Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,004
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. 404596632_341302055377013_63282977615278

    Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Muqdisho kaas oo muhiim u ah dadka ku dhaqan deegaanadii ugu dambeeyay laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab.

    Heshiisan ayaa waxaa saxiixay safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Al-Rumaithi, wuxuuna ku qotamaa qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada la xoreeyay.

    “Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraad-ka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada la xoreeyay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay heshiiska kadib soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya.

    Heshiiskan ayaa yimid, kadib kulan mira-dhal ah oo ay wada qaateen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo danjiraha Imaaraadka Carabta, kaas oo diiradda lagu saaray hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay Al-Shabaab.

    Safiirjka Imaaraadja oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka.

    Sidoo kale wuxuu  si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee Hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

    Dhankiisa Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa uga mahaceliyay safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay muddada dheer a la garab taagan yihiin Soomaaliya.

    Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta ciidamada.

    404596632_341302055377013_63282977615278 404609807_341302068710345_22818059634516 405145532_341302125377006_44920392480884 405160749_341302095377009_62201097381574 405243235_341302108710341_38387641941023 405251760_341302132043672_45709792668049

    The post Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo heshiis cusub ku gaaray Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

  2. 8fb3d9a0-8ae0-11ee-952d-315cf478637e.jpg

    Warka la xidhiidha inuu is dilay nin dhallinyaro ah oo ku noolaa magaalada Galkacyo ayay qaar kamid ah warfidiyeenku Galkacyo tabiyeen, iyaga oo soo xiganayay dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa halka uu ku soo dhacay wiilkaan oo ka soo dhacay dabaq dhawr biyoono ah.

    Waxa lagu magacaabay Cabdirisaaq cabdulqaadir Khaliif, waxa uu ahaa macallin dhiga maaddooyinka Af-soomaaliga iyo xisaabta, waxana uu waqtiga ugu badan noloshiisa ku qaatay magaalada Galkacyo.

    Sidoo kale baaritaanada horu dhaca ah ee ay sameeyeen booliska Galkacyo ayaa sheegaya in wiilkaan uu kaligiis ahaa markii uu ka soo dhacayay dhismahan dheer, sida uu BBC da u xaqiijiay mid kamid ah saraakiisha Booliska ee kiiskaan gacanta ku haya.

    Xilli subaxnimo ah ayaa laga helay dabaqa hoostiisa, iyadoo durbadiiba loola cararay isbitaal, hase yeeshee dhakhaatiirta ayaa sheegay in markii isbitaalka la geeyayba aysan naftu ku jirin, sida aan ka soo xiganay qoyskiisa.

    Balse qoyskiisu waxay sheegeen war ka duwan waxa ay tabiyeen warbaahintu, iyo waxii ay u sheegeen goobjoogayaashu intaba.

    Maxamed Khaliif Diiriye, waa adeerka Cabdirisaaq, waxa ay meel kuwada noolaayeen in muddo ah, waxa uu sheegay in saaka ay ku kala ordeen warka kasoo yeeray dhinaca Cabdirisaaq.

    Waxaan ahay xog ogaal, isku guri ayan seexan jirnay wiilka, saaka ayaan ku baraarugnay warka dilkiisa ee nasoo gaaray, xanuun aan ku ogeyn majirin asaga oo caafimaad qaba ayaa noogu dambeysay” sidaasi waxaa yiri Maxamed Khaliif oo ah adeerka Cabdirisaaq.

    Adeerka wiilka ayaa ka hadlay wixii ay arkeen markii ay tageen meesha ay wax ka dheceen.

    “Waxa aan tagnay dhismaha ay wax ka dheceen, waxa aan u tagnay marxuumka oo burbursan lafihiisi ay jajabeen, dhaawacyo badan ay ka muuqdaan isla markaana dhiig baxaya isla markiina isbitaal ayaan ula cararnay”.

    Qoyska Cabdirisaaq ayaa sheegay in aaneyn ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa xilli goor sii horreysay la baahiyay in isagu uu dabaqa iskasoo tuuray.

    “Ma dhahayno Cabdirisaaq isaga ayaa is dilay, mana ogin mana hubno, ma jirin sabab aan ogeyn oo uu isku dili karo, haddana waxaa baaraya booliska oo kiiska gacanta ku haya”ayuu sii raaciyay adeerkiis.

    Galkacyo

    Maxamed Khaliif, adeerka marxuumka ayaa sheegay in Cabdirisaaq uusan horay isugu deyin dil isla markaana aysan qofku ogeyn wax isku dil ah oo qoysku ay ogyihiin.

