kala kala xaajoon doono mustaqbalka SSC-Khaatuma oo ku dhowaaqday inay tahay maamul madax-banaan. Isaga oo ka hadlayay soo dhaweyntii Jimcihii shalay loogu sameeyay Xamar waxa uu tilmaamay in Muqdisho ay tahay xudunta ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay mas’uuliyiinta Khaatumo imaan lahaayeen xitaa hadii aysan ku casuumin dowladdu. Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo is jecel, laakiin ay kala jarayaan siyaasiyiin ka dhex arka dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. “Muqdisho waa gurigeena, galabta markii gurigeyga la igu soo dhaweeyey waxaan dareemay qiimo gaar ah, hadii aan naloo yeerin waxaa noo qorsheysneed inaan imaano Muqdisho,” ayuu ku yiri hadal kooban uu uu shalay jeediyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo. Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin. The post Hoggaamiyaha SSC oo kulamo ka bilaabay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  13. Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan laga bilaabo howlgal ka dhan ah Al-shabaab, xilli gobollada Baay iyo Bakool dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan ciidanka xoogga dalka Daraawiishta iyo kuwa deegaanka. Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, iyaga oo kusoo biiraya dagaalka ka dhanka Al-shabaab ee wajiga labaad ee howlgalka. Waxaana munaasabadda ka qeyb galay madax kale duwan iyo saraakiil ciidanka xoogga dalka ah, gaar ahaan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed,guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo taliyeyaal kale. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa sheegay in ciidankaan ay qeyb ka noqon doonaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Laftagreen oo cadaadis siyaasadeed uu kaga furan yahay mucaaradka ayaa sheegay in la joogo xilligii Al-shabaab laga saari lahaa deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ciidankaan ka horeeyay dhowr dufcadood oo sidaan tababar loogu soo xiray. “Howlgalkii Shabaabkii intii soo carartay dhameystirtana aad ayaan u faraxsanahay maadaama uu idiin soo dhammaaday tababarkii, waxaan ka wada shaqeyn doonaa dagaalka Khawaarijta iyo sugidda amniga Koofur Galbeed” ayuu yiri madaxweyne Laftagreen. Deegaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku sugan ciidanka isugu jira xoogga dalka iyo kuwa ka socda dowladda Itoobiya oo ilaaliya xarumaha dowladda, waxaana ciidankaan cusub loo tababaray in dagaalka ay gali karaan si ay qeyb kaga noqdaan howlgallada. Koonfur Galbeed xilli loo diyaar garoobayo dagaalka Al-shabaab ayaa waxaa socda heshiis garwadeen uu ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda uu lagu dhexedhexaadinayo madaxweyne Laftagreen iyo dhinaca mucaarada oo Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda si gaar gaar ah.. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT- Tel Aviv)-Dhawr iyo toban gantaal ayaa laga soo tuuray marinka Qaza iyagoo lagu gannay Israa’iil subaxnimadii Sabtida. Duullaanka cirka ayaa ka dhacay koonfurta Israa’iil waxaana laga maqlay aagga weyn ee Tel Aviv, oo tobanaan kiiloomitir waqooyi ka xiga Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxda ammaanka lagu wado inay kulmaan. Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Garabkeeda hubaysan ayaa sheegay in 20 daqiiqo gudahood ay ku rideen 5,000 oo gantaal. Source
  15. (SLT-Azerbaijan)-Laamaha amaanka dalka Asarbijaan ayaa soo bandhigay sawirada madaxweynihii hore ee isku magacaabay gobolka ay ku xooganayaayeen goono goosatada Armeeniyiintu ee Nagorno-Karabakh, Arajik Harutiunjan, oo ay gacanta ku dhigeen rag ku labisan darayska ciidamada. Bishii Oktoobar 2020, Arajik Harutiunjan ayaa lagu xukumey xabsi isagoo maqan waxaana la galiyay liiska caalamiga ah ee Asarbijaan baadigoobeyso. Salaasadii ayaa la xidhay, sida ay sheegtay hay’adda ammaanku. Waxaa lagu eedeeyay inuu kiciyay dagaal gardaro ah iyo argagixisanimo, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters. Sida laga soo xigtay denbi baadhayaasha, Harutiunjan “wuxuu ka qaybqaatay dagaal gardaro ah oo ka dhacay dhulka Asarbijaan” waxaana