-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Miraa exporters have protested a decision by the Kenya Airports Authority (KAA) to relocate miraa cargo handling from warehouses at Jomo Kenyatta International Airport (JKIA). Source: Hiiraan Online
-
Representative Ilhan Omar, a Minnesota Democrat, posted a response to the ongoing Hamas assault on Israel on Saturday, as the number of dead and injured continue to mount. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray biriish casri ah oo ay shirkadda Dahabshiil Group ka hir-gelisay magalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Biriishkan oo ay baahi weyn u qabeen shacbi weynaha magaalada Burco ayaa munaasibada furitaankiisa waxa ka soo qayb-galay maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco, maamulka shirkadda Dahabshiil Group iyo Xildhibaanno. Madaxdii kala duwanaa ee madasha ka hadlay ayaa dhammaantood waxa ay ka markhraati kaceen baahida loo qabay dhismaha biriijkan iyaga oo si weyn ugu mahadnaqay mulkiilaha shirkadaha Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale. Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa yidhi “waxa aynu mahadnaqaynaa shirkadda Dahabshiil iyo Maxamed Siciid, runtii waxaad ummada ka furateen dhibaato weyn oo haystay, anigu habeenkii uu roobkii weynaa uu da’ay ee xaajigu uu magaalada joogay Maxamed Siciid ee subaxii ku dhawaaqay Biriishkan waxaan ku tukaday masjid Hudaa laba saacadood iyo afartan daqiiqo ayay igu qaadatay in aan gurigaygii gaadho, waliba waxa aan maray biriijka labaad oo ay isku yimaadeen afar boqol gaadhi iyo afar boqol oo tigood oo ay laba saacadood nagu qaadatay in la kala hago, markaa runtii farxad ayay u tahay gobolka Togdheer iyo magaalada Burco Biriishkan qiimaha badan ee ay shirkadda Dahabshiil dhistay waxaanu leenahay ganacsada kalena ha ku dayato, Alle miisaanka xasanaadka ha ugu daro Maxamed Siciid iyo shirkadda Dahabshiil” Maayir ku-xigeenka Burco isaguna madasha hadallo ka jeediyay ayaa yidhi “Anniga oo ku hadlaya afka maamulka degmada runtii farxad iyo dareen gaar ah ayay arrintani noo samaynaysaa, biriishkan maanta xadhig ka jarkiisa la joogo, annagu ka maamul degmo ahaan abaal gaar ah ayaanu Maxamed Siciid iyo shirkadiisa Dahabshiilba u haynaa sida uu wax noogala qabto codsiyada aanu ula tagno iyo waxtarka weyn, shirkadaha kalena in ay ku daydaan ayaanu ugu baaqaynaa runtii aad iyo aad ayaanu ugu mahadcelinaynaa” Ugu dambayntii waxa madasha ka hadlay guddoomiyaha guud ee shirdaha Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale Halkan hoose ka DAAWO muuqaalka warkan Source
-
Badhasaabka Saaxil oo Booqday Taliska Guud ee Ciidanka Dab-demiska Hargeysa(Qaran news)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Casse ayaa maanta booqasho ku yimi taliska guud ee ciidanka Dab-demiska Somaliland ee magaalada Hargeysa. Waxaana halkaa ku qaabilay kuna soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili. Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo sii xoojin lahaa horumarinta ciidanka Dabdemiska magaalada Berbera. Badhasaabka ayaa ka mahadnaqay soo dhawayntan waxaanuu sheegay in ciidanka Dabdemiska Berbera kaalin muhiima ugu jiraan gobolka, isla markaana uu sii xoojin doono horumarka ciidanka. Kulankan waxaa Taliyaha ku wehelinayay Xoghayaha guud Ibraahim Suldaan , Hogaanka Maaliyada Amran Axmed Baashe, Hogaanka Hawlgelinta Cabdifataax Maxamed Xaashi iyo Hogaanka Hawlaha Cabdicasiis Axmed Cilmi. Qaran News
-