    Dadka qaar ee ku sugnaa goobta oo la wadaagay wariyaasha inuu wiilku marar hore doonayay inuu is dilo ayuu ku tilmamaay borobogaando ay faafinayaan. Wuxuu ku adkeystay in marxuumku uu ahaa qof xaaladdiisu ay caadi hayd oo aysan jirin dhibaato la’ogyahay oo heysatay.

    Dhanka kale wuxuu sheegay inaysan jirin wax duruufo nololeed ah oo uu la daala dhacayay Cabdirisaaq, ama xaalad cusub oo lasoo deristay maalmihiisii ugu dambeeyay, taas oo sababi kartay in uu nafta is dhaafiyo, maadaama ay ahaayeen dad isku hoy ku wada nool.

    Cabdirisaaq waxa uu ku dhashay magaalada Gallaadi, da’diisa ayey qoysku ku sheegeen 30-meeyada, ifka waxa uu kaga tagay gabar, hase yeeshee hooyadeed waxa ay kala tageen inta uusan geeriyoon.

    Boosliska magaalada Gaalkacyo ayaa haatan gacanta ku haya kiiska marxuum Cabdirisaaq, iyada oo ay soo baxayaan warar kala duwan oo la xiriira sida uu dilkiisu u dhacayo.

    BBC-da ayaa xiriir la sameysay maamulka dhismaha uu dilku ka dhacay, hase yeeshee ma aysan suura gelin in aa helno.

    Dhacdooyinka ku saabsan in shaqsiyaad is dilaan ayaan aad looga soo tabin gobolada Soomaaliya. Arrintaas ayaa wax ugub ah ka dhigay kiiska Cabdirisaaq oo ilaa iyo haatan baaritaankiisu socdo.

     

    Qaran News


  3. 20231125638364715079046995.jpg?fit=660%2

    Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo war kasoo saartay xubinimada Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa u hambalyeysay dowladda federaalka, maadaama ay ugu dambeyn ku guulaysatay inay ku biirto Ururkan.

    Wasiirka koowaad ee Kenya, Musalia Mudavadi oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay soo dhaweyneyso ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in xoojinta xiriirka gobolka iyo kobcinta midnimada ay fure u tahay furitaanka awoodda ballaaran ee Bariga Afrika.

    “Si wadajir ah, waxaan u dhisi doonaa mustaqbal ifaya dhammaan muwaadiniinteena,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

    Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah ugu biirtay Dallada Bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

    Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

    1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

    2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

    3. Ganacsatada Soomaaliyeed oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan walwal la’aan.

    4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

    5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

    6. Ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

    7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

    8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.

    The post Maxay KENYA ka tiri guusha ay gaartay Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.

  4. Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

    Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

    Ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ayaa ah mid ay faa’iido weyn ka heli doonaan bulshada Soomaalidu, gaar ahaan ganacsatada Soomaalidu, kuwaasi oo ay kamid yihiin;

    1. Fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaalidu.

    2. Isu socodka bulshada ku mideysan EAC, iyagoo aan u baahneyn dal ku gal. Sidoo kale helitaanka Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika.

    3. Ganacsatada Soomaaliya oo sharci buuxa u helaya ganacsiga iyo hantida ka jirta dalalkaasi, dadkeenuna ugu ganacsadaan warwar la’aan.

    4. Soomaaliya waxa ay heli doontaa fursado ay badeecadda ugu iib-geeyaan dalalkaas, oo aan canshuur kale laga rabin.

    5. Xaquuq ganacsi iyo mid bulsho oo heer gobol ah.

    6. Ganacsatada Soomaaliya oo iyagu isaga kala gooshi doona dalalka qeybta ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

    7. Kobaca dhaqaalaha oo ay Soomaaliya ka helayso suuqa weyn ee EAC.

    8. Iskaashiga khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga.

    Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Africa ee EAC, iyaga oo ku tilmaamay ‘guul kale oo u soo hoyatay wadadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka.’

    “Waa guul kale oo u soo hoyatay waddadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka iyo xidhiidhka ay la leedahay dalalka deriska la ah. Hambalyo!’ ayuu lagu yidhi bayaanka Qarmada Midoobay.

    Source


  5. Kisumu (HOL) — Under the vast sky of Kisumu, the CECAFA U-18 Boys Championship unfolds on Saturday, a veritable feast of football that brings together the brightest young talents from East and Central Africa. At 12:00 PM local time, the Jomo Kenyatta Stadium will come alive as Somalia faces Rwanda in a match that's more than just a game; it's a curtain-raiser for a festival of football, where dreams are nurtured, and stars are born.