sidoo kale la sheegay inuu ku lug lahaa qorista, tababarka iyo maalgelinta calooshood u shaqeystayaal ka qaybqaatay colaadaha ka dhanka ah ciidamada qalabka sida ee Asarbijaan. Harutiunjan oo 49 jir ah ayaa ahaa madaxweyne iyo ra’iisul wasaarihii hore ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga Nagorno-Karabakh. Waxa uu xilka iska casilay wax yar ka hor Dagaalkii kediska ahaa ee Asarbijaan ku qaadey, markii ay caddaatay in Asarbijaan ay gacanta ku hayso dhammaan gobolka buuralayda ah ee lagu muransanaa, ayaa lagu dhawaaqay in ismaamulka la kala diri doono. Azerbaijan ayaa guul kaga dhawaaqday magaalada Nagorno-Karabakh, waxayna sheegtay inay si buuxda u maamulayso deegaankaas oo ay inta badan deggan yihiin qowmiyadda Armeeniyiintu. Toddobaadyadii la soo dhaafay, in ka badan 100,000 oo qof, ayaa u qaxay xadka Armeneeniya. Source
  16. (SLT-Muqdisho)-Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa si kulul uga falceliyay soo dhaweyntii shalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye. Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah Xildhibaanada sida adag u dhaliilay soo dhaweyntii garoonka Aadan Cadde loogu sameeyay wafdiga uu horkacaayay hogaamiyaha SSC Khaatumo. “Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha Degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye Degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi. Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhameeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka” ayuu yidhi Xildhibaan Maareeye. Xildhibaan Maareeye ayaa sidoo kale yidhi “waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya” Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa ka mid ah Xildhibaanada sida kulul uga hadlay soo dhaweynta hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye, isagoona sheegay in Cabdiqaadir Firdhiye uu yahay shaqsi matala degmooyinka Laascaanood iyo Taleex oo aan meel kale matalin. “Guddoomiye firdhiye ma matalo waxaan ahayn degmooyinka Laascanood iyo taleex, haday sidan kusii socoto cunfiga iyo qabyaaladuna Degmo kasta oo dalka ka Mid ahi maamul iyo dawlad ayay sheegan ee haloo cadaalad sameeyo” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Haaruun. Xildhibaan Gobsan oo u jawaabeysa xildhibaan Cabdi Qowdhan ayaa soo saartay qoraalkaan hoose: “Xildhibaan Qowdhanoow waad wareertee aan ku saxee midnimada iyo calanka aad ku gabanayso horta ciddii Xamar keentay soo aniga may ahayn, wixii midoobay soo Koonfur iyo Waqooyi oo aan anigu hoggaan u ahay may ahayn, ma midnimo kalaa jirtay?. Waxa aan ku lee yahay Laascaanood waa degmo ka tirsan Somaliland oo haday midnimo tahay iyo hadii kale ba iyada uun bay ku daba faylaysaa anaga ayaana halkan u joogna Somaliland oo cidi na tallaabo kale ma qaadi karto. Xamar na, waa la wada joogaa, calan la la yimaadaa na midnimo ma gooyo, xiligii calanka buluuga ah reer Muqdisho looggu soo dhuuman jirayna waa la soo dhaafay ee wixii aad hayso badka soo dhig, waxna ha la hadhin. Soomaalidu, waxay tidhaa maxa Fardo la isku hayo la iskugu faani.” Source
  17. (SLT-Washington)-Diblumaasiyiinta ugu sareysa Mareykanka iyo Turkiga ayaa ku wada hadlay khadka taleefoonka kadib markii ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Suuriya ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Turkiga leeyahay. Washington ayaa sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay aad ugu dhawaatay ciidamadeeda dhulka ee Suuriya, balse Ankara waxay sheegtay in ay diyaaradda ka luntay goobtii ay howlgallada ka sameyn lahayd. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa u sheegay Mareykanka iyo Turkiga inay sii wadi doonaan beegsiga kooxaha Kurdiyiinta. Maraykanku waxa uu la shaqeeyaa xoogaga Kurdida YPG ee Suuriya, laakiin Turkigu waxa uu u arkaa kooxdan gooni-goosad iyo argagixiso. Source