Saylici oo Shahaadooyin Gudoon Siiyay Arday ka Aflaxday Jaamacada ALFA Hargeysa(Qaran news)-Madaxwayne ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Jaamacada Alfa kala qayb galay xaflada Qalin jabinta dufcadii 12-aad ee ka baxda Jaamacaddaasi. Munaasibada loo qaybtay qalinjabinta ardayda ka baxday Jaamacada Alfa, waxa ka soo qayb galay, waalidiin, xubno ka mida golaha wasiiradda, xildhibaano, maamulka iyo macalimiinta Jaamacada iyo mudan iyo marti sharaf kale. Madaxweyne ku xigeenka ayaa maamulka Jaamacada Alfa, waalidiinta iyo macalimiinta uga mahadceliyay dadaalka ay galiyeen ardayda maanta qaalinjabisay, waxaanu ardayda ku booriyay in ay geedigooda waxbarashada sii wadaan, sidoo kale waxa uu ka codsaday inay bulshada dib ugu celiyaan wixii ay barteen, waxaanu ardayda u rajjeeyay mustaqbal wanaagsan, waxaanu ku adkeeyay inay ka dhabeeyaan dadaalkii ay mudada dheer soo wadeen. Guddoomiyaha guud ee Jaamacada Alfa, Axmed Maxamed Diiriye, ayaa ku boggaadiyay ardayda waxbarashadda ay dhammeysteen, waxaanu kula dardaarmay inay la yimaadaan hal abuur ay kaga baxaan shaqo la’aanta, waxaanu cadeeyay in ardayda maanta qalinjabisay ay buuxiyeen dhammaanba shuruudihii looga baahnaa. Gaba-gabadii masuuliyiintii kala duwana ee ka soo qayb galay qalinjabinta ardayda ka baxday Jaamacada Alfa ayaa ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida ay markasta u kala duwan yihiin qofka waxbartay iyo ka aan wax baran, una hanbalyeeyay guud ahaan ardaydii maanta qalinjabisay. Qaran News
-
Muxuu meeqaam ahaan ka Dhigan yahay Danjiraha Kenya u Magacowday Somaliland? Nairobi (Qaran news)- Dawladda Kenya ayaa wakiil cusub u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana sare u qaaday meeqaamkii dublamaasiyadeed ee xafiiskooda ay ku leeyihiin Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Magacaabis Arbacadii 04 October uu sameeyey Madaxweynaha Kenya Md. William Samoei Ruto ayaa Cabdiweli Muxamed Hussain u magacaabay inuu noqdo wakiilka sare (Higher Commissioner) ee magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland. Magacaasibta xukuumadda Kenya waxay muujinaysaa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland, waxaanay mudan tahay in xukuumada Somaliland sidaa si la mid ah ku dhawaaqdo, isla markaana sarre u qaado meqaamka Xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya. Waxa ay arintani aad u farxad galisay dad aad u tiro badan oo ka soo jeeda dalka Kiiniya oo kor u dhaafaaya kumaan kun oo qof oo ka hawl gala Somaliland kuwaasi oo ka kooban, macalimiin, dhakhaatiir, kal kaaliyayaal caafimaad, shaqaale aad u faro badan oo ka hawl gala meelo aad u faro badan oo ay ka mid yahiin dhismayaasha nooc walba waxa sidoo kale jira qoysas ka soo jeeda Kiiniya oo degan Somaliland kuwaasi oo ka ganacsada Somaliland. Waxana hada suuqyda qaadka ee Somaliland ku soo badanaaya isticmaalka qaadka Miiroiga ee laga keeno dalka Kiiniya Qaran News
-
Ciidamada booliska ee Ceerigaabo ayaa baacsaday dableydii xalay weerartay mid ka mid ah saldhigyada Booliska ee magaaladaasi Waxa la sheegay in shacbiga reer Ceerigaabo oo taageero siinaaya ciidanka boolliska ay ka adkaadeen kooxdaasi weerartay saldhiga booliska Waxa kaloo warku intaas ku daray inuu jiro dhaawac aan tiradiisa la xaqiijini oo loo gaystay ciidanka Booliska ee Somaliland Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay kooxda weerartay ciidanka Booliiska ee Somaliland iyo khasaaraha iyaga soo gaadhay. Magaalada ayaa hada degen mana jiraan wax rasaas ah oo hada socotaa Wixii war ah ee ka soo kordha la soco Qaran News
-
The Board of Directors of the African Development Bank Group (www.AfDB.org) on 2 October 2023 approved a grant of $13.29 million to Somalia to help improve domestic revenue mobilization and public expenditure management under the Institutional Support for Economic Governance Project. The grant comprises $9.31 million from the resources of the African Development Fund (https://apo-opa.info/42vfbFI), the Bank Group’s concessional financing window for low-income countries, and $3.98 million from Pillar 1 of the Transition Support Facility (https://apo-opa.info/40I3HfX) for fragile states. The project entails providing technical assistance, training and tools to improve Somalia’s domestic