    Source: Hiiraan Online


  6. Polish_20231121_095148422.jpg?resize=582

    Maleeshiya-beeleed dhawaan ku dagaallamay degaanka Sheerbi oo ka tirsan gobolka Karkaar ayaa lagu guulaystay in la kala qaado sida ay wararku xaqiijinayaan.

    Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Bari iyo Karkaar oo kaashanaya waxgaradka labada dhinac ee dagaallamay ayaa sida lagu soo warramayo ku guulaystay in la kala qaado maleeshiyaadka.

    Odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale waxgaradka labada beelood ku qanciyay in gogol nabadeed loo dhigo magaalada Carmo ee gobolka Bari si loo hirgeliyo xabbad-joojin islamarkaana loo dhammaystiro nabadaynta.

    Amniga degaanka Sheerbi ayaa sidoo kale waxa weli gacanta ku haya cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo la kala dhex dhigay beelaha dagaallamay inkastoo laga bara-kacay degaankaasi.

    PUNTLAND POST

    The post Odayaasha dhaqanka oo ku guulaystay in la kala qaado maleeshiya-beeleedyo ku dagaallamay Sheerbi appeared first on Puntland Post.


  7. Waqti ay xabbad-joojin ka dhaqan gashay Gaza ayaa madaxweyne Joe Biden Jimcihi uu qaatay qeyb ahaan doorkiisii uu ku lahaa wadaxaajood lagu sii daayo la haystayaasha Xamaas gacantooda ku jira iyo Maxaabiista Israa’iil ay hayso, waxuuna sheegay inay tahay “natiijada diblomaasiyadda ballaadhan ee Mareykanka.

    Madaxweyne Biden ayaa sheegay in asaga iyo kooxdiisu ay toddobaadyo ka shaqeynayeen joojinta dagaalka, sidoo kalena ay cadaadis ku saarayeen in gargaarka bini’aadantinimo loo oggolaado Gaza iyo waliba sii deynta dadkii ay Xamaas ku afduubatey Israel 7-dii Oktoobar.

    Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Qatar, Masar iyo Israa’iil heshiiska horseeday in la sii daayo qaar ka mid ah maxaabiistii Xamaas ay qafaasheen.

    “Kaliya waa bilow laakinse, ilaa hdda, si fiican ayey wax u socdaan” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

    Source


  8. BF.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu si rasmi ah u furmo Kalfdhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, maadaama ay muddooyinkii ugu dambeeyay fasax ku maqnaayeen xildhibaanada Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in daah-furo kalfadhigan, isaga oo khudbad xasaasi ah u jeedin doono xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid aad isha loogu wada hayo, waxaana horyaallo shaqooyin muhiim iyo shuruuc ay soo gudbisay xukuumadda Xamza.

    Sidoo kale doodaha adag ee fadhigan waxaa kamid ah wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo ay ku howlan tahay Villa Somalia, lana filayo in xildhibaanadu ay go’aan ka gaaraan.

    Qodobka ugu weyn ee isha lagu wada hayo ayaa ah nidaamka cusub ee loo guurayo oo ah madaxweyne iyo ku xigeen, sida uu horay u shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh.

    Karkarinta iyo diyaarinta qorshahan ayaa hadda si wyen u socda, waxaana dhaq-dhaqaaqiisa durbo bilaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo todobaadkii hore kulan u qabtay xildhibaanada maamulkiisa ku metala baarlamaanka labada Gole, isaga oo kala hadlay wax ka beddalka Dastuurka oo uu tilmaamay inay tahay arrimo culus oo muhiim ah.

    Dhinaca kale waxaa arrintan kasoo horjeedo xubnaha mucaaradka oo hadda ay indhaha u furan yihiin, iyaguna waxa ay ku ballansan yihiin shir ay ku cadeynayaaan mowqifkooda.

    Furitaanka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli ay dalka ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay fatahaadaha.

    Si kastaba, labada aqal ee baarlamaanka ayaa inta badan dajiya shuruucda dalka, waana halka laga jaangooyo goaanada waa weyn ee siyaasaddda dalka.

    The post Wararkii ugu dambeeyay furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee BF iyo arrinta Dastuurka appeared first on Caasimada Online.

  9. Muddaharaad nabadeed oo ku jihaysan dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku muransan arrimaha doorashada ayaa saaka ka socda magaalada Garoowe.