  18. Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cumar Firdhiye ayaa soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyay caasimadda, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin dowladeed iyo bulshada caasimadda. Firdhiye ayaa helay maamuus sare oo loogu soo dhoweeyay caasimadda, waxaana safarkiisa uu yimid kadib markii uu casuumaad uu ka helay ra’iisulwasaare Xamase, waxaana xusid mudan inuu soo dhoweeyay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macali Fiqi. Hoggaamiyaha Maamulka Khaatuma ee SSC Cabdulqaadir Firdhiye oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo kusoo dhaweyay Magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu casuumaad ka helay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. “ Waxaan Xamar ama Muqdisho aan u imid casuumaad rasmi ah oo aan ka helay xukuumadda federalka, Muqdisho waa hooyada Soomaaliya, mandiqadda SSC Khaatumo waxaa ay kamid tahay deegaannad ay hooyada u tahay” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC. Hoggaamiyaha Maamulka Khaatuma ee SSC Cabdulqaadir Axmed Firdhiye ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kale duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu Sare ysa ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxda uu kulanka la qaadan doono ayaa waxaa qeyb ka ah Ra’iisulwasare Xamse Cabdi Barre, iaga oo kala hadli doona sidii dowladda federalka ay qeyb uga qaadan laheyd dib u dhiska magaalada Laascaano iyo gaarsiinta gargaar Bani’aadanimo. Magalada Laascaano ee gobolka Sool ayaa muddo sided bilood ah waxaa ka socday dagaallo iyo duqeyn aan loo aaba leelin oo ay geysanayeen ciidanka Milatariga Somaliland, ka hor inta aan laga saarin maalin Jimco ah aaga Goojecadde iyo kuwa kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan Macawiisleyda iyo kuwa ammaanka Beledweyne ay ku dagaalameen gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka oo ahaa mid kooban uu ka dhacay barkoontarool oo ku taalla agagaarka buundada labaad ee xaafada Xaawa Taako, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada labada, Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in israsaaseynta labada dhinac uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsanaa Macawiisleyda oo si weyn looga yaqiinay halkaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cabdullaahi Cabdi (Xaad), waxaana maydkiisa goobta kasoo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Beledweyne. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana howlgallo baaritaano ah bilaabay ciidamada ammaanka, si loo ogaado waxa sababay isku dhaca labada ciidan. Illaa iyo hadda ma jio wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah oo la sheegay in xiisad horleh ka abuurtay degmada. Ammaanka Beledweyne ayaa maalmihii u dambeeyay xumaaa, waxaana dilkan uu noqonayaa kii saddexaad ee todobaadyo gudahood ka dhaca magaaladaasi. Dhowaan ayay aheyd markii la dilay haweeneyd magaceeda lagu soo kooban Caasho oo ganacsatado iyo nin kale oo ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Daahir Cali. Waxaa sidoo kale magaalada ka dhaca weeraro qaraxyo oo ah soo maleegayaan xubnaha kooxda Al-Shabaab oo bartimaameed gaar ah ka dhigtay reer Hiiraan, maadaama uu gobolkan xudun u noqday kacdoonka ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabkeeda. The post Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  20. Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac. Wararka ayaa tilmaamaya in khilaafka labada mas’uul uu cirka isku shareeray, kadib markii Ra’iisul wasaare Xamse uu Muqdisho ku casumay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, islamarkaana loo sameeyay soo dhaweyn meeqaam sare leh. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sida la sheegayo isku dayay in uu carqalad ku sameeyo safarka hoggaamiye Firdhiye ee Muqdisho, taas oo uu ku fashilmay, waxaana kadib uu bilaabay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah Ra’iisul wasaare Xamse. Wararka ayaa tibaaxaya in sidoo kale Xamse iyo Saalax is dhaafsadeen hadallo kulul, islamarkaana uu meesha ka baxay xiriirkii wada-shaqaynta labada dhinac, iyadoo xubno ka tirsan golayaasha dowladda ay la kala safan yihiin labada mas’uul. PUNTLAND POST The post Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Ra’iisul wasaare Xamse iyo ku xigeenkiisa Saalax Jaamac appeared first on Puntland Post.