revenue mobilization and build institutional capacity at all levels of the federal government and Federal Member States. It will also support promoting inclusive governance and accountability for greater economic resilience. The institutional capacity-building component of the project will focus on improving the efficiency of tax collection and strengthening Somalia’s ability to fund development investments and maintain its viability in budgetary terms. The project’s direct beneficiaries are the Finance ministries of the federal government, Somaliland Galmudug, Hirshabelle, Jubaland, Puntland and South-West. Regarding the federal government, the primary beneficiaries are the Revenue Department, Debt Management Department, Budget Directorate, Public Procurement Department, Office of the Accountant General, the Internal Audit Department, Ministry of Transport and Aviation, Ministry of Ports, and Parliament. SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Introduction: The Somali Federal Government now has a unique opportunity to translate words into meaningful actions regarding the Khatumo/SSC State. After 33 years of separation rhetoric, we find ourselves at a historic juncture where we can celebrate the unwavering resilience and dedication of the people of Khatumo SSC. Their commitment to unity has not only come at great personal cost but also stands as a testament to their invaluable contributions to our nation. Source: Hiiraan Online
-
Today, the world is finally seeing in Somalia a blueprint for total victory against the Al-Shabaab terrorist movement. The unthinkable is now a reality: a Somalia without Al-Shabaab. This blueprint for total victory is emerging despite years of failed foreign military and political interventions. Many Somalia observers are asking how has this incredible reversal of Al-Shabaab ascendency and dominance in Somalia occurred in just one year under the Federal Government of Somalia ( which it should be recalled just a few years ago was merely an entity in name only without any effective power on the ground)? Source: Hiiraan Online
-
Qudus (Caasimada Online) – Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee Israa’iil kasoo gaaray weerarkii ay ku qaaday Xamaas ayaa sare u kacday, sida ay ku soo warameen weriyaal ku sugan Qudus. Weriye Muhannad Tutanji oo ku sugan Qudus ayaa sheegay in tirada Israa’iil uga dhimatay weerarradaas ay gaartay 150 iyo dhaawac 1,000 qof oo kale. Dadka ku dhaawacmay weerarada Xamaas ee ka soo jeeda Israa’iil waxaa ku jira kuwo uu xaalkoodu liito, waxaana la filan karaa in khasaaruhu sii kordho. Weriyaha ka soo waramay Qudus ayaa intaas raaciyay in magaalada uu weerarkaasi ka dhacay ee Qudus ay dhibaato badan soo gaartay, kadib 150 gantaal oo looga soo ganay dhanka Gaza. Weriyahaan ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dib u qabsadeen dhowr saldhig milatari oo ay saakay gacanta ku hayeen dagaalyahanada Xamaas. Weerarrada ay qaadeen kooxda Xamaas oo u muuqday kuwa qorshaysan ayaa waxaa uu lahaa labo weji. Tobaneeyo nin oo hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda inay gudaha u galeen Israa’iil. Raggan hubeysan ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay Israa’iil ka galeen dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay. Weerarkan oo ahaa mid la yaab leh ayaa waxaa uu kadis ku noqday Israa’iil, waxaan hal mar wada dhawaaqay qalabka bixiya digniinaha, rag hubeysan oo mootooyin wata ayaa gudaha u galay Israa’iil, waxayna warar ku ekeeyeen in ka badan 20 goobood. Raadiyaha Israel ayaa sheegay in 35 askari oo Israa’iiliyiin ah la afduubay, balse maamulka Israa’iil waa ka gaabsaday arrinta afduubka la sheegay in ay Xamaas geysatay. The post Gantaalo hor leh oo lagu weeraray Israa’iil iyo tirada dhimashada iyo dhaawacyada oo sare u kacday appeared first on Caasimada Online.