    Muddaharaadka oo ay dhigayaan qaar kamida Haweenka ayay ku dalbanayaan in si nabdoon lagu dhammeeyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan khilaafaadka doorashada Puntland ee sannadka 2024.

    Haweenka ayaa ku baaqaya in aysan shacabka colaad u horseedin dowladda iyo siyaasiyiinta hubaysan islamarkaana khilaafkooda arrimaha doorashada ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka si looga baaqsado dagaal iyo qalalaase.

    Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka SSC ayaa magaalada Garoowe ka wada dadaal nabadeed loo lagu xallinayo xiisadda ka taagan doorashada waxaana ay shirar kala duwan la yeesheen dowladda iyo dhinaca mucaaridka ee ku muransan nooca loo galayo doorashada 2024.

    PUNTLAND POST

    The post Wararkii ugu danbeeyay ee dadaallada Nabadda ee ka socda magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.


  10. FF86EE71-4F93-4134-BD02-3C31BBEB292C_w40

    Maleeshiyo looga shakisan yahay in ay yihiin Islaamiyiin ayaa dilay ugu yaraan 14 qof weerar ay ku qaadeen tuulo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

    Kooxda weerarka geysatay ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin fallaagada Allied Democratic Forces (ADF), oo ah koox hubeysan oo Ugandan ah oo fadhigeedu yahay bariga Kongo.

    Maleeshiyada ayaa xilli habeen ah weerar ku qaaday deegaanka Makodu, xilli dadka deegaanka ay hurdayeen guryahooda.

    Duqa magaalada Oicha, oo ku taal Waqooyo bariga ee gobolka Kivu ayaa laga soo xigtay in fallaagada ADF ay dad rayid ah ku dileen mindiyo iyo qoryo ka hor inta aysan baxsan.

    PUNTLAND POST

    The post Maleeshiyaad hubaysan oo 14 rayid ah ku dilay dalka Kongo appeared first on Puntland Post.


  11. Liido.jpg?fit=1280%2C960&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

    Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in si gaar ah loogu beegsaday maqaayado iyo hoteello ku yaal xeebta, kuwaas oo ay ku caaweynayeen gabdho iyo wiilal dhalinyaro ah.

    Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa gudaha u galay xarumo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdcasiis, waxayna galeen qolal lagu isticmaalayay maan dooriye, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo ku dhow laamaha amniga.

    Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya oo la sheego in si aad ah loogu isticmaalo xeebta.

    Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan mamaulka gobolka Banaadir oo sheegay inay la dagaalami doonaan maan dooriyaha iyo dhaqan xumada.

    Horay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho,Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa u hoggaaminayay howlgal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, isaga gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag & dumar leh.

    Duqa Muqdisho ayaa xilligaas garaacay wiilal iyo gabdho ku jiray kalaabka, kuwaas oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

    Habeenka Jimcaha waa mid kamid ah habeenada ugu mashquulka badan Liido, waxaana inta badan isugu tega dhalinyaro kala duwan oo qaarkood isticmaala maan dooriyaha.

    Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka socday howlgallo lagula dagaalamayo maan dooriyaha, kaas oo uu hormuud u yahay maamulka gobolka Banaadir.

    The post Maxaadan ogayn oo xalay ka dhacay xeebta Liido? appeared first on Caasimada Online.

  12. Jabriil.png?fit=1920%2C1080&ssl=1

    Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

    Magacaabistan ayaa imaneysa kadib markii Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee Kenya, ee uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi muddo shan sano ah.

    Magacaabista Jabriil ayaa lagu qeexay mid muhiim ah, sababtoo ah danjiraha cusub ayaa loo arkaa mid ay is-fahmi karaan dowladda Kenya, isaga sanado badan kasoo shaqeeyey dalkaas.

    Abdullahi Mohamed, oo fallanqeeya Geeska Afrika, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu doortay shaqsi fahamsan Kenya iyo Soomaaliya. “Wuxuu ka dheeraaday khaladaadka madaxweynihii ka horreeyey [Farmaajo] ee la xiriiray Kenya,” ayuu yiri.

    “Jabriil Cabdulle wuu fahmsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal,” ayuu u Abdullaahi u sheegay wargeyska The East African.

    “Wuxuu aqoon u leeyahay jilba-weynta siyaasadeed ee Kenya, taasi oo u sahleysa inuu abuuro iskaashi istaraatiijiyadeed oo xooggan.”

    Jabriil ayaa beddelaya Maxamed Nuur Tarsan oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo 2018-kii, kaasi oo intii uu fadhiyey Nairobi labada dal ay dhex-mareen iska hor-imaadyo diblomaasiyadeed.