  21. Xilli dhowaan digniino xooggan laga soo saaray fatahaadaha iyo daadad ka dhalan kara duufaanta El nino ayaa waxaa soo baxaya cabsi laga qabo fatahaadaha ay sameyn karaan wabiyada Soomaliya ee Shabeelle iyo Jubba oo mara dhowr gobol. Wabiga Shabeelle oo mara gobollada Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose iyo Hiiraan ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa uu fatahaado ka sameeyay deegaanno hoostaga magaalada Jowhar iyo degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Dhulka Wabiga uu ku fatahay ayaa u badan dhul-beereed, kaas oo ay ku yaaleen dalagyo kale duwan, xilli bulshada ku dhaqan deegaannadaas ay sheegeyso in biyo aad u badan uu soo rogay Wabiga, taas oo aan hore loogu arki jirin. Sidoo kale magaalooyinka Baladweyne iyo Afgooye oo Hiiraan iyo Shabeellaha hoose kala tirsan ayaa waxaa ka taagan cabsi xooggan, waxaana magaalooyinkaan dhowr jeer ka dhacay fatahaado,kuwaas sababay khasaare kale duwan. Dhanka kale bulshada ku dhaqan gobollada Jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo ayaa cabsi iyo walaac xooggan ka muujiyay fatahaad uu sameyn karo wabiga Jubba, kaas oo mara Jubbalanad xilli dhowaan Baardheere daadad ay ka dhaceen. Xilligii roobka gu’a ayaa la xasuustaa fatahaad ka dhacday magaalada Baardheere in ay sababtay geerida 21 ruux oo shacab ah, kuwaas oo ku qarqoomay fatahaadda, waxaana hadda soo baxaysa cabsi kale oo laga qabo fatahaado kale. Hey’adda maareynta musiibooyinka qaranka ayaa dhowaan soo saartay digniino culus oo ku aadan in dalka ay roobab xooggan oo dabeylo wata ay kusoo wajahan yihiin, kuwaas oo waata duuwaanta Elino, oo fataado sababi karta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Suuqyada Boorame, Burco iyo Berbera ayaan u Baqayaa!. Waxa ay ahayd 01-04-2022 markii uu Dabku qabsaday Suuq weynihii Waaheen ee Magaalada Hargeysa, waxa ku shuf-beelay dabkaa ganacsiyo tiro badan waxaayna waxyeelo ba’ani kasoo gaadhay mulkilayaal ganacsi iyo kuwo Mood iyo Hantiilayaal ahaa, waxa lagu qiyaasay in Balaayiin Doolar uu noqday khasaaraha ka dhashay dabkaa. Musiibadaa ku Habsatay Ganacsatadii Suuqa Waaheen waxa Suunka Dhiilka iskaga dhigay oo waxtar iyo taakulo ugu guntaday ugu Horeen Ummada Walaalaha ah ee Hooyolayda ah ee Dhulkii Hooyo iyo daafaha dunida kala jooga, marka taa xigtana Dadka Muslimiinta ah ee iyana Afka Hooyo ku hadla iyo Dadka Aadamaha ah ee wax Tara ciddii Tabaalaysan, waxa soo gaadhay Gudidii Xukuumada Jamhuuriyada Barakaysani Magacawday lacag xadi badan oo loogu yaboohay dadkii ku Tabaaloobay dabkaa, waxa se wax lala yaabo ah in aan Xukuumada Jamhuuriyada Barakaysani weli meel ku tiirin wixii sababay dabkaa iyo sida uu u bilaabmay iyo xaga uu ka bilaabmay!. Waxa se markale Dhacday in Magaalo ganacsigii Tog Wajaale suuqii ku yaalay uu badhtamihii bishii 9aad 2023 uu dab qabsaday, dabkaa oo ay ku shuf beeleen ganacsi iyo Hanti tiro badan, dabkaas oo danbas ka dhigay Obacdii suugii Wajaale. Sidii caadada u ahayd xukuumada Jamhuuriyada Barakaysan, inta ay Digo-xaadh u qaadatay ayey judhiiba xaadhay iyaga oo wax baadhitaan ah ku samayn ama isku hawlinba ogaanshaha sababta dabka Dhalisay, sidii ay Horaba aanay baadhitaan ugu samayn suuqii Waaheen, Halka wasiirka ganacsiga iyo Masuuliyiin kale ay isku raaceen in uu ahaa