-
Rasaas xoogle oo ka Dhacday caawa Ceerigaabo iyo Asbaabaha keenay Ceerigaabo(Qaran news)- Rasaas xoogle ayaa ka dhacaysa caawa magaalada Ceerigaabo, kadib markii kooxo taageersan huwanta Laascaanood ay ka gadoodeen niman magaalada Khamriga keena oo ciidamada Boolisku maanta xidheen. Rasaastan ayaa la sheegay inay isku ridayaan ciidamada booliska iyo koox hubaysan oo foodsaaro ka dhiganaya in la xidhay niman reerkooda ah. Ma jiro wax khasaare ah oo ilaa kmika la xaqiijiyay, hase ahaatee waxa la sheegay xabado sii kordhaya laga maqlayey magaalada oo dhan. Wixii Dhacdadaa ka soo kordha waxaanu idiinku soi gudbin doonaa halkan. Dhanka kalena waxa ay xukuumadda Somaliland isla caawaba magaalada Ceerigaabo ku saartay ciidan xoogan oo laga soo dhaqaajiyay laba aag oo aan halkaasi ka fogayn, waxana ay xukuumaddu sheegaysaa in magaalada si dhakhso ah loogu soo celin doono kala danbayntii iyo amnigeedii Xiligani ayaa duqa magaaladda Ceerigaabo uu hawlo shaqo ah u joogaa magaalada Hargaysa. Qaran News
-
Baydhaba (Caasimada Online) –Guddoomiyaha maxkamadda darajda koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta Baydhaba uga qeyb galay xaflad tababar loogu soo xiray askar cusub ayaa hal arrin uga digay ciidamada. Shuute ayaa ciidanka uga digay inay iibsadaan ama lumiyaan qoriga ay siiso dowladdu, isagoo u cadeeyey in halka qori ee dowladdu siiso hadii uu gacantiisa ka baxo uusan ku magi karin 10 qori oo kale. Guddoomiye Shuute ayaa arrintaan ku macneeyey inay ka mid tahay dhaqanka ciidamada dowladda, si adag ayuu uga dardaarmay ilaalinta anshaxa iyo qaadashada amarka saraakiisha. Wuxuu sheegay in qori kasta uu dowladda u leeyahay lambar ay ku aqoonsato, sidaas darteed halka qori ee dowladda u diiwaan gashay wuxuu sheegay inuu ka qaalisan yahay 10 qori oo cusub. “Maanta tababarkii waa idiin dhamaaday, waxaa la idin siinayaa hub, ilaaliya hubka oo xafida, ha dayicin, hana lunsan hubka dowladda, dayac tiro iskuna ilaali, ku difaac dalka, diinta iyo dadka,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ciidanka ku war-geliyey inuu bilowday dagaal kama dambeys ah oo lagu ciribtirayo Khawaarijta, isagoo ku amaanay go’aanka ay ku qorteen ciidamada qaranka. Dhanka kale, markii ciidankaas tababarka loo soo xiray kadib Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka. Shirka waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka, gudoomiyaasha maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka qeybahooda kala duwan ee ka howlgala guud ahaan deegnada Koonfur Galbeed. Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka dambeeya uu bilaabanayo dagaalka deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Khawaarijta oo dhibaato ba’an ku haysa dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo Shuute The post Daawo: Shuute oo hal arrin uga digay ciidamada qaranka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo ahaa kulan aan caadi aheyn. Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan xubnaha golaha wasiirrada Galmudug. Ugu horreyn shirka waxaa warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada ee ka socda deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga Galmudug Maxamed Gaboobe. Sidoo kale, kulanka waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Senator Farxaan. Golaha wasiirrada warbixinadii lasiiyey kadib dood dheer ka yeeshay odoroska miisaaniyadeed ee sanadka soo socda, waxaana cod gacan taag ah lagu ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka ee Galmudug. Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isagoo ka duulaya dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu magaacaabay guddiyo ka tirsan Golaha Wasiirrada. Guddiyadaas ayaa ka howlgali doona aagagga dagaalka, sidoo kale madaxweynaha ayaa Golaha uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda Galmudug ee 2024-ka. Kulankaan waa kii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Galmudug, kadib muddo laba bilood ah oo ay hakad ku jireen kulamada caadiga ah ee golaha wasiirrada maamulkaas, xaaladda dagaal awgeed. Sidoo kale kulankaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu markii ugu horeysay Muqdisho ku laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba bilood deganaa Dhuusamareeb, sidoo kalena shir guddoon ka ahaa kulankii lagu hakiyey kulamada caadiga ah ee golaha wasiirada Galmudug, inta uu socdo dagaalka Al-Shabaab. The post Sawirro: Qoor Qoor oo wasiiradiisa la yeeshay SHIR deg deg ah iyo laba arrin oo ka soo baxday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Hoggaamiyaha guud ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa Jimcihii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib casuumaad rasmi ah ii uu ka helay madaxda dowladda federaalka. Cabdulqaadir Firdhiye ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde, taas oo keentay inay ka caroodaan xildhibaan kasoo jeeda Somaliland. Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus. Haddaba sidee looga faceliyay booqashada hoggaamiyaha SSC ee magaalada Muqdisho? Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay imaashaha hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ee magaalada Muqdisho, waxayna intooda badan soo dhaweeyeen in lagu casuumo gudaha caasimada. Mid kamid ah waxgaradka Muqdisho oo ka falceiyay arrintan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay SSC u aqoonsato maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya. ‘Waxaan leeyahay SSC-Khaatumo ma’ahn hal qabiil waa isbaheysi Soomaaliyeed, dowladda federaalka waxaan ugu baaqayaa in Khaatumo State maamul inay u aqoonsato, kana mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri nin oday oo la halday Five Somali Tv. Waxaa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyay “Walaalaha Soomaaliyeed ee Isaaq waxaan ugu baaqayaa in daris wanaag lagu wada noolaado, nabadna wala wada qaato”. Sidoo kale wiil dhalinyaro ah oo isna la hadlay TV-ga ayaa soo dhaweeyay wadahadalka dowladda federaalka iyo SSC ee haatan ka bilaabanaya magaalada Muqdisho. “Waan soo dhaweynayaa arrinta ku saabsan wada-hadalka Khaatumo State oo Soomaaliya ugu yeertay magaalada Muqdisho, waana arrin mar hore loo baahnaa, sababtoo ah midnimada Soomaaliya waa mid u baahan in mar walba laga shaqeey” ayuu isna yiri. Wiil kale oo dhalinyaro ah ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay in Muqdisho uu soo gaaro hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye, si uu ula hadlo dowladda Soomaaliyeed. “Aada iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, maadaama Laascaanood ay ka dhaceen dhibaatooyin badan shacab badana ay ku dhamaadeen” ayuu yiri wii kale. Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin. The post Falcelin xoogan oo ka dhalatay booqashada hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Onine) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo dhowaan ku laabtay Baydhaba, kadib safarkiisii magaalada Nairobo ayaa haatan bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus. Madaxweynaha ayaa maanta guddoomiyaya shir ballaaran oo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo iyo ciidamada ATMIS, kaas oo looga hadlayay ammaanka deegaanada maamulkaasi. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka iyo Gudoomiyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo haatan ku sugan caasimada KMG ah ee Baydhaba. Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid looga arrinsanayay u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo dalka, gaar ahaan gobollada maamulkaasi. Laftgareen oo madasha ka hadlay ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka bilowda uu bilaabanayo dagaalka deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Al-Shabaab oo la aamisan yahay inay ku xoogan yihiin gobollada maamulkaasi. Sidoo kale madaxweynaha ayaa shalay ciidamo cusub tababar ugu soo xiray magaalada Baydhaba, kuwaas oo iyaguna loo diyaariyay amniga iyo la dagaallanka kooxda Shabaab. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Koonfur Galbeed wajaheyso xiisad ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi. Muranka doorashada ayaa haatan sii xoogeystay, kadib markii ay iyaguna dhaq-dhaqaaqyo bilaabeen xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. The post Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay Laftagareen? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo safar kusoo gaaray Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC, gaara ahaan magaalada Laascaanood oo muddo 8 bilood ah ay ka dhacayeen dagaallo iyo Duqeymo xooggan. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal la isugu yimaado miiska. Hoggaamiyaha SSC oo ayaa safar kusoo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii uu casuumaad uu ka helay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomalaiya Xamse Cabdi Barre, waxaana xusid mudan in maqaam sare lagu soo dhoweeyay Firdhiye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa war kasoo saaray weerarrada Israa’iil ee ay Falastiiniyiintu ku qaadeen, kuwaas oo sababay khasaare kale duwan, kadib markii 5000 oo Gantaal lagu riday Koonfurta Galbeed Israel. Telefishinka Israa’iil ee Reshet 13 ayaa ku warramaya in kooxo Falastiiniyiin ah ay maxaabiis Israa’iiliyiin ah ku hayaan magaalada Ofakim ee koonfurta dalkaasi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo mas’uuliyiin soo xiganaysa. “Maalmaha soo socda waxay Waaxda Difaaca la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Israa’iil ay hesho waxa ay u baahan tahay inay shacabkeeda uga difaacdo rabshadda iyo argagixisannimada aan kala sooca lahayn.” Ayuu yiri. Israel ayaa goor sii horeysay sheegtay inay duqeymo ku bilowday bartilmaameedyo ku yaal Qasa si ay jawaab uga bixiso weerarka gantaalada ee saaka lagu kediyey, waxaana muuqata in xaaladdu ay gashay Jahwareer kadib weerarka. Hadalka kasoo baxay Mareykanka ayaa imaanaya xilli Tobaneeyo nin oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda in ay weerar lama filaan ah ku galeen koonfurta Israael, oo 5000 oo Gantaal lagu qaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tababar loo Qabtay Hablaha Macalimiinta Dugsiyada Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa Kulliyada waxbarashada macalimiinta si rasmiga uga Daah-furay Barnaamijka Tababarka macalimiinta gabdhaha kuwaas oo laga soo kala xulay gobollada dalka. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta si rasmiya tababar macalinimo ugu furay 120 hablood, waxaanu sheegay in mudnaantan koobaad ay leeyihiin hablaha ku dhiiraday inay bulshadooda waxbaraan. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay rajjo weyn ka qabaan in marka habluhu dhammeystaan tababarka macalinimada, ay masuuliyad weyn iska saari doonaan sidii ay u soo saarilahaayeen arday tayadooda aqooneed dhisan tahay, waxaanu xusay inay aad ugu faraxsan yihiin soona dhaweynayaan in macalimiinta laqaatay ay wada yihiin gabdho. Qaar ka mida hablaha macalimiinta ah ee tababarka loo furay ayaa wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada uga mahadnaqay fursada la siiyay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay hoggaamiyaha kMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayada oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhageystay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta magaalada Laascaabood ee xarunta gobolka Sool. Sidoo kale Cabdulqaadir Firdhiye ayaa dowladda federaalka uga mahadceliyay casuumaada ay u fidisay iyo sida weyn ee loogu soo dhaweeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Ra’iisul wasaare Xamza oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo miiska wada-hadalka. Shirarka ayaa sii socon doono, waxaa ujeedka kulanka maanta uu ahaa is xog wareysi iyo soo dhaweyn, maadaama ay markii ugu horreysay tahay in hoggaamiyaha SSC-Khaatumo uu soo gaaro caasimada dalka tan iyo markii lagu doortay gudaha magaalada Laascaanood. Firdhiye ayaa horay ula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Booliiska iyo mas’uuliyiin kale. Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Firdhiye uu dowladda dhexe kala kala xaajoon doono mustaqbalka SSC-Khaatumo oo ku dhawaaqday inay tahay maamul madax-banaan. Dowladda federaalka ayaa muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin. The post Xogta kulanka R/W Xamza iyo hoggaamiyaha SSC + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Xoolaha oo Tababar ku saabsan Calafka Xoolaha ku qabatay Burco Burco(Qaran news)-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, ayaa magaalada Burco ka furtay tabobar ku saabsan wax-soo-saarka calafka xoolaha, sidoo kale waxa lagu faaqidi doona kaydinta calafka xoolaha, maaraynta iyo maamulka dhul-daaqsimeedka. Tababarkan wax aka qayb qaadan doona dhakhaatiir iyo xubno ka socda maamulka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee gobolladda Sool, Sanaag iyo Tog-dheer. Madaxa mashruuca Barwaaqo ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo hor-u-marinta Kalluumaysiga Dr. Ibraahin Cumar Cismaan, ayaa sheegay in gobol walba ay ka qayb qaadanayaan afar xubnood oo metelayaa, isaga oo kula dardaarmay kasoo qayb galeyaashii tabobarkan in la weeleeyo aqoonta laga barto tabobarkan. Isu-duwaha wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Hor-u-marinta Kalluumaysiga Somaliland ee gobolka Tog-dheer Dr. Sayid Cali Rashiid Maxamed iyo Agaasimaha Waaxda wax-soo-saarka ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Mawliid Cismaan Xirsi, ayaa sheegay in tababarkani yahay mid mihiima, waxaanayka qayb galayaasha ka socdeen inay ku dabaqaan sshaqooyinkooda. Qaran News
-
Safaarada Taiwan ku leedahay Somaliland oo Xaflad weyn ku xustay sannadguurada 112aad ee madaxbannaanidooda ka soo wareegtay Hargeysa(Qaran news)-Safaaradda dalka Taiwan uu ku leeyahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qabatay munaasibad ay ugu dabaal degaysay sannad guuradda 112-nad ee kasoo wareegtay markii ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalka Shiinaha. Munaasibad ballaadhan oo ay mas’uuliyiinta safaaradu ku qabten caasimadda Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Somaliland, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan. Safiirka dalka Taiwan u fadhiya JSL, Allen C, Lou, ayaa uga mahadceliyey Somaliland saaxiibtinimada iyo xidhiidhka ka dhexeeya, isaga oo sheegay in ay farxad u tahay dalkiisa Taiwan in uu helo Saaxiib sida Somaliland oo kale ah. Safiirka dalka Taiwan u fadhiya dalkan Jamhuuriyada Somaliland Mr Allen waxa uu ka waramay taariikhdii ay usoo mareen shacabka dalka Taiwan in ay xornimadooda helaan, isaga oo tilmaamay in ay shacabka Taiwan u dagaalameen sidii ay u heli lahaayeen madax-bannaani,koboc dhaqaale iyo Dimuqraadiyad. Geestooda,waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil iyo mas’uuliyiin kale, waxaanay shacabka dalka Taiwan ku hambalyeeyeen xuska sannad guurada markii ay xoriyadooda kala soo noqdeen dalka Shiinaha. Waxa ay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil iyo wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland sheegeen in ay Somaliland iyo Taiwan lee yihiin xidhiidh aad u adag iyo saaxiibtinimo qoto dheer,kuwaas oo sii socon doona mustaqbalka. Dalka Taiwan ayaa u dabaal degay sannad guuradii 112naad ee ka soo wareegtay markii ay xornimadeeda kala soo noqotay dalka Shiinaha. Qaran News