    Shantii sano ee la soo dhaafay ee uu Kenya ku sugnaa waxaa ka mid ahaa dhacdo ay labada dhinac xiriirka isu jareen 2019-kii, labo jeerna ay hakiyeen duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhaxeeyay.  

    Shaqada ugu horreysay ee Jabriil ayaa ah hagaajinta xiriirka labada dal iyo fududeynta furitaanka xuduudda labada dal, ayada oo Soomaaliya ay hadda ku biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

    Soohdinta ay wadaagaan labada dal ayaa xirneyd tan iyo 2009-kii, waxaana Nairobi ay dhawaan dib u dhigtay dib u furista si loo qiimeeyo xaaladda ammaanka.

    Jabiril ayaa ku lug lahaa nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo madax ka ahaa hay’adda CRD oo shaqooyin wanaagsan kasoo qabatay Soomaaliya.

    The post Magacaabista Jabriil: Xasan Sheekh ‘oo ka fogaaday’ khalad la mid ah kii Farmaajo appeared first on Caasimada Online.

  13. Deni-1.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa cadeysay in aanay marna aqbali doonij wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

    Maamulkan la aas-aasay 1998-dii ayaa udub dhexaad u ahaa qorista dastuurka ku-meel-gaarka ah, xilli uu Shariif Sheekh Axmed siiyay Cabdiraxmaan Faroole door siyaasadeed aan loo meel dayin.

    Muqdisho waxaa ka jira guux ku saabsan isbeddelka qodobo kamid ah dastuurka ku-meel-gaarka ah ee hadda lagu dhaqo dowladda federaalka. Si aan taas ka culeys yareyna magaalada Garoowe waxaa ka taagan xilligaan walaac ku saabsan isbeddel dastuur oo uu sameeyay Saciid Cabdullaahi Deni.

    Labada xaaladba ma sahlana, mid qoryo ayaa la isku sitaa, midna qalimaan. Laakiin Maamulaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ma rabo inuu hoos u fiiriyo midda uu isagu abuuray ee wuxuu fikrad ka dhiibanaya midda taalla dowladda dhexe.

    Puntland ayaa horey cilaaqaadka ugu jartay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyada oo Saciid Cabdullaahi Deni uu diiday ka qeyb-galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaran kadib markii uu Xasan Sheekh diiday inuu ra’iisul wasaare ka dhigo.

    Qoraal shalay kasoo baxay Puntland ayay kaga digeen cawaaqibka ka dhalan kara wax ka beddelka dastuurka ku-meel-gaarka ah, gaar ahaan qoddobka hab dhismeedka dowladnimada.

    Labadii madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya ayaa labaduba caashaqay inuu dalka noqdo hanaan madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ah, iyada oo la tir-tiraayo kursiga ra’iisul wasaaraha.

    Inkasta uu Farmaajo hoos u sheegi jiray damacaas, hadda Xasan Sheekh ayaa kor usoo qaaday weliba olole ayuu ugu jiraa.

    Markii aan u laabano Deni, dadka diidan hab fikirkiisa siyaasiga ah waxay leeyihiin waa nin isagu deegaankiisi ka abuuray mushkilad dastuuri ah, dhinaca kalena olole ugu jira inuu xaliyo mid kale oo heer federaal ah oo uusan itaal badan u haynin.

    Dadka tallooyinka siinaya hoggaamiyaha 45 cisho u harsan tahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxay leeyihiin marka hore ha soo gunaanado xiisadda ka dhalatay dastuurkii uu xoogga ku beddelay ee Puntland oo gacan ka hadalkiisa uu sababay in daraasiin dad ah ku dhintaan magaalada Garoowe.

    “Puntland waxay cadeynaysaa in aanay waxba ka dhaqan-gelin doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, iyada oo Puntland ay maqan tahay,” ayaa ku jirtay qoraalka uu shalay soo saaray Saciid Deni ee uu ku diidan yahay qorshaha dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax uga beddelayso dastuurka.

    Laakiin dhinaca kale waxay dadka xasuusan yihiin inay Puntland hore u diiday in ay timaado miiska, oo ay halkaa dhigato wixii ay diidan tahay.

    Sababta ay u maqan tahay waa arrin shaqsi ah oo Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ka dhaxeysa, taasi oo ka dhalatay kursiga ra’iisul wasaaraha. Laakiin arrintaan weyn ee masiiriga awgeed hoggaamiyaha Puntland weli ma ogola inuu miiska kusoo laabto oo uu halkaas wax ku saxo.