masiibo dhacday!, Waa siday hadalka u wada mariyeen!, oo Musiibada suugyada Ma Danab iyo olol Hillaac Roobeed ayaa qabsaday?, Timir lafbaa ku jirta!, soo maaha?, iyada oo suuqii Wajaale wixii sababay meel lagu tiirin ayaa gudiyo lacagaha qaadhaanka ah ee lagu yaboohi doona Maaraysa ayey Xukuumadu magacawday!, inta ay Xukuumadu Ganacsatadii Dalka dul gaysay Danbaskii ay Xaadhay oo ay teendho uga qotomisay goobtii ayey ku tudhi Keen Keena! Iyo Ganacsatadii Jeebka gacmaha geliyaa iyo Xaaji Hebelow imisaanu kugu qornaa?!. Hadal iyo Dhamaan Marka masiibo dhacdo waxa labaadhaa siday wax u dhaceen si looga Gaashaanto si Masiibadaa mid lamid ahi Dib wax u saameen oo cashar ayaa laga Bartaa, waxa se Nasiibdaro ah in Xukuumadii masiibooyinka shacabkeeda ku habsada ayka dhigatay xeelad ayku qadhaabsato waayo wixii Suuqii Waaheen gubay ayey inta ay baadho shacabka u sheegi lahayd oo maanta suugaa Wajaale foojignaan ayuu ka heli lahaa iyo kahortag masiibo, waxa se cad in Xukuumadu Dhibka Shacabkeeda qabsada ay iyaga Dheefi ugu jirto, waana wax laga murugoodo Damiir xumada Dowladeena iyo Dadka aynu talo saaranay, Shinbirta Fiinta layidhaahdo ayaa laga hayaa Roobka I haya ka ooyi maayee ka iigusoo Socdaan ka ooyayaa!, Iminka Suuqyadii Waaheen iyo Wajaale wixii gaadhay weli kamasii murugaysni waayo Dadkii lahaa oo eegaya ayaa Dab laqabadsiiyey oo lacag laga dhurtay oo ciddii gubtay laba Cali isweydiin, se Suug weynaha Gobanimo iyo Suuqyada Boorame, Burco iyo Berbera ayaan u Baqayaa oo aan usii Booyayaa! . Marka Cudurka la gartaa Dawadiisa la goobaa Khadar Hooyoley (Fartaag) Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay isbitaalka Martiini ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo xoogleh. Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay qaybta ay daganaayeen Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira isbitaalkaasi, inkastoo mar dambe la damiyay. Afhayeenka Naafada Xoogga dalka ee Isbitaalka Martiini, Cabdullaahi Maxamed Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gubteen guryihii ay ka daganaayeen isbitaalka Martiini, wuxuuna cod dheer baaq ugu diray dowladda dhexe iyo dadka Soomaaliyeed. “Waxaa gubtay naafadii Martiinii ee Xoogga dalka Soomaaliyeed qaybtii ay ku jireen, waxaan Umadda Soomaaliyeed ka codsaneynaa in nala soo gaaro” ayuu yiri Ducaale. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dabkan uu ka dhashay koronto, isla-markaana ay hanti beeleen, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa na gubay korontada BECO oo dhibaatadaan noo keentay, iyadaa gubtay guryaha, kuna soo fiirin maayaan, xaq siina malaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa sidoo kale dhacdadan ka hadlay mid kamid ah dadka deegaanka oo xaqiijiyay in dabka uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, balse uu jiro mid hantiyeed oo baaxad leh. “Khasaare nafeed ma jiro, laakin waxaa jiro khasaare hantiyeed alaabtii meesha taalay waa looga kala tegay nin walba nafsaddiisa ayuu la baxay” ayuu isna yiri mid kamid dadka deegaanka. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka kaca dabka, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa shacabka Soomaaliyeed, haba ugu badnaadaanee ganacsatada. The post Daawo: Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay isbitaal ku yaalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  24. Mogadishu (Caasimada Online) – September 2023 marked a dark phase in Somalia’s history as it witnessed the highest number of suicide bombings in a single month since Al-Shabab began its deadly strategy in 2006. At least 14 such attacks rattled the nation, marking the most significant surge of suicide bombers in Somalia within a span of seventeen years. These weren’t all successful—Somali officials admirably intervened to prevent three. The blasts was mainly suicide vehicle-borne improvised explosive devices (SVBIEDs) with a rare use of explosive belts or vests. This variety of assaults spanned from aiming at key officials to terrorizing civilians—a significant number centered in central Somalia, a region currently under intense conflict with Al-Shabab. The majority of these bombings had specific targets: the Somali government, its officials, troops, or civilians. However, two focused against the Ethiopian forces, attacking separate convoys in southern Somalia. A concerning fact is that the death toll from these bombings—estimated at 70—might be much higher. Somali and Ethiopian officials have been reticent, possibly downplaying the figures. Why the sudden spike? Two main factors can be discerned behind this sudden escalation. Firstly, despite intermittent skirmishes in central Somalia, the large-scale offensive against Al-Shabab seems to have lost steam. This lull provides Al-Shabab with the much-needed leeway to regroup and deploy suicide bombers with greater frequency. They leverage this freedom to strike at those leading the offensive against them. In September alone, Al-Shabab attempted to assassinate regional political heads and even the Somali President Hassan Sheikh Mohamud. The second factor is tied to geopolitical movements. That month, the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) commenced its second withdrawal phase. With an additional 3,000 troops set to depart, Al-Shabab is poised to capitalize on this perceived power vacuum. In response, Somalia and other ATMIS nations are urging a halt to the drawdown—a call even the African Union endorses. Al-Shabab’s persistent threat For context, the FDD’s Long War Journal has meticulously recorded Al-Shabab’s suicide bombings since 2006. Data indicates that Al-Shabab has deployed over 411 suicide bombers in 341 distinct operations, including 36 foiled attempts. Conservative estimates suggest that these bombers have claimed over 3,000 lives. The gravest of these was the October 14, 2017, attack in Mogadishu, which alone took 587 lives, marking it among the most horrific terrorist bombings globally. Most of Al-Shabab’s terror exploits are within Somalia, although they’ve managed bombings in Uganda and Djibouti and faced foiled attempts in Ethiopia and Kenya. Their tactics have evolved over the years, from assaults on military establishments to terrorizing civilians, predominantly employing SVBIEDs. While the general gender of bombers remains unreported, it’s worth noting that women orchestrated at least nine bombings. Al-Shabab’s campaign is the most formidable among al-Qaeda’s global factions. The post September marks Somalia’s worst suicide bombings month appeared first on Caasimada Online.