    Villa Somalia uma muuqato mid ku mashquulsan farriimaha Saciid Deni. Balse markii la eego miisaanka shaqada loo socdo, ahmiyadda ay leedahay in dalka la isku hayo iyo dhaqan-gelinta go’aamada waaweyn, waxay dad badani qabaan in Xasan Sheekh iyo Xamza u baahan yihiin inay sugaan inta ay xaaladda Puntland dhinac uga dhaceyso.

    The post DENI oo kala dooranaya laba mushkilad oo isku mid ah appeared first on Caasimada Online.

  14. Xasan-EAC.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

    Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah gu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

    Ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, halka dadka qaar ay si weyn usoo dhoweeyeen arrintaan oo ay sheegeen in faa’iido weyn u tahay dalkeenna, halka qaar kalena ay qabaan taasi beddelkeeda.

    Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

    Cabdicasiis Qaasim Maxamuud: “Waa guul wax ku ool ah oo usoo hooyatay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Mahadsanid Mudane Madaxweyne.”

    “Masha Allah Soomaaliya guul ayey u tahay ku biirista ururka bulshada bariga Africa isu-socdka ganacsatada Somaliyeed aad ayey muhiim ugu tahay,” ayuu yiri Cabdicasiis Aadan.

    Rooble Xalane ayaa isna yiri “Tahriiibka ayuu u fududeeyay waxba ma sooo kordhin madaxweynaha.”

    “Madaxweyne howl fiican ayaad inoo qabatay gacan waddanka horumarkiisa kaga shaqaynaysaa gacanta kalana Al-Shabaab ayaad kula diriraysaa,” ayuu yiri Saciid Yoonis.

    Cabdifataax Faarax Shire: “Somalia maxaa yaalla oo ay iib-gaynaysaa, war anagaa belo aragnay, dalalkan ayey dantu ugu jirtaa ee Somalia wax dan ah uguma jirto.”

    Cali Salaad ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa guul weyn oo usoo hooyatay dadka Soomaliyeed waxaan rajeeynaa in ganacsatada Soomaliyeed fursado fiican ka heli doonto.”

    “Hambalyo Madaxwayne waad dadaashay guul iyo horumar badan baan dalkeena u rajeynayaa iyo in aan ka faa’iidaysan doono dhaqaalaha Bariga Africa waxna ka badalo doono hanaanka dhaqaale ee Bariga Africa Birmade Dalxoreeye Hassan Sheikh Mohamud,” ayuu yiri Dalmar Maxamed Daahir.

    Shucayb: “Wax wayn maahan waa dano shaqsi, dowlada cusub ee imaan doontana albaabada ayay iskugu laabi doontaa.”

    “Shaqo Qaran oo dadkeena muhiim u ah ayaad qabatay Birmade Madaxweyne HSM. Dalka oo nabad ah iyo dadkeena oo karaamo leh,” ayuu yiri Cabaas Cabdullaahi Abshir.

    The post Sidee looga fal-celiyay ku biirista Soomaaliya ee EAC? appeared first on Caasimada Online.

  15. 404999696_332691262836047_33189395702422

    Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay waxa ay ka dhigan tahay billada hoggaamiyaha sanadka ee uu ku guuleystay guddoomiyaha shirkadda Hormuud, Axmed Maxamed Yuusuf.

    Axmed ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee CXO of the Year, oo ay Africa Tech Festival ku abaal-mariso madaxda shikradaha Afrika, ee horumarro iyo guuplo waaweyn u horseeday shirkadaha ay hoggaamiyaan, kana qeyb-qaatay horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Afrika.

    Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in billadda uu ku guuleystay Axmed ay tahay mid ay ku wada guuleysteen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

    “Muwaadin Soomaaliyeed in uu ku guuleysto abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, waxa ay ifafaalo wanaagsan ka bixinaysaa horumarka Tiknaloojiyadda dalkeenna iyo hal abuurka dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

    Sidoo kale waxa uu yiri “Billadda uu ku guuleystay Guddoomiyaha Hormuud Telecom Xaaji Axmed Maxamuud Yuusuf ee hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ka shaqeeyey horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dalalkooda waa mid ay ku wada guuleysteen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee durafihii adkaa ku wajahay dhabar adayg iyo dadnimo.”

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu shirkadda Hormuud, hoggaan iyo howl-wadeenba ugu hambalyeeyay guushan taariikhiga ah, isagoo bogaadiyay doorka wanaagsan ee shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan horumarka dalka.

    Guddoomiye Axmed Maxamuud ayaa Soomaaliya guul uga soo hooyay abaal-marintan oo ay kula tartameen madaxda shirkadaha Orange Egypt, Vodacom Group, Sasfin Bank, iyo African Bank.

    The post Xamza oo sheegay waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay billadda Axmed Maxamuud appeared first on Caasimada Online.

  16. XEERARKA QURAANKA EE BULSHOOYINKA
    Habsamida bulshooyinka waxaa xukuma sida ay isu abaabulaan siyaasad ahaan.Horumarka iyo dib-u-dhaca,saboolnimada iyo hantida,awoodda iyo tabardarrida intuba waxay la xiriiraan qaabka dhaqan-siyaasadeed ee bulshada.Kacaannadii taariikhda aadanaha soo maray waxay ahaayeen kuwo la doonayey in lagu beddelo habka siyaasadeed ee bulshada.Siyaasaddu waa sida loo maareeyo dhibaatooyinka lasoo darsa bulshada,waxayna u dhigantaa meesha madaxu kaga jiro jirka intiisa kale.
    Diimuhu waxay ahaayeen kacaanno fikir oo la doonayey in lagu beddelo sida dadku u arkaan jiritaanka guud ahaan,taasoo iyaduna saamayn ku leh siyaasadda.Kacaanka diimuhu wuxuu noqon karaa mid diin cusub dhidibbada loogu aasayo ama lagu turxaan bixinayo diin horay u jirtey.
    Kacaan diimeedyadaas waxaa,sida aan anigu qabo,ugu weynaa kii Quraanka ee uu Nebi Muxammed(caleyhi alsalaam) la yimid.Quraanku waa dhambaalkii Nebi Muxammed Alle usoo dhiibay,waana mid aragti guud ka bixinaya jiritaanka uunka iyo nolosha.Sidoo kale wuxuu Quraanku tilmaamayaa arrimaha ay ku guulaysato bulshada guud ahaan(siyaasadda) iyo qofkaba.
    Labadan qodob ayaa Quraanku asal uga dhigayaa bulshada caafimaadka qabta.Bulsho kasta inta ay ka dhaqan geliso labadan qodob ayaa halbeeg u ah horumarkeeda iyo dib-u-dhaceeda,saboolnimadeeda iyo dhaqaalahooda,awooddeeda iyo itaaldarrideeda.Xeerarkani cidna uma eexdaan kamana eexdaan,waxayna la mid yihiin xeerarka dabiicadda.Korontadu qofkii si khaldan u isticmaala way gubin gaal iyo muslinba,qofkii si fiican u isticmaalana faaiidooyin badan buu ka helin.
    Labada xeer ee Quraanku inoo tilmaamay si aan u baraarno bulsho ahaan waa;
    1)Sinnaan iyo caddaalad(qaybta hore ee aayadda 25,suuradda Alxadiid).Alle wuxuu halkan ku sheegayaa in sababta rususha loo soo dirayiba ay tahay in dadku cuskado,kuna istaago sinnaan iyo caddaalad.Taasi waxay ku tusin sida sinnaanta iyo caddaaladdu Alle agtiisa ugu weyn tahay.Erayga Quraanku adeegsaday waa Alqisdhبالقسط,waana in qof kasta helo wuxuu xaq u leeyahay.Eraygu waa ka qoddo dheer yahay caddaalad,wuxuuna daboolayaa samafalka dadku xaqa u leeyihiin ama loogu leeyahay.Eraygani waa kasoo horjeedka musuqa.Musuqu heer bulsho waa in la boobo hantida guud,eex iyo laaluush.Musuqu wuxuu dadka qaar siinayaa wax aysan xaq u lahayn,qaarna wuxuu ka hor istaagayaa waxay xaqa u leeyihiin.Bulshada oo dhan wuu fasaadinayaa wuxuuna taabanayaa nolosha oo idil.Burbur,saboolnimo,dagaal sokeeye iyo dulli ayey ku dambeyn bulshada musuqu hareeyo.Dadka ku astaysan sinnaanta iyo caddaaladda wuxuu Quraanku u yaqaan «muqsidhiinالمقسطين»,Allena waa jecel yahay (almumtaxina,8).Kuwa kasoo horjeeda ee musuqa caadaysta wuxuu Quraanku u yaqaan»alqaasidhuunٱلْقَاسِطُونَ »,waxayna noqon qoryaha Jahannama(aayadda 8,Aljinn).Sababta ay Jahannama ku mutaysteen waa weynanka dembigooda waayo waa mid saamaynaya qof kasta oo bulshada ka mid ah.Qofka booba hantida guud wuxuu wax ka boobay dadkoo dhan.Immisa agoon,curyaan iyo masaakiin ah ayaa wax ku leh hantidaas la boobay.Sidoo kale eexda iyo laaluushku waxay cirib xumadoodu saamaynaysaa bulshada oo dhan boqollaal sano oo soo socota.
    Haddaad eegto dalalka adduunka waxaa kuu caddaanaysa in horumarka dalalka uu halbeeg u yahay qodobkaasi.Xakamaynta musuqu waa arrinta kala saarta heer nololeedka iyo horumarka bulshooyinka adduunka.Hantida guud waxaa lagu maalgelinayaa danta guud sida waxbarashada,caafimaadka,waddooyinka,dekedaha,difaaca iyo kaabayaasha dhaqaalaha.Shaqabixinta waxaa sal u noqonaya aqoonta iyo waayo-aragnimada taasoo kor u qaadaysa tayada waxbarashada.Aqoonyahannadu waxay helayaan hanti ay ku fuliyaan cilmi-baaristooda.Marka ay shaqooyinka qabtaan dad aqoon u leh waxaa kasoo baxaya natiijo muuqata,wax kastana waxay u shaqaynayaan sidii loogu tala galay.Bulshadaasi waa mid awood leh oo iska difaaci karta cid kasta,adduunkana sharaf ku leh.
    2)Xeerka labaad waa wadatashi “Alshuuraa»(aayadda 38,Alshuuraa).Suurad Quraanka ka mid ah ayaa lagu magacaabay wadatashiga.Wadatashigu waa habka loo maaraynayo arrimaha bulshada dhexyaal sida awood qaybsiga.Eraygu wuxuu xambaarsan yahay xornimo waayo wadatashi macno ma leh haddii aan dadku xor u ahayn inay taladooda dhiibtaan.Habka loo abaabulayo wadatashiga waa mid u yaal bulshada,laakiin waa in dadku xor u yihiin soo jeedinta talooyinkooda iyo fikradahooda.Habka talo jeedintu wuxuu noqon karaa qoraallo,raadiyo,TV iwm.Bulshada qodobkan adeegsata waa bulsho furfuran oo aqoonteedu sarreyso.Waa bulsho dadku aqbali karo kala duwanaanshaha fikradaha,diimaha iyo mad-habadaha.Waa bulsho musuqu ceeb agtooda ka yahay waayo waa lala xisaabtamayaa dadka xilalka kala duwan u haya bulshada.Wadatashigu wuxuu keenayaa inay jiraan sharciyo iyo xeerar lagu heshiiyey(Dastuur) kuwaasoo loo noqdo marka khilaaf yimaado.Xagga aqoonta,wuxuu qodobkani kor u qaadayaa cilmi-baarista waxaana bulshadu yeelanaysaa dad badan oo aqoon u leh cilmiyada kala duwan.Abwaannada iyo farshaxan yaqaannadu waxay helayaan fursado ay kusoo bandhigaan murtidooda.
    Waxaa nasiibxumo iyo amakaag ah in labadaas arrimmood ee Quraanku noo tilmaamay ay ugu liitaan dadyowga muslimiinta ahi.Sababta taas keentay waxaan u deynayaa akhristaha waayo ma aha ujeeddada qoraalka,waxaanse ugu baaqayaa in baaritaan dheer muhim yahay oo aysan ahayn arrin fudud.
    Maanta waxaa horteenna lagu gumaadayaa reer Falastiin,Labo bilyan oo muslimiin ahina waa daawanayaan iyagoo aan waxba qaban Karin oo ciil iyo caloolxumo la liita.Sababtu waa labada qodob oo kore oo muslimiintu aad ugaga liitaan dadyowga kale.
    Dalkeennu sannad kasta wuxuu kaalinta koowaad ka galaa musuqa,natiijaduna waa midda aynnu u wada jeedno,lagamana yaabo inaan ka baxno godkaan mugdiga ah ilaa aynnu dhaqan gelinno labada qodob ee kor ku xusan.Waan dhaqan gelin karnaa haddaynnu helno hoggamiyeyaal ka danqanaya xaaladda dalka iyo dadka,ka xishoonaya magac xumada iyo ceebta,Alle iyo aakhirona rumaysan.
    Qore:CabdiRaxmaan sh.Cilmi Xaashi

    Qaran News